Inkastoo aanan faallo ama qormo qura lagu soo koobi Karin isbedelka guud ee ku yimid Caasimadda Dalkeena ee Muqdisho wixii ka dambeeyey Xornimadii uu dhiigga badani ku daatay ee Lixda August-2011 kolkaasi oo magaalada inteeda badan laga xoreeyey Maleeshiyada Kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab hadana qof walba uu qirayaa oo aanan mugdi ka geleyn waxa ay tahay in uu jiro isbedel guud oo dhinacyo badan ah kaasi oo hada ay ku naaloonayaan Shacabka reer Muqdisho.
Muuqaalka ugu horeeya ee aan usoo xushay faaladeyda waa garoonka kubadda Cagta ee Banaadir Stadium(Ex-Coonis Stadium) waxaana Sawirkan aan soo qaaday Lixdii August-2011 waa maalintii goobtaan la xoreeyey ayadoo muuqaalkanna uu muujinayo sida uu garoonka waqtigaas ahaa iyo geedihii ku baxay, waqtigaana Laba Sano ka badan iskadaa in lagu ciyaaree xitaa dadka Shacabka ah inay lug ku agmaraan kuma dhiiran Karin balse halkii kubad lagu ciyaari lahaa Maleeshiyadii Joogtay waxay u bedeleen xerro ay ku shiish bartaan.
Muuqaalkan Labaad Waa Afar bilood kadib Muuqaalkii hore waxaana ka muuqda derbigii ay booc booca iyo cali garoobka ka baxeen oo la nadiifiyey islamarkaana aanay laheyn meel banaan oo ay dad daawanaya ciyaar Kubadda Cagta ah buuxiyeen,barxadii cowska iyo geed qodxeedyo kale oo qodaxdii iga soo muday aanay mudo bilooyin ah ka kabanna ay ku ciyaarayaan Ciyaartooy kala metelaya Laba degmo oo ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir ayadoo dadweynaha daawanayana ay xusid mudan tahay inaanay kaliya ka kala imaan xaafada Muqdisho balse qaarkood ay ka yimaadeen deegaannada Muqdisho duleedka ka ah halkaasi oo Kooxda joogta aanay ogoleyn farxad iyo isdhexgal Shacab dembina ay u arkaan.
Isbedellada nololeed ee ka jira Caasimadda hadii aan sii amba qaado waxaa magaalada inteeda badan kusoo laabtay dadkii horey uga barakacay kuwaasi oo mudo sanado ah aanay guryihii ay lahaayeen ku hoyan, waxaa dib u furmay Suuqyada ugu waaweyn magaalada,Waxaa dib loo howlgeliyey Iskuullo iyo goobo waxbarasho oo farabadan,Wadooyin dagaallada ku xirmay ayaa hada furmay oo gaadiidku waa ay isticmaalayaan,leyrarkii dansanaa oo dib u daarmay iyo waxyaabo kale oo farabadan.
Muuqaalkan Waa Muuqaal ka mid ah Muuqaallada sida aadka ah u muujinaya Nabadda waqtigan ka jirta Muqdisho iyo sida jawigeedu isku bedelay waayo goobtaan waa isgoyska Dabka gaar ahaan wadada aada Isgoyska Bakaaraha oo ay Laba Saac oo Habeennimo gaadiidka dadweynaha(BL) isticmaalayaan,iskadaa habeen iney gaadiid isticmaalaane Billo ka hor xitaa maalintii dad iyo gaadiid midkoodna ma isticmaali jirin oo waxay aheyd aag ama furun dagaal hadana indhahaaga ayaa kuu marqaati ah ma su’aalbaan gelin karnaa inuu isbedel muuqda jiro?
Muuqaalkaan waa isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho waqtigii laga xoreeyey Maleeshiyada Kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab waxaana Muuqaalkan uu ka turjumayaa deegaanka oo cidla ah,dadkii degenaana ay ka barakaceen ayadoo mashquulkii Isgoyskaasina aanay muuqan sida gaadiidka faraha badan ee lagu yaqaan.
Muuqaalkaanna waa isla Isgoyska Sanca waxaana Sawirkan aan soo qaaday Seddex bilood kadib markii Sawirkii hore ayadoo uu ka muuqdo Mashquul iyo gaadiid markii hore aanay isticmaali jirin oo Isticmaalaya miyaan iska indha tiri karnaa in uu Isbedel jiro?
Muuqaalkaanna waxa uu Muujinayaa Arday ka timid goobahoodii Waxbarasho meesha ay marayaanna waa wadada Gumareey ee degmada Yaaqshiid intii ay Maleeshiyada Kooxda Shabaab joogeenna Iskuulka ay Ardaydan dhigtaan ee Al-Fajri ma uusan furneyn oo hadii uu furnaan lahaana majirin Waalidiinta ayaa i deegaannadaa kasoo fogeeyey ayadoo Waalid walbana uu ka baqanayey waqtigaasi in Wiilkiisa ama gabadhiisa uu Waxbarasho u dirsaday laga weeciyo dhabaha Ardaynimo loona adeegsado hurin colaadeed maadaama ay Carruur aan waxgaran u badan yihiin kuwaasi oo iyana qaarkii la qaldi waayo la qasbo ayadoo ay xusid mudantahay in weli Shabaab ay dhibaato la daba taagan yihiin Ardayda taasi oo marqaati ay u tahay Ardaydan muuqaalkooda aad hada arkeysaan oo ay Iskuulkooda albaabkiisa hore Miino ku aaseen.
Muuqaalkan waa Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho waxaana Sawirkan lasoo qaaday markii suuqaasi laga xoreeyey Maleeshiyadii Shabaab ee mudo sida xooga ah ku joogtay ayaga oo saameyn ku yeeshay ganacsigii suuqa kadib markii ay ganacsatadu u dulqaadan waayeen ay sida joogtada ah Maleeshiyadaasi uga qaadi jireen ayadoo muuqaalkanna uu ka muuqdo raad bur bur iyo mid dagaal.
Muuqaalkaan Kalena waa Isla Suuqa Weyn ee Bakaaraha gaar ahaan Qeybta Qudaarta ayadoo Sawirrada Ka hooseeyana ay muujinayaan in suuqu uu isbedel ku yimid isla markaana ganacsigiisii uusoo laabanayo waxaana ganacsatadu ay hada ganacsigooda u wataan si caadi ah ayaga oo aanan wax wel wel ah ka qebin baad si joogto ah loo weydiiyo ayadoo baadaasina loogu yeeri jirey ZEKO.
Isbedelladan oo dhan ma jiri laheyn hadii aanay dadkii barakacay dib ugu soo laaban laheyn guryahooda ayaga oo kalsooni ka heysta Ciidammada Amniga taasi oo ah in ay ka badbaadayaan Maleeshiyadii dhibaatooyinka aan xadka laheyn kala kulmi jireen sida aad ka dheehan kartaan Muuqaallada soo socda oo iyagu muujinaya gaadiid kala duwan oo ay dad Barakacayaal ah kusoo guryo noqonayaan ayaga oo u hamuun qaba guryahoodii oo aysan Sanado ku hoyan.
Waxyaabaha kala ee xusida mudan waxaa ka mid ahaa in laga gudbay saameyntii ay Maleeshiyada kooxda Shabaab ku yeesheen Maskaxda Bulshada maadaama dad badan lagu qasbi jirey ayaga oo aan la dhaqan bedeli Karin waxyaabo aanay damiirka iyo garaadkuba u ogolaaneyn sida iney bur buriyaan wadooyinka magaalada oo ay bohollo ka qodaan si ay Maleeshiyada Shabaabku uga dhigtaan dhufeeyso kuwaasi oo ay aaminsanaayeen inaan laga saari Karin balse ay duufaan aysan u babac dhigi Karin jiirtay.
Muuqaalkan waa Dadkii ay Maleeshiyada Shabaabku ku qasbi jireen iney dalkooda burburiyaan waxaana Sawirkan uu muujinayaa Dadweyne ka qeybqaadanaya Olole Nadaafadeed iyo kuwo dhir jaris ah oo ay ka sameeynayaan Wadooyinka magaalada Muqdisho, Wadadanna Wadada Nasiib Buundo waxaanna shaki ku jirin in wado ka duwan wadadii shalay ay Shabaabku ku qasbayeen ay haayaan oo ay hada ka qeybqaadanayaan Soo Saarida Bilicda Caasimadooda ayadoo tanna aan ku tilmaami karno isbedellada Maskaxeed ee Shacabka ka muuqda waloow ay xusid mudan tahay in Maleeshiyada Shabaab ay dadkan u diidan yihiin horumarkooda oo xitaa ay qarxinayaan Hooyooyinkeena Nadaafadda ka shaqeeya.
Sidoo Kale Waxyaabaha Cadeynaya Isbedellada Nabadeed ee ka jira Caasimaddeena waxaa ka mid ah booqashooyinkii ay magaalada ku yimaadeen Madax kala duwan oo caalamka ka socota kuwaasi oo an ka xusi karno Madaxweynaha Jamhuuriyadda aynu walaalaha nahay ee Jabuuti,Ra’isulwasaaraha Turkiga iyo Xoghayaha Guud ee Q.M.
Gunaanud:-
Inkastoo dadka reer Muqdisho ay hada heystaan Isbedello dhinacyo badan oo dhanka nolosha ah, bilicda magaaladuna ay si tartiib tartiib ah uga soo kabaneyso dagaaladii, dad badanna ay guryahoodii dib ugu soo laabteen ayaa hadana waxaa marag ma doonto ah in Shacabkeena nalaga dhowrayo inaan dib nolosheenii usoo ceshanno ay inaga mid yihiin qaar aanan gareysneyn mas’uuliyadda saaran oo tusaale ahaan halkii laga sugayey iney ka qeyb qaataan sugidda Ammaankooda laamaha amnigana kala shaqeeyaan Sugidda Ammaanka ay taa bedelkeeda xitaa halkii ay ugu yaraan hay’adaha Amniga soo wargelin lahaayeen ay qarinayaan qofkii dhibka bulshada u geysan lahaa sida qof qaraxyo wada oo ay megen siiyaan ayaga oo aaminsan inuusan isaga u socon ee uu qof kale beegsanayo ayadoo markarka qaarna aad arkeyso dad iney Nadaafadoodii ka shaqeeyaan oo ay guryahooda banaankiisa Nadiifsadaan ugu yaraan Hay’addo Samafal ama Dowlada Hoose Lacag iney ku siiyaan sugaya balse aqristoow aan isweydiinee inagoo dadkaasi ay inaga mid yihiin halka aan ku hamineyno ma gaari karnaa????
FG:Sawirrada Ka Hadlaya Isbedellada & Bilicda Magaalada waa kuwo Dhammaantood aynu kasoo xulanay Wararkii iyo Sawirradii radiomuqdisho.net horey idinkugu soo gudbiyey.
Abdifitah Dahir Jeite
Radio Muqdisho Web Editor.
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub +442035190460
USA & CANADA +17124327760
July 23, 2011 – QOL – Maansadan waxaan ugu magac daray MUQDISHO, waxa ayna ka hadlaysaa waxa ka dhacay muqdisho in ay masuul ka yihiin intii samaysasy laakiin ay Muqdisho weli tahay
ahaanan doonto sidii ay weligeed ahayd (Janadii aduunka) cidii waqtigiisa dagaal iyo isku dhaafiya nabad la’aana asaga uun baa eedaya laakiin muqdisho waxay la balan san tahay
ama dhici doonta maalin rag wax u soo bartay oo jecel iyaduna ay jeceshahay ay ka talin doonaan kana jafi doonaan boorkii ay wax magaratadu ku seyreen.
Muqdisho masuul kama aha afcaasha wax magaratadu ku kacayaan, mana aha sida dadka qaar uu isku xirayo magaceeda iyo masiibada.
Muqdisho waa Muqdisho waxayna ahaan doontaa Muqdisho waxaayna maalin maal maha ka mid ah la xisaabtami doontaa denbiilayaasha.
MAANSO (MUQDISHO )
MUQDISHOOY MACAANEEY
MIIRKIYO NAFTAYDIYO
MAANKAYGU JECELAAY
MARKAZKII AQOONTAAY
MILICSIGA INDHA IYO
MOHASHADII NAFTAYDAAY
MUDANIHI ADUUNKAAY
MAKA IYO MADIINIYO
DIINTII MAXAMED (SCW) MOOYEE
INTA KALE KA MUDANIYO
KA MARTABAD SAREEYAAY
MAALKII ADUUNKEE
MOWLEHEEN NASIIYAAY
MARTIDEED U ROONEEY
RUUXI SOO MUTAYSTIYO
MASAAKIINTA JECELEEY
MIISAAN WANAAGEEY
MOWLAC LAGU SALAADIYO
MASAAJIDA BADANEEY
CIIDEEDU MALABEEY
TUSAALIHI MIDNIMADAAY
MAHDIGII IMAAMKIYO
MINANKAAN LAHAYNOOW
MUQDISHADAAN JECLEEYEEY
XAMARTII MECEYDEEY
INKASTOO AAN MAQANAHAY
MEEL DHEERNA KAA JIRO
HALKAAN MILICSANAAYIYO
MUSTAQBALKAAN LAHAAYEEY
MUUQAAL QURXOONEEY
NINKII MAALINTIISII
MURAN UU KU DHAAFOO
NABADII MUCAARDA
ASAGAA KU MAQANOO
MOORYAANTA KUWI DHALAY
NABADIINA MAYA YIRI
MAANTABA MA JOOGAAN
QAAR WAA MARXUUMEEN
QAAR WAA MACLUULOO
DA’DIIBAA MIREYSOO
MADAXAA CADAADOO
WAY MUUQ XUMAADEEN
MAGACOODI IYAGAA
MADOOBEEYAY GOOR HORE
WIXII MUSUQ AHOO DHACAY
IYAGAA MASUUL KA AH
ADNA WAAD KA MARANTOO
MUQDISHOOY WAXAAD TAHAY
MADAXII DALKEENIYO
MIRIHII JANADA IYO
MANAD UU ILAAHAY
NAGU WADA MACIINOO
DADKA KALANA MOOOGYAHAY
INKASTOO AY MAALMAHAN
MURAAD GAARA NIMAN LIHI
KULA DOONAYAAN MOOL
KA MEERMEERIS BADANEEY
INKSTOO MAREYKANIYO
QARAMADA MIDOOBANA
SHIRQOOL KUU MALEEGAAN
ALAAH MAGANSI BADANEEY
INKASTOO MANSUUR IYO
GODANAHA MAJNUUNKA AH
KUGU MEYRAYAAN DHIIG
MIDABKEEDI SIDATAAY
INKASTOO MASIIBADU
MAASHAYSAY WADANKOO
MATAANAHAAGI QAARKOOD
MAGACOODI DOORSHEEN
XUMAAN TII KA MARNAAY
INKASTOOY DAD MAAGEEN
CALANKII MASUUGEEN
KALA MIDABO QAATEEN
MEESHEEDI JOOGTAAY
WAXAAN MEEL TAAGAYNIYO
MARYO AAN QURXOONAYN
OO MEEL LA SOOSURAY
MARNA KUMA MASHQUUSHAAY
MUQDISHOOY MACAANEEY
KOLAY WIXI KU SOO MARAY
MEEL BAAD KU QORATOO
NINBA WUXUU MUDAYSTAAD
KOLAY MIISKA SOO DHIGI
ALOOW KUWII MACAASHEE
MALAFKOOD NADIIF YAHAY
MAALINTAA INAGA YEEL
MUQDISHO WAAN KU JECELAHAY.
si la mid ah waaaaaaan ku farax sanahay is badalka magaaaaaaaaalad
maasha allah waa hurumar muuqda isla markaana ayadoo la ogaa ooanan dafiri karin waxii noohagaagay aad hadana nasii xasuusiseen thnks r/muqdisho jira waligiin insha allaah waqtigaan waqtigeena reyn reyn iyo horumar farxadleh dalkoo xabad lagaga diimaya maqalkeeda dowladnimo taaam ah insha allaah ayaan rajeeyneeyna sanad wanaagsan all somali
Maasha Allah muqdisho magaalo madaxdeena sida miraha luulka mowjada badweynta ka muuqato dhexdooda.Run ahaanti waa muuqaal rajo ina gelinaya aad aya ugo faraxsanhay isbadalka kaso muuqta Caasimadena waxa si cad loo dareemi kara in shacabka muqdisho sida ay diyaaarka ugo yihiin inay ka shaqeyaan Qranimadoda iyo hurumarka wadanka iyo Dowladinmo.Allah wxaan ka baryenaa in sanadkan cusb inaga dulqaado colaada iyo abaarta kana kii aan ku guleysan laheyn Qaranimo iyo Dowlad rasmi ah naga saaro khilaafka iyo colaad.
Allhow sanadkan cusub hertidiisa na mooti iyo shartiisa
Waa xasus aan dugobi donin keydakana gashay
Masha’allah allow noosisiyadi alhamdulilah waadna ku mahadsantihin bahda radiomuqdisho
MASHA ALLAH MASHA ALALH ALLOW NABADIINA NOOSII SAIDI OONOGA DHIG MIDII AN KUWARI LAHYN INTA NOLOSHENA KADHIMAN UMADA SOMALIYEET MELKASTA OO AY JOGAN WAXN URAJAYNAYAA FARXAD WARTA IYO HORMAR
Asc marka hore bahda warbaahinta qaranka siqaasa ayaan idiin salamay wana kumahadsan tihiin dhiira gelinta ad umada usamaynaysaan hadana siikordhiya intaaa kadib waxaan laxaqiri karin in manta muqdisho aysan ahayn say ahayd lixbil kahor runti mugddi iyo iftiin kala wanaagsan muqdisho manta hurumar ayaa kasocdo taasna cidwalbaa og waxaana kumahadsan cidanka xds iyo madaxda qaranka waaa iga dar daran dadwaynow inaad far xad iyo damashaad kunolataan iyo inaad duli iyo daruuf la dulowdaan tumaa idinla gubooooon kulay fursadaan haysano maanta midlamidaa nasoo mari meee e an shbb iska dhicino dalkeenana xurimo kula damaaashaaadno waa danteeneee ilahow umada isu sooooo dum amiiiiiiin
sxb dowladda waa ay dadaashay waana taageersanahay laakiinse wali waxbaa u haray, waxaana ka mid ah waxyaabaha u haray oo aan ka sugeeno inee sameeyaan waa, inee naga dul qaadaan ciidankaan is hortaagan oo shabaab ay ka saaraan intee ka joogaan degmada Heliwaa, si aan ugu soo laabano guryaheena iskuulaadkeenana u dhigano.
<3
fadlan intaas si dhaqsi ah ha noogu sameeyaan, saaritaan kaliyana kama rabnee amaanka oo ay sugaanaan ka sugeenaa.
Masha.alah aad iyo aad aya ugu faraxsanahay ilahow ino siyadi sidan iyo sikasi fcn amin amin amin
INSHA ALLAH WAAN GAARI DONAA dad waynahana ha ogaadeen qiimaha nabada leedahay
MaashaAllah, Alloow noo siyaadi. Waa inaynu ogaano in quruxda iyo sharaftani aanay ku imaan bilaash oo ay dad dhiigooda uhureen. Sida kaliya oo abaalki dadki dhintay iyo kuwi dhaawacmayba lagu gudi karono waa inagoo nabada xoojina kana hortagna wax kasta iyo cid kasta oo wax udhimaysa. Guul iyo sharaftii qaranki Soomaaliyeed oo sii xoogsata ayaan Allah ka baryeynaa. Aan ogaano in wax ladhiso mudo dheer,sabar,wadajir iyo wadashaqayn ayey qaadataa. In wax ladumiyana in yar ayey qaadataa. Aan wada dhisno wadankeena si wada jir ah.Markale hambalyo dowlada Soomaaliyeed iyo shacabka Soomaaliyeedba. Kulu Caam wa-antum bikheyr.Shaqo wanaagsan Radio Muqdisho.Wasalaama calaykum waraxmatuAllahi Wabarakaatu.
UMADA SOOMAALIYEED WAXAAN U DIRAYAA HAMBALYO KU AADAN SANADKA CUSUB EE 2012 WAXAAN ALLE KA BARYAYAA INUU NOQDO SANADKII SOOMAALIA NABAD AY NOQON LAHAYD OO ALSHABAAB IYO AL QAACIDA AAN KA SAARI LAHYN SOOMAALIYA HADII EEBE IDMO
TAN KALE UMADA REER MUQDISHO WAXAAN LEEYAHAY NABADA AAD HAYSATAAN KU FARA ADEEGA OO KUWA NABADA DIIDAN MEEL UGA SOO WADA JEESTA OO LA SHAQEEYA CIIDAMADA NABADSUGIDA SI AY HOWLAHOODA UGUTAAN
Asc Marka Dhamaan Umada Muslimka Ahow Gaar Ahaan Kuwa So0maaliyeed’ Waxan S0o Dhaweenaya Nabada & Horumarka Ka S0cda caasimada umada so0maaliyeed Waxana Shacabka Reer Muqdisho Kula Dardaarmaya inay Nabada Dhawrtaan ILeen Ayagay Dani Ugu Jirtaaye ‘ So0maali Han0olaato Wblhi T0wfiiq
walahi waa wax xaqiiqo oo jira ilah hanoo siyaadiyo dhamanteen.BAHDA RADIO MUQDISHO Waa mahad sntihiin dhamaan shqaalaha iyo ma suuliyiinta waxan idiin lee yahay meesha ka sii wada SANAD WANAAGSAN KAN KIISA KALE IYO WADANKA OO NABAD AYAAN RAJAYNAYNAA IN SHAA,AALAH
Download: eType1.com/f.php?FF3H3G
Tanks Jayte Sxb Sare Idinma Arkin Adi Iyo Sabriye Wayadan hada Dib Uso Labaten ZAKI S/AFRIKA
walahi waa hormar aan garnay oo wadankeyn oo dib u solaabtay marwalbo waxa aan ku oyaa sida aaan ku arki lahay somali oo kala dambeyso marwalbo wadanka waxa dhisto shacabka hadey shacabka ay wada kacan muqdisho waxay noqaneysa wadanka hormarsan haddii runta la sheego wadanka waxa wax ka badalay tarsan iyo farmaajo iyo madaxweynaha miyaa laga waye toban ayaga oo kale somali war dadow fadhiga ka kaca ha ha ku mushqulina qabil
Reer Radio muqdidsho waa ku mahadsantihiin barnaamijyada aad inoo soo gudbisaan. Gaar ahaan mahsanid walaalkeen Jyte , barnaamijkan waa mid run ah oo la taaban karo.
Ali
DK
Aniga waxaan ahay kii ku soo qaatay waqti badan Noloshii dhibka badneyd iyo waayihii rafaadka waxaan ka soo tagay bilowgii 2009 waan xiiseynayaa in aan dib ugu soo laabto sida ugu dhaqsiyo badan waa meel aan xiiseynayo in aan arkaa nabadeedana waa mid aan mudo ku taamayay allahayow dalkena iyo iftiinkii dalkaba nabad nooga dhig si aan ugu naaloono
waax muuqaalo qurux badan oo qalbiyadayada farxad ku beeraya waaa til maam muujinaysa macaanka dowladnimadu leedahay,sawaridani waxay fariin u tahay oo ka turjumaysaa wax qabtka dowlda.
waxaa marag ma doonto in ay dadkii reer muqdishu ka raaysteen bahalihii dhiigooda iyo xolahooda banaystay. Ilaah ayaa mahad leh iyo ciidanka xooga dalka ee dhiigooda iyo naftooda u huray badbaadada bulshada somaliyeed.waxaan rayjaynaa inay wadanka kasaraan inta ka hartay habaar qabayaashaas.
sawiradan weriyaha sooqaaday bilad dahab baa mutaysatay jayte mahadsanid.
hal hal baanula socday sawiradaan..waan ognahay kuwa war xume tashiilka ah waxey ka dhahaan xamarcadde..
xamarcadde ha noolaato.
Waa sawiro farxad leh. Inshalah Alle waxaan Dalkeena iyo dadkeena oga baryey in sanadkan nabad waarto iyo barwaaqo noogu dhamaado culayskana Alle naga dulqaado.
Guul umadda Soomaaliyeed Meelkasta ay joogaan.
Banaadir iyo xamar cadde guul iyo nabad.
Thanks Radio Muqdisho.
Masha Allah
Nolol lataaban karo ayaa dhalatay dhab ahaantii. Shacab ahaan waa inaan danteena oqoonsano isla markaana u istaagno waxii Aminiga Liddi ku ahna wax ka qabano ama Wargelino laamaha ku shaqada leh Amniga. Wa Billaahi Tawfiiq
Asc all somali meel walbo ay jogan waxan leeyahay sanad cusub runti waxa aan aad ugu faraxsanahay oo la iska indhatirikarin isbedelka nawaded kasoconaya magaalada muqdisho runti aniga oo kamid dadka qurba jokta ah oona kamidka ah ardayda waxbarashada dibada ujokta runti aan markan aan arkay sawirada mujinaya nawada sida xeebta aan dhihi karo xeebta adunka ugu fican oo dad weynaha kudamashadayan runti waxan isdhahay alla maxad ujogi weysay runti nawado waa qeyb kamid nolosha allahow dalkey nawad waarto sii waxan aan ugu mahad celinaya allah marka xikta radiomuqdisho oo marwalbo noosotawiya isbedelada kadhacaya muqdisho waxan leyahay muqdisho nawad warto.by
WAAW…..SANAD CUSUB OO BARWAAQO INOO DHALIYO ALLAHA NOOGA DHIGO 2012 INSHA ALLAAH,,,,
WAXAA MAHAD KALE ISKA LEH ABWAANKA ((XASAN MAXAMMED)) RUNTII WAA MAANSO QIIMO LEH OO IN LA DIIWAAN GALIYO ISTAAHISHO,,, AFKAAGA CAANO LAGU QABAY SXB.
maansha allaah ilaah waxaan ka baryeeynaa in uu intaa in ka badan nasiiyo waa hoowl wanaagsan wax qabad baaxad leh ayeey qabteen .lkn masuuliyiinta dowlada waxaan ka codsaneynaa niyad jabka in eey shacabka ka dayaan marba marka ka danbeyso oo wax la qabto is heysi baa yimaado marka ilaah tafaraaruqa hanaga bixiyo oo isku uur hanaga dhigo dhamaan umada soomaliyeedne waxaan ilaah kawada baryeeynaa nabad waarta wanaag farxad reereen iyo isku uur eebow arligoo nabda aamin
Masha allaah illaahow noo kordhi nabada kasoo iftiimeeso somalia , nagana qabo kuwa nabad diidka ah oo khawaarijta ah . Aamin
asc dhamaan muwaa diniinta soomaaliyeed salaan qaali ah ayaan hawada idiin somarinayaa, hadaa ka jawaabo su aasha wariyaheena qaaliga ah ee marwalba nala socodsiiya hormarka wadan keena waxaan leeyahay walaal waaynu gaari karnaa meesha aan ku hamiyeeyno hadii la muujiyo midnimo oo laga tago qabiilka iyo qurunka uu wato,kuwa waxqasaya ee qawaaarijta ahna waxaa ku filan oo kaliya in farta lagu fiiqo lagana dhigo tuke cambaarleh, meeshii lagu arkana lagu gowroco umadana ogaadaan nabada qiimaha ay leedahay ayna ogaadaan oo kale nabad iyagu aan sameysan shisheeye inuu u sameyn karin wadan ku waa wadan keena inagaa hagaa jisan karna inaga na wax u qaban karna hadii aan sidaa yelno meesha aan ku hamiyeeyno waaynu gaareynaa wabilaahi towfiiq midnimaa sharafleh wadaninimaa aqoonsileh daba dhilifnimaa doqon nimo ah, doolarhoo dadkaaga lay baa doqon mimo ah
ilaahow sidaa iyo si kawanaagsan ayaan kaa barinay waa xusuus aanan la iloobi doonin
muqdisho waan ku jecelahay
dad daneeyoe dowlad baan u baahan nahahay
فــقطع دابر القــوم الذين ظلمــوا و الحـمد للــه رب العـالميــــــــن
walaahi waa rajo lag hanbalyo hanbalyo byeu farxo waayo waxaan aragnaa muuqaalkii muqdisho oo kasoo kacaayo dhaawicii gaaray mudada dheer waxaana leenahay hanbalyo
Allaahu Akbar Walillaah Alxamd ilaahow Nabad ayaan kaa barinnay Ilaahow dalkeenna.اللهم أحفظنا وأحفظ مدينة مقديشو وأحفظ أهل مدينة مقديشو يا رب العالمين
waa horumar aan ku farxi karnno sii kordhiya waan idiin garabtaaganahaye
ASC dhamaan uamda soomaaliyeed waa farxad noo soo hoyatay ilaahay waxaan uga baryaayaa sanadka cusub ilaahay nabad noo ga dhigo wadanka oo dhan, waa mahad alah maalinkii muqdisho iigu danbaysay 1991 iyo maanta muuqaan ku arko waa kaaf iyo kale dheere ilaahoow mahadaa
marka hore salaan
maka xige samo ku waar
magaaladii sinaantaay
dadku kala arag dheer
oo kala ogaal dhow
ama kala aqoon dheer
eed hadaan la dooneen
ama hiba ilaahay
asaraar kataagneed
geyshkii arligeygow
hadaan eexo kaa galeen
geyshyahow la’aan taa
nabad lama arkeen
muqdishoy arligeygaay
waxaad u egtahay
sidii geed udgoon
ku dhexyaal ugbaadoo
oogada ubax kaga yaal
ama ilo xareedoo
nafsiyaadka lagu ilooboo
waxaa tahay aduunyada
mida u uduboo
loo ashqaraaroo
waxaan dhamaan leeyahay umada soo maaliyeed in ay taageeraan ciidankeena oo ay garab istaagaan oo ay ka daba wadaan caanha iyo biyaha
had iyo jeerna ay ka ilaaliyaan weerka aan waxba reebeen dhamaan umada qurba joogta soo maaliyeed waxaan urajeenaa in ay iyagana fahmaan dhibaatada la heeso halkay sarta ka qurunsanthaay waxaan umahad celiynayaa tiifiiga qaranka soomaaliyeed oo jecel had iyo jeer in uu laga haqa beel siiyo waxa ka jiro ama isbadalada ku socdo iyo horu marka ka socdo wadan ka salaamullaahi calaykum nabad iyo nolol wacan muqdishooy
http://newmogadishunews.wordpress.com/
Mahadsanid walaalka qoray qormadaan waxaan rajeeynayaa in loo fahmo sida aad u dhigaayso oo aan la muujin rajo darro.
http://newmogadishunews.wordpress.com/
soomaalo/qalinka
asc/aqyaarta /aad iyo ad ugu faraxsanahay hor umarka kamuuqda moqdisho in kastoo kamaqanaha hada laakin leeyahay allaha no siyaadsho nabada
walaahi waan ku faraxsanahay rajo inooga muuqaneysa caasimadeena ciidamada xooga waxaan leeyahay sii wada dadaalkiina mahadsanid
salan sare radio muqdisho waxaan aad iyo aad ugu farxay daawashada sawiradan muujinayo qiirada iyo xamasada walahi waan ku farxay dhaman waxana xaqiijiyay wadan naga qurxoon majiree daryeel baan jirin radio muqdisho hanoo laado thnks
muqdisho waa maskin muqeeda la bahdilay muqdihso waa muhim dib in lo so noleeyo
muqdisho waa dahab an lahelin karin dadkeda dayacay ,muqdisho manta somali oo idil xaal marin kusineyso aloo nabad