(Muqdisho, 31 December 2011) Dowladda Federalka KMG ee Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday inuu bilowday “Howlgalka soo celinta Nabadda iyo Xasiloonida Soomaaliya” iyadoo lala kaashanayo saacidaada beesha caalamka iyo waddamada deriska ah.
“Maanta, shacabka iyo Dowladda Soomaaliya waxey u istaageen la dagaalanka kooxaha sheydaamiinta ee Al-Qaeda iyo Al-Shabaab oo in muddo ah ku hayey argagaxisnimo iyo dil ay u geysteen Soomaali fara badan. Shacabkayagu in muddo ah bey kala kulmayeen silc iyo dhibaato kaga imaneysey kooxaha Al-Shabaab. Maanta waxaan bilownay howlgalladii shacabka Soomaaliyeed looga xorreynayey gumeysiga kooxaha argagaxisada ee Al-Shabaab.” Sidaas waxaa yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali.
Shacabka Soomaaliyeed dhibaatooyin fara badan baa ka soo gaaray ku hoos noolaashada kooxaha xag-jirka ah oo in muddo ah si waxushnimo ah ula dhaqmayey shacabka. Al-Shabaab waxey ka mid yihiin golaha argagaxisada caalamiga ah ee uu hoggaamiyo kooxda Al-Qaeda.
“Howlgalkan soo celinta Nabadda iyo Xasiloonida Soomaaliya waxuu u socdaa si wanaagsan oo qorsheysan. Saakay, Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed waxey goobo muhiim ah ka qabsadeen kooxihii Al-Shabaab ka dib dagaal ku dhexmaray gobolka Hiiraan. Waxaan si rasmi ah u codsaneynaa kaalmada iyo is-garab istaaga beesha caalamka guud ahaan iyo dowladaha deriska ah sida Ethiopia si loo saacido shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed laguna saacido howlgalkan taariikhiga ah. “ Sidaas waxaa yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali.
Ujeedada howlgalkan ayaa ah in laga xorreeyo shacabka Soomaaliyeed kooxahan arxan laawayaasha ah ee xagjirka ah. Howlgalkan waxuu sii kordhinayaa goobaha nabadda ee Soomaalida si ay u helaan kaalmada ama gurmadka caalamiga ah oo ay si aad ah ugu baahanyihiin.
Dowladda Federalka Soomaaliya waxey si deg deg ah uga dalbaneysaa beesha caalamka iyo hay’adaha gar-gaarka bani’aadanimo inay gar-gaar bani’aadanimo la soo gaaraan goobaha laga xorreeyo kooxaha Al-Shabaab.
- DHAMAAD -
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub +442035190460
USA & CANADA +17124327760
Yaa daran Al shabaab iyo Itobiyaan?Somalida ayaan u deynayaa laakiin waxaan soo dhaweynayaa cid walbo oo aqoonsan qaranimada Somaliya ee dhul,bad iyo dadnimoiyo tan siyaasadeed in ey gacan ka geystaan baabi’inta Al shabaab umada somaliyeed waa iney ka faa’iideysataa cirib tirka al shabaab oo aan la qasaarin fursada soo socoto.Mida kale umada somaliyeed waxaan kula talinayaa in aan la qarin oo la soo qabtaa horjoogayaashii al shabaab ee umada xasuuqay.Somalida xalaashaa guul ayaan u rajeeyey.
hadaalina waligiin waan ka guulaysan donaa cadowga umada somaliyeed insha ALLAH
ASW Dhamaan akhyaarta Radio-Muqdishu ka howlgasha iyo dhamaan inta nabada jecel. Anigu waxaan marwalba ku taageerayaa cidwalba oo danta nabada jecel loogana sifeyn lahaa khwaaariijta wadanka oo dhan. Maanta fursada aan heysano waa in laga faad,iideystaa oo meel looga soo wada jeestaa cirib tirka kuwaan khawaariijta ah.
Sida uu yiri Prof. Samatar oo booqasho ku tagey muqdishu “Waxaan soo arkey muqdishu oo ka muuqaal xun meel hubka nukliyeerka lagu garaacey” waxay taasi daliil u tahay sida wadankeenu hooyo ay khawaariijtu uga hor istaageen nolol iyo horumar iyaga oo ku qaraabanayaa magaca diinta Islaamka.
Maanta waxaa muuqata in Soomaali ay soo dhawaatey waqtigii ay noqon laheyd wadan iyo dal xor ah oo ka madax banaan dil, dhac, kufsi iyo xatooyo qaran iyo mid bulshaba. Mida kale waxaan xusi lahaa in la ogaado in maanta ay gaaladu ka naxariis badan tahay khawaariijta, waayo boqolaal kun oo umad Soomaaliyeed ad ayaa ku nool wadamada ay gaaladu ugu tiro badan yihiin iyagoo aan la kulmeyn sida cabiidsiga ay khawaariijtu ugu hayaan wadankeena hooyo. Haddi cid gaal lagu sheegaayana u maleyn maayo in gaal kaxun khawaariijta uu aduunka ku nool yahay.
Ee yaan loo kala harin oo haloo guntado sidii la,isaga qaadi lahaa gumeysiga khawaariijta iyo kuwa la xulifada ahba.
Ilaaheyna hala kaashado isagaa caalim ahee oo awood lehee.
Aamiin