Friday, May 24th, 2013

DAAWO SAWIRRADA:-Munaasabad Lagu Taageerayey Nabadda Iyo Is Dhaxgalka Bulshada Oo Lagu Qabtay Degmada Warta Nabadda

Published on December 31, 2012 by   ·   32 Comments  ·   19,592 views

Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay islamarkaana lagu taageerayey nabadda iyo is dhaxgalka bulshada ayaa lagu qabtay degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir.

Munaasabadda oo ka dhacday xarunta maamulka degmada Warta Nabadda (Ex-Wardhiigley) ayaa waxaa kasoo qeybgalay Mas’uuliyiinta sar sare ee maamulka gobolka Banaadir oo uu hogaaminayey Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan,Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka,waxgarad,saraakiil ka kala tirsan Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed,Qurba Joog,Fanaaniin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Munaasabadda ayaa waxey bilaabatay gelinkii dambe ee maanta ayada oo soo gaartay ilaa fiidnimadii hore ee caawa waxaana intii ay socotay dadka ka qeybgalay loosoo bandhigay suugaan isugu jirtay riwaayado iyo heeso wadani ah kuwaasi oo dadka ku wacyi gelinayey muhiimadda nabadda iyo in hormarka deegaanka ay bulshadu si wadajir uga wada shaqeeyaan ayadoo sidoo kalena ay munaasabadda fanaaniinta barbaarta Gaashaaman ay kusoo bandhigeen ciyaarro hidaha iyo dhaqanka ah.

Gudoomiyaha maamulka degmada Warta Nabadda Marwo Deeqo C/qaadir oo Munaasabadda khudbad ka jeedisay ayaa uga mahad celisay mas’uuliyiinta iyo qeybaha kala duwan bulshada sida ay ugasoo qeybgaleen Munaasabadda waxaana ay Marwo Deeqo C/Qaadir ku tilmaantay qaabka ay shacabka degmadaasi munaasabadda usoo agaasimeen iney muujineyso sida ay u jecelyihiin Nabadda iyo isdhexgalka Bulshada.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo isaguna Munaasabadda khudbad ka jeediyey ayaa ku ammaanay maamullada degmooyinka, maamulka gobolka Banaadir iyo shacabka magaalada Muqdisho sida ay uga wada shaqeynayaan nabadda iyo hormarka waxaana uu Xildhibaanku shacabka ku booriyey iney sii wadaan gacan siinta ay maamulkooda ku gacan siinayaan waajibaadkii ay u igmadeen.

Gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo isaguna khudbad ka jeediyey Munaasabadda ayaa si gaar ah waxa uu ammaan ugu jeediyey fanaaniinta Soomaaliyeed iyo kuwa walaalaha Jabuuti ee mudooyinkii dambe kasoo laabanayey Qurbaha kuwaasi oo magaalada Muqdisho ka wada howlo ay ku wacyi gelinayaan shacabka gobolka Banaadir.

Munaasabaddan lagu qabtay degmada Warta Nabadda ayaa qeyb ka ah munaasabaddo mudooyinkii ugu dambeeyey si isdaba joog ah loogu qabanayey degmooyinka gobolka Banaadir tan iyo wixii ka dambeeyey intii ay isbedellada nabadeed ka hirgaleen Caasimadda Dalkeenna ee Muqdisho.

Photo By:- Canab Maxamed Barkhadle

Readers Comments (32)

  1. mansha alah says:

    mansha alah ilahow sii siyaadi nabadaa iyo farxadaa ka soo muqto reer muqdisho

  2. Warta-nabada says:

    warta nabada waa wasaarad inta kalle wakaalad waaye ex wardhiigleey dagmadeeydi aan jeclaay markaan ciyaal iskuul ka ahaay aan tartamada kadiska ku qabsan jirnay runtii markaan arkay waan ilmeeyay( i love you warta -nabada)duqa magaalada muqdisho TARSAN nooloow gudoomoiyaha degmada warta nabada weey mahad santay dadaal ka ay muujisay radio muqdisho waad mahad san -tihiin sida hagar la aanta aad u shaqaysaan umada soomaaliyeed soomaaliya hanoo -laato

  3. cabdiqadar says:

    asc alahu akbar alahu akbar alahu akbar bismillah masha allah wa bis millaah wacala barakatillaah ilaahayoow cazza wajalloo nabadaas iyo farxadaas barakeey kulli shayyin qadiiroow,intaas ka dib waxay mahad oo dhan u sugnaatay ilaahay cazza wajalla,waxa kale oo mahad balaaran usoo jeedinaayaa farxaan xidig fanaankeena somaliyed ma dhihi karo fanaan jabuuti waa fanaan soomaaliyeed wuxu boqol jeer dhaamaa fanaaniinta soomaaliya kasoo jeedaa ee indhaha ka daawnaaya ee aan dadkooda soo dhex galeen oo aan la qeebsaneen waxa ay ku sugan yihin oo arigtidooda iyo imaanshahooda ayay umadaas dhibka 20 sano ku jirtay bey niyad kobcin iyo dhiiri galin soo kabasho dag dag ah u noqon laheed.koleey hadaan nahay muwaadininta somaliyed waxaan marnaba ilaawi doonin farxaan xidig marka hore dadkaas ayuu iila mid ahaa lakin maanta akteeyda sdii madaxdeena ayuu qadarin mudan yahay waxaana ugu baaqi lahaa dadka soomaaliyeed ee ila fikirka an ineey loo mahad celsho fanaan soomaaliyeed ee reer jabuuti.warbaahinta qaranka waxa ka codsanaya in aysan ugu yeerin fanaanka reer jabuuti ee loogu yeero fanaanka soomaaliyeed ee reer jabuuti tusaale ahaan magool waxay aheyd fanaanad somaaliyed oo afka sooomaaliga iyo suudaaniga ku heesto markaas bey suudaaniyiintii dhaheen hala dhaho xaliima al suudaniya al soomaaliya.

  4. yousuf says:

    Masha,allaah illaahoow NABADA noo adkey waxan u hambalyeeynayaa Degmada WARTA NABADA iyo Muqdisho oo dhan garaa ahaan waxaan si gaar ah Hambalyo aaan leeyahay Mudane Tarsan Dadaalkiisa oo aan la iloobi doonin Abwaanka weyn Maki xaaji Banaadir Iyo profesor Dalxa somaliyey Nabadaa naasla nuugo leh

  5. LANKO says:

    waxamuqata in ay dib usolabatay dowladnimo waxanalobahanyahay in lagufara adego oo aysan mardanbe nagalumin runtii waxan dhihilahaa DUQA MAGALADA MUQDISHO MR.TARSAN wa nin dib usonoleyay isdhaxgalka bulshada ee haloodayo jagadiisa wa nin kuhaboon mudane TARSAN JIR OO JOOG WALIGAAAAAAAAAAAAAAAAAA

  6. Mahad tariik says:

    Masha’allah degmada warta nabada wa warti biyaha nabada laga cabi laha wa in ay hormud u noqota nabada iyo hormarka dalka ka jira allow no siyadi nabada iyo hormarka manta jira, (nabada naas la nuugo leh).

  7. nabadon cumar farey says:

    asc masha allaah mahad ale ayay usugnatay diban unoqonaynaa inshaa allahu

  8. saabir says:

    mashaa allaah guul wacan soomaaliyeey

  9. wadani yare says:

    mansha alah wlhi waa wax aad iyo aad loogu farxo sida nabada eh eey shacabka iyo madaxda dowlada nabada iskula wada jogaan alaha idin siyaadiyo dhamaaaaaaaaaantiina

  10. illaahey hanoo siyaaadiyo moqdidho noolow wiligaa iyo ebedkaaba aamiin aamiin aamiiin

  11. wadani man says:

    mashalaah aad ayan ugu faraxsanahay muqdisho sidan nabada ugu raxeesaneeso waxan ilaah ka barya in uu ilaaah u zaaidiyo

  12. abdiwali says:

    asc run ahaantii wa wax lagu farxo in dagmoyinka iyo mamuladooda ay isla shaqeyaan waxaa maamulka gobolka banadir kula talinayaa in ay dagmo kasto ay u sameyaan gudi kashaqeya isdhaxgalka bulshada iyo horumarka guul

  13. aweys says:

    waa mahad alle hadii nabadii noo soo noqotay waa runtaa reer jabuuti siyaasad aa nakala qaaday laakin kalama dheeran oo waa dad somaliyed waxaa kaloo jiro madaxda oo ugu horeyo ismaciil cumar geelle waakan mas.uulka ka eh idhaxgalka labada dad cabdulqadir ;laakin fari kama qodno shantii waana socotaa cabdulkadir waxaad dhuuxdaa hesta layiraa wabiyo iso ooman waa fikradii xusen ow faarax waxaa qaado magool labadaba alle yaa raxma bal dhuux waxi kaaga soo baxo u soo godbi dhamaan umadda somali

  14. asc wr wb maasha allaah maasha allaah tabaaraka allaah waa qeyr iyo nimco illaahey subxaana watacaalaa ha noo siyaadiyo waxaa inoo muuqda farxad iyo reyn reyn wadankeenii macaanta badnaay dadkiisii kuwi is dhax galo oo farxadi iyo reyn reyn iskugu yimaada allaah casaa wajalaa ha kadhigo aamiin aamiin yaa rabbi
    waxaa halkaan ka daawaday degmada warta nabada iyo degmada howlwadaata sare maasha allaah inta soo qaban qaabisay waxaa leeyahay guul dadaalkiina halkaas ka sii wada inta ka soo qeyb gashayna waxaa leeyahay hambalyo dhamaan madaxda sar sare duqa magaalada maxamuud nuur axmed tarsan iyo xildhibaan maxamed cumar dalxa iyo marwo deeqo cabduqaadir iyo marwo jawaahir baarqab iyo fanaaniinta walaalaheena jabuutiugu horeeyo fanaanka weyn ee farxaan xidig maasha allaah hambalyo ayaa idin leeyahay nabad iyo caano farxad iyo reyn reyn bash bash iyo barwaaqo soomaali weyn allaah haka dhigo aamiin aamiin aamiin yaa allaah

  15. cabdalla says:

    qsc wwwwwwwwwwwwww masha allah tani waa dareenka wadaniga aloow noobarakeey nabadan i love my hom i am camin my hom

  16. muhanad calasoow says:

    warta nabada salaan idinkaaga timid walaalaha idin jecel ee reer kaaraan dadaal fiican ayaad muujineysaan bacda madoow ee qashinka waa ka naxaa markaan arko kkkkk

  17. qatro says:

    mashaaaaaa allaah aaad ayaad umahadsantahiin radio muqdisho shaqalahiisa daacada ah waan ku farxay sida looogu nabda loo muujinaaaaayo allaaaw inoo siyaaadi dowladnimo jir dowladnimo jooooooooooooooooooooog a

  18. cabdinuur says:

    maashaa alaah alaah yaqaliikum waa wax lagu farxu runti

  19. hani xaji says:

    mash allah tuuu isha baxarka ilahayoow noo daaaaaaaaaaaa

  20. ilyaas xuseen farah hidig says:

    warta nabada masha allah waa xaafadeyda aan jeclahay
    waan imanaya a 2013 may

  21. wadani says:

    asc walaalaha mulimintahow melwalba aad joogtan intaa hadan kagudbo waxan kaloon halkan kasalamayaa bahda radomuqdisho ma sha alaah sidaad nogu sobandhigteen. Farxada mahan kamuqata alx waaye walalayaal somalina alaha isjecleysiiyo aamin

  22. aaloow says:

    aniga farxadeeyda mabalasookoobikaro waaniska aamusay

  23. Buurhindi says:

    Maasha Allaah Dadka Warta Nabada farxad ba ka muuqato, Allow wadanka noo hagaaji.

  24. Abdiqani says:

    Masha allah allo ino siyadi nabadda ino bilaabatay

  25. moud says:

    waan soo soconaa in sha allah xagaaga
    ilahay duliga haka saaro soomaliya

  26. abdiqani says:

    wwwwwww masha allaah waa dagmadii aan ku dhashay misana ku so barbaaray jir oo joog waligaaa warta nabada aad ayaan ugu hambalyeeynayaa dadka ka shaqeeyay xafladaan quruxda badan iyo gudoomiyaha dagmaa waa marwo aad u adag wax garadna ah ilaah ha idin wada xafido reer warta nadaba iyo dhaman somalida oo dhan

  27. Ridwan Bashir Caraaye says:

    Ilaahay waxaan ka baryaa in sidaas iyo si kasi wanaagsan ay inoo noqoto Somalia, Jirkayga oo dhan jiririco ayaa ka kacday waana nabad jaceyl. Ilaahayow wadanka noo xasili oo nabad buuxda noogu soo dabaal. Aamiin Yaa Rabbi.

  28. daahiye macow says:

    maasha,ALLAAAAAAAAH wallaaaahi waan jiriricooday ALLOW noo siyaadi oo dad walaalo ah baan nahay danta dadka iyo dalkeenna na garadsii aamiin yaa ALLAAH.

  29. xusen diiirshe says:

    waaaaaaaaaaaaaaaw masha alle ha ino bara keeyo nabada manta jirta cadaw gane alle hanaga qabto amin amin allow cadawga umada somaliyeed ka qabo waxa dhib wada ka qabo waxa shaydanka umada qasa adunka alle hala jaro umada way dashee waqtiga ay nasan lahayd sanad kan alle haka dhigo amin amin amin

  30. maxamed buuhoodle says:

    asc wr wb walaalaha shaqada webkan kahaya
    aad ayaad umahad san tihiin
    walaalayaal waxaad haysaan hawl aaad uwayn oo uqiima badan
    wajiga wacan ee aad usoo gudbinasaan shcab waynaa soomaaiyeed ee aad kasoo gudbinasaan wadan keena
    waxaa loobaahan yaha dad saxafiyiin ah oo wadaniyiin ah
    oo shacab ka kubeeraya wadan jacayl iyo
    wax qabsi iyo horo mar
    war baahina soomaliya kajirta oodhan waxaan kula talin lahaa in ay qaabkaan ugutaan hawsha
    waayo masuuliyad ayaaa idinkasaaran wadan kiina
    iyo in aad dadka dhiiri kali saan
    aaad iyo aad ayaad umahad santihiin
    halkaa kahaya
    allah waxaan kabar yay naa in uu wadanka nabad nooga dhigo
    is laynta iyo kalajabka naqa dhex saaro

    اللهمّ انقذ بلادي وشعبي
    ايها الاحبة فلنعمل معا الي القمة وصومال خال من الدمار والقتل والتشريد
    والقرصنة
    اللهمّ اعن من اراد بلادنا بالخير

    اللهم آمين
    وشكرا لكم مرة أخري ايها الوطنيون
    آلا فلتحيا الصومال وليسقط أعداها وكل من يكن لها المؤامرة
    والسلام عليكم..




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Wararka

rinkesc1

Rabshado ayaa ka socdo Magaalada Stockholm ka dib markii gaadiid iyo goobo ganacsi lagu gubay xaafadaha ay u badan yihiin Soomaalida SAWIRO

Rabshadahan ayaa dhowrkii cesho ee la soo dhaafay ...
LUULIYO

OGEYSIIS: Kulan loogu arinsanayo qaban-qaabada Xuska 1 Luulyo Ee Magaalada Munich ee dalka Germany.

Waxaa la Ogaysiinayaa dhamaan Dadweynaha Soomaaliyeed ee ku ...
DSC_0432

DAAWO SAWIRADA:- Wasiirka gaashaandhiga Xarumihii uu tagay iyo Madaxdii uu la kulmay intii uu Sudan joogay oo dhamaystiran.

Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane ...
astaanta-warka1

Dhageyso warka habeennimo ee radio Muqdisho

WAR HABEEN 23 05 2013
IMG_8547

Madaxweynaha oo qado sharaf u sameeyay mudaneyaasha Baarlamanka “sawirro”

Kulanka qadada ah ee uu madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ...
safar bye bye

Madaxweynaha iyo wafdi uu hoggaaminaya oo Addis Ababa u dhoofay

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Shiiq Maxamuud iyo wafdi ...
IMG_8322

DAAWO SAWIRRADA:- Munaasabadii lagu xusayay aas-aaska midowga Africa ee Muqdisho lagu qabtay

akhristeyaasheena sharafta leh waxaan halka idinkugu soo gudbineynaa ...
gafoow

Taliyaha hoggaanka iyo socdaalka oo sheegay in la diwaan galiyay dad badan oo ajaanib ah

Taliyaha Hogaanka Socodaalka iyo Jinsiyadaha  Dowladda Soomaaliya Cabdulahi ...
wasiroo_3

Xukuumada oo soo dhaweysay ka noqoshadii mooshinka baarlamaanka kana hadashay arrimaha Jubaland iyo wada-xaajoodka Somaliland “war-saxaafadeed+sawirro”

(Muqdisho, Majo 23, 2013). Shirkii golaha wasiirada Xukuumada ...
DSC01028

Munaasabad lagu xusayay maalinta Umulisada aduunka oo Muqdisho lagu qabtay “sawirro”

Munasabad lagu maamuusayay maalinta umulisay aduunka laguna soo ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka duhurnimo ee radio Muqdisho

WAR DUHUR 23.05.2013
qeybdiid Galmudug State President

Madaxweynaha Galmudug oo ka qeybgalay Munaasad loo qabtay arday ka qalinjebisay dugsiga sare Mudug

Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug ayaa ka qeybgalay munaasabad ...
TubtaToosan1

Khilaafka Al-Shabaab iyo waxa uu salka ku haayo-DHAGEYSO

Muddooyinkii dambe horjoogayaasha maleeshiyaadka Al-Shabaab waxaa soo kala ...
Sawirka 1

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo booqasho ku jooga Sucuudiga.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr.Maxamed Nuur ...
Madaxweyne-xasan-Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay munaasabad lagu xusayay 50 guuradii Midowga Afrika oo lagu qabtay Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyada Fedraalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ...
dibad_ba_3

Dibadbax lagu taageerayay waxqabadka dowlada iyo mowshinkii la baajiyay oo ka dhacay Muqdisho”Sawirro”

Dibad bax balaaran oo lagu taageerayay horumarada iyo ...
Hobyo_view

Duqa dagmada Hobyo oo sheegay in ay wadaan waan waan lagu doonayo in ay xiisad ka dhalan dil shalay ka dhacay ceel huur

Maamulka dagmada Hobyo ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee ...
muqdisho_1

Odayaasha dhaqanka Muqdisho oo soo dhaweeyay mushinkii ay la laabteen xildhibaano ka tirsan baarlamanka

Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka magaalada Muqdisho ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka subaxnimo ee radio Muqdisho

WARKA SUBAX 23.5.2013
Al-Shabaab Awood Daciifid 4

Maleeshiyaad ka tirsan shabaab oo qasaare loogu geystay xadka u dhaxeeya Somaliya iyo Ethiopia

Iska hor imaad geystay qasaaro iskugu jira dhimasho ...
south africa

Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalalka S/africa iyo S/zerland oo soo dhaweeyay go’aankii xildhibaanada ay uga noqdeen mushinka

Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee  ku nool dalalka South Africa ...
DSC03854

Dowladaha Sudan iyo Soomaaliya oo Hishiis Dhanka Ciidanka Xooga ah kala saxiixday :- Daawo Sawiro

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa hishiis Dhanka ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada125

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
astaanta-warka1

Dhageyso warka habeennimo ee radio Muqdisho

WAR HABEEN 22.05.2013
DSC03786

DAAWO SAWIRADA:- Wasiirka gaashaandhiga oo Galabta booqday Meelo dalxiis iyo Xarumaha Sports-ka ee Raacsaan Wasaaradda Gaashaandhiga ee Dalka Sudan.

Wasiirka Gaashaandhiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya  Mudane C/xakiin ...
DSC00908

DAAWO SAWIRRADA;-Sida Ay Shacabku Ugu Damaashaadaan Xeebta Liido Maalmaha Aan Jimcaha Aheyn

Akhristayaasheenna Sharafta leh waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa ...
PM AU (4)

R/wasaaraha oo kulan la yeeshay safiirka Soomaaliya u qaabilsan Midowga Africa “war-saxaafadeed+sawirro”

(Muqdisho, 22, May, 2013) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ...
20130518_141000

DAAWO SAWIRRADA:- Bandhig dhaqamed ay ka qeyb galeen jaaliyadda Soomaaliyeed oo lagu qabtay dalka Turkiga

Bandhig dhaqameed ay kasoo qeyb galeen in kabadan ...
shabaabaaa-620x330

Haraadiga maleeshiyaadka Shabaab oo boob ku haya xoola dhaqatada G/Hiiraan

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku sugan qeybo ka mid ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka duhurnimo ee radio Muqdisho

WAR DUHUR 22.05.2013
naafada

Naafada danyarta ah ee ku nool degmada Dhuusamareeb oo gargaar loo geybiyay

Deeq Raashin gargaar ah  ayaa maanta loo qeybiyay ...
k 1

Bukaanada jiifa cisbitalka Keysaney oo loo qeybiyay deeq lacag ah”Sawirro”

Bukaannada ku jira Isbitaalka Keysaney ee duleedka magaalada ...
kulanka baarlamanka

Baarlamanka oo maanta kulmay iyo mudanayaasha oo dib uga laabtay mowshinkii ka dhanka ahaa xukuumadda

Baarlamanka Soomaaliya oo maanta kulmay iyadoo mudanaayal ka ...
Fiqi

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Oo la kulmay madaxweynaha dalka Sudan.

Wasiirka gaashandhiga xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane C/xakiin Xaaji ...

Tubta Toosan

TubtaToosan1

Khilaafka Al-Shabaab iyo waxa uu salka ku haayo-DHAGEYSO

Muddooyinkii dambe horjoogayaasha maleeshiyaadka Al-Shabaab waxaa soo kala ...
TubtaToosan1

Diinta Islaamku maxay ka qabtaa Dhagarta?-DHAGEYSO

Shareecada Islaamku aad ayay uga dardaar warisay dhagarta ...
TubtaToosan1

Macluushii ka dhacday dalka iyo kaalinta Al-Shabaab-DHAGEYSO

Dabayaaqadii 2010 ilaa  bartamihii 2011-kii Soomaaliya waxaa ka ...

*