Sunday, July 13th, 2014

DAAWO SAWIRRADA:-Hormarka Ay Magaallo Xeebeedka Boosaaso Ka Sameyneyso Dhinacyada Dhismaha Iyo Ganacsiga Oo Sii Kordhaya

Published on January 21, 2013 by   ·   42 Comments  ·   37,201 views

Magaalada Boosaaso oo ah xarunta ganacsiga ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa marba marka kasii dambeeya waxaa sii kordhaya hormarka ay ka sameyneyso dhinacyada ganacsiga iyo dhismaha ayadoo hormarkaasina uu wax weyn ka bedelay muuqaalka dhanka bilicda ah ee Boosaaso.

Hormarkan dhinacyada dhismaha iyo ganacsiga ah ee kusii baahaya magaalada Boosaaso waxa uusoo bilowday mudo fog balse shantii sano ee ugu dambeysay waxa uu ahaa mid si xowli ah ku socda waxaana hormarkaasi dhanka dhismaha ah ee bilicda magaalada wax ka bedelay ugu wacan dhismayaal ballaaran oo casri ah.

Dhismayaasha magaalada lagusoo kordhiyey inkastoo goobo ganacsi uu u badan yihiin hadana dhismayaashaasi qeybta ugu ballaaran waxaa magaalada si aad uga hirgeliyey ilaa hadana uga dhisanaya Qurba joog magaalada kasoo jeeda, ganacsataba ha u badnaadaanee.

Hoteellada ayaa si aad ah ugu badan dhismayaashii ugu dambeeyey ee magaalada laga hirgeliyey kuwaasi oo qaabka muuqaalkooda uu yahay ay sabab u tahay in si fudud ay bilicda magaalada isku bedesho waloow sida Hoteellada looga dhisay magaalada si lamid ahna looga dhisayey suuqyo farabadan oo la mid ah suuqyada caalamka.

Marka laga sootago dhanka dhismaha waxaa kale oo magaalada ay sanadihii ugu dambeeyey ay si aad ah Boosaaso hormar uga sameysay dhanka ganacsiga waayo suuqyada magaalada aad ayey usii balaaranayaan maalinba maalinta ka dambeysa,dhismayaasha iyo adeegyada ganacsi ee magaalada laga hirgelinayana wey sii kordhayaan sida Carwooyinka caalamiga ah.

Boosaaso waxa ay leedahay mid ka mid ah dekedaha ugu waaweyn Dalka taasi oo shaqeysa 24ka saac waana mida fududeysay in magaaladu ay noqoto xarunta ganacsiga Puntland islamarkaana ganacsigeeda uu maalinba maalinta ka dambeysa hormar sii sameeyo,ka sokoow dekedda Boosaaso waxa kasoo dega in magaalada loo isticmaalo waxa sidoo kale wax kasoo degsada dekedda ganacsato ku dhaqan gobollo fog fog oo qaarkood ay ku jiraan gobollada Koonfureed,kuwa bartamaha iyo dalalka deriska ahna warkooda daa.

Sidoo kale magaalada Boosaaso waxey leedahay garoon diyaaradeed oo aad u ballaaran waxaana garoonkaasi oo lagu magacaabo Bender Qasim Airport waxaa isna la mid ah garoomada diyaaradaha ee gobollada dalkeenna u isticmaala diyaaradaha, maalin kastana duulimaadyo badan ayaa garoonka kasoo dega ayadoo diyaaradahaasina ay badankood dalka dib ugusoo celiyaan qurba joogta soolaabaneysa.

Boosaaso waxey ka koobantahay xaafaddo badan waloow ay xaafadaha magaalada si aad usii badanayaan maadaama ay dhismayaasha ku kordhaya ballaarinayaan waxaana magacyada xaafadaha Boosaaso ay ka koobantahay ay kala yihiin:- 1-Laanta Hawada,2-Xaafatul Carab, 3-Raf iyo Raaxo,4-New Boosaaso iyo Biyo Kulule waxaase xusid mudan iney jiraan xaafaddo dhowr ah oo xafadahaasi ka hoos sameysmay kuwaasi oo aan ka xusi karno:-Santos,tuulo Ajuuke iyo kuwo kale oo intaasi ka badan.

Dhanka waxbarashada hadii aynu milicsano magaalada Boosaaso waxey ka mid tahay xiligan magaalooyinka ugu horeeya dhanka waxbarashada Dalkeenna waayo waxaa ku yaala goobo waxbarasho oo aad ufarabadan kuwaasi oo isugu jira dugsiyo Hoose,Dhexe,Sare,Jaamacaddo iyo Macaahidyo kuwaasi oo sanad walba soo saara Arday waxbaratay oo u diyaar ah iney ka qeybqaataan hormarka Dalkooda.

Hadii aan dib u milicsano taariikh ahaan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxey ka mid tahay magaalooyinka ugu taariikhda dheer Dalkeenna waayo waxey jirtaa Qarniyaallo inkastoo magacii hore ee Boosaaso loo aqoon jirey uu ahaa Bender Qasim.

Waa hubaal inaan qormo oo kaliya kusoo koobi karin isbedellada hormarineed ee xiligan sida aadka ah uga soconaya magaallo xeebeedka Boosaaso ee xarunta gobolka Bari balse hormarkan ayaa qeyb ka ah hormar ay intabadan magaalooyinka Dalkeenna ku talaabsanayaan xiligan dhanka dhismahaba ha ugu horeeyee hormarkaas.

FG:-Sawirradan waxey qeyb ka yihiin Muuqaallo uu Radio Muqdisho ugu talagalay in shacbiga Soomaaliyeed aynu horey ugu soo bandhignay kuwaasi oo ka turjumayey bilicda iyo isbedellada hormarineed ee ka jira deegaannada,degmooyinka iyo gobollada Dalkeenna hadii uu Alle idmana naga fillo Sawirro kale oo ka hadlaya Dhulkeenna Hooyo.

Photo By:-Axmed Naasir Maxamuud

Readers Comments (42)

  1. abdullahi says:

    maasha Allah boosaaso waa fiday Alle ha usiyaadsho nabada iyo barwaaqada iyo 22kii sano haysatay Aamiin.

  2. Essien said says:

    Boosaso magalada ganacsiga somalia<3 masha llah sida ay uweynaatay waa wax ilaah laagu mahadiyo waana mahadsaniyihiin mahda Radiomuqdisho oo sawiraan nosoo gudbiyey

  3. somali says:

    maaasha allaah Bosaso cadeeeeeeeeeeeeeey

  4. haawo says:

    maa shaa alaah,waxaad dareemeeysaa danimadooda iyo kartitooda.ku xamar joogana llaha garansiiyo iney dilka iyo dhaca ay isku hayaan ay gartaan inaan dani ugu jirin.oo uu mid dangaar ah leh mar walba u diido dantii guud,

  5. abdi says:

    marka hore waxaana halkaan ka salamayaa dhamaan shaqalah radio mugdisho shaqadda ayaa uu hayna qaranka soomaaliyeed iyo shacabka maalin kasta dhibto lugu gaysto dila iyo jir dila walaalayaal ilahay ha diin xafido walaalihi ku dhinta qaraxyda ilahay ha uu naxaaristo intii dhimatay walaalayaal aniga waxaan ku soo kooray magaalda bosaaso dugsi sar kaaga baxay waqti hor ayaa iigu dambeysay run ahaantii waa rumaysan ka gari waayay sida magaalda uu weyn tahay iyo ganaasiga ka socda marka waxaan leeyahay walaal kasta lugu dilo kenya iyo south africa waxaana uu sheegay wadanka waa nabad dawoladda baa ka dhalatay qarankan baa jira hada marka waxaan leeyhay wadankiin dhist intaa kenya iyo south africa dhisaysan meelkasta oo dhul soomliyeeda ah hareysa ama bosaso ama mudisha ama jigjiga wada dhisan karta nabadna waad ugu noola karta adigoo cidna ka bayna mida kale oo aan rabo in aan usheego shacab somaaliyeed meel kasta oo ayaa joogna wadankiin idinka si ka leh idiin horumar gaarsin karaa idiin nabad idinka dhigeysa ma jirto idiinka ka dhiga karaa somalia somalia baa leh ilahay wadan nabad waarta na sii

  6. mr.galgalato says:

    ALLAHU AKBAR magaalo wayn hooyada ganacsiga iyo xadaarada gayiga somaliyed maan shaa allaah bosaso sidan u niri liljamiic xamarna waa in looo yiraahdaa xamar liljamiic benderqasim bosaso hooyada xadarada bosaso waan u xiisay walaahi afarsano ka hor ayaa iigu danbaysay radiomuqdisho waxan leeyahay idnka idaacadaha waad ka duwantihiin waayo waxad udhaxaysan shacabka somaliyed halkas ka wada dadaaala iska ilaaliya qabyaalad iyo qurun mahadsanidiin

  7. Abdinasir Mohamed Budhcad says:

    Wow. Bosaaso horumar culusbay gaadhey manshallah.

  8. abdi says:

    asc dhaman umada somaliyed websideka radiomuqdisho aad bad u mahadsantihin mesha ka haya runti wan u xisay magaladeda bosaso super markityo badan ba magalada kuso batay dubai yar bey noqotey masha alaah hadan idinku daro xafada sida xafada ridwaan xafada suweeto xafada ceeyrgabta xafada cariga xafada quduus raf iyo raaxo xafada gool ciise xafada yaa qomana lol wan kuso noqon donaa magaladedi bosaso iyo xafadedi ridwaan

  9. wadani114 says:

    maashaa allaah allaha usii kordhiyo.. bahda radio muqdisho waad mahadsan tihiin waxaan idinka filnaaba waa magaalo walba oo dalka ah inaad sidaan oo kale noogu soo gudbisaan..

  10. AA wadani says:

    Masha alah aniga muqdisha ku dhsashey kuna korey laakiin boosaaso caadi maaaaaha maalint aa inta tago aaa shaah ku dhex cabaaaa agagaarka badda

  11. jalteey says:

    asc reer puntiland waa dad nimco casto ay helaan aan alxamdulilaahi aqoon laakiin ilaah waxooda hatuso iimaan kana allah hagalsho amiin amiin asc

  12. sidow says:

    marka hore salaan diirran dhammaan shaqaalaha Radio Muqdisho waxaan cidna daah ka saarnayn inaad tihiin halgamayaasha habeen iyo maalin u taagan soo celintii sharafka ummada soomaaliyeed iyo dib u dhiska waddankeena. waxaa maantay dagaalka adduunka ugu muhiimsan waa warbaahinta, halkaa ka wada shaqada aad haysaan. Sawirrada lagasoo qaadayo magaalooyinka soomaaliya ee horumaray waxay dadka tusinayaan in kaliya nabad iyo maamul horay loogu socon karo, waa wacyi galin ka awood badan eray kasta oo la yiraahdo. reer Boosaaso waxaan leenahay waan idinkaga dayanaynaa waxa aad qabsateen ee horay u wada

  13. xiriir-state says:

    mansh alah bossaso very beautiful outskirt waa meel habaysan oo somali oo dhami ka xamaalato ama ka shaqaysato ilahay hanoo wada daayee

  14. WiilPuntland says:

    Bismilaah. Aaad iyo aad baad u mahadsan tihiin bahda warbaahinta qaranka soomaliyeed waxaana idiin qirayaa in aad tihiin wadaniyiin dhab ah oo jecel horumarka dalka. Boosaaso waa magaalo somaliyeed waana caasimadda ganacsigga Puntland oo klaiya maahee Soomaliya oo dhan waa hooyadii nuujisay Soomali markii ay xidhan tahay dekedaha kale ee dalka. Boosaaso waxaan leeyahay waxan noqon doontaa inshaallah 5 sano ee soo socota rugta ganacsigga geeska afrika. Shacabka ku nool magaladda waxaan ka codsanayaa in ay nabadgalyadda ka shaqeeyaan ayna iska qabtaan wadaad ku sheeg burbur raba ayna markasta la shaqeeyaan maamulkooda. Nabaddu waa nolol horumarkuna waa nabad. gayiga somali oo dhan waxaan la jeclahay wanaag iyo horumar xamar oo ah caasimadda dalkana waxaay u rajaynayaa horumar in ay gaarto wayna muuqataa mar dhowna way la soo noqon doontaa bilicdii lagu yaqaanay.

  15. Xarago says:

    Quruxdaa iyo bilicdaa magalada Bosaaso waa wax eey Somaliya ku fanto, nabada iyo kala danbeynta ka jiirta ILLAH haa nii siyadiiyo, guuleesta horemar garaa.

  16. abdalla yusuf says:

    Masha’alah somaliya horumar ayay gaartay viva somalia

  17. Maasha’llaah

    Radio Muqdisho aad ayaad u mahadsantihiin, run ahaantii Bosaaso ma moodayn inay sidaan u cammirantahay. waa cashar mudan in laga faaiidayso, oo ummadda soomaaliyeed ay ku dayato, lana barto in waddanka la camiro, intii Islii iyo meel daran xoolaha laga buuxin lahaa.

    barnaamijka ay radio muqdisho, nagu kala barayaan waddanka aad ayaan u xiiseeyaa, waxaan ka codsanayaa maamulka web site-ka inay page-ka qeybtiisa dambe ay soo geliyeen links-kii magaalooyinkii hore, si marka qofku uu kan cusub arko uu kuwii horena u milicsan karo.

    Ilahay ha xafido umadda soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto

  18. maa sha allaah wllh meeshaan caadi ma ahan

  19. xudeyfa sly says:

    Waxa wax laga xumadi tahy. Dadka qaar weli inay ku jirto cadifad qabil hady bosaso muqdisho hargeysa baydhabo kismayo dhaman gobolada hormaarkoda wan kuwada farxeynaa lkn ma ahn inan dhahno magalo hbel weli way dambeyan bosaso masha allah way qurx bdnth thanks bahda qaranka

  20. cabdullahi says:

    kuleelkeda sawirka aa ka daremoya laakin waxa u malaysa in ay ka badbaaday dagaaladi sokeeyay laakin saas ay tahay meel muqdisho ka fiican somali ma jirto waa hooyadii soomaliya muqdisho waa ku faraxsanahy marakan tago in aan hotel aanan ka ijaaranynin oo gurih´geyga toos u aadayo alxamdulilaah

  21. jubbagirl says:

    masha allah saan iyo sikafiiican

  22. mr garoowe says:

    mansha alah waa wax lagu farxo horumarka ka muuqda boosaaso waa hooyada horumarka , boosaaso waa hooyo dhab ah waa magaalo aan la,aanteed puntland horumar garteen waa magaalo mudan in la horuriyo laga dhiso dhanka kabayaasha mahan kaliya magaala dhaqaalaha intii laga qaado inaan waxba dib loogu celin wadooyinka , dekada iyo airportka waa in sanadkasta lasii dhisaa …intaas kadib midnimadu waa muqas somaliweyn waa muqadas labataabtan ah halaga shaqeeyo isukeenida somalidii kala irdhoowday xiligii adkaa viva somalia viva puntland viva boosaaso hoooyada horumarka

  23. maxamed says:

    ascwrwb marka hure waxaan ka salamaya dhamaan shaqalaaha radiomuqdhisho waxaan idiku mahadcalinaa sidaad u soo bandhigataan wax somaliya hada ka jiro waana ku faraxsanhay sadeey hurmarka un gareen uamada somaliyeed ku nool bossaaso marka aniga waxaan niiga codsanaa inaad noqtaan dad umada somaliyeed u shaqeeyo oo wanaaga iyo hurmarka soo bandhigaan meelksato oo somalada wax ku qabsato waxaan idin rajaeeyna aqeeyr iyo guul aniga waxan jogaa wadanka finland

  24. bashir says:

    waa arin lagu farxo oo waxan ku nolahay
    wadanka spaian oo an daremo cunsiriyad xaga shacabka oo iyo xaga dowladaba o wax ku qawanen marka alaha no badiyo nawada si aan u so noqdo o aan wadankega ku dhameysto nolol farxadle iyo renren amiin alaha nobadiyo amanka amiian ya alah

    • bashir says:

      waa ialahay mahadis oo waa mid aan ku faraxiyo walahi nolashan iftinosa waxa mahadle alah waxan ku nolahay spaian oo waxan darema ceeshonoyo o shacabka ku caynaya ku dhahaya dayerka madow

  25. masha alaah Bosaso waan maqli jiray Bosaaso in ay tahay magaalo weyn oo quruxbadan balse walaahi sidaan in ay tahay ma umaleyn jirin hada waxaa ii muuqda magaalo aad ucamiran oo ganacsi xoogan yaalo aadna u horomartay gobalada waqooyi bari iyo waqooyi galbeed aad ayay uhorumareen gaar ahaan Bosaaso iyo hargeisa

    Bosaaso hada caasumada 3aad ayay meel cidla ah ka qaatay iyo wixii loogu daro waxaana kula talin lahaa dawlada Somalia in bosaaso loo aqoonsado caasumada 3aad ee Somalia maadama kismaayo aad ugu weyntahay ugana horumartay waxaan ku hanblyeynayaa reer Bosaaso halkaas kasii wada dadaalka waan maqlay wax badan in dadka reer bosaaso yahin dad ku wanaagsan soo dhoweynta waxaana filaya waa sababta magaladan oo hore ujirin ay maanta u noqotay magalada ugu weyn somalia marka< xamar laga reebo iyo haregysa waxaan leeyahya somalida meel kasta oo ay joogan hala dhisto wadanka hala dhiso hargeysa muqdisho caasumada Somalia bosaaso oo aan oran lahaa caasumada 3aad kismaayo baydhabo janaay galkacayo burco jawhar garoowe galkacayo dhuusamreeb bu,aale xudun boorama iyo dhamaan magalooyinka somaliyeed viva somalia ilaah dawladeena hanoo siyaadiyo somaliyeey qabiilka inga dhaafa dalkeena aan dhisano

    • Ahmed Kismaayo says:

      Uma malaynayo Bossaso in ay ka yartahay Hargeysa hadaysan Bossaso dad badnayn Daraasaadka UN-ta ka sameysay baadka garan kartaa, Bosaso maanta wax yar ka weyn Magaalada Mogadisho ama weyba isla eg yihiin xiligaan dadka ku nool hadii la isla tirsho si cadaalad ah

  26. daud says:

    maashaa allah bosaaso 2sano ka hor ayaa iigu dameysay hadnaa saroo badan oo aan garan waayey iyo wadooyin ayaa iiga muuqday taasina waxay cadeynaysaa hormarkeedu inuusan is taagay ee horay u socdo waxa waxaas keenayna waa nabada iyo sistemka yar ee la harsanaayoo ee puntland ka jira waxaan leeyahay dhamaan dadka somaaliyed isga dayda wanaaga iyo houmarka kuna tartama saro dhaardheer io laamiyo tartan noocaasa waa inuu magaalooyinka ka dhacaa shahaado sharaf na waa işn lagudoonsiiyaa magaalada number one gasha sanad walba si loo dhiri galiyo radio muqdisho waa u mahad celinaayaa 100% dadka dubai south afric ganacsiga ka furanaaya waxaan leeyahy dhul aadan lahyn kuma laha wadankuna badankiis waa amni ka furta ganacsiga dhulşkiina hooyo hadii kale sida naiobi ka socota ayaa maalin laydan soo raafayaa idinkoo gaacsigiinu laba dhacaayo please wadniyad hala muujiyo kuna cibra qaata waxa nairobi ka socda thanks all

  27. wadiniga says:

    UGU HOREYN HALKAN WAXAN KASALAMAYA DHAMANN UMADA SOMALIYED EE MUSLIMINTA OO KUKALA NOL DUNIDA DAFAHEDA IYO DACALADEDA IYO KUWA QAS AHAN KUNOL MAGALADA BOOSASO OO AN MANTAY MARTI UHANAY WAYO MALINWALBA RADIO MUQDISHO MAGALAY NAGU CASUMTA MANTANA BANDARQASIM AYAN KUCASUMANAHAY.

    SIDO KALE HALKAN WAXAN SALAN DIRAN UGA DIRA BAHDA IYO IYO WERIYASHA WADANIGA OO UDHAXEYA BULSHADA SOMALIWEYN GEBI AHAN WAXAN INI LEYAHAY SALANTA MUSLIMKA AYAN INKU SALAMAY ASC KEDIBNA SALANTA QARAN KA AYAN INII SARAY JAALAYAL.

    Salan kadib dhabti dalka horumar ayu kutalabsaday matnayan san ujedno hormarka ay sameysay bosaaso mid indhaha laga qarsankaro mahan dhabti radio muqdisho wan inii mahad naqeyna wayo magaloyinka dalka oo idil ayad sifudud nogu casumtan naguna tustan horurmarka ay garen halka kasiwada anakana somaliweyn hadanahay qabyalad iy oqurun deynay sidey dowlada ucusubtahay dasturku ucusubyahay madaxdu ucusubtahay ayan fila inqulubtena an safi kadhigno una cusboneysino

    thnks radiomuqdisho hooyada warbahinta dalka iyo dibada

  28. wadiniga says:

    HASINANTO DUNIDUBANU LENAHAY
    YAALAKALA SAREYNINBANU LENAHAY

    SOMALIWEYNE GACMAHA ISQABSADA
    HAL ABA KAWADA FARCANTENE
    ADUNKA DAD ISKU AF IYODHAQAN IYO ISKU DINA AYA DANTODA KAWADA SHAQEYA ANAKA HAL AB AYANBA NAHAY

  29. honafrik says:

    ilaah hanoo saa idiyo

  30. Isticmaar Afcase says:

    MASHA ALLAAAAAH BENDERQASIM ILAHOW NOO DAA WA MAGALADA AAN SOMALIA UGUJECLAHAY WAX BADAN AYAN LADAMACSANAHAY OO HORUMARA INSHAA ALLAAH.

  31. LADAN says:

    MAASHLAAAH QURUX ILAAH HADAAYO WADANKEENA QAALIGAA AADBAAN UGU FARXAA QURUXDA IYO QIIMAHA BOOSAASO ALL GOBALADEENA WAXAAN U RAJEEYNAEYYENAA QURUX WANAAGSAN IYO HORMAR

  32. mohamed Hasaan says:

    Waxaan aad ugu mahadcelinayaa shaqaalaha radio mugadisho waxaana madaxda Dowlada ka codsanaynaa hadaanahay dhalinta somaliyed in shaqalaha Radiya iyo TV ga Qaranka in la dalacsiiyo abaalmarinan la siiyo waayo maanta si hagarla’aan ah ayay u gu adeegayaan umada .

  33. somali love says:

    maasha allah aad iyo aad ayaan ugufarxanhy
    horumarka ku soo biiray gaar aahan magaalada boosaaso ee xaruunta g/ barre waxaan ahay nin ka soo jeeda reer puntland gaar ahaan magalada garoowe ee xarunta nugaal

  34. Daadir says:

    magaladan somalia kumataal ee run halasheego, anagaad magaloyinkii carabta nooso sawirteen lakin hadeey sax tahay waa wax soomali kufaani doonto allaha usiyaadiyo barwaaqada kamuuqata.

  35. shukri says:

    ascw waxana leeyahay guul dadka boosaso hasiiwadeen dhismaha dadka reer muqdishoow ku daysada wallaalihiina mida kaloona idiin sheegi dhiiga iyo dulmiga haleyska daayo ascw

  36. abshir says:

    mahadsanidin Radiyo Muqdisho sida wadaninimadu ku jirto e aad Somaliya oo idil uga soo warantaan aadna qalbiga nooga soo ridaan markaad na tustaan dhulkii aan ku dhalanay iyo cimiladiisa quruxda badan ee Ilaahay ku manaystay nooc kastaba ha ahatee.

  37. yuusuf says:

    asc walaahi waa wax lagu farxo una baahan kudayasho maxa yeelay waxii wanaagsan waa fiicantahay inlagu daydo calakulixaal viiva somalia meel walbo ka dhismato aan leeyahay

  38. ina abti says:

    maasha allah boosaaso ilaahow nabad galyada ay heestaan u siyaadi soomaali inteeda kalana nabad usoo daji somaliya oo dhan meel kasta ooy tahay

  39. ugaaska says:

    masha alaah ilahay ha usiyaadiyo meelkasta ow degto soomaliyda sidaana aya loo bahan yahay masha alaah

  40. jaamac says:

    haaye waa meel qadiim ah boosaaso
    lama odhan karo waa ay horu martay




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Toos U Dhageyso Radio Muqdisho

Wararka

astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiyomuqdisho.so/wp-content/uploads/2014/07/WARKA-DUHUR-13.7.2014.mp3"][/audio]
astaanta_qaranka11 ok

Wasaaradda Haweenka oo siminaar ku saabsan ka hortagga xadgudubyada u furtay dhalinyaro

Wasaarada Haweenka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta tababar ...
DSCF2231_1

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Siminaar u furay 17ka Guddoomiye Degmo ee Gobolka Benaadir “SAWIRRO”

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdullaahi Goodax ...
RIDWAAN

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo ka warbixiyay kulan uu la qaatay Madaxda Burundi “Dhageyso”

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Awqaafta iyo Diinta ...
daacish

Daawo Muuqaalka Qabrigii Nabi Yonis Oo Kooxda Daacish Burburineyso

Muuqaalka Qabrigii Nabi Yuunis (CS), ee magaalada Mosel ...
gurfan

Shaqsi U Dhashay Mareykanka Oo Qirtay Inuu Dhaqaale Ku Taageeray Al-Shabaab

Muwaadin u dhashay dalka Maraykanka, asalkiisuna yahay Hindi ...
ciidanka

Ciidanka XDS Oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Gobolka Baay

Cutubyo ka tirsan ciidammada dowladda federaalka ah ee ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Subax Ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiyomuqdisho.so/wp-content/uploads/2014/07/WAR-SUBAX-I-13-7-2014.mp3"][/audio]
Tartan Cilmiyeedka

Tartamayaasha Degmada Cadale oo Caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka “Dhageyso”

Tartamayaasha degmooyinka Kaxda VS Cadale oo ka kala ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12511

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
Kulan amni gobolka

Maamulka Gobolka Benaadir oo ka shiray arrimaha amniga iyo nadaafadda

Kulanka toddobaadlaha ee Maamulka Gobolka Banaadir oo maanta ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiyomuqdisho.so/wp-content/uploads/2014/07/WAR-HABEEN-12-07-2014.mp3"][/audio]
sawirka xoghayaha guud ee Golaha Shacabka

“Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Malahan Bogagga Facebook Iyo Twitter Waa Been Abuur” VIDEO

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxa uu si rasmi ah ...
Kulanka Haweenka

30 haween Soomaaliyeed ah oo loo qabtay siminaar

Siminaar lagu baranayo kala dheereynta dhalmada Ilmaha iyo ...
beyle 2

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo casuumaad ka helay dhiggiisa Spain

Wasiirka arrimaha dibedda iyo dhiirigelinta Maalgeshiga ee Xukuumadda ...
Wasiir ku-xigenka

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta oo ka warbixiyay siminaar lagu qabtay dalka Ghana

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiyomuqdisho.so/wp-content/uploads/2014/07/WARKA-DUHUR-12.7.2014.mp3"][/audio]
Ciidamada-AMISOM-iyo-Dowladda1-400x230

Ciidamada dowladda oo badbaadiyay Markab soo caariyay iyo shaqaale saarnaa

Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa soo bandhigay ...
ereg

Wasiirka Amniga Qaranka oo xilkiisa si rami ah ula wareegay

Munaasabad uu xilka kula wareegayay Wasiirka cusub ee ...
Wargeyska-Dalka-Astaan

Akhriso Wargeyska Dalka Caddadkiisii Todobaadkan

Akhristayaasheenna sharafta leh waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa ...
P1410641

Danjiraha Turkiga u Fadhiya Muqdisho oo Sagootin loo Sameeyay-SAWIRRO

Xaflad lagu qabtay Hotel Jazeera oo ay soo ...
dhuxulow

Waxqabadka Dowladda ee Usbuucii la soo dhaafay.

 Mogadishu, 12 July 2014 – Wasiirka Warfaafinta Mudane ...
2

Deegaanka Garasbintow Oo Laga Hirgalinayo Adeegyo Caafimaad Iyo Waxbarasho “Sawirro”

Deegaanka Garasbintow oo hoos yimaada degmad Balcad ee gobolka Shabellada ...
gaalkacyo-11

Kulan Lagu Tageerayay Isbedelka Dowladda Ay Ku Sameysay Hogaanka Hey’adaha Ammaanka Oo Gaalkacyo Lagu Qabtay

Kulankani lagu taageerayay isbedelka Dowladda Soomaaliya ay ku ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiyomuqdisho.so/wp-content/uploads/2014/07/WAR-SUBAX-12-7-2014.mp3"][/audio]
Tartan Cilmiyeedka

Guuleystayaashii ugu dambeeyay ee Tartan Cilmiyeedka sanadkii tegay oo caawa laga adkaaday “Dhageyso”

Tartamayaasha degmooyinka Dayniile VS Dharkeenleey oo ka wada ...
tgy

Ambassador Cali Ameriko oo Deeq Lacageed Gudoonsiiyay Muxiyidiin Canbar Khamiis “SAWIRRO”

Safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiyomuqdisho.so/wp-content/uploads/2014/07/WAR-HABEEN-11.07.2014.mp3"][/audio]
1

Olole wax lagu barayo dadka miyiga oo ka socda deegaano ka tirsan Ximan iyo Xeeb “SAWIRRO”

Ololaha akhris iyo qoris la'aanta looga hortagayo ee ...
dhuusamareeb

Maamulka Degmada Dhuusamareeb oo amar adag ka soo saaray gaadiidka Muraayadaha madow

Mas’uuliyiinta degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa amarro ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiyomuqdisho.so/wp-content/uploads/2014/07/WARKA-DUHUR-11.07.2014.mp3"][/audio]
vlcsnap-2014-07-11-15h31m04s209

Qoysas barakacayaal ah oo la sameeyay adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ah

In ka badan 200 oo qoys barakacayaal ah ...
Taraafiko

Taliska Ciidanka Waddooyinka oo baaq u jeediyay ganacsatada gaadiidka iibisa

Taliska ciidamada nabad gelyada wadooyinka ee Taraafikada  ayaa  ...
IGAD_logo1-300x3001

Urur Goboleedka IGAD oo hay’adaha ammaanka dalka ku amaanay ka hortagga falalka argagixiso

Urur goboleedka IGAD ayaa bayaan ay soo saareen ...

Tubta Toosan

TubtaToosan Logo

Ramadaanku waa Fursad Cibaado iyo Towbad Keen-DHAGEYSO

Waxaan ku jirnaa bisha barakeysan ee Ramadaan oo ...
July

Islaamka iyo Waddaniyadda

Iyadoo loo dabbaaldegayo maalintii xorriyadda iyo Qarannimada Soomaaliya, ...
qarax-miino

AKhlaaqda Dagaalka iyo Diinta Islaamka

Diinteenna Islaamku waxay diiradda saartay nabadda, Erayga Islaam ...