Friday, May 24th, 2013

Gudiga amaanka oo kulan ku yeeshay Muqdisho

Published on December 5, 2012 by   ·   4 Comments  ·   1,307 views

Gudiga amaanka dowladda Soomaaliya oo maanta kulan ay ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay dhacadii xalay ka dhacay qeyb ka mid ah caasimada dalka.

Kulanka oo ahaa mid ay saxaafadda dibad joog ka ahaayeen ayaa waxaa goob joog ka ahaan ku simaha Madaxweynaha ahna afhayeenka Baarlamanka Prof  Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, R/wasaaraha iyo dhamaan hay’adaha amaanka.

Markii uu soo gaba gaboobay kulanka ayaa waxaa saxaafadda la hadlay ku simaha Madaxweynaha waxa uuna sheegay in kulankooda looga hadlay dhacadiid xalay ka dhacay qeybo ka mid ah Muqdisho taas oo ay saameysay dad shacabka ah.

Afhayeenka baarlamanka ayaa intaasi ku daray in kooxda shabaab ayna dagaal kula jirin dowladda Soomaaliya balse waxa ay dagaalka kula jiraan ay tahay Ummadda Soomaaliyeed ayna dowladda ka hortageyso wax waliba oo lidi ku ah amaanka.

Ku simaha Madaxweynaha ayaa shacabka ugu baaqay in ay la shaqeyaan hay’addaha amaanka si uu shacabka ay ugu soo dhaxdhuuman kooxaha dhibaatada ku hayo dadka Soomaaliyeed ee caadeystan dhibaateynta dadka rayidka ah.

Sidoo kale R/wasaaraha Soomaaliya oo saxaafadda la hadlay ayaa tilmaamay in xukuumadda Soomaaliya ay u dul qaadan doonin dhibaato loo geysto dadka shacabka ayna dowladda ka hortageyso cadii shacabka waxyeelo u geysato.

Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa intaasi ku daray in uu socdo baaritaanno ku aadan cidii ka dambeysay weerarkii madaafiicda ahaa ee xalay lagu weeraray qeybo ka mid ah dagmooyinka gobolka Banaadir.

Readers Comments (4)

  1. Mohamed Abdulle says:

    waxaa ahay nin NSS u shaqayan jiray markaan ardayga ah
    1-tanka lagu dhamaykaro shabab waa in la qoraa shabaa kale oo laga dhigo CID ayagaa is yaqaan sidaa darteed
    sidoo kale ciidama dharcadka ah waa in logu badiyaa magaalada oo xaafad walaba lageeyo ilaa 200 oo dharcad ah
    2- magaalada ha laga saaro milatriga oo ha la dejiyo mcontroolada la ga soo galo magaalada.
    3-waa in lasameeyaa socoto duurka gasha oo raadisa meelaha magaaladibadeed ah oo ay ku dhuuntaa.maalinkii oo dhan geed hoostiis ayaa jiifaan habeen kii ayay magaalada soo galaan oo ay qalaasaha sameeyaan.
    4-qof kasta oo dowlada u shaqeeya ha la siiyo tababar milateri oo u is ku difaaco iyo tabar dhanka muqaabaarda ah.
    5-magaalada bandowdow ha lagu soo rogo wixii ka danbeeya 10:00 cidii socota ha xiro ilaa waagu ka baryo hana la baaro.
    intaas hadii la sameeyo mudo lix billod ah isbedel nabadeed ayaa la dareemi doonaa.
    haddi qof walba is xilsaaro waa nu ka gudbi caqabada shabaab shaydaan.

  2. Kulmiye says:

    Marka hore waxaan salaamayaa dhammaan umada soomaaiyeed waxaan kaloo salaan qaas ah udirayaa madaxdeena qaranka salaan kadib waxaan waxaan talo usoo jeedinaya dhaman madaxda qaranka iyo shacabkaba hadii an ku hormaro tan shacabka waxaan leeyahay shacabka waa iidinka waxa dhaawacmaya iyo waxa dhimanaya ee hal meel uga soo jeesta oo yeesan dhicin in laga soo tuuro hubka dhibatada geeyta tusaale ama maah maahyo ayaa oraneysa ushii walaalkaa kudhacday salkeeda aduu kusugayaa oo macnaheeda yahay walalkaa caawi oo dhibka ka ilaali waxaad uga ilaalin kartaa in aan laga soo tuurin xaafada aad dagan tahay hub xitaa soo sheeg waad caawisay walaalkaa hadaad sheegto qaswda yaasha. anaga waxaan anahay soomaliya waxaana nahay dad isla dhashay mana aha in aan isku fiirsano ama aan ka niyad jabno in aan qaadan karno nabada nabada anag ayaa ubaahan ee ayda noo mabaahno? Talada madax deena qaranka aan usoo jeedinaayo ayaa ah
    waxaad tihiin udub dhexaadkii wadanka uu ku tiirsanaa isku daya in aad kalsoni galisaan shacabka si ay u jeclaadaan dowlad nimada isku daya cadaalada si shacabka uu ugarto in uu xun yahay xad gudubka isku daya in aad dareen siisaan shaqsi kasto oo soomaali ah in uu qiima leeyahay qaalina uu yahay waxa uu qiimaha kuyeeshayna eeytahay in uu wadanaka udhashay xaqna uu u leeyahay in uu helo cadaalad iyo ixtaraam nafsiyadeed

  3. somaliya ha noolaato says:

    waa wax laga xumaado wixii dhacay. Weerarka dhacay waxaa dhici kartaa inay ka dambeeyeen dadkii cafiska la siiyey ee shabaabka ahaa. Dowlada waa inay dhistaa cabsi weyn oo adag oo lagu xiro qofkii shabaab ah. Dowalada waaa inay xeerka ciqaabta argagaxiisada adkeysaa si shabaabka ay u cabsadaan. Jilicsanaanta dowlada ayaa sabab u ah wixii dhacay. Waa in isbedel lagu sameeyaa dhammaan madaxda amniga iyo sir doonka dowalada oo gudan waayey hawshii loo dhiibay. Somaliya ha noolaato

  4. khaliif cabdirashiid says:

    dilal yaryar oo mujrimiintu u geysanayaan dadka rayidka ah waxba kama bedili doonto hormarka ay sameyneyso dawlada soomaaliya tani waxay noo muujineysaa in ay jabeen kooxihii bucada ahaa ee ummada soomaaliya soo gumaadi jirey waxaana ilaahay ka baryeynaa in ta hadheyna in gacanta lagu soodhigo in shaa allaah




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Wararka

Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12511

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
rinkesc1

Rabshado ayaa ka socdo Magaalada Stockholm ka dib markii gaadiid iyo goobo ganacsi lagu gubay xaafadaha ay u badan yihiin Soomaalida SAWIRO

Rabshadahan ayaa dhowrkii cesho ee la soo dhaafay ...
LUULIYO

OGEYSIIS: Kulan loogu arinsanayo qaban-qaabada Xuska 1 Luulyo Ee Magaalada Munich ee dalka Germany.

Waxaa la Ogaysiinayaa dhamaan Dadweynaha Soomaaliyeed ee ku ...
DSC_0432

DAAWO SAWIRADA:- Wasiirka gaashaandhiga Xarumihii uu tagay iyo Madaxdii uu la kulmay intii uu Sudan joogay oo dhamaystiran.

Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane ...
astaanta-warka1

Dhageyso warka habeennimo ee radio Muqdisho

WAR HABEEN 23 05 2013
IMG_8547

Madaxweynaha oo qado sharaf u sameeyay mudaneyaasha Baarlamanka “sawirro”

Kulanka qadada ah ee uu madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ...
safar bye bye

Madaxweynaha iyo wafdi uu hoggaaminaya oo Addis Ababa u dhoofay

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Shiiq Maxamuud iyo wafdi ...
IMG_8322

DAAWO SAWIRRADA:- Munaasabadii lagu xusayay aas-aaska midowga Africa ee Muqdisho lagu qabtay

akhristeyaasheena sharafta leh waxaan halka idinkugu soo gudbineynaa ...
gafoow

Taliyaha hoggaanka iyo socdaalka oo sheegay in la diwaan galiyay dad badan oo ajaanib ah

Taliyaha Hogaanka Socodaalka iyo Jinsiyadaha  Dowladda Soomaaliya Cabdulahi ...
wasiroo_3

Xukuumada oo soo dhaweysay ka noqoshadii mooshinka baarlamaanka kana hadashay arrimaha Jubaland iyo wada-xaajoodka Somaliland “war-saxaafadeed+sawirro”

(Muqdisho, Majo 23, 2013). Shirkii golaha wasiirada Xukuumada ...
DSC01028

Munaasabad lagu xusayay maalinta Umulisada aduunka oo Muqdisho lagu qabtay “sawirro”

Munasabad lagu maamuusayay maalinta umulisay aduunka laguna soo ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka duhurnimo ee radio Muqdisho

WAR DUHUR 23.05.2013
qeybdiid Galmudug State President

Madaxweynaha Galmudug oo ka qeybgalay Munaasad loo qabtay arday ka qalinjebisay dugsiga sare Mudug

Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug ayaa ka qeybgalay munaasabad ...
TubtaToosan1

Khilaafka Al-Shabaab iyo waxa uu salka ku haayo-DHAGEYSO

Muddooyinkii dambe horjoogayaasha maleeshiyaadka Al-Shabaab waxaa soo kala ...
Sawirka 1

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo booqasho ku jooga Sucuudiga.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr.Maxamed Nuur ...
Madaxweyne-xasan-Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay munaasabad lagu xusayay 50 guuradii Midowga Afrika oo lagu qabtay Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyada Fedraalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ...
dibad_ba_3

Dibadbax lagu taageerayay waxqabadka dowlada iyo mowshinkii la baajiyay oo ka dhacay Muqdisho”Sawirro”

Dibad bax balaaran oo lagu taageerayay horumarada iyo ...
Hobyo_view

Duqa dagmada Hobyo oo sheegay in ay wadaan waan waan lagu doonayo in ay xiisad ka dhalan dil shalay ka dhacay ceel huur

Maamulka dagmada Hobyo ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee ...
muqdisho_1

Odayaasha dhaqanka Muqdisho oo soo dhaweeyay mushinkii ay la laabteen xildhibaano ka tirsan baarlamanka

Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka magaalada Muqdisho ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka subaxnimo ee radio Muqdisho

WARKA SUBAX 23.5.2013
Al-Shabaab Awood Daciifid 4

Maleeshiyaad ka tirsan shabaab oo qasaare loogu geystay xadka u dhaxeeya Somaliya iyo Ethiopia

Iska hor imaad geystay qasaaro iskugu jira dhimasho ...
south africa

Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalalka S/africa iyo S/zerland oo soo dhaweeyay go’aankii xildhibaanada ay uga noqdeen mushinka

Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee  ku nool dalalka South Africa ...
DSC03854

Dowladaha Sudan iyo Soomaaliya oo Hishiis Dhanka Ciidanka Xooga ah kala saxiixday :- Daawo Sawiro

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa hishiis Dhanka ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada125

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
astaanta-warka1

Dhageyso warka habeennimo ee radio Muqdisho

WAR HABEEN 22.05.2013
DSC03786

DAAWO SAWIRADA:- Wasiirka gaashaandhiga oo Galabta booqday Meelo dalxiis iyo Xarumaha Sports-ka ee Raacsaan Wasaaradda Gaashaandhiga ee Dalka Sudan.

Wasiirka Gaashaandhiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya  Mudane C/xakiin ...
DSC00908

DAAWO SAWIRRADA;-Sida Ay Shacabku Ugu Damaashaadaan Xeebta Liido Maalmaha Aan Jimcaha Aheyn

Akhristayaasheenna Sharafta leh waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa ...
PM AU (4)

R/wasaaraha oo kulan la yeeshay safiirka Soomaaliya u qaabilsan Midowga Africa “war-saxaafadeed+sawirro”

(Muqdisho, 22, May, 2013) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ...
20130518_141000

DAAWO SAWIRRADA:- Bandhig dhaqamed ay ka qeyb galeen jaaliyadda Soomaaliyeed oo lagu qabtay dalka Turkiga

Bandhig dhaqameed ay kasoo qeyb galeen in kabadan ...
shabaabaaa-620x330

Haraadiga maleeshiyaadka Shabaab oo boob ku haya xoola dhaqatada G/Hiiraan

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku sugan qeybo ka mid ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka duhurnimo ee radio Muqdisho

WAR DUHUR 22.05.2013
naafada

Naafada danyarta ah ee ku nool degmada Dhuusamareeb oo gargaar loo geybiyay

Deeq Raashin gargaar ah  ayaa maanta loo qeybiyay ...
k 1

Bukaanada jiifa cisbitalka Keysaney oo loo qeybiyay deeq lacag ah”Sawirro”

Bukaannada ku jira Isbitaalka Keysaney ee duleedka magaalada ...
kulanka baarlamanka

Baarlamanka oo maanta kulmay iyo mudanayaasha oo dib uga laabtay mowshinkii ka dhanka ahaa xukuumadda

Baarlamanka Soomaaliya oo maanta kulmay iyadoo mudanaayal ka ...

Tubta Toosan

TubtaToosan1

Khilaafka Al-Shabaab iyo waxa uu salka ku haayo-DHAGEYSO

Muddooyinkii dambe horjoogayaasha maleeshiyaadka Al-Shabaab waxaa soo kala ...
TubtaToosan1

Diinta Islaamku maxay ka qabtaa Dhagarta?-DHAGEYSO

Shareecada Islaamku aad ayay uga dardaar warisay dhagarta ...
TubtaToosan1

Macluushii ka dhacday dalka iyo kaalinta Al-Shabaab-DHAGEYSO

Dabayaaqadii 2010 ilaa  bartamihii 2011-kii Soomaaliya waxaa ka ...

*