Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay oo nooceeda oo kale aanay sanadahan ka dhicin magaalada Muqdisho ayaa xalay lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Qaranka ayadoo Munaasabadaasina ay kasoo qeybgaleen Madaxda sare ee Dalka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ay wehliyeen marwooyinkiisa, Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Mudane Ceydiid Ilkaxanaf,Kusimaha Ra’isulwasaaraha Dalka ahna Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif oo ay wehliyeen Wasiirro ka tirsan Xukuumadda,duqa magaalada Muqdisho Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan,Safiirro,Taliyeyaasha Ciidammada Xoogga Dalka iyo Booliiska,saraakiil ka socotay AMISOM,xildhibaanno,odayaal dhaqameed,abwaaniin iyo fanaaniin.
Bilowgii Munaasabadda ayaa waxaa goobta kusoo bandhigay suugaan isugu jirtay heeso,riwaayado iyo gabayo ka hadlaya qiimaha xoriyadda kooxaha fanka ee kala ah Waaberi,Danan iyo Deegaan ayadoo suugaantaasina ay xambaarsanaayeen fariimmo wadaniyadeed.
Munaasabadda oo bilaabatay abaarre 08:00PM fiidnimo ayaa markii ay aheyd 12:00AM saqda dhexe waxaa barxadda Madaxtooyada lagu saaray Calanka quruxda badan ee Jamhuuriyadeenna ayadoo cutubyo ka tirsan Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya ay salaan sharaf ka qaateen Madaxda Qaranka.
Kusimaha Ra’isulwasaaraha Dalka ahna Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif oo Munaasabadda khudbad kooban ka jeediyey ayaa guud ahaanba Shacabka ugu hambalyeeyey munaasabaddan qiimaha leh ayadoo kadibna uu kusoo dhaweeyey hadalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ugu dambeyntii Munaasabadda ka jeediyey khudbad aad u dheer ayaa uga hadlay marxaladihii kala duwanaa ee uu dalku soo maray iyo heerka maanta ay hiigsanayaan shacbiga Soomaaliyeed oo ah hormar.
Munaaabadda ayaa kusoo gebageboowday jawi wanaagsan oo farxad ay ku dheehantahay ayadoo Munaasabaddana ay soo idlaatay abaare 03:00AM waxaana xusid mudan in Ammaanka guud ee Caasimadda ay xalay si weyn u adkeeyeen Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya.
Marka lagasoo tago Munaasbaddan ka dhacday Madaxtooyada Qaranka ayaa sidoo kale waxaa munaasabad kale iyana ay ka dhacday Taliska Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Villa Baydhabo taasi oo Taliska Ciidammada Xoogga uusoo qaban qaabiyey ayadoo sidoo dalal badan oo caalamka ahna lagu qabtay Munaasbaddo lagu muujinayo qiimaha ay shacabka Soomaaliyeed u leedahay Kowda Luulyo oo ah xiligii ay gobollada Koonfureed ee Dalkeenna xornimada ka qaateen gumeysitihii Talyaaniga islamarkaana ay midoobeen gobollada Koonfur iyo Waqooyi.
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub +442035190460
USA & CANADA +17124327760
hampalyo dhamaan umada somaliyeed allow dhowr calankeena i miss you moqdisho
walaal muqdisho kuma lumin adiga ee wey ku sugeysaa ayadoo kuu hamuun qabto, ee mar uun u imoow
masha allah waa wax lagu farxo runtii hadii lagu isku fiiriyo sanadkii hore iyo sanadkaan iskuma dhawa magaaladii casimadii somalia waa xor sanadkaan iyo sida quruxda badan ee loo soo agaasimay xaflada masha allah guuuuuuuuul hambalyo hambalyo umada somaliyeed dhaamaaan
masha alah walaahi runti ilin ayanla ilmeeyaay markan arkey sida farxada leh e caawa loogu dabaal degay xuriyadeeni waxan leeyahay radio muqdisho aad iyo aad ayaad u maadsantihiin maadama aad anagoo qurbaha joogno noola socodsiisiin wax walbo waxana leeyahay dowldeena ha guuleesato ha jirto hana joogto dalkeenanaa maanta ayuu sidi xidigii cmal u ifiyaaa waxana leeyahay sidaas halugu sii wado inshalaah ilaah aya garabkjiina taagan jaale madaxweyne wan ku taageersanahay dadaaaal wsc wr wb
Maansha Allah!! I love farxada everyone kamuuqato!! Saas baa la rabaa!! Maansha Allah
Hambalyo dhaman umada somaliyed mel walbo ay jogto
kkkkkkkkk TARSAN NOOLAAW WALIGAA , CADAWGAADA HA JABO , SOMALIYEEY GUUUL GUUL INSHA ALLAH , SANAD GUURO WACAN
Ilaahow umada nabad quruxdeyda tus adaa awoodee….. Soomali ha noolaato Soomali Ha is raacdo… Alaahu Akbar
mashaa alah waa maalin taakh leh husid mudan ilaaw nabad nasiii inta dhimana noo dhamestir wadanka oo ku naalono ilaahow nasiiiiiiiiii adaa nasiin karee rabiyow waa guuuul somaaliya
runtii maalinwayn oo qiimo badan kufadhida
geesiyaal badana ay dhiigoodii qaaliga ahaa u hureen waxaana kadhashay xornimada aan maanta harsaneeyno ee aloow kii taa diidan iimaanka geli ama arla kala naga gee aamiin inshaa alaah
calanyahoow ha dhicin waligaa ha dhicin
Mudane Madaxweyne Af Iyo ilba Alaha Ka xijabo amin amin amin insha lah adiga so noqonaya sanadkan sanadkisa bashabash iyo barwaqo alaha nagu gaarsiyo amin amin,
21sano ka dib cawa waxa madaxtoyada ka dhacay lama maqal lamase arag wlhi, waxan hambalyo u diraya maamulka iyo shaqalaha Radio muqdisho oo u dhabar adeyga wax u qabashada umada soomaliyed dadaalkina meesha ka si wada By anwar shariif Toronto canada
maasha,alaah waa guul usoo hoyatay shacabka somaliyeed khaasatan reer muqdisho maxaa yeelay maanta oo kale waa maalin taariikhi eh hadane muqdisho wax dagaal ehna kama jiraan. shacabka ayagoo wax cabsi eh kujirin ayee caawa udabaal dagayaan guuuuuuuul aan ka faa ii deeysano fursadaan qaaliga eh
aduunyo alla oohin badnaa allow dalkeena nabad noga dhig hanbalyo dhaman umada somaliyeed
waxaan dhamaan ummada soomaaliyeed meel walba ay dunida ka jogaan aan lee yahay ciid wanagsan 1 luuliyo , illaah waxaan ka rajeynenaa in uu sanadkaan sanadkiisa ka dhigo dalkeyna nabad iyo barwaaqo , soomaali ha is raacd
aamiin yaa rabi
hambalyo hambalyo ummad somaliyed munasabada 1-da luulyo
Masha allah. Ilahayo nabarakey doladena
iyo umadena
dowladnimada waa sheey qaali ah aan kudadaalno somaaliyee
MAASHAA,ALAAAAAAAAAAAAH GUUUUUUUL
Waxaan u hanbali yeynayaa dhaman u mada soomaaliyeed meel kasto oo ay joogaan waxaan leyahay sanad guro wanaagsan somaliyey
Masha allah wlh farxad ayan la ilmeyay run ahanti waxan aad u xumaday xalay inan jogin dalkeyga hoyo anigo dukan s/afrca kudhax hoyanayo misna aan wayay calankeygi hambalyo somalay mel walbo ad jogtan
asc waxaan maanta tahniyad udirayaa dhamaan shacabka somaliyed iyo dowladeena aad ayaan u ilmeeyey markaan arkey qaabka munaasabada ee u dheceeso soomaaliya hanoolaato cadowgiina hajabo calanka kor alalh ka dhigo amiin
HAMBALYO HAMBALYO HAMBALYO 1-DA LUULIYO SANADGUURADII 52 AAD HAMBALYO DHAMAN UMADA SOMALIYED
Hanbalyo dhamaan shacabka soomaaliyed meel walba oo ay joogaan
hanbalyo hanbalyo ayaan idin wada leeyhay dhamaan umada somaliyed meel kasta aad wada joogtaan waxaana aad ugu farax sanahay 1 luuliya oo ah maalinta aan qaadaney xurnimada waqtigaas oo ina gumesanaye wadana talyaaniga balse waxaa si xur ah misane awood ku jirta uga qaadaney xurnimada wadanka talyaaniga maanta oo kale, sida wada oganahay maaanta waxaay sii leedahay xiisa kale maadama aaan wada midownay gobalka waqooyi galbeyd iyo koonfurta marka alle waxa ka rajeynayaa in nabad iyo barwaaqo ku noolaano
Masha allah waxana ka dowlada mudane madaxweyne waxan ku leyahay sharaf ban ku hayna 1 luulyo umada somaliyed mel walba ay calamka ka jogto waxan leyahay damashad farxad wa malinti an gumeystihi talyaniga an iska qadnay ahna marki ay is raacen gobollada koonfur iyo waqooyi waxan ilah ka baryaya in sanad ka so socdo dalkeno nabada iyo somaliyo is raacday o ay so ceshatay sharafti lagu yiqiin.bye
سلام آلله عليكم shaqaala ha reediyo muqdish hanbalyo ciid wanaagsan kowda luulyo
Masha’alah, waa wax aad loogu farxo, intii joogto oo cimrigeedu ilaahhey gaarsiiyey iney marqaati ka ahaadaan Soomali weyn oo uu dabaaldegeyso 52,guuradoodi iyo markaan xoriyada qaadaney iskuna dersaney.Ilaah ayaa mahadaas leh, haddaan markale sida quruumada kale oo u xuseyno dhalashadeena, si nabadgalyo iyo jamac ah. Ilaahow noo saaidi…aamiin.
somalia guul waan kasoo kabaneynaa 21sano ee dib udhaca nagu dhacay ilaaheyna waxan kabaryeynaa in sanadkaan kiisa kale uu nagu gaarsiiyo dalka dhan oo xor ah , radio muqdisho waan idin mahad celinayaaa
Hambalyo hambalyo umada somaliyed melkasto ad jogtan
maansha alaah waa wax lagu faraxo wana dad iga nasiib badan aan dhihi karaa inaba caadi maha ilahoow nabada noo si adkee bal eega sidee u macda nabada walee nabadiid wa naargalee iska dhaaf ilahoow rabiyoow saan iyo ka siifiican anagana ilaah nagama dhigo kuwa ku caasiya markale nabada ee heestaan insha alaah somaliya ha nolata kowda luuliya hanolaato aamiin aamiin
masha alah ilahow no dhowr calankena somaliyed
MAASHA ALAH AAD AYAN UGU FARXSANHAY 1 LULLYO
maasha allaah,hambalyo 1da lulyo somaliyoo dhan sanad sanadkiisa inaa wadan keena ugu dabaal dagno iinsha allaah.
Hambalyo ayaan leeyahay 1 Luli
hambalyo hambalyo hambalyo dhamaan shabacba somaliyed malintan qiimaha leh adbana ugu faraxsanahay munasabada quruxda badan e xalay ka dhacday muqdisho allah nimcadan no bilabatay hano sa,idiyo
maaaaaaaaaaaash alla walhi dareen weyn ayey iigu abuurtay allow nabada nosii xooji
habalyo habalyo waa maalin weyn oo qiimahadeeda aan la soo koobi karin illahayoo noo soo celi karamadii iyo qaranimadii calkaasna raboow u hiili.
Asc wr wb……
mansha allaaaaaaaaaaaah xaflad aan inaba cadi aheen ayaa xalay ka dhacday caasimadii dalka allxamdu lilaah waa wax ilaaha ylogu mahdiyo
habmalyo ayaan leeyahay munaasaba 1 luulyo maalinta xoriyada aan ka qaadanay gumeestihii talyaaniga waxaan u mahad celinayaa radio muqdisho sida wanaagsan ee wadaniyadeed uu noogu soo bandhigay qaabka uu u dhacay calan saarka waxaan leeyahay calanyahow ha dhicin
asc dhaman umada somliyed melkaste oo oo ay jogan waxan uguhanbalyenaya malinata kuweyn qalbiga qofkaste oo mawadin somlia ah oo danqanayo wan idinkugu hanbalyenaya cidama dhaman kuwa malatariga iyo boliska nabadsugada madaxwene sh.sharif labadi marwo sharakisha cidanka wasirada gudomiyaha gobal mude tarsan iyo dhaman gudomiyasha dagmoyinka muqdisho hambalyo
somalia meel walbo ay aduunka ka jogto habeenka waa qiimeysa ilahow wadankeyna iyo calankna nabad no siii
masha-allah wallahi indhaheyga ilinaa ka timid alla dowlad macaanaa oo dalkeenuna qurux badanaa.waxaan ammaan buuxda iyo bogaadin halkaan ugasoo jeedinayaa. madaxda qaranka oo uu ugu horeeyo mudane sheekh shariif iyo ciidamada qalabka sida oo u taagan habeen iyo dharaar iney ammaanka sugaan iyo bahda radio muqdisho oo markasta usoo bandhaga shacabka xaqiiqda ka jirta waddanka waxaan guudahan hambalyo u dirayaa ummadda somaliyed ee nabada jecel meelkasta oo ay joogaanba.waxaa la gaaray waqtigii aad gacmaha is qabsan leheedeen oo aad dhisan leheedeen dalkiina hooyo.guuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuul
asc hanbalyo all somali melkasto jegto waa malin ad iyo ad nagu weyn dhamanten
hanbalyo hanbalyo radiomuqdisho noolaada waxaasa ogaataan in umada soomaliya ay inii hayso xushmad noolaada radiomuqdisho sidaas kuwada maa shaa allaah maa shaa allaah ialow kuxifdi madaxweynaha soomaliya iyo xukuumadiisa soomaliya waa xor waa xor
asc mashaa allah qarankeenii staagyay ee dalkaan mudane sheekh shariif shiikh axmaed haloodaayo 4 sanno ee soo socoto soomaalina way israacidoontaa hadii allah idmo waxa noo harsana 20% iyo wax kayar ee soomaaliyay dantii ogaada oo sheekha yaan nalaga siidayn kkkkkkkk asc
waxaan salaan uu diraya shacab soomaaliyeed oo dhan meel walba joogan waxaan leyahay sanadkan sanadkiisa ilahay hanagu garsiyo cimbi dheer iyo cibado subaan , iyo nabd galiyo wanagsan inshalaha
hanbalyo dhamn somalida meelkasto oo aad jogtaaan malintaan qaaliga ah darteed allaah an dalka noogo dhigo nabad iyo barwaaqo insha allaha sanad kan kiisa kale dhaha aamin aamin aamin
walaahi waa waxfiican waana wax lagu farxo aniga ma umaleeneenin magaalada muqdisho lagu xusi karo maalinta xuriyda , waxaan u hambalyeenayaa madaxweynaha dowlada soomaaliya mudane sh shariif sh axmed iyo marwooyinka wadanka ee u dhaxa madaxweynaha
asc wwb waxaan halkan salaan qaali ah ugu dirayaa madaxda dowlada qaas ahaan m/weyne sh shariif sheekh ahmed xafidilaahi iyo dhamaan inta ku nool all somalia iyo nabad ayaan u dirayaa viva somlaia
somalia viiva hanoolato cadawgeeda hadhaco soooooooooomaaaaaaaaaaaaliaaaaaaaaaaaaa
asc dhamaan umada soomaaliyed meel waliba oo ey joogaan hambalyo ayaan udirayaa, waa sanad guuradii 52aad waxaana xusud mudan in umada soomaliyed ey magac ku dhex laheyd gobolka waxa aana hada rajeynayaa in magacenii uu dib usoo laban doono,,,xasuus,,Abwaan c/lahi suldan (timocade) Saaxirkii Kala guurnaye
Sareeyow ma nusqaamoow
Aan siduu yahay eego ee
Kaana Siib Kanna Saar
maasha’alaah ilaaheyow noo saa’idi
Maasha Allaah!
Tan ma hilmaami doonno; waa guul horumar weyn ee ummadda Soomaaliyeed usoo hoyatay. Waxaa si weyn iisii farxad gelinaya inaan arko madaxdi qaranka, ciidamadii iyo dadweynihii oo gacmaha is-heysta oo u wada dabbaal-degaya sannad-guurada 1da Luulyo. Madaxweyne Sh Shariif waa geesi wax garta, had iyo jeerna dadkiisa dhex taagan. Qaranka Allaha guuleeyo, Sh. Shariif Alla guuleeyo, Ilaahey dalka hannoo guuleeyo!
asc dhamaan umada Somaliyed meel walbo oo aad aduunka ka joogtaan gaar ahaan kuwa wadankenii hooyo joogo habalyo 1 Julaay, Somaliya ha noolaato. Waa maalin aad muhiin anagoo dhan noogu ah.
Xaflad wanaagsan madaxda iyo shacabka reer Mugdisho iyo dhamaan Somaaliya oo dhan
waa loo bogey mashaa alaaaah mahaas kasii wada howsha cadawgana cagta ka hoos xaasaska madaxweynahah waa mahadsanyihiiiiiiiiiiiiiiiiin
waa farxad iyo barwaaqo beriga muqdishoo saan loogu dabaaldegey dhalshadi soomaliya ilahaa mahadleh radiyo muqdisho sas noogu soo gudbi haaay wixi raaayo hadaanhay qurba joogta hiloow aana haayo intaan wali nasiib u yeelan iney imdaan xamar waase soo soconaa hadii ilaah idmo
masha,allah Hambalya ayan leyahy 1da Juli sanadkan sanadkisa ilah waxan ka barya wadanka o nabad ah iyo dowlada oo cagaheda isku takto amiin
hambalyo hambalyo somalia waa habeen farxadeed caawa
Salaan Ka Dib,Ilaahay Baa Mahad Leh Dabaaldegii Kowda Luulyo Oo Ka Dhacayo Dalka Hooyo,Salaan Kacaanimo,Wadanimo,Amaan Naga Gaarsiiya CQS Soomaliya,Unisom,DK Ah,Dadweynaha Sharafta Leh,Hambalyo Guud Dhammaanteyna Nigu Socoto Meelkasto Aynu Joogno – Soomaali Weyn Ha Noolaato, Madaxda DOwladda Oo Idil Giddi Ha Jiraan Sanad Walbo Insha Allah,Damaashaat Wacan,Farxad Joogto Ah Kol Walbo Wadanka,Dadka,Dowaladda,Barwaaqo Iyo Nooli Kulinti Wacan – Ilaahey Baa Weyn Qofkii Aaminaa Awood Leh, Wakaa Dalkii Wuu Isbixiyey,Geesiyaashana Way Nool Yihiin Ugu Horeeyo Aabaha Ummadda Soomaaliyeed Ee Lama Hilmaamaanka Ah Weligiis Kuna Soo Noqon Doono Mar Kale Xukunka Dalka,Dadka Soomaaliyeed Doorashadda Ka Dib Walaalkeena Cade Manoogaha,Majiiftaha,Qalbi Fiicnaha,Hogaanka Dalka,Dadka U Roonaha Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Shiikh Shariif Ahmed Iyo Madaxda Kale Ee Fara Badan Iyo Dadweynaha Sharafta Mudan Waxay Ina Leenahay كل عام وأنتم وبلد وجيش وأمن والأخواننا الأفريقيين الذين يساعدوننا محنتنا في لصومال بخيرين ورمضان كريم انشاءالله مقدما وألف شكر لكم
Soomaali Soomalinimo Ha Loo Dhaafo Way Guuleysandoontaa Weligeed,Kaalaya Arka Dalka,Dadka,Isbadalka Ka Dhacay Dagaaladda Ka Dib, Horumar,Barwaaqo,
ILLAAHOOW…….SOMALIYA NOO NABADEEY KOLEEY SOMALI WAATAN BISLAATEEE LAKIN WAQTIGU WAA KAN IS BADALAYEEE SIDEE NOQONDOONTAA SOMALIYA.
guuuuul farxad qiiro ayaa na qabatay markaan arkay calanka oo la saarayo runtii dadkoo dhan badankood sida qurba joogta ma aysan filanayn sanadkaan in ay sidaan naqan doonto arinta lkn waa ilaah mahadii iyo ciidanka qalabka sida guulshaan ayagaa horseed u ah
maasha alaah dalkasta waxaa uu leeyahay taariikh u gaar ah anagana sidoo kale umada waxaan leeyahay isku mid noqda oo iska daaya qabiilka madaxweynaha waxaam leeyahay waxaa tahay mas uul qorkasta kaasaran in aad ilaalisid xuquuqdiisa wabilaahi toqfiiq
ameen
masha/allah lkn waaxan kaa cuudsaaneyna in talavationka khaaranka iido live ah noogala soodiyo plz iido caalanka laasaraayo ayaan raabnaa in aa fiirsaano iyo ciidanka banbeeyda siide u tomaayan astanta caalanka
alahoow somalida u gar gar oo isku soodum quluubtooda nabdu wa qali coladu wa raqiis
mash allh runtii waa wax lagufarxu inay madaxweeynah iyu shacbka soomaaliyeed inay is lafarxaan allh yoo dalka nabad nuukadhki hanbalyu madaxweenh iyu shcabka soomaaliyeed wan idinh salaamayaa
hanblayu hanblayu hanblayu
Maashaa’alaah Allahayow sanadkan kiisa kale nabad iyo cadaalad nagu gaarsii. Sanadkaan iyo kii hore farqi ayaa u dhexeeye. Inshaa’alaah kan dambana ka sii fiican. Soamlia Guul, Hurumar, barwaaqo, Nabad.
waxan hambalyo udiraa umada somaliyed ee kunol dunida dacaladeda waxan leyahay sanad guuro wacan alahayow saman iyo wanaag adigaan kaasugeynaa silac iyo saxariirta diida oo dorta dalkiina iyo dadkiina sareeyow manusqaamow kana siib kana saar an eegee sidow yahay
asc dhamaan dadweyne somaliyeed waxaan le yahay sanadwanagsan sanadka sanadkis ilahey nawad ha nagu garsiyo aamiin waana salaamantihin raag iyo dumar ilaahow somaliya nawad nooga dhiig aamiin
hambalyo shacabka soomaliyeed 52 guuradii kasoo wareegatay xoriyada gobalada koonfureed iyo isracii walaalaha waqooyi hambalyo
MUDANE MADAXWEYNE SHEEKH SHARIIF SHEEKH
AXMED
DHAMAAN GOLAHA XUKUUMADA SOOMAALIA
GAAR AHAAN XOOGA DALKA IYO TARZAN
KHOLOBAA CALANKEEDU WAA CEYNOO INANA KEENU WAA CIR KOO KALA EE CALANKENA IFTIIMAY XIDIXTAA KU ASTEYSAN ILLAAHII INA SIIYAY ISAGAA KU ABAALEH SANADKAN KIISA KALLE GUUL GUUL GUUL IYO GOBANIMO
AAMIIN AAMIIN AAMIIN
ALLAHAYOW
mansha allah ilaahow umadeena qalbigooda isku soo jiid somalia hanoolato somalia midnimadeedu waa muqadas calanka blue gaa waa muqadas somalia umaac for ever (K)(L)(L)(L)(K)(K)
Mash alah, waxaa Hambalyo udirayaa dhamaan shacabka soomaaliyeed meelkasta ee jogaan, waxaana leeyahay ilaah sanadkaan sanadkiisa kle nabad iyo barwaaqo hanagu gaarsiiyo iyo wadankeena oo aan kulaabano, 1july maalin aan la iloobi karin, Hambalyo soomaaliweeyn.
shaaab duligiiii ilaahay baaanaga dulqaaday
Masha allaah. Sheekh shariif waxaa saaran mas uuliyad weyn allaha la karabkallo aamiin allahayow
masha allah wlh wa malin aad u qima bdn wa malin xasus mudan uma somaliyed mel walbo ey jogan waxan idin leyahay so dhaweyn wcn sanadkaan kiisa kale illah nawad iyo kaladambeyn iyo dowlad cadila hanagu garsiiyo intii udhimatayne xurnimada wadanka iyo wadaniyada illah janadii hakawarabiyo amiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin guul somaliweyn mel walbo ey jogaan
waa maalin farxad weyn u leh dadweynaha soomaaliyeed meel kasta oo ey joogaan waxaa leeyahay guul sanadaha soosocda weliba waa inta aduunka ka hartey ilaaheey nabad iyo horumar dhinac kasta allaha siiyo soomaaliya .
Hambalyo ayaan leeyahay dhamaan Umada Soomaliyed meelkasta oo ay kala joogaan ,nabadaan aan heysano hada ilaah hanoo saaidiyo iyo sanadguuro wacan
maa sha allah waxaan u hambalyeynaya shacabka soomaliyeed meel walba oo aay joogaaan sanad guuradi 52 ee xornimada inkastoo ay\say aheyn maalinti 1 aad ee calanka la saarey lakin waxey aheyd maalinti calanka la saarey waliba si xornimo leh maa sha allaah waxaan rajeynaya inaan ka qeyb galo sanad guurada 53 insha allah
ASC damaan walalahaye somaaliyeed.. Ha noolatoo Somaliyaa. Qaranimoo wa qali ee qabiil uuf daha.
Alla illahow dowlad caadila{alla dowladnimo qurux badana}kanaxow nafta waa
asc wr wbr mudane madaxweyne sheekh shariif sheekh axmed hanbalyo hanbalyo hanbalyo guul guul guul iyo gobanimo dhamaan intii qaranimada naf iyo maal u hurayguuleysta waligiin aamiin aamiin aamiin alahayow
masha,allah mugdisho