Friday, July 11th, 2014

DAAWO SAWIRRADA:-Magaalada Gaalkacyo Oo Laga Dareemayo Hormar Dhinacyada Dhismaha Iyo Ganacsiga Ah

Published on January 19, 2013 by   ·   27 Comments  ·   16,770 views

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxaa laga dareemayaa mudooyinkii ugu dambeeyey hormar dhinacyada dhismaha iyo ganacsiga ah ayadoo hormarkaasi ka jira magaaladana uu keenay in durbaba isbedel dhanka bilicda ah laga dareemo magaalada Gaalkacyo.

Isbedelkan hormarineed ee ka jira magaalada Gaalkacyo ayaa yimid kadib mudooyinkii ugu dambeeyey ay magaalada si aad ah usoo dhismeysay waxaana dhismahaasi iyo goobo ganacsi oo waaweyn oo laga hirgeliyey magaalada Gaalkacyo ay wax weyn ka bedeleen muuqaalkii Gaalkacyo.

Hormarkan dhanka dhismaha iyo ganacsiga ee ka jira magaalada Gaalkacyo ayaa ku yimid kadib markii ay si aad ah Gaalkacyo ugusoo laabteen sanadihii ugu dambeeyey qurba joogta magaalada u dhalatay kuwaasi oo iyagu soo laabashadooda kadib ka qeyb qaatay dib u dhiska Dalkooda,qeytaas ayaana ah qeybta ugu weyn ee dhismaha magaalada Gaalkacyo ka hirgelisay.

Inkastoo magaalada Gaalkacyo ay laba maamul siyaasad ahaan ka kala taliyaan hadana is dhexgalka bulshadu waxa uu aad uga duwanyahay sida uu ahaa sanadihii hore waayo dadku hada waxey isku dhexgalayaan ama isku dhexmaraan si isku mid ah taasina waxey kuu muujineysaa in wacyiga dadka oo si aad ah uu wax iskaga bedelay ay sabab u tahay in magaalada Gaalkacyo ay si aad ah u dhisanto.

Dhismooyinka magaalada laga hirgeliyey waxey u badan yihiin Hoteello kuwaasi oo iyagu labadii sano ee aynu kasoo gudubnay magaalada si aad ah looga dhisay waxaana maagalada Hoteellada ku yaala ay ku dhowyihiin 100 Hotel.

Kuma koobna oo qura hormarka ay magaalada Gaalkacyo sameyneysay sanadihii ugu dambeeyey dhanka dhismaha oo waxaa sidoo kale ay magaaladu si aad ah hormar uga sameysay dhanka ganacsiga waayo Gaalkacyo hada waxaa ku yaala suuqyo farabadan kuwaasi oo maalin walba ay dadku u dukaameysi tagaan.

Marka aad suuqyadaasi tagto waxaad ku arkeysaa goobo ganacsi oo ay ka mid yihiin carwooyinka kuwaasi oo loo sameeyey si la mid ah sida carwooyinka ku yaala dalalka dunida hormaray waxaana carwooyinkaasi looga adeegtaa si lamid ah sida carwooyinka dalalka caalamka,waxaana dadku ay ka helayaan wax walba oo baahidooda la xiriirta.

Dhanka waxbarashada magaalada Gaalkacyo si aad ah ayey uga hormartay sanadihii aynu kasoo gudubnay waayo magaalada waxaa hada ka jira goobo waxbarasho kuwaasi oo isugu jira dugsiyo hoose,dhexe,sare,macaahidyo gaar loo leeyahay iyo Jaamacaddo kuwaasi oo ay maalin walba dadyow farabadan u waxbarasho doontaan.

Magaalada Gaalkacyo taariikh ahaan waxey leedahay taariikh dheer waloow ay dadka sida aadka ah taariikhdeeda u yaqaana ku sifeeyaan iney aheyd magaallo intabadan ay ku yaaleen xerooyinkii Ciidammada xiligii Dowladdii Dhexe.

Kumasoo koobi karno qormo qura isbedelka xiligan ka jira magaalada Gaalkacyo ee dhanka hormarka la xiriira waxaase hormarkan uu qeyb ka yahay hormar ay si guud u sameynayaan marba marka ka dambeysa magaalooyinka Dalkeenna.

FG:-Sawirradan waxey qeyb ka yihiin Muuqaallo uu Radio Muqdisho ugu talagalay in shacbiga Soomaaliyeed aynu horey ugusoo bandhignay kuwaasi oo ka turjumayey bilicda iyo isbedellada hormarineed ee ka jira deegaannada,degmooyinka iyo gobollada Dalkeenna hadii uu Alle idmana naga fillo Sawirro kale oo ka hadlaya Dhulkeenna Hooyo.

 


Readers Comments (27)

  1. somalisson says:

    maansha allaah reer Galmudug ilaahay ha idiin siyaadiyo horumar fiican baad gaadheene nin walba inuu magaalada uu ka soo jeedo uu dhiso lama huraan waaye si aynu wadankeena u dhisano waa in nin walbaa gurigiisa ka bilaabaa Reer GALMUDUG na waxan lee yahay hambalyo koley idin kama xumin horumarkaad gaadheen laakin hambalyo

  2. Samatar Gacaliye says:

    Maasha’allaah waa sawiro qurux badan.

    Laakiinse Gaalkacyo oo dhan ma ahan, meeshaan waa Xaafada Israac.

    Gaalkacyo waxeey ukala baxdaa sadex qeybood oo kala ah:
    1) Garsoor
    2) Israac
    3) Baraxleey(Galmudug)

    Marka danbe waxaan jeclaan lahaa in lagu soo daro sawirada Gaalkacyo oo dhan!

    Hada sawiradaan xaafada Israac hoteelada iyo dukaamada!

  3. husein says:

    asc maaaaaashaaaaa alaaaaaaah soomaaliya hanoolaaaaaaaato

  4. yaredaacad says:

    Mashaa allah wey qurux badan tahay magaalada waxay umaleyey in aya tahay mesha hada aan joogo ee south africa waxa iqanciyey ganacsiga ay mesha kawadaan oo heersare ah dadaalka dadaal haku daraan waayo nin walbo wadankiisa wax udhaamo malahan waad mahadsan tihiin bahada idaacada radio mogadisho oo mar walbo inoo so tabiya waxa dalkeena ka dhacaya oo si bedel ah

  5. Ahmednuur says:

    Goobaha Waxbarashada Sawiradooda xataa soo galiya walaalayaal runtii waa dhiiri galin sawiradaan, waana mahadsantihiin.

  6. Ahmednuur says:

    Mideeda kale Gaalkacyo laba dhinac kuligood oo dhan soo sawira Measha allah.

  7. WiilPuntland says:

    Bismilaah. mahad oo dhan waxay u sugnaatay Allah waxaa kale oo mahad leh shaqaalaha warbaahinta qaranka oo had iyo jeer ka si daacad ah ugu adeega shacabka soomaliyeed axagga ka sii wada isku keenka umadda iyo soo bandhigidda bilicda dalkeena hooyo.Gaalkacyo waa magaalo balaadhatay oo horumartay intii dalku burburka ku jiray taasna waxay ku tusinaysaa haddii nabad la helo in bulshaddu horumar gaarayso. Gaalkacyo waxay leedahay labo maamul oo kala ah Puntland iyo Galmudug taas waxaan qabaa in ay khalad tahay waayo berlin oo Germalka ah ayaa sidaas aheyd markii darbiggii kala qaybinayay la dumiyay magaaldu waa horumartay marka waxaan jeclaan lahaa ama ila fiican in la mideeyo siyaasadda magaalada oo marna ay magaalada hogaankeeda loo dhiibo qof galmududg ah marna qof reer Puntland ah sidaasbaa ila quman nabadgalyada oo heerkaas gaarsiisay gaalkacyo waa in laga wada shaqeeya oo cadowka diidan nolosha si midaysan loola diriraa.

  8. gaboow says:

    WAAD MAHAD SANTAHAY MR CABDIQANI CARABEY SIDA WANAGSAN AAD UGA SHAQEEYSAY HORMARKA GALAKCYO WAXA TAHAY HALYEY JECEL HORMARKA GALAKCYO

  9. XUSNI says:

    GAALKACYO JANAAY. MAASHAA ALLAAH

    • ali yusuf says:

      ar shiikhow galkcyo jano maahee alaha nooga dhigo waa meel kulul xaga cimilada hadana biyo kharaar hadan roobku ku yaryahay marka tan aakhiro alaha noogaga deeqo tan aduunka

  10. dalyaqaan says:

    Maashaa allaah waxaan. Ku jeclahay. Warbaahinta qaranka somaliyeed. Sida sharafta leh ee ay noogu soo. Tabiyaan noona tusaan muuqaalka magaalooyinka waaweyn ee dalkeena mahadsanidiin waxaan idin leeyahay sii xoojiya dadaalkiina thank u

  11. abdiraxmaan karahaye says:

    asc.Masha allah aad baan ugu faraxsanahay magaaladeedii gaalkacyo aan ku dhashay waxna ku soo bartay inaa daawado maanta.ilaah ayaa mahadleh magaalada waxa ka muuqda bilic iyo harumar aad bay u qurxoontahay inkastoo xili hore iigu danbaysay 1999.hadana magaaladu aadbay u kortay oo u dhisantay hadey noqqon laheed adeega bulshada iyobilicda maagalada labadaba.waxaan wax ka baran jiray horaantii sagaashamaadkii schoolkii Omar samatar oo ku yaalay kadhadaha agtooda waa meesha la soo maro marka magalada laga sii baxayo.Magacaygu waa abdiraxman xasan oo ku magac dheer Mr.karahaye kolay rag badan oo isku xili aheen wey garandoonaan naynaastayda la iiga yaqaanay boarding schoolkii Sare ee omar Samatar.waxaan halkan uga hanbalyeeynaya shqaalaha radia muqdisho iyo dhamaan inta magacayga garanaysa.Hanbalyan leeyahay.!

  12. Bosaso gril says:

    masha alaah galkacayo magalada gaalkacayo sanadihii ugu danbeeyay horumar ma sameyn marka loo barbardhigo Bosaso iyo garoowe balse waxaa ka muuqda qurux iyo wanaag shacabka Somaliyeed iyo kuwa reer puntland waxaan leeyahay dhista dhulkiina wadankuna waa fadaraal ninkasta ha dhisto tuuladiisa ama magaaladisa caasumaduna way udhaxeysaa umada oo dhan iyadana hala soo celiyo sharaftey lahayd .

    ´sawirada soo badiyo galkacayo meela badan oo quruxbadan ayaan sawir laga soo qaadin sida hotelobadan oo ay caan ku tahay galkacayo viva galkacayao bosaso garoowe burco kismaayo baardheere kismaayo jawhar muqdisho ceergaabo laasacano iyo hargeisaba dhamaan umada somaliyeed

  13. wadani114 says:

    maashaa allaah allaha usii kordhiyo

  14. cabadi Naasir says:

    Maashaa Alaah. waa wax lagu farxo muuqaalada qurxoon ee laga soo qaaday Magaalada Gaalkacyo. Runtii Galkaio waxaa iigu dambeysay 5 sano ka hor. waxaan filayaa inay dadkii magaaalada ku noolaa ay wax weyn iska badaleen oo ay dantooda fahmeen una dhaqaaqeen dhanka horumarka.
    waxaan filayaa tani inay ugu wacantahay isbadelka dhanka ammaanka ah oo soo roonaanayey muddooyinkii ugu dambeysey taasoo way gacan weyn ka geysteen Maamulka Gobalka iyo Xukuumadda Dhexe ee Puntland.

  15. LADAN says:

    MASHLAAHAH ILAAH HA BULAALIYO WADANKEENA

  16. jaMAH says:

    Maashaa Alaah. waa wax lagu farxo muuqaalada qurxoon ee laga soo qaaday Magaalada Gaalkacyo. Runtii Galkaio waxaa iigu dambeysay 5 sano ka hor. waxaan

  17. Galmudug waad dhisteen Galkayo allaha idin siyaadiyo hormarka wanaagsan

  18. Mr.JAN-KHATUMO says:

    maasha-allaah ALLAW dalka noo hagaaji…. walaahi runtii wa wax lagu farxo…. AAD AYAAN UDAALACDAA WARBAAHINTA QARANKA NOOCYADEEDA KALA DUWAN MAXAA YEELAY WAXAY KA TARJUMAYAAN XAALADA DHABTA AH EE DALKA SOOMAALIYA….. MAASHA-ALLAH ….HAMBALYO.

  19. Daadir says:

    masha allah viva Galkacyo lakin meelihii aadka uqurxoona lamasoo sawirin aad ayaan ugu farxay sawirada Galkacyo masha allah

  20. abdi wahaab says:

    waa okey

  21. maxbuub yare says:

    asc wa wb akhyaarey maln wngsn really waa wax lagu farxo sawirada quruxda badan ee magalada galkaio sxbkayga qaaliga eh samatar wan ka xumahay runtii wax yaabaha qabyaaladdu ku jihto mudane iyo walba kalaqeybinta magladena yartaa mgcaneh iska sax mudane baraxlay ma ahane waa carafaat amba wadajir etc by all akhyaarata waa maxbuub inanka reer galmudug state somaliaaaaaaaaaaaaaaaaaaaa

  22. mr galkacyo says:

    masha allah..galkacyo cadeey , aad ayaan ugu faraxsanahay arageeda…meeshii aan ku dhashay kuna bar-baaray , dadka leh galmudug abtiyaal galkacyo galmudug kali ma ahan , ee puntland qayb ayay ka maamushaa…..galkacyo waa magaalada kaliya ee dad is jecel oo walaalo ay ku daganyihiin heshiis ay gaareen 19 sano kahro..via reer mudug

    abtiyaal nin dan gaar ah wato ayaa nagala dilaye waan isleenahay

  23. xalimo says:

    reer gaalkacyo hamlyo soomaali oo dhan waa u farxad markii indhaha wax ay ku farxaan la tuso gacmaha ha leys qabsado been wax ma tarto lama huraan waa wadankeena hooyo gobol gobol ka maarmo ma jiro aan runta isku sheegno waxan nahay dad wada dhashay ee aan isku meel uga soo jeesano kuwa diidan qaranimadeena thanks radio muqdisho

  24. cabdi nuur xasan says:

    waxaan ku faraxsanahay anan ku arko sawiradaan magalada galkacyo wabsiteka radio mugadisho idaacada karanka

  25. waaaaaaaaaaaaaaaaaaq haaaaaaaaaaaaaaaaaaa

  26. Waaaaw masha allaah harmarka wadankena aad aya u jeclahay dadka iyo dalka dhamantin waan idin salamay




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Toos U Dhageyso Radio Muqdisho

Wararka

dhuusamareeb

Maamulka Degmada Dhuusamareeb oo amar adag ka soo saaray gaadiidka Muraayadaha madow

Mas’uuliyiinta degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa amarro ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiyomuqdisho.so/wp-content/uploads/2014/07/WARKA-DUHUR-11.07.2014.mp3"][/audio]
vlcsnap-2014-07-11-15h31m04s209

Qoysas barakacayaal ah oo la sameeyay adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ah

In ka badan 200 oo qoys barakacayaal ah ...
Taraafiko

Taliska Ciidanka Waddooyinka oo baaq u jeediyay ganacsatada gaadiidka iibisa

Taliska ciidamada nabad gelyada wadooyinka ee Taraafikada  ayaa  ...
IGAD_logo1-300x3001

Urur Goboleedka IGAD oo hay’adaha ammaanka dalka ku amaanay ka hortagga falalka argagixiso

Urur goboleedka IGAD ayaa bayaan ay soo saareen ...
DSC08520

Sh. Cismaan Xiddig Oo Dalbaday In Laga Caawiyo Dhameystirka Masjidka Macaarif (Sawirro+Video)

Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud oo ka ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12-150x150

Dhageyso Barnaamijka Kulanka Todobaadka Oo Looga Hadlay Go’aan Ka Gaarista Cidda Qaadankarta Basaporka Soomaaliga

Barnaamijka kulanka todobaadka oo ka baxa Radio Muqdisho ...
dani

Wasiirka Qorsheynta “Waxan Rajeynaya Inan Bil Gudaheed Ku Soo Bandhigidoono Tirakoob Hordhac Ah”

Wasaaradda Qordheeynta iyo iskaashiga caalamiga ah ayaa sheegtay ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Subax Ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiyomuqdisho.so/wp-content/uploads/2014/07/WARKA-SUBAX-11.7.2014.mp3"][/audio]
Tartan Cilmiyeedka

Tartamayaasha Degmada Galdogob oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka “Dhageyso”

Tartamayaasha degmooyinka Galdogob VS Guriceel oo ka kala ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12511

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiyomuqdisho.so/wp-content/uploads/2014/07/WARKA-HABEEN-10.07.2014.mp3"][/audio]
unnamed

Golaha Wasiiradda oo isku raacay in Wasaaradda Arrimaha Dibadu go’aan ka gaarto cida qaadanaysa Basaboorka diblomaasiga

Muqdisho, July, 10, 2014....Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ...
gobolka

Maamulka G/Banadir iyo Shirkadaha ka shaqeeya Nafaada oo shir yeeshay

Muqdisho July 10, 2014-Waxa maanta shir ku yeeshay ...
marwo sahro

Marwada madaxweynaha oo deeq lacageed gaarsiisay arday lixaadkiisa ku waayay qaraxii sayidka

Marwada madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya Sahro Cumar Xassan ayaa ...
jowhar

Saraakiisha Ciidanka Boliiska G/Sh/Dhexe Oo Sheegay inuu Isbedelay Amaanka Gobolka

Taliyaha qeybta booliiska ee gobolka Sh/Dhexe Qaliif C/lle ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Subax Ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiyomuqdisho.so/wp-content/uploads/2014/07/WAR-SUBAX-10-7-2014.mp3"][/audio]
IMG_1668-450x300

Allaha U Naxariistee Marxuum Axmed Sh. Jaamac Oo Lagu Aasay Garowe (Sawirro)

Magaalada Garoowe ayaa waxaa ku geeriyooday wasiirkii hore ...
Tartan Cilmiyeedka

Tartamayaasha Degmada Ceeldheer oo si dirqi ah looga badiyay

Tartamayaasha degmooyinka Ceeldheer VS Waaberi oo ka kala ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada125

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiyomuqdisho.so/wp-content/uploads/2014/07/WARKA-HABEEN-09.07.2014.mp3"][/audio]
astaanta.qaranka-300x228

Xukuumadda Soomaaliya oo 24 saac isbaddello waa weyn ku sameysay

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka jawaabeysa rabbitaanka shacabka ...
war-deg-deg-ah1-150x15011421

War Deg Deg ah C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo loo magcaabay agaasimaha hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa si rasmi ...
TubtaToosan Logo

Ramadaanku waa Fursad Cibaado iyo Towbad Keen-DHAGEYSO

Waxaan ku jirnaa bisha barakeysan ee Ramadaan oo ...
astaanta_qaranka11 ok

Akhriso:- Fursado Shaqo oo ay soo bandhigtay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka

JAGADA 1aad: ISKU-DUWAHA QARANKA EE DHANKA HESHIISKA XUQUUQDA ...
IMG_1430

Telefishin cusub oo uu yeelanayo Maamulka Puntland oo la hirgeliyay “SAWIRRO”

Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiyomuqdisho.so/wp-content/uploads/2014/07/WARKA-DUHUR-09.07.2014.mp3"][/audio]
astaanta_qaranka11 ok

Gudiyada Golaha Wasiirada ee u xilsaaran Amniga iyo Siyaasadda oo kulan deg deg ah yeeshay

Gudiyada golaha Wasiirada ee u xilsaaran amniga iyo ...
Wasiirka Warfaafinta

Wasiirka Amniga oo la magacaabay, Taliyeyaasha Booliska iyo Nabad-Sugidda oo Xilalkii Laga Qaaday

Muqdisho, 09 July 2014, Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustafa ...
Tartan Cilmiyeedka

Tartamayaasha Degmada Garoowe oo xalay laga reebay tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan “Dhageyso”

Tartan CilmiyeedkaTartamayaasha degmooyinka Garoowe VS Heliwaa oo ka ...
dhuxulow

DAAWO VIDEO:- Wasiirka Warfaafinta oo Aqrinaya Isbadal Balaaran oo lagu sameeyay Hay’adaha Amaanka

R/wasaare Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa magacaabay ...
IMG_7301

Bisha Cas ee Imaaradka Carabta oo raashin Afur ah u qeybisay Qoysas danyar ah “SAWIRRO”

Bisha Cas ee Imaaradka Carabta ayaa shalay gelinkii ...
astanta warka

Dhageyso Warka Subax Ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiyomuqdisho.so/wp-content/uploads/2014/07/WAR-SUBAX-9-7-2014.mp3"][/audio]
IMG_0045

Deg Deg:- R/wasaaraha Oo Magacaabay Wasiirka Amniga Qaranka Isbedelna Ku Sameeyay Laamaha Amniga (Dhageyso Shir Jaraa’id)

R/wasaare Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa magacaabay ...

Tubta Toosan

TubtaToosan Logo

Ramadaanku waa Fursad Cibaado iyo Towbad Keen-DHAGEYSO

Waxaan ku jirnaa bisha barakeysan ee Ramadaan oo ...
July

Islaamka iyo Waddaniyadda

Iyadoo loo dabbaaldegayo maalintii xorriyadda iyo Qarannimada Soomaaliya, ...
qarax-miino

AKhlaaqda Dagaalka iyo Diinta Islaamka

Diinteenna Islaamku waxay diiradda saartay nabadda, Erayga Islaam ...