Ayadoo dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay dunida ka joogaan si aad ah ugu dabaal degayaan Munaasabadda Koowda Luulyo oo ku beegan sanad guuradii 52aad ee kasoo wareegatay markii ay gobollada Koonfureed ee Dalkeenna ka xoroobeen gumeystihii Talyaaniga islamarkaana ay midoobeen gobollada Waqooyi iyo Koonfur ayaa Madaxda ugu sareysa dalka Turkiga waxey Soomaalida dalkaasi kala qeybgaleen xuska Munaasabaddan qiima leh.
Munaasabad si heer sare ah loosoo qaban qaabiyey oo ay qaban qaabisay Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Turkiga ayaa lagu qabtay Hotelka RIXOS oo isagu ah hoteelka ugu weyn magaalada caasimadda ah ee Ankara waxaana Munaasabaddaasi kasoo qeybgalay Ra’isulwasaare Kuxigeenka Turkiga Bekir Bozdag oo ay wehliyeen Wasiirrada Arrimaha Dibadda,Caafimaadka,Saraakiisha ugu sareysa Ciidammada Qalabka Sida ee Dalkaasi,Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Dalkaasi gaar ahaan xildhibaannada loogu magac daray walaalaha Soomaaliya iyo ganacsato u dhashay dalka Turkiga.
Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale kasoo qeybgalay dhammaanba Safiirrada dalalka Caalamka uga wakiilka ah dalka Turkiga iyo Ardayda Soomaaliyeed ee iyagu deeqaha Waxbarasho ka helay dalkaasi ayadoo ardaydana ay Munaasabadda kusoo bandhigeen suugaan wadani ah oo ka hadleysay halganka gobanimo ee dalkeenna.
Xoghayaha Koobaad ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga Mudane C/qaadir Maxamed Nuur(Jaamac) oo Munaasabadda Khudbad ka jeediyey ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey madaxda sare ee dalka Turkiga iyo Safiirrada dalalka caalamka uga wakiilka ah dalkaasi kasoo qeybgalka Munaasabadda waxaana uu dhanka kale Dowladda Turkiga uga mahad celiyey sida ay had iyo goor u garab taagan yihiin walaalahooda Soomaaliyeed.
Safiirka Soomaaliya ee Dalka Turkiga Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo isna Munaasabadda khudbad ka jeediyey ayaa ku dheeraaday taariikhda halganka xoriyadda Dalkeenna isagoo sidoo kalena ka hadlay xiligan doorkii lama ilaabaanka ahaa ee ay Walaalaha Turkigu ku lahaayeen gurmadkii ay caalamku Soomaaliya usoo sameeyeen sanadkii aynu kasoo gudubnay bartamihiisa xiligaasi oo dalka intiisa badan ay abaarro ku dhufteen.
Ra’isulwasaare Kuxigeenka dalka Turkiga Bekir Bozdag oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda ayaa aad ugu dheeraaday xaalada guud ee Soomaaliya halka ay mareyso xiligan iyo sida ay aheyd billo ka hor waxaana uu dhanka kale mas’uuliyiinta iyo howlwadeennada Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga ku ammaanay sida ay had iyo goor u garab taagan yihiin ardaydooda islamarkaana ay u dhiiragelinayaan ayadoo khudbadda Ra’isulwasaare Kuxigeenkana ay aad uga qiireysiisey dhammaanba kasoo qeybgalayaashii Munaasabadda.
Munaasabadda ayaa guud ahaanba kusoo idlaatay jawi farxadeed waxaana Munaasabaddan oo ka mid aheyd Munaasabaddo ay soo qaban qaabisey Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Turkiga islamarkaana loogu dabaal degayey maalmaha Xoriyadda Dalkeenna ay qeyb ka tahay Munaasabaddo si weyn sanadkan uga dhacay dalalka Caalamka iyo gudaha Dalkeenna kuwaasi oo dhammaanba ay shacabka Soomaaliyeed ku muujiyeen qiimaha maalintan.
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub +442035190460
USA & CANADA +17124327760
maasha alaaah waxaa marqaati ah in soomaalida maanta ay garteen qiimaha wadaniyada iyo iyo xoriyada dhiiga badan loo daadiyay inay maanta dhulka ka qaadeen mahadaas ilaah baa iskaleh xiligii dagaaladii lagu jiray caruurtii dhalatay haba yaraatee ma arkin mana maqal in wadankaan rag usoo dhinteen xoriyadiisa haday arkeen noolaada somali meel kastoo ayay joogaan waa hubaa in sanadka dambe sidaan iyo si kafiican aad arki doontaan somaliya ha is raacdo guulaysta waligiin garbaha is qabsda sharaftayna sidaan ayay ku jirtaa ogaada
waxaan si aad iyo aad ah ugu faraxsanaha safaaradda soomaaaliya ee turkiga oo kowda luulyo lag husey 21 sano kadib waxaan lee yaha dadkii kasoo shaqeeyey guuleysta
masha allah turkiga walalo marna an la ilawi karin ila ha inaga dhigo kuwo garto abalka logalay
guuuuuuuul somaliya iyo wallaha turkiya dowladda somaliya waa in ee dadka turkiya ee ula dhaqantaa si ka duwan jinsiyadaha kale ee soo booqahayo somaliya mar kale guuul aan idin rajeyhaa umadda somaliya
asc walalaha masha allah waa arin lagu farxo,dowlada TURKIGA oo CALANKA SOOMAALIYED dhulka kaqaaday ne waan u mahadcileynaa bishaar al asadne waxaan leeyahay colaada kadaay walaalhaa TURKIGA dirisne tihhin oo walalnimo muuji ayaga oo kale mahadsanidiin
aad baan ugu faraxsanahay qaabka wax u socdaan ilaah ha la garab galo shacabka somaliyen wanaaga aay wadaan inta fidnoola yaasha ahna ala haka dhexsaaro
WOOOW HAMBALYO SOOMAALIYEEY MEELKASTA OO AAD JOOGTAAN. WHAT A BEAUTIFUL PEOPLE AND LOVELY PARTY WELL DONE, DOOWLADI WAATEE WAATII DADKEEDA KARAAMAYSA MARKAAS UUNBAA DADKA KALENA KU KARAAMEYN GUUL IYO GOBANIMO.
asc dhaman umada so maliyed meyl walbo ad jogtan hambalyo aya idinleyahay sanadka dambo alaha no kaso ina sidan gurigeena ugu wada da baal dagno dhamanteena aamin
ًWell Done,,,,Raadiyo Muqdisho Dhammaantiin aad iyo aad ayaan idinkaga mahadcelineynaa howshan kudayashada mudan ee aad ummadiina u haysaan….Sanadka soo socdana waxaan ilaah ka rajeynayaa in aan Dalkeena gudihiisa ku Martiqaadno Dowladaha Caalamka inagoo u dabaal dagenyo Munaasabaddan lafteeda….
Thanks again Radio Muqdisho ..
Nin aan inuu kaco Rabin lama kicinkaro.Somali walaakood waa Turki waxaa se is wediin leh Somali walaal wax lataro mayahay waxse ma istari donaa?.. Arageenaa.
Tayalida qoos qooskaa idinbaday tabalahye somalaay toosa
1da Luulyo waa maalin qiimo badan waxayna kusoo aaday midan Sanadkii nabada soomaaliya oo soo iftiimay & horumarka socdo oo mucjiso ah alloow noo siyaadi hadan soomaali weyn nahay. PS:-MANY-THNKS ALL OF
RADIO-MUQDISHO STAFF.
guuuuuuuuuuuuuuuuuul
Hambalyo hambalyo dhammaan umadda somaliyeed.
hambalyo markhaanti ayaan ka ahaa waqtigii ay xafladan dhacaysay waxaa ka mid ahaa dadkii kasoo qaybgaşay anigoo daraadeed uga imid magaalo kale waxaaa hanbalyo u dirayaaa radiomuqdisho oo ahaa idaacada kaliya ee somali ledahay oo halkaa ku sugnaaaaaaaaaaaaa…
waa markii kowaad e an xirto dharka hidaha iyo dhaqanka viva somalia……………..
mansha allaha hambalyo somaliyeey malaskto joogtan ishi buktaay ky bickacso ,,waxaa wax in markasta aan in aan xasuusano naga rabo waa sida hagar la’aaneed ee walaalaheena reer turkey noo garab istageen xilligii aan u bahneen walaal ilinta naga tiro garabkeena na soo istago jazakalaha turkey insha allaha abaalkiina waa xasuusnaandoona,alle na waa idin ka abaal marindoona,shacabka somaliyeedna waa in aanu ka faa’ideysana fursadaan .thnks radio muqdgisho
waa guul dhamaan umadda somaliyed u soo hoyatay