Isbedello Dhanka Ganacsiga Ah Oo Laga Dareemayo Degmooyinka Shabeelada Dhexe Ee Al-Shabaab Laga Xoreeyey
Published on December 7, 2012 by Jayte · 3 Comments · 2,508 views
Isbedello dhanka ganacsiga ah ayaa laga dareemayaa deegaannada iyo degmooyinka gobolka Shabeelada Dhexe kuwaasi oo dhowaan laga xoreeyey Maleeshiyada kooxda Argigixisada ah ee Al-Shabaab.
Wariyeyaal iyo sawirqaadeyaal ka tirsan Warbaahinta Qaranka oo maanta booqday deegaannadaasi iyo degmooyinka gobolka Shabeelada Hoose ayaa kusoo waramaya in isbedellada laga dareemayo goobaha la xoreeyey uu ka mid yahay dhanka ganacsiga.
Deegaanka Qalimoow oo ah deegaan aad ugu dhow magaalo madaxda gobolka Shabeelada ee Jowhar ayaa ka mid ah deegaannada uu sida aadka ah isbedelkan looga dareemayo waxaana ka soconaya ganacsi aad u xoogan.
Qaar ka mid ah ganacsatada deegaanka Qalimoow oo wareysi siiyey Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in intii deegaanka la xoreeyey uu ganacsiga si tartiib tartiib ah usoo laabanayo islamarkaana ay deegaanka kusoo laabteen hada ganacsato markii hore deegaanka uga cararay baada ay sida joogtada ah u qaadi jireey argigixisada Al-Shabaab.
Ganacsatadu waxey ku ammaaneen Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan deegaanka Qalimoow sida ay amnigooda u sugeen waxaana ay xaqiijiyeen ganacsatadu iney Ciidammada la leeyihiin wada shaqeyn buuxda.
Sidoo kale degmada Balcad ee gobolka Shabeelada Dhexe ayaa iyana laga dareemayaa isbedel si aad ah u weyn oo dhanka ganacsiga ah maadaama ay degmadaasi mudo bilooyin ah xor ka tahay kooxda argigixisada ah ee Al-Shabaab.
Madaxweynaha dalka Kenya Uhura Kenyata ayaa sheegay in ...
Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Shiiq Maxamuud ayaa ...
Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka ku dhaqan magaalada Kismaayo ...
War Duhur 25-05-2013
Waxaa ka socda caasimada dalka Kuwait qabanqaabada loogu ...
Wasaarada arrimaga gudaha iyo amaanka qaranka ayaa maanta ...
Hay,adda maaeaynta musiibooyinka qaranka ayaa maanta deeq raashin ...
Ciyaaraha Hidaha iyo dhaqanka, Raashinka ay Soomaalidu dhaqanka ...
WAR SUBAX I 25 05 13
Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxaa ...
Dadka xoolo dhaqatada ah ee ku nool deegaanno ...
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Stockholm ee ...
Shir looga looga hadlayo ganacsiga iyo maalgashiga waddankan ...
Kulan looga hadlayay dhibaatooyinkna soo wajaha haweenka soomaliyeed ...
Addis Ababa, 24 May 2013 )Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ...
Barnaamijka Nasashada Todobaadka waa Barnaamij Todobaadle ah waxaana ...
Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya waxaa laga ...
Munaasabad lagu soo dhaweynayay Gudoomiyaha maamulka gobolka Gal-gaduud ...
WAR HABEEN 24.05.2013
Wasaarada ammaanka maamul goboleedka Ximan iyo Xeeb ayaa ...
War Duhur 24-May-2013
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Shabeelada Hoose ayaa ...
Wasiirrada Arrimaha Dibadda urur goboleedka IGAD oo shir ...
Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ...
WAR SUBAX 24.05.2013
Madaxweynaha Mareykanka Barrack Obaama ayaa sheegey in awoodii ...
Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya ayaa ka hadashay kororka ...
Maamul gobaledka Galmudug ayaa arrin lagu farxo ku ...
Puntland oo xukun dil ah ku riday dad ...
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
Rabshadahan ayaa dhowrkii cesho ee la soo dhaafay ...
Waxaa la Ogaysiinayaa dhamaan Dadweynaha Soomaaliyeed ee ku ...
Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane ...
WAR HABEEN 23 05 2013
Muddooyinkii dambe horjoogayaasha maleeshiyaadka Al-Shabaab waxaa soo kala ...
Shareecada Islaamku aad ayay uga dardaar warisay dhagarta ...
Dabayaaqadii 2010 ilaa bartamihii 2011-kii Soomaaliya waxaa ka ...
Walaahi aniga farxad gooniah ey iitahay maxaayeelay qalimow waankudhshay
MAASHAA,ALLAH AAD IYO AAD USOO DHAWEYNAYAA GUULAHA AY CIIDAMADA QALABKA SIDA EE QARANKA SOOMAALYEED GAAREEN,WAXAAN KALOO HALKAAN HAMBALYO UGU DIRAYAA SHACABKA QALIMOOW EE GOBOLKA SH/DHEXE MAR HADDII ILAAH KA DULQAADEY MOORYAAN DIINEEDKII DHIGOODA IYO HANTIDOODA BANEYSTAY,WAXAANA KA CODSANAYAA SHACABKA QALIMOOW INEY LA SHAQEEYAAYAAN CIIDAMADA DOWLADDA OO AY NABADDA IYO HORUMARKA MAGAALADOODANA GACAN BIR AH OO WADAJIR AH KU WABTAAN,,,,,,,,MAHADASANIDIIN…………..
allaah ka dulqaado umada soomaali ee ku nooll gobolada iyo dagmooyinka dal waan dareemi karnkarnaa xurnimada in qaali tahay waxaa dhacday in umada la galiyay gumeeysi dhal walba leh.waxaad ogataan qaf ama qoom wax dulmiyaa ma waaro waan aragnay marka sabarka iyo ducada badiya kuwaan waa baxayaan ee illaah noomo keeno kuwa ka daran.waxaan rabaa in aan xasuusiyo umada soomaaliyeed in dumilaha allaah raali ka eheeyn marka walaaleyaal aan iska dhaafno dulmiga.waxaan allaah ka baryaa umada soomaali oo nabad iyo doowlladmi kuwada jirto mar uu allaah natuso.waxaa jito caruur aan arag mdoowladnimo iyo nabada haba sheegin waxaa looga fadhiyaa 22 jirka aanan arag nabbad iyo doowladnimo in wax labaro loo abuuro shaqo marka waxaan warkeeyga ku soo xiraa qaf walbo oo qaan gaar ah wadankan masuul ayaa ka saaran maxaa yeelay dadka waa walaalahaa wadankana waa wadankaagi isku dan in aad wax uqabato .heebat waxaad ku leedahay dhulkaadda hooyo waa lama huraanee hagar li wax ugu qabo.