Thursday, May 17th, 2012

DAAWO SAWIRRADA:-Ra’iisul Wasaaraha iyo Xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada oo galabta ciyaar K/cagta uga qeybgalay Xeebta Liido

Published on November 25, 2011 by   ·   74 Comments  ·   13,914 views

Muqdisho, November 25, 2011———-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo xubno ka tirsan golihiisa Wasiirada ayaa galabta ciyaaro Kubadda Cagta uga qeybgalay Xeebta Lido ee degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho, iyadoo ciyaartan uu daawanayay mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen Mudane Cali Mahdi Maxamed oo ahaa Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya.

 

Ciyaartan oo aheyd mid aad u xiiso badan ayna goob joog ka aheyd bahda Warfaafinta  ayaa waxaa wada ciyaaray Koox loogu magac daray Xukuumada oo uu horkacayay Ra’iisul Wasaaraha ayna ka mid ahaayeen Wasiirka, Qorsheynta Mudane C/llaahi Goodax Barre, Wasiirka Warfaafinta Mudane C/qaadir Xuseen Maxamed (Jaahweyn), Wasiirka Shaqada, Shaqaalaha Isboortiga iyo dhalinyarada Mudane Maxamed Muxudiin, Wasiirka Dastuurka iyo A. Federaalka Mudane Xoosh Jibriil, Wasiiru dowlaha W. Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Mudane Siciid Qoorsheel, Wasiirka kuxigeenka W. Arrimaha Gudaha iyo A. Qaranka Mudane C/xakiin Cige Guuleed, iyo Wasiirka kuxigeenka W. Sh. Iyo shaqaalaha Mudane Daahir Xaaji Geelle, iyadoo dhanka kalena ay safnaayeen koox ku ciyaareysay magaca Shaqaalaha Dowladda waxaana ciyaartu ku soo gabogabowday 2-1 oo ay ku badiyeen kooxdii ku ciyaareysay magaca Xukuumada.

 

Ciyaarta kadib, ayaa waxay sameeyeen dabaal waxaana halkaasi lagu qaatay in ka badan labo saacadood oo iyadoo goobtana ay joogeen dadweyne  ka kala yimid xaafadaha degmooyinka ku xeeran xeebtaasi Liido.

 

Ra’iisul Wasaaraha oo bahda warfaafinta kula hadlay Xeebta Liido ayaa u sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu maanta ciyaar kaga qeybgalo Xeebta Liido isla markaana uu ku dabaasho, wuxuuna yiri waxay I soo xusuusineysaa arrintan beri samaadkii oo uu xusay in isaga oo degan degmada Boondheere uu maalin kasta oo Jimce ah u soo dabaal tegi jiray xeebtan Liido,

 

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu waxa lagu farxo ku tilmaamay in xeebtan laga xoreeyey kooxo caddow ah oo u diiday dad shacabka ah inay six or ah ugu soo dabaal iyo ciyaaro tagaan xeebta, maadaama buu yiri ay doonayeen in dhalinyarada aysan helin wax maaweelo ah si ay ugu dagaalamaan kooxahaasi Nabadiidka ah.

 

“Waxaan leeyahay anigoo fursadan ka faa’iideysanaya dadka qurbejoogta ah dalkiina dib ugu soo laabta, keensada caruurtiina xeebtan ku ciyaaro quruxda badan, oo dalkiinana dib u dhisa” ayuu yiri oo intaasi ku daray in intii uu ku noolaa dalka Mareykanka haddii uu damco inuu aado Badda ay ku qaadan jirtay diyaar garowgeeda in ka badan hal maalin qarashna uu uga bixi jiray balse galabta wax lacag ah isaga oon bixin uu ku yimid in ka yar 20 daqiiqo.

 

Dhinaca kale, Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Mudane Cali Mahdi Maxamed ayaa isna goobta ka hadlay wuxuuna wax lagu farxo ku tilmaamay in maanta madaxdii dowladda ay soo booqdaan kuna ciyaaraan xeebta Liido, isagoo xusay in todobaadyo ka hor isagu markii uu Muqidsho yimid uu ugu horeyntii isaga oo xiiso u qaba ku dabaashay Xeebtan Liido.

 

Ugu dambeyntiina qaar ka mid ah qurbejoogta dhowaanahan dib ugu soo laabtay magaalada Muqdishoh ayaa Ra’iisul Wasaaraha u sheegay in qaar ka mid ah caruurtooda ay joogaan magaalada Muqdisho dhowaana ay rajeynayaan inay dib ugu soo wada laabtaan dalkooda oo ay xiiso badan u qabaan.

 

 

Readers Comments (74)

  1. omar says:

    MASHA ALAH WA GUUUUUUUL UMADA SOMALIYEED O SOO HOYATAY VIVA RAISUL WASARAHA IYO MUDANE ALI MAHDI DHIIRAGALINTA WANAGSAN EE UMADA DHIIRAGALIYEEN

  2. maasha alaaah sii wada nabada nabad lee u baahanahay ka waran soo ma macaana nabada inta yar kubada ciyaareeseeen walaalayaalow

  3. farta says:

    masha allah waa markii igu horaysay oo aan arko nin mas uul ah oo shacabkiisa ladhelaaya masha allah allow nabadiina noo sii saaidi aamiin aamiiin muqdhisho oo nabad ah illahay hanatoso iyo guut ahaan somaalia ooo dhan

  4. Bashiir says:

    Waa farxad aad u weeyn oo Illaaheey noo soo qadirey oo kooxihii nabad diidka ahaay naga jebiyey Illaahoow nabad noo sii badi dalkeena waan u xiisnayee nabad nooga dhig Aamiin yaa rabi

  5. ataf says:

    walahi aad iyo aad yaan ugu farxay madax wadankooda mubashaalayso .. ewel waxaan arkujirnay madax wadankooda aan awoodin inay uraaxaystaan lknse isbadal wayn ayaa kamuuqdo dadkani allahhay noo ziyaadi aamiin

  6. Ali banjo says:

    masha allah nabada wa naxariis bda ta hadii ku wi naxariista darnay laga saray wan imanaya mugadisho

  7. Siteey says:

    waxaan ku farax sanahay in aan arko sawirada xeebta liido oo waliba banooni lagu cayaaraayo
    Waa alle mahadii

  8. abdishukri says:

    mashaa allah aad ayaan u faraxsanahay, walllahi waan ilmeeyay waan jeclahay wadankeyga somalia haa noolaato, aad ayuu mahadsanayahay raisul wasaaraha mudane cabdiweli iyo golihiisa wasiirada wallahi waa dhiiragalin wanaagsan, waan imanayaa muqdisho 2 usbuuc ka dib, waxaan u sheegayaa qurba joogta in ay tagaaan wadankooda oo ay ka qeyb qaataan nabada iyo dib udhiska wadankooda, radio muqdisho waad mahadsantihiin.

  9. FM says:

    Mid waa farxad ayaan dhihi lahaa in sidaas loogu baashaalo xeebtii Liido, midna waxaan u arkaa inaan la tusin nimankaan indhaha xiran ee noo diidan inuu wadankeenu uu xasilo dheel dheel iyo wax la mid ah ee la tuso ad adeyg iyo iska celin joogto ah si ay uga cararaan wadankeena oo dhan.

  10. ahmed haadi says:

    i love mogadisho and i cant forget somalia ha nolato cadowgeydana ha jabo ra’iisulwasarahana wado cusub ayu ino furay wuu mahadsantahay waynu ku so labaneynaa dhulkeynii hoyo

  11. dowladnimo says:

    guul guul maasha allah illaah ayaa mahad iskaleh, nabad ayaa noo soo bidhaamaysa illaahayaw noo adkee oo shacabkeena isku uur ka dhig oo nabada macaan keeda tus rabiyoow, insha allah wadankeenoo sidaan meel walbo nabad u tahay ayaan rajaynaynaa insha allah,
    hadii aan la kaftamana waxaan dhihi lahaa madaxda dawlada waxay ahayd dhalin yaradii u soo dabaalashatagaysay baryahaan inaad isla dabaalataan ayee ahayd idinka iyo shacabka nabada ay banaanka usoo bixisay mudo kadib.maasha allah radiomuqfdishana waxaanm leeyahay dadaalka meeshiina ka sii wada insha allah illaahna ha idinla garab galo , wa bilaahi tawfiiq….

  12. ruqiyo says:

    maasha allah dowlada guuuuuuuuuuull shacabka guuuuuuull waxaa u imaanaa in aan nadiifo xeebta iyo jidadka insha allah dalkayga waa in wax uun u qabtaa insha allah magaaladeena aan quruxsano

  13. radioMuqdiaho aaaaad ayaaaad umahadsantahiin hosha aad umada uhaysaaan waxaaan salaaan qaas ah salamayaaaaa mudane rasal wasare cabduwali maxamed cali waa nin wadani ah madaxda nasomartay waxey ahayeen dad islaweyn mstr gaaas iyo mastr farmajo waxeey natuseen cadalad iyo sinaaan codsi fadlan waxaaa madaxda kale ee dowlada kacodsaneynaaa in eey kudaydaan rasal wasar gaas iyo farmajo farmajo waxoo ahaa masulkii ugu horeyay Ee shacab sodhaxgalo gaasna waa nin wadani ah dhamaan umada somaliyeed waa salamayaaaa marlabaaad waxaan hawada kasalamayaaa mudane Reysal wasare gaaas halkaaaga kasiiwad waa hubaaal in Tariiqda baal dahab ah kagali dontid waxana kugu duceynayaaa in alaah kadhigo kii somali isku keno Ee waligaaa somaliya kugudayato insha allaah

  14. maxamed cumanaani says:

    maashaa alaah ilaahayoow inta dhiman noo dhameystir aamiin aamiin mida kale umada soomaaliyeed waxaan idiin leeyahay aan ka shaqeyno nabada iyo hor^marka dalkeena macaanaa ugana horeeyaan dadka qurba jogta waa inaan ku laabanaa dalkeena hooyo waan u baahannahay asigana wuu noo baahanyahay wa bilaahi towfiiq

  15. abdale says:

    runtii umada somaliyeed waxay ubaahan tahay nabad iyo wax qabad waxaan taageereynaa ninkii wax qabta gaas hada ayuu wadadii wanaaga cagta saarey sidii farmaajo waana taageereynaa , balse aaan dhowrno sida looga weeciyo wadada saxsaa waxaa jira cadow aan ogoleyn qofka wanaagsan

  16. ilyaas says:

    raisilwasaraha ciyaalka xafada waye kkkkkkkkkk
    messi cml ayu ujidaya kubada waaaw

  17. KADIR says:

    hadii aysan jari laheyn askar maanta sida xeebta uguma ciyaarteen ee waxaan dhahi laha militariga iyo policega muhiimada siiya waxaaba aniga ila habooneen baarlamaanka lacagta la siiyo ka gooya mise ka yareeya ee askarta siiya markaas nabad ayaa jireyso.yaan la dhahin bishaan mushahar idinma hayno,markas wa qasab in ay wax dhacaan qof baahan wax woow dhaca.waa xataa in aad wax badan u balan qaadaan niyada loo dhisaa.sida guryo la idin sina caruurtina ila heer jaamac waa leydinka dhiba hadi wax idinka soo gaaraan caruurtina nolashooda waa leydin balan qaadaa iyo wax badan aay muwaadaniinta kale ugu horeeyaan.ilahoow dowlad cadaalad na siii aamiin

  18. somalia says:

    masha allah waa sawaro nabad kasoo carfayso ilaahow nabad waarta nasii ameen ameen ameen

  19. hassan says:

    waa adin fican in dadka sida so kale lo dhiri geliyo nabad gelyadana latuso talabad masuliyin tu waa arin ad u fican in any shacabka ka dhexbixin oo markasta ay la qabsadan wax kasata waxan xususta farmajo maruu intabadan ka so dhexmuqanjiray dadka shacabka ah marka waa arinfiacan in sida iyo sikafican lodhirigeliyo shacan ka

  20. Mansha allah wallahi waan farxay sida uu u faraxsan yahay markan arkay R,isal wasaraha iyo dhama Wasiirada la socday. Waxan rajeynaa in uu wadanka dhan xureeyo oo uu kubada ku maro. Waa guul Mar labad u soo hoyatay umada Islaamka ah Qasatan Somalia… Farmaajo ma usan tagin taas niyada halagu qabto

  21. maxamed says:

    maashaa alaah maa shaa alaah cawada ilin ayaa iga timid markaan arkey liido oo banooni lagu dheelaayo waliba raisulwasaarihii wadanka muqdisho cawada laga bilaabo waxaan ku talagalaayaa sidii aan ku imaan lahaa muqdisho insha alaah waan waan imaa naa xamar cade

  22. Qaran Doon says:

    Maasha`allah waa farxad ruux kasta oo Somaliyeed oo ku nool dalka dibadisa waxa uu hamun u qabaa Dalkisa hooyo ee dhamanten an Ilah ka barino in uu na siyo nabad taam ah Aamiin.
    mahadsanidin bahda Radio Muqdisho.com

  23. Cabdi fatah says:

    Maan sha allaah walahi wan farxay markan arkay ra.isal wasaa raheen oo so dhex galay shacab kiisa taasi waxay natusinay saa nabada ka aslaax day muqdisho caasimadena allaw noo siyaadi

  24. Omar Abdisalam says:

    Waa arin lagu farxo, allahayow Somalia nabad waarta sii

  25. nihaal says:

    mashaa alaah alaahu akbar walaahi waa farxad weyn ilaahey ha inoo zaa,ido inta dhimana alaha inaga dhameyo aamiin thanks walaalaha somaliyed eekasoo shaqeya sidey walahooda uula socdan meelkasta eey dunida ka jogaan

  26. cabdalla says:

    marka hore waxaa ku faraxsanahay mas,uuliyiinta laga helay kalsooni & firfircooni waayoo ma, aha shacbku waxa ay doonayaan hadal laga sheego t,v, yada kaliya ee waa in niyada noola dhisaa waxaana alla ka baryeeynaa nabad & naxariisba dusheena in uu yeelo waxaana kula dardaarmayaa madaxda dowladda in ay kafikiraan dadkooda& dalkoodaba waxaana u rajeynayaa qeeyr

  27. said says:

    maasha allaah waa farxad wayn oo si kash iyo laab

  28. alxamdulilaah sida aan u aheehraja kunool rajadayaanoorumowaday.20sano kadib ayaa nasri alle helnay alxamdulilaah.waxanmahad gaarah jskalehdhamaan dowaladen iyo XDSguulesta weligiin hambalyo dhamaan inta nabada jecel.samaha didow silac udhio waakasamreyan silacudhim.Gooooooooooooooooooooooool

  29. Abdullahi Yabarow says:

    Ma Muqdishaa sidan loogu ciyaarayaa???
    War aniga inteen jiraa???
    Walley Xeebti liidow wan ku jeclahay, dalkeygow wan ku jeclahay!
    Wan kuguso laban ee Allaha isku keen sama keeno!!!!!!! Aminnnnnnnnnnnnnnnnn

  30. wadani says:

    mugdisho magaalada madaxdeena aan qurxinoo oo dhisnoo si an ugu raaxeesano madaxdeenii waa taa manta ku bashalayaan shacabkodana dhex galay ee somaliyey an xoogeeysano nabadeena iyo dimuquradiyada an helnay iyo dowladnimadeena yaanan aqbalin inaan fursada ajnabi ama somali xuni naga qadan an ku dhimano iska iloowa qoloqolo iyo qabiil ee walala wada dhashanahay wadankana anaga leh ee an u istagno dadka wax bartow dalka dib ugu sonoqda oo dadka iyo dalka u shaqeeya anigu waan socdaaa

  31. Axmeed says:

    Mashallah waxay mujineysaa NABADA in ay wax weyn tahay allow kor yeel intii nabad iyo xasiloonida u ololeyso.

  32. Asmaa says:

    WAA GUUL NOO SOOHOYATAY NALAAH HANOO WAARIYO AAMIIN
    SOMALIYA OO NABADA ALLAH HANOOTUSO

  33. sabrie says:

    Sawirradan waxa ay kordhinayaan kalsoonida dadweynuhu u’ jecel yahay. Waa wanaag in taliyayaasha, ay isku muujiyaan goobahaan oo kale. Radiomuqdisho waa mahad san tihiin

  34. mansha allaah waa wax lagu farxo ee ilahay hana tuso anaga oo wadankeena nabad ku joogno ilahaya asiga aya weyn oo waaxid ah ee ilahay hanoo siyaadiyo

  35. qorba joog says:

    masha alaah wax lugu farxo waayo caasimda manta xeebta liida ku dabalaaho r\saraha in badan lugu farxo ku raxeeyso adiga ku helah xamar masha alaah wadankey san uga raxeeyo wax lugu farxo waw shidanw aw in sha alaah alah aya ugu barya dhibata naheesyo alah naga qaado in sha alaah

  36. maxamuud says:

    somaliya oodhan saan ayaa mar leyskugu amini doonaaa insha allah dhibka nahaystone waan kabixidoonaa

  37. habib baabulka says:

    maasha allah, aniga waxaan u soo jeedinayaa soomalida dhisaysa ama maal gelineysa wadamada africanka deriska nala ah sida kenya eithiopia iyo tanzania waad aragtaan waxa ku dhacaya hada xaafada eslii ee wadanka kenya sida loo jejebinayo waa xaafada ay soomaalida degto inta aan soomaalida aan u soo qexin xaafadaasi la duduminaya waxay ahaan jirta meel aan bini aadan ku hoyanin maanta in aad dhisteen ayaana la duminayaa taasi waa iga tusaalo oo kelia dhul aadan dhulkaagi aheyn waa dareen ku joog ee wadankiina quraxda badan ayaa idin baahan ee haloo soo jeesta xataa abaar ha jirtee… wabilaahi towfiiq

  38. Mahad says:

    Alxamdu alle ayaa mahadleh

  39. M Abdirahman says:

    Waa waxaa jirtay aan dhihi jiray (DIBADEEY, YURUBEEY) maabtana walaahi waxaan taagabahay (WADDAN KEEYGIYOOW, MUQDISHO, XAMAROOW) Insha’allah ilaahna waa i tusi doonaa anigoo nabad iyo cafimaad qabo, Amiin.

  40. cali says:

    xasuus time somali ilahey nabad hanooga sii dhigo aamin

  41. Makaran Indonesia says:

    Allow nabadda noo adkeeey, waxaan rajeyneynaa in colaad dambe aysan ka dhici doonin dalkeyna insha allah aamiin

  42. maahir says:

    love mogadisho and i cant forget somalia ha nolato cadowgeydana ha jabo ra’iisulwasarahana wado cusub ayu ino furay wuu mahadsantahay waynu ku so labaneynaa dhulkeynii hoyo waxaana leeyahay caalamka ha ogaado in soomaaliya ay is raacday
    ayna tahay wadan jira

  43. Qeys says:

    Wuu baashaalooyaa mudane C.rashiid caadi maaha . maasha Allaah . ALLOW nabada noo kordhi

  44. mashallah aad ayaan ugu faraxsanahay maan ta in aan arko reizalwaarihi wadanka oo xeebtii liido ku dabaalanaya oo xataa banuuni ku ciyaaraya
    waxaan dhihi karaa maan ta guul ayaa nuu soo hoyatey
    just waxaa ka dhimana mr gaas in uu hello team kii farmaajo la shaqey nayay oo kale
    waxaan dhihi gaas sow maanta uma somaliyed kalsooni ayey kaa heysataa ye gacan qabo oo amaan ka meel ha la saarro cadowga na dalka ha laga saarro anaga qurbajoog ta ah na waa in qarash ka aan bixin naaa
    Diyaar ahaa hada u nahay really wax cad ayaan na tustey dr gaas sow
    inshallah waan imaan doonnaa
    xamarcadey xeeb teedii ayaa u xiisay yeeeeeeeeeey
    long live somalia
    somalia ha noolaato
    somaliyey toosoo toosoo is ku tiir sadayey haba kiini taag daran ney taageera wali gii

  45. aliyare says:

    MAASHAA ALLAAAAH WAA WAX LAGU FARXO DHIIRI GALINTA WANAAGSAN AY SAMAYEEN INTA CAQLIGA LAGA XADAY HAKU DAYDAAN WANAAGA IYO FIICNAANTA SOMALIA HA GUULEYSATO

  46. xamdi says:

    maasha allaah waa arin lagu farxo iloohow noo sii fidi nabadada muqdisho

  47. cabadiqani says:

    dadka soomaaliyeed waxaan usheegayaa in ay soo dhawaatay xiligii ay lasoo noqon lahaayeen gobanimadoodii iyo hormarkoodii waxa hadda halkaan ka muuqda waa bilowgii hormarkii iyo nabadgalyadii oo hadda laguda galayo ilaahay hanagaar siiyo , waxaankaloo umahadcelinayaa raysalwasaareheena sharafta iyo karaamada leh mudane Pro : c/wali maxamad cali gaas waa nin daacad ha oo raba in uu dalkiisa dhiso cilmigeedna wuu leeyahay waa haddii soomaali aaminto oo ay la shaqayso kaligiis waxba ma qaban karo raysalwasaaraha waa in lala shaqeeya .
    ilaahay hala garab galo waxaa utaala hawl badan oo ubaahan karti iyo dulqaad .

  48. Middle Eastern says:

    Maashaa allaah, farxad darteed, Waan ooyey.

  49. Haabte says:

    waxan aminsanahay hadii sida hagar laanta ah ey cidanka xooga somaliyed e gesiyaasha ah iyo sarkiishooda ugu dhabar adegeen ladagalanka ajabiibta iyo kuwa ushaqeena sidii logasri laha wadanka oo dhan shacabka iyo dhamaan bulshada iska kashtan walaga dhigikara amaan leysku haleeyn karo ama lamid ah tii xiligii 1988 ama kafiican

  50. Cigaal says:

    ———ERAYADA HEESTA———-
    Waa Oday Cigaal oo u faraxsan si aan la qiyaasi karin.
    Codku waa Axmed Naaji oo ay ka daba jiibinayaa gabdhahii Waaberi oo si gaar looga dhex garan karo ALLAH ha u naxariistee Maama Faaduma Qaasim Hilowle.

    —————————-
    Muqdishoo
    Magaalo-Madaxdeenna

    Sida miraha luulka
    Muqdisho
    Mowjadaha badwaynta
    Muqdisho
    Ka muuqataa dhexdooda
    Muqdisho

    Magacii dalkeenna
    Wanaajiya
    Muqdisho

    Mudnaantii dadkeenna
    Hagaajiya
    Muqdisho

    Maamulki danteenna
    Muqdisho
    Ayuu ka muuqdaa

    Muqdishoo
    Magaalo-Madaxdeenna
    ————————————–

    Magaceenna dheereeya
    Mudnaanta sharafteenna
    Muujiyaay

    Muruqeenniyo xooggeenniiyo
    Maskaxdeenna isu geeyaay

    Magaaladeenna qurxiyaay
    Qurxiyaay qurxiyay

    Sidi muraayad oo kale
    Nadiifiyaay Nadiifiya

    Sida milicda oo kale
    Muqdishoo

    Maanta adduunka
    Uga muuqataa
    Muqdishoo

    Muqdishoo
    Magaalo-Madaxdeenna
    ————————————-
    Mahaddaa
    Dadwaynahaa leh

    Midnimadeenna
    Xoogsatadaa leh

    MuqddishO!!
    Magaalo-Madaxdeenna
    ———————————-

  51. Abdinasir Naale says:

    Walaahi wa ilmeenaaye intaan daawanaaye sawirada quruxda badan ee ra’salwasaaraha oo ku dabaalanaayo xeebta liido oo ay iigu dambesay 7 sano kahor! “Muqdishu magaala madaxdeenaay, muqdusho magaalo madaxdeenaay> sidi miraayad oo kale nadiifiyaay nadiifiya! wa mahadsan tihiin radio muqdisho. inshallah waa ku tala jiraa inaaa ku soo laabto muqdisho kuna dabaasho xeebta liido

  52. Bile n. carale says:

    Asc ww dhamaan umada soomaaliyeed walaahi aadbaan u ilmeeyay markaan arkay farxada meeshaan kamuuqato maxaa yeelay waa meel aan jimco waliba aan banooni kusoo cayaari jiray meesha maanta masuuliyiinti waa waynaa ayku cayaarayaan waxaa iigu danbaysay 1989 julay waana waxlagu farxo wax iskayimidna maaha dhiigbadan ayaa kudaatay nabada maanta lagu cayaarayo waxaan leeyahay shacabka reer muqdisho nabad iyo nabad laaan aad ayaad ukala garankartaan marka waxaad samaysan nabada maanta aad haysataan xoojiya labada gacmood isugu geeya kana hortaga kuwa qalqalka kuwado umada soomaaliyeed dawladiina ay hogaaminayaan dhalintaan firfircoona garab istaaga waa fursat qaali ah marka laga soo bilaabo tii farmaajo ilaa tan cabdiwali uu hada hogaaminaayo waxaan uga baxayaa bahda raadio muqdisho waad ku mahadsantihiin sida firfircoon aad shaqadiina uwadataan una soo bandhigaysaan wax waliba oo farxad galinaayo umada soomaaliyeed waxaan idiinleeyahay halkiina kasiiwada wabilaahi tawfiiq,

  53. hassan says:

    waa masha alaah laakin raisul wasaraha waxaan ka rabnaa inuu shacbka dhex gaalo oo laa dawasha sidaa taarsan gudoomiya gobolka banaadir caamal

  54. xaaji xalane says:

    asc umada muslimiinta oo dhan garahan umada somaliyed mel kasto ay joogan wan salamaya asc walalaaö wad aragtan magala madaxdi sida ya u nab doontahay waxa nagu wajiwa in an nawada kala shaqaynaa heyadaha nawad ku hoowlan hadan arkay liido oo madaxdi ku bashalayso walahi maseer aya igalay insha alahu aniga iyo asxabtayda go an ayan ku garnay in an nawada kaqeb qadano iyo bilicda magaladeena ee umada somaliyeed melkastoo adunka kajoogta wain ay u dhaqaaqdaa wadankiwaxna looqabtaa

  55. asc dhamaan bahda warbaahin redyo qarankasalaan kadib waxaan kufaraxsanahay nawdgalyadaa intaa laeg oo madaxdii qaranka isgu aamineeso xeebtii liido inagoo xasuusano inee soomarta xeebta xele shacabku isugu aamin qawiwaayay waxaan leeyahay mahada alaah ayaaleh kadibna madaxdii dadaashay iyo ciidamada qaranka iyo warbaahinta qaranka oodoor ween kaqaadatay ladagaalanka maleeshiyaadkii shabaab gawagawadii waa ismaaciil oo idin leh lawalaawa dadaalkiina qaran rabina haidinla garabgalo aamiin saxafiyiinta muujiyay dadaalka dheeraadka ah waadkumahadsantihiin byyyyyyyyyy

  56. mahad says:

    It’s something to remember, the last football match played xeebta Liido was 2008 meeshuu baanoniga ku jiidayay wasiirka koowaad waxbada waan ku jeeday kubad
    maanyada waaan uu xiisnay Ilaahow nabadiidka naga saaar

  57. abdulaahi says:

    runtii waa wax lagu faexo in sinabad gelyaa madaxdii wadanka ko ciyaaran banooni

    xeebtii liido ayidooo horkacaayo resuwaraari
    lasocdo odagii dhaliyey dimoquraadiyada

    mudane cali mahdi maxamed runtii odagaas

    waa iney soomaaliya xussataa sabtoo ah

    wadanka waxoow kadifaacay marlabaad xokon

    meleteri qabsada marlabaad 2 marka waxaan

    leeyahay waa mahad sanyahay inoow ka

    shaqeeyo inshacabko is xukomo waa guul ka shaqeeyey madane cali mahdi maxamed

    iy0kogarab galay ilaahey wenaah runtii

    meeshaan waxoow joogay ayidoo xabad

    kola dheceeso laakiin maantay waxoow jooga asigoo nabad kola dabaalanooyo ko ciyaarayo banooni waa ilahey mahadii

  58. SomaliEurope says:

    Liido Beach looks still beautiful.
    I call upon the TFG government and any friendly country to rebuilt this great beach with restaurants and boulevards.
    Inshallah i will visit there.

  59. waxaaan aad ugu faraxsanahay inaaa arko xebta liido aan arki mudo 5 sano ah waan uxoosa qabaaaa inaa tago mar dhaw haduu alle idmo waxaan halkaan ugu mahadcelinaya dowlada uu madaxda ka ayahay ama uu hogaamiyo madaxweyne sheeq shariif sheeq axmed waxaaan leyhay dadaalka haka daalain

  60. shukri says:

    waa wax lagu farxo niyadana ku raaxeysato markaa aragto wadankaaga nabad iyo wanaag kasoo socdo laakiin waxan leeyahay aan uriyaqno oo aan waxku darsano oo kaqaybqaadano dib udhiskiisa ciidanka xoreeyey mushaarkooda iyo horumarkooda

  61. hassan says:

    mashaa allah sidaas oo la sii wado umada insha alaah kagees kagees solami oo isku furan oo dawladu wada gaartey ayaan ilaah ka rajeyneynaa aniga waxaa igu dhacdey maqaaxi aan ka qadeyn jirey oo carab leedahey ayaan ka goay sababtoo ah markaan soo galo ayey suaalo wadno gooyo ah iweydiiyaan barigii dhawaa ee abaaraha magaalo qurxoon oo weyn ma qabtaan miyaa dalkiina maalin walba intaas ayaa gaajo u dhimata kenya iyo itobiya ayaad u qaxdaan wax aan halkan lagu soo koobi karin mar mar waan isku xanaajiyaa maxaanse ka xanaqin waa wax banaaka yaal oo naheysta ilahey ha naga baxsho somaliyey wadankiina dhisa dawlda ha la taageero hadii aysan maanta waxba qaban karin waxaa lagaari dooraa mar ay waxqabato wabilaahi tawfiiq

  62. maamaan says:

    walaahi waa wax lagu farxo ilaahey baa mahad iskaleh

  63. muuse says:

    MASHAAA ALLAAAAH

    WAA WAX LAGU FARXO HADAY WAX BADAN AHAYD MEEL DHIIG KU DAATO MAANTA WAA MEEL NAFTA LAGU AAMINI KARO ,
    OGOW RUUX WALBA OO SOO MAALI AH WALI NABADDII LAMA GAARIN LAAKIIN WAXAANNU ORAN KARNAA RAADKEEDII AYAA LAHAYAA,
    KUWII ILAAHAY TOOBADDA IYO KHULUUBTA WASAQDA UGA BEERAYNA WALI WAA DUL TAAGAN YIHIIN .

    MUQDISHO WAXAA LAGU RAAXAYSAN KARAA MARKII UMADDU OGOLAATO INAY DAADISO DHIIG BADAN SI ILAAH NOOGA DULQAADO BALAAYADA AFKA DUUBAN…

    XAMAREY DHIIG KUGU DAADAYE CAANO ALLAHA KUGU DAADIYO.

    • cabdi cali says:

      maansha allaaah walaahiw axaan ad ugu faraxsanahay sida ay madaxdii dalka ay ula bashaalayaan shacabkooda muda hada laga joogo 3 isbuuc ka hor yaaa waxan arkaayay madaxwaynihii hore ee somaliya mudane cali magdi maxamed ooku cayaaraya manata waxana arkaa cabdiwali maxamuud gaas marka waxa amuuqato yaddiilo nabdeed eehaka daalina dadaalkiina kooxda nabad diidka ah ee alshaydan hala baabiyo dhamantood guul wacan dowlada sheqa hsriif sheq axmed -

  64. liibaan says:

    waad ma hadsantihiin radio muqdisho wxaan leehay waa riisul wasaarihii ugu wanaagsanaa ee ebad soo mara somaliya waa nin siyaasi ah ya qaano sida dadaka loo dhaxgalo waana ninka aan u bahanahay inm uu na hogaamiyo mustaqbalka waxaan leehay gaas nooloo waligaa ilove you tani waxeey natu seeysaa in eey shawaab u dhamaatay guul ayaan leeyahay dhamaan dowlada bye

  65. MUUSE AFRAX says:

    ASC WALAAHI WARAFXAD ANLASOKOBIKARIN DHAMANTIN WAN IDIN WADA SALAMAY AQYARTA WAXAN KACODSANLAHA MADAXDADOWLADA INEY BOOQDAN SCHOOLADA DHALINYARADANA LAGU TARBIYEYO WADANINIMADA LANA GARABQABTO MACALIMINTA WAXBARA KORNALOQADA WAXBARASHADA SOMALIAYA WAXA NADILAY WAJAHILNIMO 21 WAXA ADUNKA UGA HOSENAY MANTA WANSOKABSANAY AYAN UMALENAYA INTA DHAMAN ILAH HANODHAMESTIRAYA HADAN DADALNA OO GACMAHA IS QABSANO SOMALIA HANOLATO WAXA MAHADLE XUKUMADA SOMALIA DHAMAN ILAHNA HANAGA SARO CADHOWGA AMIIN WAXAMAHADLE WARIYASHENA DHAMANTIN ASC

  66. honest says:

    masha allah walah farfxad darteeda xita inan wax qaro ayaba didanahy o an manta dhan iskaba dawado sawirada radio muqdiso no wada dadalka ad wadan e dadka somaliyed kama qan dalkoda an niyada u dhisaysan mash allah alle aya mahad leh

  67. xasan wali maxamuud maxamed dalka holand says:

    November 28, 2011 at 6:30 am

    asc dhamaan waa idin salaamay ra iisul waraha iyo wasiiradiisa waxaan ku farxsanahay in maanta wax umada somaliyeyd waqti hore ugu danbeysay maanta ey sameyeen madaxda somaliyeeyd waxaan leeyahay waad bilaawdeen nabadii iyo shacbkiini aad madax utihiin kalsooni ayaa idinku qabaan mantana ra iisul waraha oo kamidyahay ciyaalka xaafada guuleysta waligiina nabadana kamira keena waana idin salamaa asc wr wb

  68. anwar xaashi says:

    ilahey baa mahad dhamaanteed iska leh walee 20 sano murugo ayaa nasoo martee ilahey 1000 oo farxad ah noogu badal cadawgeena gabi kandalka joogo iyo kan dibada joogo intaba alxamdulilaah ilahoow adaa mudan rabiyoow guuuleey dhamaan dowlada somalieed ee kashaqeeso waxubaqabdka dalkeena hooyo amiin

  69. sazyare says:

    masha alaah nabada macana ilahow dalkeena nabad nog dhig aamiin mahadsanidiin dhamaan shaqaalaha telefishinka qaranka iyo dhamaan umada soomaaliyeed nabadgelyo

  70. Xaliimo Carwo says:

    Nabaddu waa geed miro leh ee macaan. Nabaddu waa geed harweyn oo la wada harsado…Nabaddu waa nimcada adduunka..Allahii Muqdisho nabadeeyoow adigaa mahad leh…
    Allihii maamulka macaan noo sameeyow asigaa mahad leh… La isma marag xasdee mahaddeeda waxaa leh Maxamed Farmaajo iyo intii hadda maamulka waddo…
    Bakaaro baneeyoow militariga iyo Maxamed Farmaajo mahadda adigaa leh…
    Hal dollar ururiya dantiina waad gaari doontaan dircii Farmajo ayaa yiri….

    Mahadi ha ka gaartee madaxdeenna Allaha xafido…

    GACMAHA IS QABSADA GUULANA TALADA SAARTA GEESI ALLE MA XIRO GEYSHYAGOW GUULEYSTAA…

  71. ala ayaan badanaa ragaas madaxda ah ee nasiibka u yeeshay inay banooni ku dheelaan xeeb ka mid ah xeebaha magaala madaxda soomaaliyeed oo ay iigu danbeysay 1989kii ilaahayow xafid oo soo celi cisigii iyo kala danbeyntii umada soomaaliyeed AAMIIN

  72. guuraye says:

    maasha allah waan ku faraxsanahay in aan daawano mas uuliyiinteena oo ku dhex jira shabkiisa misane muujinayo farxada iyo jecelka uu uqabo dadkiisa iyo dalkiisa

  73. sitey says:

    woow wadan keyna waaa dawan mar hore igu dabeysay hadane waan ku far xaay




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Wararka

astaanta.qaranka-300x228

Wasaaradda M/ iyo Lacagta Oo Tababar U Soo Gabagabeeysay Ciidamo Loo Tababaray Qaadista Canshuurta

Wasaaradda Maaliyadda iyo Lacagta Soomaaliya ayaa maanta si ...
NATO

Faah faahinno ka soo baxaya duqeyn ka dhacay Xarar dheere

Faah faahin dheeri ayaa ka soo baxeysa duqeyn ...
Astaan_war7192101129

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

WARKA SUBAX May 17.05.2012           Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo ...
Dastuurka wasiirka

Wasiirka Dastuurka: shirka odayaasha dhaqan waa gabogebo, Dastuurkuna waa la soo bandhiggayaa

Wasaaradda Dastuurka, Arrimaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ...
Jeesto-300x225

Horjoogge Ka Tirsanaa Al-Qaacidada Soomaaliya Oo Qiray Inuu Alle Uga Towbad Keenay Dhibaatadii Uu Umadda Ku Hayey (Dhageyso)

Horjooge ka tirsanaa malleeshiyada Kooxda Al-Qaacidada Soomaaliya, isla ...
Sawirka Fanaan Lafoole

Fanaan Lafoole”Dalka Horumar Badan Ayaa Ka Jira Waan Imaanaya Dhowaan Si Aan Horumarka Uga Qeybqaato”(Dhageyso)

Fanaanka Soomaaliyeed ahna Abwaanka Maxamed Xasan Xuseen Lafoole ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
1

Ciidammo Ka Tirsan Midowga Afrika Oo Fariisimmo Ka Sameystay Baydhabo”DAAWO SAWIRRADA”

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa markii ...
al-Qaeda Militia

Horjoogayaal Ka Tirsan Al-Qaeda Oo Ku Halaagsamay Qarax Caawa Ka Dhacay Galgaduud

Horjoogayaal ka tirsan Maleeshiyada kooxda Al-Qaacidada Soomaaliya ayaa ...
Astaan_war7192101129

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

War Habeen 16-May-2012         Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada ...
Sawir Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Xiligan

Dhageyso Barnaamijka Daljir Ee Looga Hadlo Dhismaha Ciidammada Qalabka Sida Ee Soomaaliya

Barnaamijka Daljir waxa uu ka mid yahay Barnaamijyada ...
xuska-15may13

Suudan oo laga Xusay Sanad Guurada 69-aad ee Asaaskii Ururkii S.Y.L iyo Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed 15 May”SAWIRRO”

Munaasabad si heer sara ah loo soo agaasimay ...
Astaan_war7192101129

Dhageyso Warka Duhurnimo

WARKA DUHUR 16.05.2012
astaanta.qaranka-300x228

Mas’uuliyiin Ka Tirsan He’yadda Maareeynta Masiibooyinka Oo U Ambabaxay Sudan

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradsa Shaqada Hormarinta Shaqaalaha Dhalinyarada ...
Dastuur-qabyo

Kulan Looga Doodayo Xuquuqda Uu Suxufiyiinta Siinayo Dastuurka Cusub Oo Muqdisho Ka Socda

Kulan looga hadlayay ahmiyadda uu dastuurka cusub siinayo ...
maka maka

Gaadiidleyda Iyo Qeybaha kale Ee Bulshada Oo Soo Dhaweeyay mashruuca Lagu Hagaajinayao Waddooyinka Muqdisho

Dadweynaha iyo  gadiidleyda  magaalada  Muqdisho ayaa soo dhaweeyay ...
Tarsan

Guddoomiye Tarsan Oo Afhayeen Cusub U Magacaabay Maamulka G/Banaadir

Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta  magacaabay afhayeenka cusub ...
1401

Kabakudukade iyo malleeshiyaad kale oo deegaanno ka tirsan Galgaduud isaga cararay

Malleeshiyaadka Al-Qaacidda ayaa banneeyay deegaanno badan oo ka ...
Astaan_war7192101129

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

WARKA SUBAX 16.5.2012           Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada ...
UN-235x300 (1)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo beesha caalamka ku ammaanay mooqifka Soomaaliya uga aadan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa ku ammaanay beesha caalamka ...
Ex

Saraakiisha Ammaanka” Qarraxyadii Al-Qaeda Muqdisho Ay Keeni Jireen Waan Fashilinay”

Saraakiisha ammaanka Koontaroolka Afgooye ee magaalada Muqdisho ayaa ...
Madaxweynaha Shirjaraa'id Saxaafadda NEW YORK

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Oo Faah Faahin Ka Bixiyey Qodobadii Looga Hadlay Shirkii New York “DAAWO VIDEO”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...

Tubta Toosan

tubta-toosan1-150x150151

Islaamka & Faafinta Nabadda

Diinteenna Islaamku waa diin nabadeed, sidaba laga dheehan ...
Residents gather near the covered remains of a suicide bomber at the scene of an attack along a street in Somalia's capital Mogadishu

Akhlaaqda dagaalka iyo Diinta Islaamka

Colaadda iyo Nabaddu waa xaalado la soo gudboonaada ...
tubta-toosan1-150x150151

Dowlad Wanaagga sidee loo xoojin karaa?

Dowlad wanaaggu waa tilmaanta kaliya ee ay horumarka ...