Gudiga Xalinta Khilaafaadka Odayaasha Dhaqanka Oo Sheegay In Gudiga Farsamada Ay Faragelin Ku Hayaan Howsha Odayaasha Dhaqanka
Published on August 18, 2012 by Canab · No Comments · 2,464 views
Gudiga xalinta khilaafaadka Odayaasha dhanka ayaa ku dhaliilay gudiga farsamada baarlamaanka in ay faragalin kuhaayan xubnihii ay soo xuleen Odayaasha dhaqanka waxa ayna ugu baaqeen in ay tixgaliyaan Odayaasha dhaqanka ee soo xulay xubnaha cusub ee baarlamanka.
Shir jaraa’id oo ay maanta qabteen gudiga xalinta khilaafaadka Odayaasha dhaqanka ayaa waxa ay ku sheegeen in gudiga farsamada baarlamanka ay ka hor yimaadeen liiska qaar ka mid ah xildhibaanadii loo gudbiyay magacyadooda waxa ayna xusen in ay ku tilmaameen in ay yihiin kuwo dambi ka galay dalka iyo dadka.
Ugaas C/llaahi Ugaas Faracade oo ka hadlay shirka jaraa’id ayaa tilmaamay in gudiga farsamada ay faragalin ku hayaan gudiga xalinta khilaafaadka ee Odayaasha dhaqan waxa intaa raaciyay in la soo celiyay xubno ka mid xildhibaanada cusub ee loo xulay in ay ka mid noqdaan baarlamanka iyagoo ku eedeeyay in ay dambi galeen.
Waxa uuna ugu baaqay in ay tixgaliyaan Odayaasha dhaqanka maadaama ay xildhibaanada ku soo xuleen aqoon iyo qaab qabiil ayna yihiin kuwo aan dambi ka galin dalka iyo dadka.
Sidoo kale Suldaan Warsame Ibroow Caliyoow oo ka hadlay goobta ayaa carabka ku dhuftay in gudiga xalinta khilaafaadka Odayaasha dhaqanka ay u madaxbanaanyihiin soo xulista baarlamanka ayna xaq u laheen in ay faragalin ku sameeyaan baarlamankii ay soo xuleen.
Hadalka gudiga xalinta khilaafaadka ayaa waxa uu imaanayaa xili Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed shalay uu sheegay in gudiga farsamada ay xaq u laheen in ay faragalin ku sameeyaan xubnaha la soo xulay balse howshoodu ay tahay in ay hubiyaan in la buuxiyeen shuruudihii shirarkii Garoowe, Gaalkacyo, Addis Ababa iyo Nairobi.
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub +442035190460
USA & CANADA +17124327760
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
Ciyaar Saxiibtinimo ah oo kubadda Koleyga ah ayaa ...
WAR HABEEN 18 05 2013
(Muqdisho, 18 May 2013) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ...
Akhristeyaasha sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineyna ...
war duhur 18.05.2013
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaliya ayaa maanta ka hadlay arrimaha ...
Wasiirka Warfaafinta Isgaarisiinta iyo Gaadiidka ayaa kulan la ...
Wafdi ka socday Jaamacada Carabta oo uu hogaaminayay ...
Munaasabad balaaran oo xariga looga jarayay xarunta degmada ...
Ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa qaabilay ...
Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdi Faarax laqanyo ayaa kormeer ...
Wafdigan oo maanta ka ambabixi doona magaalada Muqdisho ...
Warka Subaxnimo Sabti 18-05-2013
Ganacsatada degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud ayaa ...
Kulankan oo lagu qabtay degmada Caabudwaaq ee gobolka ...
Xukuumadda Soomaaliya ayaa beenisay warar been abuur ah ...
Mas’uuliyiin kasocotay safaaradda Soomaliyeed Ee dalka Koonfur Africa ...
Gudoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xalay magaalada Muqdisho ...
Waxaa maanta magaalada Cadaado ee xarunta maamul goboleedka ...
Barnaamijka Imaqashii Imadadaali waxa uu ka mid yahay ...
Muqdisho, 17, May, 2013..... Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ...
Barnaamijka Kulanka Jimcaha waa Barnaamij Todobaadle ah oo ...
Munaasabad balaaran oo xariga looga jarayey iskaashi cusub ...
WAR HABEEN 17.05.2013
Kulankan oo ahaa mid ay albaabadu uxiraayeen ayuu ...
Maamulka dagmada Deyniile ee gobalka Banaadir ayaa ku ...
WARKA SUBAX 17.5.2013
Waxaa si aad ah u sii kordhaya mudooyinka ...
Ciidamada qalabka sida ee Somaliyeed oo ku sugan ...
Waxaa saaka daggan xaalada deegaano ka tirsan gobalka ...
Hogaamiyihii ururkii burburay ee Xisbul Ismaan Xasan Daahir ...
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
War Habeen 16-May-2013
Shareecada Islaamku aad ayay uga dardaar warisay dhagarta ...
Dabayaaqadii 2010 ilaa bartamihii 2011-kii Soomaaliya waxaa ka ...
Maalmihii la soo dhaafay waxaan tebineynay khilaafka u ...