Horyaalka Kubadda Cagta Gobolka Mudug Oo Ka Soconaya Garoonka Cawaale Stadium Ee Magaalada Gaalkacyo “DAAWO SAWIRRADA”
Published on January 14, 2013 by Jayte · 6 Comments · 2,707 views
Horyaalkan oo ay ka qayb galayaan 10ka kooxood ee gobolka Mudug oo qorshayaashiisu ay socdeen dhawrkii bilood ee ugu danbeeyay ayaa dhowaan si rasmi ah waxaa u furay gudoomiyaha dhalinyarada iyo ciyaaraha gobolka Mudug C/hodan Dayax leef, waxaana gudoomiyuhu dhalinta ciyaaraysa kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan sidii jawi wanaagsan uu ugu dhamaan lahaa taratankaasi.
Kooxaha Comsed iyo Faluuja oo ku wada jira group A ayaa lagu daah furay tartanka, waxaana garoonka galabta u soo daawasho tagey boqolaal qof oo qaarkood ay kala taageerayeen labada kooxood.
Hardan adag oo ciyaareed una badnaa weerar iyo weerar celis ka dib gabagabadii waxay ku soo idlaatay 1-1 oo barbar dhaca, kooxda Comsed waxaa goolka u dhaliyay weeririyahanka xulka kubadda cagta ee gobolka Mudug Ciise.
Tartankan ayaa la filayaa inuu ka xiiso badnaado kuwii hore, waxaana sidoo kale maamulka Sportska uu sheegay in laga dhex xuli doono xulkii matali lahaa gobolka tartamada heer gobol ee soo socda.
Kooxda Comsed oo uu leeyahay Dr, C/qaadir Maxamuud Jaamac (Dhaga cadde) ayaa ka mida kooxaha ugu tayada iyo ciyaartoyda wanaagsan Gobolka Mudug. waxana Gudoomiye ka ah mr Cabdiqani Khalif (carabey ) oo ka mid ah dadka aadka uga shaqeeya sports siba Kooxaha da’da yar yar ee Koonfurta iyo Waqooyiga Si aay isdhaxgal wanagsan u Dhaxmarto wuxuna Dhawaan sameeyay urur loogu magic daray Somali Sports and Relief Organization kana shaqeen doona hormarka sports ciyaalka yaryar ee waqooyiga iyo koonfurta Gaalkayo iyo cawiinta dadka masaakinta ah .
Magaalada Gaalkacyo ayaa ka mida magaalooyinka Puntland ee sida ballaaran uu oga jiro hanaan ciyaareed, iyadoo magaalada ay ku nool yihiin boqolaal dhalinyaraa oo si weyn u xiisaysa xirfadda kubadda cagta.








Photo By:-Abdiqani Khalif Ahmed ( Carabey )
Email:cabdiqani0903@gmail.com
War Habeen 21-May-2013
Kulan ay si wada jir ah ugu qeybteen ...
Taliska ciidamada AMISOM ayaa maanta ka warbixiyay howlgaladii ...
WAR DUHUR 21.05.2013
Baarlamanka oo maanta anxisiyay Miisaaniyada Sadexdii bilood ee ...
Odayaashii dhaqanka Soomaaliyeed ee soo xulay Baarlamanka ayaa ...
Wasiirka ku xigeenka Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta Gaadiidka Xukuumadda ...
Dibadbax lagu tageerayay dowladda Soomaaliya loogana soo horjeeday ...
akhristeyaasheena sharafta leh waxaan halka idinkugu soo gudbineyna ...
Shirka waxaa wada jir u guddoominayay madaxweynaha Soomaaliya ...
WARKA SUBAX 21.5.2013
Maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ...
Ciidamada dowaladda Soomaaliya ayaa xalay iyo saaka howlgalo ...
Odaayasha Dhaqanka ee ku sugan magaalada Garbahaarey ee ...
Tan iyo markii ay soo shaacbaxday in qilaaf ...
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
qaar ka mid ah barakacayaasha ku dhaqan duleedka ...
akhristeyaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkaga soo gudbineyna ...
WAR HABEEN 20.05.2013
Kulan lagu tageerayay horumarka dowladda isla markaana looga ...
kulankan ayaa waxaa ka soo qeyb galay dhamaan ...
Maamulka Galmudug ayaa sheegay iney muhiim tahay in ...
WAR DUHUR 20.05.2013
Maamulka gobolka Banaadir ayaa kala hadlay hay’adaha maashaariicda ...
Fadhigii Baarlamanka ee maanta oo lagu ansixiyay talo ...
Kulan looga hadlayay xoojinta amaanka oo uu soo ...
Warka Subax 20-05-2013
Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka gaashaandhiga Dowladda Federaalka ah ...
Dadka kunool deegaanka Beledulamiin ee gobolka Shabeelada Hoose ...
Xili magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ay ...
Kuxigeenka ra’isulwasaaraha ahna wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Fowsio ...
Qaar kamid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee kunool dalka ...
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr. ...
Shareecada Islaamku aad ayay uga dardaar warisay dhagarta ...
Dabayaaqadii 2010 ilaa bartamihii 2011-kii Soomaaliya waxaa ka ...
Maalmihii la soo dhaafay waxaan tebineynay khilaafka u ...
halkaa kasiiwada reer mudugoow
hanbalyo hanbalyo ayan leenahay club Comsed fc hormarka aay Gareen Guul Guul iyo mamulka nadiga Dr Dhagacade Gudoomiye Cabdiqani carabey hanbalyo habalyo
dhamaan waxan u hanbalyeynaya bulshada rer Galkacyo in u ilahey nabad siiyo iyo caafimaad marka xiga waxan so Dhaweynaya tartanka ka socda Galkacyo marka xiga waxan aad u so dhaweneya Gudoomiye cabdiqani carabey oo ah shaqsi aad iyo aad uu Dadaala oo mar walba jecel hada u sameeyay Urur Somali Sports and Relief Organization waan so Dhaweyneyna hadi aan nahay dadka ku nool Qurbaha siba Dalka England london Mudane Gudoomiye cabdiqani carabey hosha halkas ka siiwad ururka waad mahad santahay
WAAAAAAAAAAAAAAAW WAAAAAAAAAAAAW MAANSHA ALLAH SOMALIA SPORT VIVA SOMALIA VIVA SPORT
maaasha allaah allow noo siyaadi nabada iyo is dhax galka bulshada aaaaaamiiiiiiiiiiiiiiin
waaqeb kamida nabada iyo is dhax galka bulshada
maashaa allaah