Gabagabada dhigista cowska artifishalka ee garoonka stadium Banadir ayaa waxaa ay astaan u tahay in uu soo dhamaaday wajigii hore ee dhismaha garoonka, sida uu sheegay xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Sacdiid Carab oo maanta war saxaafadeed arrintaa ku aadan kasoo saaray xafiiskiisa Muqdisho
“Anigoo ku hadlaya magaca xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta waxaan u mahad celinayaa guddoomiyaha ururka kubada cagta aduunka ee FIFA Joseph S.Blatter iyo xubnaha guddigiisa guusha ay ka gaareen meel marinta barnaamijkan weyn oo soo bilowday xili marxalad adagi ay ka jirto dalka Soomaaliya—talaabadaasi waxaa ay muujineysaa sida ay uga go’an tahay guddoomiye Blatter iyo gudigiisa in ay horumariyaan kubada cagta Soomaaliya iyadoo si gaar ah ay FIFA u gacan siineyso Soomaaliya”ayuu yiri xoghayaha Guud Cabdi Qani Saciid Carab maanta.
War saxaafadeedka xoghayah guud waxaa lagu sheegay in xiriirka Soomaaliyeed uu aad ugu mahad celinayo sidoo kale shirkada Green Fields oo iyaduna barnaamijkan soo bilowday waqti adag.
“Waxaa ay Greenfields noo sii dirtay Injineer khabiir ah oo bixiyay dadaal badan si uu u xqiijiyo dhameystirka howshan quruxda badan muddo 6 todobaad ah oo uu nala joogay magaalada Muqdisho—Waxaan amaan gaar ahaaneed usoo jeedineynaa Mr. Lex vander oo naftiisa usoo huray in uu shaqadan u qabto Soomaaliya xilligan adag”ayuu xoghayah aguud ku yiri war saxaafadeedkiisa maanta, isagoo intaa raaciyay in xiriirka Soomaaliyeed iyo dhamaan bahweynta kubada cagta Soomaaliya ay aad u amaanayaan khabiirkan kuna qanacsan yihiin shaqada uu qabtay.
“Waxaan rajeyneynaa in Mr.Lex Vander uu mar kale kusoo laaban doono Soomaaliya si uu shaqdan oo kale uga qabto garoonka weyn ee Stadium Mogadishu oo uu dhawaana qiimeyn ku sameeyay shaqada uu u baahan yahay inta ay la egtahay”ayuu xoghayaha guud sii raaciyay hadalkiisa.
Waxaa uu sheegay xoghayuhu in xiriirka Soomaaliyeed uu hada ku faraxsan yahay in wajiga hore ee shaqada dhismaha uu soo dhamaaday ayna ka sugayaan FIFA iyo Green Fields in ay si dhaqso ah u bilaabaan qeybaha ka haray dhismaha garoonka.
“Hada waxaan heysana agaroonkeena oo ku qaabeysan cows-ka artifishalka oo aadna u qrux badan, laakin garoonku wax cayaar ah hada ma marti gelin karo iyadoo sababtuna ay tahay qeybo kale oo muhiim ah oo aan wali la dhisin sida musqulaha, qeybta VIP-da , qolalkii cayaartoydu ku labisan lahaayeen iyo dayactirka fadhiga caadiga ah ee dadweynaha—markaas ayuu garoonku cayaar marti gelin karaa waana ka sugeynaa FIFA iyo Greenfields in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u dhameystiraan qeybaha haray wayna balan qaadeen”ayuu yiri xoghayaha guud Cabdi Qani Saciid Carab.
Waxaa uu sheegay in horyaallada kubada cagta Soomaaliya ay bilaaban doonaan bisha April ee sanadkan xiligaas ka horna ay rajeynayaan in FIFA iyo Greenfields ay dhameystiraan qeybaha dhismaha ka haray,
“Shirkada heysata qandaraaska dhismaha ee gudaha ee EMECO awood ayay u leedahay in ay qabato qeybaha dhismaha ka haray waxaana mar kale ka codsanaynaa FIFA iyo Greenfields in ay usoo dadajiyaan waxyaabaha ay u baahan tahay si ay u dhameystirto dhismaha inta ka harsan”ayuu yiri xoghayaha guud ee xiriirka kubada cgata Soomaaliyeed Cabdi Qani Saciid Carab oo war saxaafadeed arrinta garoonka ku aadan soo saaray maanta.
By Shaafici Muxuyadiin
Email:shaficiislow@yahoo.com
masha allah!!!!!! ilahow nabadda noo kordhi!!
Mashaa alaah waxaan rajeynaana in dhamaan goormada kale harsan saan laga dhigey guul ayaan leeyahey Somaali
Mashallah waa arin wanaagsan
maasha allah ilaahow wadan keena inoo hagaaji
MAASHA ALLH SAAS AYAA LARABAA SOOMALIA MAANTA WAXAA DAREMAA IFTIIN IYO BARWAAQO BAL ARKA MACAANTA DALKAA HOOYO YAA SALAM.
Masha allah wallahi waa arin lagu farxo waana hormarka dhalinyarada somaliyeed dhalinyarada waxaa leeyahay ku da,daala hormarka sportska!!!
garoonka caadi maahan masha allah waa tinaa xamarta aan naqaaney .hada waa in ay isdhisaan MADBACAD HORSEED MIDNIMO.TEAM MAM KII AN NAQAANEY .war waan soo soconaa maxaa meeshan nagu haayo dibada .
run ahaantii waamid u soohoyada shacabiga somaliyeed tasina waxan uga mahad celinaya rabi aska yaa mada dhamaystiran leh kadib shabka somaliyeed waxaan u sheegay war horay looyiri oo ahaa DALWALBA DADKIISAA DHISA EE HAWADA SHAQEENO WALAYAALOOW
waa guul lagu farxo waana uga mahad celineynaa xiriirka soomaaliyeed in uu damacsan yahay stadium mogadishu in uu dhios marka howsha garoonka banaadir dhamaato.. doaldu ha garab siiso xiriirka
wlh waa wax lagu farxo
allooow anoo cagta saaarın ha ıdılın vııv coonıs stadıum horyaaalka wadankana haduu xııso yeelan doonaa NO more man utd some thıng lıke that wadamo shısheeeye love my people and my wadankayga mıss them
alxmd marka hore alle ayaa mahada leh wana la dadaalay lkn cowska in la dhigo in goronka la hagajiyo mayna ka wanagsanen tasi
asc dhaaman inta jacel hoormarka somalia waxa ku farax saanahay siida ee u dadaleso dowlada iyo radio moqdisho siidan naaga farxiya aya leyahay waanaga aya jeclahay byyyyyyyyyyyyy
Maasha Allah Hambalyo Soomaaliya Hor u socotonasiibka gayaanka waad gaaari.Forza Soomaaliya,waxaa in la dayac tiraa qeybaha kale ee Garoonka sida qeynta ay fadhiistaan taageerayaasha iyo wadooyinya garoonka dhexdiisa iyo wadooyinya soo gali Garoonka waxaa nasiib daro ah Garoonka sidaan u quruxda badan oo hadane wadooyinka hareerahiisa oo qashin iyo wasaq ka muuqto taasi waxay u taala Dowlada hoose gaar ahaan maamulka Degmooyinka inay wax ka qabtaan guud ahan fadaanada guud ee magaalada muhiimadu mahan daaro dhaadheer oo qurux badab oo wadooyinka hormarana qashin iyo nadaafa daro ka muuqato waa in laga shaqeeya guud ahaan nadaafada magaalaga iyo wadooyinka dhex mara iyo kuwa so gala magalada caasimada ah
masha allah waa biloow fcn oo bulshoweynta sport farxad gaar ah gelin karta waxaan leeyahay xiriirka kubada cagta somaliyeed horey ha uga sii socdaan hor umarkeey noo soo hoyeen hana daalina inagana taageero iyo hambalyo aan idin la taaganahay
masha allah waxaan leeyahay waxaa soomaaliya umuuqda ifi faala nabadeed waxaan alle ka rajeynaa inuu inoo siyaadsho nabada aan fileyno hadaan nahay bulshada soomaaliyeed adinkuna soomaliyey nabada taageera o danihiina iyo amnigiina ilaashata o dadka dhibka idinku haaya dadka ka barta
NAFSI KASTO WUXUU KASBADAY AYUU HELAA.HADDA WAQTIGAAN LA JOOGO WAXA MUTEESTAY ABAALGUD GUDDOOMIYA GOBOLKA BANAADIR MR.TARSAN.WAX KASTO OO LAGA HORMARINAYO MAGAALADA XAMAR ASAGA AYAA LEH.INTA KALE AY GACAN SIIYEYNA WAXBA AY KA HELEEN.NABADDA AYAA U DARAN,WAXAAN KALE IDIN LEEYAHAY GOOLEESTA.WASSALAAM
waxaa dhiman shaqo kale oo ah dhisida meesha tarabuunka vipda fariisato iyo nuuradeynta garoonka iyo qeybta orodada..
si kastaba shaqo wanaagsan ayeey qabteen bedankt the durch guy ..dank u maneer.
Guuuuuuul
mashaa allaah waxaan gaarney isbadel kadhancdey nabada kadhacdey somaliya,magaalada xamar,muqdisho ilaah mahad gaarleh iyo dhamaan musuliyeentii gacan gageesatey qeer alaha niisiiyo..aamiin
maashaa.allah malaha meeshu muqdisho maaha. waxaan la yabanahay quruxda iyo isbedelka ka muuqda garoonka konis stadium, runtii waa wax lagu farxo,allana loga mahadceliyo.wallaahi waa isbedel weyn iyo tallaabo horay loo qaaday, waxaana leeyahay halkaa ka sii wada.waxaan uga mahad celinayaa xiriirka somaliyeed ee k/cagta dadaalka ay muujiyeen……….
Waa hormar balaaran oo kamuqdo dalkeena hooyo maanta waxaa awod naa in aan dib usabano si tiimam farabadan aan kusameno si kubada cagta aan kalin weyn kagalno waa in ay dhalanyarta fursadani kafa idaystan kuwa dalka jogo waa in qoryaha dhigaa ee nabada iyo hormarka gacan weyn kagestan cid walbo arinkasi kudhaqaqo tarikhda aya xusi donto carabna sigoni ayaan ugu hanbalyenena shaqada wanagsan oo uqabtay dalkiisa hooyo
markahore waxaan salaamaya bahda sportiga somaliyeed iyo wariyaasha sportiga marka xiga waa arin wanaagsan oo lagu farxo waxaanrajeyneynaa hadaan nahay bahda sportiga amaa dhalinyarada inaan ka qeyb galno mashaaariicdan oo kale waad mahadsantihiin radiyaha muqdisho
Masha alah ayana leeyahay waa guul usoo hoyaty umada Somaliyeed
Maasha allaaaah ayaa leeyahay howsha ay qabteen gudiga SPORTiga Somaalia gaar ahaan C/QANI SICIID CARAB guulesta.
weli wax badan ayaa ka maqan waa in dibu dhis lagu sameeyaa lana qurxiyaa inayal hada meel kama taagna quruxdii uu lahaan jirey walee soomaalay wa idin la yaabay war dadku xataa dhagaxana miyey cuneen
markaan arkay dhulkaygii hooyo oo horumaraya waan ooyay xaqiiqdiiiiiiii wada horumarka waana amaanaya dowlada thanks
maashallah lakin do we have to depend on white mans help all the time, can´t we be self sufficient mar uun..inshallah somali will rise from the ashes viva somalia!!
Ishii buktaa kubikaacso ishii buktaay kubi kaacso
Mashalah.wa arin lugu farxa somaaliyey.i love my country.
waa ilaah mahadiis hadiiba dib loo soo dhisay garoonkii muqdisho banaadir 23 sano kadib lkn somaliyey waxaan idon sheega in aan leenahay badweyn iyo wabiweyn aniga hada waxaan ku noolahay yurub noloshana meel u u dhigo somaliya malahan wlh aniga hada waxaan u soo socdaa muqdisho in aan kheyb teeyda ka qaato dad yahow dhar la aan ma socon kartaan su aasha waa maya dalkeena wax inoo dhaamo malahan ee somaliyey toowfiiqda alaha idin waa fajiyo wabilaahi toowiif
Masha allah run ahaan tii aad iyo aad buu noo farxad galiyay howl galkaan balaadhan waana umah celineynaa inta kaqeyb qaadatay horumarkaan aadka ubaaxada weyn
maashaa allaah waa guul ilaah baa suurta galiyay hadana inta harsan ilaah hala garab galo, waa horumar wanaagsan oo ay soomaaliya gaartay maanta.. guul wacan
Waa horumar iyo bogaadin ee maasha allaah dhahaya waa ilaah mahadii iyo horumar la taaban karo
waa arin lagu farxo oo umada soomaaliyeed mid u soo hoyatay ah.
Waa in ay ku xayeysiistaan Shirkadaha waa weyni si garoonku u noqdo mid qurux badan, waana ka hagaajiya qaybaha ka harsan Garoonka.
masha allah waa tilaabo wanagsan oo horay loo qaaday . waan rijayhaa in kuwa kalana ay raacan .
maansha allaah wlh aad ayaan ugu farxsanahay