Haweenka Xildhibaanada Ah Oo Ka Qeybgalaya Shirka Baarlamaanada Haweenka Islaamka Khartoum Uga Socda “SAWIRRO”
Published on January 21, 2013 by Jayte · 11 Comments · 6,892 views
Iyadoo Magaalada Khartoum ee Caasimada Dalka Sudan uu ka Socdo shir ay ku leeyihiin Baarlamaanada Wadamada Islaamka ah ayaa waxa sidoo kale ka garab socda Shir ay ku leeyihiin Xildhibaanada Haweenka ah ee Wadamada Islaamka ah.
Shirkan ay khartoum ku yeesheen Haweenka Baarlamaaniyaadka ah in ka badan 29 Dowladood oo ay Soomaaliya ka mid tahay ayaa waxa ay kaga hadleen sidii loo xoojin laha xariirka Haweenka Baarlamaaniyaadka ee wadamada islaamka.
Shirkan oo ay Soomaaliya u matalayeen laba Xildhibaan oo ka tirsan haweenka Xildhibaanada ah ee Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya ayaa waxa ay kala yihiin Sacdiyo Carees Ciise kaarshe iyo Aamino Maxamed Cabdi.
Aamino Maxamed Cabdi oo u hadlaysay warbaahinta qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegtay in shirkaas ay Haweenkii baarlamaaniyaadka ahaa ay u sheegtay waxa Soomaaliya ka socda gaar ahaan Xaalada Haweenka Soomaaliyeed oo ay tilmaantay in Dowladan hada jirta ay tahay Dowladii ugu horaysay ee xilal waa wayn oo heer sare ah u dhiibtay Dumarka Soomaaliyeed.
Xildhibaanad Aamina ayaa intaas ku dartay in ay haweenka Soomaaliyeed ay haystaan Xilalka ugu sareeya Dowladda sida Raysul wasaare ku xigeenka ahna wasiirada arimaha Dibadda iyo Wasiirada Wasaaradda Adeega Bulshad iyo Xildhibaano Baarlamaanka ku jira.
Waxayna ugu Dambentii ugu Baaqday Gabdhihii ka socday Baarlamaanada Wadamada islaamka ah in ay wafdi indha indhayn ah ay usoo diraan wadanka Soomaaliya.
Waa markii ugu horaysan inta la ogyahay ilaa intii ay bur burtay Dowladii dhexe ee Soomaaliya ay Haween Baarlamaanka Soomaaliya ka socda ay ka qayb galaan shir Noocan oo kale ah.
waxaad moodaa in gabdhah somaaliyeed,
ay doorweyn ay ku leeyihii bulsha,
door ay gaari kari aduunka, tusaale 20kii
sandoo iyagaa dad badan ilaahay ka soko
wax dhiibkood, lagu soo badbaaday, gabdhaha somaaliyeed cid karti ku dhan
dunida ma jirto… waa lambarka kooowaad
Waxaa wax lagu farxo ah in maanta gabdhaheena ay la tartamaan gabdhaheena adunka ku nool ee islaamka, luqodoona kula hadalaya an waxaa kaloo wax lagu farxo ah in gabdho wax yaqaana oo dhelenyaro misene ay kamuuqato hay’adaha Iyo dhaqanka islaamka
Salaan Ka Dib,Ilaahey Baa Mahad Leh Waana Kheyr Dhanka Ilaahey ka yimid,aynu ogaano waxaa dowladda saaran mas’uuliyo Weyn dalka iyo Dadka aduunyo iyo Aakhiro,Beenta Adduunka Ayn Ka Harno ….. Waad Mahadsantihiin
Masha allah waa wax lagu farxo waa allaha mahadiisa mar hadii ee dumarkeena smlyed ee xilka xilibanada hayay hadii shirka okale ayka soqebgaleen
waxaad moodaa in gabdhah somaaliyeed,
ay doorweyn ay ku leeyihii bulsha,
door ay gaari kari aduunka, tusaale 20kii
sandoo iyagaa dad badan ilaahay ka soko
wax dhiibkood, lagu soo badbaaday, gabdhaha somaaliyeed cid karti ku dhan
dunida ma jirto… waa lambarka kooowaad
Maashaala aad baan ugu qancay shirka goonida u ah haweenka ka tirsan baarlamaanka wadamada muslimiinta ah
Masha allaah Allahu Akbar Dowlada Somalia Guul Insha allaah
Dal Jireno Nahay Umada Tagana Nahay Dowlad Jacel Baynu Nahay Dalka Dhisan Beynu Rabna Allah Akbar Guul Dowlada Faderaalka Somalia
noolow dadkeygooow hormar iyo barwaaqo dalkeygooow isku duubni abidkaaa dadkeygooow from switzerland
Waan farxay, markii aan arkay calanka buluugga-ah iyo gabadha i meteleysa aniga iyo dadka Somaliyeed. Yes waan soconaa, waan soosoconaa,waanse dibdhahcnay. Nin fiiriyey wax tegey, ka welweley wax soo scoda, ka teg midda taagan. Ma dooneeyno inaan waqti kullumino wax tegey, waa inaan hadda gacmeheena ku dhisnaa wixii aan gacmeheenna ku duminey.
Dowladnimada Caadkee maree hala sii dar dar galiyo Masha allaaah GUUL GUUL GUUL
kkkkkkkkkkk mala waxaad moodaaba in ay yahiin Carab gabdhaheena makay kudarsameen afrikaankiikale
Waa wax lagu farxo in maanta dalku uu cagta saarayo dhabihii horumarka dhan kasta..
Waxaa wax lagu farxo ah in maanta gabdhaheena ay la tartamaan gabdhaheena adunka ku nool ee islaamka, luqodoona kula hadalaya an waxaa kaloo wax lagu farxo ah in gabdho wax yaqaana oo dhelenyaro misene ay kamuuqato hay’adaha Iyo dhaqanka islaamka