Tuesday, September 30th, 2014

DAAWO SAWIRRADA:- Kumanaan Soomaali Ah Oo Koowda Luulyo Oslo Ku Xusay Iyo Wasiirro Ka Qeybgalay

Published on July 3, 2012 by   ·   22 Comments  ·   26,055 views

Kumanaan dadweyne Soomaaliyeed oo isaga kala yimid dalalka  W/yurub, gaar ahaan wadanka Norway ayaa isugu soo baxay fagaare ku yaala Magaalada Oslo ee dalka Norway kuwaas oo u dabaal degayey munaasabada maalinta qiimaha badan ee kowda Luuyo, oo ah maalin ku asteysan xurnimada gobalada koofureed iyo israaca labada gobal ee koofur iyo waqooyi.

Xafladan ayaa waxaa isku soo duway ururka haweenka Soomaaliyeed iyo ururka dhalinyarada, waxaana sidoo kale kala qeybgalay wafdi uu hogaaminayo wasiirka arimaha gudaha Dowladda Soomaaliya Mudane Cabdi samad Macalin Maxamuud iyo taliyaha waaxda Socdaalka   jeneral Gaafoow oo beryahan socdaal shaqo ku joogay magaalada oslo ee dalka Norway.

Wasiirka  Arimaha Gudaha dowladda Federalka ah ee Soomaaliya  Mudane Cabdisamad Macalin ayaa guud ahaan ka qeybgalayaasha ugu hambalyeeyey munaasabada kowda Luulyo darteed, waxa uun Reer Norway ku amaanay sida ay isugu duuban yihiin iyo sida ay maalintooda weyn u qiimeeyeen, isaga oo si gaar ah wasiirka abaal  marin qaali ah u gudoonsiiyey marwo Ayaan Yaasiin oo ah gabar todobadii sano ee u dambeysay calanka Soomaaliya  ka luleysay magaalada oslo ee dalka Norway.

Taliyaha Waaxda  socdaalka dalka Soomaaliya Jeneral Gaafoow oo goobta ka hadlay ayaa been la dhoodhoobay ku tilmaamay warar sheegayey in dowlada Norway ay  dib u celineyso  dadka Soomaaliyeed, waxa uuna sheegay in aysan jirin  qorshe ama talo ay bixinayaan oo ku aadan in dib lo soo celiyo dadka Soomaaliyeed, isaga oo dhinaca kale kaga xogwaramay xaalada dalka  gaar ahaan magaalada Muqdisho isaga oo  kula kaftay reer Norway in ay ku yihiin  yihiin qurba joogto ugu yar ee dalka yimaado.

Halgame C/qaadir Cali boolaay oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ka sheekeeyey taariikhdii iyo halgankii gobanima doonka soomaaliyeed, iyo sida loogu baahan yahay in mar kale 52sano ka dib in boorka laga jafo  si dib loogu soo celiyo sharafkii iyo qarananimadeenii lunta.

Marwo Ayaan yaasiin oo ah gudoomiyaha ururka haweenka isla markaana ah gabadhii keentay fikradan ah in sidan loo maamuuso maalinta qaranimada ayaa sheegtay in ay si weyn ugu faraxsan tahay lix sano ka dib in maanta qof kastaa uu calankii dhulka ka qaaday, waxa ayna si gaar ah waalidiinta iyo umada Soomaaliyeed  ugu baaqday  in caruurta la baro calankeena iyo qaranimadeena halka la bari lahaaa calan iyo gobal cusub oo aan meelna tageyn.

Waa sanadkii todobaad oo oo magaalada oslo meel fagaare ah la isugu soo baxo iyada oo loo dabaaldegayo maalinta weyn ee kowda Luulyo, waxaana lagu tilmaami karaa   in ay aheyd goobtii ugu horeysay oo sidaan oo kale wada jir loo maamuuso maalinta qaranimadeenna.

Wariyaha warbaahinta Qaranka ee Q/Yurub

C/raxmaan Maxamed Xasan (xudeyfi)

Email: xudeyfi4@hotmail.com
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-

Yurub                                              +442035190460

USA & CANADA                           +17124327760

Readers Comments (22)

  1. aqoonyahan says:

    asc dhamaan umada somaliyeed waxaan leeyahay hanbalyo … Wlh waa wax lagu farxo intaan o somali ah oo isugu soo baxay magac somaliyeed iyagoo qurbo ku nool… Waxaa mahad ilaaheey ah in umada somaliyeed ay fahantay dowladnimo iyo qaranimo waxay tahay… Qof kasta oo somali ah oo qurbaha ku nool ayaa garan karo waxay ay tahay dowladnimo , somalida gudaha wadanka ku nool badanaa ma dareemi karaan taas mana oga qaran waxa uu yahay … Aduunka meesha aad rabtid tag waxad arkaysaa magacaagi oo isku badalay somali … Ajaanibta dhan waryaa somali bay ku oranayaa so waxan dareemaysaa in aad somali tahay dhulkana aad is qaadid ay waajib kugu tahay …. Soomaaliyeeey hurdada kakaca ilaah ha inoo siyaadiyo ifafaala fiican baa muuqdeee wixi khayr ah

  2. Asc somaliyeey toosoo isku tiirsanaada waligiin diintana yaan laga tagin dhaqankana diinta yaan laga hormarinin wabilahi twfq

  3. jalteey says:

    asc mashaa allah xuska 1luulyo (1 july 2012) waxaa qaaday reer norway magaalamadaxda wadankaas ee oslo war geeda sida aad u qurxiseen waa layaabay reer uk iyo reer north america afka aad ka garaacdeen mashaa allah hambalyo ayaan idinleeyay ma malykartid sidaan ugu farxay sawiradiin waana ku soo celceliyaa ilaa aan kadaalo guul soomaaliya hanoolaato amiin asc

  4. M.muridi. says:

    asc. hambaalyo umada somaliyed makasto aye jogaan 1 luuliyo waa farxad ween dadka somalida si ayee isku sobaxeen. guul somalia dowlaad laan waxaa wayee dareen la aan. halaa tageeyo dowlaada somalia. guul.

  5. roble says:

    soo laabta soo aruura nabad ku so aruura

  6. yaxye says:

    asc somaliyay gabdha quruxda badanle ee calanka wajiga ku sawirtay markaa nii arkay aad aan ugu farxay inaad wadani tahiin ee cadayhee maasha alaah ilaah hanii naxariisto aduun iyo aaqiro lakiin waa yaraydee gabdha sawirka calanka ku sawirtay mar kale haday dhacayso wax soomaali ka dhaxeeyo soo qal qaaliya saxiibadii oo uga soo sawira calanka mahad sanadiin

  7. HIRAABE says:

    Maasha aalaah 1 luuliyo aad aa u habeyseen reer oslo muwadiniin iga dheh
    meesha waa ku jabay reer ingiriiska oo ah meesha soomali ugu badan yurub
    wax ay sameeyeen ma jiraan

  8. ArimaHeena says:

    SAAN UGU FARAXSANAHAY LAMA QIYAASO KARA MARKAAN ARKO SHACABKEENA OO ISKU IMAANAYA DAL IYO DIBAD IYAGOO U DABAALDAGAYA XORRIYADA IYO NABADAEYNTA QARANKA :) PEACE PEACE I FEEL CRY… SOMALIA WAKE UP

  9. Mohamed ahmed Abdi says:

    waan maxabooday maashaa allaah, niyadda ka muuqata hablaheena ayaan wax lagu doorsado lahelin, yaa wadanii, allow u sahal qof hankooda la raadsha oo wadani ah!! Aamin Aamin

  10. madaxda mustaqbalka says:

    wooooooooooooooooooooooooooow 1 kowda luliya sanad kaan quf ka haray ma jiraan ayaaba dhihi karnaa maxaa yelay somalia meel walba ee jogaan waa ku dhigeen masha laah somalia hanolaato <3 <3 <3

  11. laylo says:

    Hanbalyo hanbalyo muwaadaniintii dalkeena waan idin jeclahay waligee u istaaga wada jirka

  12. Bashir says:

    asc soomaaliaweeyn wan kuu farxay sida aad iskugu xiran tihiin reer osslo hambalyo hambayo waxaan dhamaan u rajaynayaa somalia oo is raacda oo nabad ku wada nool iyo Dawlad caadil ah madaxweeyne aan lahan waardi ,wasiir aan lawardiyay oo iska dhexmushaxa shacabkiisa qaaliga ah Hambalyo mar kale soomaalia weyn asc

  13. asc umada soomaliyeed slaan kadib waxaan i leyahay nabdada radiya sidii dakii hore uraad sheyn o kale nabad laa aan waa nol laan

  14. reer noorwey gacan ayaan idiin taagay waxaan idin siiyay bilad sharaf waxaad gasheen koowaad xaga wadaniyada hanbalyo dhamaan umada soomaaliyeed meelkasto aad joogtaan qaasatan soomaalida oslo waligey matagin noorwey laakiin inshaa alaahu waan imaanayaa samarkaan fifa norgeh fifa wadaniyiinta

  15. abdulaahi says:

    wadankeeeenaaaaaaaaaaa nabad

  16. cabdalle says:

    ad iyo ayaan ugu farax sanahay malintaan waayo waxay indhahega qabteen in ay dakeena is jecel yahiin mare ma aminsaneen in ay somaali meel ay iskugu imaaneyso waxan leyahay somaali ha israacdo mahadsanid

  17. Hanbalyo wcn dhaman shacabka somaliyed

  18. i love somaia waa wadankeyga waana jeclahya dhib iyo dheef i love my dhigeyga my wadan keyga i love muqdisho gar ahan kpp

  19. Asc madham dad wenaha soomaalida manta wanku faraxsanahay maxayelay waa malinti weynet oo dad isugu yid 1 luula mar labat waxan leyahay hanbalyo tinrayoleh by

  20. Marlabat waxandhihilahay satkaso socda halagudhigo muqdisho mabta wanabat muqdisho birine waa sidokale by somaliwen

  21. wadaniyad says:

    calanyahoow tilmaam wacan baa midabkaadu taag ku yahoo xidigtii na tirineysaa dhexdda kaga sii taale somaliyeey toosoo toosoo isku tiirsadaye hadba kiina taag daranee taagera waligiinee somaliya ha noolato somaliya ha is raacdo somaliya ha midowdo love my shacabkeyga smaliyeed meel walbaba love muqdisho my caasimaddeyda allow dhowr

  22. Hanbalyo Hambalyo

    wacaan dhaman shacabka somaliyed




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Toos U Dhageyso Radio Muqdisho

Wararka

1

“Sawirro”Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud oo u amba baxay dalka Sucuudiga

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud ...
Luuq dagaal

Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo la wareegay deegaanka Raage Ceelle

Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa Nabad Ilaalinta ...
Agoonta Gaalkacyo 5

Deeq Lacageed oo la gaarsiiyay Agoon ku nool Gaalkacyo “SAWIRRO”

Deeqdaan lacageed oo aheyd mid ay soo dhiibeen ...
Wasiir ku-xigenka iyo Safiirka Turkiga Olgan Bekar

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo qaabilay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

[caption id="attachment_207430" align="aligncenter" width="360"] Wasiir ku-xigenka Arrimaha dibadda ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/09/War-Duhur-30.09.2014.mp3"][/audio]
w_muqdisho_5

Hirgelinta nidaamka Federaalka oo maanta laga hadlay

Shirka looga hadlayo kobcinta tacliinta sare ee dalka ...
cabdiweli1

R/ wasaare Cabdiweli: “Dowladda Switzerland waxay naga caawineysaa Nidaamka Federaalka”"DAAWO VEDIO”

Wefdigan uu la kulmay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, mudane ...
j7

Boqortooyada Sacuudiga oo Soomaaliya ka caawin doonto arrimaha garsoorka “SAWIRRO”

Wasiirka Garsoorka iyo arrimaha dastuurka ee xukuumadda Soomaaliya ...
Wasiirka Arrimaha gudaha Cabdullaahi Goodax (Sawir hore)

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo deeq raashin ah ka guddoomay hay’adda bisha cas ee Turkiga”DAAWO VEDIO”

[caption id="attachment_172844" align="aligncenter" width="640"] Wasiirka Arrimaha gudaha Cabdullaahi ...
Qarax

Mowqifka Islaamka & Is-miidaaminta

  In qofku gooyo naftiisa waa dambi aad u ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Subaxnimo

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/09/WAR-SUBAX-30-9-2014.mp3"][/audio]
New Deal

Shirka looga hadlayo hirgalinta New Deal oo maanta la soo gabagabeynayo

Maanta ayaa lagu wadaa in la soo gabagabeeyo ...
howlgal-ciidamada-xds-515x343

Ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo ku dhow degmada Cadale

Ciidamada ammaanka iyo kuwa midowga Afrika ee AMISOM ...
IMG_4315

Madaxweynaha oo la kulmay maamulka iyo shaqaalaha gobolka Banaadir-”DAAWO VEDIO + SAWIRRO, DHAGEYSO”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan ...
Magaalada-Beledweyne1-300x233

Sheekh Caan ah oo lagu dilay Beledweyne

Kooxo hubeysan ayaa xalay magaalada Beledweyne ku toogtay ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12-150x150

Dhageyso barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
gaafow

Soomaali Si Qasab Ah Looga Soo Tarxiilay Norway Oo Dib Loo Celiyay

Waaxda socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa maanta muwaadiniin ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka habeennimo ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/09/WAR-HABEEN-29.09.2014.mp3"][/audio]
Sawirka Gudoomiye Jawaari

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka Oo Kulan La Qaatay Safiirada Turkiga Iyo Q.M Ee Soomaaliya

Guddoomiyaha golaha shacabka ee Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhurnimo Ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/09/WARKA-DUHUR-29.9.2014.mp3"][/audio]
Al-Shabaab-Somali-Islamist-Group

Khilaafka iyo kala qeyb sanaanta Shabaab oo sii xoogeystay “DAAWO Warbixinta”

Khilaaf iyo kala qeyb sanaan hor leh ayaa ...
ridwan

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo furay shir looga hadlayo kobcinta tacliinta sare

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Awqaafta iyo Diinta ...
DSC03602

Shirka Hiigsiga cusub oo looga hadlay xalinta caqabadaha jira “SAWIRRO”

Shirka hiigsiga cusub oo galay maalintii labaad ayaa ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/09/WAR-SUBAX-29-9-2014.mp3"][/audio]
baydhabo

Dib u dayactir lagu sameeynayo waddooyinka Baydhabo

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka socda mashruuc dib ...
ciyaar jecel

Abwaan Cabdi Shire “Cayaarjecel” oo Ummadda ku booriyay iney is gargaaraan

Abwaanka Soomaaliyeed ee Cabdi Shire Jaamac “Cayaar jecel” ...
Bisha Cas Turki (6)(1)

Dowlada Turkiga oo kaalmo bini’aadanimo soo gaarsiisay dalka (Daawo Sawirrada)

Dowlada Turkiga  oo ka jawaabeysa baaqa dowladda federaalka ...
DSCN0866

Ra’isulwasaaraha Oo Guddiga Joogtada Ah Ee Baarlamaanka Uga Jawaabay Su’aallo La Xiriira Dekedda Muqdisho “SAWIRRO”

Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12511

Dhageyso barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
muqdisho_1

Akhriso: Daraasad ku saabsan amniga iyo garsoorka oo la soo bandhigay

Munaasabadan lagu soo badhigayay warbixin qiimeyn u ah ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/09/WARKA-HABEEN-28.9.2014.mp3"][/audio]
DSC03517

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo furay shirka hiigsiga cusub oo looga hadlayo amniga “SAWIRRO”

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Awqaafta iyo Diinta ...
xukun1

Maxkamadda darajada 1aad oo xukun dil ah ku riday rag lagu soo qabtay jidgooyo “DAAWO VEDIO +Dhageyso”

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidmada qalabka sida ee ...
Qeybdiid

Maamulka Galmudug oo soo dhaweeyay baaqii nabadeed ee Xukuumadda” DAAWO VEDIO”

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ...

Tubta Toosan

Qarax

Mowqifka Islaamka & Is-miidaaminta

  In qofku gooyo naftiisa waa dambi aad u ...
Nabad

Samaanta Nabadda & Xumaanta Colaadda Dhageyso

  Sida Shucuubta kale ee dunida ayay Shacabka Soomaaliyeed ...
Sheekh Nuur Baaruud

Sheekh Nuur Baaruud: Xamaasad iyo Jaahilnimo diineed ayay ku sifoobeen Al-Shabaab

Guddoomiye ku-xigeenka Hay'adda Culimada Soomaaliyeed ahna afhayeenka hay'adda ...