Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari oo wafdi uu hogaaminayo ay ku sugnaayeen maalmahan dalkan Ethiopia ayaa fiidnimadii hore ee caawa kulan kula qaatay magaalada Addis Ababa Jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku nool halkan.
Kulanka oo ahaa mid aad u ballaaran waxaa soo qaban qaabiyey hogaanka Jaalliyadda Soomaaliyeed ee Addis Ababa iyo Safaaradda Soomaaliya ee dalka Ethiopia waxaana uu ka dhacay hool weyn oo ku yaala xaafadda Booli oo ay Soomaalidu aadka ugu badantahay.
Markii Wafdiga Gudoomiyaha Baarlamaanka uu hogaaminayey uu soo gaaray hoolka ay Soomaalidu kulanka kusoo qaban qaabiyeen waxaa banaanka hore kusoo dhaweeyey intabadan xubnaha Jaalliyadda ee kulanka kasoo qeybgalay ayadoo intabadan Jaalliyadana ay Calanka quruxda badan ee Jamhuuriyadeenna ay lulayeen.
Ugu horeyn qaar ka mid ah xubnaha Jaalliyadda Soomaalida ah ee ku nool magaalada Addis Ababa oo iyagu khudbaddo ka jeediyey kulanka ayaa uga mahad celiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdigiisa kulanka ay Jaalliyadda ka ogolaadeen iney la qaataan waxaana ay dhammaanba xubnihii u hadlay Jaalliyadda ay si guud ugu mahad celiyeen Dowladda iyo shacabka Ethiopia oo ay tilmaameen iney si wanaagsan usoo dhaweeyeen markii ay dalka kasoo qaxeen.
Sidoo kale qaar ka mid ah Ardayda wax ka barata Jaamacadaha ku yaala magaalada Addis Ababa oo iyaguna ka hadlay kulanka ayaa uga mahad celiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka fursadda uu siiyey dhalinyarada wax ku baratay gudaha dalka ee ka qalin jebiyey Jaamacadaha dalka ku yaala gaar ahaanna dhalinyaradii dhowaan imtixaanaadka u gashay fursadihii shaqo ee ka banaanaa xafiisyada Baarlamaanka waxaana ay dhalinyaradu ku tilmaameen talaabadaasi mid qeyb ka ah in dhalinta wax baratay ay helaan xaqooda.
Hooyooyinka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Addis Ababa oo iyaguna ka hadlay kulanka ayaa waxey dhammaantood dareenkooda ku cabireen tix suugaaneedyo ay ku muujinayaan sida ay ugu qanacsanyihiin waxa ka socda dalka ee Isbedellada hormarineed ee ka jira waxaana ay hooyooyinku ku guubaabiyeen
Maxamuud Ciise Cali Gudoomiyaha Jaalliyadda Soomaaliyeed ee Addis Ababa oo isaguna kulanka ka hadlay madasha ayaa tilmaamay in Jaalliyadda Addis Ababa ay yihiin jaalliyaddaha ugu horeeya ee mar walba taageersan in Soomaaliya ay hesho Dowladnimmo buuxda waxaana uu Gudoomiyuhu xusay in guud ahaanba Jaalliyadda ku dhaqan Addis Ababa ay si wadajir ah u taageersanyihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Xildhibaan C/qaadir Baqdaadi oo ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya islamarkaana ka tirsan wafdiga uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo isna dhankiisa kulanka khudbad ka jeediyey ayaa waxa uu tilmaamay in dhibaatada maanta Soomaaliya ka jirta ay sabab u tahay wadaniyad xumo heysata dadka balse looga baahanyahay dadka qurbaha mudada ku noolaa iney dhibaatooyinkii ay wadaniyad darada ka dhaxleen dib ugu celiyaan dalkooda si umaddu u ogaato dhibaatooyinka ay leedahay wadaniyad xumada.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Muane Maxamed Cismaan Jawaari oo ugu dambeyntii kulanka khudbad ka jeediyey ayaa faah faahin ka siiyey Jaalliyadda sida ay xiligan u socdaan isbedellada ka jira dalka iyo hormarrada laga gaaray dhinacyada Ammaanka iyo Siyaasadda waxaana uu Gudoomiyuhu kula dardaarmay Jaalliyadda iney sida loosoo dhaweeyey u nabad geliyaan shacabka iyo dowladda ay martida u yihiin ee Ethiopia.
Photo By:-Abdifitah Dahir Jeite
MR jawari runtii waxa ukamidyahay dadka manta isusocelinaya dadkii somaliyed ee kalafirdhamay wana ku amanenaa jawari waxqabad dacadnimo kujirto ayuu noomujiyay wana garabtaganahay waxanlenahay jir oo joog waligaa noolow taariikhda baal dahab ayad kagalidontaa in sha alaah guuuuuuuuuuuuuuuuuul
maashalaaha somalaya hanoolato madaxdena ilahow no dhowr danta dalka dadkadiintan garansii aamin amnigena ilahow nosiyadai intan calamak ka harnayna ilohow dib hanogu celin amain horu socod bamooye hakan mayso waligeed aamin
Maasha allah
maansha allah alle nabada ha inoo siyaadoyo oo ha inaga dhago dawalad aan cid kale u talin oo iyadu isku talisa
Qofka wadaniga iyo qofka qaainul wadaniga ah ishaa umacalin ah somaliya hanolato
Asc wr wb waan idin salamay dhaman somaali weyn iyo dhamn hawl wadenada radio muqdisho codka jamhuriyada somalia waxan soo dhaweynaya imanshiyaha godomiyaha barlamanka jamhurida federalka soomaaliya waxana leyahay waa mid loo baahnaa imanshayaha godomiya taasi oo moraalka u dhiseyso shacabka somaliyed oo ku nool dalka dibadisa taasi oo ogeysineysa shacabka somaliyed ee ku nool adis ababa iney leyihin dal iyo calan kuna faanayan kana mid yihin dowladaha calamka