Sunday, September 21st, 2014

Daawo Sawirrada kulanka Madaxweynaha J.F.Somalia uu la qaatay Madaxda Mareykanka iyo Jaaliyada Soomaalida

Published on January 18, 2013 by   ·   49 Comments  ·   22,619 views

Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama ayaa maanta Aqalka Cad kula kulamay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.


Kulankaas kaddib ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sidoo kulan la qaatay  Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee dalka Mareykanka Hillary Clinton xarunta wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka (State Departement) halkaas oo si rasmi ah dowladda Mareykanka u ictiraaftay dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si weyn ugu mahadceliyey dowladda iyo shacabka Mareykanka sida ay u garab taagnaayeen waqtigii ay ummadda Soomaaliyeed ku jirtay dhibaatada daba dheeraatay. Wuxuuna hoosta ka hariiqay in maanta oo ay taariikhdu tahay 17ka bisha January ay tahay maalin taarikh wanaagsan u ah xiriirka dowladda Mareykanka iyo dowladda Soomaaliya.

Madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray in Dowladda Mareykanka ay Soomaaliya si dhow ula socotay xaaladda dalka Soomaaliya tan iyo markii ay burburtay dowladdii hore ee Soomaaliya, wuxuuna xusay in doorka mareykanka uu yahay mid aan la illoobi karin oo ay dadka Soomaaliyeed xusuusan doonaan. Xiriirka labada dal ee soo jireenka ah ayuu sheegay in uu waa’ cusub hadda u billowday kaddib muddo dheer oo ay Soomaaliya dowlad la’aan soo ahayd.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka khudbeeyay xaruunta CSIS ee magaalada Washington. Isaga oo warbixin ka bixiyey xaaladda guud ee dalka, wuxuuna si gaar ah uga hadlay xaaladaha ammaanka, isagoo xusay in ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ay ku howlan yihiin sugidda ammaanka dalka, sidoo kalena wuxuu xusay in ay qaraar ka soo saareen wax ka qabashada dhibaatooyinka loo geysto dadka biri-ma-geydada ah, gaar ahaan haweenka oo dhibaatooyin badan oo uu kufsiga ka mid yahya loo geystay. Tallaabooyin arrinta kufsiga laga qaaday ayuu tusaale u soo qaatay in nin haweeney kufsaday la soo qabtay, sharciga la horgeeyay kaddibna la toogtay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday in dhismaha ciidan xoog leh oo hanta nabadgalyada dalka ay hortaagantahay cunaqabteynta ay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ku soo rogtay Soomaaliya. Wuxuuna rajo ka muujiyey in cunaqabateyntaas la qaadidoon.

Madaxweynaha ayaa si weyn u ammaanay doorka dowladda Turkiga ee gacan-siinta Soomaaliya, wuxuuna sheegay in madaxda sare ee dowladda Turkiga ay si toos ah u taageerayaan Soomaaliya ayna ka fulinayaan mashaariic horumarineed oo adeegyada bulshada u badan, wuxuuna xusay in uu dhowr jeer ku soo noqnoqday Muqdisho Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Turkiga oo kormeeraya sida ay u fulayaan mashaariicda ay dowladda Turkiga ugu deeqday Soomaaliya.

Dadka dembiyada loo soo xiro ayuu sidoo kale ka hadlay, wuxuuna sheegay in ay heli doonaan wixii ay sharciga hortiisa ka helaan, wuxuuna caddeeyay in isaga iyo madaxda kale ee dowladda iyo cid kasta oo dowladda ka tirsan aysan faragelin doono waaxaha cadaaladda ee dowladda. wuxuu caddeeyay madaxweynuhu madaxweynaha in aysan jiri doonin qof dembi galay oo dadka iska dhex socon doona.

Madaxweynaha ayaa ka codsaday in ay jaaliyadaha Soomaaliyeed in qayb ka qaataan dib u dhiska dalka Soomaaliya isaga xusay in hadda laga baxay ku-meel-gaarnimada oo hadda ay Soomaaliya tahay dowladda dhameystiran. “Dadka qurba-joogta ah waxay sugayaan in dalka uu amni noqdo kaddibna ay ku noqdaan, annagana waxaan dooneynaa in aad dalka ku soo noqotaan oo aad amnigiisa iyo dib u dhiskiisa ka shaqeysaan, marka labaas tee baa hormareysa”ayuu kula kaftamay dadkii uu kula hadlayay xarunta CSIS.

 

 

 

Readers Comments (49)

  1. Mohamed kulmie says:

    Masha allah … Waa kulan muujinaya inay meel fiican marayso dowladda Soomaaliya. Haybad waxaad ku leedahay dhulkaaga hooyo, waana lama huraanee hagar li’i wax ugu qabo. Kolley dadka inta qurbaha tagay way dareemayaan dhadhanka uu leeyahay dal aad adigu leedahay iyo markaad joogto dal aad ku leedahay magaca (Soo-Galooti) ama qaxooti xitaa adiga oo dhalashadiisa haysta.

  2. WAXATCADEIFKA says:

    viva ha noolaato Somalia

  3. somali says:

    WAA GUUL U SOO HOYATAY DHAMAAN UMADA SOMALIYEED WAANA SOO DHAWEYNAYAA HORUMARKA DOWLADA SOMALIYA KA GAARTAY DHAN WALBO QAASATAN SOO CELINTII XIRIIRKA SOMALIYA IYO MAREYKANKA WUXUUNA DOR MUHIIM AH KA CIYAARI DOONAA NABADEYNTA SOMALIYA.

  4. nabadon says:

    ilaahayow soomali dhamaan is jeclaysiin oo tuso wadada saxda ah sababta oo ah waxa soomaaliya soo martay waxaa looga bixi karaa in gacmaha lays qabsado oo walaaltinimada muujino marka somaliyey aamiin dhaha oo ila aamiini

  5. shariif {midnimo} says:

    masha alh aleylahe wey rumowday in an ka baxnay mel kugar allow dowlad wan helnaye ino adkey waxan nahay dowlad awuud leh insh alh mar dhawne anago tangeyo&megag &ciidantayeeysan heysano wan arkeyna wax yar ayaa no dhiman hala samro soomaliyeey dowladane waa dadka yan lumaley in ay ma suliyinta ey ayaga dowlad yihin wan jeclahay dalkeyga hooyo somaliya hanolato radio muqdisho mahadsanidin

  6. nabadon says:

    i love somalia because is my sweet homee
    i love somalia because is my best place in the world
    marka walaalayaal waa u jeedaan horumarka ay ku talaabsatay dowlada cusub aan ilaahay u barino inuu u fududeeyo howsha ay u hayaan umada somaliyeed meel walba ay joogaan

  7. jalteey says:

    asc mashaa allah soomaali gaartay meeshii aan dooneynay inkastoo aan ogahay inay jiraan kuwa ka naxaayo horumarka dalka sida alshabaab iyo kuwa la caano wadaagay laakiin soomaali qaranimadeedii dib bay ula soo noqotay illahbaana mahadaas leh iyo waliba intii kasoo shaqaysay oo uu ugu horeeyo ex madaxwayne sheekh shariif sheekh axmed iyo madaxwayne xasan sheekh maxamuud culusow marka waxaan dhihi lahaa soomaaliya hanoolaato dowladana halagu daba faylo wabilaahi towfiiw asc

  8. daacad says:

    somaliya waan jeclahay waa wadan keyga hooyo i love somaliya illaahow nabad nooga dhig amiin amiin

  9. cade says:

    as c mudane madaxweyne runtii waad dadaaleysaa ilaah ha ku garab galo waxaad qaaday talaabo muhiim ah waana ku faraxsanahay habka ay dowlada mareykanka u citiraaftay dowlada federaalka soomaaliya ee aad hogaankeeda hayso ee waxaan kaa codsanayaa inaad war sax ah ka keento qaramada midoobay si ay u qaadaan cuna qabateynta hubka ee saaran dalkeena ka dib aad muujiso heshiiskii dhexmaray dowlada turkiga iyo dowlada soomaaliya kaasoo ahaa iskaashiga ciidanka labada dal allaah ayaa mahad leh kadib waxaan u mahad celinayaa madaxweynaheena dadaalka wado in sha allaah noqo mid daacadnimo ku dhaqmo

  10. mustafa mukhtaar says:

    IS GOOD I,M VERY HAPPY IF YOU COMMUNCATION FOR SUPER POWER
    AAD AYAAN UGU FARAX SANAHAY INAAN WADAHALNO QUWADA ADUUNKA OO WALIBANA DHAHAAN WAAN IDIN GARAB JOOGNAA

  11. mahad cadar says:

    aad ayaan ugu farxay hurmarka ay gaartay somaliya hambalyo kunjeer waxaan ka usii rajeynaa waxqabd wanaagsan iyo nabad galyo lagu soo dabaalo somaliya allahoyow dalkeena noo hagaaji

  12. wadani yare says:

    masha allah waa lo bahanyahy sidaano kale maxa yelay waa muhiim xiriirka caalmka habalyo ayaan kulenahy nudane madaxwayne

  13. Wadaniga dhabta says:

    Soomaaliya wadaddii cadeed cagta saarnayee
    Dowlada Soomaaliya waa inay ka faa,iidesata fursadahha iyo xiriiryada caalamka ee daib so noqday,Dowlad wanaag iyo wadan u furan caalamka una diyaaar ah hurumar iyo iskaashiga caalamka lana hanaqaadi karto asaageeda,madaxda qaranka waxaan ka sugeenaa inay dhisaan hanaan Dowladnimo iyo Qaranimo lagana hortagaa musuqmaasuqa iyo wax isdaba marinta waxaayno sugnaa waa hurumar Hur u soco nasiibkaa gayaanka waad gaari Forza Soomaaliya

  14. yusuf says:

    wa arin lagu farxo runtii

  15. ibra bitoole says:

    mudana madax weyne allah yaa cizak wixii cadow ah allaha kaa qabto insh:allah somali guul

  16. Hassan says:

    waa wax wanaagsan oo lagu farxo guul ayaan lee yahay somali oo idil.

  17. Jimale says:

    waa talaabo horumar leh – tani ma aha hadal waa wax qabad muuqda oo la qiimeyn karo, laguna ammaani karo madaxda Dowladda- waxaan idiin rajeynayaa Guul – waana idin Garab taaganahay Insha Allaah.

  18. cali says:

    illaahow wadankeena nabad iyo kala danbeyn kuna saleysan shareecada islaamka nooga dhig waa taageersanahay waxii somalia nabadeeda jacel

  19. mohamud says:

    waa wax wanaagsan xariirka labada wadan ee somalia iyo unated state of america.

  20. Xoriyo says:

    asc maashaa allah, maanta aqoonsigan uu Mareykanka aqoonsaday Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed, waa mid si aad u weyn u farxad gelisay shacab weynaha soomaaliyeed oo kala jooga dalka gudahiisa iyo dibaddiisaba. Qaasatan qurba joogta soomaaliyeed si gaar ah ayey weliba arrintan u soo dhaweynayaan,waayo Mareykan oo Super power ah haddii uu aqoonsaday qarankeena waxaan shaki ku jiran caalamka intiisa kalena ay sidaa ugu dayan doonaan, halkaasina waxey ka heli doonaan qorba joogto in la ixtraamo sida shacoobta kale ee ka kala yimid dunida daafaheeda, taasina waa guul soomaalaida dhan u soo hoyatey waana soo dhaweyneyna.
    Waxaan aad ugu hambalyeynayaa Dowladda Federaalka, iyo masuuliyiinteeda oo waxaan leeyahay, mudadii afar bilood aheyd dowladdu horumar wanaagsan oo la taab karo ayey ku tallaabsatay, waatan maanta keentay in uu Mareykana aqoonsad. Haddaba waxaan leeyahay masuuliyiinta qaranka uu ugu horeeyo Madaxweynaha, Halyey Prof. Hassan Sheik Mohamud, iyo Prime Minister-ka Dr. Saciid Abdi Shirdoon, iyo Raisul Parlamaanka, Prof. Mohamed Osman Jawari, xilbaanda qarabka, wasiirada, iyo shacabweynaha soo maaliyeed oo iyaguna had iyo jeer heelan, iyo ciidamadeena madaalayaasha ah, oo si hagar la’aan ugu shaqeynaya dadkooda iyo dalkoodaba iyo Amison, oo iyadana gacan mug leh ka geysatay xasilinta dalka dhammaantiin mahad aad u baallaaran ayey ummadda soomaaliyeed idiin celineysaa, waxeyna rajeyneysaa in la sii laba laabo horumarkan deg-deg ah eynu gaarnay, oo idinku sababtu aad u tihiiin.
    Waxaan leeyahay soomaaliya ha noolaaro, ha israacdo, ha midowdo, hana guuleysaro. Wa Bilaahi Towfiiq.

  21. abdullkarim says:

    waaaaaaaaaaaaaw maaasha allaah waa wax wanaagsan in aan xiriirka 2mada dal lasoo celshaaaaaaaa
    mudane madax weyne noolow cadowgadana unolow

  22. wlh aad ayaa igu farsanahay ma adaamo ee la aqoosadaay doladsa amirkaga waan soo daweynahaya

  23. fadumo jambaluul says:

    mashaa allaah alaha noo adkeeyo dowladnimada waana riyadeni oo alaha ween noo rumeyey wxana leyahay dhamaan somali ween hambalyo somali hanolato!!!!!!!!!!!!!!!

  24. kulakufe says:

    ilaahow adaa mahad leh, inta noodhimanna ilaahow noofududee …. intaaani waa hor dhac, ciyaarta walli waxbadan ayaa dhiman, laakiin, way dhamaanaysaa inshallah

  25. nimco says:

    Maanshaa alaah ilaahoow adaa mahadaa leh oo horumarkaa na gaarsiiyey viva dowlada soomaaliyeed aloow wanaaga noo sii wad alaahu agbar , ka naxoow nafta waa ku farxoow ilaahay dhib kuma tuso viva dowlada and amison iyo walaalaheena Reer Jabuuti .

  26. c/bashiir says:

    mashalaha meel walba inshalaha aduunka oo dhan somali nabad iyo caano inshalaha

  27. Muwaadin says:

    Maashaa allah aadaban ugu farxay mudan adaxweyne alla haku dhowro aad ayaan usoo dhaweyneyna hadi anahay shacbka somaliyed e ku nool wadanka souh africa waxaaan sa dhi lahaay madaxweynaha 2 mideee ayuu doran lahaa waa mida koowade ,in aad marto meeshi eey mareen madxdi ka horeysay oo ehed maxaa igalay jebka nabad lagal taaso runti dib noo dhigatay ….., waa tan labaade misa waxaa doneysaa ineey taariiqdu ku xusto dhowr qarni taalooyina luguu dhiso daddka somaliyeed na ey si dhaba kuu aaminaan madaama aad aatahay amiirka soomaliya waxaan kaa rabnaa inaad ku dadaasho 5 qodob 1 arrimaha dinta oo ah aas aaska umada umada umadu hadeysan diin leheyn wax jira maahan dulli ayaana udanbey doona 2 dib u dhiska ciidanaka xooga dalaka soomaliyed 3 xariir wanaagsan oo lala sameeyo dowladaha aan deriska nahay 4 inaaad ufasaxdo dowlada turkiga wax alla iyo waxa ey naga donayan anagna ey nooqabtaan wixi aan dooneyno kana dhigato sxbkaaga 1 aaad ee caalamka 5 in aad dhisto caasimada soomaliya meel fogna aad geyso 4ta sano ee soo socta intaas ayaan ka codsan lahaa madaxweynaha jamhuuriyda somaliya saomlidana waxaan ugu baaqaya iney adeecaaan amiirkoooda wanaagsan dalakooda iyo dakooodan wax uqabtaan kana qeeyb qaatan dib udhiska dalakoda hooyo waa mahdsantahn asc wr wb

  28. wadani waqooyi says:

    Waxaa ah wax aad loogu farxo horumarka dalku uu samaynaayo dhinac walba taasina ILAAHAYBAA MAHADDA LEH, waxaa kale oo aan u mahadcelinayaa Hogaanka Dalka. waxaa talo ku jeedin lahaa in ceebta yar (KUFSIGA GABDHAHA) ee had iyo jeer ka dhacda AFOOYE_ILAA MARKA si dhaqso ah loo xalilo iyada oo laga bilaabaayo in la badelo Saraakiisha Ciidanka ee Qaybtaas haysta waayo way jilicsan yihiin oo kama adka gacan ku haynta ciidanka uu xukumo.kuwa arrintas ku kacana la toogto bartii ay wax ku sameeyeen.
    Allaa mahad leh.

  29. amaal khaatumo says:

    maanshallah guul, gobanimo iyo midnimo viva somalia

  30. xaliimo says:

    as/c dhamaantiin idaacada radio muqdisho hambalyo alaxamdu lillaah hadii madaxweynaheenii iyo wafdigii uu hogaminayey ay ila joogan mn i hope in ay dadkoo dhan jaanis ay ku wada hadlaan la heli karo aad ayaan ugu faraxsan wafdiga ka yimid wadankeena hooyo waxan dadka kalena aan kula talinaya in ay weyneyaan madaxdooda garab istaagaan hiil iyo hooba IPROUD TO BE SOMALIAN FOR EVER VIVO SOMALIA

  31. Fuad says:

    Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan ka muuqanno saaxadda caalamka annagoo qaran buuxa ah markale. Ilaahow na garab gal madaxdeenana waafaji towfiiqda noona adkee dawladnimadeenna…aamiin aamiin aamiin.

  32. Dr.fardax.. says:

    mashalah hadanhay qurbajogta somaliyeed garahan rer usa caway waxan sodhaweenay naa madaxweenehena sharfta badan iyo wafdigiisa qaligaa hadannahy rer minnesota..adaa ufarxsanahay dhaman somalida jogta maxayeey wafursad qaliya

  33. yasin hassan says:

    ala hana tuso in aan is sharafno nafteena, waxaana xaqiiqo ah oo shaki ku jirin sida taariikhda laga dhaxlay ama islaamkuba na tusaaleeyay umadii cadaalad ku dhaqantaa in rabi barakeynayo oo ay barwaaqoobeyso lana waayi doono cid sadaqo kaa qaadata …yaska

  34. qaliifa abdi says:

    masha alah walee somalia hada ayeyka baxe dhibki faraha badnaay

  35. xasan happy says:

    A s c umada somaliyeyd meel walbaad dunida kajogtaan dhabti waa wax lagu farxo guulaha isdabajooga ah oo ey gaareyso jamhuuriyadeena somalia dhabti wadama daneeno arimaha somalia qasatan wadamada muslimka sida wadamada khaliijka iyo turkiga waxan codsan lahaa in aad kordhisaan mashariicda aad dalka kawadaan oo aad gaarsiisaan gobol walbo ilaa degmo iyo tuulo si horomarka dalka kajiro eynu uwadaagno allow iftiinka aan aragno inoosii ifi gacmo wadajir ayeey waxku qeybsan karaan marke walaalheyga somaliyeed kan dalka guduhiisa jogo iyo kan dibada kajiro waxan ugu baaqaya in ey si isku mid ah uqashaqeyan horomarka aan manta hiigsaneyno bogi madoma weynu laabnay dagaal qarib iyo qax weynu kasoo gudubnay manta wexeynu jogna sideen kuhoromarina qarankeyna marke qof walbo dhismaha wadankaga gacan kageyso

  36. Asc wr wb dhamaan umadda somaliyeed waa guul farxad leh oo noo soo hoyatay mudane madaxweyne shaqada aad heyso sii labo jibaar waa laa shukri calal waajib waa tii aad u dhaaratay aqoontada dacadnimadad wadaniyada diintada cabsida illahey dalkaga hooyo shacabkaad udharatay intaba intaad fiiriso wadada ugu wanagsan nagu hogaami oo ciidanka xooga saar fadlan raga difaaca dalka diinta iyo dadkaba u taagan hala qanciyo niyada haloo dhiso raga xafisyada fadhiya oo aad adiga ugu weyntahay walaahi iyaga ka mudan ee askarta hala niyad dhiso hadan dalka nabad karabno shaqalaha qaranka wad mahadsantihin qalbiga ayad no qabojisaan allaha idin qabojiye somaliya somaliba leh

  37. nabad doon says:

    waxaan hilmamey oo aan soo racinahaya.taladeydi aarin aad u muhiim ah walalo yaal,shaqalaha dowladu haa ogadaan somali wax dhintey iyo wax dhaawaca iyo waxa bukaan la jiifa weeyan dadka qaarna qalbiiga iyo jirkey kajiran yihiin, oo qaxooti iyo qaxbey ku daleen qarna xabadii dagalaadi ayey kunafooben waxaan usheega haya dowlada somalia qoof mantey aqli leh oo cafimaad taam ah heysta waa yar yahey.waxaan oo gahey dadbadaan oo qurbaha kudaaley ama ku xanunsadey iiney wadankii dib ukuso labanahaayan,sas daradeed dalkooda yaan lagu dhibiin oo waxaan ogahey africa oo dhan airborka ama meel jeckpoint ah hadad timaado, dhib iyo iskadaba wareejis ayaad la kulmeysa waxaana keenahaya shaqalaha kashaqeynahaya meelahas oo ah dad musuq masuq iyo jahli uu ka buuxo dowladu ha toba barto dadka ka shaqeynahaya airporka ee somaliada ah hana siiso shaqadaas dad luqadiihi adunkana yaqaan ilbaxna ah aqli iyo wadanii nimana leh siiba waxan iidin dhihi laha shaqadas halo toba baro dhalinyarta qurbaha kasoo labtey ee uso hilobey dalkoodi hooyo ayaga aad u dareynsan qeymaha dalku leeyehe,waxaan ka hadlahaya waa airborka walwalbadan ayaan kaqaba oo ma doonaha haayo iin lagu jiid jiido hooyo qurbaha kusoo daashey,2 labaad oo aan hilmamey waa cidanka, sarakiisha waa iin ay cidanka somaliyed daba iyo dacalba amarkusiyaan iiney salada tukadan waayo waa dad muslim ah nin aan salad tukanenyna waa qainulwadan waa been low kufsi iyo beena ma deynahayo.markale waxaan lee yahey mugdisho radio gudbi fartintan,somalia haa is racdoo
    tixbaan hoos idinkugu tirinee madaxa u taaga;tiiranyo iyo waxaa na dileey taah aad noogu raagey’ somali weyn tuugsi iyo waxa la bidey tacaddii aad uweyne tagoogaha laga jarey iyo ximinka tarankee turkaana iyo turki iyo tobanan kalo wadan’meelkastoot tagtaba somaliba taagan’illahow tubta tosan nagu tosiyo tobada na halelsii ilahow togbaa curtee somali lugta ku istaagta.madaxdana allow no hagaajiyo qilafka ka hey iyo is qab qabsiga.wabilahey towfiiq raba tala kufilan

  38. asc waan idin salmay dhamaan umada somaliyed waxaa noo soo hoyday gool ad u way o uu keenay madaxwaynaha jamhuuriyada fadaralka somaliya mudane xasan shiikh mahamud ooo si daacad ah u wada howlihii loo igmaday waa nin culus waa daacad waa wadani ilaahayow noo daa caadil kaas

  39. abdinur geele says:

    masha alaaah ilahay ha guuleyo somalay

  40. libaan says:

    wwwwwwwwww waaaguul lagu farxo aloow dhooor madaxweenaheena ooo aaan wada garab istaagno waaad ujedaaan somaliyeeeey inuuu dhabihiii iftiinka inuu cagta noo saaray aan iska dhaafno qabiilka aaan wadanimada ku dadaalno oooo danteena kuwada jirto inaa midnimo noqono nabad iyo barwaaqo ku nolaaano ilaheeey hanoo kaso wlh ilin aaa iga timid murkuu madaxweynaheena nagu soo boqday minnesota hanoolaato somaaliya

  41. bilqeyr says:

    Asc,anigoo ah xaawoluul xuseencali kumagacdheer (Bilqeyr) waxan salaamayaa umada somaaliyeed meelwalba ay joogan gaar ahaan saxafiyiinta soomaaliyeed ee marwalbaa nosoo gudbisa wararka iyo akhbaaradka caalamka, waxan aad ugu faraxsanahay in dowlada soomaaliya ay kamid naqatay dowladaha caalamka anagoo mudo dheer dhibaatóyin kala duwan kujirnay maantase aan kasoo baxnay mugdigii, waxan baaq udirayaa umada soomaaliyeed meel walboy joogan in ay gacanta iska qabsadan oo ay usoo jestan midnimo qaran anagoo ka faa’iideysaneyno jaaniskan aan waligen ina soomarin, sababto ah dhalinyarada somaliyed waligod ma aysan arag dowlad ka jirta dalkooda waxan dhalanay dalkii oo burbursan iyo dagaalo qabiil ayadoo lagu jiro sidaa awgeed dowladii waa inoo dhalatay ee aan la shaqeyno anago dalkeena kusoo wada laabano insha’allah guul somalia.

  42. Ina hasan says:

    Dowldnimo jir Dowladnimo joog mash allaah farxada qalbigeeyga ma qiyaasi karo markaan arko madaxdena oo magaceena somalaia huwan caalamkana horgeyneesa ilahoow halka aan hiigsaneena nagu sim ya rabii guuleeesta insh alaah cadawgana iyo kuwa dalaka ka qoqobaya allaha naga qabto inshaa allaah

  43. sayidomar says:

    Masha allah … Waa kulan muujinaya inay meel fiican marayso dowladda Soomaaliya. Haybad waxaad ku leedahay dhulkaaga hooyo, waana lama huraanee hagar li’i wax ugu qabo. Kolley dadka inta qurbaha tagay way dareemayaan dhadhanka uu leeyahay dal aad adigu leedahay iyo markaad joogto dal aad ku leedahay magaca (Soo-Galooti) ama qaxooti xitaa adiga oo dhalashadiisa haysta.

    waxaa kala oo aad ugu farxaynaa sida wanaagsan ee loo soo dhaweyey madaxweynaheena soomaliyed ee kuwa banaanbax abaabulay waxay la mid yahiin kuwa maanta ciidamadaena kula dagaalamayaan wadankeena hooye ee alqacida ee soomaalida nadiifka waa kuwa aad ku argtaan sida wanaagsan ee madaxweynahooda u soo dhaweyeen waxaan ala uga tuugi in ala tusa wadanka macaanka uu lee yahay waayo aniga hadda waxaan ku noo lahay yurub (bilgiem)habeena kuma sexdo sidaan wadankayga ku qabay wayo xili aan galo qaboow xili aan galo kuleel wadankeena cimaladiisa ayaan sii san karin ee aloow wadankeena sharafta iyo kala danbenta alow noo soo celi aaaaamin

  44. sayidomar says:

    way dareemayaan dhadhanka uu leeyahay dal aad adigu leedahay iyo markaad joogto dal aad ku leedahay magaca (Soo-Galooti) ama qaxooti xitaa adiga oo dhalashadiisa haysta.

    waxaa kala oo aad ugu farxaynaa sida wanaagsan ee loo soo dhaweyey madaxweynaheena soomaliyed ee kuwa banaanbax abaabulay waxay la mid yahiin kuwa maanta ciidamadaena kula dagaalamayaan wadankeena hooye ee alqacida ee soomaalida nadiifka waa kuwa aad ku argtaan sida wanaagsan ee madaxweynahooda u soo dhaweyeen waxaan ala uga tuugi in ala tusa wadanka macaanka uu lee yahay waayo aniga hadda waxaan ku noo lahay yurub (bilgiem)habeena kuma sexdo sidaan wadankayga ku qabay wayo xili aan galo qaboow xili aan galo kuleel wadankeena cimaladiisa ayaan sii san karin ee aloow wadankeena sharafta iyo kala danbenta alow noo soo celi aaaaamin

  45. maxamed deeq cabdi dhr xsan says:

    maansha alaah waxaan ku faraxsanahay in aan maanta caalamka indhahooda soo jiidana mudane madaxweyene iyo raisul wasaaraha iyo gudoomiya shaqa wacan iyo isu duubnaasha soomalia guul guul

  46. cabdi jabuuti says:

    ASC WR WB MAASHAA ALLAH SOOMAALIYA MEELSHII AAN ALLAH KA BARYEEYNEY BAAY U SOCOTAA DAWLADNIMO WAA DUGSII.INTAAS KA DIB WAXAAN RABAA IN SAAXIIBKAY WADDANI WOOOQOOYI U SHEEGO IN KUFSIGU AHEEYN CEEB YAR SIDDA AAD KU QORTAY WABSADKAN.KUFSADKU WAA DANBII AAD U WEEYN OO DIINTA DIL KU XAKUMTAY.KABA SII DARAN MARKUU NIN DIREYS CIIDDAN WATA OO LOO DHAARSHAY INUU DIFAACO DADKIISA UU KUFSADO GABADH SOOMAALIYEED OO AH LAF DHABARTA DADKA IYO DALKA. WAA IN LA DILAA ASKARIIGII KUFSAD KU KACAA.

    SOOMAAALIYA WAA NI JACEELNAHAY ,SOO NOQDA

  47. xaliimo says:

    as/ caleykum dhamaantiin waa farxad aad u weyn tan waxan leeyahay gacnaha ha leys qabsado aan ka naxno dadka xabsiyada caalamka ku jiro , agoonta masakiinta dadka jiran ilaah ha laga cabsado danta gaar ahaaneed meel ha leyska dhigo nin waliboow waa lagu xisaabinaye dowladaan caawi dar alle u caawi ilaah ha kuu naxariiste ninkii wax tabanayo miiska ha soo fariisto waa la qancinaa insha allaah hana leys cafiyo soomalia guul iyo midnimo

  48. sami yare says:

    mgaceyga waa saadaq cadaan oo jooga ethiopia xaruntiisa addis ababa waxaan leeyahay madaxweynaheena ha noolaaaaado dalkana cadowga haka dhiciyo nooooloooooow mudane madaxweyne

  49. fanah flash says:

    asc mar kale waxaa lagama maarmaan ah oo waajib muqadasa ah in ilaah ka sokow loo mahad celiyo dhammaan suxufiyiinta ka hawl gasha raadio mudisho iyo tv ga qaranka oo dhiigooda iyo dheecaankooda u huray iney umadaan dhega iyo indha u noqdaan kuna hagaan tubta toosan ee jecel iney wada haqab tiraan baahiyada ey qabaan kuwa dalka jooga iyo kuwa dibad joogaba mahasanidiin mahadsanidiin dhammaantiin.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Toos U Dhageyso Radio Muqdisho

Wararka

Ridwaan Xirsi

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Dalka: “Xukuumaddu Mar dhow ayey wadahadal la bilaabaysaa Puntland”

Ridwaan XirsiMuqdisho, 21, September, 2014……. Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ...
safia

Marwada koobaad ee dalka Qamar Cali Cumar oo Soomaalida ugu hambalyeysay maalinta nabadda adduunka

[caption id="attachment_205840" align="aligncenter" width="640"] Marwo Qamar[/caption] Marwada koobaad ee ...
DSCF1046

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Safiirka dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho mudane Xasan ...
1 (9)

Waddo Laami ah oo laga hirgelinayo Gaalkacyo oo la dhagax dhigay “SAWIRRO”

Wadadaan oo ah mid dhismaheeda ay iska kaashanayaan ...
Arday SIU

Jaamacadda SIU oo arday u dirtay Jaamacadda Makerere ee dalka Uganda “SAWIRRO”

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiir ku-xigeenka  Hidaha iyo Tacliinta ...
dekada

Howlaha Dekadda Muqdisho oo lagu wareejiyay shirkad laga leeyahay dalka Turkiga

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa maanta ka ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/09/WAR-DUHUR-21-09-2014.mp3"][/audio]
howlgal

Dhagar qabe ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay xaafadda Suuqa Xoolaha

Ciidamada Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa maanta ...
unnamed (1)

Golaha Wasiirada oo Magacaabay Taliyaha Ciidanka Nabad-sugidda “SAWIRRO”

Muqdisho, 21, September, 2014……. Ra’iisul Wasaare-ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ...
Ridwaan Xirsi

Ra’iisul Wasaare-ku-xigeenka dalka: “Qarankeennu waxa uu istaahilaa nabad iyo in uu la jaan-qaado adduunka”

Muqdisho, 21, September, 2014…..Ra’iisul Wasaare-ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ...
DSC_0619

Xulka kubadda Kolleyga Soomaaliya oo u diyaar garoobaya cayaaraha Zone 5

Xulka Qaranka kubadda Kolleyga Soomaaliya ayaa isu diyaarinaya ...
DSC05617

Maxaad ka taqaan shaqsiyadda Col. C/raxmaan Tuuryare “Akhriso”

Col. C/raxmaan Maxamed Tuuryare (Cumda) ayaa ah aqoonyahan ...
DSC05607

Deg Deg:- Col. Tuuryare oo loo magacaabay taliyaha hey’adda nabadsugidda

Shir deg deg ah oo ay golaha wasiirrada ...
nabad3

Magaalada Kismaayo oo laga xusayo maalinta nabadda adduunka

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa ...
Biyo-laaan.tree_

Biyo la’aan ka taagan deegaano hoos yimaada degmada Maxaas

Biyo la’aan daran oo saameeyn ku yeelatay dadka ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/09/WAR-SUBAX-21-9-2014-OK.mp3"][/audio]
unnamed

R/wasare ku xigeenka oo beeniyay inuu jiro khilaaf u dhaxeeya madaxda Qaranka

Muqdisho, 20, September, 2014……. Ra’iisul Wasaare-ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12-150x150 (1)

Dhageyso barnaamijka Bandhigga Wareysiyarada ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/09/WARKA-HABEEN-20.9.2014.mp3"][/audio]
dhadhaab

Laba qof oo galabta lagu dilay xeryaha qaxootiga Dhadhaab

Laba qof oo rayid ah ayaa gabaldhicii maanta ...
wasiirada

Madaxweynaha oo ka qeybgalay kulan golaha wasiirradu yeesheen

Golaha wasiirrada ayaa gabaldhicii caawa kulan aan caadi ...
Allaha u naxariisto

Dhageyso Xusuusta maanta oo kale labo sano kahor lagu dilay Wariyeyaal caan ah

Akhristayaasheena sharafta leh waxaa halkaan idinkugu soo gudbineynaa ...
dhalinyaro

Maamulka Degmada Hodan iyo qeybaha bulshada oo ka shiray xoojinta amniga

Kulankani ay Muqdisho ku yeesheen qeybaha bulshada iyo ...
Kulanka Haweenka

Haween la baray farsamo ay ku shaqeysan karaan

Munasabadaani oo ahayd mid tababar loogu soo xirayay ...
Wasiir ku-xigenka

Ku-simaha Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay danjiraha Yemen ee Soomaaliya

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfafinta ahna Ku-simaha Wasiirka Warfaafinta ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/09/WAR-DUHUR-20-09-2014.mp3"][/audio]
MAGAALADA-KISMAAYO-OK1

Dad rayid ah oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Kismaayo

Sideed qof oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay ...
Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si rasmi ah u furay kalfadhiga shanaad ee baarlamaanka “Sawirro+Video”

[caption id="attachment_205433" align="aligncenter" width="640"] Madaxweyne Xasan Sheekh[/caption] Munaasabadda furitaanka ...
astaanta_qaranka11 ok

Xarunta Wasaaraddii Kalluumeysiga oo dib loo dayactirayo

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ayaa maanta dhagax-dhigay ...
Dhalinyaro

Kulan looga hadlay dhibaatada qabyaaladda oo lagu qabtay Muqdisho

Kulankan oo ay isugu yimaadeen dhallinyaro ka kala ...
President1

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilka ka qaaday Agaasimihii Hay’adda Nabad Sugidda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ...
Kulanka Mustaqbalka Dhalinyarada Baarlamaanka (26)

FAAHFAAHIN: Kalfadhiga Shanad ee baarlamaanka oo furmaya

Munaasabadda furitaanka kal-fadhiga shanaad ee Baarlamaanka Federaalka ah ...
0

Waxqabadka Dowladda ee Usbuucii la soo dhaafay

Mogadishu, 20 September 2014 – Wasiirka Warfaafinta Mudane ...
baydhabo

Kulan wada tashi ah oo ka dhacay magaalada Beydhabo

Kulan wadatashi ah oo ku saabsanaa sidii loo ...

Tubta Toosan

Sheekh Nuur Baaruud

Sheekh Nuur Baaruud: Xamaasad iyo Jaahilnimo diineed ayay ku sifoobeen Al-Shabaab

Guddoomiye ku-xigeenka Hay'adda Culimada Soomaaliyeed ahna afhayeenka hay'adda ...
Godane-150x150

Maxaa lagu xasuusan doonaa Axmed Godane ? Dhageyso

Toddobaadkii hore waxaa duqeyn diyaaradeed oo Mareykanku fuliyeen ...
Godane

Taariikhda Godane, Dhageyso oo akhriso

Shalay oo Jimco ahayd ayaa si rasmi ah ...