Gabay Cusub DAWO IYO CUDUR,
Published on December 3, 2012 by admin · 9 Comments · 3,365 views
Waxaa tiriyay Abwaan Muxumed ‘Indhageelle’
Dhibaatada qabsatay ummaddeenna Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto waxaa u sabab ah dowlad la’aanta.
Xaqiiq ahaan, lama koobi karo dhibta aan ku gayoonnay dowlad la’aanta waxayse maansadu wax ka tilmaamaysaa:
- Qayb tahriibta ku dhintay ama lagu la’ayahay.
- Qayb tahriibtii iyagoo naf qaba ka gudbay ee gaaray waddamada shisheeye iyo sharaf darrida ku haysata.
- Qayb waddankii joogta oo kari waayay inay qaxaan oo ay wareemeen dagaallo iyo wixi ka dhashay sida tacliil la’aan cudurro imw.
Intaa ka dib waxay maansadu ka hadlaysaa inaan dhibaatada fowdadu ku ekayn jiilka hadda noo laakin jiilasha dambe ay ugu gudbi doonto waayo ummad kasta dadkeeda wax barta waxay aqoontooda u gudbiyaan raca ku xiga.
Laakin nasiib –darrida nagu dhacday annaga kuweennii aqoonta lahaa way qaxeen, go’een ama howl-gabeen iyagoo aan badidood lagala harin aqoonti ay lahaayeen oo taxaniheennii nolosha oo dhan ayaa kala go’ ku dhacay waana taas sababta ay dhibaatadu ugu sii gudbayso faca dambe.
Aqoontu ma aha shahaaddo iwm oo qofku qaato balse ruuxa wax barta wuxuu u baahan inuu helo tababar ficil ah (Practical) isagoo ka hoos shaqaynaya ama kaaliye u ahaanaya ruuxii kale howshan uga horreeyay.
Waxaa kala go’ay oo aan la isu gudbin waayo-aragnimadii: Caafimaadka, Maamulka, Difaaca (Ciidamada) ,Wax –soo-saarka –Beeraha, badda, Macdanta, Xoolaha, Warshadaha imw-.
Xitaa fankeenni ma badbaadin oo dhallinyaro aan aqoon badan u lahayn ayaa faraha la galay oo qaawiyay.
Ugu dambayn waxay maansadu bulshada u ifinaysaa oo ku baraarujinaysaa in waxaaso dhan ay sabab u tahay dowlad la’aantu iyadoo sidoo kale uga digaysa ummadda in haddii aan dowladda la taageerin ay imaanayso dhibaato intan ka sii badan.
Waxaa tiriyay Abwaan Muxumed ‘Indhageelle’
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
Akhristeyaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa ...
WAR HABEEN 25 05 2013
akhristeyaasheena sharafta leh waxaan halka idinkugu soo gudbineynaa ...
Madaxweynaha dalka Kenya Uhura Kenyata ayaa sheegay in ...
Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Shiiq Maxamuud ayaa ...
Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka ku dhaqan magaalada Kismaayo ...
War Duhur 25-05-2013
Waxaa ka socda caasimada dalka Kuwait qabanqaabada loogu ...
Wasaarada arrimaga gudaha iyo amaanka qaranka ayaa maanta ...
Hay,adda maaeaynta musiibooyinka qaranka ayaa maanta deeq raashin ...
Ciyaaraha Hidaha iyo dhaqanka, Raashinka ay Soomaalidu dhaqanka ...
WAR SUBAX I 25 05 13
Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxaa ...
Dadka xoolo dhaqatada ah ee ku nool deegaanno ...
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Stockholm ee ...
Shir looga looga hadlayo ganacsiga iyo maalgashiga waddankan ...
Kulan looga hadlayay dhibaatooyinkna soo wajaha haweenka soomaliyeed ...
Addis Ababa, 24 May 2013 )Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ...
Barnaamijka Nasashada Todobaadka waa Barnaamij Todobaadle ah waxaana ...
Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya waxaa laga ...
Munaasabad lagu soo dhaweynayay Gudoomiyaha maamulka gobolka Gal-gaduud ...
WAR HABEEN 24.05.2013
Wasaarada ammaanka maamul goboleedka Ximan iyo Xeeb ayaa ...
War Duhur 24-May-2013
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Shabeelada Hoose ayaa ...
Wasiirrada Arrimaha Dibadda urur goboleedka IGAD oo shir ...
Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ...
WAR SUBAX 24.05.2013
Madaxweynaha Mareykanka Barrack Obaama ayaa sheegey in awoodii ...
Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya ayaa ka hadashay kororka ...
Maamul gobaledka Galmudug ayaa arrin lagu farxo ku ...
Puntland oo xukun dil ah ku riday dad ...
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
Muddooyinkii dambe horjoogayaasha maleeshiyaadka Al-Shabaab waxaa soo kala ...
Shareecada Islaamku aad ayay uga dardaar warisay dhagarta ...
Dabayaaqadii 2010 ilaa bartamihii 2011-kii Soomaaliya waxaa ka ...
Waaw, maashaa ALLAH.
Waa tix aad u qiimo badan. Dowlad la’aan dambe ALLE ayaan ka magan galaynaa.
Tilmaamaha uu ka bixiyay ciidankeenni ayaan la jiriiricooday.
—Daljirayaal ciidankeenni
Dabley madax iyo kornayllo
Dalkeennaa cirifyadiisa
Baddiyo hawada iyo duurka
Daandaansi kolkuu yhimaado
Damaaciyo cadow dhulkeenna
Kolkii duullan la sheego
Difaac laga wada cabsoodo
Mid daran oo cidi ku dhiirran
Dejiya taatiik cajiiba
Feejigan duhur iyo habeen ba
Jayshkaa dunida ba ka sheeggan…..
—-Maashaa ALLAH…
Khayr ALLAH ha ku abaal mariyo abwaan Indha-geelle annagana kuwii waanadaa qaata ALLAH ha naga dhigo.
Wasslm.
Masha allah , waa gabay aad u fiican
Dowlad laa’n waa nolal xumo ,
We need Dowlad
Hubaashii waa dhaxal-gal. waxaan Alle uga baryayaa abwaanka inuu xafido, cimrina siiyo si uu umadda wax badan ugu sheego.
maasha alaahndhageele abwaan waa asiibtay kuwa gudbay oo jooga wadamada shisheeye waa ku bahdilan yihiin waase kabaxnay dowlad la aan dambe insha alaah nooloow ayaan ku lee nahay abwaan
Maashaa allaah indha geelle, halkaas kawad, suugaanta ayaa loo adeegsadey duminta qarankeenii, haddana waa in dib loogu dhisaa
Abwaanka waan bogaadinayaa. Waxaan qirayaa inaan weli leennahay abwaano heer Qaran ah. Maasha Allah….
Fadlan noo soo gudbiya gabayada noocan oo kale ah.
masha allah waa gabay aad u qiimo badan oo xikmada badan xambaarsan. abwaanka Alle ha dhowro
waa gabay quseeya xaaladda dadka soomaaliyeed, waxaan rajeynaa in ay dad badan uu wacyi gelin u noqon doono. sii wad abwaanka suugaanta,
ala qeyr kuugu badalo waanada aad u soo jedisay umada soomaliyeed ayagana alaha ka dhigo kuwo qaato waana run oo qaar ayaaba la doofaar dhiqidii anagoo ilaah naga xaaraantimeeyay doofaarka iyo qamriga ilaahoow daljkeena nabad waarto nooga dhig aan ka baxnee qaboowgaan iyo qal qalka nagu haaysto qurbaha