DAAWO SAWIRADA. Tantan Isboorti iyo isdhexgalka Bulshada ah oo lagu soo gabagabeeyay Magaalada Beledweyne
Published on February 21, 2013 by Gaani · 2 Comments · 2,596 views
Tartanka isboorti ee lagu soo gabagabeeyay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay ururka SYAO ee ka shaqeeya Arimaha Dhalinyarada Waxaana ka qeyb galaayay 8 kooxoo oo laga soo kala xulay 4-ta Xaafad ee magaalada Beledweyne.
Munaasabadii tartanka oo ay kasoo qeyb galeen Mas’uuliyiin ka socday maamulka Gobolka Hiiraan, Saraakiisha Amisom ee Ciidamada Jabuuti, Saraakiisha Ciidamada dowlada, Odayaasha dhaqanka, Haweenka, Dhalinyarada iyo qeybaha Bulshada ayaa waxaa lagu qabtay Garoonka Kubadda Cagta Lamagalaay ee Magaalada Beledweyn.
Garoonka ay ciyaarata ka bilaabatay ee lamagalaay ayaa waxaa soo buux dhaafiyay taageerayaal isugu jiray rag iyo dumar kuwaasi oo si aad ah ugu hamuun qabay in tartan isboorti oo nuucaan ah loo qabto.
Intii ay ciyaarta soconeysay ayaa waxaa Sacab iyo mashxarad isku daraayay taageerayaasha iyadoo ay mas’uuliyiintii kasoo qeyb gashay ay farxad muujinayeen.
Madaxa Gobolada Dhexe ee SYAO Ahmed Caato oo goobta hadal ka jeediyay ayaa sheegay in tartankan uu qeyb ka yahay barnamijyada wacyigalineed ee uu ururrka SYAO ka wado Gobolka hiiraan.
Duqa magaalada Beledweyn oo kalmado guubaabin ah ka jeediyay furitaanka tartanka ayaa sheegay in loo baahan yahay in SYAO si aad ah loogu mahad celiyo, waxa uuna ka dalbaday madaxda SYAO iney Barnamijyada Gobolka Badiyaan.
Dhamaan Siyaasiyiintii, Saraakiishii, Aqoonyahanadii iyo Martidii kasoo qeyb gashay furitaanka ciyaaraha ayaa uga mahad celiyay SYAO howlaha dhiirigalinta ah oo ay sida is daba jooga ah uga wado gobolka Hiiraan.
Maal maha soo socdo ayaa lagu wadaa inuu si habsami leh uga socdo garoonka kubada Cagta lamagalaay tartankan maanta furmay.























Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
Ururka kubada cagta bariga iyo bartamaha Afrika ee ...
War Habeen 21-May-2013
Kulan ay si wada jir ah ugu qeybteen ...
Taliska ciidamada AMISOM ayaa maanta ka warbixiyay howlgaladii ...
WAR DUHUR 21.05.2013
Baarlamanka oo maanta anxisiyay Miisaaniyada Sadexdii bilood ee ...
Odayaashii dhaqanka Soomaaliyeed ee soo xulay Baarlamanka ayaa ...
Wasiirka ku xigeenka Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta Gaadiidka Xukuumadda ...
Dibadbax lagu tageerayay dowladda Soomaaliya loogana soo horjeeday ...
akhristeyaasheena sharafta leh waxaan halka idinkugu soo gudbineyna ...
Shirka waxaa wada jir u guddoominayay madaxweynaha Soomaaliya ...
WARKA SUBAX 21.5.2013
Maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ...
Ciidamada dowaladda Soomaaliya ayaa xalay iyo saaka howlgalo ...
Odaayasha Dhaqanka ee ku sugan magaalada Garbahaarey ee ...
Tan iyo markii ay soo shaacbaxday in qilaaf ...
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
qaar ka mid ah barakacayaasha ku dhaqan duleedka ...
akhristeyaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkaga soo gudbineyna ...
WAR HABEEN 20.05.2013
Kulan lagu tageerayay horumarka dowladda isla markaana looga ...
kulankan ayaa waxaa ka soo qeyb galay dhamaan ...
Maamulka Galmudug ayaa sheegay iney muhiim tahay in ...
WAR DUHUR 20.05.2013
Maamulka gobolka Banaadir ayaa kala hadlay hay’adaha maashaariicda ...
Fadhigii Baarlamanka ee maanta oo lagu ansixiyay talo ...
Kulan looga hadlayay xoojinta amaanka oo uu soo ...
Warka Subax 20-05-2013
Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka gaashaandhiga Dowladda Federaalka ah ...
Dadka kunool deegaanka Beledulamiin ee gobolka Shabeelada Hoose ...
Xili magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ay ...
Kuxigeenka ra’isulwasaaraha ahna wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Fowsio ...
Qaar kamid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee kunool dalka ...
Shareecada Islaamku aad ayay uga dardaar warisay dhagarta ...
Dabayaaqadii 2010 ilaa bartamihii 2011-kii Soomaaliya waxaa ka ...
Maalmihii la soo dhaafay waxaan tebineynay khilaafka u ...
masha allah dhalinyarada hadey heleen wax eey ku mashquulaan
asc masha alaah saas ayaa loobahan yahay dagal waa lagudalay marka waa inan usojeesana dhanka nabada waxaan soodhawaynaya ciidamada walalaha jabuuti oo hurmar dhanka nabada keenay