Monday, September 1st, 2014

DAAWO SAWIRRADA:-Qurba Joogtii Ugu Badneyd Oo Jimcahan Ku Damaashaaday Xeebta Liido Iyo Goobo Dalxiis Oo Xeebta Laga Hirgeliyey

Published on May 11, 2012 by   ·   101 Comments  ·   64,588 views

Akhristayaasheena Sharafta leh waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa Sawirrada Xeebta Liido oo jimce walba ay shacbiga ku dhaqan magaalada Muqdisho si’aad ah ugu damaashaad tagaan ayaa waxaa todobaadkaan ku damaashaaday Qurbo Joogtii ugu badneyd tan iyo wixii ka dambeeyey xornimadii Lixda August xiligaasi oo ay nolosha Muqdisho u bilaabatay jawi cusub islamarkaana ay ka xorowday Maleeshiyada Al-Qaeda.

Muuqaalladan ayaa waxaa sidoo kale ka dhex muuqan doona maqaayado cusub ama baarar loogu talagalay iney ka cunteeyaan dadka Xeebta u dalxiis ama damaashaad taga oo isla Xeebta Liido agagaarkeeda laga hirgeliyey waloow ay xusid mudan tahay inay sidoo kale jiraan dhismooyin cusub oo hada dhismayaashoodu socdo kuwaasi oo ay dhisayaan ganacsato Soomaaliyeed oo badankood ka timid Qurbaha.

Hooyo Culumo Maxamuud Cubeyd Waxey Ka Timid Qurbaha Gaar Ahaan Norway Oo Ay Mudo 19Sano Ah Ku Nooleyd Waxeyna Hooyo Culummo Ayadoo Farxad La Ilmeyneysa Alle Ka Baryeysaa Inuu Dalka Nabad Ka Dhigo…..MAXEY KULA TAHAY INUU GAARSIISANYAHAY DAREENKA FARXADEED EE HOOYO CULUMO AYADOO DA’DAAN JIRTA KA ILMEEYSIIYEY??????

Photo By:-Maxamed Axmed Ilkacase & C/fitaax Daahir Jeyte

Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-

Yurub                                            +442035190460

USA & CANADA                         +17124327760

Readers Comments (101)

  1. jamal007 says:

    Maasha Allah radio muqdisho sawiradana waku mahadsanidiin inaan ka mid noqdeen ku fiicnayd dadkaas xeebta liido ku baashalaya insha Allah sumarkaan in aan xamar tagaan rajeynyaa nabad ha waaarto

  2. caaisha says:

    Mashalah thanks dhamantinaba.

    Mamada ooynesa halkan ayan isla wada jognay, runti wa wax lagu farxo dhulkada ina ku labato asago nabad ah mashalah.

    Waxan wariya yasha weydinaya hade macqultahay, Bararakan an cadiga ahen dhanka nadafada cunada xita laga taxa darauo ma wuxu ku yala ama kuyalan bada agteda? hadey ha tahay Italy & wadamadan ayey ixasussinayan walahi horumar ayanu garnay anagana sanadkan kisa kale inshalah ayad sawira xeebta noga qadi dontan. Bi’idni’llah

    • Ciyaal Boocle says:

      Waad salaaman tahay.

      Makhaayadaha cunnadu waxay yaalaan badda agteeda, waxaana badi laga helaa raashinka dibedda laga cuno iyo gudabaha. Qaar waxaa iska leh dibedjir dalku ku soo laabtay qaarna dadka Muqdisho

  3. boolow says:

    wlahi dareenkeyga ma ahan mid ana halkaan kusoo koobi karo kuma sii jirto marka ee indhaheyga qabteyn hooyo culumo cubeyd oo ka tagtay norway sida igu maqal ah aniga dhan xaada ayaa i istaagtay alle waxaan ka baryaa inuu nabad iyo dowladnimo intaba nasiiyo qurbah inteyna kale ee ku hadhay waan iskaga soo hayaami laheyn insha allah waanu gaadhi doonaa idinkane waad mahadsantihiin

  4. ali ahamed says:

    masha allah aaaaaaaaaaaad ayan kugu faxra isbadalka iyo hormarka muqdisho manta waxan daremaya farxad aad u weyn wayo magaladeynii ayaa aad u camir meyso dadkii ayago faraxsan aye gobaha dalxiiska gafwaregayan allahu akbar jamcadan teda kale waxan jclahay inan idinkala qeyb qato insha allah

  5. farax yuusuf says:

    mashaa allah mashaa allaah mashaa allah isha baxarka la idinma cuno alla qurux badanaa muqdosho alla qurux badanaa beebteena anna inshaa allaah waan imandoo naa fasaxaan si aan ugu bashaalo halkaas mahad sanidiin radio muqdiho

  6. farhia says:

    maasha alah liido yaa layga hor marin ka dhacday khamiiskasta uk dad badan ka soo baxaan aad baan u farxaa marka argo dadka shaqada ka helay liido ee wax ku gato ilhow u siyaadi iftiinkaas si ay ugu nooladaan ilahow nabad waarta nasii

  7. Baahalow says:

    Allow Naxariistii Janno idin sii walaashee Faadumo Qasim Hilowle & Abwaankii qaranka cabdi Muxumud Amiin oo heestan Curiyay, Laxanka iyo Miyuusigga waxaa Saaray Ustaadkii weynaa Macalinkeyga Axmed naaji Sacad Allaha Xafido, Wallee meel lagu doorsan karaa ma jirto Dalkeena, Allow Nabad noogu soo dabaal oo inta harsan noo dhameystir

  8. shuayb says:

    waad mahad santihiin saxafiyiinta sharafta leh ee noosoo bandhigo marwalbo nabada iyo bilicda magaalada muqdisho-Maxamed Axmed Ilkacase & C/fitaax Daahir Jeyte maasha alaah xeebta liido hoygaraaxada waa imaanaa samarka in shaa alaah

  9. ismail says:

    masha allah inaba caaadi ma aha anaga markeena aallah ino kaso sin aan wadankeena hoyo ku soo labano asaga oo nabad ah

  10. walahi qiirad wayn ayaa iga shay oohin ayaa iga imaan rabto alle ayan ku dhartee waxan mogahay mqdisho 9years insha allah waa igu balan in holly monthga aan ku soomo ex xafadayda taleeeex waaaa balan in aaan tago liiido iyo all xeebaheena xuroway

  11. jiilaal yare says:

    maaaaaaaaaaaasha allaaaaaaaaaaaah wlh waan ka helay sidaan qurbo nacalaa ku joogtay alloow ii fududeey sidaan ku laaban lahaa

  12. Hiiraan says:

    haduu ilaah nafta iidaayo waan tagaa mardhaw anagoo badan insha allah illaaahaa mahadleh kasokow dowladeena iyo gobolka banaadir ilaahoow dhamaan wadanka nabad nooga dhig adinkuna amiin dhaha waan dadaaleynaa

  13. jalteey says:

    asc soomaaliayay maxaad u garan ladi,hiin inaad askarta xeebta ilaalinayso aad cabitaanka iyo qadooda aad bixisaan si,ay shaqadooda u jeclaadaano maxaa dhacay oo askarta soomaaliyeed aad u qiimayn ladihiin wali intii sawiro lasoo galinaayay ma,arag qof qurbo kayimid oo askari iyo labo qado kabixinaayo soomaaliayay qaasatan qurbo joogay tusa jacaylka aad qabtiin walaalihiina ciidamada ah eena xushmeeya xitaa dadka xamarjoogo askariga qorayga ku dhexwato xeebta liido waa in loo qadariyaa si aad u culus waxaan mahad gaara u soo jeedinayaa bahda r/muqdisho iyo inta qaranimada jecel wabilaahi towfiiq asc

  14. saalax idris says:

    magacega waa saalax idiris abuukar farxadaan waxaa dareemikara qofka mu waadinka ah aniga waxaan ka mid ahay qurba jookta wadanka banaankisa ku nool runtii mar walba waxaa ku taxanahay barjamijyada ka so baxo radiomuqdisho waxaa dareen keega saaid ayuu noqonaa wan jeclahay inaan ku so labto wadankega insha allah ilaaho wadan keena noo hagaaji

  15. ahmed hussein says:

    asc maansha allaah aad ayaan ug faraxsanahay in ee soo laabato nabadeeni aniga ma arag doolat iyo kaladanbeen ilaah hanoo kaso dooladaan tii noqoto iftiin iyo tan danbo bahda radiyo moqadisho waat ku mahadsan tihiin sawerada aat soo gudbisiin

  16. ciiloow weeyiii says:

    Asalamu calaykum kullu soomaaliyiin meel aad aadunka ka joogtaanba?
    ilaahbaa mahad leh nasiiyey noocoowdaan nabadadeed iyo noloshaan soo muuqataba
    waxan qurbaooja rag ah kula talin lahaa saaaxiibayaal maahan intaad tagtaan inaad damaashaad kaliya waqtigiina ku soo dhamaysataan ee waa in aad wax uun wadanka ka soo qabataan inta aada joogtaan walaahi ragbaaa u suu dhintey ama u dhaawacmay si lagu helo noloshaan marka sxbdeyda Lonodo iiga soo tagay sida avv. ABDI SHIRE CAYAARJECEL IYO MAXAMED OYLIYO malaha inta cad iyo caano kululisku dhuftey shaararkii locoloobey kkk…ayaan sawiradii shalay kadaadey.
    Aniga maalintii aan imaado ee ilaahay qadaro ugu yaraan inta afar wiil kaxaysto ayaan jidka qashinka kaqaadi doonaa insha laaahu.
    WAR QURBA JOOGOOW WAAD ARAGTAAN UMADAHAAN LANOOLNAHAY SIDEY U DADAALAYAAN EE WADANADOODA WAX U ATARAYAAN AAAN KU DAYANO OO AAN WAQTIGA KA FA,IIDAYSANO WAR- HOOOOOOOOOOOOOOOOOOOY!

  17. said says:

    -Maxamed Axmed Ilkacase & C/fitaax Daahir Jeyte saaxibayaal waad mahadsantiihin sida muqaalada wanaagsan noogu soo bandhigteen hal ku dhigeyno waa mid nimo sida aan ku arkay yar watay funaanada ay ku qorantahay “we are one”

  18. cumar cadde says:

    wooooooooooooooow waan ku farxanahay masha allah illahow qulubteena isku duw oo wadankeena aamin kayeel oo dadka Soomaaliyeed qabyaalada kamadoowee oo isku keen duub oo wadan keenna qaniga ah qeeraadkiisa noosoo saar Amiin Allaha yow

  19. No name says:

    Masha.alah wa farxada uso hoyatay her muqdisho iyo dhaman bulshada uso dalxiska xebta liido

  20. Yasin Wadani says:

    Wooow caadi ma ahan sawiradaan si weeyn ayaa loo jimceeystay maashaa alaah

  21. cumar cadde says:

    Asc Soomaaliyeehy kaca oo u istaaga dib udhiska wadanka oo musmaasuqa kadheeraada. waax Reer Galbeedka ku arag nay Hal qof oo kaciyaaro koox wadan kale ah in media iyo dadka oo ee taageersanyiin oo media lagu soo qaato goal ayuu dhalshay…. Bal kawarama Saxaafada somaaliyeed… Illah how dacad naganig Amiin…..

  22. Cali says:

    maasha allah guul iyo barwaaqo ilaah kabaryeynaa

  23. maasha maasha allah, ciid gaduud goormee iigu danbaysay, wlhi yurub afgoye waye dhiiqadiisa, allow wadankeena nabad nooga dhig, allow dawlad caadil ah na sii, aamiin,
    wlhi mamada manta wadankeeda ku raxaysatay waan ku faraxsanahay, sanad iyo shan bilood ayaan moogahay muqdisho anigoon weligay meel uga bixin madino,,sorry waan ku soo laabandoonaa wadankeyga iyo barwaaqada dhextaala, waxaan illah ka baryaayaa inuu dadka xumaha nala damacsan naga qabto insha allah,,,waadna mahadsantihiin bah weynta radiomuqdisho adinkoo isku duuban,,,insha allah wana imanaya weliba sanadkan gudihiisa…noloshayda ma arkin bada liido , waa inaa hada soo bartaa……….

  24. Wadani says:

    Amaanka hala Sugo Ummadaas farxadeysan yeynan kuwa jaahiliinta laynin teeda kale waxaan jeclahay si gaar ah inaan wariyaasha Radio Muqdisho u salaamo All Jimco wanaagsan

  25. maashaa alaah waan ku farxay markaan arkey liido oo aan tagi jirey jimca kasta hadana waan ilmeeyay maadaama aanan 11 sano tagin lakin hadii alaah yiraah waabalan in aaan aado

  26. abshir xuseen says:

    aad ayaad umahadsantahiin bahda radio muqdisho wlhi waa farxad aanan qofdamiirleh la ooynaayo maxaayeelay waxaan aragnaa dalkeyni iyo dadkeyni oo wadankooda ku damaashaadayo laakiin bahda sawirada waxaan aad uka codsanaa dhanka danbe ee xaga kawaanka ku dhow waxaa ku dheela dhalinyarada ugu macquulsan waxaan jeclaan lahaa kuwaa inaad sawiro kasoo qaadaan blease

  27. geesey says:

    asc somali oo idil marka xigta waxaan ku faraxsanahay sida quruxda badan ee aan daawanayo xeebtii aan dabaasha ku soo bartay ee aan maanta sidii wagii aan dabasha baranayaay o kle loo dhooban yahay waxay ka dhigan thy wadankii waa nabad ee ilaahow waxidow wadankeena loo wanaaji waxa yar ee dhiman adigaa qaadir kuli shay ahee walahi waxaa daremi karo qiimaha wadanka lee yahay ninkii meel ka baxsan tagaa wadankiisa amaba xitaa lagugu yiraa wadankaadii adigaa soo haleyay ee meshan sidaas oo kale mahan hadii ilaah idmo waxaa sugaynaa sidaan si ka sii wacan (nin walbow wadanka wax kuu dhaama maleh) tasi waa iga dar daaran ee somaliyay anagaa iska halaynee aan wax u qabano hadal haan ma buuxshee

  28. timacade says:

    mashaa.alaah waxaan soo xusuustay heestii waa lanoqonayaa ee ay ku luuqayn jireen fanaanadii faaduma nakruuma iyo fanaaniintii kale
    waa dhabawday
    maraykan iyo yurub waxba nooma yaalaan hadii dadkii qaar noqdeen
    kolay qofkii qorbe soo arkay ayaa xanuunkiisa dareemi kara dhulkiina dheeftiisa iyo barwaaqadiisa fahmi kara
    aniga timacada ah iyo caruurtayda sidaas ayaad maantay dadkaas somaliyeed ee noqday udaawanaysaan ayaad iidaawan doontaan aniga oo xeebtii liido ku raaxaysanaya alaw iikaadi oo ha idilin inta aan tagayo

  29. Dhulkiisa tebe says:

    Jeyte and Ilkacase aad baad u mahadsantihiin sawirada qiima leh eed soo qaadeen waxaan filayaa qofkastoo somali ahina inuu ku diirsaday waayo somalia wax xun mooyee wax fiican lagama soo duubo markaa war farxad le ayaad na siiseene ilaah haydin siiyo idinkana war aad ku faraxdaan mahadsanidin radiomuqdisho.net

    walaakiin qurbe kunool

  30. ahmed says:

    Aad bey u wanaagsan tahay in la daawado bilicda dammashaadka xeebta liido.waxaan codsan lahaa marka lasoo bandhigayo sawirada xeebta liido sida loogu damaashaadaho.in iyana sidoo kale lasoo raaciyo sawirada soomaalida kale ee dibadaha jooga sida ay iyana cimiladooda tahay oo la is barbardhigo sida roobka,barafka iwm.

  31. wadaniyad says:

    ALLAHU AKBAR

  32. mowla says:

    waaaaaaaaaaaaaaaaw waxaan waa iriyadeedi oo rumoowday aan u maleeyay ama wali waxaan ku jiraa riyadii ,, ma aqaan waa in aan tagaa XAMAR CADEY oo soo hubiyaa arinkaan solo guriyooso

  33. shiikha jowhar says:

    maashaa allah tabaaraka allah allah hanoo kordhiyo nabada wa wax qaali ah in la helo nabad marka nabad la helo waxa la helaya inta bani,aadanka u baahan yahay oo dhan waxa la helaya naxariista alle soomali waxay diyaar u tahay ineey horay u socoto pls yaanan dib loo dhigin inta dhibaatada ka shaqeyneysana allah waxan weydiisaneyna inuu naga qabto wadanka haloo duceeyo walalayaal

  34. hoyo says:

    asc waxba haysa sawirina ee dadbaa naf iyo maalba u huray xuridda ee meelkasto oo joogtan u duceeya intaa udhimatay wadanka uxna u tara oo qoraal iyo faanka dhaafa howl badda iyo hadalyar baah loobaahan yahay xitaa jiddaka dayactira hada tihiin qorba joogto oo dadka masaa kiinta ah oo tabaaleysan oo iskooda ku shaqayn wax utaran waxan ka mid ahay qurba joogta waxana /50/dolar kaligey siiyaa bishii gabdhaha dhulka xaaqo oo ugu dhiiba tarsan isaga baa toos usiinaayo dadka dhulka xaaqo intaas isku daye qurbajoogto asc ha ilaawina TARSAN U SOO DHIIBA WIXII NADAAFADA AH ASC

    • Xamar Jajab says:

      Hoyo waa runtaa, waana xaq in aanu dhisanaa waddankeenii aanu burburiney. Aniga fikirkeeygu wuxuu yahay in Soomaalida qurbaha joogta eey u furaan sanaadiiq, midd waa nadaafadda, mid waa Boliiska nabadda Illaaliya iwm. qofkastoo wuxuu awoodo haku rido waxeey noqotoba Illaaheey baa barakeeynaayo. Micnah ku rid sanduuqyadaasi markii laga furo magaalooyinka aad ku nooshihiin ee qurbaha, haddaa hal Euro . Illaah baa wax badin karo. Wabillaahi toowfiiq

  35. Axmed shuluQ says:

    Alxamdulilaah waa mahad rabi allaah ayeene u sug naate ,,,wlhi waan ku farax sanhe farxada iyo tamash leeynat ka dhaceeyso xeebtii liido kuna Taalo my dagmadey c/caziiz oo aan ka maQanhe Mudo 5sano ah ,, mane qiyaasi karo darenka aan ku suganahe wlhi ani dhan xaada i istaag tay wlhi markaan arke swr daan ,, allow wadan keeyna inoo nageey nabad waa inooga dhalteee,,,

  36. mustafa says:

    maashaa allah alla dalkeygow maxaan niyada kugu hayaa sidoo maxaan u xiisay xeebtii liido allow nabad waarta dalkeena nooga dhig insha allah

  37. waaberi says:

    ASC walaaahi waa wax lagu farxo in maanta ay dadkeenii soomaaliyeed waliba dhalinyaro iyo duqoowba ay wada gartaan nabada waxa ay tahay ilaahoow noo siyaadi nabada macaan ee noo soo iftay mida kale waxaaiga su aal ah soomaaliyeey wadamadan aan ku nool nahay ee reer galbeedka ah sharciyadooda waan ilaalinaa marka aan halkan joogno wadankeena ianaan sharcigiisa ilaalino maxaa inoo diiday ileen waad aragtaan america hadaad dambi gasho waa lagu curyaaminauaa ma shaqeysan kareysid yurubna lacagta ceyrta ayaa lagaa jaranayaa anagana soo ma quruxbadna in aan dhulkeena sidaas ka dhigano si dadka ay u kala xakameysnaadaan mise waxaan ku xisaabtanaa lacagna lagaama jarayo shaqana cid kuu diidi kartaa ma jirto waxaan dhihi lahaa aqal tiir la aantii kaligii ma taagmee hadaynaan is taakulin tamar yeelan maynee ka taashaada cadaawuhuu isku tiirsanaadaa insha alaah waan gaari doonaa umadihii inaga tagay inta ay masiibadu ina haysatay waana ka xadaarisan nahay africa oo dhan inteeda badan xaga wax soo saarka ama besneska insha allaaah

  38. Durran says:

    Radio Muqdisho waxaan aad iyo aad idinkaga mahad celinayaa, sawirada quruxda badan ee aad jimca walbo soo galisaan, runtii waa nimco Illaah nasiiyey Illahna hanaga dhigo kuwiii garata nimcadooda, walahi waa qiiro aad iyo aad ku abuuraysaya qofwalbo oo wadani ah, mar labaad waxaan idin leeyahay mahadsanidiin, gaar aahaan qofkii qaday sawiradan.

  39. qudde says:

    masha alaah aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay wadankeena oo nabadiisa dib u soo labaneyso alle ayaan ka baryaa inta dhiman iyo anagoo nabad ha wadankeena in aan dib ugu laabano insha alah idinka alle wadankeena nabad waarto
    ruux walba wadankiisa ayaa an facaayo somaliyeey wadankeena waa wadan alle barwaqo ka dhigay aan nabadiisa aan ka shaqeyno cidkasta musuul ayaa wadanka ka saaran

  40. daljir says:

    maanshaa alaah ilaahow dowladeena iyo walaalaheena afrikaba iyo intii nabadgelyo iyo islaamnimo jecelba dhibka kadhowr viva radiomuqdisho waa idaacada kaliya ee aanleenahay hadaanhay qarankadhan ee soomaaliya

  41. Axmad wali says:

    Run ahanti ilmo aya indhaheyga qarisay markan arkay sida shcbkega ugu raxeysanayan dhulkoda hoyo iyo casimadi ankudhashay waxan lailmen garay hadalada walalaheyga qurba jogta orunti aad ugu faraxsan damashadka umadoda radiomuqdisho mahad sanidi viva dowlada midnimada qaran viva madaxweyne wanku doraneyna wanku doraneyna wanku doraneyna insha allah

  42. Waxaan aad ugu hambalyeynayaa idacada iyo talifishinka qaran somaliya waa idaacad jirtane aanu ku tixanahay hadii aanu nahay qurbad joogta england waan imaan doonaa somalia idaacadane waa iney sii badisaa dadaalkeeda

  43. Gacmadheere says:

    Allow ha idilin intaanan xeebta liido kusoo dabbaalan…Caasimaddoo nabad ah aadbaan ugu farxi lahaa..Soomaaliya ha noolaato

  44. abdulwahab says:

    sc/wr/wb adoo dadkaga iyo dalkaga nabad ku haysta, cafimadqaba, quutalyomkaga haysta
    yaka nasiib badan ilaahow nabada noo xoji

    mahadsanidin radio muqdisho

  45. Qeys says:

    Asc dhaman umada somaliyeed melkasta oo adjogtan sln kadib wad mahad santahiin radio mogdisho sidawanagsan adnookusookudbiseen lkn talakalo wan aragnay liidee balmar wabiga shabeele iyo buundada buulo barde iyo b.wayn mahadsanidiin

  46. jk says:

    maashaa Allah Viva radio muqdisho sawiradii aad soo gelin jirteen jimcihii ugu horeeyay dad saas u daban ma joogin, laakiin hadda caadigi liido ahaan jirtay +20 sano ka hor ay ku soo laabatay. nabadda liido ka muuqata ilaahayow wadanka oo dhan wada gaarsii. Aamiin

  47. mahamuud says:

    waaaaaaaaaaaw maasha aallaah aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay

  48. masha alh wlh qofkii wax dareemi karo aya daremayo waxa ey nabad tahay ama qaran waaad arkeysaa idan waxa uu yahay wad arkeysa kala danbey iyo is dhax galka bulashada wanageeda waaar hadii la wada noolado maxa kujabana midakale cidamada bada taadgan ee ku ilalinaya adiga miya udirsatay dowlad ayaa udirtay dowlada waa shacabka qof waliba aya dowlad ah walalyaal wad in aad agarataan waxa ey dowlad qabaneyso wana in aaaan isku doonaaaaano qurbaha aad jogtan wa wax laga dhigatay geed baxa mahaa walayaal waaa in aaan garaana wadanka iyo qiimahiisa tanks

  49. siyaad says:

    meel u gooni ah haloo dhiso dumarka. waxey jecel yihiin in eey dabaashaan lakiin xishood ayay la dabaalalayihiin. please, ha loosameeyo meel u xiran dumarka.

  50. anas.bin hamari says:

    asc muqdisho meeshii maahan maasha alaah waan ku faraxsanahay ilaahey hanoo dhaafo wadankeena shayaadiinta al shabaabna ilaah hanaga qabto

  51. Bashir Suley says:

    asxaab badan oo est africa ku soo warertay ayaan soo wadaa ee plz Dabasha yaa nagala qadin.
    Asxbey wlhi xamar waa adis inshaa waan imaana in this MONTH.
    Darenka mamadas wadan intu ka aday dhalinta baaeygu waa inagada wadamadan aan darenka ku joogni ee ina geeya meelan xor unahay.

  52. nabadoon says:

    asc dhamaan ummada islaamka ah gaarahaan soomaaliweyn waa idin salaamaa nolosha waa mida dalkaada taal ee walaal ilaali nabada hanoqon qolada afka duuban oo kale illaah hanoo dhaafo taliyaha ciidanka qalabka side ee soomaaliyeed janaraal dhegabadan u bixiyay jaah iyo jiha diid bal fiiri maama culumo maku noolaankartaa wadan islaameed walaalayaal aan gacmaha isqabsano kuwaana aan iska dhicino balanteeno waa liido liido liido erayadii duqa magaalada muqdisho mudane tarsan nooloow ilaah haku xafido dhamaan soomaali inta nabada jecel ilaah haxafido balanteeno waa liido liido liido dalkegoow dushaada waa barwaaqo dabeeshaada waa udgoontahay dalkeygoow

    • nabadoon says:

      dalxiiskaada maan imaanin dalkeygoow meel aan kuugudoorsanaayo miyeey dunida kutaalaa dalkeygoow miyaan dunida dawarsadaa dalkeygoow bal fiiri fanaanada soomaliyeed waxeey ku geeriyootay wadan islaameed faadumo qaasin hilowle ilaah ha u naxariisto

  53. masha alaah ad iyo ad bay u mahad san tihin ilahay nabad ha siiyo xamar iyo somaliya oo dhan insha alaah somaliya way midoowbi doontaa

  54. joku says:

    mashallah

  55. wardhigley says:

    maashaa allaah allow wadankeena inoo toosi nabad wax ka fiican malahan allo somali dhibaatada ka qaad aamin aaamin

  56. joku says:

    badi al shabaab dii diideese inaal galo waal galooyaa mashalla

  57. wadani says:

    khofka marka u ka tago dalka ama u aado khurbaha waxuu daremaya kala duwannansho dheermarka dadkena ku nool khurbaha walalayal aynu dhkahan rogno kuwa hada ku bahaleysta ama kuso koray khabiil iyo khoro side ban u dhakhan rogi karna in aan tusno waxa dibada lo ado laak sameysan karo halkani ama haduu arko 100 khofood wanagsan cafimadeysan takhan o ladhakhanka bulshada kal duwan isaga waxuu firinaya nidamka isjeceelka isdhaxgal wax isfahamsinta walahi wuu is roga had uu arko bulsho atyeeysan oo mwanagsan

  58. kabootooy says:

    malinba maalinta ka dambaysa horay baan usoconaa soona laban mayno waana ilaah mahadiis soomaliya hanoolaato dhibatada iyo dulmiga kuwa ku wado imaanka ilaah hagaliyo nabad waan helnay aan ilaalsano
    anagay dan noo tahay walaalayaal

  59. joku says:

    Maashallah

  60. sagal says:

    plssssssssssssss dumara u seemaya meeeel gooniha aaan ku dabaalano maerkaan imaaano smarka plzaaaaaaaaaaaaa

  61. liban says:

    ruuti wadani walo dhashay iska dhig mahan hoyo yada ooyenso wa somali nimada wax ka taqanna dad ka ay la noshah wa biini adom norwey hormarak iiag samestay maraka somaliyee dalkin dhisa hoormar sameyya

  62. Maashaa allaah,Mashaa Allaah,Mashaa Allaah.Waa wax lagu farxo horumarka Muqdisho Allha u siyaadiyo Aamiin.Dalka oo dhana Allaha Nabadeeyo Amiin.
    Xamar waxaa iigu danbeeysay 1990 Dhamaadkee oo aan dalka ka dhoofay isaga oo nabad ah waxaan ku soo noqday 1991 isaga oo uu dalka ka socdo Dagaal Sokeeye(Civil War) dhawr isbuuc ayaan ku sugnaa ka dibna waxaan ka dhoofay ilaa iyo hada ma aanan ku soo noqdon laakiin waxaan rajeeynayaa in aan dhowaan dib ugu soo noqdo haddii Alla Idmo Insha Allaah.
    BY:Abdulkadir Cadaay.London.UK

  63. ali farax says:

    asc bahda saxafada iyo busha wenta somaliyed melkasta eyku sugan yihin manta waxa muqta marxaladi hore mid kaduwan taso ah in lamaqli jiray dagalo iyo xisado coladed lakin mantay tasi majirto waxa sodhawaday xiuligi anbada laga faidesan laha ayan jogana nabadana waxa horseda shacabka doladana hadey tagero kahesan shacabka majireso mantay waxanu hesana fursad qali ah ayan hesana taso lobahan yahay inlaga faidesta nabada kajirta muqdisho waxan oga mahad celinena alah subxanahu watacala wain alah anku shuk rina mahadna waxey usugnatay alah asc

  64. Wadani says:

    Asc mahd gaar ah allihii na abuurtay aya u sugnaaty marka labaad waxan ka codsan lahaa shaqalha Radio Muqdisho AMA Dowlada Soomaliyeed ayagoo ku mahdsan shaqwada ay u qabteen dalkooda iyo dadkooda waxan jeclaan laha in dumarka loo smaeeyo meel gaar ah ay ku dabaashaan waayo hadA xor maahn OO sey raban uma dabaalan karaan ragii uun baa naqaystay dumarki wa kuwa taagtaagan marka waxna dhihi laha dumarka jaanis ha lasiiyo

  65. abdi says:

    Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in aan arko xeebta liido ee magaalada muqdisho oo dadkii somaliyeed ay ku baashaalayaan. Anigana mardhaw ayaan rajaynaa in aan aado somalia. Waxaan kaloo aad ugu bogaadiyay PLICE ka somaliyeed oo aminga sugaaya si ay uga ilaaliyaan kooxda isku magacoowday shabaab anigana aan u Bixiyay Kooxda Jahwareer, bahda radiomuqdisho.net waa mahadsantihiin.

  66. xasan says:

    Drinking tea in the sea is Janno yar.
    thanks RadioMogdisho.

  67. QOOJE says:

    ASC WALAALAYAAL WAA WAX AY DHAMAAN DADKA SOOMAALIYEED MADAXA FIYOW LIHI AY KU FARXAAN WAANA WAX AYSAN JECLAYSANAYNIN KUWA NABAD DIIDKA AH EE SHEYDAAN MUJAHIL MARKA WALAALAYAAL HALA ILAAL SADO NABADA XUKUUMADANA WAA IN AY FAHANTAA KAARTOOYINKA SHEYAADIINTA HANA ILAALISO SHACABKA

  68. jiira guloow says:

    asc masha allah hoyadan ayada kali ma ooyiin lkn anaga oo dhan ayeey nagah ooy siisay lkn mar dhow waan iman doona isha allah tikiidka xata woow igo aan yahay walahi insha allah wa inoo balan bisha 6 lixaad insha allah allloow wadan keena nabad nogah dhiig yarabi yaraxmaan

  69. cali yare says:

    asc marka ugu horeyso ilahba mahad iskale oo nooga dhigay nabad dalkeyna hoyo tan labad waxa mahad u soo jedina ciidamadeeyan xooga dalka oo naftoda qaliga ah u huray tan sedaxan radio muqdosho oo mar waliba nala socodsiiyo waxyabaha ku soo kordhay mogdisho wan idonkaga mahad celona waxan kaloo mahad gara u jedina weriysha radio muqdisho u shaqeeya oo ayagane naftooda u hura sida ay dadkooda ugu ugu soo gudbin lahayeen xaqiiqada dhabnaha waxan idn leeyahay halkiina kasiiwada shaqada ad u heeysan umada somaliyeed ilaheyna hanaga dhigo ku wii guuleesta mar waliba amiin

  70. Kulmiye says:

    Allow adaa mahadleh bajaq yaashi hadii
    Goono iyo funaanado wataan oo an la qasbeyn
    Walle baashaalkeeda godane walle bisha 7aad
    Liidoy malag baa iga kaa celiyo

  71. RAHMA says:

    asc.hooyo culumo wan ku wada salaanay mar walba ayaan ooynaa marka aan aragno quruxda wadankeena waxaa kaliya oo garan kara wadaninimada waa ninkii qurba yimaada markaas ayaad ogaaneysaa macaanta ay leedahay nin walba meeshuu ku dhashay ama uu ku soo barbaaray. waxaan ku soo koray xamar cade xaafada maxamuud xarbi nolosha kuma doorsanaayo meel kale, riyadeyda mar kasta waa xaafadeydii iskuulka aan uga soo baxay dugsi hoose iyo dugsi dhaxe dugsiga sare waxaan kasoo baxay jeneraal da’uud.waan wada salaamay dhamaan xaafadeydii, iyo dariskeenii meel walba oo ay ku noolyihiin ,iyo radio muqdishio, iyo dhamaan ciidankeena qalabka sida ee noo soo celiyay sharafteenii iyo magaceenii waxaan idin leeyahay allaha idin guuleeyo.

  72. saciid says:

    waa xeeb wacan oo wanaagbadan aloow
    nabad kayeel

  73. Aad ban ugu faraxsanahay xeebteena liido oo soo lugu bashalayo ala ma ka mid noqdo

  74. saeed says:

    Ascw waa xeeb qurux badan nabad waarta waxaana horumarinteeda leh dadweynaha soomaaliyeed oo ku nool dhulkooda hooyo cawo iyo maalin, dadweynaha ku nool wadamada qalaad oo ku nool waxaysan dhaxal u laheyn ama dheef waxaaa muhiimada xeebto liido dadweynaha soomaliyeed oo cawo maalin ah xoogooda iyo xeeshooda xeebta ay ka muuqato qeybahooda kala duwan qaroolaha,bajiyaha,barafka,zambuus malayga
    malaydabatada ,nabadsugayasha,waalidiinta iyo walaalaha xamar
    cawo iyo maalin .

  75. afnugal says:

    thanks god,this is mogadisho and it’s shinning again.

  76. ibayare says:

    masha allah masha allaah
    allow dalkena badan noga allow dadkeba is jacelesi allow ciidanka qaran guley allow somaliweyn is raacsii allahu akbar wkhi wa farxad gul barwaqo u soo hoyatay umada somaliyed mel walba o ay jogan allow cadowga somaliyed gacta ka so gali wa farxad badeni udgoned o an qarasha iyo lacag laga rabi o an gabdhaha laga qash qashado o ad iskaga damashada wa farxad allahu akbar masha allah

  77. roble says:

    waaw tanini waxay natusaysaa nabadii iyo bilicdii muqdisho

  78. warsheekh says:

    ac wan hubaa in aydhiirigilisay maama culumo qurbajoogta soomaaliyeed masha llaah masha allaah

  79. warsheekh says:

    dal kee goo dushaado wabar waaqo dalkeegoo dabeeshaado waa udgoon waxaan umahad naqaa raadiyaha iyo talafashinka qaranka wan hubaa in ayqaranka aykor uqaadeen waxaan dhahaa jira eeeeeeeeeeeeejira cadawgiina allahajibiyo aaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaamiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin

  80. Yousof says:

    wallaahi waa ilmeeyey somaaliyeey
    inagaa nabada isu haayno ee maan
    midoowno Qabiilka iska duugno iyo xumaanta
    ILAAHAYOOW somaaliya sideey ahaanjirtay
    noogu soo celi AAMIIN Mahadsanidiin bahda
    warfaafinta howshiina ILLAAHEEY ha idinla garabgalo AAAAAMIIIIN

  81. abaayo soomaaliyeed says:

    Maasha Allaah. Waa sugi lahay summerka inta aaan ka tago mogadhisho. Allaah nabad waarto hanoo keeno oo wadanka oo dhan ka jirto insha allaah.

  82. ilhaan omar says:

    wadankeena alle ha inooga dhigo nabad wanku faraxsanahay inaan arko xeebteena quruxda badan insha allaah dhib ayaan usoo laaban doonaaa wana uxiisay wadankeeeeena illaaheyow sheydaamiinta ka qabo

  83. Maasha Allah waxaa isbadalay wax Wayne Shan Iyo labaatan sano Aan wadanka moogahay ilaahoo noo sii kordhi si Aan dhamaanteen u soo laabano

  84. Nasiibkeega ma xumeen lkn wax kasta, wa qadar alle waxan ku ilfortay dad isdilaya, waxan ku ilfurtay kala danbeyn la,aan waxaan arkay meyd babaray hooyo gablantay waxaan ku ilfurtay dad la dhacay omisna ayagoo nool la duugay, waxaan u qaxnau dhul kale o reer abtiyaalkeey, reer abtiyaalkeey waxa ay hayeen dadka la barakicaya ayaguba wax ha geestaane, waxay ig yeerayeen magaca qabiil mar malaala markaan cayar banaanka u tago wa ddki dad igu xigay, waxan si sir u maqlay inanka hadu weynaado so cadowgeen aaabihi racimayao iyo ereyo lamid ah, waxaan arkay dad dacar isku wada noqday abahay alaha u naxariste inama racn waga, waayo xagooda dil u kaga xukuna waay qabiilkisa aya ha qabiilka lo aqonsada gumaadka inkasto isagau fa l kuaheen lkn wagi dowlada ahaa prosore ahaan ssafirada wareega, aabahay alaha u naxariste, 2 tarikh buu iga shekeen jiray waxa u i oran jiray, wadanka waxa ulaha goobo dalxiis, mombasada no dhow 200 o meel ookliaya ayeey heesata bada, anaaga ka wadana, %79aabahay waxaa u aha mudin wadani ah, walaalkey asagoo jaamici ah aya lagu dilay gobolada reer anbtiyaalkeen, aano ay geesteen awooyalkiisa asago inan yar ah oo jamac u socda, oo an guursan riyadiisee s afjareen, isago wax yar qan gaar ah, familkeenu kuma jiro qof xata yaqana sida bastoolada lo rido, qalinka mooye, aabahay wxa u aad iga sheken jiray liido inuu aad u jeclaaa mantana ay thay kawaan,dadk lagu gooraco, qaracankaas aabahay waxa kaloo ii sheegay, mucjisada hadalka abahay k tagay waxa u ahaa, aabe waxa u i dhahay alam nashraxa waxa ku jirta aayad, taaso cadeynaysa dhiubksta waxa ka danbeeya, dheef iyo maslaxad, lkn waxa u kaoo i sheegay dhib aan marna dheef ka danbeen wa naarta qofkii gala, wa u ba;ay qofkaasi waxana ka mid ah qofki dhiig islamaeed agala hanti islaameed biliqeesta, walaahi hada wa i ryo aan\bahay waxa uuiga dardaarmaaya o dhan waan arkay lkn aanta ila jogo waayo waxa u ila doonay inaan waxbarshada heer ka gaaro, wan ka gaaray maanta heesta shahaado MR community development,alxamdulilaah, waxaan arkaa wadankii abahay sheegay inuu diuib u sonon doono dhibaato badan ka dib, waxan arkaa badii liido oo abahay jeclaa oo maanda bidhaanteda dib u so labanayso, walaahi waan ilmenayaa, sorry aanaahy iam joogo farxadan an arko manta wuu ila qeybsanlahaa, lkn alle yaa iga jeclaaday, walaahay oo i muuqda aan arkaa, walaahay oo an hal qabiil ahayn ba ai muuqda oo meel ku wada dabaalanayo, waxan arka dadkii iswada necbaa oo hal madaxtoyo kawda ariminayo, inta dhimana walahi way soo dhowdahay, nasriga alle wa dhow yahay, walaah sida qaldan wax u fahmayna waxan ka rajeyn doona inta ka harsan inay mar uun nagu soo biiri donan , alxamdulillah alxamdullilah,

    • goobweyn says:

      MAA SHAA,ALLAAAH WALAAAL WAAN KUUGU MADADINAYAA SHUCUURTAAS WADANINIMO EE KAAA MUUQATA LAAAKIIN WAXAAAN KUU SHEEGAYAA INAAD KELIGAAA KU AHYN DARIIQAAAS OO MAAANTA AY DAD BADAN KULA WADAAGAAAN QABIIL HADII UU WAX TARAAYO MESHAAS AYUU NA DHIGAY SIDAAAS OO KALE AYAAAN U ILLIMEEYNEEYNAA ANNAGA OO DHAN WAXAAN RAJEYNAYAA INAAN MAR DHOW XEEBTII LIIDO ISKU ARKI DOONO AAAAAMIIN

  85. maashaa allaah marka hore allaa mahad leh nagu manaystay nimcadaan qaaliga ah saas ay tahayna aan ku intifaaci waynay ee allow wadankeena nabad iyo cadaalad keen

  86. ahmaduna says:

    asc dhaman umadeyda somaliyeed meel walbo aad dunida ka joogtiin waa arin lagu farxo in shumacii muqdishu oo dib u shidmo taasna waxaa ku mahadsan allah kasoke ciidama xds oo haben iyo maalin u soo jeedo wax ka qabashada ammanka dalkooda, aad ayaa ugu faxsanahay in dadki dib ugu soo laabtaan dalki oo mudo dheer ugu danbeesay aniga xitaa aad ayee ii saamesay mama culumo oo ilmeyneysa aniga xita ilin ayaa igu soo ciirciirtay insha allah mar dhaw ayaan wadankeyga dib ugu soo laabanayaaa

  87. faarax gaas says:

    ina adeerow haley qabto yaana bada isku tuurin dabaalna lama yaqaan ee meeshu badbaaado maleedahay

  88. wadani says:

    dadka ilahay wax siiyo dadkasi usameeya makhayado laga cunteyo iyo meelo laku dheelo xita ha ahaato lacag wax dhib ah malahan lakinse soo celiya bilicda guryihi dumay ee ku dhaw bada ku dhaji nalal keena makhyado laka cunteyo sida kuw oroba ookale so celiya bilicda guryahan wabilahi towfikh

  89. daljir says:

    wlh waa wax lagu farxo

  90. fardowsa says:

    maaaaaaaaaaaaaaaaasha alah aad&aad umahad santihii radio muqdisho sawirada noosoo bandhigtee. markasto aan arko somalia oo wax iska badashey aad iyo aad aan ugu farxaa waxaa alle karajee naya in sidan & sika wanaasan. Aniga maana tagin mudo 20 sano, hadana haduu ale idmo waxaan aadidoona 10 /jun, liiiiido I coming to you I LOVE SOAMAALIA SOOOOOOOO MUCH. PEACE FOREVER.

  91. fulaan says:

    Aad ayaan ugu faraxsanahay in Soomaaliya dhibaato badan ka dib ay dareento neecaawda nabadda.
    waxaa mahad iska leh Allah marka kale Radio mogadishu.

  92. Hasan cartan says:

    Radio mugdisho runti umada somaliyed wax wen ayad u qabaten runti aniga wan u xisay xebta lido iyo dalkayga hoyo allahayow wadan kayga o nbada dib nogu celi

  93. hayne says:

    masha alaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaah
    muqdisho waa hagaagtay ilahbaan ka baryay in talaabo laga qaado kuwa falalka waxashnimada ah qaddaya ilaah ha dhibo hana ka soo qabto wadank

  94. Masha alah waan ku faraxsanahay madama aan ishe ku dhuftay xeebta somaliyed oo aad u qurux badan masha alah in sha alah waa imaan doonaa wana rajena haduu ilah idmo insha alah




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Toos U Dhageyso Radio Muqdisho

Wararka

SHIRKA7

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Siminaar loogu soo gabagabeeyay Magaalada Kampala ee Dalka Uganda ”SAWIRO”

Siminaarkan oo ay ka qeyb galeen ku dhawaad ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12-150x150

Dhageyso barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/09/Bandhiga-Waraysiyada-Mustaf-Warcadeeye-01.09.2014-ok.mp3"][/audio]
astaanta-warka161-150x150

Dhageyso Warka habeennimo ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/09/WAR-HABEEN-01.09.2014-ok.mp3"][/audio]
DSCN0150

Ku Simaha Madaxweynaha Dalka Oo Si Heer Sare Ah Loogu Soo Dhaweeyey Baydhabo “SAWIRRO”

Ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Golaha Shacabka ...
01 (12)

DAAWO VIDEO:Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka oo qaabilay taliyaha ciidanka Mareykanka ee Geeska Afrika (Sawirro)

Taliyaha ciidammada Mareykanka ee dalalka Geeska Afrika Jeneral ...
1

Maamulka Gobolka oo gaadiid loogu adeegayo bulshada guddoonsiiyay shan Degmo(Sawirro+Muuqaal)

Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta 5 gaadiid ah ...
somali-president-hassan-sheikh-mohamud

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kenya uga qeyb galaya shir looga hadlayo argagixisada

Madxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/09/WARKA-DUHUR-01.09.2014.mp3"][/audio]
DSC08902

Jaamacadaha Soomaaliya iyo Jamhuuriya oo soo bandhigay arday cusub oo ay qaateen “SAWIRRO”

Munaasabaddaani dib loogu furayay Jaamacadda Jamhuuriya oo ay ...
unnamed (2)

Daawo Golaha Wasiirada oo meel-mariyay hindise sharciyeedka xeerka saxaafadda “SAWIRRO”

Muqdisho, September 01, 2014—Ra’iisul Wasaare-ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ...
Sawirka Gudoomiye Jawaari

Ku-simaha Madaxweynaha Dalka oo Baydhabo kula shiraya odoyaal dhaqameed

Ku-simaha Madaxweynaha dalka ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ...
DSC00796

Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo soo bandhigay warqado been abuur ah “SAWIRRO”

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Axmed Cali ...
vlcsnap-2014-09-01-13h44m54s131

Wasiirro Iyo Xildhibaano Ka Qeybgalay Xaflad Lagu Furayay Shirkada Duulimaadka Som Air(Sawirro+Muuqaal)

Wasiirro ka tirsan xukuumadda ayaa ka qeybgalay munaasabad ...
heshiis

Dibadbaxyo Lagu taageerayay Heshiiski Barre Hiiraale Iyo Axmed Madoobe Oo Ka Dhacay Deegaanno Ka Tirsan G/Jubbada/Hoose

Dibadbaxyo lagu taageerayay heshiiskii lagu soo afjaray khilaafkii ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka SUbax Ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/09/WAR-SUBAX-1-9-2014.mp3"][/audio]
IMG_65111

Ambasador Cali Americo oo Xalay Kulan La Qaaday Soomaalida Ku Nool Xaafada Islii iyo Saraakiisha Ammaanka “SAWIRRO”

Safiirka Dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada125

Dhageyso barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
vlcsnap-2014-08-31-16h39m16s249

Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo la wareegay deegaanno hor leh oo ka tirsan labada Shabeelle iyo Hiiraan “SAWIRRO”

Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo kaashanaya kuwa ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/08/WARKA-HABEEN-31.08.2014.mp3"][/audio]
dhalinyaro

Guddiga maamul u sameynta Gobollada Mudug iyo Galgaduud oo la taageerayay

Kulankani lagu taagerayay magacabista guddiga maamul u sameynta ...
waali6

Wakiilada beesha caalamka ee joogo Soomaaliya oo soo dhaweeyay horumarka laga gaaray dib-u-heshiisiinta Kismaayo

Muqdisho, 31 Agosto 2014 – Qaramada Midoobay, Urur ...
wasiirka warfaafinta

Weerarakii gaadmada ahaa ee Al-shabaab ku qaaday xabsiga Jilicow oo guuldaro ku dhamaaday War-saxaafadeed

Agosto 31, 2014....Ciidamada amniga ayaa gaashaanka u daruuray ...
astaanta_qaranka11 ok

Wasaaradda Caafimaadka oo daah furtay shir looga hadlayo horumarinta adeegyada caafimaadka “DAAWO”

Wasiirka Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta daah ...
IMG_0458

Majmaca Culimada Soomaaliya oo Muqdisho ka hirgeliyay xafiis loogu adeegayo bulshada “SAWIRRO”

Majmaca Culimada Soomaaliya ayaa maanta furay xafiska la ...
Dagaal-1

DAAWO: Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo la wareegay deegaanka Dhiin-garas ee G/Sh/Dhexe

Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya gaar ahaan kuwa ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/08/WARKA-DUHUR-31.08.2014.mp3"][/audio]
howlgal

DAAWO VIDEO:Ciidamada nabad sugidda oo ka hortaggay weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen xarunta Nabadd sugidda ee Gobolka Benaadir

Ciidamada Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa ...
Marwo Khadiijo

Wasaaradda Haweenka oo gaadiid ku wareejisay arday agoon ah “DAAWO VIDEO”

Wasiirka Haweenka iyo xaquuqul insaanka Xukuumadda Soomaaaliya  Khadiijo  ...
2

Xiriirka Kubadda cagta Soomaaliyeed oo guddoon cusub yeeshay “SAWIRRO”

Waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtey Doorashadii 6-aad ee ...
howlgal ciidamada xds

Ciidamada XDS Iyo Kuwa AMISOM Oo La Wareegay Deegaano Ka Tirsan G/SH/Dhexe

Iyadoo howlgalka Badweynta Hindiya uu shalay ka bilowday ...
waali2

Bulshada Ku Dhaqan Jubbooyinka Oo Si Diirran U Soo Dhaweeysay Dadaalada Dib U Heshiisiineed Ee Dowladda (Dhageyso+Sawirro))

Dhadka ku nool gobollada Jubbooyinka ayaa si weyn ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Subax Ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/08/WAR-SUBAX-31-8-2014.mp3"][/audio]
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12-150x150 (1)

Dhageyso barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
1

R. W. Cabdiwali: “Go’aanka Bare Hiiraale uu qaatay, waa mid dhiiri galinaya nabadaynta Jubooyinka” “DAAWO VIDEO”

Wafdiga Wasiirada ahaa iyo Barre Hiiraale ayaa caawa ...

Tubta Toosan

Sh Cali Wajiiz

Sheikh Cali Wajiiz oo si qoto dheer uga hadlay taariikhda kooxaha xag jira

  Taariikhda Islaamka kuma cusba kooxaha xag jirka ah ...

Islaamka iyo Xagjirnimada Dhageyso

Shareecada Islaamku waa diin dhex dhexaadnimo waxayna ka ...
Dhallinnyaro

Maalinta Caalamiga ah ee dhallinyarada, Waa side xaaladda dhallinyarada Soomaaliyeed?

  Maanta oo ay taariikhdu tahay 12 August waa ...