Garsoore Xasan Aadan Wiish oo ka mid ahaa garsoorayaashii dhexdhexaadiyey cayaarihii dhowaan lagu soo gabagabeeyey dalka Tanzania ee Bariga iyo Bartamaha Afrika, taasoo uu nasiibka u yeeshay dhexdhexaadinta ciyaartii kama dambeysta ahayd ee tartankaasi ayaa sheegay iney taariikh fiican u ahayd shaqsiyadiisa gaarka ah iyo guud ahaan Soomaalidoo dhan in lagu aamino dhexdhaxaadinta cayaaro muhiim ah oo qeyb ka ahaa tartankii cayaaraha Bariga iyo Bartama Afrika.
Garsoore Xasan Wiish oo wareysi gaar ah siiyey idaacadda radio Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyey qaabkii tartankaasi loogu soo xulay, tirada garsoorayaasha kala qeyb galay, kulamadii uu dhaxdhaxaadiyey iyo weliba aragtidiisa ku aaddan Kooxdii Soomaaliyeed ee tartaankaasi ka qeyb gashay oo ahayd Kooxda Elman.
Halkan Ka Dhagayso Wareysiga Garsoore Xasan Wiish.
“Dalka waxaa ka jira ilaa saddex gasoore iyo lix calan wade oo caalami ah, kuwaasoo hadba fursad loo kala siiyo ka qeyb galka taartamada caalamiga ah, gaar ahaan cayaaraha afrika, sidaa daraaddeed ayaa xilligan wuxuu noqday nasiibkeygii aan kaga qeyb galay ciyaarihii Bariga iyo Barmaha Afrika ee lagu soo gabagabeeyey dalka Tanzaniga inaan noqdo garsoorihii mataleyey Soomaaliya” ayuu yiri garsoore Xasan Wiish oo ka hadlayey qaabkii loogu soo xulay ka qeybgalka tartankaasi.
Xasan Wiish wuxuu sheegay inuu dhexhdexaadiyey ilaa afar cayaarood oo tartankaasi ka mid ah, cayaarahaasoo ay ka mid ahaayeen ciyaartii ugu horreysay ee furitaanka iyo ciyaartii kama dambeysta ahayd oo sidoo kale isaga lagu aaminay inuu dhexdhexaadiyo. “Sumcad kastoo aan keenay waxaan u keenay dalkeyga iyo dadkeyga, shaqsi ahaan anigana dareen gaar ah ayey ii leedahay inaan ka soo dhalaalo kaalinkeyga” ayuu yiri garsoore Xasan Aadan X. Yabarow Wiish.
“Ciyaartii kama dambeysta ahayd ee aan dhexdhexaadiyey waxay ahayd ciyaartii iigu adkeyd, waxaana kulankaasi ku hardamay Kooxaha Zimba iyo Yaung Afrika oo ka wada tirsanaa kooxaha dalkaasi Tanzania, cayaartoyda labada dhinacna aad baan isu gacan qaadnay gebagabadii cayaarta markii la gaaray, taasoo ka tarjumeysay sida wanaagsan ee aan cayaartaas u dhexdhexaadiyey” ayuu yiri garsoore Wiish.
Xasn Wiish, mid ka mid ah cayaarihii uu dhexhdexaadiyey waxaa uu calaamadda cas siiyey lambarka 9-aad ee cayaaryahannada kooxda Al-Mariiq ee dalka Suudaan iyo weliba tababarihii kooxdaas Xusaam Al-Badri kaddib markii ay ku kaceen falal ka baxsan anshaxa, cayaar adag ay kooxdaas kala hortageen koox ka socotay dalka Yugandha oo lagau magacaabo Balamuwaya. Garsoore Wiish waxa uu sheegay go’aankii uu cayaartaasi ka qaatay iney ahayd go’aan ay ku taageereen maamulkii tartankaasi Bariga iyo Bartama Afrika.
Waxaa Diyaariyay Faisal Musse Mohamed
waa arin u baahan in lasoo dhaweeyo xasan wiish waxaa leeyahay dadaalkaaga meesha ka sii wad, dhalinyarada qurba joogta ah waxaa iyagana kula talin lahaa inay ku fakeraan fekerka xasan, ama mid lamid wabilaahi towfiq
guul xasan wiish
aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in wiil soomaaliyeed uu heerkan gaaro wana mid taariikh ah ,hambalyo ayaanu leenahay xasan wiish,
masha allaah mr hassan wiish magaca aad usoo haysay umda aad matalaysay waad kaga mahad celinaynaa hadaan nahay uma ku hadasha afka somaliga dadaalkaada walaal halkaada kasii wad insha allah wa garaysa hadafkaada thaks
hambalyo dhamaan rer somaliya taaswa waxlagu fani karo in aan ka dhaxmuuqano dunida inteeda kale si sharaf iyo sumcad aykujirto hambalyo gaar ah waxan u dira garsoraha ciziga sharafka somalia jeclestay in uu kadhax muujiyo calamka mr wiish hambalyo hambalyo mudane xasan wiish dadaalkaga kujir guushisa wad helesa illa her calamina wan kuu rajeyna
hassan wiish masha(allaha)i am verry happy for you and i wish u the best viva somali