Mas’uulyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Turkiga ayaa kormeer howleed oo ay ugu kuur galeyaan nolasha iyo Waxbarashada Ardayda Soomaaliyeed ee ka faa’ideysanaya deeqaha Waxbarasho ee ay inoogu deeqeen walaalaha Turkiga waxey ku tageen magaalooyin ka tirsan dalkaasi.
Kormeerkaan ayaa waxaa mas’uuliyiinta ka socotay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga waxey ku tageen magaalada Polatli oo qiyaastii 80km u jirta magaallo madaxda dalkaasi ee Ankara ayadoo mas’uuliyiinta Safaaradda ka socotayna uu hogaaminayey Xoghayaha Koobaad ee Safaaradda Mudane C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac).
Ugu horeyn mas’uuliyiinta ka socotay Safaaradda ayaa xog wareysi ku aadan xaaladda waxbarasho iyo mida nololeed ee Ardayda la yeesheen maamulka iyo macalimiinta koleej ku yaala magaalada Polatli kuleejkaasoo ay wax ku bartaan 140 Arday oo gabdho ah waxaana macalimiinta iyo maamulkuba aad u amaaneen asluub wanaaga iyo hanaanka ay Ardayda wax u baranayaan ayadoo kadibna ay mas’uuliyiintu kormeereen goobaha ay ku cunteeyaan Ardayda iyo goobaha ay seexdaan.
Kadib markii ay mas’uuliyiinta iyo macalimiinta Koleejka la kulmeen ayey mas’uuliyiintii ka socotay Safaaradda waxey howl ku yaala Koleejka kula kulmeen Ardayda oo ay ka dhageysteen warbixinno ku aadan xaaladahooda waxbarasho iyo nololeed waxaana qaar ka mid ah Ardayda oo goobta ka hadlay ay Safaaradda uga mahad celiyeen kormeerrada noocaan ah ee xaaladahooda lagu ogaanayo ayagoo dhanka kalena xusay iney waxbarashadoodu ugu socoto si wanaagsan.
Mudane C/qaadir Maxamed Nuur(Jaamac) Xoghayaha Koobaad ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga oo Ardayda khudbad u jeediyey ayaa ugu horeyn waxa uu ku guubaabiyey iney sii wadaan Waxbarashadooda waxaana uu Ardayda u ballan qaaday in had iyo goor Safaaraddu xaaladahooda ka warqabi doonto islamarkaana baahi walba oo ay qabaan dabooli doonto ayadoo ugu dambeynna uu Ardayda xasuusiyey iney mar walba xasuusnaadaan iney dalkooda iyo dadkooba wax u baranayaan,ayna yihiin mustaqbalka berri.
Kormeerkaan ay mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga ku tageen magaalada Polatli ee dalka Turkiga ayaa qeyb ka ah kormeerro ay had iyo jeer Safaaradda ku ogaato xaaladaha Waxbarasho iyo Nolosha Ardaydeenna Soomaaliyeed ee ka faa’ideysanaya deeqaha waxbarasho ee aynu ka helnay walaalaha Turkiga.

Photo By:-Cadaawe
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub +442035190460
USA & CANADA +17124327760
mahad ilahay ayaa iska leh ilahayow ka dhig kuwii dalkooda anfaco amiin waligiin sidaas u asturnada ilahay ha ini dhooro amiin
dadkiina ha iloobina masha aad ka imateen waligiin xasuus nada waan ini sugeynaa
Farxad k k k k k k k k k k k guuuuul ardayda somaliyed iyo walaha turkiga
mashaa allaah
waxaan u rajeynaa ardayda soomaaliyeed ee jooga dalka turkiga nasiib wacan
Kafaa,iidsata waa fursadii ugu horeeysay ee idin soo marta waa waxbarashadii ugu horeeysay arday soomali soo marta waxaa kacodsanaa ardayda dhigataa jaamacad ineey gabdhaha xushmeeyaan eeysan waxba gaarsiin
soomaaliyey waxbarta aan barwaaqo gaarneeee
Maa shaa alaah wax ka naxaayo soomaaliyo waxa ka jira dowlad turkiga abaal xoogan aan u haynaa dalkina hal i loobina
maanshallah walaalayaal waxbarta aan anfacdiinee wadankiina iyo walaalihiin
Asc magaceygu waa mukhtar maxamed warsame waxanjogaa turkiga waxanaahay ardeyda 319 diyanet soo wadaddey waxansalamaya madaxweynaha aapahey maxamed iyo hoyaday nurto
walaala yaal waa fursad huray loogu baahnaay ee ka faa iideysata oo yaan la tahriibin wadankiina wax usoo barta soomaaliyey
waa alla mahadii allaha idiin siyaadiyo ayan leyahay
ilaahaa mahada iska leh oo noo adeejiyay walaaleheena muslimiinta ah ee turkish intaa ka dib waa in ay ka faa’ideystaan ardayda somaliyeed oo daneyneysa wax barashada
aamiin yaa rabi ilaah hanaka dhigo kuuwii dalkood anfaca sanaa waan u asturnaaneena insha alah
dalkaygana waxaan urajeena habad iyo barwaaqo hooyaday na waan salamaaa
asc magacaygu waa caasho wxaan kamid ahay ardayda jogto dalka turkiga oo wxbadashada u imaatay waxaan dhhii lahaa fursadan kafaai idiista oo waxbarta wadankeenana an faca oo dhisa wadankeena oona waxbarta ok khyr
maa shaa alha waad feecan tiheen hawo shiina wata
asc walahi waa wax lagu farxo ardayde somaliyed nalosha ah ku jiran waxan lenahay waa guul uusoo hyatay somali
waxan taageersanahay guud ahaan in ardadeenu wax bartaan, meel kasta oo ay joogaan
Masha allah ilahow ardaydan kadig kuwii dalkoda iyo diintoda anfaca
maasha allah ardayda soomaaliyeeed waxaan idiin rajeeneyna guul allaha idinka dhigokuwii wax barta dalkoodana anfaca
ardayda waxaaan ka codsan lahaa qofkii wax soo barta inuu wadanka wax uqabto si aanhorumar ugaarno.
Mashaa allaah waa guul usoo hooyatey umada soomaaliyeed, waxaana u mahad celinayaa walaalaheyna turkiya xukuumadd iyo shacaba, waxaan kaloon dardaaran halkaan uga diraalayaa ardayda oomaaliyeed ee nasiibka u yeeshey waxbarashadaas inay ika ilaawaan wax ka habaaminaayo fursada ay heytaan ogaada inay idiin ugowso shaqo oo ay idiin ka danbeyaan dad iyo dal aad u qariban runtii aad tihiin aqoonyahanadii ilaaxin lahaaaaaaaa. mahad anidiin
mash alaah waa ilaah ma hadii mash alah markii hore dadka somaliyeed nanka gabdha ha wax barshada ma eesan ku da daali jirin lkn hada waxan ku farax sanahay gab dhaheene somaliyeed oo waxbaro ku dadaa laayo waxan u ma had naqaa dolada turkiga oo gacan ween ka gaar siisatay wadan ka somali dhinac walba oo ah wax barsho