Friday, May 24th, 2013

Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Addis Ababa Kula Kulmay Dhigiisa Dalka Ethiopia “DAAWO SAWIRRADA”

Published on February 14, 2013 by   ·   8 Comments  ·   8,921 views

Xarunta Baarlamaanka dalkan Ethiopia ayaa waxaa kulan saacado qaatay uu ku dhexmaray Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada Soomaaliya iyo Ethiopia ayadoo kulankaasina looga hadlay arimmo quseeya labada Baarlamaan.

Kulanka ka hor ayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan jawaari oo saakay wafdi uu hogaaminayo ay soo gaareen magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia waxaa qado sharaf loogu sameeyey Hotelka Hilton ayadoo qado sharaftaasina uu u sameeyey dhigiisa dalka Ethiopia Mr Abadula Gemeda.

Qado sharafta kadib ayuu Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ay wehliyaan ku xigeenkiisa Labaad Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo gudoomiyeyaasha gudiyada joogtada ah ee Baarlamaanka waxey u dhaqaaqeen xarunta Baarlamaanka dalka Ethiopia oo uu ka dhacay kulan saacado qaatay.

Ugu horeyn Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari oo kulanka lagu sharfay inuu furo ayaa khudbadda ugu horeeysay jeediyey waxaana uu Gudoomiyuhu uga mahad celiyey dhigiisa dalka Ethiopia casuumadda uu u fidiyey ayadoo sidoo kalena uu Gudoomiyuhu shacabka iyo Dowladda Ethiopia uga mahad celiyey soo dhaweynta diiran ee isaga iyo wafdigiisa loo sameeyey.

“runtii aadbaan ugu faraxsanahay inaan socdaalkeygii ugu horeeyey ee aan dalka ugasoo ambabaxo tan iyo intii xilka Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya la ii doortay ku imaado dalka Ethiopia, soo dhaweynta diiran ee aad inoo muujiseen iyo casuumaddaba aadbaan idinkaga mahad celineynaa” ayuu yiri Mudane Maxamed Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Mahad celin kadib waxa uu Gudoomiyaha Baarlamaanka ka hadlay xaaladda guud ee dalka,isbedellada uu ku talaabsaday ee dhanka hormarka ah iyo abuurista jawi ku dhisan tiir adag oo ay ku wada shaqeeyaan Baarlamaanka labada dal.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka Ethiopia Mr Abadula Gemeda oo isaguna dhankiisa khudbad ka jeediyey kulanka ayaa waxa uu uga mahad celiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdigiisa sida sharafta leh ee ay u ogolaadeen casuumadda uu u fideyey waxaana uu Gudoomiyaha Baarlamaanka Ethiopia intaa ku daray in safarkiisii ugu horeeyey uu Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ku yimaado Ethiopia tan iyo intii la doortay ay u muujineyso sida ay madaxda Dowladda Soomaaliya uga go’antahay wanaajinta xiriirka Ethiopia.

Gebagebadii kulanka ayey labada gudoomiye hoosta ka wada xariiqeen xiriir iyo wada shaqeyn cusub oo u bilaabata baarlamaannada labada dal ayadoo labada dhinac Baarlamaannadoodana ay mar walba ku wada shaqeyn doonaan magaalooyinka Muqdisho iyo Addis Ababa.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa saacadaha soo socda waxa uu magaalada Addis kula kulmi doonaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Ra’isulwasaaraha dalka Ethiopia ayadoo ay xusid mudan tahay in hotelka uu Gudoomiyuhu degenyahay ee Hilton ay maanta kusoo booqdeen intabadan safiirrada dalalka caalamka u fadhiya dalkan Ethiopia.

IMG_2920

IMG_2923

IMG_2933

IMG_2916

IMG_2949

IMG_2954

IMG_2961

IMG_2964

IMG_2968

IMG_2981

IMG_2984

IMG_2988

IMG_2996

IMG_3001

IMG_3003

IMG_3011

IMG_3021

IMG_3035

IMG_3039

IMG_3047

IMG_3054

IMG_3059

IMG_3072

IMG_3073Photo By:-Abdifitah Dahir Jeite

Readers Comments (8)

  1. abdirahman says:

    aad iyo aad ayaan ugufax sanahay muuqaaladaan quruxda badan iyo sidawanaasan ee loo soodhaweeayay gudoomiya hayna baarlamaanka mida kale anigu waxaan qabaa in lawanaajiyo xariirka aan laleenahay dalalka deriska ah gaar ahaan itoobiya maxaayeelay inta aan isku khilaafsanahay ahadna waxaajiro wax yaabo badan oo aanan isku khilaafsanayn waxaana wadaagikarnaa wax yaaba badan oo ay ugu horeyso ganacsiga, nabad gelyada iyo wax yaaba badan oonan halkaan kusoo koobikarin, adinkana waad mahad santihiin bahda radiomuqdisho sida wanaagsan ood noogu soogud binaysiin muuqaalada wanaagsan,,,,,,,, abdirahman

  2. abdullahi says:

    aad ugu farahsanahay laakin somalida safiiradooda away meeshii ay tagayan in calanka somali lageeyo malahan miyaaa calanka safiirka yaa laga raba meel waliba inuu geeyo marka

    • Jayte says:

      Walaal Abdullahi mid ayaan jeclaanlahaa inaad si fiican u fiiriso calanka marka ay kulammada gaar yihiin waa la geynayaa goobta waa sharci adiga iyo walaalka kaa horeeyey lkn halka uu hada Gudoomiyuhu ka khudbeynayo waa xarunta Baarlamaanka Ethiopia, hadii Golaha shacabka uu qof marti ah yimaado misna ka khudbeynayo calankooda lama geeyo kaliya Calankeenna ayuu sharciga dhigayaa iskabadaa dad naga fogee Turkiga oo aad noogu dhow maalintii uu Wasiirkooda Arrimaha Dibadda ka khudbeynayey Calanka walaalaha Turkiga lama keenin sidaas aan u fiirino fadlan

  3. mohamed says:

    aad ayeey umahasantahay dawlada ethipia cusub soo dhawaynta iyo sida ay noogu hiiliso waxaan ka codsanayaa dawlada itobiya iney noo soo kordhiyaan ciidamada dawlada gacanta siinaya si loo xoreeyo gobalada ku maqan kooxda alshabaab ee argagixisad mida kale waa in shirarka iyo kulamada dawlada ay la yeelnayso dawlada ka muuqataa astaan qaranka waa calanka hada ma arko calanka somaliya waayo astaan qaran mahadsanidiin

  4. Siyaaasadii cusbeed ee madaxweynaha JFS ow dejiyey oo aheed in xirii wanaagsan oo dhanka siyaasadda iyo ganacsiga ah aan wadaagno Ethopia waa fekrad fiican sababtoo ah Dagaal Colaad iyo kala shaki waxba Afrika waa kusoo kordhin weyday dunidu maanta waxaa lagu kala hormaraa dhaqaalaha kadib waxwalbaa ayagaa imaanaya Thnks mudane JAWAARI FROM SWITZERLAND 41765484936

  5. wiilPuntland says:

    Soomaliya iyo Ethiopia markaan ka nimaano taariikhdii madoobayd ee soo martey bal aan u eegno Ethiopia sida ay hadda tahay iyo Somaliya sida ay tahay. Ethiopia waxaa ku nool qiyaas 70milion oo 80 qoomiyadood oo kala af dhaqan iyo diibna ah waxayse ka midaysan yihiin wadaniyad taasna waxaad ka garan kartaa markii dowladdii meletariga la riday 1991 kooxdii ama jabhaddii la wareegtay dalka iyo kuwii laga raayayba maysan bililiqaysan dalka amnigana si toos ah ayay uga wadashaqeynayeen tusaale markii ciidanka jabhaddu u dhawaadey Caasimadda Addisababa waxay qabsadeen kaalinta dabka ama korontada magaaladana waxaa haystey ciidankii dhergiga maysan jabhaddu jarin korantaddii mana aysan bililiqaysan oo hal habeen caasimaddu maysan noqon mugdi. Taas waxaad ka fahmaysaa in Ethiopianku iyagoo kala duwan ay yihiin wadaniyiin anaga Somalida ahna kama sheekayn karo wixii aan u gaysanay dalkeena iyo dadkeena. Maanta oo aan la soo noqonay dowladnimadeenii muhiim ah in aan iska ilowno oo aan ka faaidaysano nidaamka dalkeena aan horumarino Ethiopia waxay ku gaartey faadido weyn nidaamka federalka ah kaas oo xaq siiaya gobolada markey goboladdu tartamaan oo ay dhismaan waxaa dhismaya dhaqaalaha dalkoo dhan mana laakiin waa in nidaamka federalka ah laga wada hadlaa qaabka goboladdu isku raacayaan iyo xuduudooda kala qaybisa. Dowlad ayaa sharaf ah

  6. Caadi maaha wey ku mahadsanyihiin dowlada ethiopia soodaweynta ey sodhaweyeen madaxda dowladayada SOMALIA Prof.jawaarina wuu ku mahadsanyahay shaqadisa siduu u gudanayo oo uu ugu shaqeynayo dadkiisa iyo dalkiisa..waad ku mahadsantihiin maamulka radio muqdisho sida wacan aad noguso gudbineysaan newska calamka gaar ahaan somalia from south africa city pretoria

  7. Ganboole says:

    masha allah ilaahoow nabada iyo imanka inoo adkeey amiin aamiin..

    Mr Speaker Jawari weldone and thank you for your service for the counrty and the nation.

    Thank you once again Radio Muqdisho jazakalah qeyr.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Wararka

Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12511

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
rinkesc1

Rabshado ayaa ka socdo Magaalada Stockholm ka dib markii gaadiid iyo goobo ganacsi lagu gubay xaafadaha ay u badan yihiin Soomaalida SAWIRO

Rabshadahan ayaa dhowrkii cesho ee la soo dhaafay ...
LUULIYO

OGEYSIIS: Kulan loogu arinsanayo qaban-qaabada Xuska 1 Luulyo Ee Magaalada Munich ee dalka Germany.

Waxaa la Ogaysiinayaa dhamaan Dadweynaha Soomaaliyeed ee ku ...
DSC_0432

DAAWO SAWIRADA:- Wasiirka gaashaandhiga Xarumihii uu tagay iyo Madaxdii uu la kulmay intii uu Sudan joogay oo dhamaystiran.

Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane ...
astaanta-warka1

Dhageyso warka habeennimo ee radio Muqdisho

WAR HABEEN 23 05 2013
IMG_8547

Madaxweynaha oo qado sharaf u sameeyay mudaneyaasha Baarlamanka “sawirro”

Kulanka qadada ah ee uu madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ...
safar bye bye

Madaxweynaha iyo wafdi uu hoggaaminaya oo Addis Ababa u dhoofay

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Shiiq Maxamuud iyo wafdi ...
IMG_8322

DAAWO SAWIRRADA:- Munaasabadii lagu xusayay aas-aaska midowga Africa ee Muqdisho lagu qabtay

akhristeyaasheena sharafta leh waxaan halka idinkugu soo gudbineynaa ...
gafoow

Taliyaha hoggaanka iyo socdaalka oo sheegay in la diwaan galiyay dad badan oo ajaanib ah

Taliyaha Hogaanka Socodaalka iyo Jinsiyadaha  Dowladda Soomaaliya Cabdulahi ...
wasiroo_3

Xukuumada oo soo dhaweysay ka noqoshadii mooshinka baarlamaanka kana hadashay arrimaha Jubaland iyo wada-xaajoodka Somaliland “war-saxaafadeed+sawirro”

(Muqdisho, Majo 23, 2013). Shirkii golaha wasiirada Xukuumada ...
DSC01028

Munaasabad lagu xusayay maalinta Umulisada aduunka oo Muqdisho lagu qabtay “sawirro”

Munasabad lagu maamuusayay maalinta umulisay aduunka laguna soo ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka duhurnimo ee radio Muqdisho

WAR DUHUR 23.05.2013
qeybdiid Galmudug State President

Madaxweynaha Galmudug oo ka qeybgalay Munaasad loo qabtay arday ka qalinjebisay dugsiga sare Mudug

Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug ayaa ka qeybgalay munaasabad ...
TubtaToosan1

Khilaafka Al-Shabaab iyo waxa uu salka ku haayo-DHAGEYSO

Muddooyinkii dambe horjoogayaasha maleeshiyaadka Al-Shabaab waxaa soo kala ...
Sawirka 1

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo booqasho ku jooga Sucuudiga.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr.Maxamed Nuur ...
Madaxweyne-xasan-Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay munaasabad lagu xusayay 50 guuradii Midowga Afrika oo lagu qabtay Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyada Fedraalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ...
dibad_ba_3

Dibadbax lagu taageerayay waxqabadka dowlada iyo mowshinkii la baajiyay oo ka dhacay Muqdisho”Sawirro”

Dibad bax balaaran oo lagu taageerayay horumarada iyo ...
Hobyo_view

Duqa dagmada Hobyo oo sheegay in ay wadaan waan waan lagu doonayo in ay xiisad ka dhalan dil shalay ka dhacay ceel huur

Maamulka dagmada Hobyo ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee ...
muqdisho_1

Odayaasha dhaqanka Muqdisho oo soo dhaweeyay mushinkii ay la laabteen xildhibaano ka tirsan baarlamanka

Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka magaalada Muqdisho ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka subaxnimo ee radio Muqdisho

WARKA SUBAX 23.5.2013
Al-Shabaab Awood Daciifid 4

Maleeshiyaad ka tirsan shabaab oo qasaare loogu geystay xadka u dhaxeeya Somaliya iyo Ethiopia

Iska hor imaad geystay qasaaro iskugu jira dhimasho ...
south africa

Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalalka S/africa iyo S/zerland oo soo dhaweeyay go’aankii xildhibaanada ay uga noqdeen mushinka

Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee  ku nool dalalka South Africa ...
DSC03854

Dowladaha Sudan iyo Soomaaliya oo Hishiis Dhanka Ciidanka Xooga ah kala saxiixday :- Daawo Sawiro

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa hishiis Dhanka ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada125

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
astaanta-warka1

Dhageyso warka habeennimo ee radio Muqdisho

WAR HABEEN 22.05.2013
DSC03786

DAAWO SAWIRADA:- Wasiirka gaashaandhiga oo Galabta booqday Meelo dalxiis iyo Xarumaha Sports-ka ee Raacsaan Wasaaradda Gaashaandhiga ee Dalka Sudan.

Wasiirka Gaashaandhiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya  Mudane C/xakiin ...
DSC00908

DAAWO SAWIRRADA;-Sida Ay Shacabku Ugu Damaashaadaan Xeebta Liido Maalmaha Aan Jimcaha Aheyn

Akhristayaasheenna Sharafta leh waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa ...
PM AU (4)

R/wasaaraha oo kulan la yeeshay safiirka Soomaaliya u qaabilsan Midowga Africa “war-saxaafadeed+sawirro”

(Muqdisho, 22, May, 2013) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ...
20130518_141000

DAAWO SAWIRRADA:- Bandhig dhaqamed ay ka qeyb galeen jaaliyadda Soomaaliyeed oo lagu qabtay dalka Turkiga

Bandhig dhaqameed ay kasoo qeyb galeen in kabadan ...
shabaabaaa-620x330

Haraadiga maleeshiyaadka Shabaab oo boob ku haya xoola dhaqatada G/Hiiraan

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku sugan qeybo ka mid ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka duhurnimo ee radio Muqdisho

WAR DUHUR 22.05.2013
naafada

Naafada danyarta ah ee ku nool degmada Dhuusamareeb oo gargaar loo geybiyay

Deeq Raashin gargaar ah  ayaa maanta loo qeybiyay ...
k 1

Bukaanada jiifa cisbitalka Keysaney oo loo qeybiyay deeq lacag ah”Sawirro”

Bukaannada ku jira Isbitaalka Keysaney ee duleedka magaalada ...
kulanka baarlamanka

Baarlamanka oo maanta kulmay iyo mudanayaasha oo dib uga laabtay mowshinkii ka dhanka ahaa xukuumadda

Baarlamanka Soomaaliya oo maanta kulmay iyadoo mudanaayal ka ...

Tubta Toosan

TubtaToosan1

Khilaafka Al-Shabaab iyo waxa uu salka ku haayo-DHAGEYSO

Muddooyinkii dambe horjoogayaasha maleeshiyaadka Al-Shabaab waxaa soo kala ...
TubtaToosan1

Diinta Islaamku maxay ka qabtaa Dhagarta?-DHAGEYSO

Shareecada Islaamku aad ayay uga dardaar warisay dhagarta ...
TubtaToosan1

Macluushii ka dhacday dalka iyo kaalinta Al-Shabaab-DHAGEYSO

Dabayaaqadii 2010 ilaa  bartamihii 2011-kii Soomaaliya waxaa ka ...

*