Waxaa manta Magaalo maddaxda dalka Burundi ee Bujumbura si rasmi ah ugu furmay tababar la siinayo in ka badan 120 shaqaalaha Dowladda Federaalka ah kaas oo ay qabaneyso Midowga afrika (Africa Unioin) iyadoona shaqaalahaas la bari doono Habmaamuuska & Maamulka Dowladnimo.
Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay ka soo qeyb galeen wafuud badan oo ka kala socotay wadanka marti galinaayo Tababarka , safiiradda Safaaraddaha wadama deeqda bixiya eek u sugan magaalada Bujumbura & waliba safiirka soomaaliya ee Burundi Hon. Abshir Hassan Abshir ayaa lagu qabtay hoolka uu ka dhacayey Tababarka.
Waxaa ugu horeyn xaflada furay wakiilka Middowga Africa ee soomaaliya asigoona sheegay in ay midowga Africa u tahay maalin weyn waayo waxa ay tababar u bilaaween in ka badan 120 shaqaalo kuwaas oo u baahnaa tababarka wuxuuna sheegay in ay diyaar u yihiin caawinta shaqaalaha dowladda aysan intaan ku ekaan doonin tababarada ay bixinayaan.
Cali maxamed Xuseen (Cali Atam) oo ka mid ah Saraakiisha Maddaxtooyada Soomaaliya kuna hadlaye afka shaqaalaha ka badan 120 ayaa khudbad qiimo leh uu halkaas ka jeediye waxa uu aad ugu mahadceliye midowga Africa iyo intii gacanta ka geysate qabsoomida Tababarkaan qiimaha weyn ku fadhiyo, wuxuu shaqaalaha Dowladda ee fursadaan helay uu kula dardaarmay in ay waxa ay barteen ugu faa’iideyaan shacabka soomaaliyeed ee shaqada u hayaa, intii aan helina ay sugaan jaaniskooda.
Wasiirka Dhallinyaradda, Isboortiga & Dhaqanka dalka Burundi oo soo xeray xaflada Furitaanka asigoona ku hadlaye afka Maddexweynaha dalka Burundi & dhamaan Golaha Wasiiradda dalkaan ayaa yiri”waxaan aad ugu faraxsanahay in aan manta halkaan idinku soo dhaweeyo anigoo ku hadlaayo magaca shacabka Burindi adinkoo ah shaqaalaha dowladda soomaaliya waxay noo tahay arrin weyn, waxaan u mahadcelinayaa intii arrintaa ka soo shaqeysay qaasatan midowga Africa & intii ku taageertay waxa aan si gaar ah ugu sii mahadcelinayaa Jaamacadda South Africa oo ah Jaamacadda Africa ugu hormarsan oo duruusta idin siin doonta ka faa’iideysta wadankiinana wax ugu qabta” sidaas waxaa yiri wasiirka Dhallinyadda, Isboortiga & dhaqanka dalka Burundi.
Ugu danbeyntii shaqaalaha Tababarkaa u furmay ayaa ah kuwa maalmihi ugu danbeye soo gaaray wadankaan iyagoona ka kala socda dhamaan Hay’addaha kala duwan ee dowladda waana tababar ay aad ugu baahnaayeen shaqaalaha soomaalida iyagoona hadda wajiga koowaad lagu siin doono tababar la xiriira Hab maamuuska & Maamulka (Protocol & Administration Management).
Omar Abdirizak hussein
Bujumbura-Burundi
Tababarkaan wuxuu qeyb weyn ka qaadanaya ,habsami u socodka howlaha xafiisyada dowladda federaalka ee soomalia,waana arin loo baahnaa in shaqaalaha dowladda dib loo tababaro lana gaarsiiyo meel ka sareyrsa aqootii iyo howl qabadkii ay lahaayeen labaatan sano ka hor.
Masha allah waa wax wanaagsan wax tar uleh ummada somaliEed shaqalaha waxaan karajeyneynaa inay sidaytahay ugu faaiideyaan shacabka kaharay asAgood!
Waa tabar aad iyo aad u wanaagsan, una soo kor dhinayaa shaqaalaha Soomaliyeed ee u adeegi doona mustaqbalka umada Somaliyeed. Lakiin waxaan iswaydiin leh, dowlada Burundi ma u noqonkartaa hormood arintaas? Afka lagu bixinaayo casharada ama tabaraayo waa afkee? Mese waxay heestaan tarjumayaal Jabuutiyaan aha
Wa arin lagu farxo horay usocda somaliyeey
asc wr wbr walaalayaal shaqaalaha fursada u helay tabarkoow anigu waxaan ku noolahay yurub gaar ahaan switzerland, inka badan 20 dal oo dunidaa ayaan tegay waxaan ogaaday ineysan jirin meel qofka uga wangsan dalkiisa bal qiyaasa adinka oo dowladiinii idiin direyso tababar aaddalka uga shaqeysan. aan u gudbo ujeedada hadalkeyga waxaad leedihiin nasiib ka faiidesta casharada leydin siinayo iska ilaalsha qabiilka musuqmasuqa iyo nin jecleysiga dalkiina wax ubarta oo kasoo dhalaala waajibka idinsaaran ogaada dalkiina uunbad sharaf ku leedihiin. cabdullahi boohaar 41765484936 switzerland
Asc horta waa wax wanaagsan in kor looqaado aqoonta shacbiga soomaaliyeed, lakin waxaan aad u jeclaanlahaa in ay shaqadaas qabtaan jaamacadaha dalku leeyahay, waayo waxaan leenahay macalimiin ka aqoon badan ku k/africa laga keenay oo waliba afsoomaali ku hadla dhaqankeena iyo meelaha aytahay in shaqaalaha laga dhisana waxbadan ka yaqaan, waxaa inaa dheer macalimiinteena waxaan qabaa inay nasiinlahaayeen waqti dheeraad ah iyo casharro ka badan kana faa’iido badan kuwa burundi loo aaday ayadoo qarashkuna aad uga yaraanlahaa kan hadda naga baxaya
Maasha guul ayaan leyahay somaliya oo dhan
masha alaah wa arin iyadana loo baahna in mel walba leska dhiso wa wax muhiim ah ilaah inta noo dhiman hano dhameyo dowlad la an cidku nolan katahi ma jirtee ilaahow noga so gargaar