Thursday, October 2nd, 2014

Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Boqolaal Dhalinyaro Ah Kulan Wadatashi Ah Kula Qaatay Xarunta Golaha Shacabka “SAWIRRO”

Published on June 21, 2013 by   ·   8 Comments  ·   9,169 views

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta boqolaal dhalinyaro ah kula qaatay xarunta Golaha Shacabka kulan wadatashi ah oo ku aadan doorka iyo fursadaha dhalinyaradu ay ku yeelan karaan hormarka Dalka.

Kulankan oo qeyb ka ah kulammo wadatashi ah oo mudooyinkanba uu Gudoomiyaha Baarlamaanka la qaadanayey qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxaa kasoo qeybgalay ku dhowaad 300 dhalinyaro ka kala socotay ururrada Dhalinyarada ee Dalka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo si rasmi ah u furay kulankan ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey dhalinyaradii kasoo qeybgashay kulankan wadatashiga ah sida ay ugasoo jawaabeen casuumaad uu u sameeyey Gudoonka Baarlamaanka waxaana uu intaasi ku daray in dhalinyarada Soomaaliyeed ay maanta hortaalo fursad ballaaran oo ay dalkooda,dadkooda iyo diintooda ugu adeegi karaan, sidoo kalena Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari waxa uu ku dhiirageliyey dhalinyarada iney fikirka ay u arkaan in dalka lagu hagaajin karo soo gudbiyaan.

Qaar ka mid ah dhalinyaradii kulanka ka qeybgashay oo iyana madasha ka jeediyey khudbaddo ayaa ugu horeyn waxey uga mahad celiyeen Gudoomiyaha Baarlamaanka fursada uu u siiyey iney yimaadaan Golaha Shacabka oo ay fikirkooda kusoo bandhigaan waxaana dhalinyarada intoodii badneyd ay goobta kusoo bandhigeen fikraddo ay ugu muhiimsaneyd in marka hore Dowladdu qaado talaabbo lagu mideynayo ururrada Dhalinyarada ee Dalka ka jira.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo kulanka soo xeray ayaa ka hadlay qaar ka mid ah fikradihii ay soo jeediyeen dhalinyaradii kulanka ka hadashay waxaana uu Gudoomiyuhu ku booriyey dhalinyarada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iney muujiyaan iskuduubni isagoo si gaar ahna uga digay dhalinta ineysan u hogaansamin kuwa mastaqbalkooda doonaya iney baabi’iyaan.

Gebagebadii kulanka ayuu Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ku dhawaaqay in dhowaan la sameyn doono golle loogu magacdarayo Golaha Baarlamaanka Dhalinyarada oo iyagu si toos ah wadashaqeyn ula yeelan doona Xildhibaannada Baarlamaanka taasi oo ay dhalinyaradii kulanka kasoo qeybgashay aad ugu riyaaqeen.

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Gudoomiyaha Baarlamaanka

DSC06310

DSC06311

DSC06312

DSC06313

DSC06314

DSC06315

DSC06319

DSC06323

DSC06324

DSC06328

DSC06329

DSC06330

DSC06331

DSC06335

DSC06340

DSC06342

DSC06345

DSC06347

DSC06348

DSC06349

DSC06354

DSC06355

DSC06356

DSC06359

DSC06361

DSC06365

DSC06366

DSC06368

DSC06369

DSC06370

DSC06372

DSC06374

DSC06375

DSC06376

DSC06381

DSC06383

DSC06386

DSC06397

DSC06400

DSC06403

DSC06410

DSC06417

DSC06419

DSC06425

DSC06426

DSC06430

DSC06435

DSC06441

DSC06451

DSC06458

DSC06471

 

Photo By:-Maxamed Ibraahin Raage (Honest)

Readers Comments (8)

  1. xasan says:

    Asc masha alaah waa sidaas aqiyaarta waa in lawada tashadaa yar iyo weyn somali maxayelay taladu waa ey naga dhexeysa

  2. Hassna Yasin says:

    wax yaabaha aan u baahanay ayaa ah dadka shacabka ah o dhan in lala tashado, firkirka wax dhisaaya markaa la qaato.. masha allaah maamulka dalka ka arimiya aad ayaan ula dhacsanahay illaah ha idin garab galo.. howl adag ayaa heysaan oo waliba meel hoose aad ka bilowdeen. go hard..

  3. abdinasir says:

    arintan waa aran fican oo lagu tilmaami karo hormar mamulka dowlada iyo dhalinyarada..aniga fikrad ayaan wataa oo an ku darsanayaaa barnaamishka gudomiyaha barlamanka somalia inuu dhalanyarada dagmo dagmo ula shiro si markasi kuwa war garadka dhalinyarada ah ey uga soo baxaan waa mahadsantihiin radiomuqdisho…

  4. Adam says:

    Guuleeyso Jawaari.

  5. maasha allaah waxaa mahadleh allehii nagu kulmiyay baarlamaanka soomaliyeed anaga iyo gudoomiyaha baarlamaanka somaliya waxaan leeyahay dhalinyarada somaliyeed hanoolaato

  6. Ibrahim Xaaji Omar says:

    Asc wr wb bacdal salaan aad ayaan ugu faraxsanahay sida eey u wada kulmeen dhalinyarada somaliyeed iyo gudoomiyaha golaha shacabka somaliyeed
    waane soo dhaweyneynaa arinkaas waxaane lee yahay yuusan noqonin mid maanta un ku ekaada ee ha noqdo mid soo waara oo hore u sii socdaa insha alaahu
    bahda radiomuqdisho waxaan le yahay dadaalka halkeeda kasii wada waadne mahadsantihiin

  7. Nuune says:

    Salaamucalaykum dhamaan intii soo diyaarisey iyo inta ka qaybqaadatayba, runtii waa horumar, waa yididiilo uu dadka soomaaliyeed gaaray, talada dalka waxay ka go’antahay waa inaga, dhalinyaraduna waa hormuudka dalka maadaama ay yihiin 75% dhalinyaro. Waxaa loo baahanyahay in la helo dhalinyaro baarlamaani ah oo matasho dhalinyarada soomaaliyeed lana shaqayso baarlamaanka,una adeegto horumarinta dhalinyarada soomaaliyeed. mahadsanidiid

  8. dhaayow says:

    waa wanaagsan tahay arintaan uu ku dhaqaaqay gudoomiyahay baarlamaanka lakiin su’aal ayaa meesha taalo taas oo ah aaway dhalanyertii kale ee soomaaliyeed waayo ma ahan dhalinyarada soomaaliya kuwa jooga muqdisho marka waan in dhalinyarta kalena loo sameeyaa barnaamijyadaan oo kale kuwa jooga maamul gobaleedyada si dowlada kalsoonideeda shacabka u balaaarato




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Toos U Dhageyso Radio Muqdisho

Wararka

Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12-150x150

Dhageyso barnaamijka Bandhigga Wareysiyarada ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
Dekeda-Muqdisho

Isfaham La’aantii Ka Dhex Jirtay Muruqmaalka Iyo Maamulka Dekeda Muqdisho Oo La Soo Afjaray

Kulan ujeedkiisu ahaa dhameynta isfaham waa ka dhex ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/10/WARKA-HABEEN-01.10.2014.mp3"][/audio]
DSC02628

Xubna Ka Socda Guddiga Farsamada Ee Maamul U Sameynta Mudug Iyo Galgaduud Oo Gaaray Cadaado “Sawirro”

Xubnaha oo ka kooban 13-xubnood oo gudiga farsamada ...
sheekh bashiir

Wargelin: Barnaamijka islaamka iyo Bulshada Ee Beri oo looga hadlayo fadliga Maalinta Carafo

Dhammaan Akhristayaasha Radio Muqdisho, waxaa lagu wargelinayaa in ...
gaas

Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo Sheegay In Ay Shabaab Ka Saareen Gal-Gala

Madaxwaynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed ...
unnamed-8

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Q.M Oo Booqasho Ku Yimid Muqdisho “Sawirro+ VEDIO”

Muqdisho, 1 October 2014 – Ergeyga Gaarka ah ...
Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta sare

Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta sare oo la kulmay Madaxda Jaamacadaha Gobolka Benaadir “DAAWO VEDIO”

Wasiirka hidaha iyo tacliinta sare mudane Ducaale Aadan ...
tartan

Xaflad lagu soo gabo gabeynayay Tartan cilmiyeedkii bisha Ramadaan oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO+VEDIO”

Munaasabad lagu soo xirayay tartan cilmiyeedka bishii Ramadaan ...
Dagaal-1

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/10/WAR-DUHUR-01-10-2014.mp3"][/audio]
ciidanka

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo la wareegay degmada Cadale

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed kaashanaya kuwa Nabad Ilaalinta ...
dhalinyaro

Dhalinyarada Soomaaliyeed oo codsaday in loo abuuro fursado shaqo

Munaasabad lagu soo bandhigayay xaaladaha ay ku suganyihiin ...
Sawir hore Ra'iisul wasaare Cabdiweli

Ra’iisul wasaare Cabdiweli oo Agaasimeyaasha guud ku booriyay tayeenta shaqaalaha”DAAWOVEDIO”

Kulanka dhexmaray Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane ...
DSC_0193

Wasiiro iyo Xildhibaanno garoonka ku sii sagootiyay arday ay Jaamacadda SIU u dirtay Jaamacadda Makerere “SAWIRRO+VEDIO”

Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka ayaa garoonka ...
KIsmaayo

Kulan looga hadlayay doorka haweenka oo lagu qabtay Kismaayo

Kulan looga hadlayay doorka ay haweenku ka qaadan ...
raaga ceele

Saraakiisha ciidanka XDS oo kulamo la qaatay bulshada deegaanka Raaga-ceelle

Saraakiisha ciidanka XDS ayaa kulamo la qaatay odayaasha, ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/10/WAR-SUBAX-arbaco1-10-2014.mp3"][/audio]
2

Madaxweynaha J. F. S. oo gaaray magaalada Jidda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada125

Dhageyso barnaamijka Bandhigga Wareysiyarada ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
Somali-National-Army-1

Ciidammada Xoogga oo kaabiga ku haya Baraawe

Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay wehliyaan ciidammada ...
astaanta-warka

Dhageyso Warka habeennimo ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/09/WARKA-HABEEN-30.9.2014.mp3"][/audio]
DSC03935

Ra’iisul Wasaaraha oo soo xiray shirka New Deal (Sawirro)

Muqdisho, 30, September, 2014……. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ...
1

“Sawirro”Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud oo u amba baxay dalka Sucuudiga

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud ...
Luuq dagaal

Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo la wareegay deegaanka Raage Ceelle

Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa Nabad Ilaalinta ...
Agoonta Gaalkacyo 5

Deeq Lacageed oo la gaarsiiyay Agoon ku nool Gaalkacyo “SAWIRRO”

Deeqdaan lacageed oo aheyd mid ay soo dhiibeen ...
Wasiir ku-xigenka iyo Safiirka Turkiga Olgan Bekar

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo qaabilay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

[caption id="attachment_207430" align="aligncenter" width="360"] Wasiir ku-xigenka Arrimaha dibadda ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/09/War-Duhur-30.09.2014.mp3"][/audio]
w_muqdisho_5

Hirgelinta nidaamka Federaalka oo maanta laga hadlay

Shirka looga hadlayo kobcinta tacliinta sare ee dalka ...
cabdiweli1

R/ wasaare Cabdiweli: “Dowladda Switzerland waxay naga caawineysaa Nidaamka Federaalka”"DAAWO VEDIO”

Wefdigan uu la kulmay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, mudane ...
j7

Boqortooyada Sacuudiga oo Soomaaliya ka caawin doonto arrimaha garsoorka “SAWIRRO”

Wasiirka Garsoorka iyo arrimaha dastuurka ee xukuumadda Soomaaliya ...
Wasiirka Arrimaha gudaha Cabdullaahi Goodax (Sawir hore)

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo deeq raashin ah ka guddoomay hay’adda bisha cas ee Turkiga”DAAWO VEDIO”

[caption id="attachment_172844" align="aligncenter" width="640"] Wasiirka Arrimaha gudaha Cabdullaahi ...
TubtaToosan Logo

Mowqifka Islaamka & Is-miidaaminta

In qofku gooyo naftiisa waa dambi aad u ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Subaxnimo

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/09/WAR-SUBAX-30-9-2014.mp3"][/audio]
New Deal

Shirka looga hadlayo hirgalinta New Deal oo maanta la soo gabagabeynayo

Maanta ayaa lagu wadaa in la soo gabagabeeyo ...

Tubta Toosan

TubtaToosan Logo

Mowqifka Islaamka & Is-miidaaminta

In qofku gooyo naftiisa waa dambi aad u ...
Nabad

Samaanta Nabadda & Xumaanta Colaadda Dhageyso

  Sida Shucuubta kale ee dunida ayay Shacabka Soomaaliyeed ...
Sheekh Nuur Baaruud

Sheekh Nuur Baaruud: Xamaasad iyo Jaahilnimo diineed ayay ku sifoobeen Al-Shabaab

Guddoomiye ku-xigeenka Hay'adda Culimada Soomaaliyeed ahna afhayeenka hay'adda ...