Wednesday, June 19th, 2013

DAAWO SAWIRRADA:-Ra’isulwasaaraha Dalka Oo Kormeer Ku Tegay Degmada Balcad Iyo Deegaanno Kale Oo Gobolka Sh,Dhexe Ka Tirsan

Published on June 26, 2012 by   ·   78 Comments  ·   22,866 views

Muqdisho, June, 26, 2012 ———- Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Dr, Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta booqday Degmada Balcad ee gobalka Sh/Dhexe oo saakay gelinkii hore Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen gacan ku heynta Degmadaasi.

Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiweli, waxaa booqashadiisa Degmada Balcad ku wehlinayay qaar ka tirsan Golahiisa Wasiirada, Saraakiil iyo waliba Saxafiyiin goobta loo qaaday.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa dadweynihii reer Balcad si heer saro ah ugu soo dhaweeyay.Iyagoona ka muuqatay farxad iyo hididaalo nabadeed in ay heleyn.

Ugu horeyn Gudoomiyaha Gobalka Sh/Dhexe, Cabdi Jiinoow Calasow, ayaa war bixin ka siiyay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya howlgaladii ay maanta kula wareegeen degmada Balcad ee Gobalka Sh/Dhexe.

“Mudane Ra’iisul Wasaare, maanta waxaa noo farxad ah inaan kugu soo dhaweyno Degmada Balcad oo ah degmadii ugu horeysay ee gobalka Shabeelada hoose ee laga xoreeyay gacantii cadowga ee Al-Qaacidda, waxaa kaloo inoo farxad ah in maanta inoo tahay maalin ciid maadaama 26,June aan u dabaal dageyno xorminadii Gobalada Waqooyi ee Soomaaliya iyo maanta oo aan xureyney Degmada Balcad  oo iyadana ah maalin aan u dabaal dageyno labadaasi farxadood”.

Wuxuu sidoo kale sheegay in guusha maanta la gaaray ay hormuud u yihiin Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Dr. Cabdiweli ayaa isna Saxaafadda kula hadlay goobta, Wuxuuna sheegay in maanta ay tahay maalin taariikhi ah waayo waa 26,June oo aheyd maalintii ugu horeysay ee geyiga Soomaaliyeed laga taago Calanka Soomaaliya islamarkaana ay aheyd maalintii ay xornimada qaateen Gobalada Waqooyi ee Soomaaliya, Sidoo kale waxaa farxad labaad inoo ah in maanta Degmada Balcad laga xureeyay nimankii sharwadayaasha ahaa ee Al-Shabaab, Waxaana mahadaa iska leh Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM.

“Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed waa kuwa difaacaya dalka oo muujinayo wadaninimo iyagoo waliba aan ognahay iney ku shaqeyaan oo ku dagaalamaya daruufo adag laakiin taasi wax caqabad ah kuma noqon marka hore ayayba u diyaar garoobeen iney dalkooda difaacaan oo ay xornimo u horseedaan”.

Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiweli ayaa sidoo kale xusay in maanta ay farxad weyn u tahay in uu imaado Degmada Balcad maadaama markii iigu dambeysay uu yimid Sanadkii 1983 oo uu  jaamacadda Soomaaliya ka qalin jabinayay waxaan marka ku faraxsanahay inaan 31 sano kadib ku soo laabto degmada Balcad ee gobalka Shabeelada Dhexe .ayuu yiri

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa dadweynaha u sheegay in ay soo dhowaatay dowladnimadii taamka aheyd ee Soomaaliyeed oo aan ka baxeyno KMG sidii lagu yiqiinayna Soomaaliya meeshey joogtay la gaarsiiyo, taana waxaa lagu gaari karaa wada jirkeena,Midnimadeena, waxaana la gaarayaa 26,June ee soo socta Soomaaliya oo meel walba xor ah oo ay dowladd taam ah yeelatay, Waxaana Shacabka ula dardaar mayaa in ay la shaqeeyaan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayna garab istaagaan Ciidankooda taas ayaan ku gaari karnaa in dalka intiisa kale la xureeyo.

 

Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-

Yurub                                            +442035190460

USA & CANADA                         +17124327760

Readers Comments (78)

  1. Cebtown says:

    Masha alah gul wa gul

  2. cadde says:

    Waxaan hubaa inuu yahay geesi nafti hura ah, dadka sidaa ah ayaan u baahannahay.

  3. mashaa allaaaaaaaaaah waa guul uso hooyataay umadaa somaliyeed haalkaa kasi wadaa somajeestayaal gaabi ahaanbaa ka xooreeyaa dhuulkaa somaliyeed guul baan u rajeynaa xidaankaa xoogaa daalkaa somalieed

  4. walaahi waa guul taariikh ah maanta wixii ka dhacay balcad aad iyo aad ayay ugu mahadsan yihiin ciidanka xoogga dalka iyo cidamada walalha igaad
    hadi ay maanta balcan xur noqotey

  5. moo says:

    mansha allah
    guuuuuuuuuuuul guuuuuuuuuuuul guuuuuuuuuuuul

  6. Dabar says:

    War waa geesi mudane Shariif iyo mudane Cabdiweli haddii isla markiiba ay tegi karaan dhulka shabaab laga saaray!!
    Bravi

  7. Maxamud says:

    Takfir garabkooda ayaa Illaahay ka baxay. Wallaahi waxaan hubaaa Insha Allah in cinqaab ay la kulmaan kuwaan alqaacida iska ka galay. waxaad ogaataan alqaacido maahan hay’ad islaami ah laakin waa hay’ad gaaladu ugu talagashay inay ku ogaato cadowgeeda, marka kuwa been loo sheegay ayaa iska galaya ururkan oo waxaan jihaad moodaye. waxaadna arkeysaa sadex baabuur oo mid ka mid ah gantaal lagu dhufto drones-ka mareykanka. iswaydiiya markaas su’aasha arrintaas. howlgalka nuucaas waxaa lagu dilaa midka alqaacida isaga soo galay cadiifad uu ku aaminsanyahay jihaad isagoon aqoon ujeedada ururkan ayuuna sidaas ku halaagsamay. marka alqaacida wax badan ka ogahay anigu byee

  8. ibrahim haaji omar says:

    ASC maasha alaahu wlhi aad baan ugu farxay sida eey sharafta ku dheehantahay oo aad inoogu soo gudbiseen sawirada radiomuqdisho
    waadne ku mahad santahiin
    dadka reer balcad oo maanta la xureeyey waxaan lee yhaya cadawgii idin heestey waa la idinka dulqaadey ee la shaqeeya ciidamada xooga dalka somaliyeed oo habeen iyo maalin idin soo jeedi sida eey idin difaaci lahaayeen oo xurnimadiina aad dib u hanan laheedaan waa iga talo intaas
    waxaan ciidamada ka codsanaayaa in eey hore usii socdaan ilaa gayiga somalia laga waayo ihraabta shabaab balaayo haku dhacdee
    mahad sanidiin

  9. uk says:

    guuuuuuuuul ciidamada qaranka soomaaliyeed, teeda kale waxaan ku boorin lahaa madaxda sida raiisul wasaaraha iyo madaxweynaha in ay badiyaan booqashada goobaha laga xoreeyo alqaacidada maxaa yeelay niyad dhis ayay u tahay ciidamada qaranka dhanka kale alqaacidada niyad jab ayay ku tahay, fadlan madaxda waxaan kaloo ka codsanaa in soomalinimada iyo wadaninimo ay tahay shay qaali ah maxaa yeelay nin walba wuxuu dhistay dhunkiisa ee keena in aan dhisana maxaa noo diidaa fadlan adinka ayaan idinka danbeyneynaaye laaluush ha qaadanina ee lilaahi nagu hugaamiya waadna mahadsantihiin

  10. mohamed says:

    asc bahda radio muqdisho waa mahadsan tahiin waxaan aragnaa rajo aad u weyn oo na rali galisay dhamaan qurba joogta wana idin garabjognaa waana soo labaneena

  11. mahada alle ayaa iska leh oo cadawadi argagax iyo jab ku riday.ciidamada xds waxaan leeyahay guuleysta hana ka harina dad qalatada geedkey galaanba guba oo ka dulqaada shacabka dhibka ay ku haayaan.[WAA GUUL ALLE]

  12. wallaahi waan ku farxay qabashada degmada balcad berrina waa jowhar.insha-allah madaxda qaranka oo booqashada ku tegayna waxaan leeyahay waxaad tihiin geesiyaal u dhisaya ciidamada niyada waad mahadsan tihiin sida geesinimada leh ee aad sameyneysaan.

  13. ugass says:

    waa guuuuuuuuuuuuuuuuul!!!!!!!! habalyo cidamada xooga dalkeena.

  14. xuseen maxamad abshir says:

    maashaallah aad iyo aad vaan ufaraxsanahay waayoo waxaa noosharax ah iaan lagaxoreeyay cadawga soomaali yeed doolada soomaali qee aan urajeeyunaa waxaan dhihilahaa waligiin mashacdiin hormar horumar

  15. ilka case says:

    maashaa alaah run ahaantii waxaan oran lahaa mudane gaas wuxuu u qalmaa in mar kale la doorto waa masuulkii ugu wax qabadka badnaa ee soo mara dowladihii kmg ilaa 2000 ilaa hada ilaahay waxaan kuu rajaynaayaa in mar kale lagu doorto aamiin aamiin aamiin

  16. ali says:

    maansha allaaah guul somalia

  17. Baseey says:

    Waxan ad ugu faraxsanaay manta o ah malin uma somaliyed aad ugu muhiim saned hadane ay cidama xdl ay gacanku henta degmada balcad lawaregen aad ayan ugu riyaqay markan eregas maqlay lk mid ayan kula dardarma cidma xdl inay ilaliayan sharafta umada somaliyed yana wax qalalas ah ka aburin dagmadas

  18. Hassan says:

    waa guul u soo hatay UMADA SOOMALIYEED,hambalyo ayaan lee yahay ciidanka XOOGA DALKA SOOMALIYEED waxaan idiin lee yahay ilah hadiinla garabgalo,alshayaadiin ka sifeeya wadanka iyo umada ayay baa,biyeen GUUUUUUUUUUUL AYAAN IDIIN RAJEYNAA

  19. Abdiaziz says:

    Meshiina ka see wada guusha ilaahay ideenla jire waa maalin ay inagu weyn tahay waa maalin calan somali ciida somlai laga taagay shacabka balcad waa dad jecel dowlinamda waana dad marti waligood soo dhaweyn jirey taariikh fug oo dheer ayay leeyihiin shacabka balcad waa inaa gaarb istaagtan cdxdalka somaliyeed

  20. ali says:

    somali nabat ya rabi balcad xudhur teyda aya ku tuugan abaaaaa

  21. Dalka jeclow says:

    Marka waxaan salamayaa raisal wazaraheena iyo ciidank xooga dalka somalyeed iyo saxiibadeen amisom Waan soo dhawaynaynaa xoreynta balcad meelo kalene waan rajaynaynaa in laxoreeyo

  22. jalteey says:

    asc mashaa allah alaylahe waa lalahelay heestaan waa run kani galbay kukale mooyee taas beenmaaha guul cxds raysalwaraanahana wuxuu muujiyay talaabo geesinimo waana waxa loobaahan yahay guul soomaalia guul waa maalin farxadeen maanta 1juulyna waxaan sugaa jowhar oo aan damaashaadno asc

  23. buska xaaji says:

    Maashaa Allaah waa guul

  24. raowal says:

    Masha alah waa guul umada somali yed isoo hogatay waku farax sanahay waw guusha Manta Hoo gotay waye

  25. abdul says:

    mashallah hanbalyo ciidamada dowlada mashallah farxad aaan lasookobi karin ayaaan dareemaaa runtiiii wah wah waleee meshaaaas rag ayaaa naftooda u huray dalkooda mashaaallaaaaaaaaaaaaaah guuuuul ayaan idiiin rajeynaa cidamadeena

  26. cali sinaay says:

    guuuuuuul waxaan ahay wadani mana hilmaami karo dhibaatada ey shacabkeena weyna i dhibeysaa dhimashadoodaa ileen waa somali waxaan ka codsanlahaa iney isa soo dhiibaan dhalinyarada la marin habaabiyay waxaana ka codsanayaa muungaab maxakada cqs iney si wanaagsan eey u shaqeyso xasan daahir godane roobow cali dheere inuu ku qaado maxakamad adigaa naga masuul ah mungaab nooloow shacabka waxaa tustay kalsooni i love may dalkeyga iyo dadkeygaba guuuuuuuuuuuuuuuul horseeed

  27. ismail says:

    waa guul u soo hootaya qaranka iyo umada somaliyeed hambalyo ayaan leeyahay dad xoog lagu heestay ayaa laga dulqaday

  28. Guuul mudane gaas iyo golha wasiirad ee manta tagay dag mada balcad guuul uso hoyatay umad somaliyeed shacabka waxan leyaha halo sojesto sidii wadanka loga xuren lahaa melishiyadka nabad diika waxan urajenaa cidanka qalbaka sida alaah ha idiika dhigo kuwi xureya wadkii oo dhan guul guuuuuul

  29. Nawaaal says:

    Masha alllaaaaaaaaaaaaaaaaaaah walee sanadkii hore iyo sanadkaan kala farxad badan aloooooooooow inoo siyaaadi amiiin guuuuuuuuuuuul CXDS alow idin xafid oo cadowgiina idinka guuley amiin

  30. nuuradiin says:

    masha allah ALLE aya mahad iska leh oo naga waday cadawgi lkn cidanka qaranka waxan ka codsanaya in ay magalada dhexgalin dadka deganka haloo adegsado shayadinta wey dhib badanyihiin waa naf lacaari shacabka dhexdisa ayey isku qarxinayan ama bam ka so turayan ee halaga digtonado ALLE garabkiina hagalo AAAMIIIN ayagana garabkooda aya ALLE kabaxay waayo waa murtadiin wa mahadsantihiin idaacada qaranka R/muqdisho

  31. Gul rer balcad waxan oranlaha waxad ku daysatan rer muqdisho sida ay gacmaha isku qabsaden adinkana isku qabsada cxdka lashaqeya

  32. axmed cali says:

    mashallah

  33. waaw maashaa alaah sooma jeestayaashii balcad wayqabteen erya buriya oo hakaharina oo jaanis aykunastaan xitaa udiida qawaarijta guuuuuui

  34. AbuAnasAlKownayn says:

    Mujaahidiintu CXD iyo Amisom horay ha u sii socdaan ilaa wadankeena Soomaaliya ka sifeeyaan qawaarijta Alqaacida al murtaddeen

  35. khadar, says:

    MAANSHAA ALAAH, ALE AYAA ISKA LEH MAHADA, IYO CIIDANKA QARANKA SOMAALIYA, GUUUUUUUUUUUUUL

  36. Yarka says:

    maasha aallaah waye iinsha allaah jowharna waa la qabanaa ciidanka qaranka somaliyeed ha guuleesto

  37. axmad says:

    waa farxad

  38. axmad says:

    malin taariikhi ah ayeey ku soo aaday
    mashlaaaaah

  39. Kulmiye says:

    Masha Allah Baraf Aa imaraa warkaan Aan u bukaa balcad Aan u bagaa Bari mahadayo meer taqwaan rabaa maalinta xigta marka iyo kismaayo marka idlaatay xaajaduye madaxweyne Aan dooraniyo meel gaar ka gudubkiisa iyo martida aduunkoon Muqdisho kuqaabilnaa mowlaan kabaryernaaye maangaabtay quuso

  40. jamal007 says:

    wa guuul isnaha Allah beri wa jowhar

  41. abdirahman a says:

    waa guul weyn oo usoohooyatay soomaaliweyn. guuleeysta ciidamada qaranka iyo walaalaheyn amison. waxaa noosoo iftiimay astaan nabadeed iyo midnimo qaran. waxaan leeyahay guuleeysta geesiyaalka naftooda uhuray xoreynta shacabka soomaaliyeed.isnha allah waxaad taariikhda kagaleeysaan bog cusub oo lagufarxo.

  42. cumar suufi says:

    qeeyr waaye insha allah, nimankaan beenta inoogu shubay dhihi jiray ramadaan waan jihaadeeynaah yeey kujihaadayeen umadooda masaakiinta ah iyo dhulka allaah ay ku ciyaareen iyaah markaaseey qalbiga inoo dhiseen laakiin alxamdulilaah waxeey noo muuqataah doowladeena ineey taas garatay guushuna waxey kujirtaah doowladoo garatoh maxey doowladi ku tahay ciidankana gartoh muxuu hubka u qaatay uu ciidan ku yahay abshiruu bishaareestah soomaalaay diin ku ciyaaraayaashii tageen alloow ku jabi ciidanka soomaaliyeed qeeybihiisa kala duwan madaxweeyne iyo raiizal wazaare good jobs ismaqla isfahma isku dulqaatah isku sabrah isna saamaxa qalbigana isku furah waa uun iga talo maahine walaahi wax kale maka wadoh soonkaan qeeyrkisa waa soo muuqday allaahu akbar walilaahil xamd

  43. liban says:

    geeeeeeeeeeeeeeesi abdiwali sxb hore usi soco an ku dhahay.ilaa jowhar masha alah

  44. A Black says:

    waa guul alle aan u sare kacno madaxdeena iyo ciidamadeena
    waxaana noo balan ah JOWHAR iyo warshadii sokorta.

  45. baydhabo says:

    guul waa guul waa guul mahad ilaaahay ayeey u sugtaatay bacdi ilaah waad ku mahadsantihiin ciidama xooga dalka mada kale waxaa u mahadcelinyaaah xukuumada oo dhan waxaa tihiin kuwo taariikhdu xusidoonto insha alaah guuleesta guuleesta kuligiiin waan inii riyaaqnay

    l

  46. masha alah says:

    masha alaha guuuul waa geesi wlh bakoorad ayuu wataba

  47. waan guul somaliya u soo hoyatay mahan mid reer balcad u soo hoyatay
    ee farxada waxaa ay kuu sooo begmay malin aad u farax badan oo ah milin calanka soomaliyeed laga taagay ee 26 juun
    waa guul

  48. liibaan says:

    ASC WAXAN HALKAN KASALAMAYA UMADA SOMALIYED DHA MAAN WAXAN SI GAAR AHAAN USALAMAYA CIIDAMADA XOGA DALKA WAXAN UGU HAN BALYEYNA GUUL GUUL ILAH HA IDIN KA DHIGA KUWI HOSHOODA GUTA WALAHI AD IYA AD AYAN UGU FARXAY GUULAHA EY SOHOYNAYAAN CIIDANKA XOOGA ILAH HA IDIN BARA KEYO AYAN LEYAHAY HANBALYO HANBALYO WAXAN REJEYNAYA MALMAHA SO SOCDA GOBOLKA DHAN INOOW XUROOW UMADAN EY SO JESATO HOROMAR NABAD DHAMAN UMADA SOMALIYED MADAXDA CIIDANKA GUUL GUUL AYAN IDIN LEYAHAY SIWADA HOWSHIINA HAKA NIYAD JEBINA SHACABKA SOMAIYED KABAD BADIYA UMADA ANAN DIIN IYA WADANIYAD ANAN GARANEYN ASGERIGI IS KU DAYA DHAC IYADILNA KUUKUMA DIL KASI WADANI MAHAN WAXANA MA INOTARAYO GUUL GUUL

  49. nuur faarax ciid says:

    waa guul umada somaliyeed u soo hoyatay insho alaahu wqaa guul gulaysta xooga dalkoow

  50. wadani says:

    Masha alah cidankeygiyow alle garabkina hagalo gesiyal aya tihin mar walba radiyaha ayan dhegta kuheyna waxan kuraxeysa qasaraha iyo jabka shababka sogarayo guleste weligin

  51. WiilPuntlander somali jecel says:

    Gaasow waxaa yahay geesi diiran gardaradda nacebow Guumaystaha la dirira.Guule waxaan ka tuugaa in khawaarij gabalkoodu dhaco, Waan u tahniyadaynayaa shacabka somaliyeed waxaana leeyahay waxaa idiin nool rag ka dhiidhiya cadaawaha dhiigaadana u qumabaya qaeannimadda iyo dowladnimadda somaliyeed.Khawaarij kii ahoow ka soo har gabalkoodu waa dhacee dulmi diidow la dirir daacad noolow la dirir dila oo dila eyda naarta dila oo midna haka hadhina

  52. mudane lpf says:

    asc shacabka soomaaliyeed waa guul ee halutaageero ciidanka qaranka soomaaliyeed wayna siiwadi doonaan wan rajeeyneenay guushan masha allah

  53. Abdulahi says:

    maaaaaaaaaasha allaaaaaaaaaaaaaaah allllow adaa mahad is kaleh

  54. waaw waa wax lagu farxo maan sha allaah aloow guuleee ciidamada dowlada waxaan aad ugu faraxsanahay een raysal wasaaraha oo geesinimo muujiyey maan shaa allaah waa wax lagu farxo

  55. wiil says:

    alla ayaa mahad leh marka hore, marka xigtana ciidamada dhiigooda hurey. alle waxaan waydiisanayaa in khawaarij iyo mabdaoodaba naga saaryo umaddana fahamsiiyo.waxaan dawladana ka codsanaa labo arin haday suurto gal tahay midda koowaad shaqaalaheeda inay laaluushka kala dirirto midda labaad in ay ciidamadeeda isbaarada kala dirirto,haddii intaas lahelo khawaarij waa ku daysay, maxaa yeelay nabada waa dilaaga alqaacidda dhibaatadana waa ku kobcaan, sida wasaqda uu cayayaanka uga dhasho ayay iyaguna dhibka iyo colaada uga dhashaan

  56. Abdulaziz says:

    Assalaamu Calaykum,
    Waxaan leeyahay ciidamad XDS haka daalin in aad waddankiina ka xoreysaan cadawga, Umaddana uga gargaara dhibaatada
    WSC

  57. muhanad hassan says:

    waan soo dhaween xureentA Balcad waan ku faeaxsanahay hambalyo ciidanka xooga waxa ugu hambalyeenaa 52 ka soo wareegtay xurnimada

  58. ahmed khadar says:

    alllow adaaa mahadas leh nimanka shedan shapapa. Wadankii waa iskega qulqulan waxana u mahad celana cidamada xooga dalka somaliyeed naftoda u hura mida kala manta hadii madaxdea somaliyeed imana mesha oga alxamdulilah

  59. mareergur says:

    waaguul mashaa allah radiyo mogdisho waad mahadsantihiin ee sawiro badan noosoosawira fadlan ciidanku haguuleesto dadka udhashayna haloodhiibo talada balcad siloociribtiro cadawga sooduulay eeshisheeyaha ushaqeeya guuuuuuuuuuul guuuuuuul guuuuuuuuuuul ggggggggulllllllllllllllll

  60. Abdulahi says:

    aaway jihadki ay shegi jireeen ma in amisom daba loojeediyo ayay diinta qabtaaa suratul anfaal ayaad kujirta ayaa ah muslimka haduu gaalo dhabarka ujeediyo abalkiisu waa narta jahanama, xarfanta al shabab sxyalow xiligiina wad qadateen maqayadana wey idinka xirantay ee umada hadhibine isi soo dhiiba waa ley dinka rayay shacabka ayaana idinnacay wad ogtihiin , guul ayan leyahay ciianka qalabka sida. this is sweden.

  61. salaanio says:

    hambalyo ciidanka xooga dalka somalia masha allaaah somali hanolato somalia ha,israacdo

  62. geast says:

    WAXA AD UGU ILMIYAA MUJIRMIINTII DIINKA KU QARAABANAYA IN ILAAH DHAFIYAYA MASIIBADI DADKA HADA NALKII U IFIYA
    ILAAHOW IDIN GRGAARE DHALINTA RADIO MUQDISHO ILAH HA IDIN XAFIDO

  63. osman says:

    maasha alaaaaaaah guuuuuuuuul guuuuuuuuuuul somalia ha noolaato ha jirto ilaah waxaan ka baryaa sanadkaan sanadkiisa inaaa kuli xor noqoto insha alaaah kuligiin aaamiiin dhaha

  64. daadir says:

    allow khawaarijta iyo rayigoodaba nagasaar dowladnimo iyo nabadna nagaarsii ciidankeenana allow nooxooji qabyaaladana allow naga tirtir

  65. mustafe yare says:

    masha allah dowladeena ha noolaato cadowgrrduna ha jabo insha allah

  66. King says:

    MAASHAA ALAAH QOFKA HOGAAMIYAH WAXAA LOOGA NBAAHNYAHY GEESINIMADAAN OO KALE WAAYO CIIDANKA NIYADA AYAA U DHISMAYSA HADAY KU ARKAAN GOOBKASTOO XOREEYAAN MADAXDOODA OO BOOQANAYSO WAAYO ASKARIGA NAFTIISA AYUU U HURAYAA HADII HOGAANKA HOR SOCDO

  67. CUMAR BARRE says:

    Allow Jebi cadowka Khawaariijta ee Shacabkeena duleystay…. WAA GUUL ALLE ….ciiidamadda xaq u dirirka ee DFKMG ALLOW GUULEEY…..magaalooyinka iyo dhulalka weli ku jira gacantaShayaadiinta, iinsha allaah sida Balcad iyo Afgooye loo xurreeyey ayaa iyagana loo xureyn doonaa…GUUL MADAXWEYNAHA…GUUL R/WASAARAHA…GUUL ABAANDUULE DHAGA-BADAN…. ALLOW MADAXDEYNA DAACADA DALKA U AH CIMRIGOODA DHEEREEY,, AAMIIN

    Waa Cumar Barre oo dhul shisheeye ku nacay kuna daalay

  68. Sahra says:

    asc waxaan dowlada kacosanayaa meel walbo oo khawariijta laga xureeyo in gargaar deg deg ah lagaarsiiyo pleaseeeeeeeee madama khawariijtu diideen in dadka macawino lagaarsiiyo meelaha eey heeysteen

    Guuuuuuuuuuuul guuuuuuuuuuuuul xogaa dalka hanooladu

  69. waa guul usoo hoyatay somaali CXD in ay ka cayriyaan alshayaadin balcad taliyayaasha iyo ciidamada geesiyada ah baal dahab ah ayaa la.idinku qorayaa siiwda ilaa aad wadanka dhan ka ciribtirtaan alqaacida guuuul

  70. shariif says:

    faanole farakamaqodno ee waxaan rajeya magaala madax dii joohar oo aaymaqantahay damooyin kii cadale warshiiq mahadaay iyo afarta tuulo iyo wax badanootebaayo guuleeysta guuleeystaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaa

  71. Ahmed Ahmed says:

    waxan ka hadaley casimed Mogadishu way nuurti waxeey heshey nuur badan balsa dadban u cuntemin oo dhib u ku haye,dawlada waxan ka codesanaye in magalada Mogadishu ay u sameso kontro isgos kaste oo waxa loga dhime karo cidamo oo ad iyo ad u hubeysan hada ay hestenqalabka iskarsenta las ku hadalo hadid lahelo baburta waxa qarxiyo way yeranayenwa waa guul usoo hooyatay SOMALIA

  72. jubbagirl says:

    guuuul Viva ciidanka xooga dalka viva AU GUUUUUUUUUL

  73. gacal dhaakul says:

    maashaa allah guuleysta geesiyaasha ciidankeeynow

  74. roble says:

    eebe ayaa weyn asaga ayaa u mahadcelina aniga waxaa ahay wiil somali ah oo dibadda kunool arinkaan aad iyo aad ayuu ii farxad geliyay eebe hakordhiyo guulaha

  75. osman ali says:

    guul guuuulmasha allah ALLOW noo ziyaadi




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Wararka

US-Taliban

Maraykanka iyo Taliban oo Wada Hadalo Nabadeed oo Fool ka Fool ah ku yeelanaya Dalka Qadar

Saraakiil sar sare oo ka tirsan aqalka cad ...
RadioMogadishu_logo

WARGELIN:-Dhageysiga Tooska Ah Radio Muqdisho Ee Internetka Oo Dib Loosoo Celiyey

Waxaan ku wargelineynaa Akhristayaasha sharafta leh ee Websiteka ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada125

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
DSC01330

DAAWO SAWIRRADA:-Shirweynaha Qaran ee Looga Hadlayo Waxbarashada Dalkeena oo Maanta Ka Furmay Magaalada Muqdisho

Akhristayaasheena sharafta lahow waxaan halkan idinkugu soo gudbineenaa ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Habeenimo ee Radio Muqdisho

WAR HABEEN 18-06-2013
Wafdi Baarlamaanka Midowga Yurub 1

Wafdi Ka Socda Baarlamaanka Soomaaliya Oo Ka Qeybgalay 20 Sano Kadib Shirka ACP-EU Oo Brussels Ka Furmay “SAWIRRO”

Wafdi ka socda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa markii ...
Sequence 06.Still008

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Maanta Muqdisho Kulan kula Qaatay Odoyaasha Dhaqanka“SAWIRRO”

Kulanka uu wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ...
DSC06024

Xaflad Loogu Dabaal Degayey Aas Aasyada Dhalinta Ubaxa Qaranka Oo Lagu Qabtay Degmada Wadajir “DAAWO SAWIRRADA”

Xaflad SI heer sare ah loosoo agaasimay oo ...
Sequence 01.Still008

Hay’adda CCD oo Maanta Kulan Lagu Wacyi Galinayo Dhalinyaradda Ku Qabtaya Degmada Kaaraan“SAWIRRO”

Hay’adda wada Hadalka Bulshada ee CCD ayaa xarunta ...
Sequence 05.Still001

Kulan Looga Hadlayay Arrimaha Jubboyinka oo Maanta Muqdisho Lagu Qabtay“SAWIRRO”

Kulankan oo ay ka soo qeyb galeen waxgarad,siyaasiyiin,aqoonyahano,haween ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

WAR DUHUR 18.06.2013
MOBASA

Booliska Kenya oo Mombasa ku toogtay Laba Nin oo Argagixiso ah

Ciidmada booliska Kenya ayaa magaalada Mombasa ku toogtay ...
DSC01420

Ra’iisul Wasaaraha oo Maanta Furay Shirka Heerka Qaran ee Dib-u soo Noolaynta Waxbarashada Soomaaliya:-WARSAXAFADEED+(Sawirro)

Muqdisho, 18, June 20133…Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ...
TubtaToosan Logo

Barnaamijka Tubta Toosan Hal-Abuurnimada Soomaalida

 Dadlkeenna Soomaaliya waxaa uu sanado badan ku jiray ...
Ra'iisulwasaare Saacid

Ra’iisulwasaare Saacid”Waxbarashada waxaan siin doonnaa ahmiyad ka badan gaashaandhigga”

Waxaa 10:30 Barqonimo ee maanta magaalada Muqdisho ka ...
DSC01183

Daawo Sawirradda:- Shir-weynaha Qaran Ee Waxbarashada Dalka oo Goor Dhow Ka Furmay Muqdisho

Waxaa goor dhow maanta magaalada Muqdisho ka furmay ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Subax

WARKA SUBAX 18.6.2013
South-Africa

Burcad Koofur Afrikan Ah Oo Boob U Geysatay Hanti Ay Lahaayeen Ganacsato Soomaaliyeed

Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa boob u ...
Ciidammada Asluubta

Taliska Ciidanka Asluubta Oo Muddo Bil Ah U Qabtay Iney Uga Guuraan Dadka Deggan Dhulalkii Asluubta

Taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa muddo Bil ah ...
astaanta_qaranka13

Shir-weynaha Qaran Ee Waxbarashada Dalka Oo Maanta Ka Furmaya Muqdisho

Shirka dib u habeeynta waxbarshada dalka oo socon ...
wiish

Garsoore Soomaaliyeed oo qabanaya cayaarta furitaanka CECAFA “SAWIRRO”

Garsooraha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Xasan Wiish ...
12

Soomaalida Malaysiya Oo Markii Ugu Horeysay isugu Yimid Dood Wadaag Kana Dooday Dowlad Wanaaga“Sawirro”

Dadka soomaaliyeed ma yihiin dad la xukumi karo ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada125

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
xasan

Madaxweynaha Cusub ee iiraan oo Sheegay in Dowladiisa aysan Joojin Doonin Barnaamijka Nukliyeerka

Madaxweynaha Cusub ee isbedel doonka ah ee Dalka ...
turky

Dowlada Turkiga oo Sheegtay inay Awood Milatari u isticmaaleeyso Mudaharaadayaasha.

Dowlada Turkiga ayaa sheegtay in ay awood milatari ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Habeenimo ee Radio Muqdisho

WAR HABEEN 17-06-2013
DSC01274

Ardada Jaamacadda Plasma oo Maanta Laga Talaalay Cudurka Dabeysha“Sawirro”

Ardayda jaamacadda Plasma ayaa maanta lagu talaalay xarunta ...
CECAFA Referees at a fitness test Photo By Gishinga Njoroge

Garsoorayaal Soomaaliyeed oo si Weyn uga Dhex Muuqda Tijaabo Laga Qaaday Garsooreyaasha CECAFA

Iyadoo tartanka CECAFA Kagame Club cup lagu wado ...
mahdi

Kulan Wadatashi ah ah oo Looga Hadlayo Nabadda Gobollada Dhexe ee Dalka oo Maanta Muqdisho ka Furmay

Kulankan wadatashiga ahaa oo ay soo qaban qaabisay ...
dubad

Ciidamada XDS iyo kuwa AMISOM oo Al-shabaab kala Wareegay Deegaano ka Tirsan Gobolka Hiiraan“Sawirro”

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Afrika ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

war duhur 17.06.2013
Jen.-Cabdi-Xasan-Cawaale-Qeybdiid

Wafdi uu Hogaminayo Madaxweynaha Galmudug oo Muqdisho soo Gaaray

Wafdigan uu hogaaminayay madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi Xasan ...
Gaafoow

Gaafow oo ugu Baaqay Shacabka Soomaaliyed inay Qaataan Baasaboorka Electaroniga ah.

Taliayah hogaanka socdaalka iyo jinsiyadaha ee dowlada Soomaaliya ...
DSC05726

Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo Maanta Kormeeray Goobo ay Socdaan Howlo Nadaafadeed“Sawirro”

Mas’uuliyiin ka titsan maamulka   Gobolka  Banaadir ayaa maanta  ...

Tubta Toosan

TubtaToosan Logo

Barnaamijka Tubta Toosan Hal-Abuurnimada Soomaalida

 Dadlkeenna Soomaaliya waxaa uu sanado badan ku jiray ...
TubtaToosan

Sidee loo heli karaa saxaafad xor ah oo mas’uul ah?

Soomaaiya  sanadihii la soo dhaafay waxaa ka hana ...
TubtaToosan1

Barnaamijka Tubta Toosan talo ka dhiibo-DHAGEYSO

Barnaamijka Tubta saddexdii sano ee la soo dhaafay ...

*