Faahfaahin Ka Soo Baxeysa Qaraxii Saaka Lala Beegsaday Haweenka Nadaafadda
Published on November 30, 2011 by Mowliid · 23 Comments · 4,987 views
Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo abaxeeysa qarax barqanimadii maanta degmada Dharkeynleey lagula beegsaday hooyooyin ka shaqeeynayay howlaha Nadaafadda degmadaasi.
Guddoomiyaha degmada Dharkeyneel Macalin C/lle Cali Hilowle oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyay qaraxii barqanimadii maanta ka dhacay degmadaasi kaas oo lala beegsaday haween ka shaqeynayay nadaafadda.
“barqanimadii maanta saacaddu markeey aheyd 09:30am ayaa haween ka shaqeeynayay nadaafadda qarax lala beegsaday iyagoo howlo nadiifin ah ka waday halka loo yaqaano suuq Liif oo ku dhow saldhigga galbeed waxaana halkaasi ku geeriyooday Afar haween ah Lix kalena wey ku dhaawacmeen”ayuu yiri guddoomiyaha degmada Dharkeynleey Macalin C/lle Cali Hilowle.
Sidoo kale guddoomiyaha ayaa falkaasi ku eedeeyay in ay ka dambeeeyaan malleeshiyaadka Shabaab oo hore looga bartay ficillada guracan oo lagu dhibaateeynayo shacabka tabaaleeysan.
Wasaaradda Maaliyadda iyo Lacagta Soomaaliya ayaa maanta si ...
Faah faahin dheeri ayaa ka soo baxeysa duqeyn ...
WARKA SUBAX May 17.05.2012
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo ...
Wasaaradda Dastuurka, Arrimaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ...
Horjooge ka tirsanaa malleeshiyada Kooxda Al-Qaacidada Soomaaliya, isla ...
Fanaanka Soomaaliyeed ahna Abwaanka Maxamed Xasan Xuseen Lafoole ...
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa markii ...
Horjoogayaal ka tirsan Maleeshiyada kooxda Al-Qaacidada Soomaaliya ayaa ...
War Habeen 16-May-2012
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada ...
Barnaamijka Daljir waxa uu ka mid yahay Barnaamijyada ...
Munaasabad si heer sara ah loo soo agaasimay ...
WARKA DUHUR 16.05.2012
Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradsa Shaqada Hormarinta Shaqaalaha Dhalinyarada ...
Kulan looga hadlayay ahmiyadda uu dastuurka cusub siinayo ...
Dadweynaha iyo gadiidleyda magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyay ...
Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta magacaabay afhayeenka cusub ...
Malleeshiyaadka Al-Qaacidda ayaa banneeyay deegaanno badan oo ka ...
WARKA SUBAX 16.5.2012
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada ...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa ku ammaanay beesha caalamka ...
Saraakiisha ammaanka Koontaroolka Afgooye ee magaalada Muqdisho ayaa ...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ...
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
Diinteenna Islaamku waa diin nabadeed, sidaba laga dheehan ...
Colaadda iyo Nabaddu waa xaalado la soo gudboonaada ...
Dowlad wanaaggu waa tilmaanta kaliya ee ay horumarka ...
waxaa la yaab ah in nimanka ka dabaayo dhinkan jootada ah ay si xoriyo h iskaaga laafyoodaan meel u dhow dhulka ay ka taliso dowlada taas waa ayaan daro
Waxaan dhibkaan geeysanaayaa dadaa qarinaya sidee dadka looga qabtaa marka ilaahay unbaa usheegaynaa ileen asagaa arkee
Innaa Lillaahi wan innaa ileyhi raajicuun!!/
Waxa ay indha dadka Soomaaliyeed arkayaan ma ahan wax la jecleysto, cidda falkaasi ka dambeyseyna cid waliba waa ay garaneysaa waa Khawaarijta Alshabaab. waxana aan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa iney dadka noocaasi ah wax ka qabtaan oo ay la dagaallamaan si kale loogama gol helayo/
ilaaheyoow dadkii ka danbeeyay qaraxaas dadka masaakinta ah lagu dhameeyay oo haweenka nolol maalmeedkooda ku raadsanayyay oo ah dad aanba wax galabsan ilaaheyoow dhulka la gooy dadkaas oo cadaab aduunyo iyo mid aaqiro u keen waxaa u sheegayaa addka coments iga danbeeya ayagana ineey habaaran dadka sidaan u galay oo aysan fikrad ka dhiiban habaara waa din tuugaa ilahey ha u naxariisto masaakinta quudka raadinayay
Inaa Lilaahi Wa Inaa Ileeyhi Raajicuun Allah u naxariisto haweenkaas ay xasuuqeen shabaab wa shahiideen waayo aygoo dalkooda wax u qabanyo ayeey dhinteen dowlada waa in ay amaanka si adkeysaa waayo shabaab markaan wa naf la caari wax walbo wa isku dayaayaan inasha ALLAH cxd wa guuleysnyaan in la tir tiro shabaab
masha.allah weey dileen hooyoninka alla nadaafadu ma xaran baa
intii dhimatay Alle ha u naxariisto inta dhaawaca soo gaarayna Alle caafimaad dagdaga ha siiyo ,,,,Shayadiinta Shabab markii ay ku fashilmeen dagaaladii looga saaray xamar waxay bilaabeen dadka masaakinta inay xasuuqaan waa wax lala yaabo iyo ficil ka fog diinta islaamka .. shacabka soomaliyeed waxan ka codsanaa inay iska qabtaan kooxdaan aan naxariista iyo bani aadanimo toona lahayn ayna meel uaga soo wada jeestaan hadii kale maalin walbo meydkiina ayaa la guraaaa .. ee sheeega ninka shababka ee deriskina ah iyo kaad garanaysaanbo iskana daaya ina adeerkeey waaye walalkey waaye
i naalilahi wa inalilaahi raajucun samar iyo imanal a lahaka siiyo eheladoda ayagana janadadka fadoso alahageeyo aamin bahalada dadka iyo daldka allahaka qabto.
Asc wr wbr
Inaa lillaahi wa inaa Illeyhi raajicuun
Allaha unaxariisto intii ku dhimatay qaraxa inti ku dhaawacantayna allaha caafiyo aamiin.
kuwii ka danbeeyayna Illaahbaa la xisaabtami doono.
waase arin laga naxo.
EEYIHII NAARTA WAXAY ISKU QARXIYEEN HAWEEN MASAAKIIN AH,YAA RABI U GAR GAAR AMIIN
asc ,,waxaa layaab leh dadka ka dhigtay shacabka somaliyeed ee maatada ah gumaadkooda jihaad…haweenka iyo ardayda ineey laayaan ayeey ku faanaan,,,calnatulaahi caleykum,,,shacba waxa heysta yaga ayaa iskuugu wacan sababtoo ah dadkaan wax qarxinaya wey nagu dhex nool yihiin waana la yaqaanaa lama soo sheego,,marka haddi aanu qarino saas ayaa noo danbeysa in maalin walba qarax nala beegsado,,, waxaan leeyahay ilaahay halo soo noqdo macaasida iyo dulmiga hala iska ilaaliyo,,dadkaana hala soo sheego haddi la arko,,,,ilaahay wadankeena nabad hanooga dhigo….aaamiiiiin
qaraxyada malmahan wadarsanooyaan waxaan ugu baaqlahaye waxaha aminga sida nabadugida, iyo wasiirka armhagudaha saldhigyada policeka in ee wax kaqabtaaan saan macquul mahan maalin walaba dad silac u dhimanaayo hadee shaqada ku atkaato dee ha iskacasilaan saan macquul mahan
ASC INAA LILLAAHI WA INAA ILLAAHI RAAJACUUN waa wax qof islaam sheeganaaya aan ka suurtoobin inuu geeysto laakiin ma garan karo diinta eey haaystaan al shabaab oo u fasaxeeysa daadinta dhiiga dadka aan waxba galabsan hase yeeshee waxaan dareemayaa ineey jiraan qaar doowlada ka tirsan hadana la shaqeeynaayo al shabaab maadaama dadka lagu qabto ayagoo miino baabuur ugu raran yahay aan la toogan ee la sii daayo markiiba
inaa lilaahi wa ina ileeyhi raajacuun alaha unaxariiasto waxaa dishay gacan kagardaran aloow unaxariiso kunoolna aamiin
INALILAAH WA INAA ILAAHI RAAJACUUN”
qofkii dila naf aan waxba galabsan ilaah baa la xisaabtami doona maalinta qiyaame
koleey ayagu wey dadaalayeen hadey ahaan laheyd shaqo ama iskaa wax uqabso ninkii ku halaagay sidaa wuxuu mudan yahay in lasoo qabto dabadeedna aduunka lagu ciqaabo kadibna la dilo.
anigu waxay ila tahay qaraxyadaan in ay ka danbeeyan nimanka kasoo goostay Alshawaab waayoo ayaga xaq uma laha in magaalada lagu fasaxo ama la yidhaahdo waa leydin cafiye Alshawaab ninkii kasoo goostaa waxan odhan lahaa xabsi daa’in ah halagu xukumo waayoo waa manaxe ninkii shawaab usoo shaqeyn jidhay, markale ayuu dhibaato ceynkaa ah sameynayaa
waxan kusoo koobayaa in ilaahey unaxariisto haweenkii halkaa ku nafwaaye caruurtii iyo eheladoodiina uu samir eebe kasiiyo Aamiin.
inaalaailaah wa inaa ileeyhi raajicuun waa wax aad iyo aad looga xumaado waxa eey ku keceen cadawga dadkeena ee laayay hooyooyinka iyo masaakiinta maalinkasta oo eey maanta ugu dambeeysay waxaan kucadaabi doonaa gacmeheena waan u aaridoonaa hooyooyinka eey laayeen iyo maatida aakhira waxaa udanbeeyso cadaabka ilaaheey sida walaalkeen kor kusoo shegay ayaan leeyahay anah eebo dhagax cadaabeed dhamaantiinba idin saar aaamiiiiiiiiiiiin
Inna Lillaahi wa Innaa Ileyhi raajicuun. War maa Allahii na abuurtay oo ey xisaabtiisu na sugeyso maa laga baqo.
allaha cadabo kuwa sidaan yeelaya masaakiinta an waxba galabsan ee dalkooda u adeegaya raadsanayana nolol maalmeedkooda
yaa rabi yaarabi yaarabi ilaahow waad arkeysaa dibaatadani aan dhamadka lehen iyo masakinta dhamaneyso ilaahow dadkaani naga qabo sidii caad iyo aad uqabatay mid kadar
innaa lillaaahi wa innaa illeyhi raajicuun allaha uwada naxariisto umada dhimatay oodhan hooyooyinkan aakhiradooda allaha hagaajiyo dambigoodana allaha dhaafo waxaa baftooda dhaafiyay dad aan lagaran karin wax lagu tillmaamo.koleey maalinbaana gacanta lagusoo dhigi doonaa cid waliba oo gaff iyo dill gaysatayba.. eheladii iyo kharaabadii ay kageeriyoodeen hooyooyinkana allaha kasiiyo samir iyo iimaan aamin !!!!!!!!…..ciidama dowlada illaaah ha idinla jiro adinkoo daacadi idinkudheehantahay plz and plz umada kaabta cadawga adinkuna unaxariista illaahba naxariis iskalehe..thanks radio mudisho..
ilaahoow u naxariiso maatada la xasuuqay ..intii ay ka tagena ilaahow xafid oo samir iyo iimaan ka sii…
inaali llaahi wa inaa ileeyhi raajicuun
inaa lilaahi wanaa ilayhi raajacuuna war kuwaan dadkii waa dhameeyeena dadka halaga qabto oo shacab iyo dawladba haloo istaago