Abwaanka Soomaaliyeed ee Cismaan C/laahi Guure ayaa tiriyey gabay uu ugu magac daray Amiirradu mey is dilaan ayadoo gabayganna uu abwaanku ku sifeynayo hab dhaqanka guracan ee kuwa diinta ka beensheega.
Gabaygan oo marxaladdo kala duwan uu Abwaan Guure uga hadlayo qeybta hoose ka dhageyso ayadoo qoraalkiisana aad qeybta Hoose kasii akhrisan kartaan.
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Gabayga Abwaan Guure Ee amiiradu mey isdilaan Abwaan Guure
Wiilashaan Is Dilayee
Dilayaashu Diraane
Wedka Dila Ku Raranee
U Dilaaya Naftooda
Dad Iney Ku Dilaan
Dilka Maxey Ka Helaan?
Hadii La Iska Difaacoo
Daaqadiyo Albaabkiyo
Deerka Aad Ka Xeratana
Dariiqeey Ku Qarxaanee
Dib Hadeey U Laabtaan
Ma Dembiyey U Qorayaan?
Ibliisaa U Dardaarmoo
Dirqinaaya Naftoodee
Dad Miyaanay Laheyn
Miyaan Waalid Ku Daalin
Miyaan Hooyo Daadihin
Miyaan Aabe Daryeelin
Miyaan Diinta Lagu Dhalin
Dugsi Sow Lama Geyn
Yaa U Dhigay Daruustaan
Koleey Looma Duceynee
Miyaa Leyska Deyriyey?
Damane Xaq Ka Diimoon
Miyaa Dariiqa Seejiyey
Dhegaha Yaa Ka Daboolay
Miyaan Abidba Loo Digin
Garashada Dareenkiyo
Damiirkii Ma Lumiyeen
Ma Doorsoomay Maankii
Caqligii Ma Dayoobay
Wax U Diir Naxaayoo
U Damqada Ma Waayeen
Waa Doqon Habowsanee
Dabka Kuwa Kusoo Xera
Ma Duurkey Ka Heleen
Miyaan Loo Daba Joogin
Wiilashaan La Duufsaday
Ma Diyaa Laga Qaatay
Ma Deynaa Lagu Siiyey
Duf iyo Doorsimaad Ku Bax
Duulkaan Yaaku Habaaray?
Nin Is Dilay Dan Kama Lihi
Waxaase iigasii Daran
Magaca Diinta Islaamka
Dulmiga Ay Ku Falayaan
Umad aan Dambi Laheyn
Shacab aan Dareen Qabin
Muslimiinta Dilkooda
Daarihii Janada iyo
Hadii Derejo Aakhiro
Duulkani Ku Helayaan
Amiiradu Mey Is Dilaan
Duhur Mey Is Qarxiyaan
Ajir Miyaanay Dooneyn
Ilmaha Xey U Dagayaan?
Dadoow Dooxatadan Baas
Dumar iyo Carruuriyo
Waayeel Da’weyniyo
Maskiin Dawarsanaayiyo
Darbi Jiif Agooniyo
Duq Gaboowday Dhaafeyn
Bal Maxaa Nadaba Dhigay
Ma Dhaqankii Dugaagaa
Duumo Haydin Leysee
Dalka Yaad u Wadiin
Yaad Dalaal u Tihiin?
Magacii Da’yarteena
Dambiyaad Ka Dhigteenoo
Dibadda iyo Gudahaba
Dakanaad Geliseene
Naf La Dirirku Waa Maxay
Kufaar Diidan Islaamka
Degaan Lama Wadaagnoo
Soomaalidu Dir uma Laha
Goormaa Gaallo Lagu Daray
Qoyskee Dab Caabuda
Dareen Haydin Galee?
Duunyada Sideedii
Dadka Aad Khaleysaan
Dar Ilaahey Maahanee
Damac iyo Jaceyliyo
Malaha waa Dabeecade
Dooqiinu Xumaa
Dabku Wuxuu ka Shidanyahay
Dunidaan Muslimiintu
Inta ay ka Degaanee
War Yaa Loo Dan Leeyahay
Daaha yaa ka dambeeya
Duulaanka Yaa Wada?
Inabadan Waxey Ku Doodaan
Dagaalkiinnu inuu yahay
Hadmu Diin Ismu Diinee
Daliil Qanciya ma heysaan?
War waxaad ku deysiin
Xikmad iyo Dadaaliyo
Daacad iyo Naxariis
Cadliyo Dulqaad iyo
Degenaansho iyo Nabad
Duulkii laga waayo
Wallee Diin ma hayaanee
Dambiilayaal Weji Duuban
Yeynoo dardaar werin
Ilaaheey Dambi dhaafiyo
Ha ugu deeqo naxariis
Yam Yamaa doraad yiri
Hadii uu damaaciga
Aadmiga u daranyahay
Sow Dalaalku Aabihii
Duhur Kuma Qadeeyeen
Hadana wuxuu kusii daray
Baalaleyda Duushiyo
Dabka hamashtul hamashtuba
Daf waxey u leedahay
Janno doonad kama ahan
Anna doorka maantaa
Waxa aan ku darayaa
Wiilashaan is dilayoow
Daruufaha Aduunkiyo
Hadaad Nolosha diideen
Adinkoon dadkale maran
Adinkoon dadkale maran
Daaraha dheer dushoodiyo
Dabaq maad ka boodaan
Weydiin daawan laheynee
Asc Wrwbrt .
Nimankan Gafuurka Duuran Aniga Ahaan Waxey Ila Tahay Iney Sixraan Ilmahan Bambada La Indho Cadeynayaan , RadioMuqdisho Waxaan Idinka Codsan Lahaa Inaa Barnaamij Wadanimo Kahadlaayo Inaa Ku Soo Dartaan Barnaamijadiina Barke Ilmahaan Ma Yaqanaan Waxa Eytahay Dowladnimo iyo Wadaniyad Mahadsanidiin ……..
waa gabay cajiib ah….abwanadaiyoculamada somaliyed maadadka saan oo kale runta uga sheegan si looga bad baado caruurtena isqarxineeso
Yaa dhagaysanaayo hee waxan Is qarxinayo waa Wax dulaysay oo damiirba lahayn
Allow soo hanuuni intii caymasho leh
mashaALAAH kheer Allaha siiya abwaanka caanka ah xaqa ayuu kahadlay. waxaan layaabanahay sida uu u cabiray xaq darrada shayaadhiinta
guurow godne waad lahadashay haduu war yeeli ,cali dheerana waan sugeynay inuu is qarxiyo lakin maalinkasta ha la isoo laabto ayuu dhahaa,marka gabaygan meelaha ay ku casheyaan haloga daaro fadalan ilmahana haloo shido bal haday wax fahmayaan..
Qofwalba waxaa loobahanyahy in uu kaqaato bulshada kaalinta uu kaga jiro marka abwaanku kaalintiisi waa kasobaxay ee dadka kale sida aqoonyahanada iyo culimada somaliEed iyagane waxaa looga fadhiyaa inay kalintooda ku aadan ka qaataan,