Friday, October 24th, 2014

DHAWAAQII RASAASTA DHAWAAQ BAA BEDELAY! Qormo xiise gaar ah leh oo Muqdisho ku saabsan!

Published on November 30, 2012 by   ·   30 Comments  ·   16,038 views

 

Qalinka: Abukar Albadri =

Muqdisho (Xeebta Jazeera)- Dadka qaar riyo maalmeed ayey la tahay in aysan madaafiic ka dhaceyn Muqdisho, rasaas wiifeysa ay san dad jidadka ku dileyn misena iska-hor-imaadyo beeleed aan warbaahinta laga sii deyneyn.

In dagaal oogayaal aysan xaafado u xirneyn, kaabbo mooryaano awood badan lehna aysan jirin, jidadkuna ay taagan yihiin Booliis iyo taraafiko ma ahan mucjiso, balse dadka qaar waxay u tahay arrin ugub ku ah taariikhda Muqdisho.
Idaacadaha qaar barnaamijyada doodahooda waxay ku soo qaataan barnaamijyo ay ka mid yihiin “Side loo hagaajin karaa xaaladda suuqyada Muqdisho? Maxaa hor taagan in uu sharcigu shaqeeyo? Iyadoo idaacadda Barkulan ay ku dhiiratay in ay barnaamij dhan ku soo qaadato foorida iyo sida ay Soomaalida u adeegsato taas oo ay bud dhig uga dhigayeen foori cajiib ah oo laga duubay nin xoolihii dhaafeen oo yara qafiifay, kaddibna foori ku ciil baxay.
La laab bogii guduudnaa ee wararka dagaalka, xasarad iyo welwelka leh uun lagu qori jiray, waxaana lagu bedelay bog cad oo rajo xambaarsan walow uu wato su’aalo weli jawaab u baahan.

Marka aad dhex mareyso xaafadaha Muqdisho daryanka iyo shanqarta is wada qabsanaysa mar qura eecka yeereysa guryaha dib loo dhisayo kama tiro yara shanqartii magaalada ka dhaceysay xilligii ay caasimada ay dhan walba kaga hoobanayeen Madaafiicda aan loo meel dayin.
Hase yeeshee bulshadu si dareen la’aan ah ayey ku joogtaa xaafadaheeda mana jirto dhiilo colaadeed iyo welwel midna. Bal aan dhahno waa horumar laga gaaray dhanka nabada caasimadda.

Si ay taasi kuugu cadaato, aan ku siiyo tusaalooyin. Dhawr bilood ka hor, marka aad cagta saarto wadada dabka waxay indhahaagu qaban jireen guryo burbursan oo aan laga heleyn mid aan laheyn raadadka dagaalada ee isugu jiray madaafiicda iyo rasaasta raadadkeeda oo ahaa kuwo u ek in goobtaas muddo qarniyo ah lagu dab rid baranayey.
Kala duwan shalay iyo maantee! Meeshii sidaas ahayd waxaa haatan lagu diimayaa guri dunsan ama derbi kaliya ee laga arki karo raadadkii madoobaa ee dagaalada sokeeye.

Marnaba ha iga beensan haddii aan ku iraahdo in ka badan 6 hoteel oo cusub oo shaqeyneysa ayaa maanta ka dhisan inta u dhexeysa baarkii shaqaalaha illaa isgoyska dabka oo ah masaafo aan ka badneyn 1-2km oo kaliya, dhammaan hoteeladaasna waxaa la dhisay muddo 12 bilood gudahood ah.

Hoteel Kuwait oo uu dhisme ku socdo

In kastoo hoteelka wadadaasi ugu caansan uu ahaa Hotelkii Maka Al Mukarama ee uu lahaa Cali Mahdi Maxamed, haatan waxaa ku soo biiray hoteelada kala ah Hotel Barwaaqo, Hotel Kuweyt, Tourist Hotel, Hotel Nahru Niil, Hotel Xaaji Raage iyo Hotel Maka Al Mukarama oo isna dhisme iyo dayactir yaab lihi ku socdo, dhawaanna la filayo in uu hawl galo.
Waxaa intaas wehliya, carwooyin waaweyn oo laga dukaameysto, maqaayado raashiin macaan, dukaamo lagu iibiyo qalabka kooraanka ku shaqeeya (Electric) iyo farmashiyeyaal. Doobi (Dry cleaner) casri ah oo indhaha saxaafadda caalamka soo jiidatay ayaa laga furay isla wadadaasi.
Jidkan tusaale uun baan u soo qaataye, meel ka mid ah Muqdisho oo aan ganacsigu ku baahin ma jirto, marka laga reebo goobo daafaha ah oo weli baqdini ay ka jirto. Xaafadiihii ay deganaayeen hormuudka Bulshada ee dhanka dhaqan-dhaqaale, sida Xamarweyne, Shangaani iyo Xamar Jajab ayaa iyagiina naftu ku soo noqtay oo laga sameeyey goobo ganacsi oo noocyo kala duwan leh, misena adeegyo loo aayey u qabta bulshada.
Jidadka sidaas ganacsiga ugu camirmayo waxaa buux dhaafiyey gaadiidka yaryar ee lagu raaxeysto, ha yeeshee ma shaqeeyo sharciga waddooyinka, mana laha Samaafarooyinka (Traffic lights) ama astaamihii hagayey wadayaasha gaadiidka isaga gooshaya gudaha caasimadda iyo gobalada ku heeran.
Badashada gawaarida waxaa dhiirigeliyey iyadoo ay yeraatay kala dhicii gawaarida, taas oo bulshada aan hubeysneyn ee Soomaaliyeed ka hor istaagi jiray inay iibsadaan gaadiid mid shaqo iyo mid raaxo intaba.
Wax yaabaha uu is bedelku ku yimid waxaa ka mid ah magac ay Muqdisho caan ku aheyd oo ahaa “Magaalada ugu halis-san dunida” kaas oo uu bedelay sifaha cusub ee Muqdisho haatan lagu qeexo oo ah “Magaalo ka soo kabanaysan dagaaladii sokeeye” isla markaasna uu ka socdo ganacsi bulaalaya. Magacaas ma aheyn mid Muqdisho la iska siiyey ee way aheyd meel halis ah.
Sanadkii 2011-da kaliya, xusuusaha aan iloobi doonin ee igu soo maray Muqdisho waxaa ka mid ah in rasaas soo hoobaneysay ay jebisay koobkii uu shaaha ku cabayey mid ka mid asxaabteyda xilli galab ah, in xabad guriga noogu soo gashay, ku dhacday saqafka guriga, kaddibna dib ugu soo dhacday miis aan wax ku cuneynay anaga oo 12 qofood ah, raashiinkii oo dhamina ciid noqday.
Qolkii aan jiifay oo aan salad subax in aan dukado aan uga soo baxay ayaan u soo laabtay isaga oo dhinac dhan ka dunsan oo uu gantaal habow ah haleelay, laakiin dagaal ayaa ka socday goob aan aad uga fogeyn meesha aan deganeyn.
Xilligaas markii uu qofku doonayo in uu baxo guriga uu ku nool yahay, ama hoteelka uu degan yahay waxaa caado aheyd in aan irridda la furi illaa la hubiyo dadka banaanka jooga iyo waxa ay yihiin. Haddii qof aan la garaneyn uu ku jiro dadka banaanka jooga ma sahlanayn in la baxo. Weliba haddii bac, daasad ama kartoon aan meesha horey u oolin lagu arko taxadar gaar ah ayaa loo yeelanayey si loo hubiyo in ay ku jiraan wax qarxi kara oo la soo diyaariyey.
Dilalka qorsheysani waxay ka mid ahaayeen nolol maalmeedka waxayna ka dhacayeen goob walba oo magaalada ka mid ah. Madaxtooyada oo aheyd meesha loogu waardiyeynta badan yahay ayey irriddeeda ka dhacayeen dilal qorsheysan.
Hade la soco! Marna kuuma aan xusin asxaabteydii saxaafadda ee xaq darrada lagu laayey. Kama aan hadlin ardaydii lagu xasuuqay hargaha iyo saamaha, haweenkii iyagoo jidad qashin ka xaaqaya la laayey iyo marasta jidadka lagu gawracayey ee inta teleefoonada lagu duubo la isugu dirdirayey midna.


Daliilaha loo cuskan karo in uun isbedel ku yimid waxyaabo badan, xaaladda Muqdishana ay horseed u tahay arrimahaas waxaa ka mid ah sawir gacmeedkii Amin Arts ee inta badan ku saabsan arrimaha dagaalada waxaa bedelay TAXANAHA cusub ee ISMA LAHEYN ee uu dhawaan soosaaray rugcadaa Amiin Caamir Maxamed oo bulshadu ay ku xasuusan doonto kaalintiisii hagar la’aaneed ee iftiiminta, toosinta iyo sixiddaba isugu jirta.
Aan kaftankana jalleecee! Mar baan is iri qormooyinkii Abukar Albadri iyo Faallooyinkii Cabdulqadir Dulyar waxaa bedelay Facebook, falanqeyntii BBC waxaa bedelay Paltalk dhawaqii Rasaastee ay Muqdisho caanka ku noqtayna waxaa bedelay shanqarta dubaha lala dhacay masaamiirta iyo Laamayeeriga, kuwaas oo magaalada oo dhan ka socda.
Waxaa xusuus gaar ah mudan in hab maamuuskii ay madaxda Itoobiya kula dhaqmi jireen madaxda Soomaalida uu is bedel ku yimid, taas oo laga dheehan karay sida loo soo dhoweeyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo sida Sharafta iyo Karaamada huwan ee uu Calanka Soomaaliyeed ugu salaamay Magaalada Addis Ababa xilli uu salaam sharaf ka qaadanayey ciidan lagu diyaariyey garoonka diyaaradaha.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud isaga oo dul socday roogga guduudan ee loo dhigay ayuu marka uu la soo sinmay calanka Soomaaliya mar qura intuu si halaasi ah isu weeciyey, calanka abbaaray, si qushuuc badan leh u hor qotomay, salaan qaran siiyey calanka Soomaaliyeed oo uu kor u haayey mid ka mid ah askarta itoobiyaanka ah ee salaam sharafta bixinayay.

Bal adigana wixii iska kaa bedelay iyo fikirkaaga ku soo hagaaji qalin1@gmail.com

FG. Bogga Radio Muqdisho, wuxuu daabici doonaa dhammaan qormooyinka wax dhisaya ee ay soo diraan qoreyaasha Soomaaliyeed.

 

Readers Comments (30)

  1. mumin says:

    wlhi waxan lehay masha alaah guul ayaa usoo hoyatay dhaman umada somaliyed mel kasto oo ay jogan waxan lehay ilaah wadanka inta dhiman hano dhamestiro waxan rajeynayaa inan dhawan kasoo laban dono Europa iyo barafkeeda balayada insha alah somalia guul guul guul$

  2. kaafiso says:

    Maashaa allah waalaga baxay waa aay habluhu oran jireen muqdisho mugdi weeye waa in maalin laga dhigaa

  3. Cabdirisaq cali says:

    Masha,allaah waxaan aan arkaayo ma runba misa waa riyo runti indhaheyka ilmo aya ka soo taatay markan aqriyay maqalka ana arkay magalada muqdisho o sidan u iftiimeyso iyo dadki necma somalita iyo calangeta oo si saraf leh ku so dhaweyay madaxweynehena somaliyed wa itobiya wlh waa guul uso hoyotay umatena soomaliyed waxan ku so gaba gabeynay hadalgeyka somaleyey an iscafino o ilaahey aan umahad celino si u inooku saa.idiyo nimcoyinkisa allaahu akbar somalia ha israacdo

  4. waxaan marka hore mahadnaqa balaaran u jeedinayaa bahda warbaahinta radio mogadish oo aan isleeyahay waxa basoomay kuwa qabta waa iyaga keliya waxaan leyahay dadka dhan sida radiyo muqdisho alaha kadhigo, mida labaad waxaan u baqayaa dadka soomaliyeed ee qorbaha ku jabay ama kudhumay iftiinka xamar iyo dhawaqa buriska soo raca iyo hilaaca musawaca xamar oo aan isleeyahay waa soo muuqdaa dhegaha ha u raaricinina kuwa dhiigina kaganacsaday ee xaran quta yaasha ah oo nabada soomaliya dhibatada ku tahay, waxaan marlabaad u mahad celinayaa dhamaan shaqalaha radio mogadish oo ah nooleyaha qalbiga dadka soomaliyeed,nabad gala ilaah idankiis

  5. Masha allah wax lagu farxo way tahay manta o muqdisho nabad ah ani 2008 ayan kasoqaxay xafada war dhigley waxana uqaxay wadanka kenya gar ahan nairnbi hada waxan jeclahay in an kuso laabto wadankayga hoyo oo an kasotago wadanka kenya dhibka u nugu hayo umada so maliyed

  6. liban says:

    maşallah waa wax lagu farxo waxay ila tahay cidna inaysan sharaf yelan illa dadkeeda iyo dalkeeda oo sharaf iyo karaamo leh maahane waxana usaale kugu firan isbedelku marku kadhacay somalia september 2012 in isbedel ku yimid soo dhaweynta madaxda qaranka hala hagaajiyo gudaha dibadu iyada iska hagaagi doonte

  7. salaxey says:

    Maasha.allaaah xamar cadey ahaa asxaabta radio muqdisho dhamaantiin sida aad u dhantihiinba waan idin salaamay asc marka xigta waxaan ku faraxsanahay isbedelka ka muuqda wadankeena hooyo waxaan baaq lixaad leh u dirayaa masuuliyiinta dawlada iney sii laba jibaar maan dadaalkooda misna waxaan balan qaadayaa bilaha soo socda inaan kasoo tagi doono south africa oo hadeynu nahay dhalinyarada soomaaliyeed ee kasoo qaxay dagaaladii misna ay meeshaan ku heesan wax nabad qoryihii muqdisho yaalay oo kale ayaa un yaala marka aad ayaan ugu faraxsanahay hormarka muqdisho asxbta bahda warbaahinta waxaan idin leeyahay dadaala hana kadaalina dadaalkiina

  8. jakatore says:

    mashalah waa wax lagu farxo runtii ilaah ayaa mahad iska leh inta dhimane ilaah ayaan ka baryeynaa inuu noo dhameystiro inshalah aloow wadanka nabad barwaaqo horumar nooga dhig inshalah amin amin amin

  9. HIISH says:

    wan ka mahad celinaya qormadan iyo bahda radio muqdisho wad mahadsantihiin

  10. abdi says:

    Alxamdulilaah, waxaan kumahadsan Alaah SW, marka xigtana masuuliyiintii isu taagtay wax qabadka casimada, waxaana leeyahay hada waxa laqabtay 5% lakin wa bilow kii ugu fiicnaa ee nasoo mara GEn, max, siyaad barre kadib?? ilaahow noo siyaadi nabada iyo wnaaga soconaya?

  11. abdi says:

    TALO MUHIIM AH,, qofkastow marki aad aqrisid ama aragtid wanaaga noosoo kordhaya umahada naq ALAAH si uu noogu siyaadiyo,, watuu RAbi yiri , Hadii aad igu shukrisaan waa idin siyaadinayaa, hadii aaad igu kufrisaana cadaabkeygu wa daranyahay?

  12. Maasha allah Peace and life is the best of the world that i can cy we needs some more and more and more people with love and life peace is the important one and me i’m on my way soon i’m not far i’m here in south africa and i heat it realy coz i want my mather home see u soon my somalia

  13. maani says:

    ogaada meel walbo aad joogtaan sumada ma suusho kulu yarjici ilaa aslihi cimilada somaliya waa tan caalamka ugu wanaagsan ogoow dhulaaga inuu yahay dhul hodan uun u baahan in nawad u heli badda bariga batrolka macdanta yuraniyumka gaaska ugu fiican kujiro xoolaha ku badan dddhulka waa dhul daaq iyo beero aan tawar u heli karin somaliya oo dhan ka badan yahay buuraha marka waa meesha dahabka laga heli karo waxaan idin sheega SIR QARSOON IN QAARADA AFRICA DHAMAAN AAY USOO SHAQO DOONAN DONAAN SOMALIYA MAALIN WALBO BOQOLAAL QOF SHARCIDARO KUSOO GALI DONAAN TAHRIIB DAWLADANA AAY DHOOFIN DOONTO visaha somaliya lagusoo galo u noqon doono mid aad u dhibadan waa mustaqbalka wuxuu noqon doona africa meesha ugu qurxoon o aay trismiha imaan donaaan maalin walbo kumanaan dad ajaanib ah ogoow muqdisho in lasii balaarin doono mabka la badali doono dad badan guryahoodi la dumin doono dawlada aay siin doonto dhul kale wadooyinka la balaarin doono wa goorme su;aal ? 2030 wixii ka bilaawdo isbadlka qurxoon imaan doono ninkii nool ayaa arki doono haweenka somaliya u shaqeyndonaan naagaha yurubta asiyanka iyo afrikanka wadamada africa inay sanad walbo kaalmo siin doonto dhoor dal africaan ah insha allaah waxaan ahay qof ku aragti dheer sadaashiisu fiican tahay illaah ayaa inaga ogaal badane

  14. maxamad asad says:

    Mansha alaah ilaahow anigoo caafimad qaba igay muqdisho waayo mel an kadooooranaya malahan dadkii kashaqeeyana ilaah qer hasiyo xamar caday xeebteedan usiisay xamar cadaay

  15. axmed kash says:

    masha allah waa farxad ilahow wadankena nabad noka dhig

  16. cabdi casiis maxamed ibrahim says:

    alxmd alle ayaa mahad idilkeetba iskaleh annaga haddii aan somalia nahay waan sugeynay maanta o kale marna ma anan quusan o wagii dagaalada aay jireen waxan dhehe jirnay one day is one day marka walagaray waqtigeeene somalia somalia baaaleh somaliyeey nin walbo salada marka uu tukado 2bo ragco o sunno eh alle dartiis inta u tukado somalia ha ugu duceeyo in uu alle sidan iyo si ka fiican uu ku socotsiiyo

  17. Mohamed jiinte says:

    Wlhi waa ku faraxsanahay inu xamar sidan noqdo waxana leyahay guul manta waxa ahay arday barta duuliye diyaarad waxana jeclahay ina wadanka hormariyo wadankega allahayo ku nabad gali shaqaalaha radio qaranka waxa leyahay guul wcn sida aa u shaqeyneysan boga taariikhda ayaa nii xuseesa

  18. C/qadir muclin maxamud says:

    Wlh wan hingaday laabteydana waa is bedeshay asaxaabta raido muqdisho saad udhantihiin wan idin salaamy wadna kuwahadsantihn isada aad qalabiga nogo nuuriseen maadaama aad nalasocudisaan waqti kasta waxii is bedel ah hana waxan lehay guul guul somalia hanolaato

  19. C/qadir muclin maxamud says:

    Wlh wan hingaday laabteydana waa is bedeshay asaxaabta raido muqdisho saad udhantihiin wan idin salaamy wadna kuwahadsantihn sida aad qalabiga nogo nuuriseen maadaama aad nalasocudisaan waqti kasta waxii is bedel ah hana waxan lehay guul guul somalia hanolaato

  20. alaha noo saa idsho inshallaa ee haleysku duumo iskuduubni baa dalku dhismaahe soomaalia nabad iyo barwaaqo alla loow sii aamiin

  21. ma'aani says:

    dhab ahaantii qoraaga abubakar albadri aad ayuu umahadsanyahay maxaa yeelay farqiga shalay iyo maanta ayoo nagala dareensiiyey waana kaga mahad celinaynaa nabada ay maanta reer muqdishu ku naaloonayso waa mid u baahan mahad calin ilaah xagiisa ah kaso nasiiyey nabadaan waxaana leenahay illaahow adiga ayaa kumahadsan nabada aad nasiisay ,hadaa nahay dhalinta reer muqdishu waxa aan haysanaa maanta ibid nabada nasoo martay mida ugu wanagsan ayaan dhihi karnaa wlhi adna ayaana ugu faraxsanahay nabadaan

  22. jamal007 says:

    Ilaah mahadii hadii dhawaqii rasaata uu dhawaq nabedeed badaly qoraaga faalda waku mhadsan yahay sida uu uga faaloday runti qof walbo somaliya ayaa og in xaalada muqdisho wax badan iska badaleen Ilaah hano siyaadiyo …..

  23. Ali Ceente says:

    Asc waan niisalaamay dhabaan bahda R/muqdisho salaan kadin waxaan nigaga hambalyinaayaa shaqada aad noo heesaan oo marwalbo aad noosiisaan warbixinta oo DHulkeena Soomaali

  24. Siyad says:

    Asc alle ayaa mahad iskaleh waxaana ka baryeynaa inta dhiman inow si dhib laana nooku dhameeyo qurbo wan ku ragnee

  25. axmad shiiq says:

    Maasha,allah waa wax aad iyo aad loogu farxo, sanadka soo socdana waxaan rajeyneynaa 3xow jibaar horumarkan maanta lagu tilaabsadey.

  26. laki man cittizen wadani dhab ah says:

    masha allaah walaahi umada waxbaa iska badalay dalka waxbaa iska badalay aniga wax ba iska kay badalay oo waayo waxaan niyadeyda o aan waligeed soo galin inan somaliya kusoo laabto hadana habeen iyo maalin aan ku riyoodo anigoo somaliya jooga i love somalia and my population RADIO MUQDISHO SUBAXDII HADAAN SOO TOOSO QALBNIGEYGA SAAFI MAAHAN ANOON RADIO MUQDISHO FIIRIN WAXA KU SOO KORDHAY HABEENKIINA MA SEEXDO ANOON FIIRIN RM DALKEYGA IYO DIINTEYDA IYO CALNKEYGA ILAAHOW SHARAFTII IYO KARAAMIDII AY LAHAAYEEN USOO CELI OO NOO DHAMEYSTIR ILAAH WAAN KU SHGRINAYNAA NIMCADAADA AAD NASIISAY EE NOO ZIYAADI AAMIIN AAMIN AAMIN

  27. dhagfer says:

    asc dhammaan shaqaalaha radio muqdiscio
    aniga oo ah saxshi soomaliyyed waxaa fariin u diraayaa dhammaan dad weynaha soomaaliyeed quf kasto oo soomaliyyed waxaa waajib ku ah sida dalkowda iyo dadkowda ee hormar u gaarsiin lahaayeen aduunyada qufwalbo gurigiisa asiga ayaa wax u qabto maahin in ladhaho gurigeeya halay dhiso in kasto asiga ayaa laga downaay in oo wax ka badalo gurigiisa marka soomaaliyay gacmo wad jir ayay wax ku jaraan qufkasto oo soomalyyed waxaa waajib ku ah in oo nidaamsado gurigiisa marka yaa nolol lamoodin caawinta aduunka idin caawinaayo ama ciidha yar oo dadka lashiinaayo ha mowdina nonol ee qufkasto haku dadaalo si oo wax u gu qaban lahaa dalkiisa in badna ayaa lahorday somaaliyaay marka hada hordad aan ka kacno oo aan la jaanqaadno aduunyada

  28. wadani114 says:

    maashaa allaah nabadda aan helnay allaha noosii kordhiyo, muqdisho sideey ahaan jirtay ayey kusoo laaban doontaa tartiib tartiib inshaa allaah…

  29. ahmed says:

    ascw
    mashaa allah ilaahow noosiyaadi ifafalaha socda ee dowladnimo waa wax lagu farxo somaliya oo dowlad aan kmg aheyn leh waxaana cad sida aduunku madaxdeena usoo dhaweynayaa fadlan aan taagerno nabada iyo horumarka dalka waxaan kutalin lahaa in aan iskutashano doladuna acon hafurto tabarucada lagusooshubo mahadsanidiin

  30. axmed muuse xasan okm socdaal says:

    ac marka hore waxaan kamid ahay dhalinta kunool saudi arabia gaar ahaaan jidah aniga iyo saxiibkey maxamed cali maxamed aqabley waxaan jeclaan lahayn in aan dib ugu soo laabano dalkeena oo ad uqurux badan sidoo kale waxaan taageereynaa nabada dimoqoraadiyada isdhaxgalka dib uga bilawday dalkeena gaar ahaan muqdisho




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Toos U Dhageyso Radio Muqdisho

Wararka

astaanta-warka16

Dhegeyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

  [audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/10/WARKA-DUHUR-24.10.2014-sax.mp3"][/audio]
EBOLA

Siminaar Ebola ku saabsan oo Muqdisho lagu qabtay. (DAAWO VIDEO)

Siminaarkaani oo bulshada looga wacyi gelinaayay y sida ...
DSCN1393

Dhallinyaro tababar Sports loogu furey Muqdisho”sawiro”

Akademiyadda kooxda Banaadir  Sports Club ayaa tababar ciyaarta  ...
20141023_122822

“Daawo Sawirrada”Qeybta Labaad booqashada madaxweynaha ee gobollada Galguduud iyo Hiiraan

             
download

Tababar loo soo xiray askar ka tirsan ciidanka ilaalinta deegaanka Xamar.(DAAWO VIDEO)

Tababar loo soo xiray askar ka tirsan ciidanka ...
DSC07790

Barnaamijka kulanka todobaadka oo looga hadlay mashruuca deriseynta (Dhageyso+Sawirro + DAAWO)

Barnaamijka kulanka todobaadka ee ka baxa Radio Muqdisho ...
IMG_0385

Shaqaale ka tirsan SNTV UK oo tababar wariyenimo ka qeybgalay+Sawirro

Qaar ka mid ah shaqaalaha taleefishanka qaranka laantiisa ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/10/WAR-SUBAX-24-10-2014.mp3"][/audio]
10347248_1473634609548763_3356529823124609855_n

Wasiir Beyle “waxaad arkeysaa dalal badan oo daneeynaya iney wadankan maalgashadaan” (DAWO VIDEO)

Wasiirka arrimaha dibadda iyo maalgashiga ee xukuumada federaalka ...
20141023_111411

“Sawirro + VIDEO”Madaxweynaha oo booqasho taariikhi ah ku tagey Ceelbuur iyo Beledweyne

Madaxweynaha oo ay wehliyaan wasiirka warfaafinta Mustaf Sheekh ...
calanka qaramada midoobay1

FARRIIN KU AADAN MUNAASABADDA MAALINTA QARAMADA MIDOOBAY  24 Oktoobar 2014

Qaramada Midoobay ayaa loogu baahanyahay si ka badan ...
vlcsnap-2014-10-23-14h07m34s90

Ciidamada Amaanka Galmudug oo gacanta ku soo bandhigay  walxo qaraxyada loo adeegsado

Saraakiisha ciidamada Booliiska iyo Nabad Sugida Galmudug Maamulka ...

Ganacsatada Jubbooyinka oo beeniyay eedeynta ay u soo jeedisay Monitoring Group

Iyadoo dhowaan kooxda la socodka xayiraada hubka ee ...
Waajid

Wefdi Xildhibaano ah oo maanta gaaray degmada Waajid ee gobolka Bakool

Wefdigan oo ay kamid ahaayeen Xildhibaano ka tirsan ...
astaanta-warka16

Dhegeyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

  [audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/10/war-duhur-23-10-2014-ok.mp3"][/audio]
Madaxweynaha Baraawe

Wefdiga Madaxweynaha oo gaaray Beledweyne kulamana la qaadanaya maamulka gobolka

Wefidga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa waxaa kamid ah ...
IMG_3585

Culimo codsatay in la dhameystiro dhismaha Masjidka Jaamacal Ibi ee Degmada Shibis “SAWIRRO”

Masaajidka Jaamacal Ibi ee ku yaala xafaada Bilaajo ...
madaxweyne xasan sheekh

Madaxweyne J. F. S. oo booqasho ku tegay degmada Ceelbuur ee G/Gaduud

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ...
gen_ismaaciil_naaji

Danjiraha Soomaaliya ee Yemen oo UNHCR kala hadlay dib u celinta qaxootiga

kulan looga hadlayay xaaladda qaxtiga Soomaaliyeed ee ku ...
MAGAALADA-KISMAAYO-OK1

Kismaayo oo lagu soo bandhigay maleeshiyaad ka tirsan Shabaab

Saraakiisha ciidamada  maamulka KMG ah ee Jubba ayaa ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/10/WAR-SUBAX-23-10-2014.mp3"][/audio]
amniga

Guddiga Amniga Oo Shir Aan Caadi Aheyn Caawa Ku Yeeshay Muqdisho+Go’aanno. (DAAWO VIDEO)

Kulan Aan Caadi aheyn oo uu shir guddoominayay R.wasaare ...
wasirka boostada

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta oo khudbad ka jeediyay shirka Busan, South Korea

Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Mduane Maxamed Aadan ...
shabaabaaa-620x3301

Shabaab oo laba nin ka afduubtay tuulada Shadoor ee Degmada Ceeldheer

Maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab ayaa lagu soo waramayaa ...
DSC07539

Wasaaradda Kalluumeysiga oo maanta soo gaba gabeysay aqoon is weydaarsi looga hadlaayay kheyraadka badda”sawiro”

Aqoon is weydaarsigan  oo lagu   baranayey  sida ugu ...
fatahaad beledweyn

Webiga Shabeele oo ku fatahay xaafaddo ka tirsan Beledweyne

Iyadoo lagu guda jiro xilliga Dayrta isla markaana ...
dalxa. uuseey

Xildhibaan Dalxa oo la kulmay Madaxda dalka Switzerland”Dhegeyso”

Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Arrimaha dibadda ee Barlamaanka ...
j

“Daawo “Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud oo fariin muhiim ah u diray bulshada Soomaaliyeed

Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa ...
10606257_768656859855134_4896910870940779898_n

JAAMACADDA SIMAD: Kudhawaad 30 arday oo qaatay shahaaddada Master-ka-SAWIRRO

Jaamacadda SIMAD ayaa maanta shahaaddada heerka labaad ee ...
astaanta-warka16

Dhegeyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

  [audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/10/WARKA-DUHUR-22.10.2014-sax.mp3"][/audio]
baarlamaanka2_large

Barlamaanka Soomaaliya oo maanta loo gudbiyay 10 Hindise sharciyeed oo uu ku jiro hindise sharciyedka la dagaalanka Argigaxisada. (DAAWO VIDEO)

Mudo 24 sano kadib markii ugu horeysay maanta ...
DSC07490

Arday soo saartay hab cusub oo loo beeri karo cawska”sawiro + VIDEO”

Ardaydani  oo   wax  ka barata  Jamacadda  Jazeera    magalada ...
cadale

Dowladda oo raashin gargaar ah gaarsiisay degmooyinka Cadale iyo Baraawe

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa raashin gargaar ah ka ...
DSC07381

R/wasaaraha oo saaka dalka dib ugu soo laabtay (Sawirro + VIDEO)

R/wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Dr. C/weli Sheekh ...

Tubta Toosan

Qarac

Dilka Rayidka Diintu maxay ka qabtaa?

Maleeshiyada Alshabaab tan iyo markii la dilay hoggaamiyahoodii ...
Tadaruf

Xag-jirnimada maxaa laga dhaxlay? Dhageyso

Xag-jirnimada aad ayay uga digtay Shareecada Islaamku, waxa ...
Jihaad

Jihaadku ma dagaal oo kaliyaa? Dhageyso

Qur’aanka iyo Sunnaha waxaa ku soo arooray JIhaad, ...