Monday, November 24th, 2014

DAAWO SAWIRRADA:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Oo Si Heer Sarre Ah Loogu Soo Dhaweeyey Jabuuti

Published on November 26, 2012 by   ·   33 Comments  ·   19,494 views

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maantay gaaray caasimadda dalka Jabuuti, safarka Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehliya, Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya C/Xakiin Maxamuud Xaaji  Fiqi, Xildhibaan  Faarax Sheekh  Cabdulqaadir ahna Lataliyaha Madaxweynaha iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Soomaaliya Kamaal Daahir Xasan.

Madaxweynaha dalka  Jabuuti Ismaaciil Cumar  Geele,  Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti, Wasiiro iyo masuuliyiin kale oo Dowladda Jabuuti ka tirsan ayaa garoonka ku soo dhoweyey Madaxweyne Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh, Madaxweynuhu waxa uu salaan sharaf ka qaatay Ciidamadda Band Music (Baambeey) Jabuuti.

Wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa loo soo gelbiyey Xarunta Madaxtooyadda dalka Jabuuti, wuxuuna halkaas kulan kula qaatay dhigiisa  Jabuuti Mudane  Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulanka kadib, shir jaraa’id oo ay wada qabteen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Jabuuti. Waxa ay shirkooda jaraa’id ku sheegeen inay ka wada hadleen xaaladda labadda dalka, Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu warxibin  ka siiyey dhigiisa Jabuuti Ciidamadda Jabuuti ee qaybta ka ah kuwa Amisom ee jooga Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in booqshadu tahay tii ugu horeysay oo rasmi ah ee  uu ku tago meel ka baxsan Soomaaliya, wuxuuna Madaxweynahu safarkiisa ugu sii tallaabi doonaa dalka Itoobiya.

Shador Haji

Press Officer
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia

Readers Comments (33)

  1. Cabdixafiit says:

    Good to leave home and still reach home!

    • midnimo says:

      waxaan aad ugu farax sanahay safaarka uu madaxweynaheena uu ku maraayo dawladddaha dariiska nala sida jabuti iyo ethiopia iyo kenya sabaabto waa walaalaheena hadana daano badan ayaa naga dhaxeeya, marka hadi aay kugu yahiin cadoow wa inaad ka samaysaata saxiib qar ka mid ah ayaaga, ma ahaan inaan noqoona sida eritiria oo kale godoon inaan gaalno, marka maxaan ka coodsanaya madaxweynaha hadi kenya nugu tahay cadoow waa inay ethiopia nalaatahay saxiib dhoow

  2. waa wax aad iyo aad lagu farxo markii aad aragto sida sharafta leh oo loo soo dhaweenayo madaxweynaha dalka

  3. Muqtaar says:

    Maasha.Allaah illoow idin dhowr

  4. Dowlad Wacan says:

    guul iyo guul madaxweyne

  5. Soomaali ha nooolaato Djibooti waa dalkeyna lanaad waleee, Ismaciil Cumar Geeli Noonoow waligaa

  6. Soomaali ha nooolaato Djibooti waa dalkeyna labaad waleee, Ismaciil Cumar Geeli Noonoow waligaa

  7. abdiwali says:

    asc waa abdiwali oo ku nool nederland ma sha allah nooma sina dadka iyo dowladaha dunidan ku yaal walal iyo wehel jabuuti marka labaad turkay illah ha idin amaan sado mar aan sidaan ka fiicanahay ayaan idiin abaal kudeynaa iyo wali yugandho xataa ma helmaami doono iyo suudaan waad mahad san tihiin

  8. ali says:

    somalida waxaan dhihi lahaa wadankeena aan jeclaano. mida kale nationalism iyo qabyaalada aan iska dayno oo aan ilaahay ka cabsano. qofka markuu muslim yahay micnaha waxaa waaye wixii ilaahay kaa reebay ka reebanoow. asalaamu alaikum.

  9. najmo says:

    waan kufarax sanahay saaid waxaan leyahay ha jiraan oo hajoogaan jabuuti aamiin

  10. yaredaacad says:

    Masha allah way ku mahadsan yihiin walaalaheena jabuuti sida ay uso dhaweeyen madax wey naheena qaranka Ee soomaaliyeed waanu taagereynaa cidii najecel oo rabto in aan wax qabsano oo aan noqono dowlad wax qabsan karta ii loo soo martin karo amaankeeda sugan karta

  11. khalid says:

    masha allhn laba madaxweyne oo somali ah masha allh masha allh ilahey somalida mideey aloow adaa ween dad wada dhashay ayanahay somalida dhan kuli hal aya nahay shanta somali alaha isku keno wariyada somalida

  12. maashaa alaaah waa guul waa guul somalia u soo hoyatay

  13. ABDI AMAN says:

    WAXAAN AAD IYO AAD UGU FARAXSANAHAY WALALAHEEN JABUUTI IYO MADAXWEYNAHA OO SI FIICAN UGU SOOO DHAWEEYEY MADAXWEYNAHA WAANA KU FARAXSANAHAY WALAAHI

  14. harbi says:

    well come you home

  15. cabdi jabuuti says:

    asc wr wb dhamaantiin walaalaha soomaaliweeyn.saaxiib ma aan nahiin walaal saafii aan nahay.

    sooddimo xadduudeed samaan hore ay jeexeen ku soormay soomaal nama kala sar seeraan sokeeyiyo walaal aan kala soocmin baan nahay.

    siddaa waxaa cadeeeyn karaa 91 dii sanadkii dhibaataddu soomaali gaartay inta laga sokeeyaan saatirkeen baryeeyneey sumcaddiiyo sharaftii soo noqotka soomaal.

    sareeyaa amaan lahee saaka waa la joogaa sibiq yaana laguu dumiin siraadkii xoriyaddiyo dowladnimo salkeegii sacabkaan ku haaynaa.

    waxaan aad iyo aad ugu farxaasanahay sharafta soo noqotay madaxweyne geele waa soomaali dhab ah.biladda ugu sareeysa dalka ee 27 juun ku sharfay madaxweyne,walaalkeen xassan shiikh waa madaxweynahii 2 aad ee loo xidho biladdaas waxaa ka hor loogu sharfay geessigii soo celiyey dowladnimadda soomaaliyeed madaxweyne shiikh shiikh axmed ,allah cimrigiisa iyo caafimaadkiisa u siyaadiyo.

    cabdi cumar,france.guul soomaalibaa leeeh

  16. JABUUTI WAA WALAALAHEENA WAXAAYNA NOO MUUQATAA WELI IN AY JIRTO WALAALTINIMADEENA.SOO JIREEN KA AHAYD

    SOMALIYA HA NOOLAATO JOOGO JIR

  17. fodcade says:

    Asc dhaman shaqaalaha rdiomuqdisho salan kadib waa arin wanaagsan jibuuti waa walalehena sodha wenta madaxda wey kumahadsan yihin wabilahi towfiiq

  18. qoobloaad says:

    masha allah, waa guul u soo hoyatay umada somalia ,madama uu madaxweynihii ka bilaabay socdaalkisa wadadii ugu saxneed ,talo waan kugu siinaynaa in aad ka dhoorsanato kuwii kaa horeeyay meeshii ay mari jireen ,mahadsanidiin idaacadeena sharafta leh sida saxda ah oo aad noogu soo gudbiseen,

  19. Ahmed says:

    Maasha Allah I love the message of the song. Keep the good work Radio Muqdisho. Pleas if you could reply on aaden86@hotmail.com the name of the song and who sang it I would very much appreciate it. Thank you. Somalia hanoolaato Amiin

  20. shariif {midnimo} says:

    mantay waxa kulmaya madaxweynasha somali aniga ahan waxan aminsanahy in ey yehin labadaba madaxda dalka marka mudane xasan sh.wuxu qibrad kaqadanaya madaxweynahena ismacil cumar gele waa madaxda dalka u wada tashaneyso guul somali&jaboti

  21. faisal says:

    soomalida mantay guuul ayay gartay wadadii cadeydna cagtay way saartay alloow hadafkeda gaarsii , teeda kale dowladan doowladihii hore waxay uga duwantahay dalka ugu horeyay ay usafarto booqasho ahan ayada oo labooqana dalal badan waxa nasiib uyeshay dowlada an walalaha iyo isku dhiiganahay ee Djabouti dowladasoo an u heyno abaal weyn

  22. yusuf omar says:

    Cumrigiina cibaada kuleysta ayaanu idin leeyahay

  23. ibrahim says:

    radiomogadisho ayaa la hadla aniga waxa idinka codsana heestaan in aad msnka igu so dirtaan hesaha wadagi aad so galisaan aad ayee u macyihiin msa mesha kuso sameya in laga downlon karesanaayo plz heestaan msnka igu so dira asxaabta radiomogadisho thanks dhamantiin
    msha heesta naagta qadeso magaceda iso dira thanks you

  24. masha allah aad ayyay uquruxbadantahay meshaas

  25. willsomali says:

    labo nin somali ah labo dal madaxweyne u kala ah

  26. nawaaf says:

    waaaaaaaaaaw waxaan salamaa marka hore madaxwene xasan sheeq maxamuud marka xigta madaxwene ismacil cumar gelle iyo shacabka reer jabuuti waxaan ugu mahadnaqaa sida ee u garabtaganyihiin walaalahood somaliwen waxaan leyahy anagana waan ognahy inaa tihiin aduunka maanta dadka naxiga waxaa nahay isku diig balse mar aan rajeynaa somaliya iyo jabuti inee naqdaan meesha dunida ugu fican oo dadka oo dhan u sootartama inee mar un imadaan asha alaah waligiin jira oo joga somaliya and jabuti

  27. somali says:

    Jabuuti maxaan ugu abaal gudi doonaa somaliyeey? aad baan uga maqsuud ahay kaalinta jabuuti ee 22 sano ee bur burka k ciyartay arimada somaliya.guul baanan u rajeeyey shaciga iyo dowlad awalaalaha nala ah ee jabuuti.

  28. fiican says:

    waa wax lagu farxo, Heesta aaba anigu la dhaca..

  29. Ahmed says:

    Waxaan ku faraxsanahay in madaxweynuhu uu raacay diyaarada qofwalba oo mawaadin ah uu raaco. Madaxweynuhu waa in lacagta ku baxeysaa ay yaraato si waxkale sida ciidamada loogu baxsho

  30. maxamed sufi says:

    asc masha allah waa farxad

  31. NIMCO says:

    MAAN SHAA ALAAH ILAAHOOW NOO DAA LABADEENA DAL IYO LABADA MADAXWEYNABA. ALAHA NOO NAGEEYO NABADA SOOMAALIYA KA DHALAY ILAAHOOW CADAWGEENA JABI , OO NAGA QABO INTII XUMAAN WADANKEENA KU WADA. VIVA WALAALAHEENA JABUUTI.

  32. samatar says:

    WAA SHARAF IYO MAAMUUSE AYAY NOO TAHAY HADI AAN NAHAY REER DJIBOUTI MAXA YEELAY WAX SOMALIYA AY QADARISAY IN AAN NAHAY WALAAL AAN KALA MAARMIN SIDA DARTEED WAXA AAN MARWALBA LAGA GARABTAAGANAHAY WALALAHA SOMALIYA HIIL IYO HOO BA WAXAAN LEENAHAY SOMAALIYA HAA NOLAATO ALLAH NA WAXAAN UGA BARYAYNAA IN U USOO CELIYO SHARFTII AWOODI IYO QADARINTII AY DUNIDA HORAY UGU LAHAYDE AMIIN.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Toos U Dhageyso Radio Muqdisho

Wararka

Wasiirka-Gaashaandhiga

Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay safiirka Sudan ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga ee xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh ...
iiraan

Dowladda Iiraan Oo Sheegtay In Soomaaliya ay Taageereyso

Afhayeenka barlamaanka dowladda Iran Ali Larajani ayaa sheegay ...
degmada-xamar-weyne

Howlo Nadaafad Ah Oo Si Habsami Leh Ugu Soconaya Degmada Xamarweyne

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo Degmada ...
2

Shaqaale Ka Tirsan Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Oo Tababar Loo Soo Xiray “Sawirro”

Muqdisho, 24, Nov, 2014…Waaxda Shaqada, Shaqaalaha iyo tababarrada ...
21Shariif Xasan

Madaxweynaha maamulka K/galbeed oo balan qaaday inuu soo dhisayo maamul tayo leh

Madaxweynaha maamulka K/galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ...
xeer ilaaliye

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo ka hadlay safar uu ku tegay Baraawe

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo safar shoqo ...
astaanta-warka

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/11/WAR-SUBAX-TABISO-FANKA-24-11-2014.mp3"][/audio]
baarlamaanka2_large

Baarlamaanka Somalia oo Maanta lagu wado in uu kulan yeesho

Sida uu Maalmo ka hor Warbaahinta u Sheegay ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12511

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
howlgal

Howgallo amni xaqiijin ah oo laga sameeyay Muqdisho

Ciimada ammaanka dowlada Soomaaliya ayaa maanta howlgallo lagu ...
Marmada Madaxweynaha Marwo Sahro

Marwada Madaxweynaha Dalka Marwo Sahro oo kulan qado ah u sameysay haween Soomaaliyeed

Marweynaha Madaxweynaha Dalka Marwo Sahro Cumar Xasan ayaa ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Habeennimo ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/11/WARKA-HABEEN-23.11.2014.mp3"][/audio]
Waasiirka Warfaafinta

Wasiirka Warfaafinta oo ku baaqay in bulshada laga wacyigeliyo fikirka xagjirnimada ah

Wasiirka Warfaafinta ee xukuumadda Soomaaliya mudane Mustaf Sheekh ...
DSCN5621

Bulaacadaha ku xirmay wasaqda oo dib u furis lagu sameynayo “SAWIRRO”

Maamulka Degmada Xamarweyne oo kaashanaya Waaxda Bulaacadaha ee ...
Galmudug

Horumarinta adeegyada bulshada ee Gobolka Mudug oo laga hadlay

Kulankani oo u jeedkiisu ahaa sidii la isaga ...
madxafka Qaranka

Dowladda Qatar oo gacan ka geysanaysa dib u dhiska Madxafka Qaranka. (DAAWO MUUQAAL)

Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta Sare ee xukuumdda Soomaaliya ...
DSCF6184

Wasiirka Warfaafinta oo ka qaybgalay aaska majaajiliiste Ilka case “SAWIRRO”

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo hanuuninta dadweeynha ee xukuumadda ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/11/WARKA-DUHUR-23.11.2014-.mp3"][/audio]
IMG_7114

Cabdiweli Gaas oo daah furay kuliyado waxbarashada sare “SAWIRRO”

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed ...
khadiijo

Wasiirka Haweenka oo shir uga qayb galaysa dalka Turkiga. (DAAWO MUUQAAL)

Wasiirka Haweenka iyo Xuququl insaanka Xukuumadda Soomaaliya Marwo ...
DSC00600

Deegaanka Baxdo ee Ximan iyo Xeeb oo maamul cusub loo sameeyay “Sawirro”

Munaasabadda lagu caleemo saarayay Guddoomiyaha deeganka Baxdo oo ...
Beyle

Wasiirka Arrimaha dibadda oo u amba baxay dalka Yeman

Wasiirka Arrimaha dibadda iyo dhiiri gelinta maal-gashiga xukuumadda ...
Gudoomiyaha Baarlamanka soo laabasho 6

Gudoomiyaha Baarlamaanka Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Maanta Dalka Dib Ugu Soo Laabtay. (DAAWO MUUQAAL)

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Wafdi uu hogaaminayo ...
shabaab

Maleeshiyaadka Shabaab oo xalay gubay tuulooyin ka tirsan degmada Buulo-barde

Maleeshiyaad ka tirsan Shabaab ayaa xalay gubay laba ...
Maxamed-Yuusuf-Cismaan

Wasaaradda amniga oo dar dargelineysa howlgallada lagu xaqiijinayo amniga. (DAAWO MUUQAAL)

Wasaarada Amniga Qaranka ee xukuumadda feeraalka Soomaaliya ayaa ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/11/WAR-SUBAX-TABIYE-XAAJI-23-11-2014.mp3"][/audio]
Cabdiweli sheekh axmed

R/wasaare C/weli oo cambaareeyay xasuuqii ka dhacay degmada Mandheera

R/wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Dr. C/weli Sheekh Axmed ...
hasan-sheekh1

Madaxweynaha J. F. S. oo si kulul u cambaareeyay xasuuqii ay kooxda Shabaab ka geysatay degmada Mandheera

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12-150x150

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/11/WARKA-HABEEN-22.11.2014.mp3"][/audio]
DSC_2846

Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo La Kulmay Gudoomiyeyaal Baarlamaan,Kana Qeybgalay Munaasabad Lagu Furayey Dhismaha Cusub Ee Baarlamaanka Jabuuti “SAWIRRO”

Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo La Kulmay Gudoomiyeyaal Baarlamaan,Kana Qeybgalay ...
210

Kooxda Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda xasuuq ka dhacay duleedka Mandheera

Maleeshiyaadka Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda xasuuq lagu laayay ...
10679_807721645952600_1793617226884276116_n

Muugaab “Nadaafadda iyo naleynta caasimadda waa mudnaanta Kooobaad”+Sawirro

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhawaan  dar dar galin ...
DSC_0149

Maalinta Macalinka Soomaaliya oo Kuwait laga xusay ”SAWIRO”

Xuska maalinta Macalinka Soomaaliyeed iyo 40 guuradeeda munaasabad ...

Tubta Toosan

Sharia

Alshabaab iyo si xun u adeegsiga Shareecada

Maleeshiyada Alshabaab waxay sheegtaan in ay u dagaallamayaan ...
Knowledge

SHEEKH MUUSE CAGAWEYNE: Aqoon la’aani waa Iftiin la’aan-DHAGEYSO

Aqoon la’aani waa iftiin la’aan ayay tiraahdaa Soomaalida. ...
Walaalnimo

Xaqa uu muslimku ku leeyahay Muslimka kale       

  Dadka muslimiinta ahi waa walaalo, waxaana ka dhexeeyo ...