Sunday, May 19th, 2013

Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Kulan La Qaatay Ra’isulwasaaraha Ethiopia “DAAWO SAWIRRADA”

Published on February 15, 2013 by   ·   6 Comments  ·   6,460 views

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari oo wafdi uu hogaaminayo ay ku suganyihiin magaalada Addis Ababa ayaa gelinkii dambe ee maanta kulan la qaatay Ra’isulwasaaraha dalkan Ethiopia Hayle Mariam Disale.

Kulanka dhexmaray Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalkeenna iyo Ra’isulwasaaraha Ethiopia ayaa ka dhacay aqalka Madaxtooyada ee looga aramiyo dalkan Ethiopia waxaana Gudoomiye Jawaari kulanka ku wehlinayey Gudoomiye Kuxigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad,gudoomiyeyaasha gudiyada Baarlamaanka joogtada ah ee Baarlamaanka,mas’uuliyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee Ethiopia iyo Safiirka Dowladda Ethiopia u fadhiya magaalada Muqdisho.

Ugu horeyn Ra’isulwasaaraha Dalka Ethiopia Hayle Mariam oo xarunta Madaxtooyada kusoo dhaweeyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalkeenna ayaa uga mahad celiyey wafdiga uu Gudoomiyaha hogaaminayo socdaalkooda ay ku joogaan magaalada Addis Ababa waxaana uu Ra’isulwasaare Mariam intaasi ku daray in socdaalkiisii ugu horeeyey uu ku yimaado Ethiopia Gudoomiyaha Baarlamaanka ay muujineyso sida uu xiligan u wanaagsanyahay xiriirka dalalka deriska ah,isna dhinaciisa ayuu Gudoomiyaha Baarlamaanka ka mahad celiyey casuumadda loo fidiyey iyo soo dhaweynta loo sameeyey.

Mahad celin kadib ayey Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’isulwasaaraha Ethiopia wada yeesheen kulan saacad qaatay waxaana kulankaasi markii uusoo dhamaaday la hadlay Saxaafadda Mudane Maxamed Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalkeenna oo isagu sheegay in ay ka wada hadleen isaga iyo Ra’isulwasaaraha qodobbo quseeya xiriirka labada Dal islamarkaana qodobadii laga wada hadlay ay isku afgarteen.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari ayaa xusay in qodobadaasi loo hirgelin doono si ay ku dhisantahay iskaashi iyo deris wanaag.

Shaley ayey aheyd markii uu Gudoomiyaha Baarlamaanka kula kulmay xarunta Baarlamaanka Dalkan Ethiopia dhigiisa dalkan oo ay wada gaareen is afgarad buuxa oo ku dhisan wada shaqeyn labada Baarlamaan si joogta ah u dhexmarta.

Gud Jawaari Iyo Ra'isulwasaare Maryan 1

Gud Jawaari Iyo Ra'isulwasaare Maryan 2

Gud Jawaari Iyo Ra'isulwasaare Maryan 3

Gud Jawaari Iyo Ra'isulwasaare Maryan 4

Gud Jawaari Iyo Ra'isulwasaare Maryan 5

Gud Jawaari Iyo Ra'isulwasaare Maryan 6

Gud Jawaari Iyo Ra'isulwasaare Maryan 7

Gud Jawaari Iyo Ra'isulwasaare Maryan 8

Gud Jawaari Iyo Ra'isulwasaare Maryan 9

Gud Jawaari Iyo Ra'isulwasaare Maryan 10

Gud Jawaari Iyo Ra'isulwasaare Maryan 11

Gud Jawaari Iyo Ra'isulwasaare Maryan 12

Gud Jawaari Iyo Ra'isulwasaare Maryan 13

DSCN2679

DSCN2687

Gud Jawaari Iyo Ra'isulwasaare Maryan 14

Gud Jawaari Iyo Ra'isulwasaare Maryan 15

Gud Jawaari Iyo Ra'isulwasaare Maryan 16

Gud Jawaari Iyo Ra'isulwasaare Maryan 17

Gud Jawaari Iyo Ra'isulwasaare Maryan 18

Gud Jawaari Iyo Ra'isulwasaare Maryan 19Photo By:-Abdifitah Dahir Jeite

Readers Comments (6)

  1. Ahmed says:

    Asc, MashaAllah shaqa wanaagsan ayuu hayaa Gudoomiyaha Parliament iyo team kiisa, lkn su’aal waa maxay dhibka dawlada ka haysta arimaha protocolka iyo kulamada dawladaha? sidii shacabkii ayey meelkasta iska galayaan iyada oo aan astaantooda iyo calankooda la dhigin.
    Mahadsanidin.

  2. masha allha waa waxanu kufaraxano hadanu nahay somali inanu harira wanagasin laylino ethiopio

  3. amiin says:

    hadii aad qiil u hesheen somaliyeed inaysan sharci eheen baarlamaan wadan kale leeyahay in lacan laga taago

    tan ma baarlamaanbaa aaway calankii gudoomiyaha baarkamaanka soomaalieed wuxuu matalaa somali oo dhan aqoon yarina ma heyso xagey wax ka jiraan

    madaxda somaliyeed waxaan u sheegeynaa in ay eegaan kulamada dhaca hadii ay ka waayaa wax calaamad ah sida calanak oo kale ahdii laga waayo halka kulanka ka dhacaayo waa inay isaga dhaqajiyaan

  4. ali says:

    saaxib ahmed dowlad kasto waxee calan u surtaa waa madaxweniyaasyoha reesalwasaare, tusaale gudoomiyaha barlamanka jabuuti markoo muqdisho booqanaaye calan miyaa loo suray? kala saar waxaa rabno iyo qanuunka aduunka u dagsan

  5. koooshin says:

    asc waad mahadsantihin radio muqdisho lakiin halmid ayaan kaxumahay meesha shirka kadhacayo masorno calankayna sharafta leh marka madax somaliyeed wa inay kafakaraan taas maxaayeelay dalkasto calankiisa ayaa lagu aqonsado

  6. haa waa suaal mudan inlis wediiyo sababta oo ah calankeena buluuga ahaa 5 xidig lahaa mesha ugama jeedno balse waa xeelad caqliyeesan dadkeena haden fahmeenin anaka ayaa fahmeeno mahadsanidiin teda kale aad ayan usoo dhaweena shaqada wanagsan ee inuu hayan guul ayan idin rajenaa iyo somalia inad nabad kusoo dabashan insha,alah asc igana raali noqdo




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Wararka

k.gacanta doorasho (11)

Gudoonka cusub ee xiriirka kubadda gacanta oo lagu doortey Muqdisho “SAWIRRO”

Shirweynihii 6-aad ee xiriirka kubadda gacanta ayaa maanta ...
daaru shifa

Isbitalka Daarul-shifa oo laga bilaabay qaliimo lacag la’aan ah “sawirro”

Howlahan qaliinka lacag la’aanta ah ee dhaqaatiirta ajaanibta ...
General Bashiir Goobe

Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka Oo Beenisay In Ciidammo Ka Tirsan Ay Xildhibaanno Ka Hor Istaageen Shir

Agaasimaha guud ee hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda ...
madaxweyne xasan

Halkan ka daawo baaqii Madaxweynaha jamhuuriyada ee arimaha Jubooyinka iyo gobalada Waqooyi VIDEO

Halkan hoose ayaad ka daawan kartaan khudbadii qiimaha ...
DSC_2708

Mowqifka DFS Ee Ku Aadan Joojinta Duulimaadyada QM Ee Berbera & Hargeysa…WARSAXAAFADEED

  Warsaxaafadeedka Oo English ah hoos ka akhriso  
booliiska

Booliiska Galmudug oo faahfaahin ka bixiyay howlgal ay ciidamadu ka sameeyeen Gaalkacyo

Taliska ciidanka Booliska Galmudug ayaa faahfaahin ka bixiyay ...
howlgal ciidamada xds

Cutubyo ka tirsan ciidamada XDS oo soo bandhigay dhoolatus melateri

Cutubyo ka tirsan ciidamada XDS oo tababar uga ...
Sawir Kismaayo Ah

Dibadbax looga soo horjeedo natiijada shirkii Jubbooyinka oo maanta ka dhacay Kismaayo

Dibad bax balaaran oo looga soo horjeeday natiijadii ...
DSC09914

R/wasaare ku xu xigeen ahna wasiirka arrimaha dibadda oo maanta dalka dib ugu soo laabtay”Sawirro”

R/wasaare ku xugeen ahna wasiirka arrimaha dibadda Fowsiyo ...
DSC09899

Wafdigii ka socday Baarlamanka Jaamacadda Carabta ee booqanayay Muqdisho oo dalka ka ambabaxay”Sawirro”

Wafdigii ka socday Baarlamanka Jaamacadda Carabta oo maalmihii ...
caabudwaaq

Maamulka degmada Caabudwaaq oo soo bandhigay qiimeyn lagu sameeyay daadad kusoo rogmaday degmadaasi.

Maamulka degmada Caabudwaaq ayaa markii ugu horeysay waxa ...
Galmudug-wwww

Maamulka Galmudug oo awaamiir kasoo saaray qaabka loo qaadayo imtixaanadka dugsiyada.

Iyadoo shalay dugsiyada waxbarsho ee kuyaala deeganada mamaulka ...
astaanta-warka161-150x150

Dhageyso warka subax ee Radiomuqdisho

Warka Subaxnimo ee Radiomuqdisho Axad 19-05-2013
Magaalada-Beledweyne1-300x233

Magaalada Baledweyne oo ay ka socdaan howlo lagu dariseynayo xaafadaheeda.

Xili uu isasoo tarayo horumarka laga gaaray amaanka ...
astaanta-maamulka-gobolka-banaadir

Maamulka gobolka Banaadir oo ugu baaqay dadka reer Muqdisho inay ka faa’iideystaan mashaariicda laga hirgelinayo caasimada

Kusimaha gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna kuxigeenka gudoomiyaha gobolka ...
DSC00193

Madaxweynaha jamhuuriyadda oo sheegay in la joogo xiligii uu dalku ka bixi lahaa dib u dhaca.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud ...
tiiceey

Maamulka Ximan iyo Xeeb oo nasiib daro ku tilmaamay is qabqabsiga dhinaca maamulka ah ee ka taagan magaalada Kismaayo.

Madaxwaynahamaamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed C/llahi Aadan Tiiceey ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada125

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
ciyaartoy

Ciyaartooyda ciidanka XDS iyo ciyaartooy ka socotay ciidanka Burundi oo kuwada ciyaaray Muqdisho iyadoo ay guusha raacday ciyaartoyda ciidanka XDS

Ciyaar Saxiibtinimo ah oo kubadda Koleyga ah ayaa ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka habeennimo ee radio Muqdisho

WAR HABEEN 18 05 2013
DSC00193

“Dowladdu barnaamij bey ka diyaarisay dhaqan gelinta Federaalka” War-saxaafadeed”

(Muqdisho, 18 May 2013) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ...
DSC00217

DAAWO SAWIRRADA:- Madaxweynaha oo xariga ka jaray Iskuul cusub oo ay hirgalisay dowladda Turkiga

Akhristeyaasha sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineyna ...
astaanta-warka161-150x150

Dhageyso Warka Duhur

war duhur 18.05.2013
DSC00193

Madaxweynaha oo ka hadlay arrimaha Jubbooyinka, Soomaaliland iyo hirgelinta Federaalka”Sawirro”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaliya ayaa maanta ka hadlay arrimaha ...
DSC09816

Wasiirka Warfaafinta Isgaarsiinta iyo Gaadiidka oo xafiiskiisa ku qaabilay guddiga Gaadiidka ee Baarlamanka”Sawirro”

Wasiirka Warfaafinta Isgaarisiinta iyo Gaadiidka ayaa kulan la ...
DSC09819

Daawo Sawirrada Wafdigii ka socday Baarlamanka Jaamacada Carabta oo booqday Baarlamanka Soomaaliya

Wafdi ka socday Jaamacada Carabta oo uu hogaaminayay ...
K-KOLEYGA_DEGMO-3

Xarunta maamulka degmada Xamar Jajab oo dib u dayactir lagu sameeyay

Munaasabad balaaran oo xariga looga jarayay xarunta degmada ...
Saacid 11

R/wasare Saacid oo kulan la qaatay wafdi uu hogaaminayo gudoomiyaha Baarlamanka Carabta oo booqanaya Muqdisho

Ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa qaabilay ...
BOQASHADA  MAAMULKA GOBOLKA HIIRAAN (11)

“Daawo Sawirrada”Gudoomiyaha gobolka Hiiraan oo booqday deegaanada Jawiil iyo Beergadiid ee g/Hiiraan.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdi Faarax laqanyo ayaa kormeer ...
IGAD

Wafdi kasocda Igad oo lafilayo inay gaaraan magaalada Kismaayo kulamana la qaataan odayaasha deeganka.

Wafdigan oo maanta ka ambabixi doona magaalada Muqdisho ...
astaanta-warka161-150x150

Dhageyso Warka Subaxnimo ee RadioMuqdisho

Warka Subaxnimo Sabti 18-05-2013
caabudwaaq

Ganacsatada gobolka Galguduud oo dowlada Soomaliya ku amaanay ciidamada xooga ee ay ka howlgelisay gobolkaasi.

Ganacsatada degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud ayaa ...
ciidan xds

Kulan lagu soo dhaweynayay Ciidamo katirsan xooga dalka Soomaaliyeed oo ka dhacay degmada Caabudwaaq .

Kulankan oo lagu qabtay degmada Caabudwaaq ee gobolka ...
astaanta_qaranka13

Xukuumadda Soomaaliya oo beenisay warar been abuur ah oo lagu qoray Twitterka.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa beenisay warar been abuur ah ...

Tubta Toosan

TubtaToosan1

Diinta Islaamku maxay ka qabtaa Dhagarta?-DHAGEYSO

Shareecada Islaamku aad ayay uga dardaar warisay dhagarta ...
TubtaToosan1

Macluushii ka dhacday dalka iyo kaalinta Al-Shabaab-DHAGEYSO

Dabayaaqadii 2010 ilaa  bartamihii 2011-kii Soomaaliya waxaa ka ...
Fatwo

Horjoogayaasha Shabaab oo Godane Cambaareeyay!

Maalmihii la soo dhaafay waxaan tebineynay khilaafka u ...

*