Waxaa maanta magaalada Qardho laga furay Dhismo weyn oo isugu jira Isbitaal,Supermarket,
farabadan.
Ugu Horeyntii waxaa xafladani ka hadalay mid ka mid ah Mas’uuliyiinta Isbitaalka Balsam Hospital Axmedh Nuur Shiikh Ibtaahim ayaa sheegay in Daawada laga helaayo Isbitaalka ay tahay Daawo Casri ah Somaliya marka laga hadlayo waa meeshii ugu horeysay ee la keenay daawooyinka noocaan
oo kale,waxa uu xusay in isbitaalkaan loogu talagalay in ay ka faa’iideystaan Bulshada qeybaha kala duwan,waxa uuna maamulka Xusay in la keenay Dhaqatiir kala duwan sida Dhaqtarka Cudurada guud oo lagu Magacaabo Seyfullaahi Sayidullaahi,Dhaqtarka Wadnaha oo lagu magacaabo Caalim Karimowf iyo dhaqtarada Haweenka iyo Qaliinka oo lagu magacaabo Narsugul,waxa uuna maamulka carabka ku dhuftay in loo baahanyahay in siweyn ay ugu faa’ideystaan shacabka ku nool magaalada waxaana laga
bixi doonaa in goobo fog fog ay u raadsadaan caafimaad,iyado dadka ku nool Qardho ay dhici jirtay in safaro caafimaad ay u aadan Wadamada Dibadda taas oo qarashaad badan ugu baxa.
Xoghayaha Dowladda Hoose Mr. Maxamuud oo xariga ka jaray Dhismahaani ayaa sheegay in maanta magalada Qardho ay heshay goob caafimaad oo loo dhameystiray Dhammaan qalab casri ah oo si weyn ay ugu faa’iideysan doonaan dadka ku dhaqan magaalada Qardho,waxa uuna ka maamul ahaan soo
dhaweeyey in magaalada laga hirgaliyo Isbitaalkaan muuqaalkaan leh,oo la keenay dhaqaatiir casri ah oo in badan wax ka qabn doono xaaladaha Caafimaad ee ka jira Magaalada.
Sarkaal ka socday wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegay in Dowladda ay dhiirigalineyso in la furto xarumo caafimaad oo si gaar ah loo leeyahay,iyadoo sarkaalkani ka dhawaajiyey in xiriir dhow ay
yeelandoonaan xaruntaani caafimaad oo ku tilmaamay mid casri ah oo nuuceeda laga hirgaliyo magaalada waxa uuna u rajeeyey in dadka ay ka faa’ideystaan Daawada Casiraga ah ee maamulka isbitaalka keenay.
Nabadoon Maxamed Aadan oo ka hadalay xafladaani ayaa sheegay in shaqsi ahaan labo mar dibadda caafimaad u aaday tasina waxaa keenay in ay aheyd daawada la keena dalka oo tayadeeda liidata laakiin waxa uu carabka ku dhuftay in maanta wixii ka danbeeya laga bixidoono baahidii loo qabay in dibadda loo aado caafimaad,waxa uuna shacabka ugu baaqay in lala shaqeeyo maamulka iyo dhaqaatiirka lana soo dhaweeyo cid walbo oo hormarka magaalada ka shaqeyneyso.
Dhismahaan ayaa ah dhismihii ugu horeeyey ee nuuciisa oo kale laga furay magaalada waxaana la rajeenayaa in wax weyn ka badali doono dhaqdhaqaaqii ganacsiga ka jiray magaalada,Bilicda,Dhanka Jiifka hoteelada,iyadoo si gaar ah Dhismahana u leeyahay Hoolala loogu talagalay in shirarka lagu qabto.

C/raxman Maxamed Cali (Black)
Qardho- Puntland-
maasha allah, awalan waxaan leeyahay Alxamdulilaah, ilaahey ha idiin siyaadiyo reer qardho iyo dhamaan reer puntland, waa noo farxad iyo guul somali hadaan nahay inaan hadba sawiradaan dhiiri gelintaa aragno, waan jeclaadey qaabka dhismaha waxaana hada ku fakerayaa midkaan oo kale sidaan uga dhisi lahaa halkii aan ku dhashey oo ah cadaado,
thanks all radio muqdishu employees, well done guys
Good job. MaashaAllah.
Masha allah sidaas ayaa loobahanyahay in aan dhamaanteen kudayano,always think of positive way! Waliggaa ufakar dhanka wanaagsan insha allah
masha allh wa wa tallabo horay loo qaaday halkaas kasii wada
maasha’allaah waa horrumar lagu talaabsaday hambalyo ayaan leeyahay