Tuesday, June 18th, 2013

Haweenka Soomaaliyeed Oo Xarunta Golaha Shacabka Su’aallo Ku Weydiiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka “Dhageyso+Sawirro”

Published on December 19, 2012 by   ·   14 Comments  ·   15,749 views

Warbaahinta Qaranka ayaa soo qaban qaabisay islamarkaana maanta ku qabatay xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho kulan ballaaran oo ay Haweenka Soomaaliyeed si toos ah Su’aallo ugu weydiinayeen Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari ayadoo sidoo kalena ay Haweenku usoo gudbiyeen talooyinkooda.

Haweenka kasoo qeybgalay barnaamijkan oo ay casuuntay Warbaahinta Qaranka Haween tiradoodu gaareyso 300 kuwaasi oo ka kala socday amaba metelayey degmooyinka gobolka Banaadir,haween ka socday Hooyooyinka Xoogsatada ah amaba maareeya nolol maalmeedka qoysaskooda, haween metelayey siyaasiyiinta oo qaarkood ay xilal kala duwan horey dalka ugasoo qabteen,haween aqoonyahanno ah iyo haween iyagu ka mid ah Qurba Joogta balse hada ku sugan gudaha Dalka.

Furitaanka Barnaamijka ayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari ayaa hadal uu jeediyey waxa uu ugu horeyn tilmaamay in isaga oo ku hadlaya magaca Madaxda sare ee Qaranka Soomaaliya uu uga tacsiyeynayo Haweenka Soomaaliyeed dhibaatooyinkii kala duwanaa ee ay la kulmeen mudadii uu dalku ku jiray bur burka kuwaasi oo ay ugu horeeyeen kufsi,dhac iyo dil si joogta ah loogu geysanayey waxaana uu sidoo kalen Gudoomiyuhu haweenka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyey Hooyooyinkii Soomaaliyeed ee iyaga oo ka shaqeynaya bilicda dalkooda lagu laayey qaraxyo ka kala dhacay Degmada Howlwadaag sanadkii 2007 iyo wadada Maka Al-Mukarama sanadkii 2008 qaraxyadaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 30 Haween ah oo aan waxba galabsan.

Kalmadiisa furitaanka waxa uu Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari ku ammaanay Haweenka Soomaaliyeed kaalintii ay ku lahaayeen samatabixinta qoysaska Soomaaliyeed iyo sida ay nolosha qoysaskaasi u maareeyeen mudadii uu dalku ku jiray bur burka ayaga oo daruufo kala duwan usoo samrayey.

Kadib khudbadda furitaanka Gudoomiyaha Baarlamaanka oo aad u koobneyd waxaa laguda galay barnaamijka waxaana mowduuca Barnaamijka uu ahaa Doorka ay Haweenka Soomaaliyeed ku yeelan karaan dib u dhiska iyo hormarka Dalka Soomaaliyeed waxaana ay Haweenkii kulanka kasoo qeybgalay badankood soo gudbiyeen aragtiyo ay u arkaan dib u dhiska iyo hormarka Dalka ayagoo sidoo kalena Su’aallo toos usoo weydiiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Su’aallihii ugu badnaa ee ay Haweenku weeydiiyeen Gudoomiyaha Baarlamaanka waxaa ka mid ahaa dib u eegista Baarlamaanku ay ku sameeynayaan Dastuurka Dalka iyo iney ku jiraan xuquuqda Haweenka Soomaaliyeed amaba lagu qeexay, xuquuqda amaba mushaaraadka Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo waxa Baarlamaanka uga degsan in loo kordhiyo, in Dowladdu ay xoogga saarto hormarinta Waxbarashada iyo Caafimaadka Dalka.

Mudane Maxamed Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka waxa uu mid mid uga jawaabay dhammaan su’aallihii la weydiiyey iyo aragtiyadii loosoo jeediyey waxaana uu Ballan qaaday iney sii socon doonaan tashiyada noocaan ah si loo ogaado fikirka kala duwan ee Bulshada ay qabaan kuwaasi oo ay u arkaan in Dalkooda dib loogu dhisi karo ama hormar lagu gaarsiin karo.

Barnaamijka oo socday mudo Seddex saacadood ku dhow ayaa kusoo idlaaday jawi wanaagsan ayadoo dhinacyada ka qeybgalay ee ka socday Haweenka Soomaaliyeedna ay si aad ah usoo dhaweeyeen barnaamijkan ayagoo Warbaahinta Qarankana mahad celin u jeediyey.

Todobaad ka hor ayey aheyd markii sidan oo kale ay Warbaahinta Qaranka usoo qaban qaabisay kulan ay ka qeybgaleen ku dhowaad 300 Arday oo ka kala socday Jaamacadaha magaalada Muqdisho ayadoo barnaamijkaasina uu taabageliyey ururka dhalinyarada syl II.

Warbaahinta Qaranku waxey sidan oo kale u qaban doontaa haduu Alle idmo kulammo ay si toos ah isugu soo hor fariisan doonaan Madaxda ugu sareysa Dalka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayadoo taasina looga gol leeyahay in muwaadin walba oo Soomaaliyeed u fursad u helo inuu qofka mas’uulka ah su’aal u weydiiyo amaba usoo gudbiyo fikirka uu u arko in Dalkiisa lagu dhisi karo.

Sidoo kale Warbaahinta Qaranka ayaa horey u qabatay Barnaamijyo lagu marti qaadayo Madaxda Dowladda oo iyagu soo fariistay Istuudiyaha Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka ayadoo Shacabka Soomaaliyeed ee ku kala nool dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ay si siman fursad ugu heleen iney Madaxda Su’aallo usoo weydiiyaan amaba fikirkooda usoo gudbiyaan waxaana barnaamijyadaasi ay bilow u ahaayeen abuurista jawi isku xira Madaxda Dowladda iyo Shacabka.

Barnaamijka Qeybta Ka Hooseysa Sawirrada Ka Dhageyso

 

Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qeybta Koobaad Ee Jawaabaha Gudoomiyaha Baarlamaanka 19-December-2012

Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qeybta Labaad Ee Jawaabaha Gudoomiyaha Baarlamaanka 19-December-2012

Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qeybta Seddexaad Ee Jawaabaha Gudoomiyaha Baarlamaanka 19-December-2012

Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qeybta Afaraad Ee Jawaabaha Gudoomiyaha Baarlamaanka 19-December-2012

Photo By;-Qadar Cali Nuur

Readers Comments (14)

  1. Shariif Cabdullaahi says:

    Radio Muqdisho Aad iyo aad baad u mahadsantihii. sida quruxda badan ee aad isugu howsheen isku xirka Shacabka iyo Madaxdooda. Prof. Jawaari wuu ku mahadsanyahay inuu garoowsaday inuu yahay Buundada isku xirta Dowladda iyo Shacbiga.
    Weriye Jeyte, Aad baad ugu mahadsantahay dadaalkaaga wax dhisaya ee aad dalka u heeysid, Taariikhda ayaa ku xusidoonta in sha Allah.

  2. moo says:

    Radio muqdish aad ayaad umahadsantihiin. Next time u balimiya ciidanka xooga inay sualo waydiyaan barlamaanka insha Allah.

  3. Runsheegto says:

    Masha Allah dumarka ku nool Xamar waaba iska nuurayaan iimaankooda ayey iska qabaan, anagoo wadanka dibadiisa ku nool ayey naga qurxoon yihiin masha Allah calaykum also thank you so much for Radio Muqdish!!!

  4. ibra xaaji says:

    Hanbalyo hanbalyo raadiyaha&talafishinka qaranka wariyaasha ee u istaagay dalkooda&dadkooda kasama ta bixiyaa dhibaatadii nadaashatay seesan mardanbe noogu soolaaban sida tanmaanta ookale fursada qaaligaa usiiyay hooyooyinkeena somaaliyeed inay madaxda sarsare ee dowlada su aalo waydiin karaan MAHAD SANIDIIN

  5. mansha alah says:

    mansha alah mansha alah waa farxad markee arinka saan ku wadaan waa hubaal insha alah markee talada qof waliba oo somaliyaa ka imaato go aankana loo daayo waxii shaqo kulah waaaaaaaan u xiisay somalia ilaahow balad aminaa ka dhig

  6. qayrfare says:

    radio muqdisho walahi ilin ayaad iga keentay aad ayad u mahadsantihiin ha noqonina idacadaha dalka dumiya iyo wabsedyada xumanta fafiyo xumaan wa la ogaday 22 sano ayaa wadnay waxa laga dhaxlay wa la og yahay hadii sas loo wada hadlo nabada waa timid lakiin wada hadli mayno waye mida duli naga dhigtay oo geel jira noo gubay dal diin darajo la aan ee halkaas ka sii wada qofkastoow allah ka baq ee danta hoyadaa ka shaqee iyo walalkaa ee cadawnimada iskadaa geeljire yuu ku dhagrin meesha aan ka qabano ninkii wax gartoow insha allah

  7. xiis says:

    asc maansha alaah waad dadaaa sheen radiyo muqdisho su aalaha isdhaaf sanaya hogaanka xukuu mada iyo waliba haweenka soo maaliyeed haweenka soo maaliyeed ceeb malahan laa kiin waxey ogyihiin waxeysan raga ogeen marka ayagana waa in su aala laga wey dii yaa wiilasha amaanka wadanka qalqal gali naayo ilaa hooyo ayaa dhashaye waa in ay udhuur galaan xogtana ay ´soo gudbi yaan nin walboow maanta aduunka kunool guri haween ayuu ku hoydaa al shabaabna hoos tooda ayuu kasoo soo toosaa marka waa inay haweenka qeeyb weyn ka qaa taan nabad kusoo dabaa lida wadanka koontarool ku sameeya kaa dhasheen iyo xitaa kan ku qaba mabda uu aamin sanyahay iyo waliba kan gaba dhaada qaba dowladu wey idiin hagar baxday haween hatdaa tihiin si daacadah doolada oola shaqeeya

  8. faadumo karaani says:

    WAXAAN AAD UGU FARAXSANAHAY DADAALKA EY WADAAN Hweenka soomaaliyeed waxaan kaloo u mahadcelinayaa mudene jawaari iyo idaacada qaranka oo noo suurta galisay in aan ka daawano aduunka dacaladiisa waxaan kaloo ka codsanayaa in la garab istaago qaranka soomaaliyeed maadaama dhibka ugu weyn uu ku

    • faadumo karaani says:

      dhacay hawynka iyo caruurta hadase waa ilaah mahdii inoo keenay doowlada dadka wanaagsan hogaaminayaa alaha garab galo alahana ka abaal mariyo dadkii intaan soo gaarsiiyay mudane sh shariif

  9. nasiib says says:

    ascw aad iyo aad baad umahada santahay jeyto yarre siiwad dadaalka aad uheyso umadda somaliya weyna kugu xasuusan doonaan wanaaga aad uheysid iyo sidda sharafta leh oodnaan uga leexan waxqabada wadankaaga qaaliga ah anagana waxa naga go/an inaan dhabarka u xirano oo wax /alaalo iyo wixii kartideena/ah ku hurnno wadankeena qaaliga /ah oow u tashteen huguri wadayaasha jecel dhiiga soomaaliya inay cabaan qafwalboo ah soomaliya waa inay dhinac/istaagto soomajeesta yaasha u taagan habeen iyo maalin inay naftooda qaaliga /ah u huraan wadanka aan loo/aaba yeelin oo hanti iyo nafba loo dhaadhacay waxana leeyahay dadyahoow marin habaabay sidaasi sima/ahan ee intii goori goortahay feejegnaan iyo dadaal muujiya oo ilaahii idin abuurtay fiirsha ascw

  10. ismacil yare says:

    shaqalaha radio muqdisho iyo tv qaranka aad baad ugu mahad santihiin sida sharafta leh aad iskugu xiresaan shacabka iyo madaxda dalka waxan kaloo jeclahay in aa xuso holaha aa uhesan shacabka waa mid aad usareso tariiqda ayaana idin xusi doonto siqas ah waxaan jecelahay c.fitaax dahir jeete iyo c,raxmaan yuusuf shiikh alcadaala labadina tariiqda ba idin qori doonto insha allah shaqalaha qaranka guud ahaanne iyagane sidokale guul bi idnilahi kariim barnamishyada aa wadan iyo kuwo kale oo kasiifican waa idinkaga fadhinaa madama aanahay qurba joog anaa jecelahay dalkena in aan kusolabano xalka oo wadankena marayo malin walba sida aad nola soceosisan wad kumahad santihhin guulesta guulesta gulesta

  11. wiilsomali says:

    hooyadey mar hore ayaa iigu dambeysay caasi ayaa noqday ilaahey ha imootiyo lee

  12. mohamud says:

    maasha allah

  13. amaan waad ka dhan tihiin waxad tihiin kuwo indhaha u furaya shacanka tusaya macanida dawlad nimad
    Alla madii waaye shaqa diina laban laaba plz




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Wararka

South-Africa

Burcad Koofur Afrikan Ah Oo Boob U Geysatay Hanti Ay Lahaayeen Ganacsato Soomaaliyeed

Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa boob u ...
Ciidammada Asluubta

Taliska Ciidanka Asluubta Oo Muddo Bil Ah U Qabtay Iney Uga Guuraan Dadka Deggan Dhulalkii Asluubta

Taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa muddo Bil ah ...
astaanta_qaranka13

Shir-weynaha Qaran Ee Dib U Habeynta Waxbarashada Dalka Oo Maanta Ka Furmaya Muqdisho

Shirka dib u habeeynta waxbarshada dalka oo socon ...
wiish

Garsoore Soomaaliyeed oo qabanaya cayaarta furitaanka CECAFA “SAWIRRO”

Garsooraha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Xasan Wiish ...
12

Soomaalida Malaysiya Oo Markii Ugu Horeysay isugu Yimid Dood Wadaag Kana Dooday Dowlad Wadaaga“Sawirro”

Dadka soomaaliyeed ma yihiin dad la xukumi karo ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada125

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
xasan

Madaxweynaha Cusub oo Sheegay in Dowladiisa aysan Joojin Doonin Barnaamijka Nukliyeerka

Madaxweynaha Cusub ee isbedel doonka ah ee Dalka ...
turky

Dowlada Turkiga oo Sheegtay inay Awood Milatari u isticmaaleeyso Mudaharaadayaasha.

Dowlada Turkiga ayaa sheegtay in ay awood milatari ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Habeenimo ee Radio Muqdisho

WAR HABEEN 17-06-2013
DSC01274

Ardada Jaamacadda Plasma oo Maanta Laga Talaalay Cudurka Dabeysha“Sawirro”

Ardayda jaamacadda Plasma ayaa maanta lagu talaalay xarunta ...
CECAFA Referees at a fitness test Photo By Gishinga Njoroge

Garsoorayaal Soomaaliyeed oo si Weyn uga Dhex Muuqda Tijaabo Laga Qaaday Garsooreyaasha CECAFA

Iyadoo tartanka CECAFA Kagame Club cup lagu wado ...
mahdi

Kulan Wadatashi ah ah oo Looga Hadlayo Nabadda Gobollada Dhexe ee Dalka oo Maanta Muqdisho ka Furmay

Kulankan wadatashiga ahaa oo ay soo qaban qaabisay ...
dubad

Ciidamada XDS iyo kuwa AMISOM oo Al-shabaab kala Wareegay Deegaano ka Tirsan Gobolka Hiiraan“Sawirro”

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Afrika ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

war duhur 17.06.2013
Jen.-Cabdi-Xasan-Cawaale-Qeybdiid

Wafdi uu Hogaminayo Madaxweynaha Galmudug oo Muqdisho soo Gaaray

Wafdigan uu hogaaminayay madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi Xasan ...
Gaafoow

Gaafow oo ugu Baaqay Shacabka Soomaaliyed inay Qaataan Baasaboorka Electaroniga ah.

Taliayah hogaanka socdaalka iyo jinsiyadaha ee dowlada Soomaaliya ...
DSC05726

Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo Maanta Kormeeray Goobo ay Socdaan Howlo Nadaafadeed“Sawirro”

Mas’uuliyiin ka titsan maamulka   Gobolka  Banaadir ayaa maanta  ...
safar imaasho

Wafdigii uu Hogaaminayay Madaxweynaha Soomaaliya oo Dalka Dib ugu soo Laabtay.

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee soomaaliya ...
G8

Shirka Wadamada G8ka oo Furmay Diiraddana lagu Saari Doono Xiisadaha ka Taagan Dalka Suuriya.

Shirkii Hogaamiyaaha wadamada G8ka oo maanta ka furmay ...
South-Africa

Danjiraha Soomaaliya Ee Koofurta Afrika Oo Kulan La Qaatay Ururka Haweenka Soomaaliyeed ee dalkaasi

Safiirka Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika iyo Haweenka ...
Maryan qaasin

Drs. Maryan Qaasin ”Si Loo Helo Road-Map Laga Ambaqaado Dib u Habeynta Waxbarashada Waxaan Go’aansannay Inan Qabanno Shirweyne Qaran”

Wasaaradda Horumarinta iyo Adeegga Bulshada Xukuumadda Soomaaliya oo ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Subax

WARKA SUBAX 17.6.2013
xasan sheekh

Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud Oo Soo Gebagebeeyay Xalay Booqashadiisii Britain

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ...
baaritaano

Ciidamada ammaanka Oo Saaka Howlgallo Dad Lagu Soo Qabqabtay Ka Wada Degmada Hodan

Ciimada ammaanka ee dowlada ayaa saaka howlgalo dad ...
goodax-1

Mudanayaal Ka TIrsan Baarlamanka F.Soomaaliya Oo Xalay Lagu Weeraray Nairobi

Mudanayaal ka tirsan Baarlamanka Federaalka Soomaaliya oo ku ...
taji1

Xaflada Lagu taageeraayey Wax Qabadka Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya oo Holland lagu Qabtay ” SAWIRO ”

Waxaa Xalay Magaalada Denhaag ee wadanka Holland lagu ...
Somali NOC president Abdullahi Ahmed Tarabi and Secretary General Duran Ahmed Farah at the meeting

Soomaaliya oo Soo Dhaweysay Natiijada Kulanka Ururka ay ku Mideysanyihiin Guddiyada Olombikada Wadamada Caalamka(ANOC)“Sawirro”

Ururka ay ku mideysan yihiin guddiyada Olombikada wadamada ...
ciraaq

Dad ku Dhintay Qaraxyo Maanta ka Dhacay Dalka Ciraaq

Qaraxyo ah oo loo adeegsaday gawaari laga soo ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12511

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
kk

Rabshado Cusub oo ka Biloowday Dalka Turkiga Xili Ra’iisulwasaaraha Dalkaasi uu la Hadlay Taageerayashiisa“Sawirro”

Rabshado cusub ayaa ka qarxay magaalooyinka Ankara iyo ...
astaanta-warka1

Dhageyso Warka Habeenimo ee Radio Muqdisho

WAR HABEEN 16.06.2013
DSC05561

Kusimaha Madaxweynaha Oo Maanta Ka Qeybgalay Geedi Socodka La Tashiga Dadweynaha Ee Dastuurka Oo Lagu Marti Qaaday Qeybaha Bulshada “Dhageyso+Sawirro”

Ardayda iyo macalimiinta Jaamacadaha Dalka, Cuuryaamiin,Haweenka Soomaaliyeed,Ururrada Bulshada ...
DSC09404

Ergada ka Qeyb Galeysa Shirweynaha Qaran ee Dib u Habeynta Waxbarashada Dalka oo Muqdisho ku soo Qulqulaya“Sawirro”

Wafuud isugu jirto wasiirro iyo aqoonyahano ka kala ...
DSC09383

Wasiirro Maanta Kormeeray Machadka Tababarka Xirfadaha oo ku Yaalla Degmada Dayniile“SAWIRRO”

Wasiirka horumarinta adeegga bulshada Drs Maryam Qaasim Axmed ...

Tubta Toosan

TubtaToosan

Sidee loo heli karaa saxaafad xor ah oo mas’uul ah?

Soomaaiya  sanadihii la soo dhaafay waxaa ka hana ...
TubtaToosan1

Barnaamijka Tubta Toosan talo ka dhiibo-DHAGEYSO

Barnaamijka Tubta saddexdii sano ee la soo dhaafay ...
TubtaToosan1

Maxaad ka taqaan Afrika iyo Midowga Afrika?-DHAGEYSO

Sanadkii 1963 ayaa magaalada Addis Ababa ee xarunta ...

*