Wednesday, July 30th, 2014

DAAWO SAWIRRADA:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Oo Habeenkii Labaad Kormeer La Xiriira Ammaanka Ku Sameeyey Saldhigyo Iyo Isgoysyo Ku Yaalla Muqdisho

Published on March 22, 2012 by   ·   85 Comments  ·   25,923 views

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay waxa uu habeenkii labaad kormeer la xiriira sida ay Ciidammada Qalabka Sida u sugayaan ammaanka Caasimadda waxa uu ku sameeyey degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir.

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si rasmi ah kormeerka u bilaabay abaare 02:20AM waqtiga Muqdisho waxaana uu Madaxweynuhu kormeerkiisa ka bilaabay degmada Wardhiigleey halkaasi oo uu indha indheeyey qaabka ay Ciidammadu ammaanka u sagayaan ayadoo kadibna uu usii gudbay degmada deriska la’ah ee Boondheere.

Isgoysyada uu xalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed socodka ku maray islamarkaana uu saraakiisha ka wareystay qaabka ay waqtigan Ciidammadu waajibaadkooda shaqo u gudanayaan iyo caqabadaha soo wajahay ayaa waxa ay kala yihiin isgoysyada:-Boondheere,Siinaay,Afarta Jardiino,Sanca,Fagax,Towfiiq,Cali Kamiin,Baar Ubax, Black Sea,Tarabuunka,KPP,Bakaaraha,Howlwadaag,Aadan Cadde,Falorensa iyo saldhiga degmada yaaqshiid oo uu Madaxweynuhu saraakiisha iyo gudoomiyaha degmada oo waqtigaasi saldhiga ku sugnaa wax ka weydiiyey howlahooda shaqo.

Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo saxaafadda ay su’aallo ku weydiisay qeybo ka mid ah isgoysyada uu kormeerayey ayaa waxaa uu tilmaamay in u jeedada ka dambeysa kormeerkii waqtiga habeenkii uu ku sameynayo Caasimadda ay tahay sidii uu u ogaanlahaa qaabka ay ciidammadu u shaqeeyaan iyo baahidooda waxaana uu xusay in labadii habeen ee lasoo dhaafay uu ku qancay sida ay waajibaadkooda u gudanayaan islamarkaana u sugayaan ammaanka shacabka.

Ugu dambeyntii waxa uu Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ku guubaabiyey Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya inay sii wadaan sida hagar la’aanta ah ee ay shacabkooda ugu shaqeynayaan islamarkaana uu rajeynayo shacabkuna iney ka qeybqaataan sidii nabadan soo bidhaantay loo xoojin lahaa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo xalay ay u heyd habeenkii labaad ee sidan oo kale uu gudaha magaalada ka sameeyo kormeer uu ugu kuurgalayo qaabka ay Ciidammadu habeenkii u sugaan ammaanka Caasimadda ayaa waxaa uu soo gabagabeeyey abaare 05:20AM ayadoo kormeerkuna uu kusoo gabagaboobay jawi wanaagsan ayadoo arintanna ay qeyb ka tahay dadaalada uu Madaxweyne Sheekh Shariif ugu jiro in amniga guud ee dalka gacan bir ah lagu qabto.

Photo By:-Abdifitah Dahir Jeite

Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-

Yurub                                            +442035190460

USA & CANADA                         +17124327760

Readers Comments (85)

  1. guuuuuuuuul madax wenaha aad ayuu uga fikiray ahmiyad gaar ahna wuu siiyay amaanka caasimada walee madaxwene kafiican mana soo mari dooono waa ku doraneynaaaa hambalyo mudane madax weene

  2. Mahad says:

    Jaale Madaxwayne waxaad kasbatay xusmadayada aniga iyo dad badan oo wax garad ah. Waadna ku mahadsantahiin inaad xaqiijisaan adiga, CXDS iyo waliba AMISOM amaanka umadaan colaadaan wajiyada badan leh soo dilootay. Waxaad na xasuusisay heestii caanka ahaynd ee “Nin lagu seexdow ha seexan, xilbaad sidaa ha seexan”. Waxaa hubaal ah hadii aan helo 200 oo sidaadoo kale wadaniyadu ku fogtahay in Soomaali oo gacmaha is haysata la arki lahaa. Taariikhda ayaa ku xusi doonta. waad mahadsan tahiin bahda Raadiyo Muqdisho

  3. fiidoow says:

    Mr President Sheekh Sharfi masha alaah and you doing good job

  4. Asc asxabta radio muqdisho aad ayaad ugu mahadsantihin sida aad ugu gudbineysan muqalka dalka kajira, tankale waxan orankara madaxweyne sharif waa haliyey daacadnimo ugu adeegaya ummada somaliyed ilaah ha dhowre, madax weyne sharifow nadaadihi waan ku duceyne nadaadihi, runti muqdisho markan waa inan kusolaabanaa safarkeyga ugu horeya markan waa muqdisho insha allah ilaahow nabada ino adkeey

  5. ugu horeen waxan mahad gaar ah siinayaa c/fitax dahir jayte sxb adiga waliga shacabka garabtagnaow wan ognahay waxa ad noqabatay ok hadii an nahay shacbka somaliyed wlh madax wayne sh. Shariif sh. Axmed waa ninka kaliya u tagan nabadenta shacbka somaliyed calamkana lama shegin madax wayne haben madow casimada gees ka gees kor merayo maxey u dhigantahay sida uu ugu bahan yahay nabada in la helo uu nafsadisa halis u giliyay sideen nabad ku heli karnaa sideen ugu hortagi garnaa nimankan aan shacbka wax dan ah u haynin waa qawarijtee marka dagma walba waxn ka cod saneynaa in ay demdas ciidamo ku daadis maqribadii wixi ka danbeyo ilaa afgooye iyo balcad laga garaayo radiomuqdishoo waligiin jira aniga wayga markuu baryo inta an shaqada adin wabsetka ugu horeyo aan firiyo waa radiomuqdisho i love u radiomuqdisho for ever

  6. muxubo says:

    Maansha ALLAAH aad baan ugu farxay wayna amaanan yihiin Madaxwaynaha iyo inta lasocotaba hadii aan nahay dadka north america jooga inta badan waxaan daawanaa Radio Moqdisho Waxanu niraahnaa maxa soo kordhay Wariyaasha Radio Moqdisho Waad amaanan tihiin

  7. Wadaniga Somaliyed says:

    maasaha’allah waa madaxweyne ku dayasho mudan.een waxaan sugnaaba waa ciidamada qaranka oo habeenadii roondoyin ku samya dhamaan wadooyinka iyo xaafadaha muqdisho

  8. horta waxa shaki ku jirin muqdisho gees ka gees in ay hurta hay lkn waxa loo bahan yahay wax yabahan yar sidee loga hortagaa horta qarax calamka ayuu ka dhacaa lkn anaga waxan hayadaha amniga ka codsaneynaa in ay wixii maqribkii ka danbeyo ay magalada ciidan ku dadiyaan sida kuwa boliska, nabad sugida, ps, militiriga, wlh hobiya iska daye in uusan dheceynin dagal lkn waxa ka horeyso in wadadeeda laraco, ilaa laga qabanaayo afgooye iyo balcad wlh labadas xuduud hadii ay mar dowlada qaban laheyd somalida dhan maqneed waa ay soo wada laban lahaayen wlh radiomuqdisho codsigena ha lagarsiiyo hayadaha amniga waan idiin baryenaa qurbaha wan ku dalnay xafadahena ayaan u bahanahay iyo wadankenaba iyo xeebahena macan wlh sntv markan fiirsado waan ilmeyaa maxa yelay mar mar xafadaha muqdisho ayey noo so duubtaa maxa yelay tv sidas ah ,ajiro inkastoo universal soo dhaweyso kuwa kalo yaba dawado waa feg, ok c/fitax dahir jayte mahad gaar ah sxb dhankeyga iyo dhamn radiomuqdisho iyo sntv waan idiin jecelnajay wiil iyo gabarba inta ka howl gasha iyo inta taagerta

  9. Mohamed daaweeye says:

    Masha alah wa wadani ka fikiray danaha umada mudane sharif waxa tahay halyey hada mey wax so tuuraan balaayo qabayasha dhagarta aanan kaa daalin weli

  10. Ciisexuseen says:

    Waa wax lagu farxo 21sano kadib Ayaa waxaa soo laabtay dawladnimo Madaxweynahaynu Waa geesi wadani ah habiin iyo maalin u taagan dadkiisa,dadkiisa waana kan maanta shacabka kasaaray dhibaatadii dawlad la,aneed, din Ayaan u dooraheynaa guul guul guul.

  11. ilaahey ha xafido madaxweyne shariif waa arin aad noo dhiira gelinaya dhamaanten inta nabada iyo dowladnimada rabto.

    ilaahey qodax iyo miina ay dhigaan kulama kulmiyo cawadgaagana cagta ka hoose,somalida nidaam iyo dowlad ayaa deeqda hadii halbeel la siiyo dhamaan golayaasha waa sii qaylinayaan sidaasi daraadeed aan taageerno dowladan si aan aduun sharaf ugu yeelano.

  12. ALLAHAYOO NABAD says:

    ASC MALOO DHASHAA WADANI MISA WAA LEYSKA DHIGI KARAA WADANI WAA LOO DHASHAAHEE SIDEE LEYSAGA DHIGI KARAA WADANI YA SALAAAM WAA HABEENKI LABAAAD CAAWA FARXADEEYDA MA SOO KOOBI KARO WAXAANA LEEYAHAY MUDANE MADAXWEYNE ILAHAY HAKU XAFIDO EE HOOWSHA HALKAAS KA SII WAD WAANA IN LAGA FEEJIGNAADA NIMANKI WALI DOQOSHAYA AY KU JIRAAN ESPECIALLY MR PRISENDENT BE CAREFULL INSHA ALLAH WAAD GUULEESTAN DOONTII ADIGA IYO INTA HOOWSHA DAACAD KUULAWADA AAMIIIIIIIIIIIIIIIIN FROM CANADA TORONTO

  13. Masha allah mada wenahena soomaliya iyo ciidamada qalaba sida iyo sacabkena soomaliyed waxaa i diin rajeynaa gul wacan insha allah

  14. shukri hassan says:

    Masha,alah mudane madax weyne noolow madax weyne dacad eh wa kan dadkisa xata ayago hurdo isku dayayo sida amankooda loo sugi lahaa waxan aragnaa ififalo nabadeeda yaa rabi inoo kordhi adiga awood leh howsha halkeda halaga wado ciidanka waa in mushrka loo kordhiya lana dhiro galiya sababto ah wa ciidan malin iyo haben tagan marka wa in moral laga dhisaa insha,alah muqdisho inee nabad tahay caad inagama sarno ninkii ka naxo nafta waa asc

  15. heyle says:

    waa saansaan nabadeed

  16. Subane says:

    Magalada amanka ka jira ayey marqati ka tahay socdalka madaxwaynaha 2 haben o kormerka sameyey qarax dil dagal midna kama dhicin hadi lasi wadana manici donan

  17. ruqiyo says:

    maasha allah wadanigo waa kaa waa kan habeen iyo maalin soo jeedo madaxweyne habeen bar socdo waligay ma arkin noolow mudane sh shariif sh axmed sh maxamuud ciidanka qaranka soomaaliyeed nabad ku waara insha allah

  18. Mashaa allah mudane madaxweyne howl wacan hadeynu nahay shacabka soomaaliyeed arintani waxey inoo tahay dhiira galin
    aniga ka shaqsi ahaan waxan dareemayaa farxad aan laqiyaaasi karin herka ey gaareydo

    iney calaadu qaraar tahay nabadune macaan tahay shaki iigama juroo daah igama saarnoo daliilna looma baahnoo ruuxii wax garad ahoo caqligiisu taam yahay wuu dareemi karaa

    soomaaliya ha noolaaaaaaato

    dhaman bahda radio muqdisho mahadsanidiin saaxibayaaal

  19. Somali says:

    umada ku nool caasimada sida madaxweynaha oo kale waa in ey u dadaalaan oo habeen iyo maalin amaanka laga wada shaqeeyaa soona sheegaan wixii dhibaato wado.Madaxweyne socodka yaree.

  20. Ahmed says:

    madaxweyne shariif waa qafki hormudka ka aha nabadi muqdisha ka dhalatay wagi maxakimta hadana inuu hormuud ka noqdo nabad ka dhalata somalia oo dhan mar kale waa wax an ka sugaynay oo uu laso yara ragay waxana hubaa in dhira galin ay unoqanayso tan dhaman qeybaha amanka ee muqdisho madaxweynaha waxanu ku naqanay gesinimada iyo inuu safka hore ka gali jiray nabada usan waligii ka baqin xabad marka guuuuuuuleyso mudane madaxwayne love from Baydhabo janaay

  21. Mohamed abdiaziz says:

    Mashallah waxaad moodaa in ay sooo iffeyso nuur kii dowlad nimada
    inta ay niman ka khawaarijta ah ay joogaan afgooye iyo balcad amaan ka muqdisho qatar ayuu ku jiraaye markasta waa in la feeg jignaa daa
    madax weynaheena meel fiican ayuu shaqa kadaa
    waa in goballada uu taggaa sida hiiiraan Gedo iyo Bay
    waxaan la yaa banahay waxa ay dowlado ay Baardheere u qaban la dahay iyo buurdhuubo oo ah 2magaalo oo wax badan dowlada ay korfadhidey
    jubooyinka dowlado wey dhaqaaqi ladahey taasi waa yaab kale
    waxaan ku farxey oo aan hadana u mahad celinayaa culumadeena ahlusunna ooo cashar la ma illaawaan ah u dhigtey cadow ga somaliyeed Dhuusamareeb markii aan xaley ka daa wadey TV Qara
    meydad kii nabad diidey ka oo ay culumadeenu ku leysey waan ku farxey
    mardhow dalkeenu nabad ayuu noo noqon nayaa waa na in aan ka qeyb qadanaa dhisitaan ka dalkena hooyo

  22. Muqtaar says:

    Madaxweynaha shaqo fiican ayuu hayaa wan ku faraxsanahay. meesha ka siiwad

  23. Asc waxaan leeyahey madaxweynaha sharafta leh waxaa tahey wadani geesi ah ee ilaahhey inta xun iyo ilxumo hakaa haayo amiiiiiiiiiiiiiin waliba waxaan kaloo kuu raacinayaa marka aad kormeerka sameyneysid waxad sameysaa adoon qofna u sheegin xataa ciidamada la kormeeraayo si loo ogaado daacadnimadooda , macnaha waxaan ula jeeda ka dul dhac ayagoon ogeen markaas ayaad wax badan ogaan kartaa,

  24. manshalaah wa wadani daacad ah ee alla hanoodhaafo dhamaan madaxda sharaftale iyo xoogadalka soomaaliyeed ee suurta gal shay in madaxdeena wareegan habeen iyo maalin guul guleesta geesiyaal aamiin

  25. DAADIR says:

    MADAXWEYNE WAXAA MUUQATA INAAD TAHAY HOGAAN SAX AH WAAYO TANI WAXEY DHIIRA GALIN U TAHAY CIIDAMADA QALABKA SIDA DAACAD AHAADO WAX KASTA WA AY HAGAAGAYAAN INSHA ALAAH

  26. madax weyn daacad ah ummadiisa allow ku aamaan shariifow

  27. Bile Norwey says:

    asc ww,waa waxlagu farxo kormeerka habeenkii lasamaynaayo waa arin kudayasho mudan maxaa yeelay masuulka ugu sareeyo wadanka waa sida waalidka sida uu ugu sareeyo gurigiisa ciyaalkana sida ay waalidka ugu hagaan wadada toosan ayay qaadanayaan maxaa yeelay waalidku waa sambal inlagu daydo mudan, marka madaxweynuhu hawsha uu labadaan habeen bilaabay waa mid looga baahnaa kolhore waana nasiibwanaag inuu eebe soo xasuusiyay in habeen iyo maalinba kormeerka iyo xaqiijinta nabada mid isku mida inay tahay aniga waxaan xasuustaa 1984tii waxaan daganaa dagmada Hodan laanta oktobar suuqa siigaale agtiisa anagoo usocono masaajidka uunlaaye adeerkeer iyo walaalkeey aan ahayn ayaa madaxweenihii wadanka oo kormeer kujiro oo ciidanba lasoconin oo gaari Arjenta layiraahdo wato wadada anagoo gooyneene naistaajiyay markaasuu adeerkeen lahadlay adeerkeena waa askari markaas gashanle dhexe ah wuu gartay markaasuu salaan iyo digtonow qaatay ani iyo walaalkeey waan yaabnay waaba madaxwaynahii aan arki jirnay sawiradiisa kaliya oo cimaamada madaxa ugu xerantahay waxuu nawaydiiyay xageebaad usocotaan markaasbaan kuniri masaajidka waxuu kaloo nawaydiiyay xaafadiina nabada waa sidee wayfiicantahay ayaan kudhahnay skoolka aan dhigano ayuu nawaydiiyay xataa markaas ayaan dhiganaynay dugsiga sare Banaadir waan uga sheekeenay caqabada iskuulka kajirto macalimiinta iskuulka dhibka kuhayso markii ugu danbaysay waxuu nagu dhahay markaad dukataan noosoo duceeya umada soomaaliyeedna usoo duceeya inuu ilaaheey wadada toosan iyo xaqa haleeshiiyo waayahay aan kudhahnay ,marka waa waajib inuu masuulka habeen iyo maalinba iskugu mid noqoto oo ay kuwa habeenkii shaqadooda kaseexanaayo kufikiraan armuu madaxweenaha yimaadaa adigoo jiifa maxaa yeelay soomaalida ala kacabsiga waaku yaryahay ninka cabsiga ayaa kubadan,waxaa yaab lahayd macalimiintii aan uga cabanay inay iskuulka kawadaan waxyaalo aan haboonayn 2maalin kadiba waxaa looga yeeray wasarada waxbarashada kadibna waanalaga badalay kuwo kafiican ayaa lakeenay anaga habeenkaas waxaan kafaaiidnay madaxwenaha socdaalkiisa warbixintii aan siinay oo sideedii loofuliyay 4macalin ayaan kacabanaynay oo iskoolka kuhayaan waxyaalo dhaqanka kufiicnayn, aqyaareey wabilaahi tawfiiq Radio muqdisho waadku mahadsantihiin hawshaan balaaran oo umada aad uhaysiin jira oo jooga ,

  28. barre xaaji says:

    mashalah jaale madax weyne waxan joogaa sout africa himada cawa igujirta waligay imasoomarin oo isma aana dhihin maadaa somalia aniga sacadan laga bilabo waxan kamid ahay soomajeesta yaasha ciiidamada lagu hurdo lagu jiifto waan kudooranay abd intaa nooshahay ciidamada iyo radio muqdisho waxan leyahay viva guuuuuul waan sooo soconaa nagu sima laba wiiig kaliya inshalah

  29. wadani soomaali says:

    horta qof daacad ushaqeeynaaya ma larabaa waa maya shaqadaas aad arkeeysaan dad baa waxeey utaagan yihiin in aan wax shaqo ah aan la qaban waa in aan garanaa kuwaas gacan bir ah waa in aan ku qabanaa dhabaato kaliya ayeey ka shaqeeynayaan waa kuwii 21 sano madaxa naga heeystay

  30. wadani soomaali says:

    maxamad siyaad bare ayaa udambeeyay madax weeyne sidaan oo kale u shaqeeynaaya waxaase loo baahanyahay in dadku ay gartaan cadawgooda iyo naxaankooda walaahi ninki yiraahda dolada ayaan rideeynaa waa kasoohorjeednaa waana iska qabaneeynaa dad ayaa raadinaya in ay afka dhulka ugelshaan laakin diidnay waa diidnay war waa diidnay

  31. wadani soomaali says:

    codsi raadiow muqdisho waxaan rabnaa saara heestii maloo dhashaa wadani mise waa leeyska dhigi karaawadani …… iyo heestii kale oo aheeyd ..jidkii laga weeciyaybaa markale lagu toosinaayaa wariyaasha radio muqdisho adinkaa calanku idii saaran yahay eeka faa iideeysta ajarka ducada umada aqbala codsigeena

  32. aad ayaad u mahadsantahay mudane madaxweyne waadna mudantahay in markale lagoo soo doorto madaxweyna nimada somaliya aad ayaan kugu mahadcelinaynaa hadii aan nahay shacabka somaliyeed gaar ahaan dhalinyarada somaliyeed

  33. waxaan dhihi karnaa waa wadani somaliyed yaa idin yiraa somaliyay wax garta oo dowladiina dhinac karaaca

  34. Ismail says:

    Mudane Madaxweyne ilaah haku dhaafo waa wax loo baahanyahey in amaanka si fiican loo sugu ilaaheyna hakuugu garab galo

  35. Ugu horeyn waan idin salamay howl wadeenada radiomuqdisho iyo somalida dhaaman run ahaanti aniga shaqsi ahaanteeda sooma koobi karo dareenka farxadeed ee aan qabo ayadoo aan hubo in ay dad badan oo walalahayga somaliyed ka mid ahna ila qabaan waxaana igu dhaliyay dadaalka madaxwayne sheikh shariif uu ugu jiro danaha dadkena iyo dalken waxaana ladhihi waa xiligii qof walba oo somalia uu u istaagi lahaa in uu nabada kashaqeyo waxaana walahayga nabada jecel kula dardaarmaya in ay wixii xuman soo maray qabyalada iska iloowana wadankodana daacad unoqdan

  36. Eng Mahad says:

    Ad ayan ugu faraxsanhay in u Madaxweynaha qaranka kormeero habeenkii magaalada wana arin muujineysa wadaninimadiisa Hambalyo Mudane Madaxweyne

  37. mulki says:

    mansha’allah waa wax aad loogu farxo madaxweynaheyna oo saqdii dhaxe habenkii u soo tosayaa amaanka shacabkiisa sugayo alle ha ku garab galo adiga iyo cidamada nabad sugida inta xaqa ka leexateyna allow xaqa garadsii,bahda radio mogadisho mahadsanidiin sida aad marwalba nola socsisin wadankeena

  38. aliii says:

    walahi madaxweynaha waa soo jeestay waaw, maansha allh, waxaan ka codsanlaha in madaxweynaha oo tuuta xidhan oo ak47 wata in sawiridsa aan aragno so aan oogu faano our pdnt inuu hero yahay

  39. madbaco says:

    as wr wb radio muqdisho salan qimo badan iga gadoma waxa marag madonto ah alaha dhowre madaxweynaha jamhuriyada sida ey uga go’an tahay horumarka bulshada so celinta amanka waxan leyahay ilahey hakula garabgalo waxad kasbatay jaceylka umada somaliyed ee nabada jecel gesi madale ah aya tahay niyada inta samaha jecel o dhan aya kula jirta ilaah madayaco qofki wax wanagsan sameya 11 sano kadib rajada an qabo e ah inan kulabto xafadeydi an ku dhashay adiga igaliyay shukran sacadat madaxweyne

  40. Maasha alaah maasha alaah Madaxweyne waad ku mahadsantahay sida geesinimada leh ooaad xilkaaga ugudanayso in kabadan inti laguu igmaday taariiqda soomaliyeedna baal dahab ah ayaad kageli doontaa insha alaaah.
    Madaxweyne waanu aragnaa natiijadi kadhalatay Guureyntaadi Hoobiye inusan magaalada kajoogsaday awooda alshabaab waa intaas umadana ha arkaan.
    jaale madaxweyne taxadar sameey adna yaan lahelin lana ogaan waqtiga aad kormeerkan oo kale sameynaso ogoow inaad tahay furihi qaranka dabcan wax walbaa qadar alle ayay ku dhacaan waloow ay foojignaanta muhiim tahay waxaan jeclaan lahaa inaad ugu yaraan hoosta ka qaadato Jaakada xabadda celisa dabcan qasab maahan inay muuqato waa mahadsanyihiin ciidanka xooga dalka soomaliyeed iyo soo jeedkooda iyo masuuliyada ay qaadeen umadi oo dhan ayaa ku hurdaya waana in taas lagu siiyaa qadarin, iyo abaal marinba, jaale madaxweyne waxaan hoosta ka xariiqayaa in aan la ogan jadwalkaaga markaad sameynayso kormeerkan ookale,,.
    guusha allaha kugudoonsiiyo adiga iyo waliba masuuliyiinta dowlada aamiin aamiin.ciidankeenu waa ciidaan daacad ah kaliya in xoogaa guubaabo, boorkana laga jafo ayay ubaahan yihiin dabcan nabadana waxaa curiyay dhamaan reer muqdisho mahadi haka gaadhee iyo ciidanka qaranka oo aad adigu madax u tahay, Niyadeenu aad bay u wanaagsan tahay hadaanu nahay qurba joog insha alaah nabadan aan haysanana waa inaan geed hdder iyo geed gaabanba ufuulnaa insha alaah

  41. cabaas says:

    asc wrb xaqiiqadan ma qiyaasikaro dareenkeeyga aad iyo aad ayaa ula dhacsanahay qaabka oo hoosha u wado madaxweeyne sh shaiif waxaan allah ka baryeenaa in uu asaga inta uu noolyahay na hogaamiyo insha allah aqyaarta s/afrika weey soo socdaan dhamaan

  42. amaal xasan says:

    Maasha alaah maasha alaah maasha alaah.
    madaxweyne ma garanayo waxaan kugu dhaho habeenki 2aad oad magaalada amaankeeda sugeyso, waxaa tahay bad baadiye umadan loo soo direy alle ayaan umahad celinayaa inaan arko geesi soomaliyeed adigo kale allana na waafajiyay inu hogaan inooga dhigo waxaan ku noolahay newzealand wehel waxaa ii ah radiomuqdisho, sntv kasokow jaamacada an dhigto iyo layliyada waxaan waqti badan kudhumiyaa inaan muqdisho daawado iyo nabada kajirtaa waxaan halkan kasalaamayaa geesiyada SNTV u kamid yahay al cadaala iyo asxaabtiisa oo daacad u ah soo tabinta dowlad wanaaga nabada iyo all radiomuqdisho shaqaalaheeda iyo SNTV o ayagaba saacadan soo jeeda.
    Jaale madaxweyne waxaan habeen kuriyooday adigo wadanka kadhigay nabad, bash bash, baraare kuna guuleystay inaad xaliso qilaafki umada kadib 21 sano, wadanki oo qayraadkiisa lasoo baxay horumarki wadanka oo kahormaray africa iyo asia europe iyo america, soomaliya oo noqotay wadanka dunida ugu macaan laguna noolaado waan arkaa howshaas waad kujirtaa alle hakugu guuleeyo, ogoow in aad asxaab iyo taageerayaal badan leedahay waliba wax garad ah ooaadan kaligaa ahayn dheg haudhigin kuwan idaacadaha ka qayliya ogoow inaadan kaligaa ahayn alle dartiisna kuu jecelnajhay xushmadaada aqlaaqdaada alle kuugu maneystay o xataa aadan ujawaabin kuwa marna saaxiib isaga kaadhiga hadalada masuuliyad darada kujirtana idaacadaha kasii deynaya.
    wax aan kudhaho magaranayo geesinimadaada taariiqda ayaa qoreysa riyadeydana alle haka dhigo run aamiin, aamiin, aamiin.
    madaxweyne in yar oo taxadar ah hoosta ka ogoow guushana alaha kusiiyo.
    From gabar soomaliyeed..

    • Abdi says:

      Masha Allah koleey dareenkeyga ma soo koobi karee Ilahay haa naga wadda dhigo kuwo ku dareen noqdo gabadhaan sharafta leh Masha Allah thanks sister

  43. wlh aniga waxan qaba in arinkaan uyahay md umuqda uhrumar lkn waxa weye in dowladu ey kudaddasha cidanka dowlad wa cidan madax weynaha wa cidan ra isow wasaraha wacidan dhaman golaha dowlada ka konab tahay wa ccidan marka dowladu wa in eygarataa muhimada ey cidanku leyihiin mida kale oo iga talada ah waa in lasameya cidama dhar cad ah oo an la oganeyn oo dagan kunqada xafad kasta si ey uga mid naqadaan shacabka dagan xafada markaas waxa la ogaan karaa waxa kadhaca xafadad waliba iyo qalaasaha halka uu ka imado iyo qoladaan walan oo diinta sheganaya si loga hortagao falalaka waxushnimada ah oo ey ku kacayaan marka shriifooow howl aya ino wada tala mudane madax eyne guuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuul dhaman walalha somaiyeed

  44. Maasha alaah maasha alaah maasha alaah.
    madaxweyne ma garanayo waxaan kugu dhaho habeenki 2aad oad magaalada amaankeeda sugeyso, waxaa tahay bad baadiye umadan loo soo direy alle ayaan umahad celinayaa inaan arko geesi soomaliyeed adigo kale allana na waafajiyay inu hogaan inooga dhigo waxaan ku noolahay newzealand wehel waxaa ii ah radiomuqdisho, sntv kasokow jaamacada an dhigto iyo layliyada waxaan waqti badan kudhumiyaa inaan muqdisho daawado iyo nabada kajirtaa waxaan halkan kasalaamayaa geesiyada SNTV u kamid yahay al cadaala iyo asxaabtiisa oo daacad u ah soo tabinta dowlad wanaaga nabada iyo all radiomuqdisho shaqaalaheeda iyo SNTV o ayagaba saacadan soo jeeda.
    Jaale madaxweyne waxaan habeen kuriyooday adigo wadanka kadhigay nabad, bash bash, baraare kuna guuleystay inaad xaliso qilaafki umada kadib 21 sano, wadanki oo qayraadkiisa lasoo baxay horumarki wadanka oo heer caalami ah noday nabadi oo noqotay wax lagu riyoodo adigo hormood ka ah keentayna nabadaas.soomaliya oo noqotay wadanka dunida ugu macaan laguna noolaado waan arkaa howshaas waad kujirtaa alle hakugu guuleeyo, ogoow in aad asxaab iyo taageerayaal badan leedahay waliba wax garad ah ooaadan kaligaa ahayn dheg haudhigin kuwan idaacadaha ka qayliya ogoow inaadan kaligaa ahayn alle dartiisna kuu jecelnajhay xushmadaada aqlaaqdaada alle kuugu maneystay o xataa aadan ujawaabin kuwa marna saaxiib isaga kaadhiga hadalada masuuliyad darada kujirtana idaacadaha kasii deynaya siakana hadaaqaya.
    wax aan kudhaho magaranayo geesinimadaada taariiqda ayaa qoreysa riyadeydana alle haka dhigo run aamiin, aamiin, aamiin.
    madaxweyne in yar oo taxadar ah hoosta ka ogoow guushana alaha kusiiyo.
    From gabar soomaliyeed

  45. ahlusunna says:

    asc dhamaan, xaafidullah sh shariif inta hurumarka jacel they love u , khawaarijtane way ku necebyihiin,

  46. safi says:

    Mudane Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed,dooroonaheenow waan ku dooranaynaa,danyarta u daneeye, dulmidiide,daka u adeegee daacad aan la qarinkrin ayaad noo muujisay kalsoonida aniga iyo reerkeyga, seygeyga iyo caruurteenaba waan ku siinay daahna nagama saarna inaad tahay qof u xuubsiibtay kana goan inuu diintiisa dalkiisa iyo dadkiisaba daacad u ah inuu wax uqabto waana ku dooranaynaa guulaha aad gaarteen adiga iyo inta wanaaga jecel waa ALLE amarkiis iyo qadar rabi noo qoray ALXAMDULILAAH. qof walbow waxaanagu ah waajib inaan niraa alxamdulilaah iisha allaah inta dhimana wey dhameystirmee.

  47. ahmed says:

    Wuu ku mahadsanyahay madaxweynaha sida uu uga soo dhalaalayo waajibaadkiisa iyo madaxda la socotaba.Radio Muqdisho iyo SNTV howshiina aad umada Soomaaliyeed u heysaan lama halmaami karo.Shaqo wacan.

  48. aslaax says:

    waa ko farax sanahay dadaalka sugigida ama

    marka waxaa larabaa hal qof wax ma qaban karee inaan koligeena skaashano oo wax wad

    qabsano walaalayaan qofaan lahen wadan waxba maahan waxa lediko soow dhowehaayo

    yurub iyo america iduko sow dhowahaayan waaa dadanka fiican hesano ee taas ogaada

    soomaaliyey madaxwenahan waa kii horomar iyo barwaaqo nagaasin lahaaye aan doorano hadii alle yiraahdo markale oo yenan idin sir siraanin kowa raba kaliya korsi kofadhiisto waxna qabaneey ama idiin kaladilaayo qabiil iyo bur bur kale kama cemane an doorano madaxwene shiish shariif wabilaah tofiiq soomaaliyey waasas

  49. RAHMA says:

    asc,waxaan ku noolahay wadanka talyaaniga (italia) mudo badan, wadankaaga waa mid kaa maqan waa sharaftaada, waa wadnahaaga, waa indhahaaga,waa xubin jirkaaga ka mid ah, markii aan arko nin wadankiisa ku faanayo dhinaceyga ayaan ka galaa amaanta wadankeena hooyo hore ayaa loo yiri hantiyeey macaan waa midaan hooylagaa oraneey. hadii aad ku nooshahay aduunyada meesha ugu wanaagsan, wanaagaas ma aha mid la mid wadankaaga.waa ineynu garab taaganahay naftood hurayaasha habeen iyo maalin usoo jeedan ka hortaha cadawga dhiig cabyada ah.waxaan ku riyoodaa marwalba xaafadena xamar bille waan usoo soconaa wadankeena iyo xaafadeena haduu ilaahey ka raali noqdo waan u duceeynaa mar walbo dowladeena, madaxweynaheena sharafta illahey siiyay, ciidankeena sooma jeestayaasha ah. guuleysta.

  50. mohamed says:

    Soomaaliyaay ku jecliyaa

  51. mahdi says:

    nin lagu seexdoow haseexan xilbaad sidaa ha seexan

  52. Layaab says:

    Mashaallah madaxweyne cadawga hajabo qaranka Somali hanolaado

  53. yusuf says:

    inaa lilaahi walahi ilinbaa indhaheyga so dhaftey wan iska ooyey ilaahow wan ku tuugnee noo ilaali madaxweyaha ilaahow nabada noo adkey ilaahow cadawga dhulka hoostiisa geli ilaahow wan ku tuugnee meel aysan fileynen uga so bax cadowga ilaahow iney meel xun ka bixi ilaahow naga aqbal ilahow wan ku tuugnee ilaahow cirib tir ilahwo baabi i

  54. Cabdullaahi says:

    MAHADSANIDIIN INTA MADAXWEEYNAHA KORMEERKIISA KU WEHLISA ANIGOO KA MID AH DADKII DAWLADNIMADA KA SOO FAA’IIDEEYSTAY QIIMAHEED DHAN WALBABA :WAXBARASHO ILAA HEER JAAMACADEED,CAAFIMAAD ,NABADGALYO 24KA SAAC AHEED .WAXAAN SOO XASUUSTAY IN ALLAHA HA U NAXARIISTEE JANERAAL DAA’UUD UU SIDAAN OO KALY U KORMEERI JIRAY CIIDAMADII UU TALIYAHA U AHAA XATAA ASIGOO ISKA SOO DHIGI JIRAY QOF CAADI AH KADIBNA LA SHEEKEEYSAN JIRAY ISAGAOO OGAANAYAY XAALAD AY MARKAASI KU SUGANYAHII DHAN WALBA.

  55. mumin cade says:

    cumar buni qadab(R) wuxuu dhhay hadii faras ay ku taraaraxdo ciraaq ilahay anuu i weydiinayaa qiyaamaha-wuxuu i leeyahy yaa cumar wadada maxa u hagajinweysay yacni waxa uu ula jeedo waxay tahay waan fahmi karnaa xayawan ayuu ka hadlayaa bani aadam iska dhaf warkisa habenkii dhan ayuu socon jiray cumar derbiyada auu jifan jiray .marka madaxweynahena sheq sharif tusalahas haku socdo wadada wuu wadaye insha alah

  56. nuur says:

    waxaan leeyahey maasha allaqah

  57. Yasin Wadani says:

    Maashaa alaah mudane sheikh shariif sheikh Ahmed waxaad tahay wadani dalkiisa iyo dadkiisaba daacad u ah weli ma maqlin madax weeyne inta saq dhexe hurdada ka soo kaca kadibna u soo baxa magaalada si uu u ogaado dadkiisa ineey nabad ku seexdeen asagoo ku dadaalaya nabad ineey heleen xaqiiqdii soomaaliya wado wanaagsan ayaad u furtay wixii dowladaada ka horeeyay ma jirin wax himilo ah ama rajo ah oo aan qabnay balse rajadeena adiga ayaa soo celiya taasna aad ayaan kaaga mahad celinaynaa waxaana rajeeynayaa taariiqda ineey ku xusi doonto wanaaga aad u qabatay dalka iyo dadkaba . mahadsanid

  58. ali ahmed says:

    masha allah wlh wa farxad in u madaxweynihii qaranka u dhaxwarego ayado habena magaladii casimada waxan dhihi lahay cidanka qaranka hawadan hoshoda kuwa nawad didka ah inta dhiman madaxa halaga jaro

  59. qooshow says:

    asc horta marka hore waxaa mahad leh alh ina abuuray hadan naga dhigay islaam alhamdu lilaah markalawaad waxaan uhanbaliyeenayaa mudan jahween iyo mudan wasiirkii horay ee warfaafinta abdikarim maxaa yeelay ayag ayaa inoo surta galiyaya inaan anagoo qurba joog ah aan dawano wadan keena hooyo waxa gadhacayo maxaa yeelay waligeeda ma dhicin markii laga yimaado dowladii siyaad bari ina meel aan nal laheen uu ku socdo madxweenaha qaranka soomaaliyee alsutaad mudane shariif sheeq ahmed marka waxaa inoo cad inaan soo lawankarno maxaa yeelay meel uu madaxweenah ka wareegayo hawwn kii anagan maxaa no joogeyaya waxaan ka codsanaayaa wasarada warfaafinta ineey iga gaarsiiyaan salaan qali aha mudane jahween mada kale waxaan leeyahay wasarad siibo madaxa wararka ineey iga gaarsiiyaan wasiirka wasarad iyo macdanta biyaha damarta inuu sidagdag ah u soosaaro damarta korontaga si aan u helno leerar magalad if tiinsha waad mahad santihiin mudanayaak iyo marwooyin

  60. axmed clai xassan says:

    madaxweyne talabada aad qadey waa wax lagu faano oo geesinimo leh amaankana lagu hanan karo mida kale waa in aad hubisaa cidamada u helaan mushaarad kooda si sax ah hadii ey sax u helaan cidamadu mushaar kooda waxaa hubaal ah in isbadel weeyn dhacayo sababtoo ah hidii askrigu mushaar fican qaato waxaa hubaal ah in oow waajibkiisa si fican u gudaayo waana nafarxad galisay sida aad her iyo habeen aad ugu tagan tahay amaanka magaalada iyo dhamaan soomaaliya oodhan

  61. Abdalle says:

    wuxuu soo noleyay Doladnimo laga sabray shiikh shariif illahey hakula jiro waxaad shaqa u heysaa ummadda somaliyed inta wax garadka ah iyo waxma garatadaba

  62. saida sheekh wadani says:

    Maanshaa-allaah waxaan aad ugu mahad celinayaa Madaxweynaha Jamuuriyadda d.soomaalia,sida wanaagsan ee uu u kormeerarayo,hab u socodka nabadda oo uu soo jeeddo habaan iyo maalinba,ilaahay hakula garab-galo anaguna waanu kuu soo duceen.Guuuuuuuuuuuuuuuuuuul.

  63. abdifitaah says:

    asc all masha allah waa guul haka dalin maadxweyne garabkagan jogna taqirda ku qoreyso waxan ugu mahad celin shaqalaha radiyo muqdisho oo muqalkan no so sawiray bogana nagu so galshay all thanks radiomuqdisho asc all

  64. WADAJIR says:

    maasha allah madaxweene ilaaheey ha ku xafido waaguuuuuuuuuuuur

  65. hassan huseen hassan says:

    maasha alaah madaxwenaha umada somaliyed mudane sheekh shariif shiikh axmed dadaalka oo mujinayo mid noo hagaaga ale hanoga yeelo aamin dhaman umada somaliyed mil walbo oo duniga aad ka qogtaan aan bnadino ale bariga si oo ale nooga dol qado amuurtaa dalka iyo dalkaba noga qaado aamin aamin aan dadaalo dhaliyaro aana badino ale ha cabsiga si oo ale noogu naxariisto

  66. kamal says:

    wad mahansanta muthane madaxweyne geesigii umadaa tahay dib ayan ku dooran doonaa

  67. ZAKI says:

    GUUUUUUL ILAH HA INOO XAFIDO MADAXWENAHEENA INSHALAAH WAXAAN RAJEENA IN LA DOORON DOONA ASIGA AUGUST MADAXWEENAKA KA FIICAN SOMALIYA MASOO MARIN

  68. salmaan raage says:

    madaxweyne waxaad qabatay wax muuqda waa mahadsan tahay mudane madax weyne

  69. hasan says:

    waxan halkaan hambalyo ugudirayaa madaxweyne sharii shiiq axmed waxaan leeyahay guuuuuuuuuuuuuuu waxkudhiba ilaaheey kumatuso nooloow waligaa mudane cadawgaag hajabo saas aanoobalan ah

  70. masha allah,Muqdisho lonoqonaya waa lanoqonaya insha allah wa lanoqon donaa.

  71. wadani yare says:

    Maasha allAah madaxweyne dacad ah waxan leyaha noqo kii wadanka kasamata bixiya dibatada heysay 21sano allaow noga dig wadankena nabada nabad la.aanteda nolo maleh waxan imahdcelinya shaqalaha radio muqdusho iyo cidan qalabka sida Kuwa boliska iyo inta jecel nabad

  72. asc dhamaan umada soomaaliyed meel kasta oo ey joogaan sln kadib aad ayaan ugu farax sanahay in madaxweenaha dalka uu shacabka sidan daacad nimada ah ugu shaqeeyo waxaan kacodsanayaa in maxda kale ey ku daydaan madaxweenaha

  73. ruun xashi says:

    asc all mashalaah mashalaah waa guul alle nooday madaxwaynaha hurdadiisii oga kacay shacabkiisa

  74. zahra says:

    maanshallah nabad baaka muuqata, babaaygii xamar soomaaliyeey wuu inoo bislaan rabaa,waxaan kula talin lahaa dadka waqooyiga iska yara suga intuu si wacan u bislaanayo soomaali ka ma maarantaan e sax gobol iyo hal qabiil qaran iyo dowlad laguma noqdo. wabilaahi toowfiiq.

  75. foodeey says:

    madaxweyne talabada aad qadey waa wax lagu faano oo geesinimo leh amaankana lagu hanan karo mida kale waa in aad hubisaa cidamada u helaan mushaarad kooda si sax ah hadii ey sax u helaan cidamadu mushaar kooda waxaa hubaal ah in isbadel weeyn dhacayo sababtoo ah hidii askrigu mushaar fican qaato waxaa hubaal ah in oow waajibkiisa si fican u gudaayo waana nafarxad galisay sida aad her iyo habeen aad ugu tagan tahay amaanka magaalada iyo dhamaan soomaaliya oodhan

  76. cilmi says:

    asc maashaallah madaxwaynuhu wuxuu sameeyay shaqo kudayosho muddan waxaana leeyahay hallala shaqeeyo dowllada. tala ahaana waxaan dhihilahaa dhamaan umada somaaliyed ee wax aragta ama maqasha ………………………………taladaa soo ah in ey wax laqabtaan dowlada oo aan lagu fiirsan wax aan laqaban karno maxaan qaban karnaa kow waa in qofkasta oo naga mid ah ay soo sallaantaa dariskeeda kadibna ukuurgashaa dhaqdhaqaaqa gurigaas kajira kadibna wacdaa ama usheegtaa cid alla cidii ay ku kalsoon tahay ama qoraal ugu gudbisaa laamaha amaanka adoo isticmaalaya mobilkaaga abillahi towfiiq waxaana hadalkayga ku soo gabagabaynayaa salaan aan udirayo shaqaalaha radio muqdisho iyo dhamaan dowladda waamahadsan tihiin asc

  77. PUNTLANDER says:

    JAALE MADAXWEYNE GEESINIMADA AAD MUUJISAY WAA MID KU DAYASHO MUDAN OO LOO BAAHNAA ISLA MAR AHAANTAANA KALSOONI GALINEYSA SHACBIGA SOOMAALIYEED EE AAD MADAXA U TAHAY MEELWALBA OO AY JOOGAAN………Job well done Mr. president!

  78. abba says:

    shekh sharif hadii saan aay kaa dhab tahay oo niyada qalbiga kaa soo go.dey kormerkan wale waxaad tahay nin rag oo lagu diirsan doona dadka kaa dambeyn doona aay kugu deyan doona cadowga haku jabo hadana kalsoonida reer hiraab iyo dhamaan somaali weyn ayaad kasbatey mudane madaxweyne ilaaheuy hakula garab galo aamiin waad ku guuleysan doontaa hadafkaaga

  79. tookiyo says:

    Guul madaxweyne adiga iyo madaxda kula shaqeynaysa iyo CXDS waxaan leeyahay adiga iyo madax kaleba in afar sano laydiin ddorto waayo shaqada aad haysaan waa tii dhibaatada looga bixi lahaa iinshaa allaah dadweynaha soomaaliyeed waxaan ka codsanaya in aan markale doorano si hawsha ay hayaan ay dalka oo dhan u gaarto mahadsanidiin dhamaan!!!

  80. cabdulkarim says:

    Maasha,Allah.
    Asc Mudane madaxwayne.
    Madaxwaynaha ilaah ha ka Abaal mariyo howsha muhimka ah ee uu u hayo Ummadda. baal dahab ah oo aan aysan taarikhdu illobin ayaad gashay. in shalah horay uga soco.tusalaha wanagasan iyo howlkarnimada aad muujisay. waxad u astaysay waddo cad mustaqbalka madaxda somalida.jadwalkaaga yaan la ogaan xilliyada u ku beganyahay hana isku xejin kormeerada,xitaa mararka qaar u goy, waardiyahaga qaaska ah adigoo dalbanaya hadba ciidamo qaas ah oo kugu wehliya kormerka , taasi waxay adkaynaysaa in cadowgu la socdo tallaaboyinka aad qaadayso, waxa kale oo ay heegan joogto ah gelinaysaa ciidamada ku shaqada leh Amniga .Somaliyay max ka dhaha in madaxwaynihii uu san seexan habeen iyo maalin, xukuumaddina ay huruddo?

  81. fanax says:

    cabdulkarim waa run waxaad ka dhawaajisay su,aal meesha ku jirta laakiin waxaad ku qanacdaa geesinimada waa loo dhashaa wadani nimada iyo nabad jeceylkana waa lagu kala horeeyaa runtii waxaan dhihi karaa aniga aragtideyda ninka kusoo xiga sheekh shariif waa tarsan duqa magaada 2daasi wexey waxey muujiyeen wadaniyad iyo geesinimo intakalena alaha ka dhigo kuwii ku dayda,amiin.

  82. samiir sayid says:

    waxaad tahay shariiful sumaal waaadna na kasbatay hadaa nahay shacabka somaliyeed waxaad na ogaaata mudane madax weeyne inaan ducu kula garab taaganahay dhamaanteenba guul geesigiigi dulkeeynoow

  83. saliha says:

    waan idin salaamay radio muqdisho mudane madaxweyne waxaad u soo jeedaa umadaada ilaahay haku ilaaliyo aduun iyo aakhiraba welkigaa wax aan wadaninimo ahahayn iyo runta iyo alla ka cabsi ahayn haqaadanin waad mahadsantihiin mar kale

  84. liban says:

    bahada radiyo muqdusho so tawiatta xalada dalkega hoyo ad ad ayan niiga mahd celinaya dawalada wa talawa qada cadawga cagta maraya oo talakena jirkisa dad cagata maraya waxn nileyah dalkina ciidakle sugi mayo aniga nasuaga horada ka kac somaliyee dawalad nimo tagera




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Toos U Dhageyso Radio Muqdisho

Wararka

DSCN9955

Daawo Sawirada:-Sida ay u Ciideen Soomaalida Ku Nool Magaalada Pretoria ee Dalka Koonfur Afrika

Akhristayaasheena sharafta leh waxa aan halkan idinkugu soo ...
100_8778

Ambassador CabdiRashid Cali Sharma’arke Oo La Kulmay Jaaliyada Soomaaliyeed ee Magaalada Minneapolis “SAWIRRO”

Safiirka dowlada Soomaaliya ay dhawaan u magacawday dalka ...
muqdisho-habeen

Isbaddel amni oo Muqdisho looga ciiday

Shacabka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah, ayaa so gabagabeeyey ...
astaanta-warka

Dhageyso warka habeennimo ee Radio Muqdisho.

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/07/WARKA-HABEEN-29.7.2014.mp3"][/audio]
DSC06415

Hay’adaha amniga oo fashiliyay gaari lagu soo xiray walxaha qarxa “SAWIRRO”

Hay’adaha ammaanka dawlodda ayaa maanta fashilayay gaari uu ...
raashin qeybinta i c rc (7)

Qoysas danyar ah oo loo qeybiyay raashin sakaatul fitri ah

Maamulka Deeganka taabto ee Gobolka Jubbada hoose ayaa ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/07/WARKA-DUHUR-29-07-2014.mp3"][/audio]
100_8724

DAAWO SAWIRADA SIDA LOOGA CIIDAY BARIGA MAGAALADA MINNEAPOLIS

Salaada ciidul fitriga ee lagu qabtey bariga magaalada ...
igad

IGAD oo iska fogeysay warar been abuur ah oo ay baahiyeen Website-yada qaar

Xafiiska IGAD ee Muqdisho ayaa beeniyay warar been ...
Cabdi Catoosh (2)

Muwaadin Soomaaliyeed oo ay naafeeyeen burcad Koonfur Afrikaan ah oo codsaday kaalmo caafimaad “SAWIRRO”

Cabdi Catoosh Faarax, waa muwaadin Soomaaliyeed oo dhallinyaro ...
RIDWAAN

Wasiirka Diinta Iyo Owqaafta Oo Shacabka Soomaaliyeed U Diray Hambalyada Ciida

Ra'isul wasaare ku xigeenka dalka ahna wasiirka diinta ...
astaanta-warka

Dhageyso Warka Habeenimo ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/07/WARKA-HABEEN-28.7.2014.mp3"][/audio]
DSC06358

Wasiirka Warfaafinta oo kulan qado ah la qaatay carruur indhoolayaal ah “SAWIRRO”

Kulankan qadada ahaa ee uu Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda ...
DSC01649

Daawa Sawirrada sida looga ciiday magaalada Cadaado

Deegaanada Ximan iyo Xeeb ee bartamaha Soomaaliya ayaa ...
Ciid

Dhageyso Barnaamijka gaar ah oo ka hadlaya sida Caalamka looga ciiday

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa ...
IMG_5476

Wafdiga ka socda Xukuumadda ee ku sugan Hiiraan oo la ciiday ciidamada Jabuuti “SAWIRRO”

Wafdiga ka socda Xukuumadda Fedaraalka ah ee Soomaaliya ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/07/WARKA-DUHUR-28.07.2014-.mp3"][/audio]
IMG_5987

DAAWO SAWIRRADA MADAXDA QARANKA OO KUMANAAN DAD AH LA CIIDAYA

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa ...
DSC05952

Wasiirka Warfaafinta Oo La Ciiday Barakacayaal Danyar Ah (Sawirro)

Wasiirka warfaafinta iyo hanuuninta dadweynaha mudane Mustaf Sheekh ...
DSC06140

Wasiirka Warfaafinta Oo Booqday Ilmo Mataano Ah Oo Isku Dheggan (Sawirro)

Wasiirka Warfaafinta mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa ...
DSC05881

Madaxda Qaranka Oo Kumannaan Dadweyne Ah Salaada Ciidda Kula Tukatay Masjidka Isbaheysiga (Dhageyso+Sawirro)

Madaxda Qaranka oo uu ugu horreeyo madaxweynaha Jamhuuriyadda ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Subax Ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/07/Warka-Subax-28.7.2014.mp3"][/audio]
isbaheysiga

Muqdisho Oo Si Farxad Iyo Nabadgelyo Leh Looga Ciidayo

Iyadoo ay maanta tahay maalintii koobaad ee ciidulfidriga ...
unnamed

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa munaasabadda Ciidda hambalyo u diray Shacabka Soomaaliyeed:-War-Saxaafadeed

Muqdisho, 27 July 2014-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane ...
Sawirka Gudoomiye Jawaari

Guddoomiyaha Barlamaanka oo shacabka u diray hambalyada ciidda (Daawo)

Guddoomiyaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Sheekh Cismaan ...
cabdiweli1

Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda oo shacabka ugu hambalyeeyey munaasibadda ciidda (Daawo)

Ra'iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed, ayaa Warbaahinta Qaranka ...
unnamed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo Ummaddiisa ugu hambalyeeyey munaasibadda Ciidda (Daawo)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ...
ra isu;

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo Ummadda Soomaaliyeed ugu Hanbalyeeyey Munaasabadda Ciidul Fidriga

Muqdisho, 27, July, 2014…. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ...
Consultation Pictures (5)

Kulan wadatashi iyo xog is weeydaarsi dhexmaray Wasiiradda Haweenka, Xildhibaanada iyo Ururada Bulshada Rayidka “SAWIRRO”

Kulan wadatashi iyo xog is weeydaarsi dhexmaray Wasiiradda ...
vlcsnap-2014-07-27-16h21m08s215

Deeq Zakaatul fidri ah oo maanta loo qeybiyay boqalaal ruux oo isugu jira agoon iyo danyar ku nool Magaalada Gaalkacyo “SAWIRRO”

Deeqdaan oo ay soo dhiibeen Qaar ka mida ...
Ciid

Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya oo Ku Dhawaaqday in ay Bari Ciid Tahay

Wasaarada diinta iyo Awqaafta xukuumada Soomaaliya ayaa goor ...
astaanta_qaranka11 ok

Guddiga sare ee Jaamacadda Ummadda Soomaliyeed oo la hirgeliyay (Dhageyso)

Madaxda sare ee dalka ayaa maanta ka qeyb ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/07/WARKA-DUHUR-27.07.2014.mp3"][/audio]
Sequence 95.Still008

Hotel cusub oo laga furay Muqdisho “SAWIRRO”

Ganacsato Soomaaliyeed ayaa Muqdisho ka hirgeliyay hotel cusub ...

Tubta Toosan

images (12)

Ramadaanka & Daadinta Dhiigga

Waxaan ku ku jirnaa tobankii dhexe ee bisha ...
TubtaToosan Logo

Ramadaanku waa Fursad Cibaado iyo Towbad Keen-DHAGEYSO

Waxaan ku jirnaa bisha barakeysan ee Ramadaan oo ...
July

Islaamka iyo Waddaniyadda

Iyadoo loo dabbaaldegayo maalintii xorriyadda iyo Qarannimada Soomaaliya, ...