Saturday, October 25th, 2014

Gudoonka Baarlamaanka Oo Casho Sharaf U Sameeyey Wafdi Uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Jaamacadda Carabta “SAWIRRO”

Published on May 18, 2013 by   ·   2 Comments  ·   5,876 views

Gudoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xalay magaalada Muqdisho casho sharaf ugu sameeyey wafdi ka socda Baarlamaanka Carabta oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Maxamed Jarwaan, wafdigaasi oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Muqdisho.

Casho sharafta oo aheyd mid si heer sare ah loosoo agaasimay ayaa waxaa kasoo qeybgalay Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Baarlamaanka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar,Gudoomiyeyaasha Gudiyada Joogtada ah Baarlamaanka Soomaaliya, Wafdiga ka socda Baarlamaanka Carabta,safiirro iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala tirsan labada Gole ee Dowladda.

Ugu horeyn Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Jeeylaani Nuur Iikar oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda casho sharafta aheyd oo ka dhacday guriga Martida ee magaalada Muqdisho ayaa ugu horeyn waxa uu tilmaamay iney sharaf weyn u tahay Gudoonka iyo Baarlamaanka Soomaaliyaba iney magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyaan wafdigan ka socda Baarlamaanka carabta waxaana uu Xusay Mudane Jeeylaani in talaabadani ay bilow u tahay xiriirka iyo wada shaqeynta adag ee Baarlamaanka Soomaaliya uu la yeelanayo Baarlamaannada Caalamka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo isaguna dhankiisa khudbad kooban ka jeediyey Munaasabadda casho sharafta aheyd ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Jaamacadda Carabta iyo Xildhibaannada Carbeed ee la socda socdaalka ay ku joogaan magaalada Muqdisho waxaana uu Gudoomiyuhu xusay iney tahay tani taariikhda markii ugu horeysay oo Wafdi ka socda Baarlamaanka Carabta oo uu hogaaminayo Gudoomiyahooda Baarlamaanka ay Soomaaliya amaba Muqdisho yimaadaan.

“isweeydiin malahan iney Soomaaliya u baahantahay walaal maanta si dhab ah ugu duubta oo la gala halganka iyo hayaanka aynu ku jirno ee aynu dib ugusoo celineyno sharafta,dowladnimada iyo karaamada Umadda Soomaaliyeed, waxeynu yeelanay wadahadallo kooban waxaana howsha aynu ku jirno ay tahay sidii aynu wada shaqeyn adag ula yeelan laheyn dhammaanba Baarlamaannada Caalamka” ayuu ku yiri Khudbadiisa Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Maxamed Jarwaan oo munaasabadda khudbad ka jeediyey ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey Gudoonka Baarlamaanka, xildhibaannada iyo shacbiga Soomaaliyeed sida weyn ee loogu soo dhaweeyey magaalada Muqdisho waxaana uu xusay in hada ay indhahooda ku arkeen hormar baaxad leh oo ka jira Soomaaliya kaasi oo ku yimid hormarka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya sameysay waxaana uu dhanka kale xusay iney ka go’antahay sidii ay walaalahooda Soomaaliya u garab taagnaan lahaayeen.

Wafdigan ka socda Baarlamaanka Carabta ee uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Jaamacadda ayaa magaalada Muqdisho ku jooga booqasho rasmi ah taasi oo ka dambeysay kadib markii ay casuumaad u fidiyeen Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya waxaana Gudoomiyaha Baarlamaanka Jaamacadda Carabta iyo Wafdigiisa ay saakay oo Sabti ah booqan doonaan xarunta Golaha Shacabka ayaga oo Xildhibaannada Baarlamaankana la hadli doona.

—-DHAMAAD—-

Xafiiska Warfaafinta Gudoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

DSC09947

 

DSC09948

 

DSC09950

 

DSC09955

 

DSC09957

 

DSC09964

 

DSC09967

 

DSC09975

 

DSC09991

DSC00009

 

DSC00014

DSC00020

DSC00026

 

DSC00040

 

DSC00048

 

DSC00054

 

DSC00057

 

Photo By:-Maxamed Ibraahin Raage (Honest)

Readers Comments (2)

  1. Masha alah wa wax lagu farxo in mantay magaladi muqdisho ay jogan barlamanki jamacatul carab iyo gudomiyahodi adban ugu hanbal yay yay nah da dal ka dawlada ay wado

  2. badmaceye says:

    masha allah waa wax lagu faani karo ayaan isleeyahay maxaa yeley hadey manta gudoomiyaha barlamaanka jaamacada carabta uu joogo somaliya hadana laqadeenaayo kudoomiyaha barlamanka ee somaliya waa wax lagu farxo ayaan isdhihi lahaa fikrid ahaanteyda dadkii somaliya fikrid xun ka,aamin sanow waxaan dhihi lahaa soogaara ee ku raaxeesta xeebta liido & jaziira raaxo qurbo joogey




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Toos U Dhageyso Radio Muqdisho

Wararka

IMG_7746

Madaxweyne Xasan oo waraaqaha safiirnimo ka guddoomay danjiraha Sudan ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ...
Kulanka Baarlamaanka Maanta (38)

Xildhibaannada oo ansixiyay Hindise sharciyeedka kalluumeysiga dalka. (DAAWO VIDEO)

Mudaneyaasha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/10/WARKA-DUHUR-25.10.2014.mp3"][/audio]
dagaal

Ciidamada oo la wareegay deegaanka Kudhaa iyo deegaanno kale

Ciidamada maamulka KMG ah ee Jubba iyo kuwa ...
Dibadbax-Muqdisho

Dibad bax nabadeed oo ka dhacay Beledweyne

Banaan bax lagaga soo horjeeday rabshado dhawaan ka ...
DSC07842

Qof ku dhintay gaari ku qarxay goob baabuurta la dhigto “SAWIRRO+VIDEO”

Hal qof ayaa dhintay midkale dhaawac ayaa ka ...
DSC00108

Cayaartooyda Degmooyinka C/waaq iyo Cadaado oo kulan adag dhexmaray “SAWIRRO”

Munaasabad lagu furayay goroonka kubadda cagta ee magaalada ...
astaanta-warka

Dhageyso Warka Subaxnimo

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/10/WAR-SUBAX-5-10-20141.mp3"][/audio]
beyle 2

Wasaaradda arrimaha dibadda oo sheegtay in maalgashi lagu sameyn doono waddanka

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiiragelinta Maalgashiga Soomaaliya ayaa ...
Mustaf-Dhuxulow

Waxqabadka Dowladda ee Usbuucii la soo dhaafay.(DAAWO VIDEO)

Mogadishu, 25 October 2014 – Wasiirka Warfaafinta Mudane ...
baarlamaanka2_large

Baarlamaanka oo maanta shiraya

Xildhibaannada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa saakay magaalada Muqdisho ...
wasirka boostada

Dawladda Soomaaliya oo ka qeyb gashay Codeynta shirka Isgaarsiinta Caalamka

Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Maxamed Aadan ...
golaha ammaanka

Golaha ammaanka oo oggolaaday in la baaro maraakiibta maraya biyaha Soomaaliya

Shan iyo tobanka dal oo ku jira golaha ...
war-deg-deg-ah1-150x15011421154

DEG-DEG: Isku-shaandhayn lagu sameeyay golaha wasiirada-DHAGEYSO+AKHRISO

Isku-shaandhayn ayaa lagu sameeyay golaha xukuumadda ayadoo dhowr ...
astaanta-warka

Dhageyso Warka Habeennimo

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/10/WAR-HABEEN-24.10.2014.mp3"][/audio]
10557324_1511228629115891_5934649784209096446_n

“Muungaab” oo tababar u furay howlwadeennada mashruuca tirakoobka iyo deriseeynta G/Banaadir+Sawirro

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahana Duqa magaalada Muqdisho mudane ...
IMG_08431

Qaar kamid Ah Ardayda Soomaaliyeed ee Wax ka Barta Jaamacada Mount Kenya Ee Nairobi Oo Cabashooyin u soo Gudbiyey Danjire Cali Ameriko“SAWIRRO”

Qaar kamida ardayda soomaaliyeed ee waxka barata jaamacada ...
MENG9832

Agaasiamaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta oo Maanta Booqday Xarunta Wakaalada Wararka ee Shiinaha ee Xinhua ee Nairobi “SAWIRRO”

Agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta iyo hanuuninta dadweynaha ...
astaanta-warka16

Dhegeyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

  [audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/10/WARKA-DUHUR-24.10.2014-sax.mp3"][/audio]
EBOLA

Siminaar Ebola ku saabsan oo Muqdisho lagu qabtay. (DAAWO VIDEO)

Siminaarkaani oo bulshada looga wacyi gelinaayay y sida ...
DSCN1393

Dhallinyaro tababar Sports loogu furey Muqdisho”sawiro”

Akademiyadda kooxda Banaadir  Sports Club ayaa tababar ciyaarta  ...
20141023_122822

“Daawo Sawirrada”Qeybta Labaad booqashada madaxweynaha ee gobollada Galguduud iyo Hiiraan

             
download

Tababar loo soo xiray askar ka tirsan ciidanka ilaalinta deegaanka Xamar.(DAAWO VIDEO)

Tababar loo soo xiray askar ka tirsan ciidanka ...
DSC07790

Barnaamijka kulanka todobaadka oo looga hadlay mashruuca deriseynta (Dhageyso+Sawirro + DAAWO)

Barnaamijka kulanka todobaadka ee ka baxa Radio Muqdisho ...
IMG_0385

Shaqaale ka tirsan SNTV UK oo tababar wariyenimo ka qeybgalay+Sawirro

Qaar ka mid ah shaqaalaha taleefishanka qaranka laantiisa ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/10/WAR-SUBAX-24-10-2014.mp3"][/audio]
10347248_1473634609548763_3356529823124609855_n

Wasiir Beyle “waxaad arkeysaa dalal badan oo daneeynaya iney wadankan maalgashadaan” (DAWO VIDEO)

Wasiirka arrimaha dibadda iyo maalgashiga ee xukuumada federaalka ...
20141023_111411

“Sawirro + VIDEO”Madaxweynaha oo booqasho taariikhi ah ku tagey Ceelbuur iyo Beledweyne

Madaxweynaha oo ay wehliyaan wasiirka warfaafinta Mustaf Sheekh ...
calanka qaramada midoobay1

FARRIIN KU AADAN MUNAASABADDA MAALINTA QARAMADA MIDOOBAY  24 Oktoobar 2014

Qaramada Midoobay ayaa loogu baahanyahay si ka badan ...
vlcsnap-2014-10-23-14h07m34s90

Ciidamada Amaanka Galmudug oo gacanta ku soo bandhigay  walxo qaraxyada loo adeegsado

Saraakiisha ciidamada Booliiska iyo Nabad Sugida Galmudug Maamulka ...

Ganacsatada Jubbooyinka oo beeniyay eedeynta ay u soo jeedisay Monitoring Group

Iyadoo dhowaan kooxda la socodka xayiraada hubka ee ...
Waajid

Wefdi Xildhibaano ah oo maanta gaaray degmada Waajid ee gobolka Bakool

Wefdigan oo ay kamid ahaayeen Xildhibaano ka tirsan ...
astaanta-warka16

Dhegeyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

  [audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/10/war-duhur-23-10-2014-ok.mp3"][/audio]
Madaxweynaha Baraawe

Wefdiga Madaxweynaha oo gaaray Beledweyne kulamana la qaadanaya maamulka gobolka

Wefidga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa waxaa kamid ah ...

Tubta Toosan

Qarac

Dilka Rayidka Diintu maxay ka qabtaa?

Maleeshiyada Alshabaab tan iyo markii la dilay hoggaamiyahoodii ...
Tadaruf

Xag-jirnimada maxaa laga dhaxlay? Dhageyso

Xag-jirnimada aad ayay uga digtay Shareecada Islaamku, waxa ...
Jihaad

Jihaadku ma dagaal oo kaliyaa? Dhageyso

Qur’aanka iyo Sunnaha waxaa ku soo arooray JIhaad, ...