Friday, May 24th, 2013

Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Maanta Booqday Xarummo Muhiim Oo Ay Ku Jirto Jaamacadda Jigjiga Oo Arday Soomaaliyeed Ay Wax Ku Baranayaan “DAAWO SAWIRRADA”

Published on February 18, 2013 by   ·   6 Comments  ·   8,080 views

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari oo socdaal ku jooga magaalada Jigjiga ee caasimadda Dowlad deegaanka Soomaalida ee Ethiopia ayaa maanta booqday xarummo muhiim ah oo ku yaala magaalada ayadoo xarumahaasina ay ka mid aheyd jaamacadda Jigjiga oo arday Soomaaliyeed si lacag la’aan ah wax uga bartaan.

Booqashadan waxaa Gudoomiyaha Baarlamaanka ku wehlinayey Marwada Gudoomiyaha Marwo Xaawo Ibraahim Aadam,Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad,Gudoomiyeyaasha gudiyada joogtada ah ee Baarlamaanka iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowlad deegaanka Soomaalida ee Ethiopia oo kala ahaa Madaxweyne Ku Xigeenka ahna hogaanka nabadgelyada C/laahi Yuusuf Weerar,Madaxweyn ku xigeenka ahna Wasiirka Caafimaadka C/Fitaax Maxamuud Xasan,Wasiirka Warfaafinta,Wasiirudowlaha,Maareeyaha guud ee Wakaalladda Warbaahinta,Wasiir ku xigeennada,Waxbarashada,Caafimaadka iyo Maalliyadda Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia.

Ugu horeyn booqashada waxa uu Gudoomiyaha Baarlamaanka ka bilaabay Jaamacadda Jigjiga oo ka mid ah Jaamacadaha gobolka ugu ballaaran maadaama ay jaamacadaasi wax ka bartaan Arday tiradoodu gaareyso 15,000(Shan iyo Toban kun)kuwaasi oo ay ku jiraan Arday Soomaaliyeed oo si lacag la’aan ah wax loo baro waxaana uu ugu horeyn Gudoomiyaha Warbixinno ka dhageystay maamulka Jaamacadda oo iyagu sheegay iney jaamacadda Jigjiga Ardayda wax ka barata kasoo kala jeedaan qowmiyaddo kala duwan balse luqadda wax lagu baro ay tahay Afka Soomaaliga.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari oo khudbad ka jeediyey Jaamacadda ayaa tilmaamay inuu aad ugu faraxsanyahay inuu arko Arday Soomaaliyeed oo si lacag la’aan ah wax uga baranaya deegaannada dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia talaabadaasina ay tahay wax looga mahad celiyo mas’uuliyiinta maamulka dowlad deegaanka waxaana uu ka codsaday Gudoomiyaha maamulka Jaamacadda iney badinayaan fursadaha waxbarasho ee ay siinayaan Ardayda Soomaaliyeed isagoo si gaar ahna maamulka Jaamacadda ugu ammaanay in Afka Soomaaliga ay weyneeyeen maadaama ay Jaamacadda Jigjiga tahay jaamacadda kaliya ee afka Soomaaliga wax lagu barto.

Kadib Gudoomiyaha Baarlamaanka waxa uu kusoo wareegay qeybaha kala duwan ee ay ka koobanyihiin dhismayaasha Jaamacadda Jigjiga oo aad uballaaaran waxaana uu si gaar ah ula kulmay Ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacadda Jigjiga sida lacag la’aanta ah wax uga barata kuwaasi oo iyagu Gudoomiyaha iyo Kuxigeenkiisa fiyooreyaal ama ubaxyo qoorta u suray waxaana Gudoomiyaha iyo Wafdigiisa ay dhir ku talaaleen gudaha dhismayaasha Jaamacadda Jigjiga kadib markii ay maamulka Jaamacadda ka codsadeen arintaasi.

Gudoomiyaha iyo Wafdigiisa waxey markaasi kadib booqdeen Koleejka tababarka Macalimiinta Jigjiga halkaasi oo gudoomiyuhu kula kulmay macalimiinta iyo maamulka Koleejka isagoo sidoo kalena ka dhageystay warbixinno ku aadan qaabka uu Koleejkaasi u shaqeeyo ayadoo macalimiinta warbixinnada siinayey Gudoomiyaha ay u sheegeen in luqadda koobaad ee ay ahmiyadda siiyaan islamarkaana wax lagu barto ay tahay Afka Soomaaliga,kadibna Gudoomiyaha waxa uu mid mid u kormeeray fasallada uu koleejka ka koobanyahay oo uu ku arkay in Af-Soomaaliga wax lagu baranayo.

Intii Koleejkaasi uu ku sugnaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari waxaa lagu soo dhaweeyey ciyaarro kala duwan oo Hidaha iyo Dhaqanka ayadoo ay xusid mudantahay in goob walba oo uu Gudoomiyuhu tago ay dadka ku sugan kusoo dhaweynayeen ciyaarraha Hidaha iyo Dhaqanka.

Sidoo kale Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa booqday Koleejka tababarka Caafimaadka Jigjiga halkaasi oo ay wax ku bartaan Arday Soomaaliyeed kuwaasi oo ka kala yimid gobollada Dalkeenna  waxaana Gudoomiyaha iyo wafdiga la socday lagusoo dhaweeyey Caleemmo qoyan ayadoo ay maamulka Koleejka Gudoomiyaha u sheegeen in Ardayda koleejkaasi hada wax ku baraneysa ay yihiin 2,450 (Laba kun, Afar boqo iyo konton) horeyna ay Ardaydii wax ka baratay qaarkood hada yihiin dhaqaatiir u adeegaya dadkooda.

Markii uu Gudoomiyaha kusoo wareegay qeybaha uu koleejkaasi ka koobanyahay oo qaarkood ay Arday ku qaadanayeen tababarro waxa uu kulan gaar ah hool ku yaala Koleejka kula qaatay Ardayda Soomaaliyeed ee Koleejkan waxbarata kuwaasi oo iyagu Calanka quruxda badan ee Dalkeenna lulayey waxaana markii uu Gudoomiyaha galay hoolka ay Ardaydu u qaadeen Astaanta Qaranka Dalkeenna ayadoo ay xusid mudantahay Ardayda goobtaasi ku sugneyd ay ka muuqatay shacuur wadaniyadeed oo xitaa qaarkood markii Astaanta Dalkeenna ay qaadayeen goobta ka ilmeeyey.

Ugu horeyn qaar ka mid ah Ardayda Soomaaliyeed oo goobta ka hadlay ayaa sheegay iney aad ugu faraxsanyihiin isbedelka hada ka muuqanaya Dalkeenna ee dhanka hormarka ah waxaana ay Madaxda Sare ee dalka ku booriyeen iney si caddaallad ah ugu adeegaan shacabkooda oo ay fuliyaan dhaartii ay dhaarteen ayagoo sidoo kalena mahad celin weyn u jeediyey madaxda iyo shacabka Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia sida hagar la’aaneed ee ay usoo dhaweeyeen islamarkaana u siiyeen fursadahan waxbarasho,gudoomiyahana waxey uga mahad celiyeen booqashadiisa maadaama uu yahay mas’uulkii ugu horeeyey ee ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Ardaydan soo booqda.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari oo Ardayda Khudbad u jeediyey ayaa tilmaamay ugu horeyn in wax lagu farxo ay tahay in Arday Soomaaliyeed oo intaan le’eg ay Jigjiga wax ku baranayaan waxaana uu Ardayda ku booriyey iney sii wadaan dadaalkooda waxbarasho ayna xasuusnaadaan mar walba iney yihiin Madaxda berri ee dalka iyo dadka hogaamin doona.

Ugu dambeynna waxa uu Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari booqday koleejka Tababarka Farsamada Gacanta Jigjiga iyo Isbitaalka guud ee Jigjiga oo dhismihiisa dhowaan la hirgeliyey waana isbitaal aad u ballaaran oo dhismihiisa ay ku baxday lacag gaareysa Toban Milyan oo Doollar.

Si kastaba magaalada Jigjiga ee caasimadda Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia waxaa ka muuqanaya hormar aad u ballaaran waxaana dadka magaalada ku dhaqan ay inoo sheegeen hormarkan uu yahay mid sanadahii ugu dambeeyey ku socday si dar dar leh ayadoo kaalin weyn ay ku leeyihiin bilicda Jigjiga ka sokoow maamulka dowlad deegaanka shacabka deegaanka kasoo jeeda oo badankood qurbaha ugasoo laabtay iney deegaankooda maalgashi ku sameeyaan.

DSCN3211

 

DSCN3229

DSCN3233

DSCN3239

DSCN3242

DSCN3255

DSCN3263

DSCN3268

DSCN3279

DSCN3282

DSCN3284

DSCN3287

DSCN3289

DSCN3291

DSCN3293

DSCN3297

DSCN3303

DSCN3306

DSCN3307

DSCN3313

DSCN3315

DSCN3318

DSCN3323

DSCN3327

DSCN3329

DSCN3331

DSCN3335

DSCN3336

DSCN3340

DSCN3344

DSCN3346

DSCN3350

DSCN3351

DSCN3357

DSCN3362

DSCN3372

DSCN3393

DSCN3398

DSCN3413

DSCN3414

DSCN3425

DSCN3431

DSCN3440

DSCN3455

DSCN3468

DSCN3471

DSCN3484

DSCN3492

DSCN3516

DSCN3520

DSCN3521

DSCN3523

DSCN3527

DSCN3530

DSCN3535

DSCN3540

DSCN3545

DSCN3555

DSCN3571

DSCN3573

DSCN3574

DSCN3579

DSCN3584

DSCN3588

DSCN3593

DSCN3597

DSCN3599

DSCN3601

DSCN3603

DSCN3606

DSCN3608

DSCN3609

DSCN3614

DSCN3615

DSCN3616

DSCN3617

DSCN3626

DSCN3628

DSCN3631

DSCN3632

DSCN3641

DSCN3645

DSCN3647

DSCN3654

DSCN3657

DSCN3659

DSCN3662

DSCN3667

DSCN3676

DSCN3681

DSCN3684

DSCN3688Photo By:-Abdifitah Dahir Jeite,Jigjiga

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Readers Comments (6)

  1. waa guul u soo hoyatay somali meel kastooy joogto iyo mahad noq aan u diraayo madax weynaha somali galbeed oo tusay gudoomi yaha barlamaanka somaali waxqawad kiisa kilinka shanaad ee somalia guul waa joogtaane inoo xijiya oo noo atkeeya gobanimada thnks

  2. Mashaa allaah mashaa allaah al xamdu lilaahi allow nabad iyo horumar nasii

  3. abdinasir nur hussien says:

    msha allah.
    allow isku sooceli dadkeena.

  4. k naan says:

    mashallah, waan ku faraxsanahy in lo xoojiyo xiriirka nagala dhaxeya waalaalaha, friendship, brotherhood inshallah..
    we appreciate soo dhaweyntiina fiican
    mshallah, well done!!

  5. abdikadir jama says:

    maasha allah waxaan leenahay madxweyne xassan isaga iyo saacid ha noo yimadaan .si fiican ayaan usoo dhaweyneynaa iinshaallah.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Wararka

astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhurnimo Ee Radio Muqdisho

War Duhur 24-May-2013
janaale

Mas’uuliyiin Ka Tirsan Maamulka Gobolka Shabeelada Hoose Oo Kormeeraya Degmooyin Ka Tirsan Gobolkaasi

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Shabeelada Hoose ayaa ...
Bole Road Addis Ababa

Wasiirrada Arrimaha Dibadda IGAD Oo Sharci Daro Ku Tilmaamay Maamulkii Kismaayo Looga Dhawaaqay “Dhageyso”

Wasiirrada Arrimaha Dibadda urur goboleedka IGAD oo shir ...
DSC00154

Gudoomiyaha Baarlamanka oo marti ku ahaa Barnamijka kulanka Jimcaha ayaa sharaxay waxqabadka Baarlamanka su’aalana ka jawaabay”Sawirro”

Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ...
astaanta-warka161-150x150

Dhageyso Warka Subax

WAR SUBAX 24.05.2013
Obama

Madaxweyne Obaama oo sheegay in la wiiqay awoodii ururka Al qaacidda

Madaxweynaha Mareykanka Barrack Obaama ayaa sheegey in awoodii ...
R.W Saacid

R/wasaare Saacid oo sheegay in isbedel uu ku yimid daqliga dowlada

Xukuumada Federaalka  ee Soomaaliya ayaa ka hadashay kororka ...
Cabdi-Qeybdiid

Madaxweynaha Galmudug oo soo dhaweeyay dib uga laabashada mowshinki laga keenay xukuumada

Maamul gobaledka Galmudug ayaa arrin lagu farxo ku ...
xukun1

Maxkamada ciidamada ee Puntland oo xukun dil ah ku radday gacan ku dhiiglayaal

Puntland oo xukun dil ah ku riday dad ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12511

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
rinkesc1

Rabshado ayaa ka socdo Magaalada Stockholm ka dib markii gaadiid iyo goobo ganacsi lagu gubay xaafadaha ay u badan yihiin Soomaalida SAWIRO

Rabshadahan ayaa dhowrkii cesho ee la soo dhaafay ...
LUULIYO

OGEYSIIS: Kulan loogu arinsanayo qaban-qaabada Xuska 1 Luulyo Ee Magaalada Munich ee dalka Germany.

Waxaa la Ogaysiinayaa dhamaan Dadweynaha Soomaaliyeed ee ku ...
DSC_0376

DAAWO SAWIRADA:- Wasiirka gaashaandhiga Xarumihii uu tagay iyo Madaxdii uu la kulmay intii uu Sudan joogay oo dhamaystiran.

Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane ...
astaanta-warka1

Dhageyso warka habeennimo ee radio Muqdisho

WAR HABEEN 23 05 2013
IMG_8547

Madaxweynaha oo qado sharaf u sameeyay mudaneyaasha Baarlamanka “sawirro”

Kulanka qadada ah ee uu madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ...
safar bye bye

Madaxweynaha iyo wafdi uu hoggaaminaya oo Addis Ababa u dhoofay

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Shiiq Maxamuud iyo wafdi ...
IMG_8322

DAAWO SAWIRRADA:- Munaasabadii lagu xusayay aas-aaska midowga Africa ee Muqdisho lagu qabtay

akhristeyaasheena sharafta leh waxaan halka idinkugu soo gudbineynaa ...
gafoow

Taliyaha hoggaanka iyo socdaalka oo sheegay in la diwaan galiyay dad badan oo ajaanib ah

Taliyaha Hogaanka Socodaalka iyo Jinsiyadaha  Dowladda Soomaaliya Cabdulahi ...
wasiroo_3

Xukuumada oo soo dhaweysay ka noqoshadii mooshinka baarlamaanka kana hadashay arrimaha Jubaland iyo wada-xaajoodka Somaliland “war-saxaafadeed+sawirro”

(Muqdisho, Majo 23, 2013). Shirkii golaha wasiirada Xukuumada ...
DSC01028

Munaasabad lagu xusayay maalinta Umulisada aduunka oo Muqdisho lagu qabtay “sawirro”

Munasabad lagu maamuusayay maalinta umulisay aduunka laguna soo ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka duhurnimo ee radio Muqdisho

WAR DUHUR 23.05.2013
qeybdiid Galmudug State President

Madaxweynaha Galmudug oo ka qeybgalay Munaasad loo qabtay arday ka qalinjebisay dugsiga sare Mudug

Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug ayaa ka qeybgalay munaasabad ...
TubtaToosan1

Khilaafka Al-Shabaab iyo waxa uu salka ku haayo-DHAGEYSO

Muddooyinkii dambe horjoogayaasha maleeshiyaadka Al-Shabaab waxaa soo kala ...
Sawirka 1

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo booqasho ku jooga Sucuudiga.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr.Maxamed Nuur ...
Madaxweyne-xasan-Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay munaasabad lagu xusayay 50 guuradii Midowga Afrika oo lagu qabtay Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyada Fedraalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ...
dibad_ba_3

Dibadbax lagu taageerayay waxqabadka dowlada iyo mowshinkii la baajiyay oo ka dhacay Muqdisho”Sawirro”

Dibad bax balaaran oo lagu taageerayay horumarada iyo ...
Hobyo_view

Duqa dagmada Hobyo oo sheegay in ay wadaan waan waan lagu doonayo in ay xiisad ka dhalan dil shalay ka dhacay ceel huur

Maamulka dagmada Hobyo ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee ...
muqdisho_1

Odayaasha dhaqanka Muqdisho oo soo dhaweeyay mushinkii ay la laabteen xildhibaano ka tirsan baarlamanka

Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka magaalada Muqdisho ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka subaxnimo ee radio Muqdisho

WARKA SUBAX 23.5.2013
Al-Shabaab Awood Daciifid 4

Maleeshiyaad ka tirsan shabaab oo qasaare loogu geystay xadka u dhaxeeya Somaliya iyo Ethiopia

Iska hor imaad geystay qasaaro iskugu jira dhimasho ...
south africa

Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalalka S/africa iyo S/zerland oo soo dhaweeyay go’aankii xildhibaanada ay uga noqdeen mushinka

Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee  ku nool dalalka South Africa ...
DSC03854

Dowladaha Sudan iyo Soomaaliya oo Hishiis Dhanka Ciidanka Xooga ah kala saxiixday :- Daawo Sawiro

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa hishiis Dhanka ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada125

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
astaanta-warka1

Dhageyso warka habeennimo ee radio Muqdisho

WAR HABEEN 22.05.2013

Tubta Toosan

TubtaToosan1

Khilaafka Al-Shabaab iyo waxa uu salka ku haayo-DHAGEYSO

Muddooyinkii dambe horjoogayaasha maleeshiyaadka Al-Shabaab waxaa soo kala ...
TubtaToosan1

Diinta Islaamku maxay ka qabtaa Dhagarta?-DHAGEYSO

Shareecada Islaamku aad ayay uga dardaar warisay dhagarta ...
TubtaToosan1

Macluushii ka dhacday dalka iyo kaalinta Al-Shabaab-DHAGEYSO

Dabayaaqadii 2010 ilaa  bartamihii 2011-kii Soomaaliya waxaa ka ...

*