Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Kulan La Qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Kormeerayna Xaafadaha Ay Soomaalidu Degantahay “DAAWO SAWIRRADA”
Published on February 16, 2013 by Jayte · 7 Comments · 6,121 views
Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari oo wafdi uu hogaaminayo ay ku suganyihiin dalka Ethiopia ayaa gelinkii dambe ee maanta kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalkan Ethiopia.
Kulankan oo ka dhacay xarunta wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ku taala magaalada Addis Ababa ayaa waxaa ugu horeyn Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari kusoo dhaweeyey albaabka xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dr. Tedros Adhanom oo isagu ah wasiirka Arrimaha Dibadda dalkan Ethiopia.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ethiopia Dr. Tedros Adhanom oo ugu horeyn ka hadlay kulan ay wadayeesheen isaga iyo Gudoomiyaha waxa uu Mudane Jawaari uga mahad celiyey booqashada uu ku joogo dalkan Ethiopia ayadoo dhanka kalena uu Gudoomiyaha Baarlamaanka isna uga mahad celiyey Wasiirka Arrimaha Dibadda soo dhaweynta uu u sameeyey.
Kulan qaatay saacad oo ayaa markii uusoo idlaaday waxaa shirjaraa’id qabtay Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari oo isagu tilmaamay in isaga iyo Wasiirka arrimada Dibadda ay ka wada hadleen qodobbo dhowr ah oo quseeya labada dal islamarkaana ay isku afgarteen dhammaanba qodabadii quseeyey.
Dhinaca kale Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ay wehliyaan ku xigeenkiisa Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo gudoomiyeyaasha gudiyada Baarlamaanka ayaa saakay waxey kormeer ku tageen xaafadaha ay magaalada Addis Ababa ka degenyihiin Soomaalida halkaasi oo gudoomiyuhu kulasoo kulmay qaar ka mid ah Soomaalida wadankan ku nool oo uu wax ka weydiiyey xaaladooda nololeed iyo hadii ay jiraan dhibaatooyin lasoo dersa.
Qaar ka mid ah Soomaalida ku dhaqan xaafadaha ay Soomaalidu ku badanyihiin magaaladan Addis Ababa oo kala ah Booli iyo xaafadda Jaamu oo ay dadka dalkan ku magacaabaan Muqdishada cusub oo iyana la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa waxey sheegeen iney aad ugu faraxsanyihiin kormeerka ay saakay ugu yimaadeen Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdigiisa ayadoo dhanka kalena ay dadka Soomaaliyeed uga mahad celiyeen shacabka iyo Dowladda Ethiopia sida wanaagsan ee ay hada iyo goor Soomaalida dalkooda ugu soo dhoweeyaan.






















Photo By:-Abdifitah Dahir Jeite
Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka gaashaandhiga Dowladda Federaalka ah ...
Warka Subaxnimo Isniin 20-05-2013
Warka Subaxnimo Isniin 20-05-2013
Dadka kunool deegaanka Beledulamiin ee gobolka Shabeelada Hoose ...
Xili magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ay ...
Kuxigeenka ra’isulwasaaraha ahna wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Fowsio ...
Qaar kamid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee kunool dalka ...
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr. ...
Wafdigan uu Hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Federaalka ah ...
Maxkamada darajada kowaad ee Gobolka Bari ayaa xukuno ...
WAR HABEEN 19.05.2013
Shirweynihii 6-aad ee xiriirka kubadda gacanta ayaa maanta ...
Howlahan qaliinka lacag la’aanta ah ee dhaqaatiirta ajaanibta ...
Agaasimaha guud ee hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda ...
Halkan hoose ayaad ka daawan kartaan khudbadii qiimaha ...
Warsaxaafadeedka Oo English ah hoos ka akhriso
Taliska ciidanka Booliska Galmudug ayaa faahfaahin ka bixiyay ...
Cutubyo ka tirsan ciidamada XDS oo tababar uga ...
Dibad bax balaaran oo looga soo horjeeday natiijadii ...
R/wasaare ku xugeen ahna wasiirka arrimaha dibadda Fowsiyo ...
Wafdigii ka socday Baarlamanka Jaamacadda Carabta oo maalmihii ...
Maamulka degmada Caabudwaaq ayaa markii ugu horeysay waxa ...
Iyadoo shalay dugsiyada waxbarsho ee kuyaala deeganada mamaulka ...
Warka Subaxnimo ee Radiomuqdisho Axad 19-05-2013
Xili uu isasoo tarayo horumarka laga gaaray amaanka ...
Kusimaha gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna kuxigeenka gudoomiyaha gobolka ...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud ...
Madaxwaynahamaamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed C/llahi Aadan Tiiceey ...
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
Ciyaar Saxiibtinimo ah oo kubadda Koleyga ah ayaa ...
WAR HABEEN 18 05 2013
(Muqdisho, 18 May 2013) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ...
Akhristeyaasha sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineyna ...
war duhur 18.05.2013
Shareecada Islaamku aad ayay uga dardaar warisay dhagarta ...
Dabayaaqadii 2010 ilaa bartamihii 2011-kii Soomaaliya waxaa ka ...
Maalmihii la soo dhaafay waxaan tebineynay khilaafka u ...
good job jawari
waaaaaaaaaaaw wlhi waxan ka xumahay meelah oow booqday afar bil ka hor aankaso tagay jeclaan lahaye ina la kulmo madaxneena soomaliyee somalia ha noo laato
waligay ma maqal police ka Ethoipia oo dad somali ah qab qabanaya ama somali lagu dhibaateeyay Ethoipia,mar marka qaarna waxaan i dad dhahaya Ethoipia waa cadow,Ethoipia cadow maaha waa dad iyo dal walaalaheena oon mar isku dhacnay,dadku waa is diriraan waana heshiiyaan laakiin marwalba waxaa laga tusaala qaataa hadba say dadka dhulkaa dagan ula dhaqmaan dadkaaga,alow nabad baanu kaa barinay.
Maashaa Allah aad baan ugu farxsanahy in aan arko madaxdeenna oo sidan loo ixtiraamayo, dabcan waana wax ka tarjuma isbedelka siyaasadeed ay ay dowlladdeennu sameysan.
Guul somalia hanolato hanolato
good jawari
maasha alaah waaye waa marki ugu horeeysay muda 21 sano kadib masuul kasocda dowlada somaaliyeed kasoo soo booqday dhamaan xaafadaha addis ababab oo ay ku noolyihiin umada farabadan oo soomaliyeedmadaxda dowlada weey timaadaa addis ababa lkn sooma booqdaan dad soomaalida ah oo ku nool addis ababa pr Maxamed Cismaan Jawaari waaanu umahad celineenaa maadaama oow yahay nin jecel shacabka soomaaliyeed oo jooga dibada iyo dalkaba waxaan leeyahay madaxda kale ku daysada sida uu sameeye gudoomiyaha baarlaamnka soomaaliyeed
Maxamed Cismaan Jawaari