Dhaqaatiir Soomaaliyeed oo wax ku baratay China oo qorsheyneysa sidii ay u caawin lahaayeen bulshada Soomaaliyeed”SAWIRRO”
Published on December 7, 2012 by Mowliid · 17 Comments · 6,704 views
Dhalinyaro cilmiga caafimadka ka baratay Jaamacadaha Shiinaha ayaa waxa ay go’aan ku gareen in ay ka qayb qataan sidii ay u caawin lahayeen walaalahooda Somaliyeed ee ku dhibataysan Somaliya, Dhalinyaradasi ayaa ku Midoobay Urur lagu Magaacabo SOMA (Somali Overseas Medical Association), kaasi oo laga Aas aasay dalkan shiinaha , waxaana uu ururkani wax Ka qabanayaa sidii loogu samata bixin lahaa Bulshada Somaliyeed Dhabaatoyinka cafimaad ee haysta.
Wafdi uu hogaaminayo Madaxa Ururka SOMA (Somali Overseas Medical Association) Mohamed Ciise Raage ayaa u Ambabaxay Caasimada Somaliya ee Muqdisho si ay halkaasi ugu kuura galaan Cudurada ugu badan ee Dadka Somalida ay qadaan iyo Qalabyada Hospitalada lagu Isticmaalo, si ay u ogadaan Xaalada Dhabta ah ee ka jirta Wadanka Somaliya , islamarkaana ay wax uga qabtaan.
Haddaba waxaa Wafdigani kulamo laa qaadan donaa Madaxda Dowlada iyo Maamulka gobolka Banaadir si ay ugu wada hadlaan sidii Dhaqaatiir ka socota Dalkan China ay u imaanlahayeen Muqdisho si ay halkaasi uga fuliyaan adeegyo Cafimaad oo ay u qabanayaan Bulshada Somaliyeen bilawga Sanadka Cusub.
Ururkan laga Aas’aasay Dalka Shiinaha ayaa ah ururkii ugu Horeeyey oo ka shaqeeya Arimaha Cafimaadka , Waxaana uu ku howlan yahay sidii Hospital wayn oo lagu Dawayn doono Maqaarka Jirka (plastic surgery) iyo is Qurxinta jirta kaasi looga furi lahaa Caasimada Somaliya ee Muqdisho.
Abdulkadir Said Ali Gaani
Wuhan China





Taliska ciidamada AMISOM ayaa maanta ka warbixiyay howlgaladii ...
WAR DUHUR 21.05.2013
Baarlamanka oo maanta anxisiyay Miisaaniyada Sadexdii bilood ee ...
Odayaashii dhaqanka Soomaaliyeed ee soo xulay Baarlamanka ayaa ...
Wasiirka ku xigeenka Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta Gaadiidka Xukuumadda ...
Dibadbax lagu tageerayay dowladda Soomaaliya loogana soo horjeeday ...
akhristeyaasheena sharafta leh waxaan halka idinkugu soo gudbineyna ...
Shirka waxaa wada jir u guddoominayay madaxweynaha Soomaaliya ...
WARKA SUBAX 21.5.2013
Maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ...
Ciidamada dowaladda Soomaaliya ayaa xalay iyo saaka howlgalo ...
Odaayasha Dhaqanka ee ku sugan magaalada Garbahaarey ee ...
Tan iyo markii ay soo shaacbaxday in qilaaf ...
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
qaar ka mid ah barakacayaasha ku dhaqan duleedka ...
akhristeyaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkaga soo gudbineyna ...
WAR HABEEN 20.05.2013
Kulan lagu tageerayay horumarka dowladda isla markaana looga ...
kulankan ayaa waxaa ka soo qeyb galay dhamaan ...
Maamulka Galmudug ayaa sheegay iney muhiim tahay in ...
WAR DUHUR 20.05.2013
Maamulka gobolka Banaadir ayaa kala hadlay hay’adaha maashaariicda ...
Fadhigii Baarlamanka ee maanta oo lagu ansixiyay talo ...
Kulan looga hadlayay xoojinta amaanka oo uu soo ...
Warka Subax 20-05-2013
Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka gaashaandhiga Dowladda Federaalka ah ...
Dadka kunool deegaanka Beledulamiin ee gobolka Shabeelada Hoose ...
Xili magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ay ...
Kuxigeenka ra’isulwasaaraha ahna wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Fowsio ...
Qaar kamid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee kunool dalka ...
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr. ...
Wafdigan uu Hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Federaalka ah ...
Maxkamada darajada kowaad ee Gobolka Bari ayaa xukuno ...
Shareecada Islaamku aad ayay uga dardaar warisay dhagarta ...
Dabayaaqadii 2010 ilaa bartamihii 2011-kii Soomaaliya waxaa ka ...
Maalmihii la soo dhaafay waxaan tebineynay khilaafka u ...
masha allah . Aad ayaad ugu mahad san tihiin da daalka aad mu jiseen . Allah with u
Asc ugu horreyn Alle ayaa ku mahadsan wafajinta uu waafajiyey iney walaalaheena soomaaliyeed ee wax ku bartay dalka shiinaha iney gartaan in xaq loogu leeyahay iney caawiyaan bulshada soomaaliyeed ee tabeeleysan una qaba baahi badan iney helaan gargaar caafimaad waxaan oran lahaa guuleysta Alle ha idinka abaal mariyo. Dhanka kale waxaa oran lahaa kuma eka kaliyah dhallinta wax kabaratay dalka shiinaha ee waxa ay wax ka bartaan dhallinyarada soomaaliyeed addunka oo idil sidaa daraadeed ha idiin noqdaan tusaale wacan walaaleheenaas gartay wanaaga bilaabeyna tussale cad. Radio Muqdisho idinna waad ku mahadsantihiin dadaalkiina hagar la aaneed, wadanimo ee aad noogu soo gudbisaan wararka wanaagsan iyo hurumarka uu dalku sameeynayo.
Ws, Bro aad baa uugu mahadsantahay replygaada quruxuda badan… waana ku tala jurnaa in aan dhallinyarada soomaaliyeed addunka ee nala wadaagaan hor marinta iyo kor u qaadista baahida caafimaadka
waaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaw
Masha allah waa arin wanaagsan oo laggu farxo aad bn utaagersan nahay insha allah oo aan ula shaqeyn doona cid walba oo daneyneysa horumarka iyo wax qabadka umadda somaliyeed inta hadda ku hawlana allaha lagarab galo hawshooda dadaalkana intaa kasii badiya ayaan kula dardaarmaya Wsc.
Qormadan waxa ay ka kid tahay qormooyinka aad qaaliga u ah ee mar mar Radiyo Muqdishu uu soo bandhigo iyo sidda soo if-baxeyso ee Bulshada Somaaliaya ay gacan ugu geysaneyso sama bixinta dalka, dadka iyo diintaba.
Hawlahan oo kale waxaa laga filaayay ardeyda kale ee Europe iyo North America joogo in ay iyaga ka noqdaano hormood mase dhicin.
Waxaan aad u soo dhaweynayaa ururka Somali Overseas Medical Association ee uu madax ka yahay Dr. Mohamed Isse Rage hawsha ay billabeen iyo himilada ku jirto oo ah in dalka ay wax u qabtaano.
Baahidda caafimaad ee Somaaliya wafdiga marka ay tagaan Xamar iyaga ayaa soo arki doono iyo dhibaatada caafimaad ee dagaalkii sokeeye uu keenay 21kii sanno ee ugu dambeysay.
Aqoon yahannada Somaaliyeed ee dibada jooga gar ayaan dhallinyarada yar-yar ee wax baratay waxaan ku boorinayaa in ay ku daydaan Somali Overseas Medical Association iyo in ay qaadaan kaalinta ugu aadan sama bixinta dalka iyo dadka.
Wa Billahi Towfiiq.
hawshiina wata
Masha allah.waa mahadsanyihin walalaha soma somalia maanta howl ayay ubahantahay ee hadal uma baahnay waxaa mooda dadka somalieed inay hda hurdadi katoseen Oo fahmeen dhibaatada gaajada abaaraha dulinimada dhamaan in ay sabab utahay dowlad la aanta kajirtay somalia lkin manta wada fican ayaan heynaa ilahey waxaan kabaryaa in dadka wanaaga tuso
Masha Allah , dalkii waa looga baahanyahay dhalinta soomaaliyed ii wax baratay.
mashalllah Creativity comes from trust. Trust your instincts. And never hope more than you work best of luck
aad baan ugu mahadcelinayaa Ururka SOMA iyo dhalinyarada dadashay oo isku dayaya in ay wax u qabtaan bulshada soaliyeed , sidoo kale waxan u mahad calinayaa radaio muqdisho oo soo gudbiya wararka arimaha bulshada iyo hormarka dalka somalia,,,
aad iyo aad wax looga naxo waxaa ah in nimankan isku wacayo dhakaatiir inay xitaa garanaynin waxa ugu yar oo dhakhtarnimo ah. waa niman xabada xamar ka cararay oo xitaa dugsiga dhexe science kaseenin. imtixaan qash lagu baaso iyo badbaadin naf bina’aadmi waa kala nooc
maa shaa Allah waa arin lagu farxo waaye dalkeena in wax loo qabto waaye kheeyr Allaha ha idiinka siiyo iyo munaafaqiinta ALLAHA hanaga qabto ! ! ! AAMIIN
dadkeene in ay pratical ku sameyen ey kabacdina xibnaha in ay jaran ayey rabaan
S/C dhamaan Somalida jecel dalka horumarkiisa ajir ALLAHA ka siiyo waa mahadsanyahay sida Dr M. Cise M’ud Raghe asaga iyo Tiimkiisa oo dalkooda hooyo u soo gurmaday waxaan idinleenahay soodhawaada waxaan rajeeyheynaa muraadkiinna ALLAHA sahlo manaafaqa ALLAHA idinka qabto aaamiin
mashaa allaah sidaas ayaa loobahan yahay inaad dalkaada iyo dadkaada aad waxu qabato..
waa wax lagu farxo in ay soo baxaan dhaqaatiir dad yar dalkooda wax tarayo waa guul waa guul.ninka mucaaradayo waxay ila tahay waa xasad ama waa nacab ama waa qof wax ka qaldan yihiin.yaan la dacaayadeyn dadka lana xumayn ninka wax yaqaano dadkiisa wax ha taro.hadii aad wax aqoono aad taageerno kuwa isku dayeyow ax qabasho wacan
abdi wahaab sweden.