Thursday, May 17th, 2012

Dowladda oo cambaareysay bombooyinkii isdaba joogga ahaa ee lala beegsaday dadka ku jira cisbitaalada iyo skuulada.WARSAXAAFADEED

Published on November 30, 2011 by   ·   1 Comment  ·   845 views

Mogadishu, November 30, 2011.) DFKM ayaa cambaareynaysa bambooyinkii isdaba joogga ahaa ee ay ka dambeeyeen kooxda Alshabaab ee ku xiriirsan Alqaacida.

Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta ee DFKM, Md:Cqaadir Xuseen Maxamed ‘Jaahweyn” ayaa ku tilmaamay bambooyinka Alshabab ‘fal fuleynimo ah ayna caddahay in ay Islaamka kasoo horjeedo, dhagarqabayaashu waxay beegsanayaan maatida iyo kuwa aan isdifaaci karin, sida dadka isbitaalada jiifa iyo goobaha waxbarashada”.

“Kadib markii lagu jabiyey goobaha dagaalka ayna ogaadeen in aysan shacabka Soomaaliyees marna kalsooni ka helayn ayay maciin bideen olole ay ku argagaxgelinayaan shacabka” ayuu hadalkiisa ku daray wasiirku.

Wasiirka isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri, ” Halkii ay kala diriri lahaayeen xoogagga DFKM ayey weerarooda argagaxiso ku jeediyeen dhammaan bulshada Soomaaliyeed. Bal aynu milicsano dilka ay soo maleegeen dhagarqabayaasha Alshabaab, waa ayo cidda ku waxyeelowday,  si aynu u ogaano sawirka dhabta ah ee Alshabaab:

1-Goobta:Dugsiga sare ee Maxamuud Xarbi, Degmada Wardhigley. Bambo la dhigey waddada dhinceeda ayaa galaafatay nolosha afar ruux oo dhammaantood carruur ah, halka ay sababtay dhaawaca 7 qof oo iyaguna shacab wada ah.

2. Goobta: agagaarka Jaamacadda Gaheyr. Bambo ay dhigeen waddada qarkeeda ayay ku dileen 1 qof oo rayid ah, halka ay dhaawacday 2 askari oo meesha marayey.

3. Goobta:Degmada Hodan. Bambo sidoo kale ay waddada dhigeen ayaa noloshii dhaafisay 1 qof, iyada oo dhaawacday 2 kale oo dhammaantood ah dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

4. Goobta:Cisbitaalka Banaadir, qeybta hooyada iyo dhallaanka. Bambo la dhigey dabaqa labaad ayaa dhaawacday 2 qof oo la joogey bukaan isbitaalka jiifa.

Wasiirka WBI ayaa yiri, ” maanta ciidamada nabadgelyada waxay si nabadgelyo ah u badbaadiyeen 3 bambo oo qarxi lahaa, degmada Xamarweyne, kadib markii dadweynaha oo maalmahan aad u feejigan soo wargeliyeen ciidanka in wax ay ka shakiyeen ay waddada ku arkeen.  Sidoo kale maanta ciidanka xoogga ee ku sugan Vlla Baydhabo ayaa fashiliyey ismiidaamin lala damacsanaa goobtaas iyada oo dhaawacyo fudud gaarsiisey 8 ka tirsan ciidanka ilaalada”.

Tan waxay na tuseysaa sida dadka Soomaaliyeed ay si dhaw  oo hufan ula shaqeynayaan dowladooda sida ku asteysan Qorshaha Nabadgelyada iyo Xasilinta Dalka.

“Haddii cid uun madmadow uga jirey  waxa iyo cidda ay yihin Alshaaab, waxaa ku filan tusaalooyinkaa na horyaal ee ka arradan bani’aadamnimada, dhaaqanka Islaamka. Alshabaab waxay ku caanbaxeen iney qudha ka jaraan carruurta dugsiyada bukaanka cisbitaalada ku jira. Innaga iyo shacabkeena oo kaashaneyna dunida inteeda kale ayay tahay inaan sii wadno dagaalka lagu hayo dhagarqabayaasha illaa ay nabadda iyo xasiloonida kusoo laabanayso dalka”. ayuu kusoo gabagabeeyey wasiirku.

 

Readers Comments (1)

  1. ASCW WALAAHI DHALIN YARADA WANKU RAACSANAHAY IN LAQORTO CIDANKA XDS SI LO SO QABTO MAMUYASHA ALSHEEYDAN FADLAN HADI LAQABTO MARKODA QORTA HALAGA JARO BADI LIIDO IYO JASIIRO AAN U XIISAY GUUUL E KU DHAMAANEE INSHA,ALAAH




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Wararka

astaanta.qaranka-300x228

Wasaaradda M/ iyo Lacagta Oo Tababar U Soo Gabagabeeysay Ciidamo Loo Tababaray Qaadista Canshuurta

Wasaaradda Maaliyadda iyo Lacagta Soomaaliya ayaa maanta si ...
NATO

Faah faahinno ka soo baxaya duqeyn ka dhacay Xarar dheere

Faah faahin dheeri ayaa ka soo baxeysa duqeyn ...
Astaan_war7192101129

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

WARKA SUBAX May 17.05.2012           Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo ...
Dastuurka wasiirka

Wasiirka Dastuurka: shirka odayaasha dhaqan waa gabogebo, Dastuurkuna waa la soo bandhiggayaa

Wasaaradda Dastuurka, Arrimaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ...
Jeesto-300x225

Horjoogge Ka Tirsanaa Al-Qaacidada Soomaaliya Oo Qiray Inuu Alle Uga Towbad Keenay Dhibaatadii Uu Umadda Ku Hayey (Dhageyso)

Horjooge ka tirsanaa malleeshiyada Kooxda Al-Qaacidada Soomaaliya, isla ...
Sawirka Fanaan Lafoole

Fanaan Lafoole”Dalka Horumar Badan Ayaa Ka Jira Waan Imaanaya Dhowaan Si Aan Horumarka Uga Qeybqaato”(Dhageyso)

Fanaanka Soomaaliyeed ahna Abwaanka Maxamed Xasan Xuseen Lafoole ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
1

Ciidammo Ka Tirsan Midowga Afrika Oo Fariisimmo Ka Sameystay Baydhabo”DAAWO SAWIRRADA”

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa markii ...
al-Qaeda Militia

Horjoogayaal Ka Tirsan Al-Qaeda Oo Ku Halaagsamay Qarax Caawa Ka Dhacay Galgaduud

Horjoogayaal ka tirsan Maleeshiyada kooxda Al-Qaacidada Soomaaliya ayaa ...
Astaan_war7192101129

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

War Habeen 16-May-2012         Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada ...
Sawir Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Xiligan

Dhageyso Barnaamijka Daljir Ee Looga Hadlo Dhismaha Ciidammada Qalabka Sida Ee Soomaaliya

Barnaamijka Daljir waxa uu ka mid yahay Barnaamijyada ...
xuska-15may13

Suudan oo laga Xusay Sanad Guurada 69-aad ee Asaaskii Ururkii S.Y.L iyo Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed 15 May”SAWIRRO”

Munaasabad si heer sara ah loo soo agaasimay ...
Astaan_war7192101129

Dhageyso Warka Duhurnimo

WARKA DUHUR 16.05.2012
astaanta.qaranka-300x228

Mas’uuliyiin Ka Tirsan He’yadda Maareeynta Masiibooyinka Oo U Ambabaxay Sudan

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradsa Shaqada Hormarinta Shaqaalaha Dhalinyarada ...
Dastuur-qabyo

Kulan Looga Doodayo Xuquuqda Uu Suxufiyiinta Siinayo Dastuurka Cusub Oo Muqdisho Ka Socda

Kulan looga hadlayay ahmiyadda uu dastuurka cusub siinayo ...
maka maka

Gaadiidleyda Iyo Qeybaha kale Ee Bulshada Oo Soo Dhaweeyay mashruuca Lagu Hagaajinayao Waddooyinka Muqdisho

Dadweynaha iyo  gadiidleyda  magaalada  Muqdisho ayaa soo dhaweeyay ...
Tarsan

Guddoomiye Tarsan Oo Afhayeen Cusub U Magacaabay Maamulka G/Banaadir

Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta  magacaabay afhayeenka cusub ...
1401

Kabakudukade iyo malleeshiyaad kale oo deegaanno ka tirsan Galgaduud isaga cararay

Malleeshiyaadka Al-Qaacidda ayaa banneeyay deegaanno badan oo ka ...
Astaan_war7192101129

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

WARKA SUBAX 16.5.2012           Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada ...
UN-235x300 (1)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo beesha caalamka ku ammaanay mooqifka Soomaaliya uga aadan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa ku ammaanay beesha caalamka ...
Ex

Saraakiisha Ammaanka” Qarraxyadii Al-Qaeda Muqdisho Ay Keeni Jireen Waan Fashilinay”

Saraakiisha ammaanka Koontaroolka Afgooye ee magaalada Muqdisho ayaa ...
Madaxweynaha Shirjaraa'id Saxaafadda NEW YORK

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Oo Faah Faahin Ka Bixiyey Qodobadii Looga Hadlay Shirkii New York “DAAWO VIDEO”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...

Tubta Toosan

tubta-toosan1-150x150151

Islaamka & Faafinta Nabadda

Diinteenna Islaamku waa diin nabadeed, sidaba laga dheehan ...
Residents gather near the covered remains of a suicide bomber at the scene of an attack along a street in Somalia's capital Mogadishu

Akhlaaqda dagaalka iyo Diinta Islaamka

Colaadda iyo Nabaddu waa xaalado la soo gudboonaada ...
tubta-toosan1-150x150151

Dowlad Wanaagga sidee loo xoojin karaa?

Dowlad wanaaggu waa tilmaanta kaliya ee ay horumarka ...