Tuesday, May 21st, 2013

DAAWO SAWIRRADA:- Muuqaalkii Ugu Dambeeyey Ee Beledweyn Oo Isbedel Dhanka Bilicda Ah Laga Dareemayo

Published on December 26, 2012 by   ·   53 Comments  ·   19,938 views

Magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa laga dareemayaa isbedel dhanka bilicda kadib markii magaalada ay dib ugusoo laabteen qurba joog mudo ka badan 20 sano dalka dibaddiisa ku noolaa.

Isbedelladan dhanka bilicda ah oo ah hormar ay dadkii deegaanka u dhashay kusoo kordhiyeen magaalladooda ayaa waxa uu yahay mid marba marka kasii dambeeya kusii fidaya magaalada qeybaheeda kala duwan.

Magaalada Beledweyn ka sokoow iney tahay xarunta gobolka Hiiraan waa magaalo istiraariiji ah islamarkaana muhiim u ah isku xirka gobollada koonforeed iyo kuwa Waqooyi ee Dalkeenna.

Fursadaha ay dadku dib ugu dhisanayaan magaaladooda ayey heleen wixii ka dambeeyey intii magaalada Beledweyn laga xoreeyey Maleeshiyada kooxda argigixisada ah ee Al-Shabaab horaantii sanadkan gebagebada maraya ee 2012.

Gudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Mudane C/fitaax Xasan Afrax oo ka hadlay isbedellada hormarineed ee ka jira ayaa sheegay in maamulka gobolka Hiiraan uu kusoo dhaweynayo cid walba oo dooneyso iney ka qeybqaadaneyso hormarka ka soconaya gobolkaasi waxaana uu gudoomiyuhu u mahad celiyey qurba joogta horey dalka dibaddiisa uga yimid, sidoo kalena kuwa maqan ayuu ku baraarujiyey iney ka qeybqaataan hormarka dalkooda.

Hada waxey magaalada Beledweyn kasoo kabsaneysaa saameynta iyo raadadkii ay ku reebeen fatahaadii wabiga Shabelle iyo roobab lexaad leh oo isbiirsaday kuwaasi oo qoysas kumanaan gaaraya guryahooda ka barakaciyey balse hadii fatahaada aawgeed u barakacay wey soo laabteen oo dib ayey guryahooda u dhisanayaan.

Isbedelladan hormarka ah ee dhanka bilicda la xiriira ee ka muuqanaya magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa qeyb ka ah isbedello guud oo laga dareemayo magaalooyinkii dhowaan laga xoreeyey maleeshiyada argigixisada ah ee Al-Shabaab.

Balse in qurba joog ay dib u dhis ku sameeyaan magaalada ay kasoo jeedaan kuma koobna oo qura magaalooyinka laga xoreeyey Al-Shabaab waayo waxaa jira magaalooyin aanay marna qabsan Al-shabaab balse hada dadkii kasoo jeeday ay dib u dhis ka wadaan ayaga oo qurbaha kasoo laabtay waxaana talaabooyinkan ay qurba joogtu dib u dhiska ugu sameynayaan magaalooyin ka mid ah Dalkeenna ay muujineysaa halkudhigga ah “DAL WALIBA DADKIISA AYAA DHISTA”.

Photo By:- C/shakuur Cismaan Cali

Readers Comments (53)

  1. MUUSEGEEL3 says:

    Maashaa Allah. I love Baladweyne i love Somalia!

  2. mohamud says:

    maasha allah my home city bl.weyne iyo dhamaan wadankeena guudahaanba.

  3. masha allah mudo hore ayaaa iigu danbeysay ,
    Allaha barakeeyo Baladweyne somalia
    amiiiiiiiiiin

  4. Ja'far says:

    Asc masha’allaah aad bay uqurxoon tahay cadowga allaha ka qabto taasina alle ka sakow waxaa keenay cxd iyo ciidamada walaalaha jabuuti waad mahadsantihiin imbadan

  5. Ahmed says:

    mashaaaaaa alaaaaaaaaah balad weyne all alow dhilka nodashi aan ku soo labaneeeh waxaaaa nahelay qabow uuna laheen dhulkegu

  6. alle aamin says:

    mashaa allaah balladween waa bilicdii dalkeena allaha barak keeyo

  7. xabeeb says:

    YAAAAAAAAAAA SALAAAAAAAAAAAAAAAAM ALLOW BILICDIII DALKA HOOOYO SOO CELI AMEEEEEEEEEEEEEEEEEEEEEEEN VIIVA ALLAHAYOOW BALAAYADA HAREER MARI BALADWEYN

  8. harbi says:

    qurux badanaa

  9. Amaal Khaatumo says:

    MAANSHALLAH …Baladweyn allaahayoo ka dhig beerta raaxada beerlula allaahayoo belada hareer Mari! Allow noo dhowr wadanka iyo dadaka soomaaliyeed. Viva MIDNIMO VIVA SOOMAALIA

  10. omar says:

    waaaaaaaaaaw mashaa allah magalada baladweyn aad ayaay u qurxoontahay alahane u siyaadiyo

  11. barre says:

    masha allaah ilaahoow cadawga haka soo cilin adigaa awoodaadu sareeysaahe ilaahoow awoodaada ku xefdi ciidamada dowladana waxaan u rajeeynaa guul mar waliba iyo goob waliba

  12. abdisalaan keinaan says:

    MASHAA ALAAH BALAD WAYN ALLAHAYOWW KA DHIG MEEL NABADU AY KU BADAN TAHAY
    VIVAAAAAAAAA MY HOME TOWN

  13. xudeyfa sly says:

    Masha allah beld weyn magalo qadimi ah

  14. rashiid says:

    MAASHA ALLAH MAGAALADA BALADWAYNE WAA MAGAALO AAD U QURUX BADAN OO UU WABIGU DHEX MARO.. MAGAALADA BALADWAYNE WAA HOOYADII XORNIMADA DALKA SOMALIYEED..MAGAALADA BALADWAYNE WAA MAGAALADII ILBAXNIMADA IYO XADAARADA. MAGAALADA BALADWAYNE WAA XARUNTII URURKII SYL. VIVA BALADWAYNE

  15. cabdi jabuuti says:

    asc wr wb dhamaan soomaaliweeyn meel kasta ha joogaan.mahad alle weeye b weeyn hadday nabad tahay iyo soomaaliya inta baddan.waxaay ila tahay in laga faaiidaaysto khaayraatka ,biyaha iyo beeraha b weeyn.meeel biyo buuxaan maaha inaay faqiir ahaato.horuumariin baa la rabaa maanta.haddii cadowgii laga saarey

    hodan weeyaan hiiraan,hiiraan waa hooyo qaran,hiiraan waa hooy waddanii hubaal waa waajibkeen inaanu u hiilinaa,hiiraan waa lama huraan.

    w bilaahi toowfiiq

  16. samatalis says:

    maasha allah magaalada BALADWAYNE waa magaalo aad u qurux badan….magaalada BALADWAYNE waa magaalo taariiq ku leh dalka somaliya…. magaalada BALADWAYNE waxaa ku dhashay dhamaan madaxdii dalka soo martay sida madaxweyne aadan cabdulle cismaan. halyeey sheeq cali jimcaale baraale. colonel cumar xaashi aadan. halyeey cabdullahi ciise maxamuud. jeneral daauud cabdule xersi iyo inkaloo badan, viva MAGALADA BALADWAYNE

  17. Cabdixafiit says:

    Duca kaliya looma baahnee ha la isleeno meesho qurba joogoos!!!!! Markii wadanku barwaakhoobo, baahida la iidin qabo wey yaraan doontaa ama maba jiri doonto. Imaadda hadda intaan xeero iyo faandhaal kala dhicin!

  18. Dalmar says:

    Masha alaah beledweyn alahaow kadhig berta raxada alahayow kadhig mel barwaqa

  19. c/llahi macow cawaale says:

    ASC: MASHAA ALAAH, ILAAH AYNU KA BARINO, IN CAWADGA ILAAH KA ILAALIYO B/WEYNE, IYO DHAMAAN SOMALIYA O DHAN, WAN KUSO NOQONEYNAA B/WEYNE INSHAA ALAH, MEL INOO DHANTANE LAMA HELAAYO,CIDDA MAMULKA HEYSANA WAXAN KULA TALIN LAHAA, INAY SHACABKA WANAAJIYAAN, SI DADKA GOBOLKA U DHASHAY O QURBA JOGTA AH, LOO DHIIRI GALIYO, SIDII AY USO NOQON LAHAAYEEN,GOBOLKANE WAX UGA QABSAN LAHAAYEEN, MAHADSANIDIIN,

  20. Asc dhamaan somali weyn aad ayaad u mahadsan tihiin bahda radio muqdisho allaha nii fududeyo hoowshiina ,masha allah aad ayay u qurux badan tahay balad weyn alahaow waddankeena amaan nooga dhig

  21. Ali Cade says:

    Baarta raaxada B/weyn alloow bedelada kaa xijaab.

  22. maxamuud says:

    mashaa alaah somaliyeey guul iyo hor umar insha allah nabad iyo barwaaqo

  23. osman says:

    mashaa ALLAH beledweyn ALLOW nabad nooga dhig wadankeeyna hooyo

  24. Maanka says:

    Wooooow I love baladweney more than saxibtay

  25. CABDICASIIS says:

    masha allh ilove balad wayn ilove balad wayne more more ilaahaw dadka fidnada wada ka qabo hoyga nabada bladwayn love 4 ever

  26. Liibaan says:

    Llbn waxan dhihi laha nabada halatagero hadey nabad jirin nolol majirto viva nabada

  27. saynaa says:

    mansha alaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaah mansha alaaaaaaaaaaaah ilahaw dhulkena hooyo nabada ubilabatey usiyaadi o cadawgi kabaxay hanagu socelin yaarabi wadankena hawadisa macan cidisa carfeyso wax no dhamo maleh e ilahoow bilicdisi hore ku soceli wadankeyku maleh kuleeyl iyo qaboow baraaf kudhibaayo maleeh hawadisona waa udgon aan laheli karene

  28. Dayran says:

    Mansha allaah aad ayaan ugu farxay muuqalka balad weyne illaah ne haka dhigo meel nabad iyo barwaaqo iyo dalka intiisa kale

  29. ilmi yare says:

    ilove so much my dhulkeyga waan u xisay rlly illhow amniga yar ee inoso ifay txs quf waliba waqti siyay inu amniga sugadisa gacan ka gestay gar ahan cidamada djubti iyo radiomuqdisho

  30. shurie says:

    masha allah waaa ku faraxsanahay walaahi ilaahay nabad hanooga dhigo waxaaan leehay mar labaaad masha allah

  31. gacmadheere says:

    whl b/weyn magaalo aad u xamaasad badan ayeey aheey lakin hada weey isbadashay oo cidla ayeey noqotay ALLOW SIDEEDII HORE IYO SI KAFIICAN KU SOO CELI I LOVE B/WEYNE…….

  32. samatalis says:

    waaaaw mahadsanidiin bahda radio muqdisho. walaahi aad baan ugu farxay quruxda iyo horumarka ka muuqda magaalada baladwayne oo ah magaalo taariiq ku leh dalka somaliya. thanks

  33. muna says:

    maasha alaah qurux

  34. somali love says:

    maasha allah baladweyn
    waxaan halkan aad iyo aad uga salamaya raio muqdisho oo mar walba soo dubiya sawiro aad iyo aad u quruxbadan oo ku sabasan dalkee si hagar la.aan ayay u sha qeeyaan

  35. rooble says:

    asc all my muslim masha allaaaaaaaaaaaaah alla my home city ahaaaaaaaaa allow ku dhoowr waliga b.wayne inbadan ayana u xiisaye allow kuso dabaal nabad waarta somali idilkeeeeeeeeed allow somaliweyn balada hareer mari o isku soo celi ayago nabad ah meelwalbo eey aduunka ka joogaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaa viva somaliweyn

  36. bulbulyare says:

    masha allah waxan magala madaxdii miya wanku faraxsanhy arageeda

  37. soomaali says:

    fiirya dalkaa quruxdiisa waa cajiib ninkii lahaa ayaa burburinaaya dhaqaalaha lagu burburiyo kuwiina my city my home leh ayaa dira illaaho umadan fahansii wadaniyada

  38. nimco says:

    masha allaah guuuuuuuuuuuul dhamaan dadlka hoooye

  39. Abdi sokor says:

    Asc Akhyaarta sharaf leh waan idin salaamay dhamaantii in i taqaanaba iyo aanan is aqoonin waxaan idigu salaamaa, salaanta islaamka oo ah Asc. intaa kadib waxaa xusuus mudan Akhyaarta is xil qaantay oo soo aruuei sawiradaan xusuusta mudan oo aan lasoo koobi karin waxa eey xambaar san hiyiin sxb. waan idiink sida wanaag san ee isku xil saarteen? ???? wsc

  40. ABDI RAXMAAN says:

    MANSHA ALLAH MAY MAGAALOW ALOW KA YEEL MEEL BARWAAQO

  41. wadani says:

    Ma sha alaah alaah ayaamhadaaleh ee aloow noosiyaadi aamin aamin alooow aamin

  42. xaliimo says:

    a/s dhamaantiin allahu akbar maasha allaah ilaah waxaan ka baryaya in reer b/weyne ka dhigo kuwii dana hooda garto oo ka fekera sidii laamiyada isku xira xaafadaha iyo degmooyinka dhista islmarkaasna la bilaabo sidii buundokoobaad iyo keliga guufaale helada howl wadaag oo mar walba sababa biya baxada degmada ninkii yaqaana yaqaanee laga wada shaqeeyo sidii wax looga qaban laha danaheena aan garano hiiran uma baahna qaaran waa gobol qani ah waxa uu u baahan yaha oo kaliya dad ka shaqeeyo yaqaanana gobolka ilihiisa dhaqaale oo si daacada u maamulo HIIRAAN IS THE BEST PLACE TO LIVE I LOVE IT SO BAD, VIVA SOMALIA VIVA HIIRAAN

  43. Mohamed says:

    MASHA ALLAH FARXAD DARTEED ILMAA IGA SOCOTO ILAHOOW NATUSO MUQDISHO ILAA GOBLODA OO DHAN OO HABEEN IYO MAALIN LEYSKAGA GOOSHAAYO AYADOON WAX LAGA CABSANAAYO JIRIN AMIIN AMIIN AMIIN. YAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAA RABBI.

  44. Abdullaahi says:

    masha allaaah waan ku faxay quruxd

  45. mohamed amin says:

    waan ku faraxsanahay waayo aniga si gaar ah ayay ii taabaneysa bilicda magaalada b/weyne waayo waan ku dhashay b/weyne hormarkiisana waan ku faraxsanahay inkastoo hadda anan joogin

  46. Ridwan Bashir Caraaye says:

    Dareenka dhismaha dal iyo horumarkiisa waa mid si gaar ah u taabanaaya somali oo idil aduunka meel walboy joogaan, waan guul iyo farxad Mansha’Allaaah. i love somalia.

  47. waxaan doonayaa in aan ka midnoqdo dadka commontiga ka sameeya radio muqdisho fadlan ha la ii fududeeyo mahadsanidiin idaacadeena qaranka somaliyeed hoowl adag baad heeysaan illahey ha idiinla garab galo

  48. masha allaah ilahow nabada u siyadi beled weyne ilahow u siyadi waberta dhaxada belweyne viva ilahaw no dhowr

  49. lucky burco says:

    yaasalaaaaaaaaaaaam hadraawaa hore u yidhi ilahayoow beled-weyn ka dhig meel barwaaqo ah hambalyo reer baledweyn bahda radio muqdisho waxaan ka codsayaa sawiradii burco cadeey mahadsanidin

  50. Jimcale says:

    Ad ayan ugu faraxsanahay hormarka gobalka hiiran qasatan mglada b/weyne oo ah meshan ku dhashay i love all somaliya

  51. mahad kaafi says:

    dhamaan waa idin salaamay howl wadeenada radio muqdisho iyo tv-ga qaranka maa shaa allah allow baletweyne balaayo iyo baas baalmari waa taan u boholyoobaye kama baaqsan karayee i love alhiiraan or beleweyne because it’s my home town thanks all




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Wararka

afhayeenka amisom

Ciidamada AMISOM oo sheegay iney guri guri u baaridoonaan Muqdisho

Taliska ciidamada AMISOM ayaa maanta ka warbixiyay howlgaladii ...
astaanta-warka

Dhageyso Warka Duhur

WAR DUHUR 21.05.2013
1

Baarlamanka oo maanta ansixiyay miisanadiyadda Sadexdii Bilood ee ugu dambeeyay sanadkii hore

Baarlamanka oo maanta anxisiyay Miisaaniyada  Sadexdii bilood ee ...
odayaasha-hawiye

Odayaasha dhaqanka ee soo xulay Baarlamanka oo ku baaqay in laga naqdo mowshinka laga keenay xukuumadda

Odayaashii dhaqanka Soomaaliyeed ee soo xulay Baarlamanka ayaa ...
IMG_0165 2

Wasiir ku xigeenka warfaafinta oo abaalmarinno guddoonsiiyay wariye iyo Cameromanno ka tirsan SNTV”Sawirro”

Wasiirka ku xigeenka Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta Gaadiidka Xukuumadda ...
DSC00586

DAAWO SAWIRRADA:- Dibadbax lagu tageerayo waxqabadka ay xukuumaddu muujisay oo maanta ka dhacay Muqdisho.

Dibadbax lagu tageerayay dowladda Soomaaliya loogana soo horjeeday ...
IMG_3133

DAAWO SAWIRRADA:- dib u dhis xoog leh oo laga dareemayo Gaalkacyo

akhristeyaasheena sharafta leh waxaan halka idinkugu soo gudbineyna ...
TubtaToosan1

Shirkii London iyo diidmada Al-Shabaab-DHAGEYSO

Shirka waxaa wada jir u guddoominayay madaxweynaha Soomaaliya ...
astaanta-warka1

Dhageyso warka Subaxnimo ee radio Muqdisho

WARKA SUBAX 21.5.2013
baladweyne1

Maamulka G/hiiraan oo amar ka soo saaray dadka wata hubka iyo dharka shacabka

Maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ...
images

ciidamada dowladda oo howlgal ka wado qeybo ka mid ah dagmooyinka G/banaadir

Ciidamada dowaladda Soomaaliya ayaa xalay iyo saaka howlgalo ...
BOQASHADA  MAAMULKA GOBOLKA HIIRAAN (1)

Odayaasha dhaqanka gobolka Gedo oo ka soo horjeestay maamulka looga dhawaaqay Kismaayo

Odaayasha Dhaqanka ee ku sugan magaalada Garbahaarey ee ...
shabaab baad

Maleeshiyaadka kooxda shabaab oo sii kordhayo qilaafkooda

Tan iyo markii ay soo shaacbaxday in qilaaf ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
guryaha

Barakacayaal duleedka Bosaaso looga dhisay guryo

qaar ka mid ah barakacayaasha ku dhaqan duleedka ...
DSC00436

DAAWO SAWIRRADA:- Kulankii mudaneyaal ka tirsan Baarlamanka ay Muqdisho ku yesheen

akhristeyaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkaga soo gudbineyna ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka habeennimo ee radio Muqdisho

WAR HABEEN 20.05.2013
DSC00489

Kulan looga soo horjeedo mushinkii laga keenay xukuumadda oo ay Muqdisho ku yesheen mudaneyaal ka tirsan Baarlamanka

Kulan lagu tageerayay horumarka dowladda isla markaana looga ...
hiraan

Maamulka Gobolka Hiiraan oo kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka “sawirro”

kulankan ayaa waxaa ka soo qeyb galay dhamaan ...
Galmudug-wwww

Maamulka Galmudug oo ku baaqay in la taageero horumarka iyo guulaha ay gaartay dowlada Federaalka

Maamulka Galmudug ayaa sheegay iney muhiim tahay in ...
astaanta-warka1

Dhageyso Warka Duhur

WAR DUHUR 20.05.2013
dowlada hoose 1

Maamulka G/Banaadir oo hey’adaha kala hadlay mashaariicda ay ka wadaan Muqdisho

Maamulka gobolka Banaadir ayaa kala hadlay hay’adaha maashaariicda ...
nn

Baarlamanka oo maanta ansixiyay talo soo jeedintii gudiga Maaliyadda ee Baarlamanka”Sawirro”

Fadhigii Baarlamanka ee maanta oo lagu ansixiyay talo ...
Istakiin

Kulan looga hadlay amaanka oo lagu qabtay degmada Boondheere

Kulan looga hadlayay xoojinta amaanka oo uu soo ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Subax

Warka Subax 20-05-2013
kuku

DAAWO SAWIRO:- Wasiirka Gaashaandhiga oo Kula kulmay Dhigiisa Dalka Sudan Magaalada Khartoum

  Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka gaashaandhiga Dowladda Federaalka ah ...
BOQASHADA  MAAMULKA GOBOLKA HIIRAAN (1)

Odayaasha deegaanka Beladul-amiin ee Sh/hoose oo ka cabanaya boob iyo cadaadis ay ku hayaan Al-Shabaab

Dadka kunool deegaanka Beledulamiin ee gobolka Shabeelada Hoose ...
Magaalada-Beledweyne1-300x233

Maamulka gobolka Hiiraan oo sheegay in isbedel amaanka ah laga dareemayo Magaalada Baledweyne

Xili magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ay ...
Fowsiyo Yuusuf

Wasaaradda arimaha dibadda Soomaaliya oo sheegtay in lasoo xareyn doono safiirada dalkeena u fadhiya caalamka.

Kuxigeenka ra’isulwasaaraha ahna wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Fowsio ...
mm

Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool Koofur afrika oo dowlada ku amaanay isbedelka ay ka dhalisay dalka.

Qaar kamid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee kunool dalka ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12511

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
DSC00480

Wafdi ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ka qeybgalaya Isku-imaatinka 13-aad ee Doha “SAWIRRO”

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr. ...
DSC03720

Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga oo Caawa Gaaray Magaalada Khartoum ee Dalka Sudan. Daawo Sawiro

Wafdigan uu Hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Federaalka ah ...
dadka-la-xukumey1-450x342

Maxkamada Gobolka Bari oo Xukunno ku riday dad iskugu jira Soomaali iyo ajaanib

Maxkamada darajada kowaad ee Gobolka Bari ayaa xukuno ...

Tubta Toosan

TubtaToosan1

Diinta Islaamku maxay ka qabtaa Dhagarta?-DHAGEYSO

Shareecada Islaamku aad ayay uga dardaar warisay dhagarta ...
TubtaToosan1

Macluushii ka dhacday dalka iyo kaalinta Al-Shabaab-DHAGEYSO

Dabayaaqadii 2010 ilaa  bartamihii 2011-kii Soomaaliya waxaa ka ...
Fatwo

Horjoogayaasha Shabaab oo Godane Cambaareeyay!

Maalmihii la soo dhaafay waxaan tebineynay khilaafka u ...

*