Sunday, September 21st, 2014

DAAWO SAWIRRADA:- Muuqaalladii ugu dambeeyey ee xaafadaha Sanca, Nasiib-Buundo iyo meelo kale oo kamid ah Waqooyiga Muqdisho

Published on August 11, 2011 by   ·   72 Comments  ·   16,398 views

Halkan ka daawo sawirrada xaafadaha Nasiib Buundo, Sanca iyo deegaanno kale. Sawirradu waxay muujinayaan sida uu isku beddelay muuqaalka dhulka, iyo sida xaaladdu caadi ugu soo noqoneyso.

Sarta Sanca

 

Isgoyska SANCA

 

Laamiga Aada PANORAMA

 

Muuqaalka Xarunta Ganacsiga Daawooyinka ee Salaama SANCA

 

Muuqaal kale oo isgoyska Sanca ka mid ah

 

Sheybaarka Caliyaale iyo Maqaayada YAABISDIIDE

 

Muuqaalka Dhismooyin Ganacsi oo ku yaala Wadada Panorama

 

Rugta Caafimaadka NEW SANCA

 

Bidix Xildhibaan Xuseen Caraale,Dhexda General Gacmadule iyo Saraakiil kale

 

Askari ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo Maraya Wadada PANORAMA

 

Goob Ay Dhalinyarada si aad ah isugu imaan jireen

 

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo haysa Calanka Shabaab oo laga soo dejiyey SANCA

 

Muuqaalka kore ee HOTEL LAFWEYN

 

Muuqaalka qaar kamid ah xaafadaha SIISII

 

Muuqaalka Iskuulka Maxamuud Axmed Cali oo Saakay Ciidamada Dowladda ay La wareegeen

 

Muuqaalka Gaadiid Dagaal oo ay leeyihiin Ciidamada Dowladda

 

Askar ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya

 

Askar kale oo ciidamada Xooga ka tirsan

 

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo Saxaafada kula hadlay SIISII

 

Bidix Xildhibaan Xuseen Caraale iyo Taliyaha Guutada Koobaad Midig

 

Bidix General Dhegabadan iyo Midig General Gacmaduule

 

Xarunta Burhaan CLINIC SANCA

 

Shineemo Sanca

 

Iskool Godeey

 

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka oo Kuwa Booliiska Ku wareejinaya Amaanka goobaha saakay la xureeyey ee SANCA

 

General Dhegabadan iyo Corneel Maalin oo wadajir Shacabka ula hadlaya

 

Gaari Dagaal oo ay leeyihiin Ciidamada Dowladda oo Calanka Soomaaliya uu ka dul babanayo oo taagan SANCA

 

Dadka Shaccabka ah oo mudo kadib isku arkay xaafadahooda markii khawaarijta laga saaray

 

Gaadiidka BLKA ah oo markii Shabaab la ceyriyey kadib Soo Camiray Sanca iyo Kaaraan

 

Dadka Shacabka iyo Ciidamada oo is dhexmaraya

 

Shacab kusoo qul qulaya Xaafadaha Khawaarijta laga xoreeyey

 

Muuqaalka Ceyni Vedio Center Wada Nasiib Buundo ayadoo dhismaha ka dambeeyana uu yahay Telcom SHIBIS

 

 

Jidcadaha hormara Telcom Shibis oo ay Dad isugu yimaadeen

 

FOTO MODERNO Wadada Nasiib Buundo oo geedo ay ka hor baxeen

 

Gadiidka Wasaaradda Warfaafintu ugu talo-gashay wacyi-gelinta dadweynaha iyo dhiirri-gelinta ciidanka oo maraya jidka Nasiib Buundo

 

FOTO XAMAR Nasiib Buundo Oo iyana geedo ay ka hor baxeen

 

Muuqaalka Daartii hore ee Idaacadda Somaliweyn FOTO KEYSANEY

 

Photo By:-Abdifitah Jeite

 

Readers Comments (72)

  1. Lafta Xaali says:

    Asc Ramadan Karim, mashallah ducadii umada dhiban ee somaliyed alle wuu aqbalay qas wadayaashiina wey ka baxeen Muqdisho, Radio muqdisho iyo shaqalaheeda waxaan leeyahay hambalyo wajibkiinii qaranimo iyo midkii somalinimo waad gudateen, anagana hadii aan nahay qurba joogta somaaliyeed waxaan gocanay xasuusta xafadaheenii iyo magaladii muqdisho oo mudo inoogu dambeysay dadaalkiina alle ha idinla garab galo.

  2. waw masha alaah xafada waa aan aqaano in badan ku dadka dhibayaan hadey kabixn wa ina loolabta masha alaah

  3. Radio muqdisho ad ayan ugu riyaqnay muqaladan adka u xasusta leh wlh mahad sanidin hada nahay quba jogta somaliyed wadankena wan u xisnay gar ahan aniga waxana idinka codsanena dhibkina anoqodo ino so sawira xafadaha karan kar ahan alshareeca ilove muqdisho

  4. said says:

    asc radiyaha qaranka shaqaalahiisa waa mahadsantihin runtii anigoo hurda iga imaa la aan arkay sawiro xasuus leh asaa hurday hada so kacay handale waxa arkay sawiro kale ilaahey ajir ha idin siiyo sidas niyada nogu dhisa oo soo sara khawaarijta meelaha laga racdeeyay CXDS waa mahadsantihin ilahey ha idinla jiro ilahey ha idnka dhigo kuwii dalkooda iyo dadkooda anfaca aamin aamin aamin

  5. Muuse says:

    Maasha alah wad ku mahadsantihin sawirada ad noso gudbisen waxanse layaabanahay kubi taageeri jiray shabaab bal fiiri sida ay ugalen caasimadi waxadba mooda mel an 50Sano ladagin

  6. cabdiaziiz kuulkuulshe says:

    guul guul guul guul guul guul guul geesiyasha dalka waa ku faraxsanahaya sidaa meshaa uga xureyseen xafadeyana axmadlashiiny iyo cabdicasiis sheeq a dadkaas waxa kam ogaa wanaga uu layahaya qarabada in lanabad galiyo

  7. Cali ganey says:

    Masha allah 5 sano ka hor meel ay iigu danbeysay ayan ku indha qabowsaday wana hubaa in badan oo maanta aan nasiib u heli karin in ay lugahooda ku tagan duruuf kasta ha u diidee in ku nuursadeen bahda radio muqdisho guuleysta hana ka daalina howlaha ceynkan oo kale ah

  8. Asc mansha’alah wan uhambayenaa dowlada somalia waxan idin leyahay kasaara qawaarijta somalia o idil shacabkin wey idn garb tagan yhn allaahu akbar

  9. cabdiaziiz kuulkuulshe says:

    waa kumahadsanatihiin wlh sidaa wanagasan manata nogu soo gudbusen xafdeyada waxan ka soo tagaya 2008 wlh sidaa ma aheen wlh lkn hada waxa umaleyana dad mahan dadka meshaan heestaya waa bahaaalo wlh acudu bilihaai ilaah hanga wado waxa ii ficna laheed manata ina joogo xafadaas ku damashdo lkn hadaba meshaan uga dmashaadaa

  10. asc xaafadayda bur bur badan ayaa gaaray aniga oo ku dhashay ayaa inta badan aan aqaan san waayay wlh lakiin qoraarka hoos uga yaalo aa i caawayay ilaahayoow saan may naqatay xaafadayda waa yaab lakiin waxaa ilaahay mahadiisa ah hadiiba wali ay wax bartood oo lagu aqaan sado ee leedahay wax walba oo ku soo gaaro al xamdu lilaah ayaa la yiraadaa waa mahad san tihiin raadio muqdisho siiba kuwa sawiraadka noo soo sawiray iyo ku wii noo soo galiayay wadseedka raadiyaha mahsanidiin

  11. fagax 4ever says:

    guuuuuuuuuuuuuuuuul guuuuuuuuuuuul waxan halkaan uga mahad celinayaa cxds oo naftooda u huray sidi ey uga xoreyn lahayen cadowga dalka iyo dadkaba ku soo dulay waxana idin rajeyna guul iyo in ad dalka oo idil ka saartaan kooxaha nabad diidka ah

  12. akhriste says:

    20 sano kadib muqdisho miyaa sidan u eekaatay aad baan uga xumahay laamiyadii iyo dhismayashii muqdisho in ay sidan u jajabaan

  13. cumar ugaas Cabdulle says:

    waan Ilmaynay waan faraxnay waan hiloow nay waan qiiroonay waan qashuuc nay markaan aragnay xaafadii oo aan naqaanay waxaa damiir leh qofkii arka meshaan oo ku soo barbaray hadana xasuusta xaafadaan
    ilhaaw adaa mahadaan iska leh iyo ciidanka xooga dalka soomaliyeed UN ugandha iyo Burindi ciidamada Ugandha iyo burindi waxay noo galeen taariikh aa waligeed la iloobi doonin kadib markii ay naga qabteen cadawygii khawaarijta oo dadka nolol iyo naf u diiday waxaa kaloo mahad mudan dhamaan bahda Radio Muqdisho gaar ahaan saaxiibkay Cabdiraxiin Ciise Cadoow oo aan ku xasuusano Dagaladii Ethoipa lakin markii danbe ilaah fahan sii yay dhagarta khawaarijta maantay waa guulaysat Cabdiraxiin C C haduu raaci lahaa kuwaas halaag ayaa danbaylahaa aakhiro iyo aduun , waxaa kaloo la iloobi karin Geesiga wayn walaakeen Abdifitah Jeite oo har iyo habeen qoraxda u taagan in walaalihiis dibada iyo gudaha inuu sawiro u soo qaado waliba kuwa qurbaha jooga oo hadana saacad saacad u soo dira xaafadihii ay ku noolaayeen ilaa yaraan toodii iyo siday isku badaleen , waxaan lee nahay Jeite jir oo joog halyay halyay dhalay baa tahay waxaan ka socdanayaa rer sanco inay xoriyada ay heleen xajistaan oo la shaqeeyaan ciidanka xooga dalka soo sheegaan haday arkaan khawaarijta iyo taa geerayaashoodaba si loo ga saaro bulshada caafimaadka qabto soo na camira xaafada nolal ayaa ka bilaabatay . waa mahad santihiin soomali meelkasta oo aad joogtaan Ramadaan Kariim .

  14. Daljecel says:

    Maasha Allaah labaatan sano kadib oo dowlad soomaaliyeed gacanta kudhigto dhamaan muqdisho waa illaah mahadiis ee ciidamada wey guuleeysteene howsha sideeda ha usii wadaano cadaaladana sifiican ha uga shaqeeyaano cidamada falalka dhaca geystana sifiican haloo hubiyo sharcigana waxuu kaqabo hala marsiiyo markaas soomaali oo dhan weytooseysaa insha allaah somalia hanoolaato cadawgeedana hadhaco soomaali waa macaatay waa bislaatay waarafaaday wax kanaxayane malaha hada kahor ayaan waxaan maqlay in u mareykanka yiri sagaashanmeeyadii somaliya doladnimo umasoo jeediin markaad usoo jeesatid ha inoo ahaato maanta waan usoojeedhaahe waxna waan qabsankarnaa hadaan nahay soomaali ee aan wax qabsanowax isku tarno waan guleysandoonaahe viva somalia,come on somalia.

  15. dowladnimo says:

    marka hore waxay mahad usugnaatay allah marka xigana waad mahad santihiin radiomuqdisho waxaan kaloo umahad celinaayaa ciidankeena xooga dalka soomaaliyeed waxaana leeyahay weligiin yaan laydinkala xadin awoodu gacantiiney ku jirtaa illaahna wuu idin garab galaayaa ee halaga ilaaliyo soomaali markale qabiib iyo hogaamiye kooxeed dowladana waxaan leeyahay meel walbo halaga taago calankeenii baluuga ahaa waxxaan kaloo ka codsan lahaa in askarta buud loo wada xiraa waxaa kaloo iga dardaarana nimankii way idin dhex socdaan ee halayska jiro hana la eego wejiyadooda maxaa yeelay wejigoodu uma eka wejiyadakale sabatoo ah waa weji mudo daboolnaa naag indha shareer xiran iyo naag kalena isku muuqaal ma aha wejiyadooda waana la garan karaayaa ee dardaarankaas yaan la dhayalsan waadna mahad san tihiin radiomuqdisho

  16. a.salaaam says:

    laaaaaxoowla walaaa quwati illaa bilaaaah caro waaa lagu dheelaye waaan ilimeynayaaaa runtii busaaarada la galiyay dartii shibis maa sidaaa noqoty alloooow qadartaada ayeey ku dhaceeene kuwo kale ha nagu soo celinin

  17. Cabdullaahi says:

    Waa mahadsan tihiin Radio Muqdisho. Dadkii qurba joogta ciilkii waa ka saarteen.Waxaan si farxad leh u daawaneeynaa meelo ey sanado badan noogu danbeeysay. Qaarkeen dhulkaan ma arkin 20 sano.

    GUUUUUUUUUUUUUUL

  18. ibrahim guumow says:

    Guul ha noolaato 21 sano ka dib waxaad I soo xusuusiseen heestii radio nuqdisho inshallah muqdsha aa yaan soo aada bilaha soo socda dadaal

  19. naciima says:

    Masha alaaaaaaaah waa guuul usoo hoyatey iyo farxad aan la koobi karin shacabka soomaliyeed, walee alsheydaan ilaaha garabkooda ka baxey bal fiiri sidey magaladi u bur buriyeen ilaahow hanagu so celin amin

  20. jalteey says:

    asc walaahi raadiyo muqdisho waxay i geeyeen xamar mashaa allaah guul raadiyo muqdisho iyo waliba cxds guulaysta guulaysta yaal amiin amiin mar dhowna waxaan sugnaaba waa warshada baastada iyo waliba warshadii cocacola iyo cisbitaalka sos iyo xaradiimaslax inshaa allaah waxaan ku wada ciidi doonaa xamar cadeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeee iyo ciid wanaagsan asc

  21. ilaah mahadiis waaye hadiiba mar kale la arkay wadooyinka muqdisho dowladana difaca ha adkeeyso mida kale ciidamda oo dhana hala taba baro hada ayaan helnay muqtaqbalkii somaliya ilaah mahadiis waaye alxamdu lilaah guul guul dowlada wtf

  22. c/qaadir says:

    war sakay waxaad natusteen wax lagu farxo ragiina wari ya yaasha ah wallahi wadankii waa laga cureey wasaqdii ragina dhalin yarada ah oo saxaafada lashaqeynaa aad aiyo aad ayaa umahad san tahiin radio muqdisho snt iyo shabelle oo hada tagerta dowlada

  23. mustafa says:

    mar 2aad mahadsanidiin aad iyo aad ayaan idinku mahadcelineynaa ilaaheyna kher ha idin siiyo
    dadaalkiinana meshiisa ka sii wada garabkiina allah ha galee

  24. Thanks ciidamada xooga dalka soomaaliyeed guulaha ey noosoohoyeen waa umahad naqeynaa waana kufaaneyna maanta inaan aragno xaafadahayni muqdisho

  25. jacfar says:

    shaqaalaha radio mogadisho abaalbaan idiin haaynaa.ogaada qaranimo somalinmo,wixi ka hara waa foolxumo,
    waana mahadsantihiin dalkeenii aan aragtidiisa na tusteen waan ku faraxnay,

  26. sharma says:

    saas kuwada xaalada hadiikale hada ayeey soolaabanaayan nimankii sidaas udhigay dhulkii quruxda badanaa fadlan waad udhimateen ee hadayicina waad heesaanee hasideeynina dhabarkeey kajabeenee kuwada waad kuulasateenaa hantiya kudadaala dhoorista shacabka nagana qaata fagradaha saliimka ah

  27. alaahu akbar jenaraal dhega badanoow magaaladi waaba xuraysaye sugida amaankana ala hakuu saqiro ciidamaana kor ala haka dhigo ciidanku haduusan hogaan wanaagsan lahayn wax maqabteen marka hogaanki hore ee ciidan iyagaaba qatar ku jiray waayo bad maahe wax kae oo ka dan beeyo majirin hadane way iska qoslaayeen marka ilaahay ha idin garab galo dadaala mahadsanidiinnnnnnnnnnnnnnnnnnnnnnnnnnnnnnnnnnnnn

  28. runtii waa wax aad iyo aad loogu farxo markii aragto sida shafarta leh ee xooga dalka somaliyeed u xureeyeey dhul guul guul ayan illah weyn ideenka baryeynaa goor walbo

  29. mohamed says:

    asc
    dhamaan warbahin codka shacabka ee radio muqdisho ,waan idiin mahad naqayaa sida aad noogu muujiseen xaafradaha xaafadey donto hanoqotee waan ku farax sanahay in aan dib u bilic sado xaafaddey shibis waliba meelaha aan farii san jiray ee photo modern wlh maan aad baan u farax sanaahy inshaa allaah waan imaan ciidda hadduu alle yiraahdo alxmd waaye hadey,,
    waxaan kaloo u hambal yeey nayaa ciidama xooga dalka iyo ciidmada midowga afika ,waan idii mahad celinayaa dhaamaan dowladda

  30. bahda radio muqdisho waxa noo sameyseen wax farxad leh waxa i tusiseen muuqlo igu danbeesya 2001 waxana idinkaga mahadcelineynaa sida aad isu xilqaameysan ee u qancineysan dadka ad masulka uga tihin dalka run ahanti halki sawir ee la aqoonsado mesha uu yahay in shacabkina uu ku farxaayo wabilahi towfiiq

  31. dr abdi says:

    mashalah aad baad u mahdantihin radiomuqdiho umada allah ka qabto shabaab waa jabeenee jabiya yaan laga harin guul xooga dawlada somalia

  32. cabdi ismail mohamed says:

    gumaysi wuu dhamaade anagu quursi diidanaye mashalah mogadhso somalia guul xooga dalka somalia nabadu qaali waayee kii qayma ridaayaw waa qori inoo afkiis

  33. waxa mahad oo dhan u sugnaatey allah subxanahu watacaala uu caasimadeena noga saarey khawarijta ummada dhibtey tan labaad ciidanka xooga dalka oo ah awoodi ka saartey tuugadi dadka diinta uga been shegi jirty tan sadxaad bahda radio muqdisho bahda tv bahda joornaalka dhaman waa ku mahadsan yihin howlaha ay u hayaan bulshada qurba jogta ah oo dalka jecel waxad ogatan sawir walba oo aan aqoonsano oo laga o qadey muqdisho inu na farxad gelinaayo wana idin duceyna in allah idin xafido waxan wariyayaasha uso jedinaya marki ay ka shaqeyn jiren idaacadihi hore oo xirmay sida horn afric capital voice iyo hada oo ay u shaqeyan idaaca qaranka hada ayaa la idin jacel badan yahay ee ogaada wabilahi towfiiq

  34. halimo says:

    Soomaliya hanoolato.

  35. asc masha alah mel an sifican uqan aha ala idin wad kumahadsantihin sida ad no xaqabtireysan radio muqdisho umada somaliya iska leh jir o jog asc

  36. mahad says:

    Waad ku mahadsantahiin bahda Raadiyo Muqdisho masawiradaan Wadaniyada ku dheehan ee aad noo soo gudbiseen.

  37. muxudiin cizadin sh sharif says:

    wllhi waxaan halakaan salaan iyo hambalyo uga diraa shaqaalaha idaacada oo si qiiro iyo wadaniyadnimo ugu jirta ee noo soo gudbinaya sawirada meelihi laga saaray khawaarijta wllhi goobahaan maxaa in badan ku lugeeye waxaan ahay reer sanco nasii buunde ayaan ka shaqey jiray waa dku mahadsan tihiin guuul guuuuuul

  38. bashir says:

    Waa ilaahey mahadiis haddey markale soomaaliya soo noolaatey. Waxaan ilaahey ka baryayaa in rajadaan noo soo iftiintey markale eysan noqon wir-wir. aamiin

  39. Maxamuud says:

    intaan fiirsanaayay sawirradaan waxaan arkay illin ig tifqaysa 30 sano ayaan jiraa 21 sano way khasaartay sagaalna waaban yaraa maanta se idi diilo ayaa ii muuqata. somali xil jacayl baa dilay maahee waxaan dhihi lahaa 5 sano dowladdan halaga aamuse ilaa xal buuxda ay ka keento hadii faraqa hadda lagu dhago qoor gooyayaashii ayaa fursad helaayay

  40. ummucabiir@hotmail.com says:

    masha alah mabruk calaykum
    foojignaada talawanagana badsada
    ciidanka xooga dalkow wayo cadawba leedihin yeysan farxadu idinla tegin ee ged walbo galaysaan intaadnan gelin hubiya hortiisa iyo gadashisa waxa jooga

  41. Wadani says:

    wooow’ good picture, masha allah Radio muqdisho aad iyo aad baa umahadsantihii.
    isha allah birina xaafadaha kale eeharayne waa idinka sugeynaa sawiradooda sida hotel guuleed, ex contral, warshada bastada iyo xaafada sos.

  42. asc salaan kadib radio muqdisho waku mahadsan tihin sida quruxda badan aad inu so dirten sawirada shibis waxa se is weydin mudan nasiib bunde ma sidaan udanbeysay lkn maanta waa gul uso hooyatay umadaa somaliyeed madaama qawarijka laga xureeyay inta badan muqdisho inta dhiman illah waxa ka baryaa inu alle ka xureeyo shabaabka uso jeestay dalka iyo shacabka somaliyeed dowlada waxa ka codsan lahaa qawariijka inta hartay ine ka xureeyan cadoowga kuso dulaay dalka dadka reer muqdisho waxa laga raba nabada ine ka shaqeeyan radio muqdisho waku mahadsan tihin hosha wanaagsan aad u haysan shacabka iyo dalka gul dowlada jamuuriyaada somaliyeed

  43. ODAY says:

    guuleesta CXS iyo bahda radio mogadisho waxaad ixusuusiseen xaafadeysii shibis

  44. muqdisho-boy says:

    alle ayaa mahadsan iska leh marka soomali malaga heli karaa in ay alle u xamdiso oo dhibka iska dhaafaan ???????????

  45. omar aqii says:

    guul guul guul

  46. omar aqii says:

    muqdisho macaaney waa ku tabay ilaa how nabada noo adkee

  47. dhicisow says:

    waan ku faraxsanahay in dawladu la wareegto magaalada balse waa in ay askartu qorsheeyaan siday u hortagi lahaayeen weerarada gaadmada ah .
    midna wan ka digayaa CXDS waxaan leeyahay dadka yaanay ku xadgudbin qof ayna asagoo falka faraha kula jirin arkin yaanay wax u raacan dadaku dawlad kale ma leh waa idinka ha la idin soo cararo yaan la idinka cararin .
    hadii kale (Shayaadiin al muhaajiriin) ayaa ka faaiidaysanaysa hadaad shacabka nabad galin waydaan .
    waxaan si xushmadi ku dheehan tahay ka codsanayaa in fariintayda idaacada qaranka laga baahiyo si walaaladay CXDS ay dhagaha ugu shubtaan waanadayda .Soomaliyeey toosooo ,toosoo isku tiirsada.

  48. Muuse Suudi says:

    Aryaa Baladkan Isagoo Nuuraya Ka Tagnay sidey U Galeen Fiiri Inkaar Iinku Fakatay Al-shabaaboow Kaalay Baladkii ma waxay u rareen Afganistan waanba Yaabne kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk DOWLADA GUULEYSTA , GUULEYSTA ,, TUULEYSTA

  49. afaraale says:

    asc marka hore waxaan salaan aad uqaali ah usoodirayaa shaqaalaha qaran ee radiomuqdisho.net. maa shaaa lah waa alle mahadiis radio muqdisho wan ugu mahad celinaya sida wacan ay nogu soo gudbiyan guulaha is daba joga ah.

  50. Arab says:

    A:c all somaliweyn waxan u mahad celinaya allaha umadisa ka dulqada alshabab allxamdulillah hal mid na waxan kula dar darmaya uma somaliyeed war dowlad la.an waxaa dhanto dowlad xun

  51. walaalayaal waad u jeedaan in khawaarijta laga saaray wadankii waa in aanu ku soo laabanaa dhalinyaroooy waxaa nagala sugayaa in aanu gacmaha is qabsano oo wadankeenii hoyo dhisno anagana aan wadankii ku soo laabanno

  52. M.qanyare says:

    maasha allah aad ayaad umahadsantihiin bahda radio muqdisho waa wax aan mudo sugeyney in aan aragno sidaan oo kale

  53. ismaaciil says:

    asc dhamaan waan idin salaamay bahda tv ga iyo radiyaha qaranka iyo dhamaan bulshada nabada jecel waa wax lagu farxo ama la gu faano in ey isaga huleelaan kooxihii dalka sidaa u galay waxaane mahad leh illaah zuma waan u mahad celineynaa dowlada qeyba heda kala duwan inshaa allaah inta dhiman guuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuul aaaaaaaaaaaaaaamiiiiiiiiiiiiiin

  54. wadani says:

    marka hore waxaa mahad iskale allaah swt intaas kadib waxaan u ham balyeynaa cxds waxaan leeyahay guuuuuuuuuuul guuuuuuuuuuuul ciidanka qaranka iyo warbaahinta qaranka intaba iyo madaxda dowlada intaas kadib waxaan leeyahay heybad waxaad kuleedahay dhulkaaga hooyo waana lma huraanee hagar lai wax ugu qabo hantiyeey macaan waa midaan hooy lagaa oroneey hooya guuuuuuuuuuuuul guuuuuuuuuuuuuuuul ciidanka xooga dalka somaliyeed gaara raas caseyr illaa raas ganboon

  55. muncim yare says:

    ilaahay maanta ayuu qadaray in uu naga saaro qodaxidii cagaha nooga jirtay ee si wada jir aan u dhisano wadankeena waan dhibaatoona

  56. Ka xureeya says:

    Radio muqdisho runtey ka hadlan xaqiiq dey bahiyan ciidamad hore ha u socdaan shacabka waxan ka cod sanlaha in ee ku so laabtan meylaha la ga curey yay nabaddidka

  57. Asiya says:

    MAGACA CALANKA KU QORAN INAAD SI FIICAN U QABATIIN ALLAAH IDIINKU TOOSIYO LAA ILLAAHA ILLA LAAH MOHAMED RASUULALLAAH,SCW, OO FARTA CARABI KU QORAN WAAYE FADLAN ISKU TOOSIYA EE MEEL FIICAN DHIGA WUUNAGA DHEXEEYAA IYAGA HADEY SAX U HAYSTEEN IYO HADEY QALAD U HAYSTEENBA ILAAHEY AA KULA XISAABTAMAAYO ASKARTA INEY TOWXIIDKA XAFIDAAN ALLAAH KU TOOSIYO

  58. sumayo says:

    waa ku mahadsan tihiin radio muqdisho iyo shaqalaheeda oo mar waliba u tagan in ee shacabka u

  59. Waxan radiyaha qaranka uga mahadcelineynaa sida uu mooraalkena u soo celiyay waxana ka codsaneynaa in uu xaafadaha jidka sodonka sida albarako black sii bar ubax ilaa huriwaa oo jidka warshada ah noo soo sawiro

  60. sii sii boy says:

    waan ku raxasanahay in aan arko sawiradan wana ILAHEEY mahadisan in laga saro kuwi umada dhibi jiray waxaana lenahay ka sii wada dadal loga xureeynayo dalka oo dhan insha alah wana laga xureeyn dona ciida ka sukoguuuuuuuul

  61. wadaniyadda says:

    asc IINSHA ALAAH INTAAS OO QEERA IYO IN KABADAN WEYNOO SOO SOCOTO:EEE AAAN BISHAAN QEERKALEH KAFAAIDEYSANO: WAA INOO IYO CIIDA

  62. wadani says:

    Guuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuul!

  63. HARDBOY says:

    Dhamaan waan salaamayaa Bulsho waydta Soomaaliyeed.. Anigoo jooga Qurbaha, waxna ka barta.. waxaa aad ugu faraxsanahay in la laga xureeyay.. qolooyinkii dhiig cabka ahaa ee la oran jiray Shabaab… HANBALYO HANBALYO.. CIIDAMADA DOWLADA IYO KUWA AU..da… Ramadan Kariim….

  64. c\lahi says:

    Maasaa,allah waa guug guul guul guul usoo hoyatay umadda soomaaliyeed 21 sano waxaana udhiiri gelinayaa bahda radiomuqdisho hawsha ay qaranka soomaaliya uhaayaan

  65. alahu akabar maasha alaah ilaahayoow adigaa weenoo waaxid dalkeenii oonabad ah natus walaahi ilinaa iga timid anagoo nabad ah wadankiyoo nabad ah aloow natus waxaan halkaan fariin ugu diraa alshabaab dhibaatada aad naguhayseen idinkaba waad ujeediin burburka iyo rafaadka iyo gaajada xabadoo kuudheer shacabki waadhameeseen ilaaheey ha idinka qabto waxaan fariin usoo jeedinaa dawlada amaanka hala adkeeyo fursadaan hadaad kafaa iidaysanweydeen waa tii idunku danbeesay ogaada wadankana waxaa utalinaayo alqaacida marlabaad mahad sanidiin radio muqdiisho iyo ciidamada qalabka sida guuleesta

  66. c/ rahman mualin salah says:

    masha allaah cadawki illaah ayaa naga bixiyay arag ma 2 sano ayaa shacabka eeytageen sanca waa maya hadana arag

  67. c/ rahman mualin salah says:

    guuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuul

  68. shuukedheere says:

    waxaan leeyahay cidanka xoga dalka somaliya guul gacmaha isqabsada

  69. Kunaas says:

    Asc waa ku mahad san tahay sidaa sharafta leh aad nogu soo sawirtay melihii galada al shabab laga bixiyey.

  70. Kunaas says:

    Waxaan jeclan lahay in aad Xafado badan noo soo sawirtit si an xafadaha u soo xasuusano waa mahad san tahay

  71. SHACNI SHIBAS says:

    (MUQDISHO)

    MUQDISHOOY MACAANEEY
    MIIRKIYO NAFTAYDIYO
    MAANKAYGU JECELAAY
    MARKAZKII AQOONTAAY
    MILICSIGA INDHA IYO
    MOHASHADII NAFTAYDAAY
    MUDANIHI ADUUNKAAY
    MAKA IYO MADIINIYO
    DIINTII MAXAMED (SCW) MOOYEE
    INTA KALE KA MUDANIYO
    KA MARTABAD SAREEYAAY
    MAALKII ADUUNKEE
    MOWLEHEEN NASIIYAAY
    MARTIDEED U ROONEEY
    RUUXI SOO MUTAYSTIYO
    MASAAKIINTA JECELEEY
    MIISAAN WANAAGEEY
    MOWLAC LAGU SALAADIYO
    MASAAJIDA BADANEEY
    CIIDEEDU MALABEEY
    TUSAALIHI MIDNIMADAAY
    MAHDIGII IMAAMKIYO
    MINANKAAN LAHAYNOOW
    MUQDISHADAAN JECLEEYEEY
    XAMARTII MECEYDEEY
    INKASTOO AAN MAQANAHAY
    MEEL DHEERNA KAA JIRO
    HALKAAN MILICSANAAYIYO
    MUSTAQBALKAAN LAHAAYEEY
    MUUQAAL QURXOONEEY

    NINKII MAALINTIISII
    MURAN UU KU DHAAFOO
    NABADII MUCAARDA
    ASAGAA KU MAQANOO
    MOORYAANTA KUWI DHALAY
    NABADIINA MAYA YIRI
    MAANTABA MA JOOGAAN
    QAAR WAA MARXUUMEEN
    QAAR WAA MACLUULOO
    DA’DIIBAA MIREYSOO
    MADAXAA CADAADOO
    WAY MUUQ XUMAADEEN
    MAGACOODI IYAGAA
    MADOOBEEYAY GOOR HORE
    WIXII MUSUQ AHOO DHACAY
    IYAGAA MASUUL KA AH
    ADNA WAAD KA MARANTOO
    MUQDISHOOY WAXAAD TAHAY
    MADAXII DALKEENIYO
    MIRIHII JANADA IYO
    MANAD UU ILAAHAY
    NAGU WADA MACIINOO
    DADKA KALANA MOOOGYAHAY

    INKASTOO AY MAALMAHAN
    MURAAD GAARA NIMAN LIHI
    KULA DOONAYAAN MOOL
    KA MEERMEERIS BADANEEY

    INKSTOO MAREYKANIYO
    QARAMADA MIDOOBANA
    SHIRQOOL KUU MALEEGAAN
    ALAAH MAGANSI BADANEEY

    INKASTOO MANSUUR IYO
    GODANAHA MAJNUUNKA AH
    KUGU MEYRAYAAN DHIIG
    MIDABKEEDI SIDATAAY

    INKASTOO MASIIBADU
    MAASHAYSAY WADANKOO
    MATAANAHAAGI QAARKOOD
    MAGACOODI DOORSHEEN
    XUMAAN TII KA MARNAAY

    INKASTOOY DAD MAAGEEN
    CALANKII MASUUGEEN
    KALA MIDABO QAATEEN
    MEESHEEDI JOOGTAAY

    WAXAAN MEEL TAAGAYNIYO
    MARYO AAN QURXOONAYN
    OO MEEL LA SOOSURAY
    MARNA KUMA MASHQUUSHAAY

    MUQDISHOOY MACAANEEY
    KOLAY WIXI KU SOO MARAY
    MEEL BAAD KU QORATOO
    NINBA WUXUU MUDAYSTAAD
    KOLAY MIISKA SOO DHIGI
    ALOOW KUWII MACAASHEE
    MALAFKOOD NADIIF YAHAY
    MAALINTAA INAGA YEEL
    MUQDISHO WAAN KU JECELAHAY.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Toos U Dhageyso Radio Muqdisho

Wararka

unnamed (3)

R.W Cabdiweli oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway “SAWIRRO”

Axad, 21 September 2014...... Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ...
astaanta-warka161-150x150

Dhageyso Warka Habeennimo ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/09/warka-habeen-21.9.2014.mp3"][/audio]
Ridwaan Xirsi

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Dalka: “Xukuumaddu Mar dhow ayey wadahadal la bilaabaysaa Puntland”

Ridwaan XirsiMuqdisho, 21, September, 2014……. Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ...
safia

Marwada koobaad ee dalka Qamar Cali Cumar oo Soomaalida ugu hambalyeysay maalinta nabadda adduunka

[caption id="attachment_205840" align="aligncenter" width="640"] Marwo Qamar[/caption] Marwada koobaad ee ...
DSCF1046

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Safiirka dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho mudane Xasan ...
1 (9)

Waddo Laami ah oo laga hirgelinayo Gaalkacyo oo la dhagax dhigay “SAWIRRO”

Wadadaan oo ah mid dhismaheeda ay iska kaashanayaan ...
Arday SIU

Jaamacadda SIU oo arday u dirtay Jaamacadda Makerere ee dalka Uganda “SAWIRRO”

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiir ku-xigeenka  Hidaha iyo Tacliinta ...
dekada

Howlaha Dekadda Muqdisho oo lagu wareejiyay shirkad laga leeyahay dalka Turkiga

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa maanta ka ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/09/WAR-DUHUR-21-09-2014.mp3"][/audio]
howlgal

Dhagar qabe ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay xaafadda Suuqa Xoolaha

Ciidamada Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa maanta ...
unnamed (1)

Golaha Wasiirada oo Magacaabay Taliyaha Ciidanka Nabad-sugidda “SAWIRRO”

Muqdisho, 21, September, 2014……. Ra’iisul Wasaare-ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ...
Ridwaan Xirsi

Ra’iisul Wasaare-ku-xigeenka dalka: “Qarankeennu waxa uu istaahilaa nabad iyo in uu la jaan-qaado adduunka”

Muqdisho, 21, September, 2014…..Ra’iisul Wasaare-ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ...
DSC_0619

Xulka kubadda Kolleyga Soomaaliya oo u diyaar garoobaya cayaaraha Zone 5

Xulka Qaranka kubadda Kolleyga Soomaaliya ayaa isu diyaarinaya ...
DSC05617

Maxaad ka taqaan shaqsiyadda Col. C/raxmaan Tuuryare “Akhriso”

Col. C/raxmaan Maxamed Tuuryare (Cumda) ayaa ah aqoonyahan ...
DSC05607

Deg Deg:- Col. Tuuryare oo loo magacaabay taliyaha hey’adda nabadsugidda

Shir deg deg ah oo ay golaha wasiirrada ...
nabad3

Magaalada Kismaayo oo laga xusayo maalinta nabadda adduunka

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa ...
Biyo-laaan.tree_

Biyo la’aan ka taagan deegaano hoos yimaada degmada Maxaas

Biyo la’aan daran oo saameeyn ku yeelatay dadka ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/09/WAR-SUBAX-21-9-2014-OK.mp3"][/audio]
unnamed

R/wasare ku xigeenka oo beeniyay inuu jiro khilaaf u dhaxeeya madaxda Qaranka

Muqdisho, 20, September, 2014……. Ra’iisul Wasaare-ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12-150x150 (1)

Dhageyso barnaamijka Bandhigga Wareysiyarada ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/09/WARKA-HABEEN-20.9.2014.mp3"][/audio]
dhadhaab

Laba qof oo galabta lagu dilay xeryaha qaxootiga Dhadhaab

Laba qof oo rayid ah ayaa gabaldhicii maanta ...
wasiirada

Madaxweynaha oo ka qeybgalay kulan golaha wasiirradu yeesheen

Golaha wasiirrada ayaa gabaldhicii caawa kulan aan caadi ...
Allaha u naxariisto

Dhageyso Xusuusta maanta oo kale labo sano kahor lagu dilay Wariyeyaal caan ah

Akhristayaasheena sharafta leh waxaa halkaan idinkugu soo gudbineynaa ...
dhalinyaro

Maamulka Degmada Hodan iyo qeybaha bulshada oo ka shiray xoojinta amniga

Kulankani ay Muqdisho ku yeesheen qeybaha bulshada iyo ...
Kulanka Haweenka

Haween la baray farsamo ay ku shaqeysan karaan

Munasabadaani oo ahayd mid tababar loogu soo xirayay ...
Wasiir ku-xigenka

Ku-simaha Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay danjiraha Yemen ee Soomaaliya

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfafinta ahna Ku-simaha Wasiirka Warfaafinta ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/09/WAR-DUHUR-20-09-2014.mp3"][/audio]
MAGAALADA-KISMAAYO-OK1

Dad rayid ah oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Kismaayo

Sideed qof oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay ...
Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si rasmi ah u furay kalfadhiga shanaad ee baarlamaanka “Sawirro+Video”

[caption id="attachment_205433" align="aligncenter" width="640"] Madaxweyne Xasan Sheekh[/caption] Munaasabadda furitaanka ...
astaanta_qaranka11 ok

Xarunta Wasaaraddii Kalluumeysiga oo dib loo dayactirayo

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ayaa maanta dhagax-dhigay ...
Dhalinyaro

Kulan looga hadlay dhibaatada qabyaaladda oo lagu qabtay Muqdisho

Kulankan oo ay isugu yimaadeen dhallinyaro ka kala ...
President1

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilka ka qaaday Agaasimihii Hay’adda Nabad Sugidda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ...
Kulanka Mustaqbalka Dhalinyarada Baarlamaanka (26)

FAAHFAAHIN: Kalfadhiga Shanad ee baarlamaanka oo furmaya

Munaasabadda furitaanka kal-fadhiga shanaad ee Baarlamaanka Federaalka ah ...

Tubta Toosan

Sheekh Nuur Baaruud

Sheekh Nuur Baaruud: Xamaasad iyo Jaahilnimo diineed ayay ku sifoobeen Al-Shabaab

Guddoomiye ku-xigeenka Hay'adda Culimada Soomaaliyeed ahna afhayeenka hay'adda ...
Godane-150x150

Maxaa lagu xasuusan doonaa Axmed Godane ? Dhageyso

Toddobaadkii hore waxaa duqeyn diyaaradeed oo Mareykanku fuliyeen ...
Godane

Taariikhda Godane, Dhageyso oo akhriso

Shalay oo Jimco ahayd ayaa si rasmi ah ...