Thursday, May 17th, 2012

Fariinta Bisha Barakeysan ee Soonka ee Ra’isulwasaaraha Soomaaliya(Dhagayso)

Published on July 31, 2011 by   ·   3 Comments  ·   1,205 views

Halkan Ka Dhagayso Fariinta Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ee Bisha Ramadaan.

R Wasaare cabdi Weli Hambalyeenta Bisha Ramadaan gaar u ah warbaahinta dowladda caawa 31 july 11

Ummadda Soomaaliyeed iyo dhammaan Muslimiinta Caalamka waxaan u dirayaa Hambalyo ku aadan bisha barakeysan ee Ramadanka oo ah bil fadli gaar ah u leh muslimiinta oo ay gudanayaan waajibaadka diiniga ah. Bisha barakeysan ee Ramadan oo caawa dhalatay waxaa waajib nagu wada ah inaan ku faraxno oo aan si kal iyo laab ah u soo dhoweyno.

Bishan barakeysan ee Ramadan waa bishii Quraanka Kariimka ah uu soo degay, waana bil uu EEBE furo albaabada Janada, xerana albaabada Naarta. Sidaas daraadeed, waxaa waajib nagu ah inaan ka faa’iideysano bisha Ramadan oo aan badino cibaadooyinka, isla markaana aan ka fogaano dhammaan waxyaabaha uu EEBBE naga xaaraantinimeeyey (ama naga joojiyey), sida xanta, dilka iwm. Bisha Ramadan waa bil naxariis, waa bil danbi-dhaaf iyo bil naarta laga xureeyo muslimiinta.

Sidaas daraadeed, waxaan ugu baaqayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay isunaxariistaan oo ay danbi-dhaaf weydiistaan EEBBE.

Shacabka Soomaaliyeed waxaa maanta heysta macluul tii ugu xumeyd muddo 60 sano kabadan, oo ay keeneen roobabkii oo soo daahay iyo kooxaha ka soo horjeeda dowladda ooshacabkii ka hor-istaagay gurmadkii iyo gar-gaarkii bani’aadanimo.

Sidaas daraadeed, waxaa waajib nagu wada ah inaan u wada gurmano dadka tabaaleysan, gaar ahaan barakacayaasha ka soo barakacay guryahoodii oo maanta daadsan dalka gudihiisa iyo xerooyinka qaxootiga ee dowladaha deriska nala ah.

Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay sida hagar-la’aanta ah ee aan dhammaanteen uguwada istaagnay gurmadka barakacayaasha 4tii usbuuc ee ugu danbeysay, waxaana codsanayaa in dadaaladaas la sii joogteeyo oo bisha barakeysan ee Ramadan aan ku wadadhameysano innagoo gacmaha is-heysana.

Shaqsi walba, guri walba, hay’ad walba waxaawaajib nagu wada ah inaan hubino in deriskeena iyo barakacayaashaba aan ka wadawarqabno oo aysan dhicin in shaqsi Soomaaliyeed uusan helin afur iyo raashin uu cuno.

Waxaa sharaf weyn ah in ciidankii Dowladda ay maanta guulo waaweyn ka gaareen la dagaalanka kooxaha xagjirka ah ee diidan nabadda iyo dowladnimada.

Ciidanka geesiyaasha ah waa inaan dhammaanteen ku taageernaa soo celinta amniga iyo kala danbeynta. Ciidanka Dowladdu waxey heystaan kalsoonideyda buuxda, waxaana u ballanqaadeynaa inaan garab is-taaganahay habeen iyo maalin.

Dagaalka ay ku jiraan oo ah soo celinta amnigii iyo kala danbeyntii waa mid ah waajib muqadis ah oo ay ku soo celinayaan sharaftii iyo karaamadii dalka iyo diinta.

Goobaha muhiimka ah ee ciidanku qabsaday waxey fursad u siineysaa in shacabka ay bisha Ramadan ku soomaan si nabad ah, isla markaana ay hay’adaha gar-gaarka gaarsiiyaan gurmadkooda shacabka tabaaleysan.

Waxaan EEBBE ka baryayaa inuu bishan barakeysan ee Ramadan fadligeeda noo wada danbi dhaafo, isla markaana na dhexdhigo naxariis iyo nabad oo ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ay bisha Ramadan ku gutaan cibaadooyinka waajibka ah.

Readers Comments (3)

  1. AhmedNur says:

    ‎(رمضان كريم) Waxaan Umadda Soomaaliyeed iyo umada musliminta dhamaan waxaan Ugu Hambalyeynayaa Curashada Bisha Barakaysan Ee Ramadaan… Allah-na Waxaan Ka Baryayaa In Fadliga Bishan Uu Dalkeena ka dulqaado Culaada iyo Abaarta Ramadaan kisa kalena nagu gaarsiyo Bash_Bash iyo Barwaaqo Nabad Ka Islaaxiyo iyo Qaranimo iyo Dowlad wanaagsan Aamiin Aamiin Aamiin

  2. xaamud soomaali says:

    Ramadaan Kariim Waxaan hambayada Bisha Barakeysan ee Ramaad u dirayaa gaar ahaan ummadda soomaaliyeed oo dhan meel kasto ay joogaan iyo guud ahaan ummadaha islaamka waxaan ilaahey ka baryayaa inuu fadli ramadaan dalkeena uu ka dhigo meel nabad ah oo dadkiisuna is jecel yihiin oo mideysan sannadkan sannadkiisana ku soono dalkeena oo nabad ah iyo middeeye calankeena heybadda leh oo ka babanaya gayiga soomaaliyeed oo dhan inshaa,allaah.

  3. abdi says:

    ramadaaan kareeeem hambalyo umada musliminta meel walbo ee jogaan waxan lee yahay kulu caam wa,antum biqeer gaar ahaaan umada somaliyeed waxaan lee yahay sanadkan kiisa kale wadanka oo nabada kala danbeen iyo karaamadi umada somaliyed inee sonoqoto ayaan eebe kabaryaaa hambalyo ciidamada qalabka waxan idin lee yahay shacabkiina wuu idin garab tagan yahay hasoo jeesanina guul somalia




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Wararka

astaanta.qaranka-300x228

Wasaaradda M/ iyo Lacagta Oo Tababar U Soo Gabagabeeysay Ciidamo Loo Tababaray Qaadista Canshuurta

Wasaaradda Maaliyadda iyo Lacagta Soomaaliya ayaa maanta si ...
NATO

Faah faahinno ka soo baxaya duqeyn ka dhacay Xarar dheere

Faah faahin dheeri ayaa ka soo baxeysa duqeyn ...
Astaan_war7192101129

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

WARKA SUBAX May 17.05.2012           Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo ...
Dastuurka wasiirka

Wasiirka Dastuurka: shirka odayaasha dhaqan waa gabogebo, Dastuurkuna waa la soo bandhiggayaa

Wasaaradda Dastuurka, Arrimaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ...
Jeesto-300x225

Horjoogge Ka Tirsanaa Al-Qaacidada Soomaaliya Oo Qiray Inuu Alle Uga Towbad Keenay Dhibaatadii Uu Umadda Ku Hayey (Dhageyso)

Horjooge ka tirsanaa malleeshiyada Kooxda Al-Qaacidada Soomaaliya, isla ...
Sawirka Fanaan Lafoole

Fanaan Lafoole”Dalka Horumar Badan Ayaa Ka Jira Waan Imaanaya Dhowaan Si Aan Horumarka Uga Qeybqaato”(Dhageyso)

Fanaanka Soomaaliyeed ahna Abwaanka Maxamed Xasan Xuseen Lafoole ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
1

Ciidammo Ka Tirsan Midowga Afrika Oo Fariisimmo Ka Sameystay Baydhabo”DAAWO SAWIRRADA”

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa markii ...
al-Qaeda Militia

Horjoogayaal Ka Tirsan Al-Qaeda Oo Ku Halaagsamay Qarax Caawa Ka Dhacay Galgaduud

Horjoogayaal ka tirsan Maleeshiyada kooxda Al-Qaacidada Soomaaliya ayaa ...
Astaan_war7192101129

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

War Habeen 16-May-2012         Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada ...
Sawir Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Xiligan

Dhageyso Barnaamijka Daljir Ee Looga Hadlo Dhismaha Ciidammada Qalabka Sida Ee Soomaaliya

Barnaamijka Daljir waxa uu ka mid yahay Barnaamijyada ...
xuska-15may13

Suudan oo laga Xusay Sanad Guurada 69-aad ee Asaaskii Ururkii S.Y.L iyo Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed 15 May”SAWIRRO”

Munaasabad si heer sara ah loo soo agaasimay ...
Astaan_war7192101129

Dhageyso Warka Duhurnimo

WARKA DUHUR 16.05.2012
astaanta.qaranka-300x228

Mas’uuliyiin Ka Tirsan He’yadda Maareeynta Masiibooyinka Oo U Ambabaxay Sudan

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradsa Shaqada Hormarinta Shaqaalaha Dhalinyarada ...
Dastuur-qabyo

Kulan Looga Doodayo Xuquuqda Uu Suxufiyiinta Siinayo Dastuurka Cusub Oo Muqdisho Ka Socda

Kulan looga hadlayay ahmiyadda uu dastuurka cusub siinayo ...
maka maka

Gaadiidleyda Iyo Qeybaha kale Ee Bulshada Oo Soo Dhaweeyay mashruuca Lagu Hagaajinayao Waddooyinka Muqdisho

Dadweynaha iyo  gadiidleyda  magaalada  Muqdisho ayaa soo dhaweeyay ...
Tarsan

Guddoomiye Tarsan Oo Afhayeen Cusub U Magacaabay Maamulka G/Banaadir

Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta  magacaabay afhayeenka cusub ...
1401

Kabakudukade iyo malleeshiyaad kale oo deegaanno ka tirsan Galgaduud isaga cararay

Malleeshiyaadka Al-Qaacidda ayaa banneeyay deegaanno badan oo ka ...
Astaan_war7192101129

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

WARKA SUBAX 16.5.2012           Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada ...
UN-235x300 (1)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo beesha caalamka ku ammaanay mooqifka Soomaaliya uga aadan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa ku ammaanay beesha caalamka ...
Ex

Saraakiisha Ammaanka” Qarraxyadii Al-Qaeda Muqdisho Ay Keeni Jireen Waan Fashilinay”

Saraakiisha ammaanka Koontaroolka Afgooye ee magaalada Muqdisho ayaa ...
Madaxweynaha Shirjaraa'id Saxaafadda NEW YORK

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Oo Faah Faahin Ka Bixiyey Qodobadii Looga Hadlay Shirkii New York “DAAWO VIDEO”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...

Tubta Toosan

tubta-toosan1-150x150151

Islaamka & Faafinta Nabadda

Diinteenna Islaamku waa diin nabadeed, sidaba laga dheehan ...
Residents gather near the covered remains of a suicide bomber at the scene of an attack along a street in Somalia's capital Mogadishu

Akhlaaqda dagaalka iyo Diinta Islaamka

Colaadda iyo Nabaddu waa xaalado la soo gudboonaada ...
tubta-toosan1-150x150151

Dowlad Wanaagga sidee loo xoojin karaa?

Dowlad wanaaggu waa tilmaanta kaliya ee ay horumarka ...