DAAWO SAWIRRADA:- howlgal maanta laga sameeyay dagmada Dharkeynley oo lagu soo qabtay dad
Published on January 17, 2013 by Canab · 11 Comments · 4,607 views
Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta howlgal lagu soo qabtay in ka badan 700 oo ruux ka sameeyay dagmada Dharkeynley ee gobolkan Banaadir.
Howlgalkan oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada Booliska iyo kuwa nabad sugida Qaranka ayaa waxaa laga fuliyay dagmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir waxaana intii uu socday howlgalka gacanta lagu soo dhigay dad gaara 706 qof.
Dadkii lagu soo qabtay howlgalka ayaa waxaa la isugu geeyay saldhiga dagmadaasi waxaana baaritaano lagu sameeyay lagu kala saaray kooxaha ku lugta leh maleeshiyada kooxda shabaab iyo dadka shacabka ah.
Taliyaha ciidanka Booliska gobolka Banaadir General Axmed Xasan Maalin oo la hadlay saxaafadda markii uu soo gaba gaboobay howlgalka ayaa sheegay baaritaano la sameeyay kadib in dambiyo lagu helay 84 qof kuwaas oo la xaqiijiyay in ay ku lug leeyihiin maleeshiyada kooxda shabaab halka la sii daayay 706 ruux.
Sidoo kale taliyaha ciidamada nabad sugida gobolka Banaadir Khaliif Axmed Erag ayaa shacabka ugu baaqay in ay is dajiyaan lana shaqeeyaan ciidamada amaanka si loo sugo amnigooda isagoona intaasi raaciyay in ciidamada aysan caqabad ku aheen ganacsiga dadka shacabka ah.
Ciidamada dowladda ayaa maalmahaan howlgalo joogto ah ka waday dagmooyinka gobolka Banaadir waxaa u jeedka howlgalkan uu yahay ciribtirka haraadiga maleeshiyada awoodooda la wiiqay ee shabaab.







Photo By Qadar Cali Nuur
Maamulka Galmudug ayaa sheegay iney muhiim tahay in ...
WAR DUHUR 20.05.2013
Maamulka gobolka Banaadir ayaa kala hadlay hay’adaha maashaariicda ...
Fadhigii Baarlamanka ee maanta oo lagu ansixiyay talo ...
Kulan looga hadlayay xoojinta amaanka oo uu soo ...
Warka Subax 20-05-2013
Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka gaashaandhiga Dowladda Federaalka ah ...
Dadka kunool deegaanka Beledulamiin ee gobolka Shabeelada Hoose ...
Xili magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ay ...
Kuxigeenka ra’isulwasaaraha ahna wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Fowsio ...
Qaar kamid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee kunool dalka ...
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr. ...
Wafdigan uu Hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Federaalka ah ...
Maxkamada darajada kowaad ee Gobolka Bari ayaa xukuno ...
WAR HABEEN 19.05.2013
Shirweynihii 6-aad ee xiriirka kubadda gacanta ayaa maanta ...
Howlahan qaliinka lacag la’aanta ah ee dhaqaatiirta ajaanibta ...
Agaasimaha guud ee hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda ...
Halkan hoose ayaad ka daawan kartaan khudbadii qiimaha ...
Warsaxaafadeedka Oo English ah hoos ka akhriso
Taliska ciidanka Booliska Galmudug ayaa faahfaahin ka bixiyay ...
Cutubyo ka tirsan ciidamada XDS oo tababar uga ...
Dibad bax balaaran oo looga soo horjeeday natiijadii ...
R/wasaare ku xugeen ahna wasiirka arrimaha dibadda Fowsiyo ...
Wafdigii ka socday Baarlamanka Jaamacadda Carabta oo maalmihii ...
Maamulka degmada Caabudwaaq ayaa markii ugu horeysay waxa ...
Iyadoo shalay dugsiyada waxbarsho ee kuyaala deeganada mamaulka ...
Warka Subaxnimo ee Radiomuqdisho Axad 19-05-2013
Xili uu isasoo tarayo horumarka laga gaaray amaanka ...
Kusimaha gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna kuxigeenka gudoomiyaha gobolka ...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud ...
Madaxwaynahamaamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed C/llahi Aadan Tiiceey ...
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
Shareecada Islaamku aad ayay uga dardaar warisay dhagarta ...
Dabayaaqadii 2010 ilaa bartamihii 2011-kii Soomaaliya waxaa ka ...
Maalmihii la soo dhaafay waxaan tebineynay khilaafka u ...
masha alaah waa wax lagu farxo waxaan oran lahaa ilaahey ha idin garabgalo kaqabta kuwa shacabka laynaayo haradiga shabab
Raganimo saas aa la rabaa in la qunsho dadka dadka ku dhaxdhuumaayo ee kii dembi lagu helo yowsan qarash Dowlada gelinin ee horay ha loo diro.
ssaas qeyba mar haloo aruusho ayada nafteeda waxey ka dhigan tahay isdhaxgalka dowlada iyo bulshada
walhi rafkaan funny waaye lkin dadka yaana la jir dilin dadka raafka la kulmana oo waqtigooda rafka lagu dhumiyana hal qosol oo wadaninimo ah ha iska qoslaan …… al shabaab ha sifeeyo ……….guul cxds
Asc Wr Wb Walaalyaal aniga aad ayaan ugu faraxsanahay in amaan la adkeeyo waana taagersanahay howlgalka noocaan oo kale maxaa yeelay waxaa la xaqiijinayaa amaanka lakin waxan ku talinaya in la i laaliyo musuq maasuqa iyo wxa is daba marinta qofka haduusan danbe laheyn in aan qoorta loo surin wax uusan galabsan ee waa in la siidaayaa Wabilaahi Towfiiq
Dadka lasoo qabanayo ma dad denbi geestay baa oo la tuhunsanaa meesha ay joogeyn misa ciidamada aminigu intey guryaha iska galaan ayay dhalinyarado oo dhan qabqabtaan. Mideeda kale waxaa meesha ku qoran in 706 qofood la soo qabtay, 84 lagu helay dembi oo wali la heesto 706 qofna la sii daayay. waxaan u maleynaa in dadka lasii daayay ay yihiin 706-84 = 622
Asc
Dowladda Shabaab hala dagaasho, Shacabkase ha xannaaneeyso, Doowladnimo waa shacabka iyo Is jecel, Naceeyb yeeysan meesha soo galin, Shabaabna jaanis iyo fursad yaan la siinin, Wacyigalinta xoogga hala saaro, howlah iyo wacyi galin wada socdo.
Dacaayad haddii laga sameeyo Howlgalga waa naasa beel iyo Amaan dari.
Doowladda waxaan ugu baaqaa Foojignaan, iyo Xannaano shacab.
Wey ku mahadsan yihiin cidamada waxan urajejnayaa guuuuuuuuul
Dadkaan inta la aruuriyo Ciidan qaran halaga dhigo waaba loo baahanyahay xoogoodee, laba sano kadib ciidan tayo leh baan haysanaynaa insha allah.
masha,allah walaahi aad baan ugu bagay sida cadaladu ay ku irto ee dadka loo kala sarayom iyadoo kuwa nabad didka ah gaar lo sarayo kii aan danbila ahayna lasii daynaayo tani waxay la midtahay markii wadanka ruwanda qalalasuhu ka dhacay bartamihii sagashanadkii qabki amanka magalada kigali loo sugay oo aha malinba inay cidamadu ku dagan xafad dabadeena saas lagu suuliyay dadkii qas wadayalka aha oo aakhirkii magalada kigali ay gartay tan ugu nabada badan qarada africa qofkastana lacagtiisa uu gacmaha ku qatay isagoo ka baqayn wax handadaad ah walalayal saas ku wada malinba xafada halgu dago midi xitaa halaga dhowro bal hub warkiisa daaye aad bana ubogadinayna hadanu nahay shacabka somaliyed ee nabada jecel sharafta iyo karamada umada somaliyed na saas bay ku jirata wabillahi towfiq ……
asc waxa wax lagu farxo ah in dowlada somaliyed ay amanka shacabkoda sugan si hagar la,an ah shacabka somaliyed waxa kula dar darma ineysan xuman u fahmin waxa lasugayo wa amankoda qof an danbi leheyn lama heysto xuriyadisa wa la sina waxa idin leyahay la shaqeya dowladina si an hormar u wada garno wa no wada dan nabadu