Dibad baxayaal soo dhaweeynayay nalalka la gelinayo wadooyinka Muqdisho oo xalay socod ku maray wadada Wadnaha
Published on February 22, 2013 by Mowliid · 8 Comments · 5,512 views
Isu soo bax balaaran oo ay ka qeybgaleen dadweynaha ku nool degmooyinka Yaaqshiid, Wardhiigleey iyo Howlwdaag oo lagu soo dhaweeynayay hirgilinta nalalka ku shaqeeya ileyska qoraxda ayaa xalay lagu qabtay wadada wadnaha.
Dibadbaxayaasha oo ka kala yimid degmooyinka Yaaqshiid, Wardhiigleey iyo Howlwadaag ayaa xalay socod ku maray qeybo ka mid ah wadada Wadnaha gaar ahaan inta u dhaxeysa isgoyska Sanco ilaa Howlwadaag, iyadoo wadadaasi uu maamulka gobolka Banaadir ka hirgeliyay nalalka ku shaqeeya ileyska cadceeda.
Isu soo baxayaasha ayaa ku qeylinayay ereyo ay kusoo dhaweeynayaan mashruuca maamulka gobolka Banaadir uu ku ifinayo waddada wadnaha oo markii ugu horeysay in ka badan Labaatan Sano kadib la arkay iyadoo ifeysa oo ay dadka iyo gaadiidkuba ay si baqdin la’aan ah u dhex mushaaxayaan.
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo gudoomiyayaasha degmooyinkaasi oo la hadlay dadka isu soo baxay ayaa kula dardaarmay in ay gacan ka geystaan nabada oo ay ka hortagaan kuwa caqabada ku ah amniga iyo dib u soo celinta bilicdii magaalada Muqdisho.
Nalalka ku shaqeeya ileyska cadceeda ayaa hore loo geliyay wadada Maka Almukarama, iyadoo maamulka gobolka Banaadirna uu doonayo in mashruucan lagu baahiyo dhamaan waddooyinka magaalada Muqdisho, suuqyada iyo garoomada Isboortiga.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa beenisay warar been abuur ah ...
Mas’uuliyiin kasocotay safaaradda Soomaliyeed Ee dalka Koonfur Africa ...
Gudoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xalay magaalada Muqdisho ...
Waxaa maanta magaalada Cadaado ee xarunta maamul goboleedka ...
Barnaamijka Imaqashii Imadadaali waxa uu ka mid yahay ...
Muqdisho, 17, May, 2013..... Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ...
Barnaamijka Kulanka Jimcaha waa Barnaamij Todobaadle ah oo ...
Munaasabad balaaran oo xariga looga jarayey iskaashi cusub ...
WAR HABEEN 17.05.2013
Kulankan oo ahaa mid ay albaabadu uxiraayeen ayuu ...
Maamulka dagmada Deyniile ee gobalka Banaadir ayaa ku ...
WARKA SUBAX 17.5.2013
Waxaa si aad ah u sii kordhaya mudooyinka ...
Ciidamada qalabka sida ee Somaliyeed oo ku sugan ...
Waxaa saaka daggan xaalada deegaano ka tirsan gobalka ...
Hogaamiyihii ururkii burburay ee Xisbul Ismaan Xasan Daahir ...
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
War Habeen 16-May-2013
Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ...
Maajo 16, 2013, Muqdisho
Ayadoo Ia llaalinayo dastuurka dalka ...
WAR DUHUR 16.05.2013
Golaha wasiirada Dowlad Gobaleedka Galmudug ayaa maanta soo ...
Shirkii golaha wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee lagu ...
Ciidamadan ka tirsan ciidanka XDS ee ka amabaxay ...
Siminaarkan kor loogu qaadayay aqoonta gabdhaha xildhibaanada ah ...
Wasiirka arrimaha gudaha iyo amaanka Qaranka C/kariim Xuseen ...
Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xassan Shiikh Maxamuud ayaa maanta ...
WARKA SUBAX 16.5.2013
Wasaarada arimaha gudaha iyo amaanka Qaranka dowlada Koofur ...
Dibad bax balaaran oo looga cabanayo dhiibaatooyinka loo ...
Wasaarada Maaliyada ee xukumada Federaalka Soomaaliya ayaa ku ...
Olole balaaran oo dib loogu soo celinayo bilicda ...
Saraakiisha Booliiska degmada Hodan ee G/Banaadir ayaa sheegay ...
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
Shareecada Islaamku aad ayay uga dardaar warisay dhagarta ...
Dabayaaqadii 2010 ilaa bartamihii 2011-kii Soomaaliya waxaa ka ...
Maalmihii la soo dhaafay waxaan tebineynay khilaafka u ...
maansha allah guul guulnduqa magaalada walee shaqo badan buu qabtey allaha guuleeyo tarsan cadogana allah ka qabto aamiin amiin
ILAAH AYAA ISKALEH MAHADAAS
maansha alah radiomuqdisho lkin waxaan rabnaa sawirada noo soo gudbiya ayagoo badan oo dhameestiray
asc radio muqdisho, waxaan aad u sugeynay sawirradii nalalka waddooyinka la galiyey, maadaama aan waddanka ka maqannahay horayna aan idiinkaga baranay sawirro muujinaya horumar iyo bulsho caafimaad qabta oo na faraxgalisa. Fadlan ogaada sawirrada aad qadka soo galisaan dadbay u yihiin isha ugu fiican iyo habka ugu macquulsan ee ay dalkooda uga war helikaraan! Ilaa xalay ayaan wepsite ka kusoo laalaabanayey walina waxaan sugayaa sawirrada nalalkii lagaliyey waayo tv ma haysto wax aan taleefan ahayna mahaysto,
waan soo dhaweyneeynaa hormarka leer galin magaalada waxaan idiin leeyhay garabkiina ilaaheey ha galo
masha allah waa wax allah looga mahad celiyo kadibna mamulka gobolka gaar ahaan mr tarsan oo ah halyey howl kar wadani ah dacadna ah
Masha allah waa ilaah mahadiis iyo dadka shacabka ah ee muqdisho dadaalka nabada ay ka qeyb qaateen iyo ciidamadeena juhdiga ay ugaleen inay hantaan amaanka dalkoo idin aad ayaan ugu faraxsanahay hurumarka ay caasimadeenu kusii talaabsaneeyso
Ma sha allah in bdn waan so gaynay waxaana u rajay hayna guul