Friday, May 24th, 2013

DAAWO SAWIRRADA:- Socdaalkii Uu Wasiirka Gaashaandhigga Ku Tagey Degmada Garbahaareey Ee Gobolka Gedo

Published on December 15, 2012 by   ·   72 Comments  ·   27,190 views

{Warsaxaafadeed..15.12.12}Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/xakiim Maxamuud Xaaji Fiqi oo ay wehliyeen saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta kormeer howleed ku tagay magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

wafdigaan ka socda wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya oo ka degay garoonka diyaaradaha Garbahaarey waxaa si diirran usoo dhaweeyay Masuuliyiinta maamulka gobolka Gedo uu horkacayo Maxamed Cabdi Kaliil Guddoomiyaha Gobolkaasi Gedo, saraakiisha ciidamada dowladda iyo saraakiil kale waxa uuna wafdiga kula kulmay xero ciidamada Dowladdu ay ku leeyihiin bartamaha magaalada Garbahaarey Odeyaasha dhaqanka, Haweenka iyo saraakiisha ciidamada.

Wasiirka difaaca dalka oo ka hadlay kormeerkiisa waxa uu sheegay in Booqashadiisa ay muhiimad weyn u leedahay ciidamada Xoogga dalka iyo dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Gedo maantana la bilaabay bixinta Mushaaraadka ciidamada dowladda ee ku sugan Gobolka Gedo si joogto ahna ay u heli doonaan wixii ka dambeeya bishan.

Wasiirka ayaa xusay in Dhawaan la isku furi doono Wadada isku xirta Doolow iyo Garbahaarey si ganacsiga Dadka rayidka ah uu u kobco una gaaro heer sare.

“waad dareemi kartaan cadowga goobo yar ayuu dalka kaga harsanyahay waxaana sida ugu dhaqsaha badan ay ciidamada dowladda uga xureyn doonaan guud ahaan Gobollada dalka si loo soo celiyo Xasilloonida, Nidaamkii iyo kala dambeynta wadanka” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in Wasaaradda Gaashaandhigga ay qorsheynayso sidii dib u dhis balaaran loogu sameyn lahaa Ciidamada qalabka sida gaar ahaan kuwa Xoogga dalka si loo gaarsiyo Ciidamo baaxad leh oo buuxiya kaalintii ay ciidamada ku lahaayeen Geeska Afrika xilligii dalka ay ka jirtay dowladdii Milateriga.

Waa booqashadii ugu horreysay ee uu wafdi ka socda Dowladda federaalka Soomaaliya uu ku tago Magaalada Garbahaarey iyadoo Wasiirka Difaaca uu soo booqday suuqa magaalada, Isbitaalka magaalada, xarumaha Dowladda sida Saldhigga ciidamada Booliska iyo xarunta Maamulka Gobolka Gedo.

                                                   Dhammaad

Xafiiska Xiriirka warbaahinta ee wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

 

 

Photo By Maxamed C/qaadir Daahir

Readers Comments (72)

  1. ina osman says:

    Mashaa ALLAAH Wasiirka gaashaandhiga cimrigaaga ALLAHA sheereeyo waa wasiirkii bilaabay in Wasiiradu ay Gobollada Dalka tagaan xukuumadii Farmaajo haddana waan u jeednaa ILLAAHAY waxaan uga baryeynaa isaga iyo wasiirada sidiisoo kale ah in ILLAAHAY sharka ka qabto AAMIIN. wasiirada kale waxaan ka rajeynaynaa in shcabka la dhaxgalo si kalsoonidooda loo helo waayo shacabku waa daalay malabaan wasiirka Gaashaandhiga iyo saraakiisha Xooga dalka iyo dhamaan ciidamada Xooga dalka ALLAHA GUULEEYO INSHAALLAAN AAMIIN>

  2. wadani says:

    asc guuuuuuuuuuuuuul fiqi waaaa nin wadaninimada ay ku weyn tahay waaaana nin hawl kar ah guuuuuuuuuuuuleyso wwadna ku mahadsan tahay booqashadaaada garbahaarey

  3. Mohamed Osman Abdi says:

    MAASHAA’ALLAH HOR ALLAH HAKADHIGO WASIIRKEENA SOOMAALIYEED SXB HANIYADJABIN SOOMALIYA WAA AY GUULEYSANDOONTAA HOWLKAR NOQO WALIGAA SHAQADAADANA LABANLAAB

  4. ahmed says:

    asc guuul sidaas waa sidii lagu doortay wasirka waana shaqadiisa mashaa laah ayaan dhehenaa sidaasne cidamada x/d/s/ meel walaba eey cadawga ka xureyey ku booqo niyadoonane dhis agayane alaha guuleeyo waa sharaftii dalkena in eey ka xureeyaan cadawga somaliya ku soo duulay ee alsheydaan sidaas in la dhaho ayey mudan yihiin ku waas waa alsheydaan maha alshabab dowlada alaha guuleeyo aaamiiin

  5. MAAAASHALAH AAD AYAAN UGU FARXAY XAQIIIIQDII SIDA GEESINIMADA BADAN OO U DHAQMAY WASIIRKA GAASGAANDHIGA DOWLADA SOMALI MUDANE CABDI XAKIIN WAAA MUWADIN SOMALIYEED OO BOOSKIISA SI SAX AH U SOO BUUXIN KARA ALLE HAKU DAYSTO AYAAN LEENAHAY

  6. Aadan Geele says:

    Booqashadani hal shay un bay cadaysay “Fiqi in uu yahay nin aad u qadarin badan oo aan ku jirin isla waynin” Waxaad arki kartaan sawirada sida uu labadiisa gacmood ugu salaamayo dadka shacabka ah ee suuqa joogo”. Meeshi uu lakulmi lahaa madaxda degaanka oo kaliya, wuxuu aaday suuqa sida uu shacabka ah u tuso in ayaga loga shaqaynayo sidii noloshooda loo hormarin lahaa. GUULAYSTA, insha Allah, ayaan leeyahay wasiirka iyo bahda warbaahinta Qaranka.

    • sidow says:

      aadan waa runtaa sxb waa inta madaxda soomaaliyeed maanta looga baahan yahay inay hantaan kalsoonida shacabkeena diif iyo daryeel xumada la liicaya Fiqi allaha dhawro waa “role model”

  7. guulaystayaaloow gediga horay u wadaa horey u wadaay

  8. mahad says:

    mudane wasiir wad ku mahad santahay shaqada adag ee ad dalkada u hayso ilah hakula garabgalo aaamin bahda wariyayashana waxan leyahay sido kale mahadsanidiin

  9. burci says:

    maasha allah ilaaahay dowlada guul ha siiyo aaamin xaalada meel fiican ayaa marooysaaa

  10. Masha alah wadaw lad xal radis ah e ilahay ha u fududeyo u marad helida dalka

  11. batrry says:

    ya salam fiqi wa nin culus hussein arab ise iyo fiqi waa 2 kala daran geesiyal ma sha alah sida ku wadaaftr 4 yrs waa waxa so labn doona shekh sharif iyo carab ciise

  12. arlaadi says:

    fiqi geesi iga dheh noolow wiligaaaaa

  13. ducaysane says:

    mashaa alaah c/xakiin fiqi aloaha kula garab galo hawsha aad qarankaada u hayso
    guulaysta ciidamada qalabka sida Gedo ka dhawray dhiigyacabyadii al shayaadiin
    waxaan ajaynayaa wadankena inta ay kaga harsanyihiina waa laga xoraynayaa insha.araxmaan

  14. aweys says:

    geeesi iga dheh wasiirka rag rag dhalay iga dheh wadani wadani dhalay iigu dar fiqi wasiir dxs dhaman tood isha dhinaceeda fiican eey kugu fiirihaayaan shacbigana qalbigey kugu dirsadeen shaqadaada haay sida aad u wado u wadrafaadka aan ka baxneemaalinta eey umadda somali rafaadka ka baxaa maalintaa aad kasee shaqada aad umadda u qabatay fiqi guuuuuuuuuuleyso

  15. wooow wasiiir kudayasho mudan fiqi sidaas waaye sida shacabka kalsoonidooda lagu helilaraaa waa in wasiirada kale dadka dhexgalaan waa in howsha la laban laabaa ogaada taariiqda waxeey xustay cidii dadka raacaan ayaa guuleysata waligeeed!!!!!! aaad ayaad umahadsantahay mudane wasiiir

  16. salaan sare kadib wasiirka gaashaandhiga soomaaliyeed wasiirkrenow sharaf sharaf dhaaftay ayaad mudan tahay reer gedo waa dad soomaalinimada u bisil runtii waa dad soomaali waligood raadiya walaalayaalow sida aad hormuudka ugu tihiin sii ahaada soomaaliyi waa isku mid insha allahu wayna isku xirmi doontaa ilaahow karaamadii noo soo celi

  17. sanaag boy says:

    warninkan waa mujaahid walee shabaab meel buu saari doona cabdikariin xaaji fiqi nin qosla maaha alshabaab waa yaqaanaan

  18. Baahalow says:

    Mahadsanidiin Raadiyo Muqdisho Heesta Xusuusta leh ee Garka iyo labada Loow Iyo Codkii Macaanaa ee Seynab Xaaji Cali Baxsan Iyo Hobollada Waaberi, Waloow aan aad u jeclaan lahaa inaad Umadda u Sheegtaan Abwaanka Heesta Curiyay iyo Mulaxanka Laxanka u saaray: abwaanku waa Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Sangub, Laxamiistaha ma Hubo, Walow aan Sheegi Karo Lead Guitaristaha Guitarka Macaan Tumayo Laakiin idinka aayaan idiin Daayay, Fadlan Abwaanada Heesaha Taariikhiga ah Tiriyay Ku xuso webka iyo idaacadda

  19. Jaamac Jibriil says:

    Mr,Fiqi waa nin yaqaan mas’uuliyadda weyn ee uu qaaday,una dhaartay inuu daacad ugu shaqeynayo dalkiisa iyo dadkiisa.
    Waxaan ka sugaynaa inta ku hartey gacmaha khawaarijta in is dhaqso ah looga saaro,iyagana cagta la mariyo.
    Guul ayaan u rajeynayaa geesiyaasha XDS.

  20. mohamed says:

    mudane wasiir marka horre asc marka labaad alaha kugu guuleeyo shaqada aad wadankeena hooyo u heyso waan ku faraxsanahay inaan arko adoo tuute watta

  21. Cadaado says:

    ASC, dhamaantiin, iyo shaqaalaha idaacada Radio Mogadisho.
    Waxaan leeyahay wasiirka gaashaandhiga waa arrin wanaagsan in aad u tagto ciidamada Gobolada, oo aadna ka warqabto. Tani waxeey niyada u dhisaysaa ciidanka Dowlada ee Gedo joogo. Ilaaheey shaqada fiican ee aad heysid hakugu guuleeysiiyo.
    Waxaan kugula talinayaa jaale wasiir, in aad bal fiirisio sida ugu macquulsan ee dhalinyarada iskuulada iyo jaamacadaha dalka mudo 10 usbuuc oo natiaonal service loogu sameeyn lahaa, ayadoo la barayo “basic combat training”, kadibna 10 usbuuc oo kale oo eey volunteer uga noqdaan ciidanka uguna shaqeeyaan dhisida “infrastructure” dalka sida jidadka iyo “sewaga system” biyaha iyo wasaqda oo dhulka hoostiisa la marsiiyo.
    Arrinkaan waa la qaban karaa, iyadoo wasaaradaha iyo iskuulada iyo madaxdooda lagala tashanayo. Mida kale, ciidanka markii eeysan dagaal amaba furin joogin, waa in ayagana sida “army corps of engineering” eey wadanka wax ka dhisaan. Viva Somalia.

  22. sidow says:

    ilaahay haku dhawro Fiqi waa kaas WADDANI, soomaaliyeey halla taageero dawladda, maanta ayay taaagan tahay soomaaliyeey tooosoo. ma jirto dhiirri galin ka sarraysa oo askariga naftiisa u huraya dalka oo furinta ku jiraa uu heli karo. “booqasha W. Gaashaan dhigga”

  23. ciise says:

    wasiirka gaashaan dhiga iyo dawlada soomaaliya illaahay ha bara keeyo shaabyo kuwa canka madoow ee catirta u eg watana illahay ha naga qabto maanta guul ayaan haysanaa iyo dawladnimo iyo calanka baluuga ah illahay hanoo barakeeyo aaaamiiin

  24. Jaamac Jibriil says:

    FIQI, waa madaalaha Golaha wasiirada.
    Howl culus ayaa hortaal,Alloow u fududee.
    Waxaan leenahay taxadir weyn samee,amaankaaga ha sugnaado.

  25. dahir says:

    C/xakiim waa geesi garanaya waxa la gudboon iyo shaqada loo igmaday oo ah inuusan seexan habeen iyo maalin ilaa XUDUUDKAYAGA aan xirano uusana soo galin shaqsi ama wadan aana raali ka ahay canaasiirta gudaha iyo kuwa debada ka soo duulayna laciribtiro HA SEEXAN SXB 10 MILYON OO QOF BAA KUGU JEEFTA OO WALIBA AAD U DAYACAN. GUULAYSO WAANA KU GARABTAAGANAHAY

  26. asc dhaman shaqalaha redio muqdisho…………ee maxan raba inan u sheego wasiirka abdihakin hajji fiqii. sedo u muqday gawalada dalka in u oo buqdo kismayo ee uu so arko ciinka somaliyed ee jogo jubbaland state ………..because the reason i am saying that kismayo is a part of somali……..and till now no one visit to kismayo and see the people living their if thay need assistant or medical ….the minister of devence i would like to remaind u that?????

  27. Wadani says:

    Allahu akbar wadankeena wuu hagaagay somalia insha allah2014 waxay noqoneeysaa dal hormor leh oo xor ah oo nabad ah waxaan mahadaas iska leh allah inta kasoo hartay waa farmaajo,fiqi,carab ciise,shariif,xasan shiikh,dhagabadan,gacmaduule,iyo dhamaan intii ololahaan ka qeybgashay

  28. hambalyo hamblayo waxaan salamaya wasiiraka iyo cashabka gado dhamaan habalyo waa in ta tayeyo ciidanka qalabka sidah waa inay ka xoreeyaan gado qawariije

  29. Siciid daahir says:

    Hadaa nahey bulshada fiqi wuxu noga yaal meel fog wuxuna la mid yahey halyey farmaajo shaqadisana cadowga umada somalia rali kama aha marka waxan leyahey fiqi iyo inta lamidka ah guuleysta

  30. mahad says:

    waa waxlagufarxo oo aad u wanagsan

  31. I love SOMALIA says:

    Fiqi nin qadarin badan waan hubaa inuu shaqadiisa ka guul gaari doono hadduu garab helo lkn far kaliya fool ma dhaqdo somalida maanta waxaa la gudboon wada jir iyo wax qabsi dunida wey naga tagtey jiifka ka kaca somalaay waad aragteen muuqaalka magaala madaxda gobolka gedo uma qalanto muuqaalkaas sharaf ayaa u sugnaatay mudane c/kiin sida uu u qadarinayo shacbkiisa ayaan ka dareemi karnaa somalia ha noolaato

  32. yusuf omar says:

    masha allaah alle ha noo xifdiyo waa nin dalkiisa dacad u ah

  33. Mohamed says:

    Waa wasiirkii bilaabay in Shabaab laga xoreeyo Xamar, Xukuumadii Farmaajo.

  34. abdiqaaliq says:

    masha allah waa guul alliyo mahad gobanada inoo kacay guusha noo horseedoow guleeysta waligiin.

  35. ardey says:

    Maasha allaah waan ku faraxsanahay in aan aragno wasiiro kasban kara kalsoonida shacabkeena daalay , ee soomaaliyeed .
    Dadaal , waad u qalantaa booskaaga e .

  36. hamse says:

    heesta magaceeda yaa iisheegi kara walaal

  37. Maxamed weli says:

    MAsha Allaah, ayaad ugu faraxsan ahay inaan fiqi uu wasiir inoo ahaado, waxaan dooneynaba in badan waa asaga. Allahayoow nabad geli. aamiin

  38. jubbagirl says:

    masha allah nabad iyo caano somaliya guuuuuuuuuuuul hormar gedo hooyada jubaaland viva jubbaland hal mamul insha allah

    • abdikhadir says:

      Aduun. Somalia guul iyo sheekada raqiiska Ethiopia iyo Kenya lagusoo dhoobdhoobayna ee Jubbalandna waan rabaa isku meel magalaan.

  39. Sh.Amiir says:

    Mashaa Allah waa waxaan sugaynay oo aan horayba kaaga baranay waana hubnaa in ay soo jiidatay indhaha shacabka iyo Ciidamada qalabka sidaba talaabada geesinamada leh ee aad qaaday Alle ha ku xifdiyo amiin.

  40. Mohamed says:

    wasiirka gaashaandhiga waxaan rajena in uu noqdo wasirr taariiqda baal dahab ah ka galo , waa wasiir howl kar ah , daacad ah , ajir illaah haka siiyo . thnks radio muqdisho .

  41. fiqi waa muwaaadin dhab ah rabana in dalku uu dhibaatada ka baxo marka walaan leeyaahay allaha kula garab galo mr fiqi wasiirada kalana allaha tuso wanaag aad adigu aragto mudane wasiiiiiiiiiiiiiiir

  42. heersare says:

    wasiir fiqi waa geesi wadani ah , waa nin xoreeyay xamar xukumadii farmajo hadana waxa shaqadan loogu so celiyay waa inu u qalmo oo uu yahay ninka kaliya ee kasoo bixi kara shaqadana , waana ugu hambalyeynaya shaqada culus ee uu hayana illaah hala garab galo . cadawgana allahh ka xifdiyo.

  43. waa wax loo bahanaayi oo lagu faraxo waana guul

  44. ahmed ibrahim says:

    heetan iyo codkii macaanaa fannaanadda caanka ah ee saynab xaaji cali waxay isoo xusuusiyeen waayo waayo iyo waqti.waadku mahadsantihiin radiyo muqdisho.

  45. yahya says:

    waa wax loo bahanaayi oo lagu faraxo waana guul

  46. Yuusuf cabdi xaaji says:

    cabdi xakiin fiqi waziirkeena gaashandhiga ee sharafta naga mudan taariiqda aa ku xusi doonto howl wanaagsan inaad qabaneeyso shacabkaaga aa marqaati kaaga ah ayaka ayaana ku garab taagan qurbaha waxaad kala noqotay maamul wanaag thanks again

  47. jama says:

    asm ascm guul guulsayta ciidan keena dhan guuul guuul

  48. barre says:

    somalia guuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuul guuuuuuuul ilaahoow dabada aan rabno deg deg nagu gaarsii waan ku farax sanahay maanta in somalia inta badan dowlada gacanta ku heeyso somalia ha is raacdo cadawgeedu ha jabo kala qeeyb sanaanta somalia kii ku farxoow cagta ka hoos alle ku geey awooda dalka iyo sharaftu waa mid nimada umada somalia

  49. saliha says:

    SC AAD IYO AAD AYAAD U MAHADSANTIHIIN RADIO MUQDISHO WAXAAN SALAAMAYAA CX DALKA SOOOMAALIYEED MEEL WALBA OO AY JOOGAAN WAXAANA URAJAYNAYAA GUUUUL WAXAAN KALE OO AAN HALKAN SALAAN QALBIGGA KA SOO GODAY KU SALAAMAYAA FANAANADA WEYN SAYNAB XAAJI CALI BAXSAN MEESHII AY KU NOOSHAHAYBA ALLAHA XAFIDO AAAAAAMIIIN

  50. Abdulkadir says:

    Raadiyo Muqdisho waad mahadsan thiin sidaa ku sii wada heesaha ciidamada Fadlan Barbagaadhada waa dagaal sii wada baraarujinta heesaha sidan loo kale mahadfsaniddin

  51. mohamed says:

    ASC awalan waxaan halkan uga mahad calinayaa allaaaah mida labaad waxaan mahad gar ah siinayaa wasiirka difaaca mr fiqi aad ayaan kuu taagersanahay wayo waxaad tahay wadani qaali ah ee cadawga allah hakaa qabto sida qiimaha leh aad u dhax taagan tahay shacabka walaahi waa mid qaali ah arintas waxaan kuleeyahay jir oo jog mr fiqi siqaas aha yaan kuu taagersanahay asc

  52. saafi says:

    Asc fiqi waa fogaatay haddaad gedo tagtay laakiin tag meelaha kale oo booqashada mudan, laakiin waa looma dhama sidii caadada ahayd farbaa ku godmaysa booqashadaada maxaa yeelay dhulalka dhan oo somaalida wey u baahan yihiin in la soo booqd laakiin ninkii soo booqda kaliya dhulka madaxdu ka soo jeedo waa qalad wabilaahi eawfiiq

  53. aaaaaaaaaaaaah aaaaaaaaaaaaah yaaa salaam ilaahoow xifdi cidaan ka xooga dalka somaliyeed wasiirkana waxaan leeyahy adeer macaan noloow wadanka adaa iska leh anagana waan ku dageeraynaa hadaynu nahay ardada somaliyeed ee sudan masha’alaah wasiir niyada farxda ayaaan kugu haynaa mar walbo ka warqab cidaanka mushaarkooda adigana jamanadii ayaan kuu rajaynaa in ilaah abid kugu waariyo adeer

  54. wiilsomali says:

    jUBALAND WAX LAYIRAAHDA MAJIRAAN EE ISKU XISHOODA ADOONTA MAAMULKA AY WADATO SOMALIYA AMA SOMALI MA MATALO,HADII AY SOO CAGA DHIGTAAN DHULKEENA DHIIGOODA WAA BANAAN YAHAY.

  55. abdinasir ahmed says:

    wasiir guulayso angana waan kutaageerayna

  56. ibrahim axmadey says:

    MAASHAA ALAAH GASHAN DHIGOW GUUL BAAN KUU RAJEYNAA

  57. gureey89@hotmail.com says:

    masha alah ma ulka sare hanolado ayan leyahay somaliyana hajirto oo hanoolato oo ha isracdo alahana nagadhigo kuwii xalka somaliya halmeel ugasowada jeesta

  58. qaliifo abdi says:

    waaaaaaaaaaaaaaaw masha alah wasiir kena sharafta badan waxaaaan lehay guleyso waliga guushana adaale inshalah anagunu waxaaan nahay dad kula garab joga duco iyo dadaaaaaaaal intaba gushana somali ayale cadawgada alaha qabto shacabka somaliyeedna waxan lehay hada gadib haku fikirina iney shabab idiinso naqdan oo eey gowracan qofdanbo somali ah

  59. said dheer says:

    gaashaan dhigoow guullaysta geesiyaasha qarankoow garabkiina midig iyo gacantiina bidix goobtii aad joogtaan guul ku hantiya

  60. maxamed waqooyi says:

    Wasiirka gaashan dhiga waa nin aad iyo aad u dadaalaya xilka uu hayo lama fadhiyo , sidii kuwii hore. Kani waa ka duwan yahay waxan uu u shaqeenayaa sida dawladaha waaweyen side NATO oo kale waxa uu jecelyah xilka uu hayo inuu ka soo baxo , oo dhamaan dalka nabad galyo ku soo dabaalo .
    Meelo badan ayaa laga dareemayaa hawl qabadkii x.d.s .Hawosho ma dhameystirna waa biilow waxa soo socta maalin lugu xusidoon dalkoo dhan lawyacado ilaa raaskabooni ilaa raas caseer ,waxa aan hada ugu habal yeenayaa fiqi geesi dadkaag iyo dalkaag ay kugu nastaan noq wasaam caykum.

  61. abdinuur said says:

    gaashkayagoow guulaysta

  62. barre says:

    asc dhamaan akhyaarta war heedhaha anigu wax aan soo qoraba garan maayo waayo somali oo dhan ayaa amaantay wasiirka kaliya in aan faraxsanahay ayuunbaan idiin sheegayaa

  63. muayad ahmed says:

    wasirka gashaan dhiga waxuu mukinayaa dadaal intii karaamkisa w3ana la aragna tilaaboyin ka uu qadayo waxaanu lenahay hadaanahay shacabka hormar muqada ayaa lagaraba insha alaah iyo dadaaldheraad ah intii karaamkaaga wabilahi tofiq wasalaamu calekum

  64. yahya says:

    Fiqi nin qadarin badan waan hubaa inuu shaqadiisa ka guul gaari doono hadduu garab helo lkn far kaliya fool ma dhaqdo somalida maanta waxaa la gudboon wada jir iyo wax qabsi dunida wey naga tagtey jiifka ka kaca somalaay waad aragteen muuqaalka magaala madaxda gobolka gedo uma qalanto muuqaalkaas sharaf ayaa u sugnaatay mudane c/kiin sida uu u qadarinayo shacbkiisa ayaan ka dareemi karnaa somalia ha noolaato

  65. ismacil says:

    we thank u radiomuqdisho 4 da good work guulesta inshlh

  66. maska says:

    mansha allahah walahaiwaa sut arinkan




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Wararka

rinkesc1

Rabshado ayaa ka socdo Magaalada Stockholm ka dib markii gaadiid iyo goobo ganacsi lagu gubay xaafadaha ay u badan yihiin Soomaalida

Rabshadahan ayaa dhowrkii cesho ee la soo dhaafay ...
LUULIYO

OGEYSIIS: Kulan loogu arinsanayo qaban-qaabada Xuska 1 Luulyo Ee Magaalada Munich ee dalka Germany.

Waxaa la Ogaysiinayaa dhamaan Dadweynaha Soomaaliyeed ee ku ...
DSC_0432

DAAWO SAWIRADA:- Wasiirka gaashaandhiga Xarumihii uu tagay iyo Madaxdii uu la kulmay intii uu Sudan joogay oo dhamaystiran.

Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane ...
astaanta-warka1

Dhageyso warka habeennimo ee radio Muqdisho

WAR HABEEN 23 05 2013
IMG_8547

Madaxweynaha oo qado sharaf u sameeyay mudaneyaasha Baarlamanka “sawirro”

Kulanka qadada ah ee uu madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ...
safar bye bye

Madaxweynaha iyo wafdi uu hoggaaminaya oo Addis Ababa u dhoofay

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Shiiq Maxamuud iyo wafdi ...
IMG_8322

DAAWO SAWIRRADA:- Munaasabadii lagu xusayay aas-aaska midowga Africa ee Muqdisho lagu qabtay

akhristeyaasheena sharafta leh waxaan halka idinkugu soo gudbineynaa ...
gafoow

Taliyaha hoggaanka iyo socdaalka oo sheegay in la diwaan galiyay dad badan oo ajaanib ah

Taliyaha Hogaanka Socodaalka iyo Jinsiyadaha  Dowladda Soomaaliya Cabdulahi ...
wasiroo_3

Xukuumada oo soo dhaweysay ka noqoshadii mooshinka baarlamaanka kana hadashay arrimaha Jubaland iyo wada-xaajoodka Somaliland “war-saxaafadeed+sawirro”

(Muqdisho, Majo 23, 2013). Shirkii golaha wasiirada Xukuumada ...
DSC01028

Munaasabad lagu xusayay maalinta Umulisada aduunka oo Muqdisho lagu qabtay “sawirro”

Munasabad lagu maamuusayay maalinta umulisay aduunka laguna soo ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka duhurnimo ee radio Muqdisho

WAR DUHUR 23.05.2013
qeybdiid Galmudug State President

Madaxweynaha Galmudug oo ka qeybgalay Munaasad loo qabtay arday ka qalinjebisay dugsiga sare Mudug

Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug ayaa ka qeybgalay munaasabad ...
TubtaToosan1

Khilaafka Al-Shabaab iyo waxa uu salka ku haayo-DHAGEYSO

Muddooyinkii dambe horjoogayaasha maleeshiyaadka Al-Shabaab waxaa soo kala ...
Sawirka 1

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo booqasho ku jooga Sucuudiga.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr.Maxamed Nuur ...
Madaxweyne-xasan-Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay munaasabad lagu xusayay 50 guuradii Midowga Afrika oo lagu qabtay Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyada Fedraalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ...
dibad_ba_3

Dibadbax lagu taageerayay waxqabadka dowlada iyo mowshinkii la baajiyay oo ka dhacay Muqdisho”Sawirro”

Dibad bax balaaran oo lagu taageerayay horumarada iyo ...
Hobyo_view

Duqa dagmada Hobyo oo sheegay in ay wadaan waan waan lagu doonayo in ay xiisad ka dhalan dil shalay ka dhacay ceel huur

Maamulka dagmada Hobyo ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee ...
muqdisho_1

Odayaasha dhaqanka Muqdisho oo soo dhaweeyay mushinkii ay la laabteen xildhibaano ka tirsan baarlamanka

Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka magaalada Muqdisho ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka subaxnimo ee radio Muqdisho

WARKA SUBAX 23.5.2013
Al-Shabaab Awood Daciifid 4

Maleeshiyaad ka tirsan shabaab oo qasaare loogu geystay xadka u dhaxeeya Somaliya iyo Ethiopia

Iska hor imaad geystay qasaaro iskugu jira dhimasho ...
south africa

Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalalka S/africa iyo S/zerland oo soo dhaweeyay go’aankii xildhibaanada ay uga noqdeen mushinka

Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee  ku nool dalalka South Africa ...
DSC03854

Dowladaha Sudan iyo Soomaaliya oo Hishiis Dhanka Ciidanka Xooga ah kala saxiixday :- Daawo Sawiro

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa hishiis Dhanka ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada125

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
astaanta-warka1

Dhageyso warka habeennimo ee radio Muqdisho

WAR HABEEN 22.05.2013
DSC03786

DAAWO SAWIRADA:- Wasiirka gaashaandhiga oo Galabta booqday Meelo dalxiis iyo Xarumaha Sports-ka ee Raacsaan Wasaaradda Gaashaandhiga ee Dalka Sudan.

Wasiirka Gaashaandhiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya  Mudane C/xakiin ...
DSC00908

DAAWO SAWIRRADA;-Sida Ay Shacabku Ugu Damaashaadaan Xeebta Liido Maalmaha Aan Jimcaha Aheyn

Akhristayaasheenna Sharafta leh waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa ...
PM AU (4)

R/wasaaraha oo kulan la yeeshay safiirka Soomaaliya u qaabilsan Midowga Africa “war-saxaafadeed+sawirro”

(Muqdisho, 22, May, 2013) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ...
20130518_141000

DAAWO SAWIRRADA:- Bandhig dhaqamed ay ka qeyb galeen jaaliyadda Soomaaliyeed oo lagu qabtay dalka Turkiga

Bandhig dhaqameed ay kasoo qeyb galeen in kabadan ...
shabaabaaa-620x330

Haraadiga maleeshiyaadka Shabaab oo boob ku haya xoola dhaqatada G/Hiiraan

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku sugan qeybo ka mid ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka duhurnimo ee radio Muqdisho

WAR DUHUR 22.05.2013
naafada

Naafada danyarta ah ee ku nool degmada Dhuusamareeb oo gargaar loo geybiyay

Deeq Raashin gargaar ah  ayaa maanta loo qeybiyay ...
k 1

Bukaanada jiifa cisbitalka Keysaney oo loo qeybiyay deeq lacag ah”Sawirro”

Bukaannada ku jira Isbitaalka Keysaney ee duleedka magaalada ...
kulanka baarlamanka

Baarlamanka oo maanta kulmay iyo mudanayaasha oo dib uga laabtay mowshinkii ka dhanka ahaa xukuumadda

Baarlamanka Soomaaliya oo maanta kulmay iyadoo mudanaayal ka ...
Fiqi

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Oo la kulmay madaxweynaha dalka Sudan.

Wasiirka gaashandhiga xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane C/xakiin Xaaji ...

Tubta Toosan

TubtaToosan1

Khilaafka Al-Shabaab iyo waxa uu salka ku haayo-DHAGEYSO

Muddooyinkii dambe horjoogayaasha maleeshiyaadka Al-Shabaab waxaa soo kala ...
TubtaToosan1

Diinta Islaamku maxay ka qabtaa Dhagarta?-DHAGEYSO

Shareecada Islaamku aad ayay uga dardaar warisay dhagarta ...
TubtaToosan1

Macluushii ka dhacday dalka iyo kaalinta Al-Shabaab-DHAGEYSO

Dabayaaqadii 2010 ilaa  bartamihii 2011-kii Soomaaliya waxaa ka ...

*