Magaalada Garoowe ee caasimadda maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa hormar baaxad leh ka sameysay dhinacyada ganacsiga iyo dhismaha.
Hormarka dhinaca dhismaha ah ee ay sameysay magaallo madaxda Puntland ee Garoowe ayaa waxa uu sabab u noqday in bilicda magaalada laga dareemmo isbedel aad u ballaaran waayo qofkii sanaddo ka hor garanayey muuqaalka Garoowe wuu ka duwanyahay sida uu ahaa.
Dhismooyinka magaalada laga hirgeliyey oo ay kuwo aad u tirabadan ayaa waxey isugu jiraan dhowr qeybood kuwaasi oo kala ah:-
Dhismayaal ay magaalada ka hirgeliyeen dad u dhashay magaalada amaba kasoo jeeda kuwaasi oo badankood kasoo laabtay qurbaha waxaana magaalada ay u yimaadeen iney ku sameeyaan maalgashi waana qeybta ugu ballaaran ee suurta gelisay bilicda iyo hormarka dhanka dhismaha ee ay ku talaabsaneysay sanadihii ugu dambeeyey magaalada Garoowe waayo waxey dadkaasi qurba joogta ahi magaalada ka hirgeliyeen dhismayaal u badan kuwa ganacsiga sida Hoteello.
Qeybta labaad ee dhismooyinka magaalada Garoowe laga hirgeliyey sanadihii ugu dambeeyey waa dhismayaal ay hirgeliyeen amaba ka dhisteen magaalada Hay’adaha samafalka iyo kuwa kale ee caalamiga ah kuwaasi oo magaalada xarummo waaweyn ku leh maadaama ay Garoowe tahay caasimadda Puntland, xarumahaasi ay hay’adaha leeyihiinna ma ahan kuwo tiradooda lasoo koobi karo balse waxey door weyn ku leeyihiin dib u dhiska iyo bilicda hada ka muuqaneysa magaalada Garoowe.
Qeybta Seddexaad ee dhismooyinka waa dhismayaal ay ku shaqeeyaan hay’adaha kala duwan ee maamulka Puntland waxaana dhismayaashaasi hirgeliyey maamulka oo kaashanaya qaar ka mid ah hay’adaha caalamiga ah,iyana waxey qeyb ka yihiin dhismayaasha muujinaya bilicda iyo hormarka ay magaaladu ka gaartay dhanka dhismaha sanadihii ugu dambeeyey.
Kaliya magaalada Garoowe kama aysan hormarin dhanka dhismaha oo waxey sidoo kale ka hormartay dhinacyo badan waxaana ka mid ah dhinacyadaasi dhanka ganacsiga ayadoo hormarka dhanka ganacsiga ah ee ay magaaladu ku talaabsatay uu yahay mid bar bar socda hormarka dhanka dhismaha iyo dhinacyada kala duwan kuwaasi oo sanadihii lasoo dhaafay ay magaaladu hormar ka sameyneysay.
Magaalada waxaa ku yaala suuqyo kala duwan waloow suuqyadaasi ay kala weyn yihiin hadana dadku baahida ay suuq u qabeen wey ka haqab tiraan waxaana xusid mudan in suuqyadaasi ay leeyihiin carwooyin caalami ah kuwaasi oo si aad ah u camiran.
Sidoo kale magaalada waxey hormar baaxad leh ka sameysay dhanka Waxbarashada oo magaalada waxaa ku yaala dugsiyo waxbarasho oo aad u farabadan kuwaasi oo dhalaanka wax lagu baro kuwaasi oo isugu jira dugsiyo Hoose,Dhexe iyo Sarre,machadyo iyo sidoo kale Jaamacaddo Shan ka badan.
Ka sokoow magaalada Garoowe iney tahay Caasimadda Puntland waa xarunta gobolka Nugaal waxaana magaalada ay muhiim u tahay isku xirka gobollada Waqooyi Bari,Waqooyi Galbeed iyo Koonfurta Dalkeenna, xaafaddo ahaanna magaalada Garoowe waxey ka koobantahay Sideed Xaafadood.
Kumasoo koobi karno hal qormo oo qura isbedelka hormarineed ee dhinacyada ganacsiga iyo dhismaha ah ee ka muuqda magaalada Garoowe waxaase isbedelkan hormarineed ee ka muuqanaya Garoowe uu qeyb ka yahay hormarro guud oo ka muuqanaya magaalooyinka Dalkeenna.
FG:-Sawirradan waxey qeyb ka yihiin Muuqaallo uu Radio Muqdisho ugu talagalay in shacbiga Soomaaliyeed aynu horey ugusoo bandhignay kuwaasi oo ka turjumayey bilicda iyo isbedellada hormarineed ee ka jira deegaannada,degmooyinka iyo gobollada Dalkeenna hadii uu Alle idmana naga fillo Sawirro kale oo ka hadlaya Dhulkeenna Hooyo.
Photo By:-Cabdi Xasan Rooble (Awoowe)
maasha allah
Tani waxa ay calaamad u datahay nabadu in ay tahay hooyada hormarka. waxay ishu qabanaysaa dhismooyin aad u qurxoon waana wax lagu farxo, su aal yarna aan ku darsadee fadlan mar noosoo gali airportka xamar sida hada quruxdiisu tahay mahadsanidiin wariyayaal tabinta macluumaadka bulshada farax galinaya.
Bismilaah.Magaaladda Garoowe waxay ka mid tahay Magaaloyinka ku dhismay burburku intuu Somaliya koonfurteeda ka socday taasna Ilahay ayaa ku mahadsan iyo shacabka reer Puntland oo iyagu gartey in dagaal guri ku duma mooyee uusan guri ku dhismin. Maamulka Puntlandstate of Somalia waxaa la aasasay 1998 waxaana la aasaasay markii Shirarbadan oolagu soo celin lahaa nidaamki dowladnimo uu burburay.Puntland waxay u taagan tahay Midnimada iyo wadajirka umadda Somaliyeed waligeedna ka go,i mayso Somaliya waxayna ku taalaa meesha Somaliya ugu muhiimsan waana Hornka sare ee Afrika waa dhul weyn oo leh kheyraad badan.
aad bay uquruxbadantahay caasimada DOWLADA PUNTLAND runtii waxaan kubogaadinayaa see amaanka usugteen nidaamka dowligaaana kaqaybqaateen hambalyo reer puntland
Waxaan u mahadcelinayaa bahda warfaafinta qaranka siiba dhinaca wepsitetka qaranka waxaadna muujisaan mar kasta in aad matashaan min Saylac ilaa Raaskambooni xaggaas kaga haya umadda somaliyeed oo dhan ayaad masuul uga tihiin warbaahinta.
aad ayaan ugu faraxsanaha nabada iyo bilicda gobolka nugaal gaar ahaan magaalada Garowe. magaalooyinka aan caalamka tusayno ayey kamid taha oo kuffaano. waa inaan tusnaaa caalamka garowe muqdisho bosaso hargeisa kismaayo si ay u arkaan bilicda somalia insha allah. guul somalia i love somalia forever.
marka hore halkaan waxaan ka salamayaa dhamaan shaqalaha tv qaranka iyo radio aniga garowe waxa iigu dambeysay 1998 marka masha allahaa ilahay waxaan ka bareyaay in wadankeen hooyo nabad ha ka dhigo aamin aamin aamin dhamaan shacab soomaaliyeed meel kasta oo joogna waxaan sanadkan ka rajeynayaa nabad iyo barwaaqo madaxdad soomaalia madaxwenya mudan hasan mohamud iyo mudan saacid ayagan ilahay xilka ha ku guuleysiyo farta sano socodta inayaa ka dhaco wadanka doorsho xor ah insha allahaa sidaas rajeynayaa iyo nabad
maashaalaah
ilahow u siyaada waa dada xalaala ah ilaahay barwaaqo ha ka dhigo waxaa iska leh dadweynaha nabadda jecel iyo wanaaga waxan leeyahay somalida haku deydaan qurba joogta reer puntland amaantaas iyaga leh iyo shacabka reer puntland oo dhan.
maashaa alaah caasimada maamul goboleedka puntland 1991 garoowe magaalo yar baay ahaayd oo wax dhqaale iyo kaabayaal dhqaale ahi kama jirin maanatna waad aragtaa maashaa alaah
mansh allah ilaah ha usiyadiya Garoowe mansh allah washidantahay bilicda waa mel mudan ineykudaysadan somaliada inteda kale mansh allah halkina kasiwada shacabka Garoowe
waaaaaaaw waa goob qurux badan horay haloo socdo yaan gadaal loo soo noqonin viva Somalia
maashalaah,mahad waxaa leh ilaaha,waxaa kaloo mahad leh shaqaalaha warbaahinta qaranka,garoowe waa caasimada puntland,aad ayay u kortay,heerkaasna waxaa sabab u ah nabada,ilaahaw u siyaadi.
Masha allaah waa hormar lataaban karo runtii waxaana rajeenayaa in ay siwacan iskaga habeeyaan laamiyada viva puntland.;-):-(
Wow allahayoow Somalia hormari cadowgeedana kaqawo
mashaa allah dalkayg aad baan ugu farx sanahay isbadalka way oo bilicda leh mashaa allah allo noo siyaadi dhamaan dalkeen waaa qurux badanyahay laakiin dadkiisa alle ha hanuuniyo shebekada radio muqdisho way kumahad santahay sida habsamida leh oo ay markasta noogu soo gudbiso codso radio muqdisho si aan u dawano sawirada fadlan nagadaaya heesaha aad dulsaaraysaan asc
waaaaaaaaaaw waxaasa qurux iyoi horumara garoowe magaalo ig adheh xamar cadeey luuq baa la gashay lkn waxaan idiin sheegaya intaan waa yartahat waxay ka sii wanaagsanayd awoowe inuu soo bandhigo wadooyinka aad moodo kuwii London ee ay magaalada Garoowe ee caasimada dowlada soomaaliyeed ee Puntland kaga soocantahay dhamaan magaalooyinka soomaaliya waxaana taas u suurtagaliyay inta ay magaalooyin badan oo soomaaliya burburayeen garoowe waxaa ka socday horumar dhinac walba leh sidaa caafimaadka waxbarashada dhismaha nabadgalyada maamulwanaaga iyo qaaar kale oo badan
maasha allaah waa caasimada dowlada Puntland ee somaliya waana meel aad uqurux badan oo bilicdeedu ay siikordhayso , waxayna katarjumaysaa nabada iyo qiimaheeda .
Barqo wcn oo wngsn idil. ahaatinba dadka kudhaqan gudaha somalia iyo calamkaba<3 wax walbo oo horumar ah eey umadda somaliyed qaarto aad baan ugu faraxsanahay ilaaheyna waxan uga rajeyneyna inow usii kordhyo insha allah« <3»
Radiomuqdisho way ku mahadsanyihiin Sawirada aadka u qurux badan, waxaanse jeclahay inay soo Sawiraan Gaalkacyo oo mar hore iigu danbaysay, labdeeda dhinac, thanks guys.
maanshallaha Dalkaygoow Illahay Cadowga ka qabay amiin puntland and Guud ahaan Somalia Ilove you all
maanshallaha Somalia guuul aan dhamman baan dusha kaaga xiryaa Cadawgana Rag jabiyaan Guulle Uga Tuuga Shacabkana Damiir Danqadaan Alle Uga Tuugine Dalkaygoow Allow ku dhawur Qurxdadu waa Nafteene allow ku daa somalia
Mashallah waa horumar waanaagsan
Masha allah Somalia hormar bey cagta saarte eebow usiyaadi
ASCW WALLALO YAAL WIILASHA IYO GABDHAHA RAADIYO MUQDISHO WAXAN GAAR AHAAN IDIIN RAJAYNAA BARWAAQO IYO BASHA BASHA IYO WADANKOO ILAAH MIDQUR AH KAYHMEEYSIIN HADAN NAHAY QURBA JOOGTA OO WADANKA OO DHAN BAAD NOOSOO GUDBISAAN IDINKOO MEEL QUR AH WAX KA FIIRIN OO AHAHEN KUWA QABIIL NIMO KUQARAABTO SIDAAS BAANA HORUMAR IYO ISKU KASOONI LAGU GAARI ILAAHNA HA/IDINKA ABAAL MARIYO AAMIIN DHALINTA RAADIYO MUQDISHO MARKALE WAAD MAHAD SANTIHIIN JIROOJOOGA AAMIIN DHULKIINANA ILAAH MID QUR AH HA/IDIINKAGA DHIGO AAMIIN NOOSOO SAWERA MEELKASTOO WADANKA AH GALBEED ILAA KOONFUR ILAA WAQOOYI ILAAH MIYI IYO MAGAALO MAANSHA ALAAHU ASCW
oo waxaan dhahay hadiiba garoowe oo aan ogaa saa noqotay maxaa ka malayhee laascaano iyo boosaaso iyo ka qurxoon
masha allah keep going sidaas iyo sikafiican bi idnillahi
masha alaah aad baan ugu faraxsanahay in aan arka dhulka somalia oo idil Garowe waligeey maan arkin hadana sawirada waxan ka garankarnaa in nabada iyo horumarku isla socdaan dhaman dhulkeena allaha noo nabadeeyo insh aalaah mahadsanidiin bahda warbaahinta qaranka
wallahi waan ku farxay waxaana rajeynayaa in la ilaaliyo nabadgalyada dagaaladu waxay baaba,shaan wixii horumar ahaa la sameeyey hadii wixii la dhisaba la burburiyo dadku waa nacahayaan maalgashiga wadanka waayo majiro qof raba maalinwalba hantidiisa la burburiyo aad ayaana u mahadsantihiin
allow dhowr umadii nabad kalyadaan iyo nyaad wanagsan cidii ka dambesay iney sidaan u dhisanto magaldaan masha alaaaaaaaaaaah
waxan leyahay somaliya hanolaato somaliyana somaalibaaleh walaalayaal hadaad tihiin reer muqdisho waxaa mudantihiin inaa ku tayaan walaalaheena reer hargesa
Maanshallah so beautiful, allow noo siaadi viva Somalia.
mashaa alaah garoowe waa ay horu martay waana ku faraxsanahay ilaahay dhulkeena somaliyeed nabad iyo dawladnimo ha usoo celiyo nabada ayaa horu marka dhasha
Masha Allah halkaas kasiiwada reer puntland viiva midnimadda soomaalia
waxaan salaan qaaliya hawada u marinayaa dhaman shaqalaha radiomuqdisho tvga qaranka iyo dhamaan umada somaliyeed waxaan ku farax sanahay saad noola soo socod siiisaan horumarka dalka aad ayaan ugu mahad santiin somaliyoo dhan guul iyo gobanimo iyo nabad waarta ilahay cadawgeena hayna qabto
reer puntland halkaa.ka sii wada houmarka iyo nabad galyada waa wax lagu farxo somaliyoo dham sumcad ayey u tahay guuul
Shaqaalaha radio mogadisho shaqo qaran bay muujiyeen, waa wax aad loogu farxo. Waxaad dadka tusteen in aad idaacaddii qaranka joogtaan.. halkaa ka sii wadaa guulaysta, somali waa isu imaan haddii aad sidaas u shaqeysaan.
waxaan si qaar ah usalamayaa dhamaan shaqaalaha Radio muqdisho run ahaantiina waxaan leeyahay shaqo qaran baa qabateen waxayna noo tahay farxad in ay horamar ka muuqdo magaala kama mida magaalooyinka soomaalia waxaana leeyahay allaw qaranimadii soo celi allaw dalku noo dhismaa .somalia somalibaa leh .waxaan rajaynayaa inaad waxaas iyo wax ka fiican ba qaban doontan hawl kama daale wili waa hogadii dadaalka wada waad wadaane wada kolay farxadayda iyo in iftiin noo bidhaamay halkaan kuma soo koobi karo .waa mahadsan tihin mar 2 baad iyo mar 3aad
a/calaykum
Maasha Allaah,
Radio Mogdisho aad u mahadsan tihiin, halkaa kasii amba qaada.
Hambalyo Garowe. Hambalyo Awoowe
maashaa allaah allaha usii kordhiyo..
Masha allah garowe welgy ma anan arag hadana waxn arky wa sawiradeda masha allah way uqalantaa casimad thanks bahda radio muqdisho sidan wcn aad ino bareysan bilicdaa dalkena hooyo
NABAD BAA NAAS la nuugo leh. 20kii sano ee la soo dhaafay oo ay Koonurta Somaliya marna qasayeen warlords marna tuugada Shabaab waxaa gobalada kale ee dalka ka socday horumar ku kooban guryo la dhisto iyo nabad la helo
waa guul Soomaaliyeed dalka waa in la isu furo markaas bay weliba Somalia ka sii fiicnaaneysa sida ay hada tahay.
Waa wax lagu farxo in dalka horay u socdo. Waad aragtaan in nabadu tahay qayb ka mid ah horumarka nolosha.
Ilaah baa mahad leh.
wallaahi i cant beleive what i’ve seen so far, aniga garoowe ayaan intaan kusoo le’ekaaday waligayna isma lahayn garoowe ayaad saan ku arkaysaa laakiin wayba dhacday oo waa kuwaas sawirradii hortayda yaalla marka kahadal malahan ee ilaahoow noo xaji nabadda aan horumarkaan kusoo gaarnay. aamiin
maanshaa allah waa astaanta dowlad iyo isku buuudni shacab allow u siyaadi o dhowr dhamaan umanada somaaliyeed dalka soomaalia khayraadka soomaliyeed cadowgana ka qabo adiga ayaa awood lee
I love puntland and whole somalia for ever
masha’allah magaalada garoowe waa magalo qiimo sida magaaloyinka kale ee somaliya wana ku faraxsanahay inay somalia dhismato aana ka baxno burburkii aan ku jirnay run ahaantina way ku mahadsanyihiin bahda radio muqdisho sida ay uga qayb qaadanayaan horumarinta somalia xaga mediaha
thnx dhalin yaro
maasha Allah garoowe iyo dhamaan gobolada reer puntland Allow usiyaadi hormarka Amiin.
Yaa salaam viva somalia iyo reer garoowe aad ayan ugu farxay magalada sida aad u dhisteen sharaftaasne mahan mid garoowe kaliya ay ku faanayso ee wadakan somalia oo dhan ayaa ku diirsanaya makala go nee aan isku dhagno
masha allah somaliya hurmar ayey gaartay aad ayaan ugu farxay dal aan dalkaada aheen dalkuuma naqdo illahow dalkeena noo hagaaji aaamiin
peace city of somalia garowe 1 ,2 badbaadintii umada somaiyed ee reer puntland qabteen mailaaawin allaahu akbar radio muqdisho thanks inkastoo aydinaan garwe meelihii ugu quruxbadnaa soo sawirin
Mansha alah mansha alah tas waxay cadayn u nabada soomalidu waxay ku mahmahda nabad c nasla nuugo leh
Aad iyo aad ayey u mahadsan yihiin Radio Muqdisho iyo shaqaalahiihiisa oo nala wadaagay sawiraddaan quruxda badan ee Magalaada Garoowe… waxay natusaysaa inaad tihiin wadanniyiin Somaliyeed… waxan kaloo rajeynayaa inaan arko kuwa ku xiga insha Allah.. Allah ayaa mahaddaa iska leh
Aad baad bahda radyo Muqdisho ugu mahadsantihiin masawirada fiican ee aad noo soo gubiseen
Hadii Soomaaliya laga saaro Shabaab way fiicnaaneysaa. Garoowe ilaa Xamar iyo ilaa Berbera ha la isku xiro.VIVA SOMALIA!
dhabti aad ayan ugu faraxsanahay somali weyn guul mel walwalba ad jogtga iyo gobol walba hormar wacan waxaa moda in ann hurdada kasoo tosnay oo mar dhow dunida latartami rabno
TEEDA KALE WAXA OGATAN ADUUNKU NALAMA RABIN IN AN HORMAR GARNO WAYOO 1980 KII DALKA SIDU AHAA WAA LA’OGAA IYO HORMARKA WAXAANA LOOYAQANAY CASIMADA DALKA EE MUQDISHO ‘THE WHITE PEARL OF THE INDIAN OCEAN ‘ DHABTI HADANA WHITE PEARLS BADAN AYA SOO SOCDO OO DHAMAN GOBOLADAA INSHA’AALH
somalina waxan ugu hambalyeyna inay yihiin dunida dadka ugu firfircoon oo durbaba aduunka way dhafayan hadii ay helan kala danbeyn insha’allah alle wuu nasiine
RADIO MUQDISHO AAD AYAN INII JECLAHAY DHABTI WAYO DADAKA SOMALIYEED OO ADUNKA DAFIHIISA KUUKALA MAQAN AAD BAY UGU FARXAN DALKODA OO SIDAN UNIYAD GELINAYA WAXAYNA BILABAYAN SIDII AY U MALGASHAN LAHAYEEN
BARHADA RADIO MUQDISHO WAD MAHADSANTIHIIN
maansha alaah waa wax lagu farxa maansha allaah
Waa guul ay gaartay Puntland. Waa guul sidoo kale Soomaaliweyn ay gaartay.
Waa wax lagu farxo in ay SOomaaliya gaarto horurmar la arki karo. Nabad ayaa keenta horumar
waw mansha.allah ilahay noo xafid somalia mansha.allah wlh aad baan ugu xiisay puntland caasumada aad ayey unuuraysaa ilahay ha usii siyaadiyo mansha,allah ilove garowe aad ayaad ugu mahadsan tihin radio muqdisho
quraxda growe waxay qiraysaa nabada, kala damaynta, horumarka,ismaqalka, dawladanimda iyo somalinida, waxayna kasii fiicnaanaysaa markii somalia oo dhami nabad noqotoh. well done growe and puntland.
Hal-kaan waxaa lagu soo bandhigay magaalo ka tirsan magaalooyinka somalia magaceeduna waa Garoowe marka loo noqd 8 dii Gobol ee somalia waaxaa eey noqoneeysaa Degmo ama tuulo ka tirsan Gobolka Bari hadda marka loo fiiriyo 18 kii Gobol waa Gobol Caasimadiis (Nugaal) intaas ka dib sawiradda aan fiirsanay waa maasha alaaah lakiin waxaa sheegaayaa wixii ka dhiman ee yaan loo qaadan inaan ceeb ka sheegaayo Garoowe Nabad waa heeysataa Maamulna waa ka jiraaa Dadkiisa oo aniga ka mid ahayna waa maal gashadeen waxaase ka dhiman oo caqabi ka jidhaa dhanka Socdaalka Duulimaad Diyaaradeed Malahan oo Hadii aad u baahato dulimaad waa inaad ka soo degtaa Galkacyo & Garoonka diyaaradaha ee C/llahi yusuf international airport
Somaliya Ha noolaato
garwe ha noolatao horeyna ha usocto, waa meel an an dulmi badan kajirin ban filayaa meeshas , soomliya oo an ogahjaye iney meel walba ay dayacanatahy hadiiba mar garowe saas tahay , wey idhiiri galisey,,
waxan urajeynaya barwaaqo iyo bash absh badan wxan kulatalinaya dadka kale ee somliyeed gaar ahaan reer muqdisho iney magalads caasimaada ah wax laga qabto oo soomliweyn kusoo laabato ..
by
maanshaa alaah waxaan umahad celinayaa dhamaan wariyaasha tv ga qanka walaalayaal hakadaalini howsha xasuustaleh ee umada soomaaliyeeed ugu xasuusinaysaan wadan kookooda manshaa alaah bilicda qurxoon oo kamuuqatan magaalada garoowe waxaan leeyahay sii wada dhismaha wadankiinaa soomaaliyoo dhanna waxaan leeyahay wadankiinii waa xoroobay ee dib ugu soo noqda
masha allah garowe aad ayeey uqorxoontahay allaha usiyaadiyo, marka loo eego magaloyinka kale ee somalia waa wax aad ukala fog allaha usiyaadiyo quruxda iyo qiimaheeda magaloyinka kale ee somaliyana sidaa iyo kasii fiican ayaan urajeeynayaa