Friday, May 24th, 2013

DAAWO SAWIRRADA: Maxaweyne Shariif Oo Booqday Madbacad Daabacda Lacagaha Oo Ku Taala Dalka Sudan

Published on July 4, 2012 by   ·   33 Comments  ·   12,782 views

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed oo ku sugan wadanka Suudaan ayaa kulamo la qaatay mas’uuliyiinta dalkaasi isagoona maanta sookormeeray shirkad lagu sameynayo lacago cusub oo uu dalku yeelanayo.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha dalka Soomaaliya oo socdaal shaqo kujoogo dalka Suudaan ayaa kulamo laqaatay dhigiisa dalkaasi Cumar Xasan Al-bashiir iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladaasi iyagoo kawada hadleen xoojinta xiriirka labada dalka iyo arrimo kale .

Madaxweyne Shariif ayaa waxaa uu kormeer ku tagay shirkad sameyneyso lacago cusub oo loogu talagalay in ay badasho lacagta haatan ka jirto dalka isagoona Madaxweynaha uu warbixin ka dhageystay shaqaalaha ku howlan sameynta lacagta cusub iyo mas’uuliyiinta shirkada.

Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu soo waramayaa in uu haatan kulan la laayahay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi iyo ardayda wax kabarata Jaamacadaha dalka Suudaan.

 

 

Readers Comments (33)

  1. waya arag says:

    waaw lkn lacagta wey waa weyn tahay lkn wey qurux badan tahay

  2. wadani yare says:

    runtii waawax loo bahan yahay oo shacabka dan ugu jurto …waxane ficnaalehed lagacta in laga dhigo 1kun5kun10kun100kun iyo kumiyaal sas aan qaba aniag fakar ahaan

  3. waa wax aad loogu farxo maadaama shilinkeenii qiimo dhacay wax sarifna aan laheyn hadii aan yeelano lacag cusub oo sarifleh waxaan noqoneeynaa dad dhaqaalo leh ee ilaahow dalkeen u gargaar

  4. caasha says:

    wwwww maasha allah ilaahow madaxda dalkeena noo daaa yaa rabi inti muslimiin ee nacaawisana ilaah haka abaal mariyo aminn

  5. abditaani says:

    waxaa wax lagu farxaa hor umarka joogtadaa ee dawlda somalai ay ku tilaab sanayso walaahi run ahaan tii waa arin aad loogu farxo ilahay somali ha u gargaato meelkasytoo ay jogaan

  6. Mr Runsheeg says:

    Asalamu caleyku dhaman Masuulkasta manta joga iyo masuliyenta mustaqbalka imandona dhamantoda hakatagan Taariikh iyo tusaale wacan oo kudayasho wacan haii adkatagtan ama hadii ad jogtan dalka iyo dadka uga taga walalyaal taariikh kudayasho wacan masuulkasta oo xukumada hadajirta iyo tan mustaqbalka imandona ha iska reban fadlaan walalaya insha allaah, mahadsanidin

  7. Dirshe Ahmed says:

    hadii jekk laa sameenay haa la kormariyo
    Afsomaliga yaan la hoos mariin Afsooliga.
    ee Arabiiga haa laa Hosmariyo

    Dirshe Ahmed

    • Cabdi says:

      Waxaan ka codsan lahaa dawlada Somalia iyo dadka ay u xilsaartay samaynta lacagta cusub in aysan marnaba soo samaynin lacag ka badan kun shillin oo isku dhagan sababtoo ah lacagta noocaasa waxay khatar ku tahay dhaqaalaha dalka, waxaana garankara arintaas cidii wax kagaranaysa maadada dhaqaalaha amase economics . Somalia waxay ilaa hada lacagteedu ku badbaaday waxaa kamida la’aanta lacag kabadan 1000 shilin sababtoo ah dadka tuugada ah ee lacagta soo daabacda faa’iido badan kama helayaan marka qiimaha halkii xaashibo uu u dhigmo ama kayaryahay kun SH sababtoo ah qiimaha warqada iyo fee,ga madbacada ayaa ku qaali ah. Laakiinse hadii lasoo daaboco lacag halkii xaashi uu cadadkeedo aad u sareeyo tuugada aduunka oo dhan ayaa soo daabacanaysa lacagta Somalia dhaqaalaha dalkana way u dhamaanaysaa.

      Mida kale lacagta cusub waa in ay leedahay farsamo u gaara oo ay adagtahay in si been abuura loosoo samaysto
      Ugu dambaystii waxaan leeyahay lacagteena hada waxay ka midtahay lacagaha aduunka ugu quruxda badan marka waa in nakhshadeeda lagusoo sameeyaa lacagta cusub iyada oo lagu kordhinayo oo kaliya xoogaa casriyayn ah sida farsamooyinkii ugu dambeeyay ee ilaalinta lacagta. Waxaan ka cabsanayaa in dad aan maadada economics aqoon u lahayn ama dan ka galaynin khataraha la xiriira lacagaha in ay soo sameeyaan lacag lagu qasaaro waana iga talo marka hadii aad lacag samaynaysaan sameeye wax fiican oo aad ka fiirsateen dhanwalba.

    • aweesow says:

      dirshe sxb carabiga aad aragtay waa bangiga dhexe ee suudaan laakin maahan lacagta somaliya loosoo wado marka sifiican u arag oo u aqri waxana loo tusooyaa madaxda simble ookale rayigaagana aad ayuu u fiican yahay

  8. abdifitah says:

    asc dhamaan dadka somaliyed wan salamaya marka hore.

    waxay ila tahay maanta xiligan la jogo looma baahna lacago la daabaco anoo aysan iga ahayn mucaaridnimo lkin wacyiga jira nooma ogolanayo in inta lacag la sameeyo wadanki la geeyo laguna badalo, sababto ah waxay u baahan tahay wan wada garanayna waa shaqo badan, dhaqaale, iyo amni iyo sidoo kale dowlad rasmi ah.

  9. ahmed says:

    maansha laah wadankeena ilhey hanoo dajiyo waxkasta waa lakeenya lagac iyo mida u gu qaalisan ayaa yeelandoonta soomaliya

  10. Mo somali says:

    Madaxweyne shariif khatar waaye runtii wuxuuna soamalia kenay marxalad xaasaasiya, doorashada haduu ku guulaystana waa guul hadii kalana Taarikh ayuu katagayaa.

  11. waan ku farax sanahay shaqada aad heysiin waxaan lalon soo dheynaa lacagta cusu eesoomaliya loo sameynaayo

  12. jalteey says:

    asc waxaan jeclaan lahaa in lacagtaas lagu soo sawiro sheekh shariif waana madaxwayne u qalmo in lacagta oo dhan uu ku sawirnaado wabilaahi towfiiq asc

  13. maxamud axmed maxamed says:

    madaxwaynuhu waa shaqanayaaye alle hala garab qabto waxaana oranayaa waa adiga kaxiga oo dalka hogaaminaya insha allaah madaxwayne shariif sheekh axmed {alcadaala}

  14. abdi fitaax says:

    wwww masha allah madalaha somali madaxweyne nolow

  15. Cabdi says:

    Waxaan ka codsan lahaa dawlada Somalia iyo dadka ay u xilsaartay samaynta lacagta cusub in aysan marnaba soo samaynin lacag ka badan kun shillin oo isku dhagan sababtoo ah lacagta noocaasa waxay khatar ku tahay dhaqaalaha dalka, waxaana garankara arintaas cidii wax kagaranaysa maadada dhaqaalaha amase economics . Somalia waxay ilaa hada lacagteedu ku badbaaday waxaa kamida la’aanta lacag kabadan 1000 shilin sababtoo ah dadka tuugada ah ee lacagta soo daabacda faa’iido badan kama helayaan marka qiimaha halkii xaashibo uu u dhigmo ama kayaryahay kun SH sababtoo ah qiimaha warqada iyo fee,ga madbacada ayaa ku qaali ah. Laakiinse hadii lasoo daaboco lacag halkii xaashi uu cadadkeedo aad u sareeyo tuugada aduunka oo dhan ayaa soo daabacanaysa lacagta Somalia dhaqaalaha dalkana way u dhamaanaysaa.

    Mida kale lacagta cusub waa in ay leedahay farsamo u gaara oo ay adagtahay in si been abuura loosoo samaysto
    Ugu dambaystii waxaan leeyahay lacagteena hada waxay ka midtahay lacagaha aduunka ugu quruxda badan marka waa in nakhshadeeda lagusoo sameeyaa lacagta cusub iyada oo lagu kordhinayo oo kaliya xoogaa casriyayn ah sida farsamooyinkii ugu dambeeyay ee ilaalinta lacagta. Waxaan ka cabsanayaa in dad aan maadada economics aqoon u lahayn ama dan ka galaynin khataraha la xiriira lacagaha in ay soo sameeyaan lacag lagu qasaaro waana iga talo marka hadii aad lacag samaynaysaan sameeye wax fiican oo aad ka fiirsateen dhanwalba.

  16. kaaraan boy says:

    Masha Allah talaabta wanaagsan ee dowlada kmg qaday aad ayan ugu faraxsanahay lkn hadii an fikirkeyga ka dhiibto lacagaha halaga dhigo 10 toban 20 labatan 50 konton 100 boqol shilimantane 5c 10c 20c 50c 1 shilin 2 shilin 5shilin lacagtan hana laga fakiro dowlada cusub ee ladoranayo dowlada cusub hanoqoto dowlad caadil ah oo dadka u simanyihiin Asc

  17. maxamed afrax ali says:

    fikirka lacagta an ka qabo wa ina n ku faraxno somalia ahada naahy aduunka wadan ana lacag sarif laheen maba jiro ana kun aya uweyn lacagteena kun aya u yar lacagta lasoo sarayo waxan u araka ineey tahay hormarka lagu tilabsado kan hada muqda in uu bulaw yahay lacgna an leenahay iyo dowlada an kmg aheeyn an yeelano wa muqadas si an aduunka ugu soolaabano inta an ka dib dhacnay soomaalia ha is racdo dhanteed

  18. Omar says:

    alaama caleykum aniga fakir ahaan waxaan qabaa in oo loo daayo hal sano kale dawladaan hadda jirta si oo si fiican dadka inta harsan fahamka dawlad wanaaga ugu gartaan loona adkeeyo tiirka dawladda si hadhowdi marka la gaaro doorashad aan u dhicin qalalaasa iyo bur bur maadaama umada kale dana gaar ay ka leeyihiin bur burka somaliya

  19. Nuur says:

    waa ku mahadsanyahay madaxweyne shariif in uu ku fikiro sameyn lacag tayo leh sawirkiisana halagu soo daabaco lacagta cusub,

  20. waaa eey fiicnaan laheed balse dowlada waa in ey BANK DHEXE IYO MID SARE MARKA HORE SAMEYSATAA SI DADKA EY LACAGAHOODA UGA BADASHAAN WAAYO DADKU MIYI ILAA BADIYE AYEEY JOOGAAN QASAAARO BADANA WAA AW KA DHALAN KARAA SOO AYADOO SHACABKA LOODANEYAY HADANA LOO DANEYNAYO WAA IN DOWLADA BANK sameysataa si ey dadka ey uga badashaan Hadhow lacagahooda

  21. mahdi says:

    walaahi marka kobaad ilaahay aya mahad iska leh na karansiiyay inaan samaysano lacag badisha lacagti qiimaheedu dhacay marka xigta waxaan fikrad ka dhiiban laha lacagta laso saarayo in kasta oo ay ku haboonayd inaan horay uga hadalno hadana waxa ugu muhiimsan in la ilaaliyo naqshada lacagteeni horee lahayd ooo aad u quxoon hadi wax lagu darayo waxay u bahantahay bas casriyayn iyo xaga amaanka oo loo sameeyo wax yaabo sii fudud lagu badlili karin maxa yeelay haday lacagta ka badato intii lagu qiimeeyay dhaqaalaha wadanka waxa dhici (tadakhum) dhibaatadeedana waa leedahay. thanks ilaahayoow nooga yeel wadankeena nabad waarta inshalalah

  22. cali cade says:

    waa wax aad lagu farxo walaahi waxaan sii jeclaan laha in lacagta qaabkeeda aan aragno si ay shacabka aragtidooda ay uga dhiibtaan waana u mahadcelineena madaxda dowlada iyo dhamaan shaqaalaha radiomuqdisho

  23. cumar suufi says:

    asc wrwb
    maashaa allaah,saasaa larabaah ninkastooh diin sheegan oo maskax alle ku maneestay inuu u damqado umaduu masuuliyadeeda qaaday uu berito laga weeydiinayoh alle swt hortiisa.walaalayaal sheeyq shariif waxaan u baxshay xamar carfiyeh taas kaftan haigaba ahaateeh laakiin waa

    madaxweeyne umaleynayoh ineey diintiisa fahamka uu uleeyahay sareeyso.dhanka lacagta waxaan o ranlahaa haddii nalo soo sameeyn karoh shilin,shilin,5shilin,10,20,50,100,500 and 1000 shilin haugu yaraadoh,insha allah ifafalo fiican noo soo muuqdoh shacbaan baa gabo gabo inoo ah soona waa soo socdaah qeeyran kathiiran insha allah.

  24. Subane says:

    Asc walalyal lacag wan u bahanahey lkn yaney naga naqanin sida tan ugandha lacagta hanaqato lacag tar o hadi ad sarifatid100$ dolar jebka ad ku qadan karti ok hada firi wadamada dariska ah sida kenya 1000 aya u weyn 1 ayana ugu yar aad ayey macqul u tahey marka waxan aad u codsaneyna in lacagta laga dhigo lagyar doloda ra iyiga dadka ugudbiya adinka bahdina war bahinta waxan idinka codsaneyna in barnamijyada lacag sameyta adka sameysan dodo madaxda ad sofarisisan radiya dadka ay weydiya sualo ku sabsan lacacagta runti lacag kun kawey yan la sameynin aya wanagasan dodena ugudbiya madaxweyna rasulwasaraha wazirka maliyada iyo hanti dhorka gud masuliyinta bankiga dhex dadweynaha ha lasiyo fursad ay lacagata ra yi uga dhibtan

  25. waa la rabaa lacag tayo leh maxaa hadabo dowlada jirto waa dowlad sharci ah maxaa waa dadkaan dowlada rasmiga oo ka maqan oo tan hada jirto ka fiican nolosheenaba ma arag anaga dowladan oo kale marka lacagta waa in la helaa

  26. (Waxgarad) says:

    A.s.c madaxda dowlada waxaan usheegaa halka eyhada joogaan masiijogaayaan marka umada haugataagaano wax anfacaay dadka dibada jogo wey og yihiin lacagta sida ugaandha congo iyo tanzania marka ey ugubadantahay halaga dhigo 1 ilaa 1000 wadamada aan so xusay wexeyleyihiin leyihiin sida ugaandha 50.000 dhaqaalahooda waad aragteen halagafirsado by

  27. ODAY CIGAAL says:

    Warka badan ha la joojiyo oo ha la shaqeeyo walaalayaalow.

    Hadal badan haan buuxiyo.
    Hadal yar iyo howl badan.

    Madaxweyne Sh. Shariif ka hor xaalku hoos ayuu u sii socday, rajo ma jirin laakin hadda qof kasta oo Soomaali ah wuxuu dareemayaa in xaalku soo hagaagayo.
    Sheekha ha lala shaqeeyo annagoo nafteenna ugu yeelayna.

  28. asalam aleykum dhamaan umada soomaaliyeed gaar ahaan badada badda raadiya tvga iyo webka qaranka u sheqeeyso oo aan dhihi karo waa geesiyaal soomaaliyeed waxana xusi doonta taafiikhda . Intaa kadib aniga waxaan qabaa xiligan in eey soora gal aheeen lacag loosoo sameeyo dalka .waxey soo kordhin un sixir barar iyo in eey ku takri fasho qolo goone ah oo o adeegsato xeelado kala duwan sida in eey doorasho ku gasho ama eey ka yeelaan sida eey rabaan good bye wake up somalia

  29. khalid says:

    aabe shekh shariif abaha somaliyeed abihii nabada alaha ha kuguuliyo madaxweyne alaha haku xafido sida dalkena aad ugu dadaleyso alaha haka abal mariyo amin amin amin




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Wararka

astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhurnimo Ee Radio Muqdisho

War Duhur 24-May-2013
janaale

Mas’uuliyiin Ka Tirsan Maamulka Gobolka Shabeelada Hoose Oo Kormeeraya Degmooyin Ka Tirsan Gobolkaasi

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Shabeelada Hoose ayaa ...
Bole Road Addis Ababa

Wasiirrada Arrimaha Dibadda IGAD Oo Sharci Daro Ku Tilmaamay Maamulkii Kismaayo Looga Dhawaaqay “Dhageyso”

Wasiirrada Arrimaha Dibadda urur goboleedka IGAD oo shir ...
DSC00154

Gudoomiyaha Baarlamanka oo marti ku ahaa Barnamijka kulanka Jimcaha ayaa sharaxay waxqabadka Baarlamanka su’aalana ka jawaabay”Sawirro”

Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ...
astaanta-warka161-150x150

Dhageyso Warka Subax

WAR SUBAX 24.05.2013
Obama

Madaxweyne Obaama oo sheegay in la wiiqay awoodii ururka Al qaacidda

Madaxweynaha Mareykanka Barrack Obaama ayaa sheegey in awoodii ...
R.W Saacid

R/wasaare Saacid oo sheegay in isbedel uu ku yimid daqliga dowlada

Xukuumada Federaalka  ee Soomaaliya ayaa ka hadashay kororka ...
Cabdi-Qeybdiid

Madaxweynaha Galmudug oo soo dhaweeyay dib uga laabashada mowshinki laga keenay xukuumada

Maamul gobaledka Galmudug ayaa arrin lagu farxo ku ...
xukun1

Maxkamada ciidamada ee Puntland oo xukun dil ah ku radday gacan ku dhiiglayaal

Puntland oo xukun dil ah ku riday dad ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12511

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
rinkesc1

Rabshado ayaa ka socdo Magaalada Stockholm ka dib markii gaadiid iyo goobo ganacsi lagu gubay xaafadaha ay u badan yihiin Soomaalida SAWIRO

Rabshadahan ayaa dhowrkii cesho ee la soo dhaafay ...
LUULIYO

OGEYSIIS: Kulan loogu arinsanayo qaban-qaabada Xuska 1 Luulyo Ee Magaalada Munich ee dalka Germany.

Waxaa la Ogaysiinayaa dhamaan Dadweynaha Soomaaliyeed ee ku ...
DSC_0376

DAAWO SAWIRADA:- Wasiirka gaashaandhiga Xarumihii uu tagay iyo Madaxdii uu la kulmay intii uu Sudan joogay oo dhamaystiran.

Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane ...
astaanta-warka1

Dhageyso warka habeennimo ee radio Muqdisho

WAR HABEEN 23 05 2013
IMG_8547

Madaxweynaha oo qado sharaf u sameeyay mudaneyaasha Baarlamanka “sawirro”

Kulanka qadada ah ee uu madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ...
safar bye bye

Madaxweynaha iyo wafdi uu hoggaaminaya oo Addis Ababa u dhoofay

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Shiiq Maxamuud iyo wafdi ...
IMG_8322

DAAWO SAWIRRADA:- Munaasabadii lagu xusayay aas-aaska midowga Africa ee Muqdisho lagu qabtay

akhristeyaasheena sharafta leh waxaan halka idinkugu soo gudbineynaa ...
gafoow

Taliyaha hoggaanka iyo socdaalka oo sheegay in la diwaan galiyay dad badan oo ajaanib ah

Taliyaha Hogaanka Socodaalka iyo Jinsiyadaha  Dowladda Soomaaliya Cabdulahi ...
wasiroo_3

Xukuumada oo soo dhaweysay ka noqoshadii mooshinka baarlamaanka kana hadashay arrimaha Jubaland iyo wada-xaajoodka Somaliland “war-saxaafadeed+sawirro”

(Muqdisho, Majo 23, 2013). Shirkii golaha wasiirada Xukuumada ...
DSC01028

Munaasabad lagu xusayay maalinta Umulisada aduunka oo Muqdisho lagu qabtay “sawirro”

Munasabad lagu maamuusayay maalinta umulisay aduunka laguna soo ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka duhurnimo ee radio Muqdisho

WAR DUHUR 23.05.2013
qeybdiid Galmudug State President

Madaxweynaha Galmudug oo ka qeybgalay Munaasad loo qabtay arday ka qalinjebisay dugsiga sare Mudug

Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug ayaa ka qeybgalay munaasabad ...
TubtaToosan1

Khilaafka Al-Shabaab iyo waxa uu salka ku haayo-DHAGEYSO

Muddooyinkii dambe horjoogayaasha maleeshiyaadka Al-Shabaab waxaa soo kala ...
Sawirka 1

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo booqasho ku jooga Sucuudiga.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr.Maxamed Nuur ...
Madaxweyne-xasan-Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay munaasabad lagu xusayay 50 guuradii Midowga Afrika oo lagu qabtay Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyada Fedraalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ...
dibad_ba_3

Dibadbax lagu taageerayay waxqabadka dowlada iyo mowshinkii la baajiyay oo ka dhacay Muqdisho”Sawirro”

Dibad bax balaaran oo lagu taageerayay horumarada iyo ...
Hobyo_view

Duqa dagmada Hobyo oo sheegay in ay wadaan waan waan lagu doonayo in ay xiisad ka dhalan dil shalay ka dhacay ceel huur

Maamulka dagmada Hobyo ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee ...
muqdisho_1

Odayaasha dhaqanka Muqdisho oo soo dhaweeyay mushinkii ay la laabteen xildhibaano ka tirsan baarlamanka

Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka magaalada Muqdisho ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka subaxnimo ee radio Muqdisho

WARKA SUBAX 23.5.2013
Al-Shabaab Awood Daciifid 4

Maleeshiyaad ka tirsan shabaab oo qasaare loogu geystay xadka u dhaxeeya Somaliya iyo Ethiopia

Iska hor imaad geystay qasaaro iskugu jira dhimasho ...
south africa

Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalalka S/africa iyo S/zerland oo soo dhaweeyay go’aankii xildhibaanada ay uga noqdeen mushinka

Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee  ku nool dalalka South Africa ...
DSC03854

Dowladaha Sudan iyo Soomaaliya oo Hishiis Dhanka Ciidanka Xooga ah kala saxiixday :- Daawo Sawiro

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa hishiis Dhanka ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada125

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
astaanta-warka1

Dhageyso warka habeennimo ee radio Muqdisho

WAR HABEEN 22.05.2013

Tubta Toosan

TubtaToosan1

Khilaafka Al-Shabaab iyo waxa uu salka ku haayo-DHAGEYSO

Muddooyinkii dambe horjoogayaasha maleeshiyaadka Al-Shabaab waxaa soo kala ...
TubtaToosan1

Diinta Islaamku maxay ka qabtaa Dhagarta?-DHAGEYSO

Shareecada Islaamku aad ayay uga dardaar warisay dhagarta ...
TubtaToosan1

Macluushii ka dhacday dalka iyo kaalinta Al-Shabaab-DHAGEYSO

Dabayaaqadii 2010 ilaa  bartamihii 2011-kii Soomaaliya waxaa ka ...

*