Faahfaafin Dheeraad Ah Oo Ka Soo baxeysa Qaraxii Ka Dhacay Muqdisho
Published on November 7, 2012 by Canab · 13 Comments · 4,341 views
Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa qarax goor dhow ka dhacay goob baakin ah oo ku taala masaajidka Isbaheysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho.
Qaraxan oo ahaa gaari Runeyd ah oo laga soo buuxiyay wayabaaha qarxa ayaa waxa uu sababay dhimashada hal ruux oo ka mid ahaa ciidamada dowladda kaas oo ku sugnaa goobta uu qaraxa ka dhacay, dhaawaca Sadax kale oo uu kujiray canug yar oo caseeye ah iyo gawaari ku gubatay goobta.
Qaraxa ayaa dhacay saacad kadib markii uu soo gaba gaboobay kulankii baarlamanka Soomaaliya ee uga socday xarunta golaha shacabka ee Muqdisho waxaana goobta uu qaraxa ka dhacay ay aheyd goob ka soo horjeeda xaruntii ay ku shirayeen xildhibaanada.
Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amaanka maamulka gobolka Banaadir Warsame Maxamed Xassan oo gaaray goobta ayaa ugu baaqay ciidamada dowladda in ay feejignaadaan kana hor tagaan falalka amaanka ka dhanka ah.
Qaraxa maanta ka dhacay baakinka baabuurta ee Masaajidka Isbaheygsiga Islaamka ayaa waxa uu imaanayaa xili maalmo ka hor qarax ismiidin ah oo ay fashiliyeen ciidamada dowladda uu kadhacay baar the Villag halkaas oo ay ku sugnaayeen dad shacabka.
WAR SUBAX I 25 05 13
Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxaa ...
Dadka xoolo dhaqatada ah ee ku nool deegaanno ...
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Stockholm ee ...
Shir looga looga hadlayo ganacsiga iyo maalgashiga waddankan ...
Kulan looga hadlayay dhibaatooyinkna soo wajaha haweenka soomaliyeed ...
Addis Ababa, 24 May 2013 )Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ...
Barnaamijka Nasashada Todobaadka waa Barnaamij Todobaadle ah waxaana ...
Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya waxaa laga ...
Munaasabad lagu soo dhaweynayay Gudoomiyaha maamulka gobolka Gal-gaduud ...
WAR HABEEN 24.05.2013
Wasaarada ammaanka maamul goboleedka Ximan iyo Xeeb ayaa ...
War Duhur 24-May-2013
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Shabeelada Hoose ayaa ...
Wasiirrada Arrimaha Dibadda urur goboleedka IGAD oo shir ...
Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ...
WAR SUBAX 24.05.2013
Madaxweynaha Mareykanka Barrack Obaama ayaa sheegey in awoodii ...
Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya ayaa ka hadashay kororka ...
Maamul gobaledka Galmudug ayaa arrin lagu farxo ku ...
Puntland oo xukun dil ah ku riday dad ...
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
Rabshadahan ayaa dhowrkii cesho ee la soo dhaafay ...
Waxaa la Ogaysiinayaa dhamaan Dadweynaha Soomaaliyeed ee ku ...
Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane ...
WAR HABEEN 23 05 2013
Kulanka qadada ah ee uu madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ...
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Shiiq Maxamuud iyo wafdi ...
akhristeyaasheena sharafta leh waxaan halka idinkugu soo gudbineynaa ...
Taliyaha Hogaanka Socodaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Soomaaliya Cabdulahi ...
(Muqdisho, Majo 23, 2013). Shirkii golaha wasiirada Xukuumada ...
Munasabad lagu maamuusayay maalinta umulisay aduunka laguna soo ...
WAR DUHUR 23.05.2013
Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug ayaa ka qeybgalay munaasabad ...
Muddooyinkii dambe horjoogayaasha maleeshiyaadka Al-Shabaab waxaa soo kala ...
Shareecada Islaamku aad ayay uga dardaar warisay dhagarta ...
Dabayaaqadii 2010 ilaa bartamihii 2011-kii Soomaaliya waxaa ka ...
aad iyo aad ayaan uga xumahay in maalinkasta wararka noocaan ah aan maqalno hadaan nahay shacabka waxaan ku talin lahaa in amaanka loo hagar baxo lana feejignaado dhagar qabayaasha
Shabaab xaalkoodu waa “Neef gawracan geedo kama waabto” waa koox sii aakhirsatay.
khawaarij Alla kuwaan maxeey caqiidada ka xumaatay.nacala tulaahi caleeykum jahanama ayaa idiin dambeeysa sidaan isugu qarxiya islaamka.naarta ayaad kadhararteene soo dhaweeysta
Waxaan ugu baaqayaa in dadka somaliyed. Feejignaan sameeyaan maxaa leelay cadowga wuxuu beegsanayaa goobaha bulshada isku timaado sidaas be careful too much
Shabaabul shayaadiin guuuleysan meysaan insha,allah.waxad tihiin khawaarij,dhiiga dadka baneystay
Alshayadeenta Al shabaab masaajidki horteesa bay gadhi waxalaha qaraxa kabooxan hordhigayan , markaa ma dadkaasa Muslim sheeganaya ,Al shabaad waa yahood galadana ka daran ,muslims uun bay dilaan..naarta Allah ha kuridu alshabab.
Alle waxan ka baryayna hadan nahay shacabka somaliyey shayadinta dinta ku ganbanayo inu alle mel ino dhafsho dowladenane waxan lenahay ku dadala amniga iyo kuwa dhagar qabayasha ka fojignada
asc anigo ah abukar adow abiikar oo jooga xereda dadhaab ee dalka kenya marka hore wan salamay bahda radio muqdisho salan kadib sorry wan ka xumahay qaraxa ka dhacay magala madaxdeena marka ani fikrad ahaan markan eego ciidanka dowlada waxba amni masugaan sababta oo ah ciidanka dalka hadii musharaad lasiin lahaa amniga wey adkey lahayeen asgeriga control get ka fadhiya lacga yar hadii latuso amniga halkaas ayow ku halmama marka ciidanka control kasta oo ay fadhiyaan ileen wada kasta control ayey leedahay wadadaas ayada ah waxii gasoo gudba askarigaas aya loo ciqaba waa hadii amni sax la doonayo arintaan madaxweyne pro xassan sh.maxamuud ciidanka musharaad ha u qoro hana la xisaabtamo insha allah
yaqrib baytakum siyasad le ku mashquusheen nin walboo masuulana gurigisa lugu guba hadii kale hurdada kakaca san si maahee isbahaysiga iyo madaxtooyo waa tilabo iyo wax la mida tuutayal ha gashadan madaxdu yeysan mukayf qaaqamine oo ciidanka iyagu haku dhex jira si loo helo dhiranan imisa ciidan tagan wadadooyinka alrms ha weydiista dowladaha lacagaha la weydisanayo lacag wax tarimee adoon amamn haysan hadii alrms lahaysto ruux ama gari wax qarxa wada kuma dhafi karo khadartuse waa gonideda
kuwaan umadda allaha ka qabto inii ku dhimatay allaha u naxariisto kuwa dhaawaca ah allaha caafiyo, inta badan warkaan oo kale oo kaanixiyo ayaan ka maqlaa muqdisho..
Alaha u naxiriisto dadkii soomaliyeed ee ku geeriyooday qaraxa. Aamin aamin meelahana noocan oo kalah waan is loo sameeyaa irid laga soo galo si loo koontaroolo gawaarida soo galaysa. Meesha ayey gaariga dhigeen markaa bay uga tageen in musaliinta ku bartilmaameedsadaan! Yaab iyo amkaag soo maahan!!. Ilaahow wadadaada toosan hana hareer marin. Walee kuwaani wey galbadeen..Ilaahow yeynamarana shartooda na mooti!
walaahi waxaaa layqbana hay markas to waxaa maqlena dhacdo hole walaahi kuwan waxaa kasodhaw in eee suqyada kharxiiyan ilaaah hasoo hanuniyo
Subhanallah. Horta mahad Allah baa leh oo falkaas fashiliye. Waxaad u mahad celinayaa Allah kasakow wixi fashiliyay, waxaana leeyahay shacabka Somali waa inaa umadaan liigu dhax dhuumaneyso iska qabataan oo fashilisaan, waayo idinka waaye waxa meesha ku dhimanaayo oo falkaas loo wado. Pleas my people, we got to stop those evil forces who are destroying our people and religion. Soomaliya hanolaato Ameen.