Friday, May 24th, 2013

DAAWO SAWIRRADA:-Magaalada Hargeysa Oo Sameysay Hormar Baaxad Leh Oo Dhinaca Ganacsiga iyo Dhismaha Ah

Published on December 3, 2012 by   ·   53 Comments  ·   28,886 views

Magaalada Hargeysa ayaa ka mid ah magaalooyinka sanadadan dambe sida weyn u sameeyay horumarka dhinacyada adeega bulshada iyada oo waliba ay magaaladu noqotay mid si weyn u fiday oo gaadhay meelo hore aanay dadku awal u degi jirin markii la waayay meelo ay dadku degaan taasina waxa ay magaalada u horseeday in uu magalaad ku yimaado korodh xad dhaafa.

Magalaada Hargeysa oo waqtiyadii hore ahayd meel ay ku nool yihiin tiro yar oo dad ahi oo aan ka badnayn 200`000 qof hada waxa ku nool in ku dhow Hal milyan oo qof, taasina waa ta sababtay in magaaladu inta badan ay noqoto mid saxmad iyo cidhiidhi badan leh magaalada Hargeyysa waxa ka jira ganacsi xoog leh taasi oo ay kala siman tahay dhamaan magaalooyinka kale ee Somalidu degto .

Waxaana ganasigaasi u kala socdaa dhamaan dalka oo dhan waxana ka furan oo xarumo ku leh ganacsatada iyo shaqsiyaadka kale ee adeega u qabta bulshada.

Magaalada Hargeysa waxa ka furan ku dhawaa 11 Jaamacadood oo ay dhigtaan arday tiro badan iyada oo sanad walbana ay ka qalin jebiyaan arday badani.

Magaalada Hargeysa waxa dhibta ugu badan ee ay dadku ka cowdaan ka mid ah xaga Biyaha oo aanay jirin biyo ku filan magaalada oo wada gaadha. taasina waa ta keentay in ay magaalada biyaha u dhaamiyaan Booyado. .

Qofka ay mudo hore ugu dambaysay Hargeysa waxa uu arkayaa markiiba oo ay indhahiisu qabanayaan waa dhismayaal dhaadheer oo cusub intooda badani kuwaasi oo ah Hotelo ay dadku degaan.

Hargeysa waxa ku yaala meelo laga raaco gawaadhida Basaska yar yar iyo waaweyn kuwaasi oo u kala baxa xaafada magaalada Hargeysa maadama ay adag tahay in ay dadku lug ku gaadhan, waxase maalmahan dambe ku soo biiray waa Tagaasi yar yar oo iyana lagu raacaayo qiimo jaban kuna gaynaaya meelaha aad u ubaahato, waxana keenay shirkado gaar ah sida Raaxo Taxi,Maroodi jeex Taxi iyo waliba Dalxiis Taxi kuwaasi oo aad arkayso iyaga oo kala leh calaamado kala duwan iyo midabo aanay dadku isku khaldayn.

Maqaaxiyaha iyo meelaha kale ee wax laga cabo ayaa ku badan magaalada iyada aad arkayso dhalinyaro badan oo koox koox u fadhiya meelahaasi sheekaduna ay si wacan isugu saaran tahay.waana astaamaha muujinaaya in ay magaalada ka jiro shaqo la`aan baahsani oo ay inta badan ka cowdaan dadka ku nool magaalada Hargeysa. waxana ay dhalinyarta ku kaliftaa in ay inta badan ka doodaan siyaasada aakhirkana keenta in ay tahriibaan.

Inkasta oo aynaan hal maqaal ku soo koobi karin muuqaalka guud ee magaalada Hargeysa hadana waxa aanu jeclaysanay in aanu intaasi ku koobno qaybta hore ee aanu kaga waramayno muuqaalka magaalada Hargeysa

 

 

 

 

Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-


Yurub                         +442035190460


USA & CANADA       +14156550815

Readers Comments (53)

  1. Eng. Yahya says:

    Hargaysa waa magala madaxda labadaad ee dalkeena masha allah aad bay u qurux badan tahay. nabadda iyo horumarka ay gaadhay illahey ha u siyadiyo. Muqdishana Iminka waxay noqotoy Magaalo qurux badan Nabad gelyo aad u wanaagsana iminka way yeelanaysaa iyana illahey Ha u kordhiyo….
    Umadda somaliyeed meel walbo ay joogto illahey qalbiyadooda ha isu soo duwo Midnima ka wacan kala qeybsanaan.

  2. Deeqo Dagan says:

    Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta Ee Qaranka waxan idinku salamaay
    ASALLAMU ALLAIKUM. WARAXMATULLAHI WABARAKATU.
    Aaad baad u mahadsan tihin walalyaal. Eng. yahya walal waan kumahad celinayaa walal madama aad tahay qof jecel nabadda iyo horumarka iyo midnimadda somaliya.
    Muqdisho iyo Hargaysoo Dib u midobay Dainkeen ha ina tuso.. Shacabka somaliyed oo midooba Rabbi ha ina tuso. Nabadda iyo Hurmarka somalia ay gaaraysana mid umadda ay ku wada najaxdo allaha inooga dhigo..
    Madaxda Dalkana Illahey Kuwo caadil ah Illahey ha inooga dhigo. Umadda kheyr iyo wanaaga ku hogaamisa…. Amin

    Princes Deeqo Degan
    Mogadisho Somalia.

  3. omar mohamud says:

    MASHALAH ONE SOMALIA ONE NATION ONE FLAG

  4. faysal says:

    magaalada hargaysa waxay ku tlaabsatay hurimar waana u hanbalyaynayaa dadwaynaha hargaysa

  5. keyse says:

    defiantly aad baan kugu raacsanahay sxb cumar illahay adigoo kale dalka ha u dhiibo ,,,,,,,,illahow xaqiiqdayada na tus

  6. asc dhamaan walaalaheen waqooyi galbeed waa wax lagu farxo bilicda hargeysa allaha usiyaadiyo waxaana uhorseeday nabdda waxaan leeyahay hargeysaay hadheelinin hadhantaalmin waligaa

  7. waan ku farxay runtii sida aad ugu simantihiin wadanka oo dhan cadalada ah hormarka hargeysa waa hormarka somalia thanks waxaan ku noolahay hargeysa thanks radio muqdisho

  8. nuure says:

    waaguul lkn waxy kadaraanlaheed xaga quruxda hadey somaliland dhihilahaateen hargesa waa caasimada somalia waxaan hubaa in ay noqonlaheed nairobi ookale nasiib darose waa naga xumaatay siyaasadii koofuruna burbur bay kabixi la adahay hargaysana kali noqosho farkaliyah fool madhaqdo midnimo aafiican hadii hargeyso 20kii sano eysomali aruurin laheed manta new york ookale bay noqon laheed midnimo bye

  9. xasan says:

    MAASHA ALAAH ALE HA U SIYAADIYO HORU MARKA

  10. yaasin says:

    ilahay muqdishanaha sidaas oo kale haa ka dhigo walalaheen konfur,,insha allah

  11. Dalmar says:

    Harumar baa ka muuqda nabad gelyo baana kentay yaa la dhihi kara ee dadka reer garaisa ee nabadda jecel allah wanaag ha u siyaadiyo, mahad ballaranna shaqaalaha radiyaha qaranka ayaa mudan magalayin badan baanu aragnay kismayo, galkacyo, cadaado,bosaso hadana hargaysa kuwa kalena waan idinka filayanaa howl fiican baad haysaan ee hambalyo, barwaaqo for all somalia insha allah,one love from muqdisho

  12. sanaag boy says:

    maashaa alaah hargaysa 2008 baa iigu danbaysay saa uma qurux badnaayn aad baay u quruxbadnaatay waxaay la tartamaaysaa nairobi iyo addisababa

  13. Captain says:

    Hargaysaay Hadheeliyin ha dhantaalmin waligaaa

  14. Muna says:

    Waa dadaaleen walaalaheeb reer hargaysa dhibaatadii korutana Rabi ma gaarsiin ayaka alxamdulillah, mida kale waxaan dhihi lahaa sii laba jibaara dadaalkiina kuwaan leh huru mar magaarina xaasidnimadoodu ayagu haku dhintaan waa loo jeedaa huru markiina mana qarsoona Ilaah waxaan ka baryaa inuu barwaaqadiina idiin siyaadiyo sooli oo idilna dawladaan uga dhigo dawlad caadil ah oo miyo iyo magaalaba hour marisa.

  15. Daljir says:

    Muqdisho ha ku dayato Hargaysa yaysan qax labaad ku tagine,

  16. zaki says:

    mashalaah aad baan uGu farxay magalada madaxda labaad ee Somalia oo sidaa u quruxbadan waxan ilaah ka barya in uu noo zaidiyo nabada iyo hormarka

  17. sck says:

    salaan waayo waayo whi hadaan exam ka soobaxay waxaan dhagaystay hesta

  18. mashalah one somalia one nation one flag

  19. Abshir Xaji Adan says:

    ASC:Beautiful pictures Mashallah.I;m writing this from S.Wales UK and Ifeel so proud of the achievement of my fellow SLers

  20. ina hasan says:

    Mash alaah rabi ha u siyaadsho nabadda iyo horumarku waa labo wada socda meel aan amaan jirin cidna hantidiisa uma hurta Muqdisho hadda bilaha yar ee dagaaladu ka istaageen bal dhismaha ka biloowday daawada Waxaa hubaal ah in Sanad kadib la daawan doono Koofurta insha all
    aah

  21. xuseen says:

    masha allah meshiina ka sii wada dhisida wadankiin iyo dhulkiina qof waliba waa inuu dhista dhulkiisa

  22. mohamed says:

    maasha allah qurux iyo nabadbaa ka muuqata,
    somalidu aadbay umasayr badantahay,wayna kukala masatraan xumaha iyo samaha labadaba, ee sawiradaan quruxda badan haloosoo bandhigo si ay hormarka ugu kala tartamaan insha allah waa lagaari dhawaan

  23. aaloow says:

    muqdishone sidookale inshaa alaah

  24. maxamuud says:

    marwalbo soomaalaay hormar iyo nabad ayaan idiiku duceyey

  25. WadaniSomali says:

    Aad baan ugu faraxsanahay horumarka ka jiro caasimada labaad ee qaranka Soomaaliya.
    I am glad to see progress in the second city of Somalia.
    Long live unity of Somalia, long live Somali Muslim Nation.

  26. cabdifataaxx says:

    Waa mahad Alle maashaAllah Hrgeysa caasimad dheh.

  27. radio mogdisho waad mahadsan -tahiin
    intaa kadib dadaalkiina halkaa kasiiwada
    hargeeysa -harwanaag horumarka aysameeysatay waa mid ku dayasho mudan muqdishana insha alaah waydhismi soomaaliya soomali baaleh thanks bahada idaacada radio mogadisho

  28. Puntlanderwadani ah says:

    Waad mahadsan tihiin bahda warbaahinta qaranka siiba qeybta wepsitesta.Barnaamijka lagu soo qaadanayo bilicda dalka waa arin wanaagsan waana dhiirigalinayaa. Hargeysa waa magaalo somaliyeed oo quruxbadan dadkeeduna waa dad fiican.Dadka qaar ee doonaya in ay dalka kala gooyaan waxaan u sheegaya somali in aysan meelna ku kala tageyne ha is daalin.

  29. Ibrahim says:

    Anigu reer Hargaysa ayaan ahay. Waxaan hubaa in dadwaynaha Hargaysa ay dadaalayaan laakiin dawladda hoose ee magaalada ayaa mid aad u liidata ah. Soomaali oo dhami horumar wayn ayay bari hore gaadhi lahayd oo caalamkaa ayaynu latartami lahay haddii qabyaaladda la iska daynlahaa, oo munaafaqiinta madaxda inoo noqota meel looga soo wada jeesan lahaa, oo Alle laga cabsanlahaa.

  30. dahir says:

    aad iyo aad baan ugu faraxsanahay in ay hargeysa aas u qurux badanaatay allah ha siyaadsho

  31. Bilqeyr says:

    asc waxan salaamayaa soosaaraha barnaamijka iyo dhamaan intii kasoo qeyb gashay.

    hageysa waa magaalada ugu qurxoon xagga dhismaha dalka somalia,waxan rajeynayaa in ay sidaa sika qurxan uu udhismo dalka oo idil iyo midnimo qaran.

  32. JAMES FIDOW says:

    wa horumar wanagsan oo ay gareen umad `soomaliyeed

  33. galmudugboy. says:

    Aad baan ugu faraxsanahay horumarka ay gaartey magaalada hargeysa( caasimada labaad ee dalka) dadka somaliyeed waxay guul iyo hormar ku gaarikaraani waa wadajirka yaan meela kale lagaraadin. { no progress and achievement with out unity}.

  34. hibo says:

    Hargeysa waa meel lagu dayado, laakiin weli waxaan ogsoonahay in Muqdisho ay tahay caasimada soomaaliya, inkastoo soomaali-land ay rabto inay wadan gooni ah noqoto, laakiin xaqiiqda dhabta ah waa wax aan soconayn in soomaliya kala go’do. marka haddii aan nahay reer hargeysa waxaan rabnaa inaan noqono gobol ismaamula laakin aan qirsanahay in Muqdisho nalaga xukumo.

    soomaaliya soomaali baa leh.

    mahadsanidiin
    Hibo mohamed
    Hargeysa

    • Yusuf says:

      Hibo, aragtidaada aad bey u wanaagsan tahay waana xaqiiqada in aanan kala go’i karin waana isku baahanahay. Aad baan ugu farax sanahay adigoo reer Hargeisa ah inaad fikirkaas qabto. Maxaa yeelay wax yeeladii loo geystey si weyn ayey u saameysay walaalaheen. Laakiin, wax walbana wey dhaceen waana is ley cafiyaa.

  35. momo says:

    asc aniga shaqsi ahaan waxaan ahay qof kasoo jeeda waqooyi waan kufaraxsanahay hormarka ay hargaysa gaadhay marka labaad waxaan nahay dad walaalaha sikastaba meel walba oo aan joogno waxaan leeyahay soomali waa soomali ee one somali one flag one people one religion one city maa mahadsantihiin

  36. abdiyare says:

    Waa wax lagu farxo in radio muqdisho magaloyinku u sinado wana soo dhawynaya horumarka hargesa waa horumarka somalia

  37. MAXAMED says:

    Maashaa’allaah Bulshada Soomaaliyeed ee dagan hargaysa iyo dhammaan soomaaliland way is dhiseen Allooow u siyaadi soomaalida kalena waa inay u qiraan kunadaydaan.
    Mahadsanidin

  38. abdirisaq says:

    warbaahinta qaranka somaliyeed waxaan leeyahay guuleysta, kunadadaala لاصلاح بين شعب الصومال reer hargeysana waxaan leyahay labanlaaba horumarka aad sameeyseen.kunadadaala taqwada alle iyo midnimada soomaaliyeed salaamulaah

  39. xasan cilmi says:

    waxaan ku faraxsanahay nabadda iyo horumarka ka muuqda hargeysa iyo dhammaan somaliland,qofkasta oo somali ah waa inuu ku farxo,somali horumarkeed waa guul,midnimada somaliya waa muqadas ,somaliland waa somaliya.

  40. warsame says:

    Mashaa allaah waa hormar aad u muuqda ilahay wadanka naga gobalkasta nabad iyo hormar wanaagsan ha nooga dhigo,

  41. Baahalow says:

    Saaxiibkeyga Cabdulqaadir Jubba Allah YacizakFanaan Dhalinyar oo Ahlu salaat ah Balwadna aan innaba laheyn, Fanaan aan soo wada Kornay oo si fiican u yaqaano Saaxiibtinimada, Heestan waxaa Curiyay Abwaan Soomaaliyeed oo Qurba joog ahaa Muddo Dheer, Markii uu dalka ku soo Laabtayna Curiyay Heestaan, Laxanka Iyo Miyuusigga waxaa Saaray Cabdulqaadir Jubba Maashaa Allah, Waa hees Qiimi weyn leh

    • Baahalow says:

      Raali Iga Noqda waxaan iloobay Abwaanka Magaciisa Waxaana Filayaa inuu ahaa Cali Jaamac Boqorre, aqoon Kalena uma lihi oo dhaafsiisan magaciisa iyo Heestan

  42. hooyo somali says:

    aniga waxan ahey reer muqdisho edenka magaladaa aragteen waxa kasiifican dadka dagan hargeysa walahi hada kahorbaan tagey oon bisnes kasameeyay sedey esoodhaweyayn waan iloobi waayay magaladana waaxa dhistaey shacabka waana shacab gacamaha is heesto aniga waligey iloobi maayo waxan xasuusta habeen kii markaan kaligey socanaayay anigoo qaf elasacon waxa cabse ahna qabiin hargeysa harwanaag hargeysa dadwanag hargeysa waxa walbo saa kuseewada shacabak reer hargeysa waa meesha aduunka ugu amaanka badan wadan salaamey

    • Naciima says:

      Hooyo soomali ah qof wanaagsan baad tahay. Oo xaqiiqada wax ka sheegi yaqaan. dadka reer SoMaliland waa dad Somali ah. Jecel dadka walaalahood ah ee Somalia. Somalinimadu waa mid ku wayn dadka reer SoMaliland. Laakiin waxaynu ku kala duwan Nahay keliya aragtida. waayo dadka reer SoMaliland ma diidana SoMalinimo waayo ilaahaybaa noo doortay Somali Oo magacayagu waa Somali balse waxaan diidanahay dawlad Inaga dhaxaysa. sababtuna waxaan filayaa in dad badan Oo idinka mid ahi u soo taagnaydeen in laynakala odhan jiray Italian SoMaliland iyo British SoMaliland dabadeedna aynu Isku darsanay laakiin nasiib darro ay shaqayn wayday inaynu ahaano dad wax wada qabsan kara. Dhibaatooyin badan Oo ka jiray xaga maamul kii Siyaad bare.

  43. masha alaah hargeysa aad ayaan uga lehaa waa magaalo aad uqaboow oo dalxiisa aad uga wanaag san hormar wey ayaan urajeynayaa
    masha alaah

  44. maxamed deeq cabdi dhr xsan says:

    maansha alaah waan ku faraxsanahay caasimadeena labaad oo dhisma fcn ka muqda i love hargeysa

  45. Adam says:

    Hargeysaay ha dheelliyin ha dhantaalmin waligaa…

  46. ahmed says:

    macha allah hooyadii fanka iyo fanaaniinta
    hargeisay ha dheelyin ha dhantaalmin waligaaa
    dalka horumarkiisaad adna ugu horeysaaa
    hargeisay ma nabad baaa
    buuraha hareeraha kaga sooo hadoodilan
    ilaahaw noo dhawr hargeisa cadey quruxley

  47. Ahmed noor says:

    Masha allah aad ayaan ugu faraxay markaan arkey muuqaalka mglda Hargeysa Walaleheen Somaliland waxan leeyahay midnimada hawaarto

  48. saciid says:

    maasha alah csamada labaad




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Wararka

S2170021

Wasaarada amniga Ximan iyo Xeeb oo sugaysa nabadgalyada xilliga doorashada”Sawirro”

  Wasaarada ammaanka maamul goboleedka Ximan iyo Xeeb ayaa ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhurnimo Ee Radio Muqdisho

War Duhur 24-May-2013
janaale

Mas’uuliyiin Ka Tirsan Maamulka Gobolka Shabeelada Hoose Oo Kormeeraya Degmooyin Ka Tirsan Gobolkaasi

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Shabeelada Hoose ayaa ...
Bole Road Addis Ababa

Wasiirrada Arrimaha Dibadda IGAD Oo Sharci Daro Ku Tilmaamay Maamulkii Kismaayo Looga Dhawaaqay “Dhageyso”

Wasiirrada Arrimaha Dibadda urur goboleedka IGAD oo shir ...
DSC00154

Gudoomiyaha Baarlamanka oo marti ku ahaa Barnamijka kulanka Jimcaha ayaa sharaxay waxqabadka Baarlamanka su’aalana ka jawaabay”Sawirro”

Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ...
astaanta-warka161-150x150

Dhageyso Warka Subax

WAR SUBAX 24.05.2013
Obama

Madaxweyne Obaama oo sheegay in la wiiqay awoodii ururka Al qaacidda

Madaxweynaha Mareykanka Barrack Obaama ayaa sheegey in awoodii ...
R.W Saacid

R/wasaare Saacid oo sheegay in isbedel uu ku yimid daqliga dowlada

Xukuumada Federaalka  ee Soomaaliya ayaa ka hadashay kororka ...
Cabdi-Qeybdiid

Madaxweynaha Galmudug oo soo dhaweeyay dib uga laabashada mowshinki laga keenay xukuumada

Maamul gobaledka Galmudug ayaa arrin lagu farxo ku ...
xukun1

Maxkamada ciidamada ee Puntland oo xukun dil ah ku radday gacan ku dhiiglayaal

Puntland oo xukun dil ah ku riday dad ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12511

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
rinkesc1

Rabshado ayaa ka socdo Magaalada Stockholm ka dib markii gaadiid iyo goobo ganacsi lagu gubay xaafadaha ay u badan yihiin Soomaalida SAWIRO

Rabshadahan ayaa dhowrkii cesho ee la soo dhaafay ...
LUULIYO

OGEYSIIS: Kulan loogu arinsanayo qaban-qaabada Xuska 1 Luulyo Ee Magaalada Munich ee dalka Germany.

Waxaa la Ogaysiinayaa dhamaan Dadweynaha Soomaaliyeed ee ku ...
DSC_0376

DAAWO SAWIRADA:- Wasiirka gaashaandhiga Xarumihii uu tagay iyo Madaxdii uu la kulmay intii uu Sudan joogay oo dhamaystiran.

Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane ...
astaanta-warka1

Dhageyso warka habeennimo ee radio Muqdisho

WAR HABEEN 23 05 2013
IMG_8547

Madaxweynaha oo qado sharaf u sameeyay mudaneyaasha Baarlamanka “sawirro”

Kulanka qadada ah ee uu madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ...
safar bye bye

Madaxweynaha iyo wafdi uu hoggaaminaya oo Addis Ababa u dhoofay

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Shiiq Maxamuud iyo wafdi ...
IMG_8322

DAAWO SAWIRRADA:- Munaasabadii lagu xusayay aas-aaska midowga Africa ee Muqdisho lagu qabtay

akhristeyaasheena sharafta leh waxaan halka idinkugu soo gudbineynaa ...
gafoow

Taliyaha hoggaanka iyo socdaalka oo sheegay in la diwaan galiyay dad badan oo ajaanib ah

Taliyaha Hogaanka Socodaalka iyo Jinsiyadaha  Dowladda Soomaaliya Cabdulahi ...
wasiroo_3

Xukuumada oo soo dhaweysay ka noqoshadii mooshinka baarlamaanka kana hadashay arrimaha Jubaland iyo wada-xaajoodka Somaliland “war-saxaafadeed+sawirro”

(Muqdisho, Majo 23, 2013). Shirkii golaha wasiirada Xukuumada ...
DSC01028

Munaasabad lagu xusayay maalinta Umulisada aduunka oo Muqdisho lagu qabtay “sawirro”

Munasabad lagu maamuusayay maalinta umulisay aduunka laguna soo ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka duhurnimo ee radio Muqdisho

WAR DUHUR 23.05.2013
qeybdiid Galmudug State President

Madaxweynaha Galmudug oo ka qeybgalay Munaasad loo qabtay arday ka qalinjebisay dugsiga sare Mudug

Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug ayaa ka qeybgalay munaasabad ...
TubtaToosan1

Khilaafka Al-Shabaab iyo waxa uu salka ku haayo-DHAGEYSO

Muddooyinkii dambe horjoogayaasha maleeshiyaadka Al-Shabaab waxaa soo kala ...
Sawirka 1

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo booqasho ku jooga Sucuudiga.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr.Maxamed Nuur ...
Madaxweyne-xasan-Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay munaasabad lagu xusayay 50 guuradii Midowga Afrika oo lagu qabtay Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyada Fedraalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ...
dibad_ba_3

Dibadbax lagu taageerayay waxqabadka dowlada iyo mowshinkii la baajiyay oo ka dhacay Muqdisho”Sawirro”

Dibad bax balaaran oo lagu taageerayay horumarada iyo ...
Hobyo_view

Duqa dagmada Hobyo oo sheegay in ay wadaan waan waan lagu doonayo in ay xiisad ka dhalan dil shalay ka dhacay ceel huur

Maamulka dagmada Hobyo ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee ...
muqdisho_1

Odayaasha dhaqanka Muqdisho oo soo dhaweeyay mushinkii ay la laabteen xildhibaano ka tirsan baarlamanka

Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka magaalada Muqdisho ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka subaxnimo ee radio Muqdisho

WARKA SUBAX 23.5.2013
Al-Shabaab Awood Daciifid 4

Maleeshiyaad ka tirsan shabaab oo qasaare loogu geystay xadka u dhaxeeya Somaliya iyo Ethiopia

Iska hor imaad geystay qasaaro iskugu jira dhimasho ...
south africa

Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalalka S/africa iyo S/zerland oo soo dhaweeyay go’aankii xildhibaanada ay uga noqdeen mushinka

Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee  ku nool dalalka South Africa ...
DSC03854

Dowladaha Sudan iyo Soomaaliya oo Hishiis Dhanka Ciidanka Xooga ah kala saxiixday :- Daawo Sawiro

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa hishiis Dhanka ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada125

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...

Tubta Toosan

TubtaToosan1

Khilaafka Al-Shabaab iyo waxa uu salka ku haayo-DHAGEYSO

Muddooyinkii dambe horjoogayaasha maleeshiyaadka Al-Shabaab waxaa soo kala ...
TubtaToosan1

Diinta Islaamku maxay ka qabtaa Dhagarta?-DHAGEYSO

Shareecada Islaamku aad ayay uga dardaar warisay dhagarta ...
TubtaToosan1

Macluushii ka dhacday dalka iyo kaalinta Al-Shabaab-DHAGEYSO

Dabayaaqadii 2010 ilaa  bartamihii 2011-kii Soomaaliya waxaa ka ...

*