Wednesday, May 22nd, 2013

Gudoon cusub oo uu yeeshey Gudiga Olombikada Soomaaliyeed kadib doorasho ka dhacdey Muqdisho “DAAWO SAWIRRADA”

Published on January 4, 2013 by   ·   3 Comments  ·   3,712 views

Shirweynihii 6aad ee gudiga Olombikada Soomaaliyed ee GOS oo ah hey’adda ugu sareysa Sportiga dalka Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtey magaalada Muqdisho,iyadoo halkaasi lagu doortey madaxda afarta sano ee soo socota maamuli doona Gudigaasi oo ay hoos yimaadaan toboneeyo xiriir iyo ururo sports.

Madaxdii goob jooga u ahayd shirweynahaasi oo ka socdey dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ahaa, Wasiir ku xigeenka iyo wasiiru  dowlaha hor-umarinta iyo arimaha bulshada,Bashiir Maxamed Jaamac (bashiir Goobe) iyo Maxamuud Barkahdle,iyagoo halkaasi kasoo jeediyey qudbad ay ku cadeynayeen sida Gudiga olombikada iyo xiriiradiisa ay wada shaqeyn ula yeelan lahaayeen dowladda dalka ka jirta.

Maxamuud Axmed Nuur Tarzan oo ah gudoomiyaha maamulka Banaadir iyo Duqa Muqdisho ayaa halkaasi daaha ka rogey furitaankii shirweynaha isagoo ku nuux nuuxsadey in Muqdisho ay iminka marti gelin karto ciyaaraha caalamiga ah,iyadoo nabadgelyada ay tahay iminka mid leysku haleyn karo, isagoo balamn qaadey in uu taageeri doono guud ahaan Sportiga dalka,inkastoo uu kula dardaarmey in la joojiyo in magac ciyaaryahano lagu dhoofiyo shaqsiyaad caadi ah oo la iibsado.

Waxaa halkaasi laga aqriyey waxqabadkii gudiga Olombikada Soomaaliyeed mudadii 4-ta sano ahayd ee lasoo dhaafey,iyadoo xisaab iyo dhaqaale horey loo isticmaaley lagu sharxay qaab qoraal Video ah iyo aqrinba,

Ma jirin cid la tartameysay Musharixiinta u taagneyd jagooyinka Gudoomiye, Ku xigeennada ilaa xoghaynta, waxaana halkaasi codka ka bixinayey ilaa 18 ruux oo ka kala socdey xiriiro hoos taga GOS ururo iyo 5 zone oo ka socdey gobolada dalka,iyadoo halkaasi uu ka maqnaa codkii saxaafadda GOS oo kursigiisu cidlo ahaa.

Si kastaba Gudoomiyaha GOS ayaa waxaa cod aqlabiyad leh oo gaaraya 18 ku heley Cabdullaahi Axmed Tarabi, Ku xigenka 1-aad waxaa 17 cod Ku heley Axmed Xasan cabdi (Wataac) ku xigenka 2aad, Xasan Axmed Cabdi Elman,3aad Ibraahim Abuukar Shaamow, halka Xoghayaha loo doortey Duraan Axmed Faarax.

Sidoo kale waxaa halkaasi laga aqriyey magacyada gudiga fulinta ee GOS oo dhan 12, intooda badana ay yihiin gudoomiyaasha xiriiriada marka laga yimaado Khabiir Xaaji Maxamed Coloow,Cumar Baarajab,Abuukar Isloow iyo xubno kale.

Waa doorashadii ugu horeysey ee ka dhinaca Gudiga Olombikada iskastoo aysan jirin musharixiin horey loogu iclaamiyey inay soo gudbiyaan waxqabadkooda iyo inay tartamayaan yihiin hadana jawigu waxaa uu ahaa mid farxadeed oo laga dhowrayo gudoonkan cusub inay isbedel sameeyaan.

Waxaa Diyaariyey Wariye :-C/xafiid C/samad zaciimka

Gool Fm

Readers Comments (3)

  1. qatro says:

    masha aaaalaah

  2. Waxaan halkan thaniyad uga dirayaa Mr TARABI oo loo doortay gudomiyaha goos waana nin u qalma jagada lo magacaaba markaan aragti ahana firiyo, dhaamn madaxda GOS waxaan idin rajaynayaa inaad wadankiina ugu adegtaan si dacad ah, waad aragtaan aduunka isboortiga meeha uu marayaao anagana idinka ahogaan noo ah fadlan dacadnimo iyo hogaan fiican, waxaan kaloo halkan slaan qaas ah uga dirayaa, Gudoomiyahayga marna sxbkeey Xasan Axmed Cabdi oo loo doorat gudoomiye ku xigeen Mudane Xasan si qaas ah ayan kuuslamayaa, waana aminsnahy inad thay qof karti badan leh sida aad u horumarisya Nadiga Elman ayan rajaynayaa inaad Umada soomaliyeedna ugu adeegi doonto. mahadsanidiin.

  3. ascw wa guul horay usocda somaliyeey




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Wararka

RW Saacid Studiyaha RM

R/waasaare Saacid oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay ergayga Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya

R/waaaraha Soomaaliya ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ergayga ...
Fiqi

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Oo la kulmay madaxweynaha dalka Sudan.

Wasiirka gaashandhiga xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane C/xakiin Xaaji ...
astaanta-warka1

Dhageyso warka Subax ee Radiomuqdisho

War Subax Arbaco 22-05-2013
Qadar 10

Shirka Isku-imaatinka 13-aad ee Doha oo maanta la filayo in lagu soo gabagabeeyo magaalada Doxa ee dalka Qadar.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr. ...
r

Maamulka Galmudug oo ganaax lacageed dul dhigay Gawaari ay ku rarneyd Dhuxul laga jaray deegaanada maamulkaasi.

Wasiirka beeraha iyo xaanaanada xoolaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ...
DSC01526

“Daawo Sawirrada”Gudoomiyaha gobolka Hiiraan kormeerkii uu ku tagey Deegaanada Ceelgaal iyo tuulooyin kale oo katirsan gobolkaasi.

Booqashadaan oo ay gudoomiyaha gobolka Hiiraan mudane Cabdi ...
nn

Baarlamanka Soomaaliya oo maanta bilaabaya dooda Mooshinka laga keenay xukuumadda.

Kulankan oo ay maanta yeelanayaan xubnaha golaha shacabka ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12511

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
elman

Isku aadka tartanka CECAFA Kagame Club Cup oo lasoo saaray

Ururka kubada cagta bariga iyo bartamaha Afrika ee ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

War Habeen 21-May-2013
DSCN6980

Safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika iyo Wasaarado ka tirsan Dowladda Koonfur Afrika oo ka shiray Arimo Muhiim ah “SAWIRRO”

Kulan ay si wada jir ah ugu qeybteen ...
afhayeenka amisom

Ciidamada AMISOM oo sheegay iney guri guri u baaridoonaan Muqdisho

Taliska ciidamada AMISOM ayaa maanta ka warbixiyay howlgaladii ...
astaanta-warka

Dhageyso Warka Duhur

WAR DUHUR 21.05.2013
1

Baarlamanka oo maanta ansixiyay miisanadiyadda Sadexdii Bilood ee ugu dambeeyay sanadkii hore

Baarlamanka oo maanta anxisiyay Miisaaniyada  Sadexdii bilood ee ...
odayaasha-hawiye

Odayaasha dhaqanka ee soo xulay Baarlamanka oo ku baaqay in laga naqdo mowshinka laga keenay xukuumadda

Odayaashii dhaqanka Soomaaliyeed ee soo xulay Baarlamanka ayaa ...
IMG_0165 2

Wasiir ku xigeenka warfaafinta oo abaalmarinno guddoonsiiyay wariye iyo Cameromanno ka tirsan SNTV”Sawirro”

Wasiirka ku xigeenka Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta Gaadiidka Xukuumadda ...
DSC00586

DAAWO SAWIRRADA:- Dibadbax lagu tageerayo waxqabadka ay xukuumaddu muujisay oo maanta ka dhacay Muqdisho.

Dibadbax lagu tageerayay dowladda Soomaaliya loogana soo horjeeday ...
IMG_3133

DAAWO SAWIRRADA:- dib u dhis xoog leh oo laga dareemayo Gaalkacyo

akhristeyaasheena sharafta leh waxaan halka idinkugu soo gudbineyna ...
TubtaToosan1

Shirkii London iyo diidmada Al-Shabaab-DHAGEYSO

Shirka waxaa wada jir u guddoominayay madaxweynaha Soomaaliya ...
astaanta-warka1

Dhageyso warka Subaxnimo ee radio Muqdisho

WARKA SUBAX 21.5.2013
baladweyne1

Maamulka G/hiiraan oo amar ka soo saaray dadka wata hubka iyo dharka shacabka

Maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ...
images

ciidamada dowladda oo howlgal ka wado qeybo ka mid ah dagmooyinka G/banaadir

Ciidamada dowaladda Soomaaliya ayaa xalay iyo saaka howlgalo ...
BOQASHADA  MAAMULKA GOBOLKA HIIRAAN (1)

Odayaasha dhaqanka gobolka Gedo oo ka soo horjeestay maamulka looga dhawaaqay Kismaayo

Odaayasha Dhaqanka ee ku sugan magaalada Garbahaarey ee ...
shabaab baad

Maleeshiyaadka kooxda shabaab oo sii kordhayo qilaafkooda

Tan iyo markii ay soo shaacbaxday in qilaaf ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
guryaha

Barakacayaal duleedka Bosaaso looga dhisay guryo

qaar ka mid ah barakacayaasha ku dhaqan duleedka ...
DSC00436

DAAWO SAWIRRADA:- Kulankii mudaneyaal ka tirsan Baarlamanka ay Muqdisho ku yesheen

akhristeyaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkaga soo gudbineyna ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka habeennimo ee radio Muqdisho

WAR HABEEN 20.05.2013
DSC00489

Kulan looga soo horjeedo mushinkii laga keenay xukuumadda oo ay Muqdisho ku yesheen mudaneyaal ka tirsan Baarlamanka

Kulan lagu tageerayay horumarka dowladda isla markaana looga ...
hiraan

Maamulka Gobolka Hiiraan oo kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka “sawirro”

kulankan ayaa waxaa ka soo qeyb galay dhamaan ...
Galmudug-wwww

Maamulka Galmudug oo ku baaqay in la taageero horumarka iyo guulaha ay gaartay dowlada Federaalka

Maamulka Galmudug ayaa sheegay iney muhiim tahay in ...
astaanta-warka1

Dhageyso Warka Duhur

WAR DUHUR 20.05.2013
dowlada hoose 1

Maamulka G/Banaadir oo hey’adaha kala hadlay mashaariicda ay ka wadaan Muqdisho

Maamulka gobolka Banaadir ayaa kala hadlay hay’adaha maashaariicda ...
nn

Baarlamanka oo maanta ansixiyay talo soo jeedintii gudiga Maaliyadda ee Baarlamanka”Sawirro”

Fadhigii Baarlamanka ee maanta oo lagu ansixiyay talo ...

Tubta Toosan

TubtaToosan1

Diinta Islaamku maxay ka qabtaa Dhagarta?-DHAGEYSO

Shareecada Islaamku aad ayay uga dardaar warisay dhagarta ...
TubtaToosan1

Macluushii ka dhacday dalka iyo kaalinta Al-Shabaab-DHAGEYSO

Dabayaaqadii 2010 ilaa  bartamihii 2011-kii Soomaaliya waxaa ka ...
Fatwo

Horjoogayaasha Shabaab oo Godane Cambaareeyay!

Maalmihii la soo dhaafay waxaan tebineynay khilaafka u ...

*